Abdirahman hersi

Abdirahman hersi Insta, maan0w

Waa Wax Aad Looga DamqadoQaraxa Saake Kadhacay Ex-Kontrol AfgooyeIn Umada Dhibaato Xanuun BadanLoogeesto, Allow Umada So...
28/12/2019

Waa Wax Aad Looga Damqado
Qaraxa Saake Kadhacay Ex-Kontrol Afgooye
In Umada Dhibaato Xanuun Badan
Loogeesto, Allow Umada Soomaaliyeed
Ugar Gaar, Inaa Lilaah Wa Inaa ilehi
Raajicuun😭😭 intii Ku Geeriyootay Allaha Unaxariisto intii Dhaawac Ahna Allaha
Caafiyo Aamiin Aamiin, Kuwii Dhibkani
Geestay Ama Wax Ka Ogaa Naarta Allaha
Ku Fogeeyo Aamiin Aamiin, Muslin Ma Ahn Wlhi Waa Gaalo Arday Iyo Shacab
Maalinkasta Sidaa Udilaayaan🤏

Sawirka maanta ugu sameen badnaa.Adoon u duceen ha dhaafin, Allow Dhibka ka dulqaad ummada somaliyeed.
28/12/2019

Sawirka maanta ugu sameen badnaa.

Adoon u duceen ha dhaafin, Allow Dhibka ka dulqaad ummada somaliyeed.

Dhamaantood waa dhinteen. Waxaan idinka codsanayaa qof kasto oo Postigaan uu soo gaaray inuu u duceeyo walaalaha naga sh...
28/12/2019

Dhamaantood waa dhinteen. Waxaan idinka codsanayaa qof kasto oo Postigaan uu soo gaaray inuu u duceeyo walaalaha naga shahiiday

Please share garey. Si dadka amniga naloogu dhiibay u arkaan 28/12/2019 😭 ku dhowaad 100 qofood ayaa geeriyootay

Guri kasto maanta Muqdisho tacsi ayaa taal. Arday, gabdho iyo wiilal. Aabe iyo hooyooyin ayaa maanta si arxan daro loo dilay.

Allaha u naxariisto. Wallahi waa musiibo weyn. Hadaad leedahay damqado please u duceey

Wadani wakas hadad afka ka maqali jirtay
04/11/2019

Wadani wakas hadad afka ka maqali jirtay

28/10/2019

Aabe Mohamed Abdullahi Farmaajo🇸🇴🇸🇴❤ share dheh qofki wadaniyow
Ciil qabow cadabta gal

Madaxwayen kula mid somalia maso marya aabe farmaajo❤❤
14/10/2019

Madaxwayen kula mid somalia maso marya aabe farmaajo❤❤

Kenya waxay duulan toos ku so qaaday Qarinimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya,kuwa ku faraxsan in dalkooda madaxbaaninim...
12/10/2019

Kenya waxay duulan toos ku so qaaday Qarinimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya,kuwa ku faraxsan in dalkooda madaxbaaninimadiisa lagu xadgubdo waa kuwo damiir laawayaal ah oo qabyaaalad madax martay oo Qaran dumis ah, ninkaan sawirka ka muuqda oo kismaayo lagusoo dhoweeyey sow ninkii lahaa maaha soomaaliya waxay kusoo xad-gudubtay badii kenya lahayd oo waa inaynu cudud ciidan u adeegsanaa.

Waa damiirkee damiirka isiinaya ninkii sidaa lahaa jubaland kusoo dhowee oo la qosol.
Dalku sidaa ahaan maayo ninkasta oo dadka iyo dalka dulmi ka galay maalin baa maxkamad la hor keeni doona inta ka horaysa iska qosla.

Hada waxaynu sugnaaba waa Go’aankii ugu dameeyey ee Dowlada iyo talaabo ay muujiso.

Sawir wadareed kulmiyey cadawgii dalka. Waxay heshiis ku yihiin inaan dalka horumar iyo dawladnimo waarta ka dhalan lkns...
10/10/2019

Sawir wadareed kulmiyey cadawgii dalka.

Waxay heshiis ku yihiin inaan dalka horumar iyo dawladnimo waarta ka dhalan lknse waxay ilaaween in dalku uu isbedelay hogaankiina uu isbedelay uusan ahayn kii yes man u ahaa.

Yaa usheega inay laf cad toobin ku hayaan.

Dawladnimadu ha waarto Nabad Iyo Nolol

05/10/2019

Aabbe, kahor intuusan dhiman, wuxuu wiilkiisa ku yidhi: “Tani waa saacaddii uu awoowahaagu i siiyay, waxayna da'ahaan ka weyn tahay 200 sano. Kahor inta aanan ku siinin tag dukaanada lagu gado saacadaha ee ku yaal waddada koowaad, oo u sheeg in aan doonayo in aad iib la rabto, oo weydii inta ay kaa siinayaan".

Wiilkii waa tegey oo dhawr daqiiqo ka dib ayuu ku soo noqday Aabihiis oo wuxuu ku yidhi, Saacad-iibiyuhu wuxuu ii so badhigay in uu saacada iga siinayo $5 (Shan dollar), wuxuuna iigu sababeeyay in ay tahay saacadu mid da'ah, ayna leedahay xoqitaan iyo xanafyo badan. Aabihii ayaa wiilka mar-labaad yiri aad dukaanada lagu iibiyo qaxwaha (Coffee), soona waydii inta ay siiyaan qaxwaha☕....

Wiilkii wuxuu aaday dukaankii qaxwaha oo saacad iyo dheerad kadib ayuu soo laabtay oo yidhi: "Mulkiilaha dukaanka qaxwaha wuxuu iibiyaa qaxwaha $5 (Shan dollar), Aabbe."

Aabbihii ayaa ku yiri wiilkiisa "tag matxafka oo tus saacaddan "Wuxuu sii socdaba, ka dibna si farxad leh ayuu u soo noqday, wuxuuna ku yiri Aabbihiis "Waxay ii soo bandhigeen milyan dollar in ay iga siiyaan".

Aabihii wuxuu ku yiri wiilkiisa: "Waxaan rabay inaan ku ogeysiiyo in meesha saxda ah ay u qiimeynayso qiimahaaga si sax ah, ha dhigin naftaada meel qaldan, hanna xanaaqin hadii lagula dhaqmo sida qashinka. Kuwa yaqaan qiimahaaga ayaa ah kuwa adiga ku qiimeeya sida saxda ah, waligaa ha joogin meel aan kugu habboonayn (kuu qalmin)

👉Ogow qiimahaaga

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XARIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE SAFAARADDA SOOMAALIYA EE WASHINGTON Washington, Sebteembar 28, ...
28/09/2019

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XARIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE SAFAARADDA SOOMAALIYA EE WASHINGTON

Washington, Sebteembar 28, 2019; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay weheliyaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda iyo diblumaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala dalka Maraykanka ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Safaaradda dalkeenna ee Washington.

Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta dhismahan oo noqonaya dhismihii Safaaradeed oo ugu horreeyey ee Dowladda Soomaaliyeed ay ku yeelato dalka Maraykanka ay muujinayso mudnaanta dowladdu ay siinayso soo celinta maaqaamka dalkeennu uu ka lahaa caalamka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Maraykanka in ay wada shaqeyn dhaw la yeeshaan diblomaasiyiinta safaaradda, isagoo tilmaamay in dhismahan uu yahay hanti ay leeyihiin shacabka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Jamhuuriyadda ayaa muujiyey dadaallada ay dowladdu ku bixineyso soo celinta qabkii iyo sharafkii dadka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen caalamka, haatanna la qorsheynayo si la mid ah tallaabadaan in dowladda ay u dhammeystiri doonto dhismaha iyo dayactirka Safaarado kale oo Soomaaliya ay ku leedahay dalal kale.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kula dardaarmay Diblomaasiyiinta Soomaaliya ee Washington in ay si siman ugu adeegaan, si dhowna uga warqabaan dadkeenna Soomaaliyeed ee ay mataaladda u yihiin, muhiimna ay tahay in ay ilaaliyaan midnimadooda iyo wadajirkooda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]/VOfficial/
Twitter:

Aniga Waxaan isku Arkaa Qofka Aduunka ugu Nasiib Badan, Waayo Waxaan Nasiib u Yeeshay inuu i Matalo Aqoon Yahan, Hugaami...
28/09/2019

Aniga Waxaan isku Arkaa Qofka Aduunka ugu Nasiib Badan, Waayo Waxaan Nasiib u Yeeshay inuu i Matalo Aqoon Yahan, Hugaamiye, Samafale, Ra,iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre (Qaran)😍😍

Asagoo Mudo Yar xilka Haaya Ayuu Qabtay Shaqooyin Qofkastoo Soomaali Ah U Riyaaqay Laguna Amaanay Cajiiiiiib😍

Shalay Hadaan Aheyn Dad Tusaale Xun Looso Qaato, Maanta Waxaan Mareeyna in Madaxdeena Bilad sharaf Lagu Siiyo Shaqa Wanaag 😍

Soomaalia Waxay Heshay Hugaamiyaashii Ay u Baahneyd, Waxayna Markale U Baahantahay Shacab Dowladooda Hiil iyo Hooba Lagarab istaaga 😍

✌🇸🇴🇸🇴🇸🇴

BREAKING NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo diiday inay wada hadal la galaan Kenya oo ku saabsan Kiiska Badda. Xarunta Qaramad...
27/09/2019

BREAKING NEWS: Madaxweyne Farmaajo oo diiday inay wada hadal la galaan Kenya oo ku saabsan Kiiska Badda. Xarunta Qaramada Midoobe ayuu ka dhex sheegay

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa yiri daqiiqado kahor "Waxaan ku qanceynaa kaliya go'aanka maxkamadda ICJ"

Yaa salaam. Md Farmaajo amaan weyn ayuu ku mudan yahay in madaxda aduunka uu hortooda ka sheegay hadalkaan waliba uhuru Kenyata oo fadhiya.

Guul iyo Somalinimo. Markaan oo kale mucaaradka xitaa waa inay ku taageeraan

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qey...
27/09/2019

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee dalka Marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa ka qeyb galay kulan soo dhaweyn ah oo uu Madaxweynaha Mareykanka Mudane Donald Trump u sameeyay madaxdii kasoo qeyb gashay Meertada 74-aad ee Golaha Qaramada Midoobay.

MADAXWEYNE OO GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKANew York, Sebteembar 26, 2019: Madaxweynaha ...
27/09/2019

MADAXWEYNE OO GOLAHA GUUD EE QARAMADA MIDOOBAY UGA WARBIXIYEY XAALADDA DALKA

New York, Sebteembar 26, 2019: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyey Shirweynaha Qaramada Midoobey ayaa ka warbixiyey xaaladda siyaasadda, dhaqan dhaqaale iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay qorshayaasha iyo tallaabooyinka hortabinta leh ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, kuwaas oo xoojiyey midnimada, wadajirka iyo yididiillada shacabkeenna.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay hoggaamiyeyaasha caalamka aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan daris wanaagga, ixtiraamka shuruucda iyo mabaadi’da caalamiga ah, waxa uuna tilmaamay in xiriir ku saleysan iskaashi, is-ixtiraam iyo dheef wadaag ay Soomaaliya la doonayso in ay yeeshaan dalalka Gobolku.

“Soomaaliya maadaama ay tahay xubin ka tirsan Qaramada Midoobay ayna qayb ka tahay una hoggaansan tahay Sharciga Maxkamadda Caalamiga ah, waxa ka go’an inay ka dhur sugto dhammaadka hannaanka xalka garsoorka.”

Dhanka siyaasadda, Madaxweynaha ayaa sheegay in wadahadallada heer Qaran hadda diiradda lagu saaro xaqiijinta siyaasad loo dhan yahay, tayeynta adeegyada dowladda, dib u habaynta maaliyadeed iyo dhaqaale, kobcinta dhaqaalaha, dowlad wanaagga iyo sare u qaadidda iskaashiga heer gobol.

Dhanka Amniga, Madaxweynaha ayaa adkeeyey muhiimadda ay dowladnimada Soomaaliya u leedahay dhisidda ciidan qalabaysan iyo hay’ado ammaan oo udub-dhexaad ay u tahay ilaalinta xuquuqda banii’aadamka.

“Sinnaba uma sahlanayn dib u habaynta ballaaran ee aan wadno, balse dadaal iyo ka gonaansho ka dib, waxaan hadda diiwaangelinney dhammaan Ciidanka Qalabka Sida, waxaan sidoo kale dhawaan soo gebagebaynaynaa baaris lagu wado guud ahaan hay’adaha amniga dalka”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyey beesha caalamka, dalalka walaalka iyo saaxiibka nala ah sida ay mar walba u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]

diid qaran doon

Address

Follow Me On Instagram, Username: King_abdirohman, Https://www. Instagram. Com/king_abdirohman?r=nametag
Mogadishu
SOMALIABANNAHAY

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdirahman hersi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdirahman hersi:

Videos

Share

Category