HOA/World News

HOA/World News you will not reach the top by beating others.

Hadda ka hor baa waxaa jirtay gabar Xaliimo la oran jiray oo ahayd inanta kaliyee uu dhalay nin madax ahaa oo markaa dad...
05/12/2023

Hadda ka hor baa waxaa jirtay gabar Xaliimo la oran jiray oo ahayd inanta kaliyee uu dhalay nin madax ahaa oo markaa dadka meeshaas maamulayay. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa inantii naaska ka qaniinay hangaralle ama daba-qallooc, aad ayay u xanuunsatay iyadoo u adkaysan wayday suntiisii. Waxaa loogu yeeray dhakhtarkii aagga oo siyaabo kala duwan wax u daawayn jiray. Markii uu arkay ayuu la ashqaraaray quruxda Xaliimo Ilaahay ku galladay, waxaana waswaasiyay shaydaan. Wuxuu yiri dhakhtarkii: "kaliya waxaan sunta uga soo saari karaa anigoo nuuga naaska xaliimo". Odaygii dhalay ayaa ka yara warwareegay oo ka codsaday bal in uu qaab kale sunta uga soo saari karo, balse waa uu ku adkaystay dhakhtarkii, odaygiina waa uu ka aqbalay maadaama inantiisu aad usii xanuunsanaysay. Markaas ayuu bilaabay inuu nuugo naaskii Xaliimo oo nuugo oo nuugo oo walibana ku xeeldheeraado si uu sunta uga soo saaro inanta, wayna ku caafmaadday, balse....

Muddo kaddib ayaa waxaa haddana hangaralle ama daba-qallooc uu dabada ka qaniinay islaan buuran oo wayn oo ayeeyo u ahayd ninkii madaxda ahaa. Jawigu aad ayuu u kululaa oo waa xagaa bartankii. Odaygii waddanka ayaa dalbaday in si gaar ah loogu keeno ninkii daaweeyay inantiisii Xaliimo. Markii loo keenay ayuu waydiiyay bal inay jirto qaab aan nuugista ahayn oo lagula tacaalo sunta halaqyada, wuxuu yiri maya ma jirto qaab kale oo aan kan ahayn-wuxuuna u haystaa markaa in Xaliimo mar kale bahal qaniinay. Markaas ayaa loo keenay duqdii Axado ahayd oo alaladaysa wuxuuna ku yiri odaygii nuug haddaba oo sunta ka saar dhakhtaroow! Wuxuu yiri dhakhtarkii oo malaha is eedaya maya maya, waxaan aqaannaa hab kale oo sunta looga soo saari karo iyo wax la mid ah oo calaacal u badnaa. Odaygii ayaa se ugu war celiyay "wallaahi haddaanad sunta kasoo nuugin dabada Axado seef baan kugu kala goynayaa" Markaas ayuu nuugay isagoo qasban oo malahayga indhaha iyo sankaba isku haysta.
Waxaa haddaba halkaa ka baxday maahmaah tiraahda "Wixii ku yimid naaska Xaliimo waxay ku lumeen barida Axado"

Ujeeddiyo haatan; waxaad dhigataa kuu dhitaysane, intaad waqtiga Xaliimo ku jirto oo kala doorashada aad leedahay wax wanaagsan samee, haddii kale waxaa iman doonta inaad adigoo qasban oo aan xorriyad lahayn uu kugu soo galo waqtiga Axado iyadoo si aan waxba lagaa waydiinayn uu waqtigu kaaga jarayo waxaad horay u gaysatay markaasna uu waagu kugu baryo. Isku badnaada dhallinyaro.

- Waqtiga Xaliimo wuu dhammaan doonaa.
- Waqtiga Axado-na wuu imaan doonaa.

W/Q:-Majaadi kulane

04/05/2023

Nabad latuugaa nabad ma ahan😠😠

Sheekada ninkaan duuliyaha ah waa qosol iyo dhiirrigelin miiran. Wuxuu yiri dadka Soomaalida ah marka ay i arkaan waxay ...
10/04/2023

Sheekada ninkaan duuliyaha ah waa qosol iyo dhiirrigelin miiran. Wuxuu yiri dadka Soomaalida ah marka ay i arkaan waxay i dhihi jireen diyaaradda keligaa miyaa wada ama waa lagu la wadaa. Waxaan dhihi jiray qofkii i baraayay ayaa ila wada. Markaas waxay dhihi jireen saas dheh, keligaa diyaarad ma wadi kartide.

Markii aan keligeey diyaarad waday waxay hadana i dhaheen diyaaradda rikaab miyaa raaco. Waxaan dhahay maya ee afar qof oo duuliyayaal kale ah ayaan ku raacnaa. Waxay dhaheen saas dheh, adiga diyaarad rikaab saaran yahay ma wadi kartide.

Markii aan diyaarad rikaab saaran yahay waday hadana waxay i dhaheen dibadda miyaa aaddaa, mise dalka Mareykanka gudihiisa lee ku waddaa. Waxaan dhahay gudaha waddanka lee ku wadaa. Waxay dhaheen saas dheh, adiga miyaa wadi kara flight international ah.

Markii aan waday flight international ah waxay i dhaheen ma wadi taqaannaa diyaarad dagaal hhhhhhhh.

Soomaali waa fadhi-ku-dirir caadi ah. Qac ayay ka yeersiiyeen duuliye Cali Jeex.

Xigasho: Cabdirisaaq Xasan Jidhi.

15/02/2023

Shabaabka loogu sheekeeyo xuural cayn baa idinka horaysa ma arki waayeen xuural caynta soomaaliyeed ee nolosha uun ay kaa xigto!

07/02/2023

: Isimadda dhaqanka ee Somaliland oo ka hadlay magaalada Hargeysa ayaa soo saaray baaq ay kaga hadleen xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoo ku baaqay.

1- Labada dhinac waxay ugu baaqeen in ay xabbada joojiyaan si sharuud la'aan ah.

2- Labada dhinac waxay ugu yeereen in laysku yimaado miiska wada hadalka, arrimaha taagana lagu dhameeyo wada hadal iyo walaaltinimo.

3- Isimaddu, waxay sheegeen in ay Saldanada SL diyaar u tahay in ay wada hadalkaas qabato oo ay nabad-raadintaas meel kasta u tagto.

Baaqa, Isimadda ayaa ku soo beegmaya xili Somaliland ay Isimaddii SSC ee kushiray Laascaano, kusifeysay Nabad-diid iyo Argagixiso soo weeraray Somaliland.

Xigasho:- abdulqadir

Xaalada laas’anod.Saraakiil jiida h**e jooga oo aan khadka tellophoneka kala hadlay waxay iisheegeen inuu dagaalku dhawr...
07/02/2023

Xaalada laas’anod.

Saraakiil jiida h**e jooga oo aan khadka tellophoneka kala hadlay waxay iisheegeen inuu dagaalku dhawr jiho kasocdo,meelaha ugu badana ay yihiin jihada waqooyi oo ay xabada si wacan oga dhacayso khasaaruhu waa badanyahay dhaawac iyo dhimashana waa jiraan isku dayga dhanka SNM waa soogalida magaalada laas’aanood oo ay rabaan inay qabsadaan halka ciidanka xaq udirirka ah qorshohoodu yihiin siday udifaacan lahaayeen maatadooda dagaalku.

Dhaawacyada dhanka ciidanka deegaanka waxaa lagu dabiibayaa gudaha magaalada laaa’anod halka SNM kuwooda looqaadayo meelo kabaxsan magaalada.

Dadka shacabka ah ayaa kalsooni buuxda kuqaba ciidanka deegaanka iyagoo lagaran taagan dawooyin,cuno karsan iyo biyo,wax walba oo ay heli karaan oo ay ku garab istaagi karaan

Wasiiro iyo taliyayaal ciidan oo u hadlay dhanka SNM ayaa sheegay inay qabteen ciidamo katirsan puntland ee sida gaarka ah utababaran PSF,argagixiso,ciidanka deegaanka oo ay sheegeen inay siidaayeen markii danbe,halka dhanka ciidanka deegaanka ay hadlaan odoyaal dhaqan iyagoo oga mahadceliyay dawlada federalka taageerada iyo garab istaaga ay umuujiyeen go’aamadii ay soo saareen

Isha kuhay warar sugan oo xaqiiqo kusalaysan ayaan halkaan idinkula wadaagaynaa hadba wixii sookordha

Dib u akhriso qisadaan jacayl ee mudan in laga bogto.Akhris wacan inta akhriska kuraaxaysata.
28/01/2023

Dib u akhriso qisadaan jacayl ee mudan in laga bogto.

Akhris wacan inta akhriska kuraaxaysata.

Marnaba Ma Fahmi Kartid Macnaha Bini'aadannimadu Leedahay.

Waxaan kula kulmay Sylvester Mumba magaalada Livingstone ee dalka Zambia sanadkii 2012kii halkaas oo aan fasax ku tagey.

Sylvester wuxuu ku iibin jiray oo ka ganacsan jiray waxyaabaha Alwaaxda laga sameeyo meel lagu magacaabo Munkuni Park ee magaalada Livingstone.

Wuxuu ahaa xirfad yahan aad wax ugu naqshadeeya Alwaaxda wuxuuna karti u lahaa inuu Alwaaxda qaab la jecleysan karo u sameeyo.

Waxaan helay Lambarkiisa kadib markii aan ka codsaday inuu ii sameeyo qariirad Alwaax ka sameysan oo ah tan Mareykanka magaceyguna ku dul qoran yahay.

Waxaan ahaa 23 jir aan la qabin markii aan la kulmay mana dareemin farxad waxaan ahaa qof keli ah waxaanan wici jiray Sylvester markasta oo aan cidlo dareemo saacado badan ayaan sheekeysan jirnay si xiriir ah.

Ingiriiskiisu ma wanaagsaneyn laakiin anigu wax kasta waan fahmayey wuxuuna ii sheegi jiray sida aan isku daneyneyno maxaayeelay xiriirkeenu wuxuu ahaa mid joogto ah.

Kadib lix bil kadib ayaan ku ballanay inaan USA kasoo tago uguna imaado Sylvester Zambia, aad ayaan u shaqeeyey si aan lacag igu filan u helo ugu dambeyn waxaan goostay ticketkii waxaana u jiheystay Zambia qiimaha ticketku wuxuu ahaa $1,357.

Waxaan joogay Zambia bil si degdeg ahna Waa isku guursanay arooskii kadibna waxaan uga soo tagey Zambia oo dib ayaan ugu laabtay USA.

Markii aan imid USA waxaan u qabtay qareen si uu iiga caawiyo inaan Sylvester keeno USA ugu dambeyn waxaa la siiyey green card sidaas ayuuna iigu yimid USA bishii May 2013, aroos kale ayaan USA ku dhiganay maadaama aan aad isku jecleyn.

Waxaan sidoo kale ka caawiyey Sylvester inuu helo shaqo iyo gaari uu shaqada ku gaaro oo dhaqdhaqaaqiisu u sahlanaado si tartiib ah ayuuna ula qabsaday dhaqanka America Ingiriiskiisana horumar ayuu sameeyey.

Waxaan u sheegay Sylvester in dadka Zambia ee USA jooga inay xanta iyo isku dirka jecel yihiin mana jecla in walaalkood Zambianka ah inuu horumar gaaro, saaxiibada Zambianka la ah Sylvester Waa I soo wacaan waxayna ii sheegaan in Sylvester uusan I jecleyn laakiin uu USA inuu yimaado rabay markii uu sharci weyn helana iga tegi doono.

Aniga dan k**a lahayn waxa dadku sheegayo waxaa ii muuqday jacaylka aan u qabo ninkeyga waxaana go'aansannay ineynaan dhex gelin Zambianka si xantooda aysan noo saameyn.

Aad ayaan u faraxsanahay illaa bishii June ee sanadkaan markaasoo Sylvester ay xireen boliiska kadib markii lagu qabtay daroogo lagu siray oo saaxiibo Zambian ah ay gaarigiisa ugu qariyeen boliiskana ku dacweeyeen si loo qabto.

Sylvester waxaa lagu celiyey Zambia 3 usbuuc ka hor waxaan isku dayey inaan baajiyo celintiisa laakiin waa ii suuroobi weysay iyadoo shuruucda socdaalka ee maamulka Trump aad loo adkeeyey dadkana loo tarxiilo qaladaad yaryar.

Murugadu waxay tahay Zambiankii saaxiibka la ahaa ninkeyga inay iga codsanayeen inaan xiriir la sameeyo markii ay maqleen xarigga Sylvester.

Sylvester wuxuu ka tagey dalka Mareykanka 3 usbuuc ka hor wuxuuna isdaldalay 24 november iyadoo lagu aasay 27 November 2017 tuulo ay waalidkiisa ku nool yihiin oo ku taal woqooyiga Zambia.

Aad ayey niyaddu iiga dilan tahay mana awoodo inaan u safro Zambia" Duco iyo tacsi ha iga gaarto qoyskiisa.

Musuqu wuxuu kaxunyahay dhilaysiga sababtoo ah dhilaysigu ugu danbayn wuxuu saamaynayaa akhlaaqda qofka halka musuqu uu ...
28/01/2023

Musuqu wuxuu kaxunyahay dhilaysiga sababtoo ah dhilaysigu ugu danbayn wuxuu saamaynayaa akhlaaqda qofka halka musuqu uu saamaynayo dhamaan akhlaaqiyaadka dadka oodhan.

Xigasho:- qoraaga

16/01/2023

Dhallinyaro, guusha waa iyada oo aad xaqiijisaan riyooyinkiina idinka oo ka gudbaya caqabadaha qallafsan ee idinka hor-jooga. Siraha lagu gaaro guusha teeda ugu wayn waxay tahay idinka oo ku sugnaada hadafkiinaoo marnaba aanan ka shakin. Duruuftu maahan mid keenta guusha iyo guuldarrida, laakiin mid ay tahayba dadka ayaa sababa. Guuldarridu maahan sida ay inoogu muuqato oo fashilaad ah, bal waxay tahay goob lagu nasto marka la gelayo socdaalka guusha. Qiyaasta guusha laguma cabbiro sareynta meesha uu qofku gaaray, bal waxaa lagu cabbiraa mixnadaha culus ee uu ka soo tallaabay.

Waa laga yaabaa sawaxanka iyo khiyaanada in qofku ku noqdo qof caan-baxay, laakiin midkoodna raad kuma lahan in qofku guuleysto. Tilmaamaha guusha waa kuwo la kasban karo xataa haddii uusan qofku lahayn. Tijaabada nololeed oo qofku marayo, guushu waxay tahay midda ugu yar. Waayo qofku markuu guuleysto ilaaladeeda ayaa u baahan guul ka wayn xasilisa. Qofkii aanan tan danbe ku guuleysan, guusha h**e macna u yeelan-meyso.

Caqabaduhu waa shayga ugu h**eeya oo idiin muuqanaya markaad ka fekertaan inaad hadaf yeelataan. Waa dhab oo waa idin cansi gelinayaan caqabadahaas. Waxaad kaga adkaan kartaan waa niyad adag iyo fal joogto. Qofku in uusan hadafkiisu gaarin u sabab maahan in ay awooddu ku yar-tahay, bal waa in isaga laga waayay hankii uu hadafka ku gaari lahaa. Guushu waa ficillo yar-yar oo ururey. Fal gibin ah oo aad sameysaan ayaa suuragelin-kara guul wayn oo aad ku naalootaan timaaddadiina. Ogaada farqiga u dhexeeya go’aan-qaadashada hadafka iyo ku taagnaanta waddadeeda in uu yahay mid aad u yar.

Guushu waa boqortooyo ay taajkeeda xirtaan ciddii qiimaheeda bixisa. Hankiina gaarsiiya inaad dayaxa gaadhaan, xataa haddii aad gaari weydaan waxaa hubaal ah inaad daruuraha ka dul-mareysaan. Ku dadaala inaad weligiin ahaataan falaha ficilka guusha ee aydnaadan ahaan fal-celiyaha ficilka guusha. Umana ay baahna aqoon badan ee waxay u baahan tahay xikmad badan. Haddii aad xisaabta ku soo barateen mid la yiraahdo ma-dhamaato (Infinitive), qorsheysta inaad fekerkiina iyo rajadiina ka yeelshaan ma-dhamaato. Ogada haddii malihiinu ku xooggan yahay inaad guuldaraysataan weligiin guuleysan-meysaan, haddiise malihiinu uu ku xooggan yahay inaad guuleysataan, weligiin guuldaraysan-meysaan.

Kuwa ka cabsada in ay ku dhaqaaqaan waddada guusha waa kuwa naftooda ku xukumay in ay dhex-fadhiyaan fashilka ay ku sugan yihiin. Noloshu waxay soo dhoweysaa dadka aanan wakhtigooda dayicin ee iyagana si xalaal ah u faa’iideysta bulshadoodana si xalaal ah ugu faa’iideeya. Xeerka nolosha ayaa wuxuu yahay mar-kasta oo dadku ay shaqo adag qabtaan, noloshu waxay u ballaqaysaa irdo cusub oo fursado ah, kuwaas oo aanan u furmeen haddii uusan la yimaadeen dadaalkaas adag. In guul aad gaartaan waa arin muhim ah, waxaase ka muhimsan inaad isu diyaarisaan guusha. Maxaa-yeeley guul ay guuldarri ka danbayso maahan guul.

Qofka doonaya inuu barto sida badda loogu dabaasho, biyaha ayuu isku tuuraa. Labo ayay mid noqon, in uu ama dabaashii barto ama uu biyaha ku dhinto. Labadaas waxaa u dhexeeya in uu biyaha ka cabsado oo uu noolaado isaga oo aanan dabaal aqoon. Waxaad muujisaan geesinimo aad ku bilawdaan fulinta waajibaadka idin saaran, idinka oo ka bilaabaya howsha ugu muhimsan sida ugu fudud, dabadeed u gudba howsha xigta, waxaad arkaysaan idinka oo waddadii guusha cagta saaray. Ha eegina waxa laydin ka sheegayo, maxaa yeeley waxaad tihiin waxa aad tihiin ee ma tihidin waxa ay idin ka sheegayaan kuwa jiritaankiina ka hinnaasaya.

In hareerihiina ay ku sugan yihiin kuwo badan oo guuldaraystay, macnaheedu maahan inaad idinkua aad ku xukuman tihiin guldaraysi. Dhaqaaqa idinka oo aanan ka fileynin hiil kuwan fashilmay. Guuldarrida hal jawaan ayay idinka mudan tahay oo waa guul. Qofka doonaya in uu guuleysto, marka h**e ha is-qiimeeyo oo hayeesho qiimo aadaminimo ai ay nolosha si taban ugu soo dhoweyso. Markaas wuxuu haleelayaa garashada hadafkii guusha waxaana u fududaanaya towfiiqda waddadii guusha. Waxaa idin ku waajib ah inaad marka h**e xeerarkii nolosha aad barataan, dabadeed aad ka dhex sahmisaan xeerka guusha. Haddii kor-geeyaha (Elecator) guusha oo idin ka kharaabo ha is-dhiibinina ee salaanka (jaranjarta) ku socda.

Mowjadaha aad cirbadda caqligiina ku joojiseen ka dhaqaajiya, waxaad heleysaan muuqaalka xaaladihiina oo is beddela. Nin-kasta oo buurta dhaladeeda gaaray, ogaada samada kagama iman ee dhulka ayuu koritaanka ka bilaabay. Qiimaha guusha gadaal lagama bixiyo ee h**ey ayaa laga bixiyaa. Haddaba hankiina ka yeela mid wayn, dabadeed ku ballaariya naftiina gudaheeda, dabadeed u gudbiya oo la wadaaga gooreysada, waxaad fursadaha ka heleysaan cimilada hareerihiina ah. Ugu danbayn, ogaada qof hadaf leh wakhti isk**a dayaco. Ogaada qofka guusha k**a danbaysta ah heley waa qofka ku guuleystay jannada eebbe.Qore:

Dr. Saadiq Enow
[email protected]

Midbaa waxa uu dhahay:Waxaa i hor socotay Gabar yar oo Soomaali ah oo qurux badan, qaab aan ula hadlo ayaan garan waayay...
11/01/2023

Midbaa waxa uu dhahay:

Waxaa i hor socotay Gabar yar oo Soomaali ah oo qurux badan, qaab aan ula hadlo ayaan garan waayay.

Lacag Boqol Yuuro ah (waa lacag 107 Dollar u dhiganta) oo jeebka iigu jirtay ayaan "Lanbarkayga iyo qaali isoo wac" ku qoray.

Kedibna gabadhii ayaan dhahay: Walaal lacagtaan adiga miyay kaa dhacday? Haa, ayay tiri, way iga qaadatay, isla markiina Dukaan Soomaali ah ayay gashay oo waxay lacagtii ku gadatay Digir, Macsaro iyo alaabo kale oo yaryar oo ay u baahneed.

Intaas dhan ma ahan mushkilo, dhibka jiro waxaa waaye illaa iyo hadda waxaa isoo wacayo ninkii dukaanka, marna farriimo iisoo dirayo asigoo dhahaya: Walaal digirtii aad gadatay dhadhankeeda kawaran? 🤣

Subax wanaagsan.

Xigasho Ahmed Kadiye

03/01/2023
19/10/2022

Xabiibo Waxay Biilaysay oday ay u haysatay aabaheed Mudo 7 sano ah

Halkan ka akhri Qisada

Xabiibo Xasan waxay ku dhalatay magaalada Qoryooley sannadkii 1981 Waxay curad u aheyd qoys danyar ah,Aabbeheed Xasan Aadan wuxuu shaqaale ka ahaa beer ku taallay duleedka Qoryooley,Hanad iyo Xaawo oo ahaa lammaane ladan oo Muqdisho ku noolaa ayaa 1989-kii waxay dalxiis u tageen beertii uu Xasan Aadan ka shaqeynayay,Hanad ayaa la sheekeystay Xasan Aadan wuxuuna ogaaday duruufta adag ee Xasan iyo qoyskiisu ku nool yihiin.

Hanad wuxuu Xasan Aadan u sheegay in ay u joogaan carruur yaryar ayna u baahan yihiin gabar guriga ka shaqeysa oo carruurtana u heysa oo ay sidoo kalena wax u baraan,Xasan Aadan wuxuu qoyskii soo siiyay Xabiibo oo 8 jir ah waxayna ku soo laabteen gurigoodii oo ku yaallay xaafadda Soonakey ee degmada Hodan.

Labo sano ka dib 1991 kii waxaa Muqdisho ka qarxay dagaalladii sokeeye qoyskii Hanad ee Xabiibo la nooleedna waxay u qaxeen xerada qaxootiga Kaakuma ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbeen Mareykanka.

Xabiibo waxay mar kasta isweydiin jirtay halka ay ku dambeeyaan waalidkeed iyo walaalaheed waxaase adkaatay in ay su’aashaas jawaab u hesho maadaama ay isgaarsiintu adkeyd,Xabiibo waxay Mareykanka ku dhammeysatay Dugsi Sare 2001, ka dib waxay shaqo ka heshay warshad digaagga lagu qalo.

Aabbeheed Xasan Aadan wuxuu ka dawarsadaa xaafadaha iyo masaajidda Muqdisho qoyskiisuna waxay duruuf adag kula nool yihiin Qoryooley.
Xabiibo waxay go'aansatay in ay qoyskeedii baadi goobto, ka dib na waxay ka baafisay idaacadda BBC-da. Aabbaheed waa miskiin tuugsada oo aan idaacad dhegeysan, waxaase baafintaas dhegeysanayay Xasan Maaddey oo ay deris ahaayeen Xasan Aadan, oo aqoon durugsanna u lahaa qoyska Xasan Aadan iyo gabadha ka maqan.

Xasan Maaddey wuxuu qortay lambarkii Xabiibo, wuxuuna ku fikiray in uu la xiriiro isaga oo iska dhigaya aabbeheed Xasan Aadan. Xasan Maaddey wuxuu yimid Muqdisho, wuxuuna baranji ka wacay Xabiibo.
Salaan ka dib Xasan Maaddey wuu is oohisiiyay si aysan Xabiibo uga shakin in uu aabbeheed yahay ayuu geliyay xaalad murugo ah, oo wuxuu u sheegay in hooyadeed iyo walaalaheed oo shan ahaa ay baahi iyo macluul ugu dhinteen abaar sanado ka hor ka dhacday Qoryooley, isaguna uu hadda ka dawarsado Muqdisho. Si aysan su’aalo isaga waydiinna wuxuu xusay magacyada hooyadeed iyo walaalaheed.

Xabiibo oohin ayay la dhacday, murugo ayayna la hadli waysay. Saacad kadib ayay ku soo celisay, waxayna isla maalinkii u soo dirtay $500. Wixii ka dambeeyayna waxay bil kasta u soo direysay $350.
Waagaas $350 qiimo weyn ayay laheed. Xasan Maaddey oo waagii h**e danyar ahaa wuxuu ka mid noqday dadka Qoryooley ugu ladan. Bartamaha magaalada ayuu dukaan ka furtay, wuxuuna gatay gaari saksuuko ah.
Dadkii yaqaannay waxay isweydiinayaan halka ay lacagtu ka soo gasho Xasan Maaddey. Halka Xasan Aadan oo ah aabbaha dhabta ahna uu ka tuugsado xaafadaha Muqdisho.
Xabiibo wiil ayay guur isku fahmeen, waxayna la soo xiriirtay Xasan Maaddey oo wilaayada ku wareejiyay Hanad oo ay la nooleyd. Sidaas ayaana loogu mehriyay.
Sanadku waa 2008. Shariifoow oo ahaa oday reer Qoryooley ah ayaa maalin xawaaladda ugu soo galay Xasan Maaddey oo lacag ka qaadanaya, wuxuuna arkay in qofka lacagta u soo dirtay ay tahay Xabiibo Xasan Aadan wuuna ogaa in ay gabar ka maqneyd Xasan Aadan.
Wuxuu warkii u sheegay Xasan Aadan.
Oday Xasan Aadan wuxuu iigu yimid xawaalad aan ka shaqeynayay, wuxuuna ii sheegay shakiga ku jira. Waxaan waydiiyay magaca iyo qabiilka ninkii gabadha ka watay. Baadigoob dheer ka dib waxaan xiriirkii Hanad ka helay xafiis ay xawaaladdu ku laheyd magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Waxaan wacay Hanad, waxaana u sheegay dhibka taagan. Hanad wuxuu iga dalbaday in aan u diro sawirka Xasan Aadan. Waxaa laga sawiray wejiga h**e iyo labada dhafoor, waana u diray. Hanad wuxuu ii sheegay in ay u badan tahay in uu ninkani yahay Xabiibo aabbeheed, wuxuuna iga dalbaday in aan la hadashiiyo.
Isbariidin ka dib, Hanad wuxuu Xasan Aadan ka codsaday in uu ka sheekeeyo wixii dhex maray maalinkii uu Xabiibo kala wareegayay. Xasan Aadan wuxuu ka sheekeeyay goobtii goortii iyo qaabkii ay gabadha ugala wareegeen, iyo baabuurkii ay wateen. Wuxuu tilmaamay gurigii ay ka degganaayeen Muqdisho oo uu ku soo booqday waagii ay gabadha ka soo wateen.
Hanad wuxuu dalbaday in la siiyo hal isbuuc si uu baaritaan kale u soo sameeyo. Wuxuu wacay Xasan Maaddey oo iska dhigi jiray Xabiibo aabbeheed, wuxuuna waydiiyay isla su’aalihii uu waydiiyay Xasan Aadan. Nasiib-wanaag, Xasan Maaddey wuu ka jawaabi waayay.
Isbuuc ka dib ayuu Hanad igu soo laabtay, wuxuuna ii sheegay in uu soo hubiyay in Xasan Aadan yahay Xabiibo aabbeheed. Balse wuxuu walaac ka muujiyay sida uu Xabiibo ugu sheegi doono in ninka ay aabbeheed u taqaanno, ee ay todobada sano biileysay, ee ninkanna ku mahriyay uusan aabbeheed aheyn, lana hayo aabbeheeda dhabta ah.
Nin iyo god loo wado lama kala qariyee, Hanad wuxuu la fariistay Xabiibo, wuxuuna u sheegay wixii dhacay. Xabiibo waa ay shoogtay, miyirka ayaana ka tegay, waxayna isbitaal ku jirtay saddex maalin.
Ugu dambeyntii waa lagu qanciyay, waana lala hadashiiyay aabbeheeda runta ah. Markii ay codkiisa maqashay ayay oohin la dhacday, odaygiina wuxuu ku celcelinayaa: Aabbe... gabarteey... ma nooleed?!
Dareen farxad iyo murugo kulansaday ayay ku sheekeysteen. Wuxuu u sheegay in ay duruuftu bedeshay oo uu tuugsado, ayna caafimaad qabaan hooyadeed iyo walaalaheed oo uu Xasan Maaddey u sheegay in ay wada dhinteen. Mar kale ayay oohin jabsatay. Call saacad qaatay ayaa dhex maray. Isla maalinkii ayay u soo dirtay $1,000. Waxayna ku ballameen in uu reerka Muqdisho u soo raro.
Malaha waa markii ugu horreysay ee ay gacanta Xasan Aadan soo gashay lacag sidaas u badan. Farxad ayuu la ilmeeyay. Intuu sarriftay ayuuna Qoryooley ula carraabay.
Isbuuc ka dib wuxuu qoyskii soo dejiyay degmada Hawlwadaag. Bil kasta waxay u soo dirtaa $500. Nolol cusub ayay galeen. Waa markii ugu horraysay oo ay helayaan biil joogto ah, ayna ka soo toosayaan guri fillo ah. Waxaa guriga ugu jira taleefan landline ah oo ay Xabiibo kala xiriiraan. Carruurtiina wuxuu geeyay Iskuul.
Markii uu Xasan Aadan Muqdisho soo degayay ayuu iigu yimid in uu ii mahad-celiyo, wuxuuna ii soo hadiyeeyay loor galley ah iyo saddexle macsaro ah. Wuxuu ii sheegay in uu cafiyay Xasan Maaddey marba haddii uu helay gabadhiisii. Waxaa i soo xiriirin jirtay Xabiibo oo 2012-kii ii sheegtay in aabbeheed Xasan Aadan uu Muqdisho ku geeriyooday

Bbc.

12/10/2022

Ma liibaanayaasha aan lagu liibaanin!!!.

Dhalinyarada soomaaliyeed waxay soomareen duruufo kala duwan tan iyo burburkii dawladii dhexe ee soomaaliya waxaanan anigu dhihi karaa waa la isticmaalay!!!, waliba waxaa loo isticmaalay siyaabo kala duwan sababtoo ah hadii ay dhalinyarada soomaaliyeed ahaan lahaayeen kuwa maskaxdoodu furantahay,wadaniyiin ah,lexjeclo kahayso wadanka heerkaan ma aysan soogaareen soomaaliyada maanta: waxaan aaminsanahay in dhalinyarada soomaaliyeed ay ahaayeen jaranjartii loosii maray burburkii dawladnimada soomaaliyeed iyagay ahaayeen kuwii lagu kiciyay ama lagu dhiiri galiyay qabyaalada iyo in reerkooda laduudsiiyay xaqay lahaayeen iyagay ahaayeen kuwii ku baaba’ay iska hor imaadyadii wadanka kadhacay iyagay ahaayeen kuwii kunaafoobay iska hor imaadyadaas iyagay ahaayeen kuwii laqixiyay/isqixiyay,iyagay ahaayeen kuwii kunaafoobay dagaaladaas iyo iska hor imaadyadaas,iyagay ahaayeen kuwii kufsiga gaysanayay,iyagay ahaayeen kuwii isbaarada dhiganayay,iyagay ahaayeen kuwii jamhadihii kudagaal gali jireen,iyagay ahaayeen kuwii maxaakiimta udagaalamayay siyaabo kala duwan ama aragti halagu qanciyo ama hala cabsi galiyee,iyagay ahaayeen kuwii shabaabku shacabka usoo dirayeen si ay madaxa ujabiyaan markii haldoorka bulshada ay kasoo baxaan masaajidyada iyagay ahaayeen kuwii qarxinayay oo baabi’nayay shacabka somaliyeed,iyagay ahaayeen kuwa siyaasiyiintu usii maraan kursiga fuulidiisa markay fuulaana ay kaga dhuuntaan meeshay kafuulaan:-

Halkaa markay marayso waxaan dhihi karaa dhalinyarada soomaaliyeed waa ma “ma liibanayaasha aan lagu liibaanin”,waxaan sidaa uleeyahay waa xaabadii lagu shiday dab walba oo soomaaliya laga shiday waana cidda ugu badan oo halkaa kudhamaatay dadkii kalana dhameeyay!!!!.

Dhalinyarada iyo siyaasada!.

Dhalinyaradii iyagoo lagusoo gubay wadankii guud ahaantiis oo ay mar qura oran waayeen war wadankayga hadaanan dhismihiisa qayb kanoqonayn k**a mid noqonayo dhibaatadiisa ayaa waxa loo casriyeeyay xaabadii laga dhigan jiray:- waxaa lookala qaybiyay kooxo kooxo abaabulan oo kala taageero siyaasiyiin kala duwan,dhalinyarada noocaas ah waa kuwa siyaasada rajo kaleh laakiin u arka hadafkooda inay ku gaarayaan ama ku gaari karaan taageerida ay taageerayaan siyaasigaas!!! Labo labo ayaa la iskaga soo horjeedaa,waa la is xifaalaynayaa la isku gafayaa,nacayb la isku muujinayaa,la is dilayaa mararka qaar,iyagoo hadaladooda ugu badan ay yihiin hebel baa hebel kafiican uuna aaminsanyahay hebel haduu wax noqdo inuu isaguna wax noqonayo,waxbarashadii waa laga tagay,shaqana yeelkadeed laakiin waxaa la isku arkaa dad waxbartay oo kafursad fiican kuwa wax soobartay maadaama uu aaminsanyahay hebel oo uu lasocdo haduu wax noqdo inuu isaguna wax noqonayo!!!!.

Mararka qaar maku wareertaa labba kooxood oo iskasoo horjeeda kuwa saxan iyo kuwa khaldan, xikmad baa waxay ahayd hadaad “jaahil lamurantid la idinkala garan maayo labadiina kan jaahilka ah”, wayna dhacdaa marar badan inaad aragtid qof wax soobartay oo kudoodayo doodo asalkoodu uuyahay “qabyaalad”, mararka qaar waxaad kala garan waayaysaa aqoon-yahanka iyo kan jaahilka ah,waxaana usabab ah in xayn daabkii udhexeeyay aqoonyahankii iyo jaahilkii uu dumay wax kalana madumine waxaa dumiyay kasheekaynta qabyaalada iyo isku kala saarida.

Talo soojeedin:-

Taladaydu waxay tahay dhalinyaradu wax habartaan,cilmiga ay soo barteena haka muuqato hadalkooda iyo ficiladooda,haku badalaan cilmigaas bulshada soomaaliyeed oo bulshada ha usharaxaan muhiimada cadaaladu leedahay,sinnaantu leedahay,darisnimadu leedahay,ilaalinta sharafka qofka bili aadamka muhiimada ay leedahay,khasaarada iyo dhibaatada dagaalada hafahansiiyaan,faaidada ay nabadu leedahay hafahansiiyaan,ha usharaxan bulshada dhibaatada ay leedahay qabyaalada,bulshadu markay wacyi galintaas hesho dhalinyarada aan waxbaran qudhooda lafahansiiyo muhiimada waxbarashadu leedahay iyo khasaarada ay jaahilnimadu leedahay,bulshadu markay aas-aaskaas kasoo dhisanto waxay fahmi doontaa macnaha dawladnimadu leedahay waxay fahmi doonaan muhiimada ay leedahay ciidan quwad leh oo iyaga kala ilaaliya cadawga banaankana ka ilaaliya muhiimada ay leedahay,waxay fahmi doonaan muhiimada ay leedahay dakado,airoports,saldhigyo ciidan,xabsiyo danbiilayaasha lagu xiro,bankiyo,laamiyo nadiif ah oo aan dhiiqo lahayn,badeeco qiimeheeda jaan go’antahay,lacag qiimo leh,lasoo bixida shidaalka dhulkeena,lasoo bixida macdanta leh dahabka iyo maarta,xoog saarida laganacsiga deriska iyo aduunka kaleba,suuq uhelida xoolaheena iyo khudaarteena,muhiimada ay leedahay yaraanta layareeyo waxa lasoo dagsado,lana xoojiyo dhoofinta wixii dhulkeena lagu farsameeyay ama laga helo:- intaas hadii aan fahano oo aan doorkeena qaadano waxaan aaminsanahay in la arkayo dhul nabad ah iyo dad barwaaqo sooran ku jira.

Ilaahay wanaaga iyo nabadda hana garansiiyo ahmiyadeeda.

JIILKA AAMMUSAN..W/Q: Axmed Abdalle"Dhalinyaradu waa kuwa sameeya mustaqbalka" Haddii aad tahay qof dhallinyara ah, maka...
08/10/2022

JIILKA AAMMUSAN..

W/Q: Axmed Abdalle

"Dhalinyaradu waa kuwa sameeya mustaqbalka"
Haddii aad tahay qof dhallinyara ah, maka war qabtaa dhacdooyinka xilligan kasocda gudaha dalkaaga iyo adduunkaba? Diyaarse ma u tahay inaad kaqayb noqoto oo door hogaamineed ku yeelato dalkaaga kaas oo isbedel keena? Dhalinyarada badanaa waxaa loogu yeeraa inay yihiin hoggaamiyeyaasha berrito,haddana dhab ahaantii waxay maanta horseed u noqon karaan is baddal muhiim ah oo dalka ka dhaca, iyagu waa mashiinka ugu weyn ee waxtar iyo waxdhimisba u leh dalka isla markaana is baddal horseedi kara. Mar walba dhallinyaradu waa tamarta iyo tirada igu badan ee is baddal kasta oo dunida ka dhaca ama dhacay, waana iyaga cidda dad ama dal u horseedda inay gaaraan horumar ama ay aynigood ka haraan. Haddaanu eegno xaqiiqda dhallinta xilliyadii ay muslimiintu dawladaha haysteen iyo sida doorka dhallinyaradu u ahaa aasaasiga iyo hoggaamintoodiiba waxaad ka ogaanaysaa in awooddii ugu wayneed xilligaa ay ahayd dhallinyaro dhan kastoo la eegaba, haddii si kale aan u dhigo, waxaynu oran karnaaba 'dhallinyaradu waxay qayb wayn kasoo qaateen faafitaankii diinteena suubban ee Islaamka iyo gaarsiinteedii daafaha dunida.'

Tirakoob ahaan dhallinyarada dalkeena waxaa lagu qiyaasaa 75% inay ka yihiin guud ahaan bulshada. Sidaas oo ay tahay, haddana ka qeyb galkooda go’aan sameynta dib udhiska dowladda iyo joogitaanka halka uu yaal miiska gorfaynta guud ahaan arrimaha dalka ayaa ah mid aad u yar amaba aan jirin. Jiilka dhalinyarada Soomaliyeed ee maanta ayaad mooddaa in ay ka habawsan yihiin hilinkii mustaqbalkooda, iyagoo ah kuwa kala raacsan horjoogayaasha siyaasadda dalka iyo kooxaha aragtiyaha is diiddan xambaarsan ee kajira dalka. carqaladdaasi waxay ka leexisay howlo togan oo waxtar leh oo kobcin lahaa xirfadahooda hormarineed, waxayna noqdeen kuwa la kulmaya qaddiyado naxdin leh oo rabshad ah, xiisad dagaal iyo cadaalad darro bulsheed marba marka ka danbaysa. Haddii aad usii fiirsatana waxaa kuu muuqanaysa in intooda waxbaratay ay yihiin halka ay basashu ka qurunsan tahay. Dhacdooyinkii sanadihii dowlad la'aanta iyo nasiib-darrooyinkii aan ka dhaxalnay burburkii dalka ayaa gebi ahaanba wax yeelleeyay dareenkeenna, waxayna na dhaxalsiisay soddon sanoo dib udhac ah, iyada oo xanuunada dhacdooyinkan xunxuni ay wali maskaxdeenna kasii guuxayan. Tusaale ahaan, dhibaatooyinka uu burburka na gaaray sababay waxaa ka mid ah in maskaxdii dhallinyarada si xun loo marin habaabiyay taasoo abuurtay in dhallintii lagu dhibaateyo mustaqbalkooda dambi h**e loosii qorsheeyay ama looga baaraan dagay.

Suurtagal ma tahay in la sawiro muuqaalka jiil dhan?

Jiil walba oo kacaa wuxuu leeyahay malaayiin aragtiyood oo kala duwan iyo malaayiin cod, dhaqankooda, ujeeddooyinkooda iyo rabitaankooda ayaa inta badan ah mid aan la saadaalin karin. Waxay ku kala duwanaan karaan dhankasta, waxaa ku jira kuwa xun iyo kuwa san, kuwa baraarugsan iyo kuwa aan baraarugsanayn raja beelna kujira. ma laha bilow iyo dhammaad cad. Haddana jiil waliba wuxuu leeyahay astaamo ay kaga duwan yihiin kuwii ka horreeyay, jiil walibana waxay leeyihiin ama ay yeeshaan tayo u gaar ah, waxay sameeyan taarikh ayaga u gaar ah mustaqbalka, waxayna ka tagaan sawir iyaga u gaar ah.
Dal dadkiisa inta ugu badan ay dhallinyaro tahay wuxuu dhanka horumarka iyo is baddalka mustaqbalka uga fursad fiican yahay dal ay ku yaryihiin dhallinyaradu, balse mararka qaar dhalintu waxay qayb wayn ka noqon karaan dhibaatada iyo dib u dhaca dalka, sidoo kale waxay noqon karaan halista ugu weyn ee waddanka haddii dhallinta lagu shubo aragtiyo qaldan iyo caqiido aan toosnayn ama aan lagu barbaarin dal iyo diin jacayl, tubteedana aan la barin. Sababtoo ah dhallinyaradu waxay leedahay awood aad u tiro badan, hammi wanaagsan,curinta fikrado cusub, awood dhalin karta isbaddal dhab ah iyo maskax firfircoon.

In badan waa in aan isku dhiirrigalinno ama aan qaadno waddadii aan dhallinyaradeenna ugu fali lahayn horumarinta xirfadaha nolosha muhiimka u ah, farsamada gacanta, hab fikirka wanaagsan iyo katashiga aayaheenna. Arrinkaasna wuxuu noo sahlayaa inaan aragno sababo badan oo ay tahay inaan rajo wanaagsan ugu qabno mustaqbalka dalkeena.
"Ciddii mustaqbalka rabto oo qorshaynaysa waa inay jiilka cusub ka dhigtaa mudnaanta ugu sarraysa"
Jiilka dhalinyarada ayaa door muhiim ah ku leh qaabeynta mustaqbalka ummadda. Hadii laga faaidaysto awoodda dhallinyarada waxay qayb lixaad leh ka qaadan lahaayeen in dalku dib u dhismo, heer wanaagsanna uu gaaro.

Sida runta ah, arrimaha yaabka leh ee ay ku sugan yihiin jiilkan imminka jooga ee soddonkii sano ee u dambaysay dowlad la'aanta ahaa ayaa waxaa ka mid ah inay kaba maahsan yihiin xaaladda ay ku jiraan isla markaana ay hilmaansan yihiin inay isla ayaga uun yihiin cidda ay iyaga iyo dalkuba sugayaan marka laga reebo in yaroo baraarugsan balse aan saamayn badan lahayn. Markii la barbardhigo jiilkii ka horreeyey ee keenay in laga baxo daranyadii gumaystaha waa kaaf iyo kala dheeri taasoo ay ay waliba adag tahay in xattaa lagu qeexo laba jiil oo isku xiga. Jiilka maanta ayaa ka ah daawadayaal iyo dhagaystayaal firfircoon xaaladda dalka, waxay arrmahooda idilkood u daba fadhiyaan duqay iyo odoyaal ay ahayd inay iyagu u talitaan. Waa jiil yaab badan oo aan kala jeclayn inuu dhaxal ka tago ama uu ugu yaraan ilmihiisa uu u horseedo midda uu isagu ku nool yahay nolol ka sarraysa. Waa jiil aammusan!

Balse, aamusnaanta ay ku jiraan maxay ka dhigan tahay?
Waa maxay haddii ay jiraan wax ay qarinayaan oo ka aamusiyay mustaqbalkooda? Mise odayaasha ayaa mudnaanta yeeshay dhallinyartu waa kor joogayaal iyo dhagaystayaal keliya?

Address

Bole Highway
Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HOA/World News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category