RUN SHEEG

RUN SHEEG Page-kan waxa aad ka helaysa murti iyo madadaalo, warar sugan oo ku salaysan xaqiiqada & dhacdooyink

28/03/2023
14/03/2023

Waad soo habsaantey! Sideen u qeexaa wanaaga iyo qofnimadaadan cajiibka ah, daacadnimadaadan aan qoraalka lagu sheegi karin, naxariistaadan niyadda qayb u heshaa ku degayso, iyo quruxdaada guud ee indhaha qabtaa aanay ka jeesan karin? In badan baan qalbiga ku sitey suuraddaadan oo kale. Waan aamini la’ahay in aad leedahay dhammaan astaamihii aan ku xulan lahaa qofkaan rabo, waan se ka xumahay, waxaad timid xilli aanan muhiim u arkayn wax dhaafsiisan nolol maalmeedkayga. Wakhti aan dedaal ku bixiyo danahayga gaarka ah oo keliya. Xilli aan u jeestey isbeddallada kale ee nolosha. Wakhti aan dantayda oo qudha kaga fikiro. Waxaa ku dhaafay daryeelkii, danayntii iyo u hagar bixiddii aan mar walba diyaarka la ahaan jirey. Waxaan is waydiinayaa “Ma adaa nasiib xun, mise aniga? Waayo, waxaas oo dhan adiga ayaa u qalmaayay! Wanaagsanaan lahaydaa, anoo dib u heli kara daacadnimadaydii iyo kalsoonidaydii faraha badnayd ee aan qof walba kusoo dhawayn jirey, si aan adiga gaar kaaga dhigo. Waxa keliya ee aan ka qoomamoonaayo ayaa ah; inay lumeen fursadihii uu u qalmaayay qof adoo kale ah. Ii cudur daar haddii ay ku cajabin waayaan dhaqamadaydu, haddii aad iga arki waydo firfircooni iyo farxad siin joogto ah, sababtoo waxaas oo dhan way iga dhammaadeen hadda. Waxaad kusoo beegantay xilli aan ka rejo dhigey barashada qof cusub, iyo bilaabidda xidhiidh aan midho dhal lahayn, waxaa cabsi igaga tegay xidhiidho h**e oo burburey, kuwaasi oo aan ka dhaxlay ad-adayg iyo aaminaad la’aan. Sannad ka hor ayaan qorey qoraalkan.🫠

Qalinkii = shaakir maaweelo

Toban dhacdo oo muhiim ah oo FAHAD YAASIIN uu ka dhuuntay inuu ka hadlo~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~`– Agaasimihii h**e ee ...
19/06/2022

Toban dhacdo oo muhiim ah oo FAHAD YAASIIN uu ka dhuuntay inuu ka hadlo
~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~~`
– Agaasimihii h**e ee NISA Fahad Yaasiin wuxuu dusha saartay dhacdooyin badan oo loo haysto nidaamkii madaxweyne Farmaajo, intii uu socday wareysi uu dhawaan bixiyey.

Dhacdooyinkii uu Fahad mas’uuliyadooda qaatay, waxaa qaar laga sugayey inay ka jawaabaan Farmaajo ama madaxdii kale ee dowladaas, laakiin Fahad oo awooday inuu jawaabaha qaar xawilo ayaa doortay inuu isaga ka jawaabo.

Shantii sano ee madaxweyne Farmaajo dalka waxaa ka dhacay arrimo waaweyn, kuwa badan oo muhiim ah oo ay dadku sugayeen inuu Fahad ka hadlo ama la waydiiyo ayaan soo gelin wareysiga.

Uma badna in la iloobay waxayse u muuqdaan dhacdooyin uusan rabin Fahad Yaasiin inuu ka hadlo. Sheekadaan waxaan kusoo koobeynaa 10 dhacdo oo qaarkood ay dalka iyo dowladnimadaba gilgileen oo uu Fahad ka dhuuntay una baahan in mar kale la waydiiyo.

Arrinta Qalbi Dhagax

Dambiga ugu weyn ee nidaamkii madaxweyne Farmaajo loo haysto waa in muwaadin Soomaali ah loo dhiibay dowladda Itoobiya. Falkan lagula kacay Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbidhagax ayaa gilgilay nidaamka dowladeed ee Soomaaliya.

Waa kiis uusan qofna ka boodi karin marka uu rabo inuu ka waramo maamulkii madaxweyne Farmaajo. Fahad k**a hadlin arrinta Qalbidhagax.

Dilkii Injineer Yariisow

Guddoomiyihii h**e ee Gobolka Banaadir En. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow iyo qaar kamid ah maamulkii degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa lagu dilay xarunta dowladda hoose ee magaalada Muqdsiho.

Waxay aheyd dhacdo weyn in xafiis sidaas loo ilaaliyo uu falkaasi ka dhici karo. Illaa hadda mugdi ayaa ku jira dilkaas.

Muuqaaladii ay duubeen kaamirooyinka qarsoon sida ay dowladda u maareysay ayaa shakiga gudaha ah xoojisay. Fahad waa ka dhuuntay mowduucaan.

Weerarkii lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Dowladdii Siyaad Barre kadib in qof siyaasi ah la isku dayo in loo qaarijiyo aragtidiisa siyaasiga ah waxay dhacday bishii December 2017.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa duulaan ku qaaday guriga siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuu Warsame oo si weyn uga aragti duwanaa dowladaas. Fahad Yaasiin wuxuu markaas ahaa agaasimaha Villa Somalia oo la aaminsan yahay in weerarka laga abaabulay.

Dhacdadaan iyadana Fahad lama waydiin/

Weerarkii madaxweynayaasha

Laba jeer ayaa la weeraray madaxweynaha maanta talada haya Xasan Sheekh Maxamuud intii uu jiray nidaamkii Farmaajo. waxay aheyd gaf xasaanadeed, mid sharci iyo halis la geliyey dowladnimada Soomaaliya.

Dhaqankaas foosha xun illaa hadda cidna looma maxk**adeyn. Fahadna wuxuu doortay inuusan arrimahaas ka hadlin.

Xildhibaanimadii loo diiday Fahad

Jabkii ugu weynaa ee siyaasad ahaan soo gaara Fahad Yaasiin waxaa loo arkaa guuldaradii kursigii loo diiday. Muranka kursigiisa muddo ayuu socday mana ahan wax la iloobi karo, Fahad k**a hadlin lamana weydiin sababtii uu kursiga ku waayey.

Laakiin wuxuu wareysiga dhexdiisa ku weeraray qof walba oo kaalin ku lahaa inuu kursiga xildhibaanimada waayo.

Xariga Mukhtaar Roobow iyo dadkii lagu laayey Baydhabo

Muddo dhowr sano ah waxaa NISA ugu xirnaa Muqdisho Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur. Ninkaan oo isagoo raba inuu u tartamo hoggaanka Koonfur Galbeed lasoo xiray waxaa dhinaca kale dhacdadiisa xigay dad dibad-baxayaal ah oo ay dowladda ku leysay magaalada Baydhabo.

Fahad k**a hadlin sababta loo soo xiray Mukhtaar iyo mas’uuliyadda shacabkii la laayey.

Doorashooyinkii maamul Goboleedyada

Dowladdii madaxweyne Farmaajo waxaa lagu tilmaamaa dowladdii lacagtii ugu badneyd ku bixisay burburinta maamul goboleedyada.

Farmaajo iyo saaxiibadii waxaa la sheegaa inay nidaamka federaalka ah diidan yihiin. Doorashooyinkii ugu liitay ayaa maamul goboleedyada laga qabtay intii uu jiray nidaamkii madaxweyne Farmaajo.

Silacaas loo geystay masiirkii dadka gobolada ku dhaqan iyo hantida lagu burburiyey midna k**a uusan hadlin Fahad Yaasiin.

Asalka khilaafka iyo isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble

Fahad wuxuu wareysigiisa ku muujiyey naceybka iyo cadaawadda ka dhaxeysa isaga iyo Rooble. Dad badan ayaa ku dhaliilay Fahad inuu wax kala reeban waayey, balse dhinaca kale Rooble isna dhowr jeer ayuu Fahad si farsameysan ugu weeraray warbaahinta.

Gunta khilaafka labada nin k**a uusan waramin Fahad

Ridistii sharci darada aheyd ee Kheyre

Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa si aan sharciga lo marin loo riday Bishii July 2020. Sharci-daradaas oo la aaminsan yahay inay Fahad iyo Farmaajo darawaliin ka ahaayeen iyadana lama soo hadal qaadin.

Sababtii guuldarada doorashada madaxweynaha

Fahad wuxuu ahaa madaxii ololaha madaxweyne Farmaajo, wuxuu sheegtaa inuu yahay macalin sixi kara qiyaasta doorashooyinka, walow dadka qaar ay taas si weyn u duraan, haddana Fahad ma sheegin waxa sababay guul-daradii qaraareyd ee kooxdooda kasoo gaartay doorashadii madaxweynaha.

Tobankaan dhacdo ee waaweyn ma ahan inuusan Fahad xasuusan ama aan la weydiin karin, balse waxaa lagu sifeeyey dhacdooyin uu ka baxsanayo ka hadalkooda.

Qalinkii :-
Banaadir -- Muqdisho -- Somalia

17/06/2022

Aadam galaydh

17/06/2022

Abwaanad kaaba

Cagaarka ayaamahaygaMaqnaantaadaa casaysay,Cajiibka xusuusahaygaLa'aantaada cidlaysay.Caways la bax baan lahaayeQol baan...
17/06/2022

Cagaarka ayaamahayga
Maqnaantaadaa casaysay,
Cajiibka xusuusahayga
La'aantaada cidlaysay.

Caways la bax baan lahaaye
Qol baan keligay ku ciiday,
Qaxwaha la cab baan lahaaye
Jid baan keligay carraabay.

Qofkaygow caashaqeennu
Hadmuu talow caadiyoobi,
Intuu cilladaha ka raysto
Hadmuu talow caafimaadi?

Qalinkii Shaakir maaweelo

~ iyagoo Ku dhaafoo ~ mar mar kaa yar dhici jirey ~ marna ceebo dhowriyo ~ dhaliil kuu samayn jirey ~ bal maxay dharaart...
17/06/2022

~ iyagoo Ku dhaafoo
~ mar mar kaa yar dhici jirey
~ marna ceebo dhowriyo
~ dhaliil kuu samayn jirey

~ bal maxay dharaartaad
~ qayrkaa wax Dheer tahay
~ noloshuna dhamaanteed
~ kuu dheeli-tiran tahay

~ dadku kugu dhololaan
~ kuso dhoweystaan
~ dhab-dhab kugu faanaan

Qalinkii :- Shaakir maweelo

17/06/2022
15 xikmadood oo laga guntay caalimkii Jalaaludiin Ruumi.1. Nabadgelyo, waxa is yidhaahda oo keliya kuwa indhahooda wax k...
17/06/2022

15 xikmadood oo laga guntay caalimkii Jalaaludiin Ruumi.

1. Nabadgelyo, waxa is yidhaahda oo keliya kuwa indhahooda wax ku jeclaada.
Waayo kuwa qalbigooda iyo ruuxdooda wax ku jeclaadaa ma yaqaannaan wax la yidhaahdo kalatag.

2. Hadalkaaga kor u qaad, ma aha qayladaada. Roobka ayaa ubaxa bixiya, ee ma aha onkodka.

3. Ha murugoon. Wax kasta oo aad weydaa waxa uu kuugu imanayaa qaab kale.

4. Mar kasta oo aad keli tahay, xusuusnow in uu Eebbe qof kasta oo kale bannaanka u saaray, si aad keli isugu noqotaan adiga iyo isagu.

5. Nabarku waa meesha uu ilaysku kaa soo galayo.

6. Fanka ogaalku waa in aad ogaato waxa mudan isdhagamarinta.

7. Waxa aad raadinaysaa waa uu ku raadinayaa isna.

8. Dab ku qabo noloshaada. Raadi kuwa huriya holacaaga.

9. Marka aad bilawdo in aad jidka raacdo, jidku hortaada ayuu ka muuqan doonaa.

10. Sabir marka aad fadhido mugdiga. Waagu waa uu soo socdaa.

11. Ka ilaali naftaada fikirkaaga.

12. Iska aamus, gacanta Eebbe oo keliya ayaa ka suulin karta culaysyada qalbigaaga.

13. Mar kasta oo aad deggenaanta badiso, waxa kordha awooddaada maqalka.

14. Ilhaamta aad raadinaysaa adiga ayay kugu dhex duugan tahay. Aamus oo dhegayso.

15. Shalay waxa aan ahaa xariif, sidaa darteed waxa aan doonayay in aan dunida beddelo.
Maanta waxa aan ahay caaqil, sidaa darteed waxa aan doonayaa in aan naftayda beddelo.

Adiga midkee ayaa ku cajabisay?

Maxay wadaagaan Hogaamiyayaasha Guulaystay iyo kuwa Guul daraystay? Maxayse ku kala duwan yihiin?Hogaamiyayaasha guulays...
23/02/2022

Maxay wadaagaan Hogaamiyayaasha Guulaystay iyo kuwa Guul daraystay? Maxayse ku kala duwan yihiin?

Hogaamiyayaasha guulaystay iyo kuwa guul daraystay labaduba waxay ka siman yihiin, helista fursad iyo waqti isku mid ah, oo ay waajibaadkooda ku gutaan, sida sanad, bil, todobaad, iyo 1440 miridh habeen iyo maalin kasta.
Hasayeeshee, waxay ku kala duwan yihiin aqoonta eebe siiyo, abaarta ay higsanayaan, aragtiyaha ay aaminsan yihiin, ujeedooyinka ay xaqiijiyaan, eel xun ama ayaan wacan wixii ay ummadahooda uga tagaan, iyo astaamaha ay caanka ku noqdaan ee iin iyo amaanba leh.

Ugu dambayn, haddaba akhriste ogow, guusha ruux kastaa waxay ka bilaabantaa goobta uu taagan yahay, garashada yoolkiisa, gudashada xilkiisa, sixida gefkiisa, gadhqaadka hayaankiisa guul-galka u ah, geediga nolosha gaaban.

Waa buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro oo ay cadceeddu buuxisay🤔 👍
21/10/2021

Waa buurta ugu dheer Afrika ee Kilimanjaro oo ay cadceeddu buuxisay🤔

👍

Today  we celebrate Asli Hassan Abade from Somalia who was the First Female African pilot on 25 September 1979.Asli Hass...
29/09/2021

Today we celebrate Asli Hassan Abade from Somalia who was the First Female African pilot on 25 September 1979.

Asli Hassan Abade was the first African women Air Force pilot in whole of Africa. She is a Somali Air force pilot, military figure, and civil activist. She was the first and so far the only female pilot in the Somali Air Force (SAF).
asli was incredibly popular in somali air force, at a time she was F_16 fighter get pilot since september 1979 until the end of 1992.
Currently she lives in Texas USA and she is a Captain of A320 at American airline.

08/05/2021

Bal ninkaa naftiisa iyo umada kaleba halaagay caqligiisa eeg.

Noocyada Shabeelka.Shabeelku waxa uu ka mid yahay nooca boqortooyo ee xayawaanka loogu yeedho naaslayda (Mammalians Anim...
22/03/2021

Noocyada Shabeelka.

Shabeelku waxa uu ka mid yahay nooca boqortooyo ee xayawaanka loogu yeedho naaslayda (Mammalians Animal Kingdom) gaar ahaan qoyska bisaddaha waa wayn, waxaana uu kusii abtirsadaa (family Felidae) oo ah kuwa wax ugaadhsada (carnivorous).

Shabeelku waxa uu ka kooban yahay saddex nooc oo muuqaal ahaan, awood ahaan iyo maskax ahaanba waxyar ku kala duwan, saddexda noocba waa kuwan.

TIGER: waa midka ugu halista badan noocyada shabeelka, waxaa lagu tilmaamaa kan ugu wayn xayawaanada naaslayda ah ee wax ugaadhsada, sidoo kale waa kan ugu caqliga badan dhinaca taatikada iyo farsamada, miisaankiisa waxaa lagu qiyaasaa in uu ka wayn yahay 400kg, dhererkiisuna ugu yaraan waa 12.5feet, halka Libaaxa oo kusoo xiga culayskiisa caadiga ah lagu qiyaaso 350kg halka dhererkiisuna uu gaadho 10feet. Marka laga tago in shabeelku uu ka wayn yahay libaaxa sidoo kale waxa jira laba awoodood oo rabbaani ah kuwaasoo shabeelku uu dheer yahay libaaxa, tan koowaad maadaama bahalaha wax ugaadhsada awooddooda ugu wayni ay tahay ilkaha iyo daamanka shabeelku waxa uu ka mid yahay kuwa ugu awoodda badan dhinaca qabashada noolayaasha kale, jejebinta lafaha iyo qaadida miisaan aad u culus, tan labaad shabeelku waa xayawaanka ugu caqliga badan kuwa wax u gaadhsada waxana la sheegaa in shabeelku uu laba jibaar ka maskax iyo caqli badan yahay libaaxa, halka libaaxu uu yahay xayawaanka ugu geesisan kuwa hilibka quuta ee noociisa ah. Shabeelka maskaxdiisu dagaal keliya mataqaan ee waxa uu u adeegsadaa oo uu wax ku dilaa caqli, halka libaaxa maskaxdiisu ay taqaanno dagaal qudhiya, waana sababta uu shabeelku uga farsamooyin badan yahay libaaxa.

Shabeelka noocan ah oo la sheego in uu dunida kasii dabar go'ayo waxaa laga helaa oo uu ku nool yahay buuraha jiqda ah ee dalka Hindiya iyo meelo kale oo dunida ah, shabeelku maaha xayawaanada isu raaca koox koox ee keli keli ayuu u socdaa waxna u ugaadhsada waana bahal halis badan, sannad walbana waxaa la sheegaa in uu cuno oo nolosha dhaafiyo kumanaan qof.

Haddii aad aaminsanayd in Libaaxu yahay xayawaanada naaslayda ah ee wax ugaadhsada kan ugu khatarsan, imminka laga bilaabo fekreddaa iska ilaw shabeelka ayaa ah kan ugu khatarsan.

JAGUAR: waa nooca kusoo xiga Tiger-ka, miisaan ahaan iyo dherer ahaanba waa uu kayar yahay noocii h**e, balse caqli ahaan, awoodda ilkihiisa iyo daamankiisuba waxa ay ku dhow yihiin noocii h**e. Inta badan shabeelka noocan ah waxa laga helaa webiyada hareerihiisa gaar ahaan qaaradaha Eeshiya iyo Afrika waxana uu aad u ugaadhsadaa xayawaanada biyaha ku kujira sida yaxaaska iyo kuwa kale ee webiyada usoo doonta biyo ay cabbaan, waa nooc aad u kaarto badan.

LEOPARD: waa nooca saddexaad ee shabeelka, waxaa ay is shabbahaan oo laysku khaldaa Harimcadka, balse waxa jira farqi wayn oo udhexeeya shabeelka loo yaqaan Leopard iyo Harimcadka. Inta badan noocyada shabeelkan waxaa laga helaa meelaha kaymaha ah iyo dooxooyinka, sida noocyadii h**e ee aynu soo sheegnay ayuu aad u caqli badan yahay, waxana uu caan kuyahay in uu dhirta dhaadheer oogada ka fuulo, kaddibna wixii geedka hoostiisa soo mara ayuu kusoo boodaa, waxa kale oo uu caan kuyahay in aanu dhulka waxba ku cunin balse neefka uu disho waxa uu la fuulaa geedka korkiisa.

NB: waxaa jira nooc afraad oo dadka intooda badani ay ku khaldaan ama u yaqaanaan shabeel, waana bahalka loo yaqaanno Harimcad (Cheetah). Harimcadku maaha shabeel wuuna ka duwan yahay. Marka laga hadlayo xayawaanada afarta lugood ku orda Harimacadku waa bahalka adduunka ugu dheereeya saacaddiina waxa uu jari karaa 120km, halka shabeelka xawaarihiisu uu aad u hooseeyo saacaddiina shabeelku waxa uu jaraa 58km. Harimcadku waxa uu leeyahay dhibco madmadow oo yar yar qudha halka shabeelku uu leeyahay dhibco waa wayn. Harimacadku miisaan ahaan wuu fudud yahay, dhexdiisuna aad bay u dhuuban tahay wuuna kala jiidan yahay, halka shabeelku uu aad u culus yahay. Sidoo kale harimcadka u gaadhsigiisu waxa uu ku xidhan yahay oo uu isku halleeyaa orodkiisa iyo xawaarihiisa aadka usarreeya, halka shabeelka ugaadhsigiisu uu salka kuhayo khiyaamo iyo caqli.

Ahmad Omar Abdalla

10/03/2021

Riwayaad cusub by sooraan

08/03/2021

Beenta mobilku danbiwayn ma lahaa

08/03/2021

Sooraan oo uu jawabay Faysal cali waraabe

07/03/2021

Ku nasi

06/03/2021

Hidaheena fican iyo dhawra dhaqanka

Inkabadan 10 qof oo rayidah ayaa kudhintay qarax kadhacay magalada muqdisho maqaaxi lagu magacabo luul yamani oo kutaala...
05/03/2021

Inkabadan 10 qof oo rayidah ayaa kudhintay qarax kadhacay magalada muqdisho maqaaxi lagu magacabo luul yamani oo kutaala afaafka h**e ee dekeda magalada muqdisho.
Waxana kudhawacmay inkabad 30 qof waraarku waxay inta kudarayaan inay tahay markii labad ee lalaeegto qaraax maqaxiida .
Abaaro 8:10 daqiiqo ayaa gari waxyalaha qaraxa laga soo buxiyeey lala eegtaymaqaxiida

Afhayeenka cidanka boliska Saddiq doodisho

04/03/2021

Kunaso

01/03/2021

Hereeri iyo zambia

Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad ayaa lagu dilay Suuqa bakaaraha.Kooxdii Dilka geystay ayaa baxsatay . wiilas...
28/02/2021

Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad ayaa lagu dilay Suuqa bakaaraha.

Kooxdii Dilka geystay ayaa baxsatay . wiilashaan oo ahaa dhalinyaro ayaa ka tirsanaa Nisa, waxaana ay ka howlgalayeen suuqawayn ee Baakaraha.

Cali Axmed Xasan ayaa horay uga mid ahaa saxafiyiinta soomaliyed ee bari ka howlgali jirtay warbaahinta Muqdisbo.

Garboda,baydhabo ,somalia
28/02/2021

Garboda,baydhabo ,somalia

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when RUN SHEEG posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to RUN SHEEG:

Videos

Share

Nearby media companies