Radio Abudwak

Radio Abudwak Radio Abudwak is a local News media

𝐂𝐀𝐀𝐁𝐔𝐃𝐖𝐀𝐀𝐐: Shir maalmihii udanbeeyay culimada degmadda Caabudwaaq iyo Odoyaasha iyo Waxgaradka Beelaha Sade uga socday ...
18/01/2023

𝐂𝐀𝐀𝐁𝐔𝐃𝐖𝐀𝐀𝐐: Shir maalmihii udanbeeyay culimada degmadda Caabudwaaq iyo Odoyaasha iyo Waxgaradka Beelaha Sade uga socday Qeybta sare ee Masjidka Al-Raxma ayaa maantay ay sheegeen in la iskula qaatay in Kitaabka Alle lagu dhaqmo oo qofkii Qof dila isna laqasaaso.

Shirka waxaa qayb ka ahaa Gudomiye kuxigeenka Gobolka Galgaduud Mudane Hasan Gaboobe iyo Gudomiyaha Dagmada Cabudwaq Mudane Muxuyadiin Aadan Cali

Culimada iyo Waxgaradka ayaa kubalamay in Maamulka iyo Siyaasiyiinta deegaanka laga doonayo fulinta go'aankaan culimadana ay garab istaagayaan.

Radio Abudwak

BAAQ NABADDEEDBismilaahi Raxmaani RaxiimAnagoo kala ah Senator Abdi Hared iyo Xildhiban Raysal Qorane waxaan awalan ka t...
12/01/2023

BAAQ NABADDEED

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Anagoo kala ah Senator Abdi Hared iyo Xildhiban Raysal Qorane waxaan awalan ka tacsidaynaynaa dilalkii foosha xumaa ee 48 saac ee la soo dhaafey ka dhacay degaanka, Waxaana Alle uga baryaynaa intii dhimatay in uu u naxariisto inta dhaawacayna Alle u fududeeyo.

Intaa kaddib Waxaan codsi dheer u diraynaa dowlada degaanka Soomaalida Ethiopia in ay ka caawiyaan odoyaasha,waxgaradka iyo dhammaan bulshada degaanka in si deg deg ah loo soo qabto dadkii gaysatay dilalka aadka u xun ee dhacay.

Waxaan u soo jeedinaynaa labada beelood ee walaalaha ah in la is xakameeyo nafo horlehna aan qalad loo dilin.

Wa billaahi Towfiiq.
Radio Abudwak

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Ururkii Military-...
12/01/2023

Maxkamadda Ciidamada ayaa Dil toogasha ah ku Xukuntay Kabtan Shariif Maxamed Barkhadle Ayaanle, taliye Ururkii Military-ga ahaa ee Al-Shabaab Qaraxyada Gawaarida ah u dhigi Jiray goobaha Ganacsi ee Muqdisho.

53 jirkan ku dhashay Wisil Mudug, waxaa la soo Xeray November 19 Keedii Sanadkii tegay.

Ilaa 27 qof inta la xaqiijiyay ee Diiwaan Dowladda galay ayaa ku dhintay Qaraxyo uu dhigay.

Radio Abudwak

𝐂𝐀𝐀𝐁𝐔𝐃𝐖𝐀𝐀𝐐:Taliska Booliiska degmadda caabudwaaq oo ka duulaya adkaynta nabadgalyada dagmada ayaa caawa Bandow ka bilaab...
11/01/2023

𝐂𝐀𝐀𝐁𝐔𝐃𝐖𝐀𝐀𝐐:Taliska Booliiska degmadda caabudwaaq oo ka duulaya adkaynta nabadgalyada dagmada ayaa caawa Bandow ka bilaabanaya 7:00 fiidnimo ilaa 6:00 subaxnimo kusoo rogay magaalada.

gaadiidka ciidaka booliska iyo ciidamo roondo ah ayaa iminka ku sugay wadooyinka halbala u ah maagalada iyo dhamaan xaafadaha kuwaas oo hawlgal balaadhan ku jira.

dilal ku qotoma aano qabiil ayaa saacidii u dambeeyay ka dhacay deegaano hoosyimada caabudwaaq.

Radio Abudwak

11/01/2023

πŸ‘‰Kugu dhimayay kaa dhimaayay yaad hawl ka dhigateene....πŸ’”

πŸ›‘Stop Colaadda caabudwaaq.
Radio Abudwak

 : Kulan ay caawa yeesheen Guddigii Beelaha Dhulbahante u saareen kasoo talo bixinta masiirka deegaanada SSC iyo Xubnihi...
11/01/2023

: Kulan ay caawa yeesheen Guddigii Beelaha Dhulbahante u saareen kasoo talo bixinta masiirka deegaanada SSC iyo Xubnihii ka socday Somaliland ayaa lagu kala kacay kaddib markii guddigu ku adkaystay aragti ah in nidaamka Somaliland guud ahaan Gobolka Sool iskaga baxo oo aanay gorgortan ka gelaynin qadiyadaas.

Taliska Korneyl Biixi ayaa arrintan diiday waxaana Maxamed Kaahin oo kulanka ka hadlay Odayaasha Dhulbahante ku yidhi:-

"Annagu dawlad baan nahay idinna shacab baad tihiin, shacabna amar nama siin karo, baxana nama odhan kartaan, waxaadna tihiin rag dagaallansan oo qori afka haysta."

Maxay kula tahay.?
Radio Abudwak

Sheikh Ibraahim Sh.Xasan guureye ayaa loo doortay Gudomiyaha ururka arrimaha islaamka iyo dawladdaha carabta.shir balaar...
08/01/2023

Sheikh Ibraahim Sh.Xasan guureye ayaa loo doortay Gudomiyaha ururka arrimaha islaamka iyo dawladdaha carabta.

shir balaaran oo ka dhacay dalka qadar ayna iskugu yimaadeen dhammaan dawladdaha xubnaha ka ah ururka arrimaha islaamka ee dalalka jaamacadda carabta ayaa waxaa guddoomiyaha ururkaa loogu doortay Sh.ibrahim Hassan gureeye oo ka socday dalka soomaaliya.

ururka arrimaha islaamka ee dawladdaha xubnaha ka ah jaamacadda carabta ayaa ah urur ka shaqeeya danaha islaamka iyo sidii loo hormarin lahaa.

sh.ibrahim ayaa horay usoo noqday guddoomiyaha ururka ahlusuna waljameeca iyo wasiirka waxbarshada Galmudug ayaa ah shaqsi astaan u tahay dadaal iyo waxqabad.

waa markii ugu horaysay ee shaqsi matalaya wadanka soomaliya uu noqodo Guddoomiyaha ururka arrimaha islaamka waxaan talabadan aad u soo dhaweeyay shacabka soomaaliyeed oo sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin.

Radio Abudwak

Warbixin laga baahiyay Telefishinka Somaliland ee SLNTV ayaa lagu sheegay in Puntland ay tahay cadawga kowaad ee Somalil...
07/01/2023

Warbixin laga baahiyay Telefishinka Somaliland ee SLNTV ayaa lagu sheegay in Puntland ay tahay cadawga kowaad ee Somaliland.

Sababta ayaa lagu sheegay in Puntland ay ka xun tahay horumarka Somaliland,ayna jeceshahay qalalaaso ka dhaca.

Dawlada Soomaaliyay ayay ku tilmaameen Cadawga labaad ee Soomaliland.

Radio Abudwak

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre  ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jener...
07/01/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho oo ay deggan yihiin Cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ee tababarka dhowaan ku soo qaatay waddanka Ereteriya.

Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlayay ciidanka ayaa xusay in shacabka Soomaaliyeed aaminsan yihiin in cadawga Khawaariijta muddo kooban kaga sifayn doonaan goobaha kooban ee ay kaga hareen ay dalka, isla markaana uu ku garab siin doono sidii aad u soo celin lahaayeen karaamadii sharaftii iyo cisigii shacabka Soomaaliyeed.

β€œWaa la idin sugayay, laba qolo ayaa idin sugayay; qolo imaashihiini, joogitaankiina iyo sidan aad u diyaarsan tihiin maanta farxad iyo reyn reyn ay u tahay – waa Shacabkiina, Dalkiina iyo Calankiina, qolona way idin sugeysay laakiin waxay idinku sugeysay, markaad timaadaan inay jabayaan, cabsi, khawf, naxdin iyo walbahaar ayay la il xun yihiin.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa dhinaca kale waxa uu baaq u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay khaldeen kooxaha Khawaarijta, kuwaasi oo uu sheegay in ay fursad heystaan oo la joogo xilligii ay isku soo dhiibi lahaayeen intii qaban lahaa iyaga oo dambi gacmaha kula jira.

Radio Abudwak

Address

Caabudwaaq
Mogadishu
252

Opening Hours

Monday 06:00 - 12:00
Tuesday 06:00 - 12:00
Wednesday 06:00 - 12:00
Thursday 06:00 - 12:00
Friday 06:00 - 12:00
Saturday 06:00 - 12:00
Sunday 06:00 - 12:00

Telephone

+252615533317

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Radio Abudwak posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Radio Abudwak:

Videos

Share

Nearby media companies