Guudmeer Media

Guudmeer Media The Web site is updated on a minute-by-minute basis and offers our global audience all

Guudmeer Media News Agency is an independently-operated news agency that specializes in publishing objective and timely Somali news from direct sources inside Somalia. GuudmeerInformation Center is an independently-operated news agency that specializes in publishing objective and timely Somali news from direct sources inside Somalia.

Dabaaldagii Ciiidamada Guushi kadib
24/07/2022

Dabaaldagii Ciiidamada Guushi kadib

Shabakada Wararka Ee Guudmeer
19/06/2022

Shabakada Wararka Ee Guudmeer

26/01/2021
WAR DEGDEG AH!Ciidanka Liyuu-boolis-ka Canfarta ayaa weerar kusoo qaaday aaga Cadayle, waxaana weerarkaasi ku Geeriyooda...
11/01/2021

WAR DEGDEG AH!

Ciidanka Liyuu-boolis-ka Canfarta ayaa weerar kusoo qaaday aaga Cadayle, waxaana weerarkaasi ku Geeriyooday 8 qof oo Shacab ah halka dhaawacu uu 9 ruux ka badan yahay.

Sidoo kale Ciidanka Canfarta ayaa weerar ku qaaday Magalada Garbaciise, oo hada uu dagaal ka socdo.

- Shardiid Macalin

Laga Yaabaa 8-dan qodob in Aanad H**e u Ogayn-💎Subaxa Jimcaha- Ka hor inta aanu soo muuqan kaaha qorraxdu, dhammaan makh...
21/12/2020

Laga Yaabaa 8-dan qodob in Aanad H**e u Ogayn-

💎
Subaxa Jimcaha- Ka hor inta aanu soo muuqan kaaha qorraxdu, dhammaan makhluuqa oo dhami way aamusaan iyaga oo isu diyaarinaya Afuufidda "Suur-ta" iyo in Qiyaamuhu dhaco, marka laga reebo Bani-aadamka oo isagu qaflad ku jira.

💎

Marka uu ibnu aadamku geeriyoodo, timihiisu waxay sii wadaan koritaanka muddo dhawr bilood ah.

💎

Marka uu qofku muusig dhagaysanayo, jinka kuwiisa xun iyo shayaadiintuba waxay ku soo xaadiraan hareerihiisa, iyagoo boodboodaya oo jaasaya.

Hadii qofkaasi la tusi lahaa muuqaalkaas iyo waxa hareerihiisa ka socdana, naxdin ayuu u dhiman lahaa.

💎

Isaga oo Bani'aadamku dhintay ayuu haddana dhaqdhaqaaq ka socdaa qaybta bidix ee maskaxdiisa muddo 7 daqiiqo ah.

Maskaxdiisu waxay isku dayaysaa in ay dib usoo celiso xasuusihii h**e iyo dhammaan wixii uu qofkani soo maray.

"Udgoonaheenu (SCW) wuxuu yidhi "Marka uu Malakul Mawtku nafta ka siibayo, qofka waxa la horkeenaa camalkiisii ha xumaado ama ha samaado eh".

💎

Marka aad huruddo, waxa laga yaaba in aad ku dul seexato gacantaada amase meel jidhkaaga kale kamid ah kaddibna uu istaago qulqulka dhiigu, markaas maskaxdu waxay ku tusinaysaa riyoyin cabsi badan si aad hurdada uga kacdo oo aysan gacantaasi naafo u noqonnin.

💎

Waxa laga yaabaa in aad saqda dhexe sabab la'aan u kacdo 2 ama 3 jeer.

Waxa laga yaaba in RABBI ku jecel yahay oo uu rabo in aad barido wakhti uu samada koowaad ku soo dhawaaday.

💎

Waxa la shega in Malakul Mawtku uu maalintii ku soo fiiriyo 360 jeer isaga oo Rabbigiis amar uga sugaya in uu nafta kaa qabto.

Ka ducayso oo ku dedaal in uusan ku qaban adoo macaasi faraha kula jira.

💎

Salliga rasuulku waxa uu qaadaa murugada, werwerka iyo culayska nafta, wakhti rasuulka lagu salliyana waxa ugu khayr badan habeenka jimcuhu soo galayo.
Miyaysan kugu filnayn in adiga Rabbi kugu salliyo 10 jeer.

اللهم صلى على سيدنا ونبينا محمد وعلى آله وصحبه وسلم.

W/Q: Mohamud Abdi Salaad.

Dib u-xoraynta maskaxda (Decolonising the mind)Waa cinwaanka buug cajiib ah oo uu bari h**e qoray qoraa lagu magacaabo N...
02/12/2020

Dib u-xoraynta maskaxda
(Decolonising the mind)

Waa cinwaanka buug cajiib ah oo uu bari h**e qoray qoraa lagu magacaabo Ngugi wa Thiong'o oo u dhashay waddanka Kenya. Qoraagu wuxuu buugga kaga hadlayaa kaalinta ay luqadu ka qaadato hirgelinta qorshayaasha gumaysi ee lala beegsado dadyowga la gumaysto.

Gumaystuhu, marka laga tego awood ku-muquuninta dadka uu gumaysanayo, wuxuu ku dadaalaa inuu luqadiisa iyo dhaqankiisa oggolaysiiyo dadka uu gumaysanayo, ama markay ugu yar tahay u qurxiyo ama qaadashadeeda daruuri uga dhigo, isagoo adeegsanaya awoodihiisa kala duwan, sida kuwa sharciga, siyaasada, dhaqaalaha, dhaqanka iwm.

Qormada maqaalkan waxaa sabab u ahayd dhacdo yar oo na dhex-martay wiil dhalinyaro ah oo darawal ah, kaasoo aan ka codsaday inuu I geeyo "wareegga sayidka" ee magaalada Jigjiga. Wiilku aad ayuu u garanayaa ujeeddadayda iyo waliba meesha uu ku yaallo "wareegga sayidku", laakiin waxaa dareenka maskaxdiisa si degdeg ah ula qabsan wayday odhaahda "wareegga sayidka", sidaas darteed wuxuu ku celcelinayaa saw "adhabaabeega sayidka" ma aha? Aniguna waxaan ku celcelinayaa "wareegga sayidka" ayaan rabaa.

Is afgaran-waaga noocan ah waxaa keenay, iyadoo bulshada soomaaliyeed ee Jigjiga ku nool ay si ogaal la'aan ah ula qabatintay isticmaalka luqada Amxaariga, oo ah luqad uu gumaysi u keenay. Luqada Amxaarigu ma aha luqad ay dadku wada-yaqaanaan ama wada-xiiseeyaan ee waa luqad uu nidaamka dalka ka jiraayi dadka ku qasbayo, sidaas darteed waa lagama maarmaan in bulshada soomaaliyeed ay ka digtoonaado dhaqan-milanka laga yaabo in hab nidaamsan loola qabadsiinayo.

In kastoo afka rasmiga ah ee deegaanka Somali State uu yahay afka Soomaaliga, haddana dadka soomaaliyeed af-amxaarka waxaa kaga xidhan arrimo badan, maadaama uu yahay afka lagaga shaqeeyo Itoobiya (official working language).

Shaqooyinka muhiimka ah oo dhan iyo waxbarashooyinka sarsare (academic) badankood waxaa lagu xidhaa afka Amxaariga ah. Arrintani waxay qayb ka tahay siyaasada ahaysiinta ee lagu dhaqayo dadka aan amxaarada ahayn. Waa siyaasad dadyowga kale ee Soomaalidu ka midka tahay, dani kugu xambaartay looga dhigayo barashada afka iyo dhaqanka amxaarada. Sababtoo ah qofka soomaaliga ah wuxuu ku qasbanaanayaa inuu af-amxaarka barto, ha jeclaado ama yuuna jeclaaninee, kol haddii rajo kaga jirto inuu dalka wax ka noqdo.

Gumaysigii reer Yurub, markii ay dalalka Afrika qabsadeen, waxay qabsashadooda markii h**e ku billaabeen awood millatari, laakiin taasi uma suuragalinin hanashada dhabta ah ee bulshooyinkii ay gumaysanayeen.

Dagaalku waa muquunin xilli ku siman.
Markii muquuninta ama awood ku- cabudhintu ay meesha ka baxdo, sida badan, xaalku sidiisii h**e ayuu ku noqdaa. Sidaas darteed, waxay hindiseen in dadka laga beddalo afkooda, oo sidoo kale suuragalinaysa in dhaqanka laga beddalo, sababtoo ah waxay luminayaan haybtoodii/hiddahoodii asalka ahayd (their original identity).

Si barnaamijkaas loo hirgeliyo, waxaa la abuuray dugsiyo (schools) tayadooda waxbarasho la wanaajiyay oo carruurta wax lagu baro. Manhajka waxbarasho ee dugsiyadaas waxaa lagu qaataa luqada dalka wax gumaysanaya. Ilmo waliba ilmaha uu luqadaas kaga fiican yahay ayaa mudnaanta la siiyaa. Marka uu ilmuhu dhammaysto waxbarashadiisa, waxaa la siiyaa shaqada ugu fiican.

Macalimiintii, dhakhaatiirtii, injinneeradii, siyaasiyiintii, dhaqanyahannadii (the litterateurs) iwm, dhammaantood waxay noqdeen kuwo afka gumaystaha ku hadla, midkoodiina aan aqoon dheer u lahayn. Bulshadii oo dhan baa markaas naawishay inay noqoto sida dadkaas wax bartay ee nolosha helay oo kale. Luqadii gumaysigu waxay dabadeetana noqotay waddada loo maro horumarka shakhsiga ah (personal development) iyo midka dalka (state development).

Qoraa lagu magacaabo Sheikh Hamidou Kane ayaa buug (novel) uu qoray oo la yidhaado (Ambiguous Adventure), wuxuu ku faahfaahiyay qaabka ay gumaystayaashii reer Yurub luqadahooda iyo dhaqamadooda u liqsiiyeen dadyowgii Afrikaanka ahaayee ay gumaysanayeen, wuxuuna yidhi;

"... gumaystayaashu waxay billaabeen inay fahmaan in awoodda dhabta ah ee hanashada dalalka ay gumaysanayaan ayna ku jirin hubka casriga ahee ay dalalkaas ku qabsadeen, bales ay ku jirto barnaamijka hubkaas ka dambeeya. Sidaas darteed kanoonigii waxaa lagu xijiyay dugsiyo cusub... Kanoonigu wuxuu wax ka taraa dagaalka oo kaliya, laakiin dugsiyadu waxay dadka ku sameeyaan is-beddal aan ka soo noqosho lahayn."

Is-beddalka aan ka soo qoshada lahayn waxaa keenaya, iyadoo luqadu ayna ahayn wax bulshadu isku af-garato oo kaliya, balse ay tahay dhaqan iyo hayb (identity) ay bulshadu leedahay.

Luqadu sideedaba labo meesi ayay bulshooyinka ugu jirtaa;
1. Luqadu mar waa hab lagu xidhiidho oo bulshadu isku af-garato (communication means). Bulsho walba oo meel ku nool waxay leedahay luqad ay isku fahanto, taasoo inta badan ka kooban hadal, tilmaan iyo qoraal.
2. Sidoo kale luqadu waa xambaaraha dhaqanka bulshada luqadaas iska leh. Waxay mar walba siddaa dhaqanka iyo hiddaha soo-yaalka ah ee bulshada.
Luqadu waxay xambaarsan tahay dhaqanka, dhaqankuna wuxuu xambaarsan yahay guud ahaan milgaha bulshada, hab-dhaqankeeda iyo xidhiidhka ay la leedahay dadyowga kale iyo dabeecadda (nature).

Dhaqanku wuxuu saameeyaa habka ay bulshadu u fekarto, sida ay isu aragto iyo habka ay u maarayso waxyaabaha nolosheeda xidhiidhka la leh, sida hab-dhaqankeeda, taariikhdeeda, diinteeda, ganacsigeeda, siyaasadeeda iyo xidhiidhka ay caalamka kale la leedahay. Sidaas darteed bulshada iyo luqadeeda lama kala sooci karo. Haddii la kala soocana, waxaa ka dhasha asal-guur iyo tayo xumo nololeed oo la abtirsata bulshada afkeeda la dooriyay.

Haddii aan dib ugu noqono nuxurka mawduuceena, af-amxaarka si dedban ayaa bulshadeena loogu qasbaa, waxaana looga dhigaa inuu afkoodii hooyo ula mid yahay. Qofka aan af-amxaarka aqoonin waxaa laga soo qaadaa inuu yahay qof aan dalka la qabsan karin, waxaana sidaas lagu duudsiyaa xaqiisa.

Waxaan dhawaan la kulmay koox dhalinyaro ah oo dalka ku barbaaray. Dhalinyaradaas badankoodu si fiican uma yaqaanaan af-amxaariga.
Mid ka ah ayaa iiga sheekeeyay dhacdo isaga soo martay oo af-amxaariga la xidhiidha. Wuxuu ii sheegay inuu codsi u qortay tababar yar oo mid ka mid ah hay'adaha federaalku ay bixinaysay oo lagu qabanayay magaalada uu ka soo jeedo, hase yeeshee loo diiday inuu tababarkaas ka qayb-qaato, ka dib markuu u sheegay inuuna Amxaariga si fiican u aqoonin.

Wiilkan waxaa tababarka loo diiday, iyadoo dadka ay u adeegi doonaan oo dhan ay Soomaali yihiin, kuwa sida tooska ah u maamulayana ay iyaguna Soomaali yihiin.

Sababta ugu muhiimsan ee fursadaha noocan ah loogu diidayo dhalinyarada aan Amxaariga xiisaynin, waa in la kala doorransiiyo inay Amxaariga bartaan iyo in fursadaha shaqo laga af-qabto. Waa mid ka mid ah siyaasadihii ay isticmaali jireen gumaystayaashii reer Yurub, si ay luqadooda iyo dhaqankooda ugu sandulleeyaan dadyowga ay gumaystaan.

Isla siyaasadii ayay Itoobiya u isticmaalaysaa bulshada soomaaliyeed, waxayna daruuri uga dhigaysaa barashada afka Amxaariga, oo ah af ay leedahay qowmiyad yar oo Itoobiya ka mid ah. Waa mid ka mid ah siyaasadihii isku dul-noolaanshaha ee boqortooyooyinka xabashidu ay ka hirgeliyeen gobolka Geeska Afrika.

In kastoo ay wanaagsan tahay in luqadaha qalaad la barto, ayna mar kasta tahay faa'iido kuu korodhay, haddana barashada Amxaarigu ma aha luqad uu qofku si xor ah, ama u baranayo ama isaga daynayo, ee waa luqad barashadeeda lagu qasbayo dadka aan amxaarada ahayn.

Waxaana daliil u ah siyaasadaha dowlada oo arrintaas ku wada-salaysan. Waxaa tusaale inoogu filan hadalkii Cabdi Iley ee ahaa "Itoobiyaannimada sida Kiniinka u liqa." Ninkaas iyo inta la siyaasadda ah, Itoobiyaannimadu agtooda waxay ka billaabataa, kuna dhammaataa af-amxaariga.

Haddii la rabo in la xoojiyo is-fahamka qowmiyadaha kala duwan, ee kala afka ah, kala dhaqanka ah, kala isirka ah ee kala diinta ah, waa in la helo af u dhexeeya oo ayna qolo gaar u lahayn, si ay adeegga iyo fursadaha dalka ugu sinnaadaan.
W/Q: AhmedYaasin

Michael Hart waa qoraa Maraykan ah, asal ahaanna ka soo jeeda Israaiil. 28 sano oo noloshiisa ka mid ah waxa uu ku qaata...
27/10/2020

Michael Hart waa qoraa Maraykan ah, asal ahaanna ka soo jeeda Israaiil.

28 sano oo noloshiisa ka mid ah waxa uu ku qaatay qorista buug uu u bixiyay: The 100: A Ranking of the Most Influential Person in History. Boqolkii halyeey ee ugu saamaynta badnaa sooyaalka basharka.

Markii uu dhammeeyay qorista buuggiisa waxa uu magaalada London uga dhawaaqay muxaadaro uu kaga warramayo qofkii ugu weynaa ee taariikhda basharka soo mara, waxa uuna qofkaa u doortay Nebi Muxammad ﷺ .

Dadkii ayaa ku qayliyay kuna fooriyey si ay hadalka ugu diidaan, balse, dheg jalaq uma siin oo hadalkiisi ayuu sii watay asaga oo leh: nin ayaa ka soo baxay tuulo yar oo Maka la yiraahdo, waxa uuna dadkii ku yiri: waxaan ahay ergay Eebbe idiin soo diray. Waxa aan u imid in aan dhammaystiro akhlaaqda wanaagsan.

Waxaa rumeeyay 4 qof, xaaskiisii, saaxiibkii iyo labo carruur ah. Hadda oo laga joogo 1400 oo sano soo bixitaankiisii, tirada Muslimiintu waxa ay kor u dhaaftay hal bilyan iyo bar, maalin kastana way sii kordhaysaa – kolka suuragal ma ah inuu noqdo beenaale, maxaa yeelay ma jirto been noolaan karta 1400 oo sano, sidaa oo kale, wax caqliga geli kara ma ahan hal qofi inuu khiyaamo dad ka badan hal bilyan iyo bar.

Arrinta kale ee ashqaraarka ah waxa ay tahay: inkasta oo laga joogo geeridiisii waqti dheer, haddana waxaa jira malaayiin Muslimiin ah oo diyaar u ah inay naftooda u huraan dartiis, ma jiraa qof Masiixi ah ama Yahuudi ah oo sidaa u samayn kara Nebigiisa ama Rabbigiis? Dadkii qaylinayay ayaa qof hadla laga waayay, hoolkii qayladu ka baxaysayna shib baa ka soo hartay.

Michael oo hadalkiisii sii wata waxa uu yiri: "Akhristayaasha qaarkood la yaab ayay ku noqon doontaa, kuwa kale dood ayay ka keeni doonaan doorashadayda aan Muxammad u doortay inuu hoggaamiyo liiska dadkii ugu saamaynta badnaa dunida, balse, waxaa hubanti ah Muxammad inuu ahaa ninka keli ah ee taariikhda ku guulaystay dhan kasta, dhan diini iyo dhan maaddiba."

Sii Share-garee.

W/Q:- Mohamed Abdi Odowaa

Qiso Cajiib ah: Sac koriyey Haramcad Haramcadka isago yar ayey hooyadii dhimatay kadibna sacaasa nuujiyay, isna ma ilaaw...
20/10/2020

Qiso Cajiib ah: Sac koriyey Haramcad

Haramcadka isago yar ayey hooyadii dhimatay kadibna sacaasa nuujiyay, isna ma ilaawin abaalkii oo habeen kasta hooyadiisi labaad ayuu soo boqan jiray. Haramcadku marku yimaado dhammaan Eydii baa ciyi jiray deedna jaarki baa yaabay oo is yiri habeen kasta maxay eydu la dhawaqaan.? haddii xaafadihi Camerad lagu xirayna sawirkana la helay.

Aadamaha oo ah noolaha ugu abaal gudista yar oo isku caayaya hebel waa xayawaan markaad aragto maxa kugu soo dhaca.?

40 Sano waxay aheyd Indhoole (araga naafo ka ah) hadda ayuu aragu usoo laabtay.Hooyo Nishooy Isaaq Aadan oo 40 sano arag...
06/10/2020

40 Sano waxay aheyd Indhoole (araga naafo ka ah) hadda ayuu aragu usoo laabtay.

Hooyo Nishooy Isaaq Aadan oo 40 sano aragga naafo ka ahayd oo arageedu usoo laabtay, kadib indha fiiqis loo sameeyay.

Waxay ku nooshahay degmadda Xudur ee gobolka Bakool, Illaah baa mahad leh.

Cali Aadan Muumin

1=Nabiga صلي الله عليه وسلم wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, laba sano ka dib Caamul-fiil, Bisha Rabiicul-aw...
05/10/2020

1=Nabiga صلي الله عليه وسلم wuxuu ku dhashay magaalada Maka Al-mukarama, laba sano ka dib Caamul-fiil, Bisha Rabiicul-awal, ama loo yaqaano (Mowliid) 12-keeda, Habeen Isniin ah

2= Waxaa nuujisay Hooyo Xaliimatu Sacdiya, Oo iyada heysay Nebiga SCW ilaa uu ka gaaray 4 sano , ka dib waxaa loo geeyay Hooyadiisa Aamina ,

3= Hooyana waxay Heysay ilaa uu ka gaaro 6 sano, Dabadeed Hooyo Aamina wey dhimatay , kadibna waxaa kafaalo qaaday Awoowgiis C/Mudalib.
4=Awoowgiisana Wuu dhintay isagoo Nebigu SCW jiro 8 sano , hadana waxaa ka faalo qaaday Adeerkiisa Abuu Daalib.

5= Abuu Daalib si aad ah ayuu u jeclaa Nebiga, Abuu Daalib ma uusan seexan jirin in nabigu dhinaciisa uu jiifo ma ahane, hadii uu meel aadayana wuu wadan jiray Nebiga SCW.

6=Nebiga Adeerkiisa Abuu-Daalib Wuxuu la joogay nabiga waqti aad u dheer , balse nasiib daro wuxuu ku dhintay Gaalnimo wuuna diiday inuu islaamo,

6=Nabiga SCW markii uu gaaray 25-sano ayuu guursaday Umu Khadiija-Bintu-Khuweylid, oo aheyd Haweeney aad u sharaf badan , garoob ah , maal badanna laheyd, jirtayna 40 sano , waxayna u dhashay 6 caruur ah.

7= Nebigu markii uu gaaray 40 sano ayaa loo waxyooday lagana dhigay Rasuul, iyo Nabi, waxaana la amray inuu dadka ugu yeero towxiidka oo ah ilaahey kalya inay caabudaan,

8= Markii 13 sano uu ugu yeeray dadkii deggenaa Maka islaamka ayaa la amray Rasuulka inuu u haajiro Madiina, isaga iyo asxaabtii rumaysayba.

9=Waxay tageen Madiinatul-Munawara, si fiican ayaana loogu soo dhaweeyay , Nebiga markii uu soo galay Madiina dadku waxay u safteen jidka dhinacyadiisa, iyagoo soo dhaweeynaya qaadayana Ashcaar, Sacab iyo Durbaan , jacayl ay uqabaan awgiisa.

10=Nabiga markii uu soo galaayay magaalada Madiina wuxuu saarnaa Hal Rukuub ah, wuxuuna ku dagay Guriga Abuu Ayuubul Ansaari.

11=Nabigu wuxuu walaaleeyay asxaabtii la soo hijrootay iyo asxaabtii Madiina degnayd, oo la kala oran jiray Muhaajiriin Iyo Ansaar

12=Nabiga Wuxuu kudhintay Madiina laguna Duugay wuxuuna jiray 63 sano markii uu geeriyooday
13. Wuxuuna nooga tagay Qur’aanka kariimkaa oo ilaa maalinta qiyaamo ahaan doona kii ugu dambeeyay wax kastana ku qoran yihiin.
Qofka raacana wadadiisa uu jannada guri ku yeelanayo. Qofka ka tagana uu cadaabka halis ugu jiro Rabbi ha naga badbaadiye

W. Q hasan Gode

Ciidamada Azerbaijan oo qarka u saaran caasimada gooni u goosatada Armenia.Baku: Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia i...
05/10/2020

Ciidamada Azerbaijan oo qarka u saaran caasimada gooni u goosatada Armenia.

Baku: Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta kasii xoogeystay gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, ayada oo ay sii kordheyso cabsida la xiriirta khasaaraha dadka rayidka ah, kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay madaafiic ku garaacaan magaalooyin waa weyn.

Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa qirtay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay kusii saqayaan magaaladan muhiimka ah, lagana yaabo inay galaan.

Sidoo kale, shalay ayey ahayd markii
madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev uu sheegay in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah.

Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee G***a, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar h**eba ay ku dhinteen 250 qof.

Dagaalka oo billowday Sabtidii 27-ka September, ayaan weli labada dhinac aysan muujineyn wax astaamo ah oo ay ku doonayaan xabad-joojinta ay ku baaqayaan xubnaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Axadii ka dalbaday Armenia inay waqti u qabato inay ka baxeyso dhulalka Azerbaijan, haddii aan taas la helin aanu dagaalku marnaba joogsan doonin.

Qore: Cadaroosh

Azerbaijan oo guulo ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey.Baku: Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ay...
05/10/2020

Azerbaijan oo guulo ka gaartay dagaalka Armenia iyo wararkii ugu dambeeyey.

Baku: Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa sheegay goor dambe oo Sabtidii ah in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz, ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah, xilli ay dagaal kula jiraan Armenia.

Boqolaal qof ayaa isugu baxay caasimadda Azerbaijan ee Baki, ayaga oo dabaal degaya islamarkaana haatinaya calamayo iyo boorar ay ku qoran yihiin “Karabakh anaa leh, waana lahaan doonnaa abid.”

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay qabsadeen toddoba magaalo oo kale oo yar yar oo ka tirsan gobolka Karabakh ee la isku haysto.

Wasaaradda Difaaca Armenia ayaa dhankeeda waxay sheegtay in xoogagga gooni u goosadka ah ee Karabakh ay iska difaaceen weerar ballaaran oo ay ku qaadeen ciidamada Azerbaijan, iyadoo afhayeenad Shushan Stepanian ay tilmaamtay dagaalku uu sii xoogeystay ayna ciidamada Armenia soo rideen seddex diyaaradood oo Azerbaijan ah, sida ay sheegtay.

Wasaaradda Difaaca ee Azerbaijan ayaa beenisay in wax diyaarado ah laga soo riday waxayna sheegtay in ciidamada Armenia ay duqeeyeen goobo rayidku deggan yihiin.

Ciidamada gooni u goosadka ee gobolka Karabakh ayaa xaqiijiyey in dagaalka looga dilay 150 askari illaa iyo hadda, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in dhimashadooda ay gaareyso 270/
Azerbaijan ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan qasaaraha militari, in kasta oo maamulka ay sheegeen in 19 qof oo rayid ah la dilay 55 kalena la dhaawacay.

Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Armenia Artsrun Ovannisian ayaa sheegay goor danbe oo Sabtidii ah in 2,300 oo ka tirsan ciidamada Azerbaijan ah la dilay, oo ay ku jiraan ilaa 400 oo Jimcihii dhintay, hase yeeshe, waxaan la xaqiijin karin sheegashadan.

Xigasho: Cadaroosh

Wadanka Turkey oo aad looga dareemayo inay ku lug leedahay Xiisada Dagaalka kasocda ARMENIA iyo AZERBIJAN.Bayrakhtar TB2...
01/10/2020

Wadanka Turkey oo aad looga dareemayo inay ku lug leedahay Xiisada Dagaalka kasocda ARMENIA iyo AZERBIJAN.

Bayrakhtar TB2, Suuriya, Ciraaq, Liibiya, bariga badda dhexe ilaa Azerbaijan. Waa dron is wada, diyaaradaha dagaalka si toos ah dagaal ula geli karta ama iska difaaci karta, qaadi karta weerar toos ah oo bartimaalmeeda iyo weliba mid elektaroonig ah.

Caalamku indhaheey ku hayaan, iyadoo iibsigooda ama dalabka lagu doonayo soo badanayo.

Azerbijan ma Muslim Sunni ah baa mise Muslim Shiico ah? -

Qore: Ismaciil Farax

Qiso Cajiib ah !!!Illaahey ayaa isaga oo ka aqoon badan ogna waxa uu ku jawaabi doono , Malakul Mowtka weydiiyey oo ku y...
01/10/2020

Qiso Cajiib ah !!!

Illaahey ayaa isaga oo ka aqoon badan ogna waxa uu ku jawaabi doono , Malakul Mowtka weydiiyey oo ku yidhi-

" Miyaaney maalina Naxariisi kuu qaban intii aad Adoomaheyga nafahooga qabaneysey ama nafta ka qaadaysey?"

Malakul Mawtikii ayaa ku jawaabey, "haa , Maalin waan Qosley , Maalina waan Naxey oo naxariis ayaa i qabatey, Maalina waan Argagaxey oo waan yaabey."

1) Maalin waxaad ii dirtey inaan nafta ka soo qaado adoon ka mid ah adoomahaaga kadib waxaan u tagey isagii oo dul taagan nin kabo tole ah oo ku leh iigu dhakhso oo kabta h**e iigu tol dharkan cusub ee aan soo iibsadey ayaan u xidhanayaa kabahee " ka dib naftii ayaan ka qabtey isagoon xidhan dharkii uu gacantiisa ku soo iibsadey " maalintaasi waan qosley.

2)Maalin waxaad ii dirtey inaan nafta ka soo qaado adoon ka mid ah adoomadaada kadib waxaan u tagey iyadoo ku nool meel fog oo cidlo ah kaligeed wax bani aadam ahina aanu ka ag dhaweyn isla markaana ilmo yari dhabta u saaran yahey , kadib ilmhaasi yar ayey naxriisi ii qabatey.

3) Maalin waxaad ii dirtey inaan nafta ka soo qaado adoon ka mid ah adoomahaaga kadib mar kasta oo aan isku dayo inaan galo meeshiii uu joogey amase jiifey , waxa ka soo baxeyey nuur aad u weyn oo xoog badan oo dib ii riixayey igana celinyey ilaa dhowr jeer uu i celiyey maalintaasina waan argagaxey.

" Illaahey ayaa ku yidhi Malakul Mowtkii " ma garaneysaa adoonkaas kaa argagixiyey? Waa adoonkii maalintii ay naxariisu kuu qabatey ee meesha cidlada ah aad hooyadii nafta kaga qabatey --- Kamaan tagin kaligii waan soo kobciyey oo aan soo barbaariyey ilaa aan ka dhigey mid ka mida adoomaha ugu cilmiga badan wakhtigiisii .

Soo qor mid ka mid ah magacyada Illaahey si ay F***j kuugu noqoto.

" Yaa Xaliim".
Qore: Galaal X.

Talooyin Caafimaad.1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsana ...
30/09/2020

Talooyin Caafimaad.

1. Ha raacin gaari, ama bajaaj adiga oo ay kaadi ku hayso, jugta bajaajta ama gaariga uma wanaagsana kilyahaaga, sababtoo ah kilyuhu marka qofka kaadi hayso si fudud ayay u dhaawacmi karaan.

2. Haku qaban gacanta midig galaaska biyaha aad ku cabayso marka aad cuntada cunayso, galaaska dushiisa wasaq aadan dareemayn ayaa saarnaan karta, ku cab gacanta midig marka aad cuntada cunto ka dib.

3. Ka rushee guriga hortiisa ama dayrka biyo diiran, biyaha qabow ama biyo caadi ah marka ku rusheeyso jeermiska ma dhimanayo balse markaa biyaha kulul ku rushayso jeermiska ilma-aragtada ah ayaa dhimanaya.

4. Caruurta ha bootbootin, bootbootinta caruurta waxay ka dhaxlaan cudurada neerfaha iyo wadnaha ku dhaca, jacaylka iyo hilowga caruurta intuu kaa bato yuusan dhib u keenin isla ilmihii aad jeclayd.

5. U mari caruurta saliid saytuun inta aadan xafaayada u xirin, xafaayadaha qaar waxay caruurta ku keenaan wax la dhaho diaper rash oo ah finan yaryar oo ay xafaayadu sababto, saliid saytuunka finankaas ayay ka hortagta.

Qalinkii:Dr waahin sabriye.

Qodob-kee dareenkaaga soo jiitay.

Halkan uga wac saaxiib ama walaal aad jeclaan lahayd in uu kaala faa'iidaysto qormadan, ha noqon qof wuxuu faa'iiday keligiis ku ekaadaan ee u faa'iidee walaalaaha kale .

Nagula soo biir boggan si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

26/09/2020

ileen Bahashu meeshay Ka Qasantahay waa..........


NAIROBI + BAXSAD

1. Mustafe Muxumed Cumar. Madaxwaynaha DDS
2. Xuseen Xaashi. Hogaanka nabadgalyada
3. C/fataax sh/biixi Wasiirka hawlaha guud
4. C/lahi Aadan lag. Wasiirka RRC
5. C/qaadir Sheikh. Wasiirka arimaha bulshada
6. Cumar faruuq. Wasiir k/x madaxtooyada
7. Xamdi xarago Wasiir k/x macdanta
8. guray. Maxamed Hogaan k/x nabadgalyada
9. Jimcaale Axmed Wasir K/x warfaafinta
10. Maxamed rooble. Wasir k/x waxbarashada
11. Cali samire. Komissionka xalinta
khilafaadka iyo xuduudaha
12. Axmed Bidhic. Gudoomiyaha gobolka jarar
13. Bare. maxamed Gudoomiyha gobolka Nogob
14. Engineer Axmed naasir Wasiir k/x hawlaha guud
15. Xasan qallaafo wasiirka Ilaalinta degaanka
16. maxamed Sheikh adan. Wasiirka PCDP
17. c/qaadir Kuxigeenka komishinka
Cabshooyinka
18. c/risaaq sayid wasiir k/x madaxtooyada

HAAYADAHA

1. C/raxmaan Iid. Wasiirka waraabka & Doxooyink
2. Cabdi H**e. Wasiirka Biyaha
3. Cali badal wasiirka warfaafinta
4. Axmed Naaji wasiirka science
and technology
5. cabdilaahi Mawlid Wasiirka TVETka
6. Maxamed yusuf ( wandhi) Wasiir k/x madaxtooyada
7. Daahir maxamed Wasiirka Iskashatooyinka
8. Guleed Axmed. Wasir K/x warabka & doxoyinka
9. bashiir xuseen Wasiir k/x dakhliga
10. Ismaciil badhi. Hanti dhawrka guud

MAXABIISTA

1. Cabdicaadil Xasan Gudifulin PP
2. Rooble Cawaale ciise Wasiirka gadiidka iyo Jidadka
3. C/laahi Qaasim madaxa komissionka maleeshiyada
4. Khadiir C/raxmaan. Wasiir k/x Ganacsiga
5. C/raxmaan Dheere. wasiir K/x Tvetka
6. General maxamed yare. Commissioner ka Policeka
7. C/raxmaan Salaad. Madaxa Somali Development association
8. faysal Daahir. K/X iskashatooyinka
9. Ibraahin C/qaadir. Wasir K/X isboortiga
10. Maxamed Aadan. Wasir k/x cilmibaadhista
11. Engineer Fuad xasan. K/X water enterpriseka
12. En. maxamed Mukhtar. k/x design enterpriske
13. Dhagawayne. K/x com Musuqa
14. Axmed Saafi. Gobolka nogob
15. halgan xasan. Mayarka MM Dhagaxbuur
16. Xaaji Mataan. Lataliye Xoogan Liyu policeka
17. Maxamed Mukhtaar. Wasir k/x Biyaha

GANACSATADA IYO DILAALINTA

1. Bashiir Shaafi. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
2. Axmed Qabyo Golle dhexe PP
3. Sheikh cabdi maayarka maamulka magaalada Godey
4. C/salaan qayo. Wasiirka qurba joogta iyo maalgalinta
5. Xasan Daadhi
6. Mubaarak Sh/Cumar. Wasiir K/x Beeraha
7. C/risaaq cadho. Mareeyaha warbaahinta
8. Faysal Rashiid. K/x xarunta dhexe ee Somali prosperity part
9. C/rashiid haaruf. Mareeyaha wakalada desgnka.
10. Aadan gabyaw. Gudoomiyaha Gobolka Shabeele
11. c/risaaq cawil maayarka MM Qabridahare
12. Engineer Farax. Wasir k/x Biyaha

SSI

1. Mubashir Dibad. Wasiirka maliyada iyo dhaqaalaha
2. Fatax maxamed Wasiirka Waxbarashada
3. Cabdi carablaw. Mareeyaha horumarinta Guryaha
4. bashiir Commisionkla Asluubta
5. C/laahi Dheere. Hogaan K/x nabadgalyada
6. Axmed Sheekh. Wasiirka Cilmi baadhista
7. Cali gacan. Wasiir k/x malgalinta iyo qurba joogta
8. maxamed maxamud. Gudoomiyha Gobolka Libaan
9. xamaw Gudoomiyaha gobolka afdheer

HEEGADA IDMAN

1. Cabdi Maxamed (Ugaas). Wasiirka macdanta iyo Shidaalka
2. Aadan faarax. Afhayeenka Golaha
federetionka
3. Xabiib Muxumed yusuf Wasiirka warfaafinta
4. Cumar Siyaad wasiirka Isportiga
5. Fardowsa Dayr Afhayeen k/x parlamanka
6. C/qaadir Sheikh. Wasiirka CPA
7. Dr yusuf Wasiirka Cafimaadka
8. Dayib Axmednur. Wasiirka Xoolaha
9. Ilyas Abiib Wasiirka
Dalxiiska
10. Xamdi (Boolis). K/x komisionka Booliska
11. Hon shugri mustafe Gudoomiyha G Erer
12. Xildhibaan maxamed Gudoomiyha G. Doolo
13. maxamed C/raxmaan. Wasiir K/x Gadiidka iyo Jidadka
14. xasan sheekh. Wasiir k/x waxbarashada
15. xildhibaan maxamed Gudoomiyha G qoraxay
16. xasan bulbul. Wasiir K/x maaliyda
17. Ayan cabdi shukri. Wasiir k/x cafimaadka
18. Cabdirisaaq cadaalada. Wasiir k/x cadaalada
19. Suulow Maxamed. Wasiir k/x xoolaha
20. Engineer C/qaadir jidaadka Wasir k/x Jidadka iyo gadidka
21. Cabdicasiis K/x investmentiga
22. Leembo. K/x isbooriga
23. Khadar. K/x managementiga
24. C/fataax maxamed. K/x guriyaynta
25. Eng cabdisalan. K/x wakalada jidadka
26. Cali Dalaja. Mareeyaha C.O.C

WADAADADA

1. Xasan Daadhi. Wasiirka madaxtooyada
2. Dr c/qaadir Iman. Wasiirka Beeraha
3. Maxamed Shariif. Mareeyaha seed interpriske
4. C/risaaq Sayid. Wasir K/x madaxtooyada
5. Sheekh Axmed haadi. maxkamada Shareecada
6. Eng Mukhtaar Abib. Mayarka Wajaale
7. Eng C/risaaq cawil. Mayarka Qabridahar
8. C/rashiid Sheekh Wasiirka barlamanka

CAANO MADAADSHAYAASHA

1. Cabdilaahi Bare. Gudoomiyaha maxakamada Guud
2. Ibraahin cali madaxwayne ku xigeenka
3. C/kariim C/raxmaan. Wasiirka k/x hawlaha guud
4. Zaynab Xaaji. Wasiirka haweenka
5. Subeer dakhliga. Wasiirka Dakhliga
6. C/wali Jaamac. Wasiirka cadaalada
7. Dr Mukhtaar. Wasiir k/x cafimaadka
8. Dr Sharmaarke. Mareeyaha Deka
9. Dr jawhar. Wasiirka Hapco
10. Saadiq maxamed Wasiir k/x RRC
11. C/wahab maxamed Wasiir k/x
cafimaadka
12. Cabdirashiid K/X HAPCO
13. Abshir cali K/x Xoolaha
14. Maxamed cabdi Haruun. K/x Biyaha
15. Maxamed Gure. K/x CPA
16. Dr Suldaan Wali. Water interprise
17. Dr C/xamiid. Mareeyaha nursing
18. Maxamed Ismaciil. Mareyha wakaalada Jidadka
19. C/xakiin. maxamed Gud
Gobolka Faafan
20. Xasan bidhiq. Cabashooyinka
21. Cali Ugaas. Wakaalada dabagalka
22. Ismacil maxamed. K/x cabashooyinka
23. C/qani maxamed. Anti corruption
24. Muuse Cismaan. Shaqo Abuurka
25. C/wali K/x arimaha Bulshada
26. Xasan Gaydh. Macadka Farsamada
27. Axmed Nuur Iskuulka Agoonta
28. Adan. Shirkada basaska
29. Dayib TTI
30. Hibo Axmed. K/x warfaafinta
31. C/khadar rasaas Wasir
k/x maaliyada
32. C/fatax cali. K/x

Address

107 Luttig Street, Pretoria West
Pretoria
0183

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Guudmeer Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Guudmeer Media:

Videos

Share