Buhodle News

Buhodle News BUUHOODLE NEWS

Guul Reer Khatumo
23/12/2023

Guul Reer Khatumo

Kaptan ayuub ayaa si balaadhan loogu so dhoweyey buhodle
13/11/2023

Kaptan ayuub ayaa si balaadhan loogu so dhoweyey buhodle

Soo dhaweyntii Laascanod Captan ayuub.
09/11/2023

Soo dhaweyntii Laascanod Captan ayuub.

Ciidamada SSC Khaatumo oo gacanta kudhigay horjooge ka tirsan Argagaxisada Somaliland.Taliyaha saadka Argagaxisada Somal...
08/11/2023

Ciidamada SSC Khaatumo oo gacanta kudhigay horjooge ka tirsan Argagaxisada Somaliland.

Taliyaha saadka Argagaxisada Somaliland

DEG DEG: Xukuumada ssc khaatumo oo War soo saartay.WAR SAXAAFADEEDLaascaanood, 08 November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo ...
08/11/2023

DEG DEG: Xukuumada ssc khaatumo oo War soo saartay.

WAR SAXAAFADEED

Laascaanood, 08 November 2023:- Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu si dhaw ula socdaa go’aammada colaadeed ee ka imaanaya maamulka Somaliland, kuwaas oo ku hawlan in ay colaad qabiil iyo dagaal beeleedyo ka abaabuulaan beelaha deggan deegaammadaas.

Maamulka Muuse Biixi wuxuu saaka weerar kusoo qaaday deeganada Buqdharkayn ilaa Yeyle oo isku jirta masaafo dhan 8 Kilometer. Deegaannadaas oo shalayna ay ciiddammada Soomaalilaan ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku dhaawaceen. Weerarka saaka ayay malayshiyaadku ku laayeen dad reer miyi ah kuwo kalena ku barakiciyeen.

Ciiddammada difaaca maamulka SSC-KHAATUMO oo heegan buuxa ku jiray ayaa ka jawaabay weerarkaa fulaynimada ah iyagoona iska caabbiyey malayshiyaadka maamulka Somaliland.

Maamulku wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka, in Muuse Biixi uu ka dhabaynayo ballan qaadkii colaad ka hurin deegaannada oodwadaagta ah, taasoo keenaysa dhimasho, burbur, iyo qaxinta bulshada oodwadaagta ah.

Haddaba, Maamulka SSC-Khaatumo isaga oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda ka saaran shacabkiisa iyo deegaankiisa wuxuu caddaynayaa in uu si dhab ah u qaadanayo colaad hurinta ay Somaliland waddo si dhawna uu ula socdo dhaqdhaqaaq kasta oo ay Somaliland damacsan tahay.

Sidoo kale Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay.

Ugu dambayn, Maamulka SSC-Khaatumo waxuu mar labaad hoosta ka xarriiqayaa in ay u diyaarsanyihiin difaaca iyo ilaalinta nafta, dhulka iyo sharafta deegaannada SSC-Khaatumo oo idil, weerar kasta oo ka yimaadda Muuse Biixina ay ka dhalan doonto cawaaqib aan la mahadin, kuwaas oo uu masuuliyaddeeda qaadayo Muuse Biixi iyo kooxdiisa.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
Maamulka SSC-Khaatumo
Email: [email protected]

06/11/2023

Garaad Cabdulahi Axmed sulub oo ka kulmay Saraakiil ka socota Hay'ada UNHCR, the UN Refugee Agency

05/11/2023

Garaad Cabdulahi Axmed Sulub iyo Isimada SSC Khatumo oo Kulan ku Yeeshay Hotel Ciy Plaza Magalada Buhodle Kulanka Aya ku Saabsana Isxog Waraysi Arimaha Deegamada SSC KHATUMO

03/11/2023

Nabada habarjclo laga doonayo k**a duwana taas carabtu Isreal ka doonayso!

Qofka qaba beer xanuun sida cagaarshow B iyo C,beer sugaba  ama Cholesterol uma fiicno in uu cuno wax dufan leh Sida hil...
03/11/2023

Qofka qaba beer xanuun sida cagaarshow B iyo C,beer sugaba ama Cholesterol uma fiicno in uu cuno wax dufan leh

Sida hilibka la shiilay ama codkac/luqmad dhamaantood waxey wax yeeleynayaan beerka.

udheh walaalaha kale si ay ugu faaideystaan.

Page-ka like saar saar siaad uhesho maclumaad dheeri ah una noqoti qofka ugu h**eeyo ee kafaaideysta casharada aansoo gelino.mahadsanid

Wax Maxaabiisa oo lasii daynayaa Ma Jiraane Qodob dheh.Saddex Qalad oo Waa Wayn Bay Galeen Isimada dhaqanka Ee Buuhoodle...
03/11/2023

Wax Maxaabiisa oo lasii daynayaa Ma Jiraane Qodob dheh.

Saddex Qalad oo Waa Wayn Bay Galeen Isimada dhaqanka Ee Buuhoodle kusugan Malmahan.

1. Odayaashii dhaqanka Ee Deegaanka Koox Gaara ayey Wataan

2. Culimadii Deegaanka Qaar bay la kulmeen Qaarna Inay Jiraan K**a Soo Qaadin.

3. Rag Maxaabiisa oo Dagaalamayey Gacmahooda
Rag ku maqan yahay bay leeyihiin Siidaaya.

Isimow Sidaasi Si Aad Nagu dul Joogaysaan Ama Aad ummadan ku matashaan maahane dadka Rabitaankoodda ku shaqeeya Hadii Wixii ka yimaadda Masuuliyadeeda idinkaa Qaadi doona.

Beesha habar jeclo oo maleshiyad hor leh kusoo daabulaysa qorulugud halka qaar kamid ah odoyasha buhodle yimi ku baaqeen...
03/11/2023

Beesha habar jeclo oo maleshiyad hor leh kusoo daabulaysa qorulugud halka qaar kamid ah odoyasha buhodle yimi ku baaqeen in lasii daayo maxabiis dagaal oo h**e loogu qabtay maskaxbuqle

03/11/2023

Sheikh Axmed wali Sheikh Maxamed Aadan (Dhoon) oo Kamid ahaa Culimada Xerta Deeganka Badwayn Dhalsho Ahaana Kasoo jeeday Deeganadda Ssc Gaar ahaan Degmada buuhoodle.

Waxay 21 september Maleeyashaydka Muuse Biixi Ka Afduubeen Deeganka Oog Yadoo iLaa iyo Hada Aan La Aqoon Halka Ay Geeyeen.

Sabbta Kaliya Ee shiikhan Xerta Degaanka Badwayn Loo Afduubty Aya ahayd inu Dhalasho ahaan Kaso jeedo Deeganadda Ssc.

Sido kale waxay bil kahor Ka afduubteen Burco
Gaani Cumar calawaash oo isna Reer Buuhodle ahaa

Anagoo Isimadda Iyo Dhaqankaba
ixtiraamayna Ma La is waydiiyey Sabbta Ragan Aan Waxba galabsan La isaga Indha tariyo Kuwii Dadka iyo Deeganka Soo Weerarayna Loogu Qareemayo in lasii daayo??

Ninkan dhalinyarada ee sawirkiisu idiin muuqdo waa   Cumar Calawaash Waana muwaadin reer SSC Khaatumo ah.Waxaa laga afdu...
03/11/2023

Ninkan dhalinyarada ee sawirkiisu idiin muuqdo waa Cumar Calawaash Waana muwaadin reer SSC Khaatumo ah.

Waxaa laga afduubay magaalada Burco isaga oo gurigiisa jooga oo aan faraha wax danbi ah kula jirin.

Kaliya waxaa loo afduubay oo lagu haystaa inuu dhulbahante yahay.

Dagaal laguma qaban danbi kale laguma haysto kaliya waxaa loo haystaa inuu Reer SSC yahay.

Hadaba kuwa maanta doonaya in la
Sii daayo kuwii dagaalka lagu qabtay ee weerarka soo ahaa, sow gaani iyo cida uu yahay godob
K**a galin maadaama isagu aan dagaalba lagu qaban qorina wadan?

Gaani waxaa loo haystaa kaliya inuu dhulbahante yahay laakiin maxaabiista Buuhoodle lagu hayo waxaa lagu qabtay dagaal iyo fal danbiyeed ay faraha kula jireen!

Dhaliilo badan iyo jaahwareer ayaa ii muuqda waxaanse ogahay in wax badan la sixi doono insha allah.

Xusuusin: Gaani maanta ayaa loo geeyey maxaabiistii kale ee Harti.

Ma jirto maxabiis la siin dayn karo oo dagaal lagu qabtay ninkii iga dheer  ha iga dul boodo.garaadka beesha aadan axmed...
03/11/2023

Ma jirto maxabiis la siin dayn karo oo dagaal lagu qabtay ninkii iga dheer ha iga dul boodo.

garaadka beesha aadan axmed garaad sulub.

Kusoo dhawaada Caabi Travel Agency  oo idinka caawin doonta arimaha visayaasha ticketka diyaaradaha._mudo kooban _qiime ...
15/09/2023

Kusoo dhawaada Caabi Travel Agency oo idinka caawin doonta arimaha visayaasha ticketka diyaaradaha.
_mudo kooban
_qiime macquula

13/09/2023
15/07/2023

MOGADISHO TO GAROWE
170$ ONLY✈️

15/07/2023

mogadisho to Nairobi
260$✈️

Waxaan macamishena  ugu bishaareynena inaan idiin heynno ( 𝐕𝐢𝐬𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨  ) ee dalka  𝗤𝗔𝗧𝗔𝗥....Mududda aad ku heli doontid ...
12/07/2023

Waxaan macamishena ugu bishaareynena inaan idiin heynno ( 𝐕𝐢𝐬𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐪𝐨 ) ee dalka 𝗤𝗔𝗧𝗔𝗥....

Mududda aad ku heli doontid mudo kooban
𝐁𝐨𝐨𝐤 𝐍𝐨𝐰

𝐒𝐡𝐮𝐫𝐮𝐮𝐝𝐚𝐡𝐚

📌 Passport
📌 Sawir teesaro 600x600

𝐍𝐚𝐠𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫:
📲 Telephone Number
0611851260

🔗𝐖𝐡𝐚𝐭𝐬𝐀𝐩𝐩 𝐍𝐮𝐦𝐛𝐞𝐫
https://wa.me/0611851260

📍 isgoyska dabka Mogadishu-Somalia

Ogeysiis..............Fursad waxbarasho oo wadanka Masar ahWaxaan kuu fududeyneynaa inaad wax ka barato jaamacadaha ugu ...
03/07/2023

Ogeysiis..............
Fursad waxbarasho oo wadanka Masar ah
Waxaan kuu fududeyneynaa inaad wax ka barato jaamacadaha ugu waa weyn wadanka aan kor kusoo sheegnay.
Masar visa waa diyaar.waxaa ku helaysaa mudo laba asbuuc ah
0611851260

02/06/2023

Ma taqaanaa xubinta ugu weyn jidhka Bini-adanka?
Waa xubintee?

Bulshadeena waxey aad u isticmaalaan cusbada.Markastoo cusbada ku badato cuntada aad cuneyso waxaa qatar ugu jirtaa cudu...
23/05/2023

Bulshadeena waxey aad u isticmaalaan cusbada.

Markastoo cusbada ku badato cuntada aad cuneyso waxaa qatar ugu jirtaa cuduradaan hoos ku xusan.

1. Dhiigkar
2. Stroke
3. Cudurada wadnaha
4. Kilyaha oo dhagxaan fariistaan.

F.G: waxaan kugula talin lahaa in aad iska yareyso cusbada

Macluumaad guud_______________________1- kala bar dadka caalamka ku nool ma yaqaanaan sida loo dabbaasho2- dhiiggu wuxuu...
07/05/2023

Macluumaad guud
_______________________

1- kala bar dadka caalamka ku nool ma yaqaanaan sida loo dabbaasho
2- dhiiggu wuxuu u dhigmaa 7% culeyska aadanaha.
3- Haweenka kuwa degdeg u ooya waa kuwa aan awoodi karin inay sharxaan waxa qalbigooda ku jira, haweenka noocaas ah waxay caan ku yihiin daacadnimo iyo deeqsinimo.
4- Eegmada midabka buluugga ah waxaad ka helaysaa raaxo iyo farxad, sidaa darteed haddii aad cabbaar samada (cirka) ama badda eegto waxaad dareemeysaa farxad oo murugtii ku haysay ayaad ka nafisaysaa.
5- cuntooyinka badda waxaa ku jira maaddada (Collagen) taas oo jirka bani aadamka ka dhigta mid dhalin-yaro ah.

✍ Abdirahim Osman Olol

07/05/2023

Su’aasha Maanta;

Qor 789 - da'daada + 1234 Maxaa kuu soo baxay?

Waxaa aad iiga yaabisay sababta carabku noo xanuuno marka si kadis ah aan isu qaniinno. Marka aan si kas ah u qaniinana ...
06/05/2023

Waxaa aad iiga yaabisay sababta carabku noo xanuuno marka si kadis ah aan isu qaniinno. Marka aan si kas ah u qaniinana uusan noo xanuunin. Waxaase iga sii yaabiyay sababta hada aad u qaniintay carabkaaga.😅😅😂

19/04/2022

Ramadan kariim

kusoo dhowaada gacma 24 hours available
25/12/2021

kusoo dhowaada gacma 24 hours available

Saboolnimada iyo jahligu waa duruufo laga talaabsan karo hadii la helo hogaan adag.Ma laga yaabaa in dad sabool ahi horu...
29/10/2020

Saboolnimada iyo jahligu waa duruufo laga talaabsan karo hadii la helo hogaan adag.

Ma laga yaabaa in dad sabool ahi horumariyaan dal la daalaa dhacayey saboolnimo, jahli, iyo nidaam daro, se maqcuul ma tahay in 8sano kaliya ay umadi ku gaadho isku filnaansho dhanwalba ah, mana dhici kartaa in horseedaha guushaasi yahay hogaamiye aan nasiib u yeelan inuu dhamaysto waxbarashadiisii hoose saboolnimo darteed.

Bazil waa dal lagu tiryo dhul Alle ku maneystay khayraad dabiici ah, maamul salka ku hayey nidaam ciidan iyo awood kali-talisnimo, dagaalo sokeeye, aafooyin dhaqaale oon dhamaad lahayn, ganacsato dhiig miirataa oo ay aafooyinku u noqdeen wado ay hantidooda ku kobciyaan, sixirbararka oo gaadhay 100%, lacag aan qiimo lahayn, jahli, nadaafad daro, siyaasiyiin calooshood u shaqaystayaal ah, ayey Bazil la ildarneyd, waxay u qaybsaneyd labo dabaqadood, dabaqad aad u hooseysa oon xataa awoodin inay nolol maalmeedkooda helaan iyo mid kale oon aan gaadhin 10%.

Si ay Bazil uga baxdo godka dheer ee mugdiga ah ee ay ku jirtay qarniyo waxaa qasab noqotay in la helo hogaamiye ka saara, waxaaney shacabkii doorteen Silva. Hogaamiyahani wuxuu ka mid ahaa malaayiinta dhalinyaro ee ku soo korey duruufaha adag ee saboolnimo, ma helin awood dhaqaale oo uu wax ku barto.

Wuxuu ka tagay waxbarashadii isaga oon dhamayn dugsiga hoose, wuxuu bilaabay inuu shaqaysto markuu jiray 10sano isagoo iibin jiray fuulka galina ahaa baalashle.

Dhalinyarnimadiisii wuxuu ka shaqayn jiray warshad lagu sameeyo biraha, taasi ayaa sobobtay inuu waayo far ka mida faraha gacantiisa.

Silva markii uu la wareegay hogaanka umadiisa wuxuu ogaaday in aaney Bazil haysan lacag la'aan laakiin khaladku ka jiro qaabkii loo maareyn lahaa khayraadkaasi, wuxuu bilaabay inuu ahmiyad siiyo dadka saboolka ah iyo kuwa maalqabeenka ahba, halka xukuumadahii h**e saari jireen kaliya awood siinta maalqabeenada oo ay aaminsanaayeen in ay dhaqaalaha kor u qaadayaan.

Hogaamiyahani wuxuu adeegsaday qaciido ah in dakhliga dadka saboolka ah kor loo qaado wuxuu reerwalba oo sabool ah u qorey mushahar bile ah, taasi badalkeedana waxaa reer walba lagu amrey inay ubadkooda goobaha wax-barashada geeyaan. Wuxuu sameeyey goobo wax-barasho oo aad u tayo sareeya, guud ahaan dalka waa laga hirgaliyey goobaha wax-baradhada, taasi waxay sobob u noqotay in jahligii meesha ka baxo oo dalka Bazil noqday dalka laatiin America ugu ugu aqoonta badan, meelo kala duwana looga soo aqoon doonto.

8sano oo uu Silva hogaaminayey talada dalka wuxuu bixiyey dhamaan daymahii lagu lahaa, dalkuna wuxuu noqday mid ka mida dalalka bangiga aduunka lacagaha siiya. Shaqo la'aantii ayaa hoos u dhacday, wax dhoofintii ayaa sare u kacday, lacagta kaydka ah ayaa yaduna korodhay, maalgashigiina kor buu u kacay.

8sano kaliya ayuu Silva dalkii la ildarnaa saboolnimada ugu badalay dalka 6aad ee aduunka ugu dhaqaalaha badan, magaciisa ku qorey quluubta reer Bazil, caalamkana wuxuu tusay in aanay jirin umad aan is badali karin.

5 Dabeecadood Oo Ay Dadku Moodaan Ceeb Balse Calaamad U Ah Dadka Maskaxda Badan.Maskax badnaantu waa sumad ka mid ah sum...
28/10/2020

5 Dabeecadood Oo Ay Dadku Moodaan Ceeb Balse Calaamad U Ah Dadka Maskaxda Badan.

Maskax badnaantu waa sumad ka mid ah sumadaha dabiiciga ah ee aadamaha oo ah waxa ay noolaha kale kaga suntan yihiin, haddii ay inta dabiiciga ah ee aadamaha hoos uga dhacdana waa caafimaad darro khatar ah. Laakiin addanaha aadamaha dhexdiisu waa uu ku kala duwan yahay heerka fariidnimo ama maskax badnaanta qof kasta uu Alle u abuuray.

Sideedaba cilmibaadhistan iyo kuwa la midka ahiba ma’ noqon karaan hal-beeg rasmi ah oo lagu garto fariidnimada ama maskax badnaanta ilmaha iyo waxbarashadu in ay isku sidkan yihiin.

Waayo waxwa aynu xasuusannahay in caalimkii weynaa Albert Einstein yaraantiisii lagu tilmaami jiray carruurta fahamkoodu iyo guud ahaan garaadkoodu hooseeyo, carruurnimadiisiina uu hadalku aad uga raagay. Waxa ay taariikhdu ina bartay in Einstein uu xilligii waxbarashada ku dhacay maadadda xisaabta. Laakiin haddana marka aynu dib u eegno taariikhdiisii dambe waxa aynu arkaynaa isaga oo noqday cadceed u soo baxday cilmiga sayniska iyo xisaabta. Marka aynu arrintan eegno waxa ay maskaxdu is weydiin kartaa,

Haddaba maxaa keena in carruurta maskaxda badan qaarkood aanay u muuqan in ay waxbarashada la qabsanayaan ama loo qaato in ay saaxiibbadood ka garaad hooseeyaan.

Sababo badan ayaa jira, oo qormadan uu Geeska Afrika soo turjumay aynu ku soo qaadanayno.

1. Madax adayg: Dadka maskaxda badan fikirkooda iyo aragtidoodu waa ay cad yihiin, ma qarsadaan mana aqbalaan tanaasul. Arrintaas waxa ay yaraantooda ku noqotaa ceeb iyo in ay ku nacaan ehelka, asxaabta iyo guud ahaan dadka ku xeerani, laakiin ugu danbaynta waxa ay sabab u noqotaa in a ay horumar ballaadhan gaadhaan.

2. Gooni joogga oo ay jeclaadaan: Dadka maskaxda badan waxaa lagu yaqaannaa in ay jeclaadaan gooni u joogga iyo in waqtigooda ay gaarkooda u qaataan.

3. Su’aal badnaanta: Inta badan dadku qofka su’aalaha badan waxa ay u arkaan in uu yahay qof fahamkiisu hooseeyo, laakiin waxa ay culimada cilminafsigu caddeeyeen in su’aasha badani ay calaamad u tahay in qofku uu doonayo in arrinka uu si fiican u wada fahmo, oo xogta uu isku xidh-xidho, kadibna fikir xooggan kala soo baxo. Waana calaamadda lagu garto ruuxa garaadkae badan.

4. Xog sheegid badan: Dadka maskaxda badan waxaa caado u ah in mar kasta ay xog iyo macluumaad cilmi ku dhisan sheegaan, weliba waxa ay xariif ku yihiin in sheekadooda ay ku dhex isticmaalaan xogta ay hayaan.

5. Xarakaadka badan: Qofka maskaxda badan calaamadaha lagu garto waxaa ka mid ah in jidh ahaan uu u xarakaad badan yahay, tusaale ahaan ma jecla in muddo dheer uu meel keliya fadhiyo, balse hadba meel ama dhan ayaa uu u guuraa. Waxa kale oo lagu garan karaa safar jacayl iyo in abuur ahaan ay u jecel yihiin xakame la’aanta.

Qalinkii:Axmed cismaan maxamed

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan dheh oo lawadaag walaalaha kale si ay u akhriyaan qoraalkan.

Nagula soo biir boggan si aad ula socoto qormooyin iyo muuqaalo xiiso badan.

Dhismaha waddada Dheer ee xiriisa  Muqdusho iyo Afgooye.
22/10/2020

Dhismaha waddada Dheer ee xiriisa Muqdusho iyo Afgooye.

Jaamacadda Jigjiga ♥️
21/10/2020

Jaamacadda Jigjiga ♥️

Address

Maka Almukarama
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Buhodle News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Buhodle News:

Videos

Share

Nearby media companies