Abdifatah Abdikarim

Abdifatah Abdikarim DADKAGA DHINAC KARAAC midnimadeenu waa jiritaankeena

07/04/2024
08/06/2023

Waraabe yar ayaa lagu yidhi “Hooyadaa waa sakaraad oo dhimasho ayey qarka u saaran tahay.”
Halkii wax kale laga eegayey ayuun buu yidhi “Hadday dhimato waa cuni.!!!” 🤦‍♂️
Mid kale ayaa ku yidhi “Wedka waynu u simanahaye inay iska bogsataana waa suuragal.” Si fudud ayuun buu haddana u yidhi “Hadday bogsatana waan Jiqi” 🤷‍♂️

Ujeedada hadad fahantay fahantay haddii aadan fahmina yeelkadaa 😁

Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw mar...
29/04/2023

Waxay uga tagi jirtay ilmaheda yar Eey daacad u ah xiliyada ay goobaha dhaw aadayso, sida jimicsiga iyo goobaha dhaw marka ay kasoo dukaamaysanayso.

Maalin maalmaha kamid ah ayay aaday suuqa, oo ay Eygii uga tagtay canugeda yar, waxayna soo laabagay qolkii oo wada dhiig ah, markiiba waxay raadisay cunugii oo waxay aragtay dharkiisii oo jar jaran, xafaayadiisii oo meel gaar ah taal iyadoo dhiigu qariyay.

Dubra waxaa sariirta hoosteeda kasoo baxay Egyii oo markaas soo dhameestay cunista hilib fresh ah, taas oo aad moodo inuu aad ugu soo raaxeestay, waxay markiiba qaadatay ul' wayn oo waxay nafta ka jartay Eygii mudada daacada u'ahaa!!!

Iyadoo isleh ilmahaagii bal cad kamid ah inuu reebay eeg, ayay sariirta dhankeeda kale ku aragtay cunugeedii oo qaawan, dhoolla cadaynaya misna caafimaad qaba, iyo raqda Mas wayn oo halkaa lagu cunay, Eygii ay dishay ee daacada u ahaa ayaa badbaadiyay ilmaheda yar, kaas oo ladagaalamay Mas nuuca Jabisada loo yaqaan, oo uu halkaas Eygii ku dilay, kuna cunay qaar kamid ah Maskii☠️

Bal qiyaas sidaan dadka qaar u xukumno innagoo waxba hubsan, oo aan ku eedeeno wax aysan sameen. FADLAN HUBSO INTAADAN RUUX AMA XAWAYAAN DANBI DUSHA KA SAARIN.

27/04/2023

Qofkii nabigeena‎ scw ku saliyaaa asaga illahay ayaa 10 jeer u naxariisanaya Allahu Akbar walal ku sali nabigeen saliga Nabiga(scw) ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ ‎ﷺ

.xussaian ali Jabouti

Internet Ka Iyo Dhibkuu ii gaystay'1: Markasta Oon Internetka Furto Inaan Ka Mashquulayo Cibaadada Alle sune Iyo waajiba...
22/04/2023

Internet Ka Iyo Dhibkuu ii gaystay'

1: Markasta Oon Internetka Furto Inaan Ka Mashquulayo Cibaadada Alle sune Iyo waajiba.

2: Mararka qaar waxaan is arkaa markaan Ku Jiro dhawr saac Inaan galayo Xaalad muruga Oo aanan Garan meelay iiga timid.

3: Inaan Naftayda la Barbar Dhigo(tartansiin) dadka kale Hal kaana Aan Ka galo Naf Ka shaki.

4: Xidhiidka Aan Familkayga La leeyahay oo yaraaday ilaa heer an gaaray inaanan kawar qabin waxay Ku sugan yihiin.

5: Mida ugu daran waxay Tahay intaan mobile ka gacanta Ku hayo aanan kitaabka iidhow Laaci Karin😥

.g Laga yaabo Inaad Leedahay Faa"iido Badan Buu Lee Yahay. Sax Midaan Ogow Wll Qorigu🔫(Xabadu) Faa"iido ayay Leedahay Oo cadowga ayaa lays kaga dufaaca Lkn sababta Loo Sameeyay Waa in Naf Lagu dilo.

Muxuu yahay dhibka ugu weyn Ee internetku Kugu hayo adiga?

Waad Ku Mahadsan Tahay Akhriskaaga ❤️📚❤️
Y

Magaceygu waa Nastexo Axmad waxan jiraa 22 sano Sanadkan ayan gali rabaa 22 hadii aan nolol  Ku garo waxan kugu dhaariya...
20/04/2023

Magaceygu waa Nastexo Axmad waxan jiraa 22 sano Sanadkan ayan gali rabaa 22 hadii aan nolol Ku garo waxan kugu dhaariyaay Allaah xanuunada keena dadkana ka.cafiya waxan fariinteyda kaga dhigay mid qoortaada gashan oo aamaano Kugu ah sacadan eey ku soo gaartay laga bilabo ila Qiyamaha ka dhaco markad furto fariintan ilaah baan kugu dharshaye sii faafi waxaan jooga wadanka india waxa lega helay cudurka dilaga ah EE cansarka😭.

Daawo kasta wa isticmalay an ka aheen dawada ducadinaa oon manta soo doontay xaaladada alleh ha hagajiiyo towxiidkana allah ha kugu dilo janadana booskaga allaah hakaga dhigo mantaa hadad ducadiina iigu kala harin wana soo shegi doonaa hadba heerku uu igu gaaro xanuunkan ihayo Haadan dhintana cafis iyo masamax iyo naxariis raabi ISO weeydiya dhamaantina allaah ha idin jeclaado hadaad naxriis ledahay si walalaha Muslimiinta ah igu duceyaan sii faafi fariinteyda wall aduunka wax Les kuya hay isoo duceey 😭😭fariinteyda sii🙏 faafi wall Allaah kaa dhigo kaan✍️ codsigeyga gudbiya

Rikoodh Taarikhi ah.Muslimiin kabadan 2.7 milyan oo qof ayaa habeenkii 27-ka bisha barakaysan ee Ramadan ku tukaday Masa...
20/04/2023

Rikoodh Taarikhi ah.

Muslimiin kabadan 2.7 milyan oo qof ayaa habeenkii 27-ka bisha barakaysan ee Ramadan ku tukaday Masaajidka Xaramka.

Tani ayaa noqotey rikoodh Taarikhi oo la diwaangaliyay.

Dadoow ka baqa maalin aysan waxba u tarayn kii maal lahaa maalkiisu, kii ubad lahaa ubadkiisu, Kii xoog lahaa xoogiisu, ...
20/04/2023

Dadoow ka baqa maalin aysan waxba u tarayn
kii maal lahaa maalkiisu,
kii ubad lahaa ubadkiisu,
Kii xoog lahaa xoogiisu,
kii xarragoon jiray xarragadiisu,
kii maamul hayay maamulkiisu,
kii awood iyo ciidan haystay ciidankiisu,
kii laandheere iyo ree hebalnimo ku faani jiray midna aanu waxba kuu qaban doonin

Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi q...
20/04/2023

Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi qof kale ayaa qabanaya xoolahaagi dad kale ayaa dhaxlaya, waxba yaanay ku dagin xoolahaaga, tolkaaga, ubadkaagu iyo Teetalkaagu.

Maxaa ka liita aduunyadaan! Maxaase ka weyn waxa soo socda! Qofkaaga iminka noolow marka aad dhimato saddex qof ayaa kaa murugoonaya:

1- Dadkii dusha kaa yaqaanay waxay oran doonaan ”maskiinka Allaha u naxariisto”

2- Saaxiibadaa dhowr maalmood ayay kaa murugoon doonaan kadib sheekadoodi ayey iskaga noqon doonaan iyo qosolkoodi.

3- Murugada ugu weyni waa qoyskaaaga waxay kuu murugoon doonaan toddobaad, laba toddobaad, bil ama sanad dhan laakiin aakhirka way iska kaa ilaawi doonaan oo xasuustooda waad ka hari doontaa.

Qisadii aduunyo sidaas ayay ku dhammaatay, waxaana bilaabanaysa qisadii dhabta aheyd waana aakhiro.

Quruxdaadi iyo dadkaagiba waad is nabad galyayseen😭waxaa kugu soo hadhi oo keliya waa camalkaagi.

Su’aashu waxay tahay maxaa u diyaarsatay nolosha xaqiiqda ah ee kugu soo wajahan ?
Runtii waa arin u bahaan in wax laga qaato Saalada faralka ah ku dedaal, sunnayaasha iyo sadaqada qarsoon, camal wanaagsan, salaatu leylka iyo akhlaaqda wanaagsan laga yaabe kuwaas iney ku badbaadiyaan.

Waanadu waxay anfacee mu’miniinta ee waani dadka. Sii Faafi oo walaalaha gaarsii si qofkii wax ku qaata aad uga heshid.

Alle wadada xaqa ah hanagu sugo, hanoo naxariisto, hanoo dembi-dhaafo. Rabbi dunida fitnooyinkeeda hana hareer mariyo.

Dhamaystay Ku Sali Nabiga Scw Scw Siinafaafi

Apdifatah Xaji Abdulkarim Qalinle

20/04/2023

CIIDA IYO JIMCUHU HADAY KULMAAN
SALAADA JIMCAHA AMA SALAADA DUHUR MA IGU WAA JIBAYSAA

20/04/2023

Haday isku sooo Beegmaan maalin jimce ah iyo maalin ciid ah maxan la samayn

19/04/2023

Qofkii nabigeena scw ku saliyaaa asiga illahay ayaa 10 jeer u naxariisanaya Allahu Akbar walal ku sali nabigeen saliga Nabiga(scw) sh.xussaian ali Jabouti

💚Leylatul qadri kheyrun min alfi (1000) shahr.Yacni haddaa tahajud dukato habeenkaa waxaa  heleysaa ajarka 84 sano oo ta...
18/04/2023

💚Leylatul qadri kheyrun min alfi (1000) shahr.

Yacni haddaa tahajud dukato habeenkaa waxaa heleysaa ajarka 84 sano oo tahajud ah!
💚🌿
Haddaa istiqfaarsato waxaa heleysaa ajarka 84 sano oo istiqfaar ah!
💚🌿
Haddaa nabiga ku salliso 1000 jeer waxaa heleysaa ajarka 84 sano oo 1000 jeer ku saliyay nabiga scw!
💚🌿
Haddaa duceysato ood alle barido waa sida adigoo 84 sano Alle baryayay!
💚🌿

☘Ma ogtahay in leylatul qadri loogu magac daray maadaama ay qadarta badaleyso oy wax badan noloshaada ka badaleyso.

Ilaahoow naga yeel kuwaa waafajisay habeenka leylatul qadri ood ayaga iyo waalidiintooda iyo walaalahooda ka aqbashay acmaasha wanaagsan kana xoreysa naarta 🤲😭😭😭 yaa rabbi 🤲🤲🤲

18/04/2023

AXkAAMTA ZAKAATUL FIDRIGA.

1-Zakaatul-fidrigu waa waajib laga doonayo qof kasta oo mislim ah, yar iyo weyn, rag iyo dumar.

2-Waxa ay ku waajibtay qof kasta oo soo gaaray maalinka ramadaanka udambeysa, oo uu gabbalku u dhacay, soona gaarey habeenka ciidda.

3-Waxa ay ku waajibtay qof kasta oo haysta wax dheeri ka ah, quudkiisa maalinka ciidda ah iyo habeenkeeda.

4-Qofka waxa uu ka bixinayaa qof kasta oo uu waajib ku yahay Biilkiisa (masruufkiisa) sida Xaaskiisa, Caruurtiisa, Waalidkiis..

5-Waxa uu bixinayaa raashinka laga quuto inta badan magaalada uu joogo.

6-inta la bixinaayo waa (SAAC) oo u dhigma
-Bariis: 2.5kg-3kg ( Labo kiilo iyo bar ilaa saddex kiilo)
-Bur: 2kg-2.4kg(labo kiilo ilaa labo kiilo iyo bar 100-Dhiman.

-Hadii qofku intaas ka badan uu bixiyo, sadaqo ayay u noqoneysaa.

7-Lacag luguma bixin karo, kumana ansaxeyso.

8-Waqtiga labixinayo waa laga bilaabo habeenka Ciidda la tukanayo, ilaa salaadda Ciidda laga aadayo.

-Qofkii salaadda kadib bixiyaa waa u sadaqo ee k**a gudmin, qof cudurdaar heysta mooyee.

9-Waxaa bannaan laba cisho kahor inla bixiyo.

10-Waxaa la siinayaa masaakiinta oo kaliya.

11- Qof aan Salaadda tukan lama siin karo.

12-Waxaa bannaan dad badan Zakadooda in hal qof la wada siiyo.

Ilaahey hana waafajiyo wixii uu jecelyahey.

MASKAXDA Maskaxda Dadka miisaanka culayskeedu waa 1200-1400grams (2kg oo rubuc la') laakiin culayska intaas le'eg in uu ...
17/04/2023

MASKAXDA

Maskaxda Dadka miisaanka culayskeedu waa 1200-1400grams (2kg oo rubuc la') laakiin culayska intaas le'eg in uu madaxaaga kor saaranyahay marnaba ma dareentid sababtu waa maxay?

Sababtu waxa weeyi Ilaahay Subxaana wa tacaalaa wuxu ugu talagalay in maskaxdu dul fadhido dareerahaas sawirka kaaga muuqda kaas oo miisaanka badan ee maskaxda kaa kala yaraynaya islamarkaana kuu suuragalinaya in aad dareentid culays dhan 50gram oo keliya.

Hadaba kolka qofku uu sujuudayo, marna kor u toosayo, marna sujuudayo dareerahani wuxu bilaabaa in uu maskaxda qaboojiyo isaga oo marka aad sujuudidna kor u gororaya oo maskaxda dul maraya marka aad kor u toostidna hoos u gororaya,

waana sababta markasta oo aad tukatid kadib aad u dareentid nafis iyo degenaan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.Waxaan ehelka, qaraabada iyo saaxiibbada Marxuumka, uga tacsiyaynayaa geerida k...
18/08/2022

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan ehelka, qaraabada iyo saaxiibbada Marxuumka, uga tacsiyaynayaa geerida ku timi Alle ha u naxariistee, abwaankii weynaa ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa hormuudka abwaannada Soomaaliyeed, isaga oo door weyn kasoo qaatay horumarinta suugaanta iyo afka, wacyigelinta bulshada iyo nabadaynta dadka Soomaaliyeed. Waxaan Allaah uga baryayaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo ehelkii iyo asxaabtii uu ka geeriyooday Marxuumku.

KAFAA IIDAYSI WACAN WALAALAHAYGA MUSLINKA AHOOW  1 Sano oo tagtey Danbigeeda ayaa lagu dhaafaa soonka malin-ka CASHUURAA...
07/08/2022

KAFAA IIDAYSI WACAN WALAALAHAYGA MUSLINKA AHOOW

1 Sano oo tagtey Danbigeeda ayaa lagu dhaafaa soonka malin-ka CASHUURAA Kuna beegan isniinta 08/08/2022 ,

waxaa kaloo la sunneeyaa in laga hormarsho maalin-ka caashuuraa ( Maalin-ka 10aad ee bisha Muxaram - zako - ) soonka maalinta 9-aad oo ku beegan Axada 07/08/2022 ; waana sida Nabiga (ﷺ) uu jeclaay inuu sameeyo asagoo ku khilaafaayo Yahuuda.

F.G : si guud Ahaaneed soonka bisha Muxaram (zako) Aad ayuu u-fadli badan yahay; Dadkii wanaagsanaa (Al-salafu Saalix) waxey Weyney jireen 10-ka ugu horeysa bishaan Muxaram (zako) ...

Nabiga (ﷺ) yiri : "soon la soomo Ramadaan kadib waxaa u-fadli badan Soon-ka bisha Muxaram (zako)"رواه مسلم

Khayre sii faafi oo sharee gare

إنا لله وإنا إليه راجعون Alle ha u naxariisto  Sheikh Adan  Maxamuud Xiiray (Adan  Siiro). oo hada geeriyooday, Alle jan...
14/07/2022

إنا لله وإنا إليه راجعون
Alle ha u naxariisto Sheikh Adan Maxamuud Xiiray (Adan Siiro). oo hada geeriyooday, Alle jannooyinkiisa haku casuumo, wuxuu ahaa sheikh Dal diin iyo dadba wax gashaday oo aan la heli karin isagoo kale. geeridu se waa xaq, samir iyo iimaan saadiqa haka siiyo qoys qaraabo ehel iyo dhamaan ummada soomaaliyeed.

Ma dhinte waa ilaahay.Waxaa imika la soo sheegay geerida Khadra Dahir Cige. Ilaahay ha u naxariistee, waxaa ay ilaa 10 m...
02/07/2022

Ma dhinte waa ilaahay.

Waxaa imika la soo sheegay geerida Khadra Dahir Cige. Ilaahay ha u naxariistee, waxaa ay ilaa 10 maalmood ku jirtay cusubitaal ku yaala magaalada Hargeisa oo ay maanta ku geeriyootay.

Khadra Dahir Cige waxaa ay fanka Somalida ku soo biirtay 1974-kii, waxaanay muddo dheer ka mid ahayd fanaaniinta Somalida ee loogu jecel yahay

Ilaahay ha u naxariisto, ehelkeedii, qaraabadii iyo Somali oo dhana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

22/06/2022

MAYDKA QURAAN MA LOO AKHRIN KARAAA
SHEEKH XASAAAN

15/06/2022

laba caruur ah oo da'doodu 14 jir tahay ayey isku guuriyeen. Dhawr bilood markay wada joogeen, ayey is dileen oo ilmihii yaraa ee dumar ahayd ayaa reerkoodii ku duday.

haddii inantii yarayd la weydiiyey maxaad uga timina, Waxay ku jawaabtay " HABEEN KASTA BUSTAHA AYUU IGA JIITAA OO DHAXAN BAA I DISHAY"
Hhhhhhhhhh

buste laga kala jiitay ka garniqiisu adagaa!

Address

Jijiga

Telephone

+251929221105

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdifatah Abdikarim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdifatah Abdikarim:

Videos

Share


Other Jijiga media companies

Show All