Abdiaziz Rabaani

Abdiaziz Rabaani Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdiaziz Rabaani, Media/News Company, Airport Street, Mogadishu.

Mustaf Dhuxulow oo kusoo baxay kursiga Sumadiisu yahay Hop #049 ee golaha shacabka, kaas oo doorashadiisu maanta ka dhac...
03/02/2022

Mustaf Dhuxulow oo kusoo baxay kursiga Sumadiisu yahay Hop #049 ee golaha shacabka, kaas oo doorashadiisu maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Qoraalkan Dheer waxaa pagekiisa Rasmiga ah soo galiyay lataliyaha dhanka Amniga Ee madaxweynaha JFS FAHAD YASIIN XAJI DA...
20/01/2022

Qoraalkan Dheer waxaa pagekiisa Rasmiga ah soo galiyay lataliyaha dhanka Amniga Ee madaxweynaha JFS FAHAD YASIIN XAJI DAHIR.

aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa.

maqaalka waxaa qoray Fahad Yasin Agaasimihi H**e ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS


Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil-maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran.

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay'adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah.

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda.

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada.

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo.

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka.

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey
fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool.

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii h**e ay ahayd.

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan.

Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka.

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba.

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah.

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda.

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay'adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso.

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxk**adda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa, waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waan hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.


(Qoraagu waa Agaasimihii H**e ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka, haatanna ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha JFS.)

12/01/2022

DEG DEG: Qarax xooggan oo Muqdisho laga maqlay goordhaw.

09/01/2022

Daawo: War murtiyeed kasoo baxay golaha wadashiga Qaran ee Darashooyinka Dalka.

Waa labo mataano ah, 15 daqiiqo ay u dhaxayso waqtiga  dhalashadooda, haddana isku sanad ma aysan  dhalanin labaduba. !!...
05/01/2022

Waa labo mataano ah, 15 daqiiqo ay u dhaxayso waqtiga dhalashadooda, haddana isku sanad ma aysan dhalanin labaduba.

!!!.

Isha: Al jazeera.

03/01/2022

Xumbada lagu arkay liido beach ma ahan mucjiso ee waa waxaa loo yaqaano (toxic foam

Xumbo sun ah waa natiijada wasakh badan oo ay ku jirto ammonia, oo sida caadiga ah ku jirta biyaha wasakhaysan sida nitrogen ammonia.

waa maxay ammonia iyo sidee ayay noo saamaysaa?

Ammonia, marka ay ku jirto heerkeeda sare, waxay si xun u saamaysaa nidaamka deegaanka. Ammonia atmospheric ma aha oo kaliya inay wasakhayso biyaha laakiin sidoo kale waxay wasakheysa hawada. sidoo kale waxay sababtaa aash*tada ciidda.

Biyaha dhexdiisa, ammonia waxay sababtaa eutrophication - geedka xad-dhaafka ah iyo koritaanka algae - taas oo keenta hoos u dhaca ogsijiinta biyaha. Natiijo ahaan, waxay khatar ku tahay xayawaanka biyaha ku nool oo aad ugu tiirsan ogsijiinta ku milmay biyaha.

Maxaa sababa xumbada cad ee lagu arkay liido beach:

Waxaa sabab u ah qashinka dabiiciga ee hawadda iyo qashinka warshadaha oo isku darsamay ayaa sabab u ah oo ay ka kooban tahay toxic foam-ammonia. Sida laga soo xigtay CPCB, sababtu waa in wasakhowga uu u dhaqmi karo tilmaame muujinaya heerka sii kordhaya ee wasakheynta ee caalamaka . Marka ammonia ay ku milanto biyaha oo ay weheliso fosfooraska, waxay samayn kartaa waxyaabo sun ah.

Halisteeda?

Maadaama ammonia ay tahay daxal, haddey ku gaarto sunta wasakhaysan waxay keeni kartaa gubasho indhaha, sanka iyo cunaha oo ay ku jiraan mareenka neefsiga. waxay keeni kartaa dhaawac sambabbada, indho-la'aan ama dhimasho.

Waxaa tarjumay Isak Abdi

27/12/2021

War deg deg ah: R.W. Rooble ayaa lagu wadaa inuu goor dhaw hadlo. Waxa uu si hor dhac ah u sheegi doonaa in dalku galay xaalad aan caadi aheyn loona baahanyahay in la badbaadiyo.

Isha Ku hay Hadalkan R.W Rooble.

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay...
25/12/2021

Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ugu baaqayaa guddiga doorashada heer federaal iyo guddiga xallinta khilaafaadka in ay si deg deg ah hoggaan u doortaan.

 : Fanaanka caanka ah ee Dalmar yare ayaa la kulmay xilibaankiisa Farah Sheikh Abdulqaadir.
25/12/2021

: Fanaanka caanka ah ee Dalmar yare ayaa la kulmay xilibaankiisa Farah Sheikh Abdulqaadir.

This is My new page bls Flow Me 🙏🏽🙏🙏🏽🙏.
25/12/2021

This is My new page bls Flow Me 🙏🏽🙏🙏🏽🙏.

Manta ayaa Ku beegan Malinta Booliiska soomaaliyeed.
20/12/2021

Manta ayaa Ku beegan Malinta Booliiska soomaaliyeed.

Fanaanka Somaliyeed ee  Dalmar Yare oo lagu wado sacadaha soo socda inuu soo garo magalidii uu yarantiis kusoo Barbaaray...
20/12/2021

Fanaanka Somaliyeed ee Dalmar Yare oo lagu wado sacadaha soo socda inuu soo garo magalidii uu yarantiis kusoo Barbaaray ee Mogadishu.

19/12/2021

Deg deg :Xildhibaan Fowzia Yuusuf Xaaji Aadan ayaa difaacatay kursigeeda ka dib markii ay tartanka ka hartay Caasha Aadan Yuusuf oo lagu waday inay la tartanto.

"XIL KAQAADIS IYO MAGACAABIS XUBNO KA TIRSAN GUDIGA KHILAAFADKA.
18/12/2021

"XIL KAQAADIS IYO MAGACAABIS XUBNO KA TIRSAN GUDIGA KHILAAFADKA.

12/12/2021

Waa Qormo xambaaraan Qosol iyo waayo argnimo.

1.Nin Hindi ah ayaa tagay Xafiiska la talinta waxa uuna yiri: Marka aan Xaaskeyga is khilaafno, waxa ey wacdaa Walaalkeed oo degan Magaalada Mombay, "Credit Card" keeyga ayeey uga dirtaa Lacag uu ku soo goosto "Ticket. marka uu yimaad ima weeydiiyo, maxaad isku dagaasheen.waa i garaacaa kadibna waa iska noqdaa. maxaan sameeyaa? ( F.S:1aad)

la taliyihii ayaa yiri: Garaacid huri meeysid ee Mombai u guur si uu Ticket-ku kuugu baaqdo.

( Xildhibaanoow, Doorasho B**b ah ku guuleysan meeysid, ee isaga guur Deegaan Doorashadaada,si Tickit-ku kuugu baaqdo)

2. Nin xaasid ah oo Reer Barawe ah ayaa u tegay Dhakhtarka ilkaha kuna yiri: Datore, hal ilig ayaan i xanuunee oo habeenadaana aan ka seexan waayay, Marka waxaan rabaa in aad Ilkaha kale oo dhan aad iga siibtid oo kaligii aad ii reebtid. Datoorkii ayaa yiri: Haddii uu kaligii ku xanuunaa, isaga oo kaliya ayaan kaa bixinayaa. Ninkii ayaa yiri: Maya, waxaan rabaa in uu kaligii meesha ku haro si uu u Cidloodo. ( F.S:2aad)

( waa kuma Xaasidka Raabo in Somaliya inta wanaagsan la siibo, si inta xumi Xafiisyada ugu harto )

3. Gabar ayaa kawaanka malaayga ee Boosaaso ka doonatay Kaluun. Ninkii Kaluunka iibinayay ayaa ku yiri: Rubac kaluun ah waa $ 30. waxa ey ku tiri: Boowe maxaa qaal ka dhigay. waxa uu ku yiri: Hadde, Dubai baa na looga soo adeegaa.
Reer boosaaso waxa ey aaminsanyihiin wixii Dubai laga keeno in ey ka fiican yihiin wax kasta. ( F.S:3aad)

( Haddii Gabar reer Bossaso ah aad Makhaayad, Muufo ka siinee, ku dheh, Dubai baa laga keenay)

4. Nin iyo Xaaskiisa oo TV wada daawanayo, ayaa waxaa soo galay Gabar Qurux badan oo Saabuun xayeeysiinee. waxa uu ku yiri: Naagtaas Adigaa ka macaan. waxa ey ku tiri: goormee aad iyadana dhadhamisay. Qolka ayeey gashay iyada oo boorsadeeda jiidee ayeeyna ka soo baxday. Saddax Bilood kadib arrintoodii Maantaa la xaliyay.

( Xaaskaaga, Naag kale, ha barbar dhigin, ileeyn kaligeed ayaa Xaas kuu ahe)

5. Gabar Booyaas " Jaariyad" ah ayaa Haweeneydii ey u shaqeyneysay ku tiri: waxaan rabaa in Mushaarka la ii kordhiyo Saddax Sababood oo aan kaaga fiicanahay dartood.
Islaantii ayaa ku tiri maxey yihiin?. Booyaastii ayaa ku tiri: Sababta 1aad waa in aan kaaga Fiicanahay Nadaafadda Guriga. waxa ey ku tiri: yaa kuu sheegay? waxa ey ku tiri: Ninkaagaa ii sheegay. Islaantii waxa ey ku tiri: waa maxaay Sababta 2aad ?. Booyaastii ayaa ku tiri: Cunta kariska waan kaaga fiicanahay. Islaantii ayaa ku tiri: yaa kuu sheegay? waxa ey ku tiri: Ninkaaga. Islaantii oo carro ka muuqato ayaa si hoose u tiri: Mushaar kordin kuu roone, waa in aan shaqada kaa eryaa. waxa ey ku tiri: ii sheeg Sababta 3aad? . Booyaastii ayaa ku tiri: Sariirtana waan kaaga fiicanahay. Islaantii ayaa ku tiri: Taana, yaa kuu sheegay? Booyaastii ayaa tiri: Waardiyaha Guriga.
islaantii ayaa tiri: Mushaarka waa laguu kordhinaa.

( Wariye ayaa wasiir ku yiri: Haddaan la i siin Lacagta Sharuurka waxaan Sheega Musuqa wasaaradda oo ah Xog aan ka helay 3 meel. wasiirkii ayaa yiri: waa kuwee, Wariyihii ayaa yiri: Shaqaalaha wasaaradda iyo Mucaaradka. wasiirkii ayaa yiri: Labadaa lagaa Aamini maayo ee tan Saddaxaad sheeg. waxa uu yiri: Hanti dhowrka. wasiirkii ayaa yiri: Haddaa lagu siinaa )

6. Haweeneey la dagaashaneed Booyaasta guriga u joogto ayaa Ninkeeda ku tiri: Booyaastaan, waan iska eryayaa, Sababta oo ah Kastuumooyinka ayeey iga xadaa. Ninkii ayaa ku yiri: Maskiintaan ha nabin, weligeed Kastuumo maba xiran.

Ninkii Isbitaalka Shifo ayuu Shalay ku jiray,Sabab. kushiinka ayeey gashay, wax yar kadibna waa soo baxday. maxey ku sameeysay?
( F.S: 4aad )

( Ragoow, wixii aad xaaskaaga ka qariso, si fudud ayeey kaaga dhalin kartaa ee ha khiyaanin)

W/Q: Yahya Amir

09/10/2021
12/08/2021

Sen Yusuf Gelle Ugas oo Duleedka Magaaladda dhuusa mareeb ka hir galiyay goob dadka u soo dalxiistagaan

19/04/2021
11/02/2021
16/12/2020
12/12/2020
05/12/2020

Munaasabad uu musharxnimadiisa uu ku shaacinay Bille Maxamed Axmed Odawaa ayaa lagu qabtay Magaaladda Muqdisho..

Kulan duco ah ayaa Muqdisho loogu sameeyay Fanaanadda qaranka Faadumo Xaaji Cali Baxsan.
02/11/2020

Kulan duco ah ayaa Muqdisho loogu sameeyay Fanaanadda qaranka Faadumo Xaaji Cali Baxsan.

05/08/2020

Magaceedu waa Caasha Shariif Mustaf Nuur waxaa cid ugu war dambeysay saaka sadex saac waxayna joogtay degmada dharkeenleey gaar ahaan xaafadda Abba Gedo.
Haddii aad aragto fadlan la xariir oo ku hagaaji numberada 0615536813 oo laga helo Maxamed Kheyre ama 0615422897 oo laga helo Bashiir Maxamed Kheyre
Mahadsanid.

31/07/2020

Kumaan shacab ah iyo Masuliyiin ka tirsan DFS ayaa Salaada Ciidul Adxa ku oogay Masjidka Isbaheysiga Islaamka ee Magaalada Muqdisho.

19/07/2020

Fadlan ✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔ Thanks

16/07/2020

Fadlan ✔ Subscribe ✔ Share ✔ Like ✔ Thanks

  igu sharfa Saxiibayaal
24/06/2020

igu sharfa Saxiibayaal

WAA KUMA Fanan Cawaale Aadan Wax Bddan Ka Ogow Noloshiisa ..

26/04/2020

Eheladda wiil 16 jir ah oo dhawaan lagu dilay degmadda kaxda ee gobolka banaadir ayaa sheegey in wiilkooda lagu dilay qori lagu ilaalinayay Gudoomiyaha degmadda kaxda Maxamed yuusuf Maxamed
Kaasi oo uu fuliyay askari laga keeney Degmadda Deyniile.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED FARRIIN KU AADDAN CAABUQA CORONAVIRUS Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe...
16/03/2020

MADAXWEYNE FARMAAJO OO U DIRAY SHACABKA SOOMAALIYEED FARRIIN KU AADDAN CAABUQA CORONAVIRUS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u diray shacabka Soomaaliyeed farriin ku aaddan caabuqa Coronavirus (Covid-19) ayaa tilmaamay in ay ka go’an tahay Dowladda Soomaaliyeed ilaalinta badqabka caafimaad ee dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in caabuqan oo ku faafay dalal badan ay diiwaan gelisay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya bukaan laga helay oo ah muwaadin Soomaaliyeed, arrinkaas oo ay tahay in uu feejignaan dheeraad ah u horseedo shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed sidii ay ugu midoobi lahaayeen xakameynta iyo ka hortagga cudurkan.

“Ilaa iyo hadda waxaan xaqiijinnay gudaha dalkeenna hal qof oo bukaan ah. Xanuunkan waxaa khatartiisu gaarsiisan tahay meel aad u sarreysa oo waxa uu si deg-deg ah ugu faafay dalal badan oo ay ka mid yihiin dalalka dariiskeenna ah ee Itoobiya iyo Kenya .”

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay u hoggaansamaan talooyinka caafimaad iyo awaamiirta dowladeed ee lagaga hortagayo faafidda cudurka Covid-19 oo ay ugu horreyso in la yareeyo isu-socodka, safarrada iyo isu-imaanshaha laga maarmi karo.

“Bulshada ayaa laf dhabar u ah dadaalka ay dowladdu kaga hortageyso cudurkan, sidaas darteed waa in ay u istaagaan wacyigelinta, una hoggaansamaan farriimaha caafimaad iyo qorsheyaasha dowladdu ay kaga hortageyso in dalkeenna uu ku faafo caabuqa Coronavirus.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay dar-dar geliso tallaabooyinka iyo qorsheyaasha ka hortagga cudurkan, lana mideeyo cududda iyo caqliga shacabka iyo Dowladda Soomalaiyeed si aynu uga gudubno marxaladdan adag.

DHAMMAAD

wasaaradda caafimaadka dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxba k**a jiraan ku tilmaamtay wararka baraha bulshada ...
12/03/2020

wasaaradda caafimaadka dalka ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxba k**a jiraan ku tilmaamtay wararka baraha bulshada lagu baahiyay ee sheegayay in dalka uu soo galay caabuqa Carona Virus.

Raiisulwasaaraha dalka suudaan Cabdala Xamdook ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.Arab n...
09/03/2020

Raiisulwasaaraha dalka suudaan Cabdala Xamdook ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Arab news ayaa ku wararntay in qarax lala eegtay gawaadhidii galbinaysay raiisulwasaaraha magaalada khartuum gudaheeda.

Waxayna intaa ku dartay in ammaanka Raiisul wasaaruhu uu hadda yahay mid sugan oo lagu hayo meel ammaan ah.

Dalal Afrika ka mid ah oo laga helay Cudurka Coronavirus kuwaasi oo Tiro ahaan Gaaraya Illaaa 7 Dal.Caabuqaan ayaaa waxa...
04/03/2020

Dalal Afrika ka mid ah oo laga helay Cudurka Coronavirus kuwaasi oo Tiro ahaan Gaaraya Illaaa 7 Dal.

Caabuqaan ayaaa waxaa uu yahay mid dhibaato ku haya Shacabka Dalka Shinaha.

Waxaaa Goor Dhaw Warbaahinta Muqdisho La Hadli doono Safiirka Dalka Shiinaha U Fadhiya Soomaaliya Shin Jian  Waxa uuna K...
04/03/2020

Waxaaa Goor Dhaw Warbaahinta Muqdisho La Hadli doono Safiirka Dalka Shiinaha U Fadhiya Soomaaliya Shin Jian Waxa uuna Ka Warbixin doonaa Heerka Uu Marayo Cudurka Carona- verus oo dhibaato ku haya Shacabka Dalkaasi.

Address

Airport Street
Mogadishu
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdiaziz Rabaani posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share