SG News

SG News “You must always be able to predict what’s next and then have the flexibility to evolve.” –

Axmaaro (Dergi) iyo Tigree (tplf) xukun kooda waynu soo aragnay.Oromana waatan hada rafaadsan, qoomiyadaha kale teed udh...
05/11/2021

Axmaaro (Dergi) iyo Tigree (tplf) xukun kooda waynu soo aragnay.

Oromana waatan hada rafaadsan, qoomiyadaha kale teed udhiibi lahayd hogaanka wadanka?

Tijaabi Araagaga, imisa bisadood ayaad aragtaa?Me. 4.Adna?
04/11/2021

Tijaabi Araagaga, imisa bisadood ayaad aragtaa?

Me. 4.
Adna?

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Laga filayaa In Ay Gabi Ahaanba Dalka Xayiraad Ka Saari Doonoto Allada TIKTOK Hadaba ...
30/10/2021

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa Laga filayaa In Ay Gabi Ahaanba Dalka Xayiraad Ka Saari Doonoto Allada TIKTOK Hadaba Adiga Maku Taageersantahay Go,ankaas Dowladu Qaadi Doonto
1 HAA
2 MAYA

28/10/2021

Hebel ama Hebla Talent (Curin) bay leedahay hadaad maqasho waa sidan oo kale.

Gabadh kunool Magaalada Jigjiga waligeed na aan wadan kale tagin, Illahay hibo siiyey iyada oo Codkeed ubadali karta dhawr cod.

Marka uu aabahaa ka shaqeeyo Wakaalada Korontada ( የኤሌክትሪክ ኤጀንሲ) sidaad rabto kayeeli.
28/10/2021

Marka uu aabahaa ka shaqeeyo Wakaalada Korontada ( የኤሌክትሪክ ኤጀንሲ) sidaad rabto kayeeli.

Waa arin kudayasho mudan, mashruuc loogu magacdaray kudhis Dhagaxbuur 5Birr oo bulshada magaalada Dhagaxbuur kutabarucee...
28/10/2021

Waa arin kudayasho mudan, mashruuc loogu magacdaray kudhis Dhagaxbuur 5Birr oo bulshada magaalada Dhagaxbuur kutabaruceen ayaa lagu soo iibiyey Gaadhiga Cagafta ah oo bulshadu baahi badan uqabeen.

Qiimaha waxaa lagu sheegay 2,200 000.00 Birr.

HAL XIDHAALEInan Ayuu Macalin keedii Warsaday Da'adeeda.Waxay Tidhi, "Anigu Inta Hooyadey Jirto Badhkeed Ayaan Jiraa, Ho...
27/10/2021

HAL XIDHAALE

Inan Ayuu Macalin keedii Warsaday Da'adeeda.

Waxay Tidhi, "Anigu Inta Hooyadey Jirto Badhkeed Ayaan Jiraa, Hooyadayna Aabahay Ayaa 5 sano kaweyn, Marka Laisku kaayo wadadaro na Waxaanu isku noqonaynaa Boqol buuxa (100).

Waa Imisa (Meeqa) mid walba Da'adiisu?

Shacabka Jigjiga dad la mid ah kuma arkaysid caasimadaha kallee Soomalidu degto.Waa magaalo aan lagaa xigsanayn,waa maga...
27/10/2021

Shacabka Jigjiga dad la mid ah kuma arkaysid caasimadaha kallee Soomalidu degto.Waa magaalo aan lagaa xigsanayn,waa magaaalo cidkasta ku sharfan tahay,oo aan qabyaalad la aqoonin..Meelkasta hadaad marto cid ku waydinaysa haybtaada,waxaan ka hadlayaa bulshada.Asxaab baddan oo aan Jigjiga labtan sanno ka baddan isku naqaanay haybtooda wallaahi maanu aqoonin,mardhaw baryihii dufaanadu inasoo galleen unbaan bartay.

Waa sababta murayadaha qabiilku uga fiiqmaan qofku markuu muddo Jigjiga joogo.

Jigjiga cadeey❤

Macalinka

Hambalyo Marwo Ifraax Maxamuud Xuseen oo markale loo magacaabay Komishineerka Komishinka Cabashooyinka.
27/10/2021

Hambalyo Marwo Ifraax Maxamuud Xuseen oo markale loo magacaabay Komishineerka Komishinka Cabashooyinka.

Waligaa adiga oo Shukaansi (Balan) usocda habeenimo Boolis maku xidhay?Subixii markii lagusoo daayey na Jaba waaka danbe...
26/10/2021

Waligaa adiga oo Shukaansi (Balan) usocda habeenimo Boolis maku xidhay?
Subixii markii lagusoo daayey na Jaba waaka danbeeyee Teelkii ma lagaa dansaday😁

Bal isku day inaad sheegto eray Af- Soomaali ah oo xaraf ka ( B )Ku dhamaado🤔.
26/10/2021

Bal isku day inaad sheegto eray Af- Soomaali ah oo xaraf ka ( B )
Ku dhamaado🤔.

Hambalyo General Maxamad Yare oo markale loo magacabay Komishineer ka guud ee DDS.
26/10/2021

Hambalyo General Maxamad Yare oo markale loo magacabay Komishineer ka guud ee DDS.

‘Bayaxow: Aafadii Jeel Ogaden Kadib’, waa warbixintii ugu horeysay ee nooceedoo kale ah taas oo si qoto dheer loogu faah...
26/10/2021

‘Bayaxow: Aafadii Jeel Ogaden Kadib’, waa warbixintii ugu horeysay ee nooceedoo kale ah taas oo si qoto dheer loogu faahfaahinayo maxaabiistii Jeel Ogaadeen ee ku sugnaa
Bayaxow, xeradii adoonsiga, sedex sano kadib xidhitaankii Bayaxow. In ka badan sideed boqol (800) oo maxaabiistii ONLF u xidhnayd ah ayaa laga qaaday Jigjiga la geeyey xerada Bayaxow horaantii 2018-kii si ay xabsigoodii ugu sii wataan marxalad qalafsan oo kasii daran Jeel Ogaden.

Maanta, maxaabiistii soo badbaaday ayaa ka hadlaya dhibaatooyinkii jidh ahaan, masakax ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba u wax yeeleeyey sannadihii maxbuusnimada. Waxayna dalbanayaan cadaalad iyo isla xisaabtan.
Halkan ka akhriso warka oo dhamaystiran. ( https://bit.ly/3jyzrl6 )



Xuquuqda: Juweyria

26/10/2021

Warbaahinta Soomaali Galbeed

Deegaan ka Soomaalida sheeg maagalada Laamida kutaala markaad Baabur kumarayso dadku wadada dhex istaagaan baabur kana i...
26/10/2021

Deegaan ka Soomaalida sheeg maagalada Laamida kutaala markaad Baabur kumarayso dadku wadada dhex istaagaan baabur kana isu dhiga?

Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sh...
17/10/2021

Xildhibaan Sir David Amess waxaa dilay Cali Xarbi oo British ah, laakiin asal ahaan Soomaaliya ka soo jeeda. Waxaa la sheegay Cali in uu ahaa dhakhtar, weliba samaynayey takhasus. Xildhibaan David oo 40 sano ka tirsanaa Baarlamaanka Ingiriiska ayaa ku guda jiray (Constituency surgery) oo ah maalmaha uu xildhibaanku fariisto xarun dadwayne ama dowladeed oo uu ku qaabilo dadka soo doortay ee qaba tabashooyin la xariira arrimaha socdaalka, qoysaska la is-haleeshiyo, sharciga soo daaha, deegaanka, caafimaadka, IWM.

Xildhibaannada Ingiriiska lama ilaaliyo, waardiye gaar ahna ma laha. Qof kasta ayaa imaan kara Constituency surgery,

Cali waa wiil ay waalidkiis waqti badan ku daddaaleen waxbarashadiisa ilaa uu noqday dhakhtar; waliba takhasus samaynaya, balse afkaartiisa xagga diinta ah ay xagjir noqotay.

Waaliddiinta Soomaaliyeed waxay aad ugu dadaalaan in ay ubadkooda ka ilaaliyaan in uu saaqido oo uu ku faraq xirto kooxaha abaabulan ee ku lugyeesha dilka, daroogada iyo boobka. Si ay taas ugu suuragasho ayey dugsiga quraanka iyo masaajidka kula dadaalaan ubadkooda.

Halkaas qudheeda waxaa fadhiya kuwa kale oo xagjirnimada iyo ku biirista kooxaha argagexisada ku qalqaaliya dhallinyarada. Waalidku inta badan ubadkooda kalama hadlaan kooxahaas, kalama doodaan afkaartooda, haddii ay ubaadkooda ku arkaan afkaar xagjir ah uma sheegaan Booliska qaabbilsan., taasina waxay keentaa in ay si sahal ah gacanta ugu galaan kooxaha xagjirka.

Dilka wiilkaas uu geystay wuxuu indhaha dadka British ka ah ku soo jeedinayaa guud ahaan Muslimka, gaar ahaan Soomaalida. Soomaali badan ayaa dhibbane u noqon doona. Waxaana kow ka ah waalidkiisa, walaalihiis iyo ehelkiisa. Kooxaha cunsiriyiinta ah ayaa beegsan doona Soomaalida oo ah dad si sahlan loo bar garan karo xaga muuqa iyo labbiska, gaar ahaan dumarka.

Dowladda Ingiriiska oo doonaysay in laabto boggii argagexiso la dirirka, una weeciso awooddii, dadaalkii iyo dhaqaalihii ku bixi jiray, mudnaan kale, ayaa arrinkani dood badan ku abuuri doonaa. Waxay kaloo dood ka dhalan doontaa amniga Xildhibaannada. Waxaase intaas oo dhan ka sii daran in ay adkaaneyso is araggii sahlanaa iyo adeeggii tooska ahaa ee ka dhaxeeyey xildhibaanka iyo dadka soo doorta, taasoo dhaawici doonta hannaanka metelaadda iyo hal abuurkii dimoqoraadiyadda ee hormuudka u ahayd Britain.

Falka argagexiso ee uu wiilkaas gaystay wax badan ayey saamayn taban ku yeelanaysaa, laakiin waxaa hubaal ah in aysan jirin wax uu naftiisa, ehelkiisa, dadkiisa iyo diintiisa u taray. Waxaan xanuunka la qaybsanayaa ehelka Sir David oo ay tacsi u taalo. Sidoo kale waalidka iyo qoyska Cali oo tiiraanyo iyo murug wayn ay maanta haysato.

Waxaa qoray Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Address

107 LUTTIG Street, PRETORIA WEST
Pretoria
0183

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SG News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SG News:

Videos

Share

JARAR NEWS TV

Dear Facebook Friends,

Thanks for Liking our Page Jarar News Tv, We are grateful to have you. From now on, you will get regular interesting updates.

OUR PRIVACY POLICY

Last updated: (01/02/2018)

Nearby media companies


Other News & Media Websites in Pretoria

Show All