Xog-Warran TV

Xog-Warran TV The official page of Xog-warran TV

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu dooran doonaa labadi kursi ee ugu dambesay dooras...
04/10/2021

Waxaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hirshabeelle lagu dooran doonaa labadi kursi ee ugu dambesay doorashada Aqalka Sare maamulkaasi, iyadoo ay ku tartami doonaan Musharixiin dhowr ah oo u taagan in ay ku guuleystaan Labadaasi kursi ee Maanta loo madalsan yahay.

Magaalada ayaa waxaa laga dareemaya qaban qaabadada iyo diyaar garowga doorashada, waxaana sidoo kale ku sugan xubno ka socda Guddiyada doorashooyinka iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirsahbeelle,kuwaasi oo goobjoog ka noqon doona sida doorashada kuraastaasi u dhici doonto.

Kursi ka mid ah labada kursi ee manta la dooranayo ayaa waxa tartankiisa horay iskaga hareen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Hirshabelle Abukar Maqaneey iyo Maxamed Kulmiye, Waxaana la filayaa in ay ku tartamaan Zamzam Cabdullahi iyo Naciimo Ibrahim.

Sidoo kale Kursiga kale ee lagu dooranayo Jowhar waxaa ku tartami doona Seddex Musharax oo kala ah: Cabdulqadir Xanafi, Cabdalle Cabdi Xuseen iyo Cali Shacbaan.

Horay Magaalada Jowhar ee Xarunta maamulkaasi waxaa loogu doortay inta badan Kuraasta Aqalka sare ee Maamulka Hirshabeelle, iyadoo kaliya ay ka hareen labadaaasi kursi ee manta la filayo in la dhammeystiro, waxaana horay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu Maammul Goboleedyada ugu baaqay in ay soo dhammeystiraan kuraasta aqalka sare e ku harsan,si loo guda galo doorashada Golaha shacabka ama aqalka hoose.

Ibraahim Rayte, oo ka tirsanaa Barlamaankii h**e ee Somaliland muddooyinkii udambeeyayna hawlo shaqsi ah u joogay Muqdis...
03/10/2021

Ibraahim Rayte, oo ka tirsanaa Barlamaankii h**e ee Somaliland muddooyinkii udambeeyayna hawlo shaqsi ah u joogay Muqdisho ayaa maanta lagu xidhay madaarka Hargeysa kaddib markii uu dib usoo laabtay.

Jump to navigationUNUNEN SOMALIUNSOMHAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYARAADI RaadiYou are hereHome2 Oc...
02/10/2021

Jump to navigation
UNUN
EN SOMALI
UNSOM
HAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA
RAADI
Raadi

You are here
Home

2 Oct
2021
WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH: SAAXIIBBADA CAALAMKA OO BOORRIYAY IN LA XALLIYO MURANKA SIYAASADDA, XOOGGANA LA SAARO DOORASHOOYINKA
Muqdisho - Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya* waxay xusayaan in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi “Farmaajo” iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ay sii wadaan dadaallada dhexdhexaadinta ah ee lagu xallinayo khilaafaadka lagu muujiyey isweydaarsigoodi war-bixinnada ee 16-kii Sebteember 2021.

Si kastaba ha ahaatee, saaxiibbadu waxay ka welwelsan yihiin in arrimaha aasaasiga ah aan weli la xallinin, inkastoo in ka badan laba toddobaad ay jireen dadaallo dhexdhexaadin ah. Hubaal la’aantan siyaasadeed ee socota ayaa sii kordhisay halista dib-u-dhac kale oo ku yimaada geeddi-socodka doorashada waxayna horseedday jahwareer ka dhashay hoggaanka Wasaaradda Amniga Gudaha (WAG) iyo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), kuwaas oo waxtarkoodu muhiim u yahay la-dagaallanka Al-Shabaab iyo ilaalinta xaaladda nabadgelyo ee dalka.

Saaxiibada caalamku waxay ku boorrinayaan Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay sida ugu dhaqsaha badan u gaaraan heshiis, si ay diiradda u saaraan hirgelinta heshiisyada doorashada ee 17-kii Sebteember 2020 iyo 27-kii Maajo 2021 iyo inay hubiyaan in hay'adaha amniga ee muhiimka ah (WAG iyo NISA) ay madax u yihiin hoggaamiyeyaal awood u leh oo la qadariyo, gaar ahaan xilliga doorashada.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Egypt, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherland, Norway, Qadar, Saudi Arabia, Sudan, Iswiidhan, Swisarlandh, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay.

War saxaafadeed
WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH: SAAXIIBBADA CAALAMKA OO BOORRIYAY IN LA XALLIYO MURANKA SIYAASADDA, XOOGGANA LA SAARO DOORASHOOYINKA
WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH: SAAXIIBBADA CAALAMKA OO BOORRIYAY IN LA XALLIYO MURANKA SIYAASADDA, XOOGGANA LA SAARO DOORASHOOYINKA
Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2021
Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2021
DHEERI

WAR-SAXAAFADEED WADAJIR AH: SAAXIIBBADA CAALAMKA OO BOORRIYAY IN LA XALLIYO MURANKA SIYAASADDA, XOOGGANA LA SAARO DOORASHOOYINKA

Howlaha waxqabad ee hay'adaha QM ee Soomaaliya ee Sebteembar 2021

KHUDBADDA KU-XIGEENKA XOGHAYAHA GUUD EE QM AAMINA J. MAXAMED AY KA JEEDISAY GOLAHA AMMAANKA EE KU SAABSAN BOOQASHADEEDII SOOMAALIYA

COPYRIGHT © 2021 UNITED NATIONS
A TO Z SITE INDEX NALA SOO XIRIIR SHURUUDAHA ADEEGSIGA XUQUUQDA LAHAANSHAHA

Ahlu sunna oo war saxaafadeed soo saaray
01/10/2021

Ahlu sunna oo war saxaafadeed soo saaray

Guddoomiye Abdi Hashi ayaa markale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sarre kaddib markii uu labbo daqiiqad gudahee...
29/09/2021

Guddoomiye Abdi Hashi ayaa markale loo doortay Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sarre kaddib markii uu labbo daqiiqad gudaheed ku tanaasulay Murashaxii lagu qoray in uu la tartamo.

Tartan adag doorashada gobollada wuqooyi berri dhaceyso
28/09/2021

Tartan adag doorashada gobollada wuqooyi berri dhaceyso

Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka...
26/09/2021

Lataliyaha cusub ee Amniga Qaranka Mudane Fahad Yaasiin ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu xilka kala wareegay Lataliyihii H**e ee Amniga Qaranka Mudane Cabdisiciid Muuse Cali.

Lataliyaha Amniga Qaranku waxa uu uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda magacaabistan, waxa uuna xusay sida ay uga go'an tahay horumarinta Amniga Qaranka.

"Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa  xalinta kh...
24/09/2021

"Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu caawa kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan" ayuu ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook wasiirka madaxtooyada Galmudug Cumar Shido.

Sida ilo xog ogaal oo aan  helay sheegayaan, MD Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la filayaa in ay heshiis ka gaaraan khilaafk...
23/09/2021

Sida ilo xog ogaal oo aan helay sheegayaan, MD Farmaajo iyo RW Rooble ayaa la filayaa in ay heshiis ka gaaraan khilaafkii u dhaxeeyay, iyada oo uu RW Rooble la filayo in uu ka tanasulo qodobadii uu ku dhaganaa.

Wazaa la filayaa in la sameeyo isku shaandhayn yar oo golaha wasiirada ah, taas oo sababi karta in Wasiirka amniga oo uu RW Rooble magacaabay ee C/laahi Maxamed Nuur loo weeciyo wasaarad kale, halka agaasimaha Nabadsugidana isbadal ku imaanayo.

Kadib cadaadis dhawr ah oo RW Rooble uga yimid dhinacyo kala duwan, waxaa RW sheegay in si doorashadu u socoto uu wax walba ka hormarin doono.

Shirkii Maamul goboleedyada ee uu RW Xalay shir gudoominayay, ayay inta badan maamul goboleedyadu isku aragti ka noqdeen in khilaafka siyaasadeed uu dib u dhac u keeni karo doorashada.

Kiiska Ikraan ayaa lafilayaa in loo daayo hay'adaha cadaalada, waloow ay adkaan doonto in si dhakhsiyo ah loogu dhawaaqo natiijada kiiskaas.

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Waaare Rooble ayaa caawa lagu wadaa in ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan, muddo kaddib.Il...
22/09/2021

Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal Waaare Rooble ayaa caawa lagu wadaa in ay kulan fool-ka-fool ah yeeshaan, muddo kaddib.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in dood adag ay ka taagan tahay Wasiirka cusub ee Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo Farmaajo doonayo in Wasaarad kale loo wareejiyo, halka Raysal Wasaare Rooble doonayo in loo daayo xilkiisa Amniga ama loo magacaabo Duulista Hawada oo kamid ah wasaaradaha saameynta ku leh doorashada iyo ganacsiga dalalka deriska ah.

Dalka Suudaan Afgembi ayaa laga soo sheegayaa hadda.
21/09/2021

Dalka Suudaan Afgembi ayaa laga soo sheegayaa hadda.

Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii h**e ee saaka soo gaaray l...
21/09/2021

Fahad Yaasiin oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho waxaa subaxnimadii h**e ee saaka soo gaaray la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne ee Mohamed Abdullahi Farmaajo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo maalmihiia soo dhaafay ku sugnaa dalka Turkiga.

Saraakiil dhinaca Hay’adaha Amniga ah ayaa inoo sheegay imaatinka Fahad Yaasiin oo diyaarad khaas ah ay ka keentay dalka Turkiga.

Garoonka waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Hay'adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

Maxk**adda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa  12ka Oktober, 2021 ay soo saarto Go'aanka Xukunka Muranka Badda ee...
20/09/2021

Maxk**adda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa lagu wadaa 12ka Oktober, 2021 ay soo saarto Go'aanka Xukunka Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo doorkii Raysal Wasaare Rooble ee doorashada Somaliland meesha ka saaray.Habraacii ay b...
19/09/2021

Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi oo doorkii Raysal Wasaare Rooble ee doorashada Somaliland meesha ka saaray.

Habraacii ay bishii August soo saareen Xafiiska Raysal Wasaare Rooble iyo dowlad-goboleedyada, waxa uu dhigayey in Liiska musharrixiinta Xildhibaannada Somaliland uu hubinayo Raysal Wasaaraha, hase ahaatee habraca maanta ay soo saareen Raysal Wasaare Ku-xigeen Mahdi iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi qodobkaasi waa laga tuuray.

Habraaca Doorashada Aqalka Sare BFS 2021 (Somaliland).
19/09/2021

Habraaca Doorashada Aqalka Sare BFS 2021 (Somaliland).

17/09/2021

Beesha Caalamka aya war saxaafaded wadajir ka soo saaray khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo hal sano ka soo wareegatay heshiiskii doorashada 17 September iyo magacaabidii Ra’iisul Wasaare Rooble.

Beesha Caalamka ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin in khilaafka sii kordhaya ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha
Muqdisho uu wiiqi doono xasilloonida Soomaaliya isla markaana uu carqaladayn doono geeddi-socodka doorashada.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha inay si degdeg ah u xalliyaan khilaafkooda, ayna ka fogaadaan isweydaarsiga qoraalada guud ee aan waxtarka u lahayn bulshada iyo ogeysiisyada hawlwadeennada, ayna dib diiradda u saaraan sidii loo soo gabagabayn lahaa doorashooyinkii waqtigooda dib uga dhacay iyadoo aan dib u dhac kale dhicin”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

Madawaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo cunaqabatayn adag lagu saarayo dawladda Itoobiya iyo dad...
17/09/2021

Madawaynaha Maraykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar fulin ah oo cunaqabatayn adag lagu saarayo dawladda Itoobiya iyo dadkii ku lugta lahaa xasuuqa ka dhacay dhulka Tigrega.

Cunaqabataynta uu ku dhawaaqay madaxwaynaha Maraykanka ayaa saamayn wayn ku yerlan karta xukuumadda Abby Axmed oo iyadu la sheego in ay ka danbeeysay weeraradii lagu qaaday dhulka Tigrega.

: Biden signs executive order authorizing new Ethiopia sanctions amid reports of atrocities

President Joe Biden signed a new executive order Friday authorizing broad sanctions against those involved in perpetrating the ongoing conflict in Ethiopia as reports of atrocities continue to emerge from the region.

The administration "is prepared to take aggressive action" under the new executive order unless the parties -- including the Ethiopian government, the government, the Tigray People's Liberation Front, and the Regional Government --"take meaningful steps to enter into talks for a negotiated ceasefire and allow for unhindered humanitarian access," a senior administration official told reporters.

Fahad Yaasiin waxaa lagu soo eedeeyay inuu abaabul dagaal ka waday Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidamada dow...
17/09/2021

Fahad Yaasiin waxaa lagu soo eedeeyay inuu abaabul dagaal ka waday Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidamada dowladda ka tirsan oo la hadlay VOA.

Saraakiisha ayaa codsaday in Jabuuti xirto oo xanibto Fahad Yaasiin Lataliyaha Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo, ahaana Taliyihii h**e ee Nisa.

Fahad Yaasiin ayaa wali ku xiran Jabuuti. Iyadoo Villa Somaliya wado dadaalo labo jibbaar ah oo ay kusoo deyneeyso Fahad Yaasiin.

Waxaa haatan aad loo hadal hayaa Xariga Jabuuti ee Fahad Yaasiin oo kusoo beegmay xilli xasaasi ah. Walina Dowladda Jabuuti k**a aysan hadlin.

Idris Alteeso

Dowladda Jabuuti ayaa dhowaan soo saaraysay jawaab ku saabsan eeda Madaxtooyada Soomaaliya ee ku saabsan Diyaarada Turki...
17/09/2021

Dowladda Jabuuti ayaa dhowaan soo saaraysay jawaab ku saabsan eeda Madaxtooyada Soomaaliya ee ku saabsan Diyaarada Turkish Airline ee ilaa maanta ku xayiran Garoonka Jabuuti.

Degdeg:Iyadoo maalinta berrito ah ay ku beegan tahay maalintii Lataliye Fahad Yaasiin laga sugaayey inuu hortago Golaha ...
17/09/2021

Degdeg:
Iyadoo maalinta berrito ah ay ku beegan tahay maalintii Lataliye Fahad Yaasiin laga sugaayey inuu hortago Golaha Amniga Qaranka, ayaa waxaa Dawladda Jabuuti ay sitoos ah ugu xanibtay Garoonka Diyaaradaha oo ilaa iminka uu ku xaniban yahay.

Waxaa yaab iyo Amakaag ah sababta ilaa Xadkaa ay Dawladda Jabuuti isu qaawisay!

Waxaa kaloo isweydiintu tahay, is hortaaga xogta Ikraan Tahliil Danta Jabuuti ugu jirta iyo doorka Kiiska Ikraan ay ku leedahay Dawladda Jabuuti.

Diyaarada Turkish Airline oo kusocotay Caasimada Muqdisho ayaa ilaa saaka taagan Caasimada Jabuuti, rakaabka waxaa loo s...
17/09/2021

Diyaarada Turkish Airline oo kusocotay Caasimada Muqdisho ayaa ilaa saaka taagan Caasimada Jabuuti, rakaabka waxaa loo sheegay inay saacado joogi doonaan Jabuuti, diyaarada waxaa saaran Fahad-Yaasiin Xaaji Daahir oo Ra’iisul Wasaare Rooble uu horay uga qaaday xilka Nabad Sugida Soomaaliya. booliska Jabuuti ayaa Fahad-Yaasiin diyaarada ka dejiyey waxuuna hadda joogaa qeybta VIP-da ee Garoonka Jabuuti. Diyaarada weli looma ogolaanin inay safarkeeda Muqdisho sii wadato, warar iskhilaafsan ayaana kasoo baxaya sababta diyaarada loo hakiyay, berito oo 18-ka bishan September ah waxaa loo balansanaa in laga hadlo kiiska Ikraan Tahliil oo amuurteeda ay dalka ka dhalisay qalalaase siyaasadeed.

DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA IYO HAKINTA AWOODAHA WASIIRKA KOOWAADMuqdisho, Sebteembar 16, 2021; Madaxweynaha JFS Mudane...
16/09/2021

DARDARGELINTA DOORASHOOYINKA IYO HAKINTA AWOODAHA WASIIRKA KOOWAAD

Muqdisho, Sebteembar 16, 2021;

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo;

Markuu arkay tallaabooyinka khilaafsan Dastuurka KMG ah ee uu qaaday Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble sida ku cad Qodobka 87aad, Xarfaha (b) iyo (c) iyo Qodobka 90aad, Xarfaha (b), (c) iyo (e);

Markuu ka weecday waajibaadkii loo igmaday Xukuumadda ee ahaa ka shaqeynta doorashooyinka iyo amniga doorashooyinka sida ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka jeediyay Golaha Shacabka 1dii May 2021, Goluhuna uu tixgeliyay soojeedintaas;

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu qaadanayo tallaabooyin aan laga fiirsanin oo dalka u jiheyn kara qalaase siyaasadeed iyo mid amni;

Markuu arkay in Wasiirka Koowaad uu sameynayo isku day ku xadgudub xuquuqda iyo mushaaraadka Ciidamada Qalabka sida iyo awood si khaldan u isticmaalid hay’adaha qaarkood;

Markuu xaqiiqsaday in Ra’iisul Wasaaraha latashi iyo wada shaqayn la lahayn Madaxweynaha, isaga oo ku dhaqaaqay inuu soo saaro go’aanno ku keli ah oo aan waafaqsanayn shuruucda iyo Dastuurka dalka taas oo ay ka dhalatay xil-gudasho la’aan;

Maadaama Madaxweynuhu yahay Astaanta midnimada qaranka, Ilaaliyaha iyo horumariyaha mabaadi’da asaasiga ah ee Dastuurka;

Madaxweynuhu wuxuu xeeriyay qodobadan;

1. Maadaama Wasiirka Koowaad ee XFS uu jabiyay Dastuurka KMG ah, waxaa la hakiyay awoodaha Wasiirka Koowaad iyo dhammaan warqadaha kasoo baxa, gaar ahaan xilkaqaadis ama xilmagacaabis, inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka oo ay u xilsaaran yihiin Guddiyada Madaxabannaan ee magacaaban.

2. Inta lagu jiro xaaladdan, hay’adaha kala duwan ee dowladdu waxay sii wadayaan hawlaha ay shacabka ugu adeegayaan ee lagama maarmaanka u ah socodsiinta hawlaha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 102aad ee Dastuurka Kumeelgaarka ah oo si cad u qeexaya in Wasiir kasta uu isagu masuul ka yahay Howlaha Wasaaraddiisa, ayna tahay in lagu tixgeliyo, iyagoo aan ku dhaqaaqi karin xil ka qaadis iyo xil magacaabis inta laga dhammeystirayo doorashooyinka dalka.

3. Maadaama ay dhammeystirmeen dhismaha guddiyada doorashooyinka ee Heer Federal (FEIT) iyo kuwa heer Dowld Goboleed (SEIT), Xallinta Khilaafaadka, si buuxdana loogu heshiiyay habraacyada, miisaaniyadda, qorshaha amniga doorashada iyo dhammaan waxyaabihii ay ku xirnayd qabsoomidda doorasho waafaqsan heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 iyo habraacyadii lagu xalliyay tabashooyinkii kasoo laabtay 27ka May 2021, lana guda galay doorashooyinka Labada Aqal.

Sidaas darteed, waxaa lagu dhiirrigelinayaa dhammaan hay’adaha ay khuseeyso hawlaha doorashooyinka inay dardargeliyaan si waafaqsan Jadwalka Doorashooyinka ee la faafiyay.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

Explore Villa Somalia's 4,442 photos on Flickr!

 : Ra’iisul Wasaare Rooble oo kasoo horjeestay Gudigii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay inay baaraan kiiska Ikraan Ta...
14/09/2021

: Ra’iisul Wasaare Rooble oo kasoo horjeestay Gudigii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay inay baaraan kiiska Ikraan Tahliil.

RW Rooble ayaa ka digay isku day kasta oo lagu marin habaabinayo Kiiska Ikraan Tahliil.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu wax uu farayaa Taliyayaasha Ciidamada Qalabka Sida in ay ka fogaadaan talaabo kasta oo wax u dhimi karta sumcadda ciidamada, dhaawicina karta kalsooni shacabka Soomaaliyeed.

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay w...
14/09/2021

DEG DEG: Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho khasaaraha ilaa hadda la xaqiijiyay waxaa geeriyooday ku dhawaad 10 qof.

Wixii soo kordha halkan kala soco.

Wakaaladda Wararka Xog-Warran TV

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daa...
13/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxk**adda Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu soo saaro go'aano soo afjaraya kiiska Ikraan Tahliil, meeshana ka saaraya jahw...
13/09/2021

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu soo saaro go'aano soo afjaraya kiiska Ikraan Tahliil, meeshana ka saaraya jahwareerka siyaaasadeed iyo maamul ee ka dhashay.

Ilo lagu kalsoonyahay ayaa ii xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu kiiskan ka dhex saarayo dhinacyada siyaasada si aan loogu adeegsan dano gaar ah.

Waxaa muuqata in dhabihii saxda lagu soo ceinayo Kiiska Ikraan, cadaaladna ay helayso, dadka Soomaaliyeedna ay helayaan warbixin ay ku qanci karaan oo soo afjaraysay arintan.

Soomaaliya:Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan waxa ay qarka u saaran yihiin in gabi ahaanba ay joojiyaan s...
13/09/2021

Soomaaliya:Guddiyada Doorashooyinka heerar kooda kala duwan waxa ay qarka u saaran yihiin in gabi ahaanba ay joojiyaan shaqada Doorashooyinka ee ay gacanta ku hayaan.

Waxa intaas sii dheer Hoteelada ay Dagan yihiin Guddiyada Doorashooyinka in aysan helin lacagihii ijaarka, ayna ku war geliyeen Guddiyada Doorashooyinka in wixii hada ka danbeeya aysan sii xalimi karin dhaqaale la'aan

1- Laga soo bilaabo bishii July 2021, mushaarka guddiyada Doorashooyinka Waxa la wareegay hay'adda UNDP.
kadib isku shaandhayntii Raysalwasaaraha: Guddiyada hada shaqeeya waxa ka maqan bilaha July iyo August iyada oo hayada UNDP ay xayirtay lacagahaasi ka dib Khilaafkii Soo kala dhex galay Xafiisyada Madaxwaynaha iyo Raysalwasaaraha.
2. Xubnihii kasoo Soo hadhay Guddiyadii Lagu muransanaa, kadib isku shaandhayntii uu sameeyay Raysalwasaaraha Waxa h**e uga maqnaa 3 biloood oo mushaara, oo kala ahaa bilaha April, May, iyo June.
iyo bilaha July iyo August oo Laga sugayay hayada UNDP, Isla markaana ay u muuqato in mushaarkii Guddiyada ay hayada UNDP ku xidhay xaalada guud ee siyaasadda wadanka.
Waxa xusid mudan in Hayada UNDP ay hayso $7.2 million ay deeq bixiyayaashu ku wareejiyeen hayadaasi.
3. Xubnihii Laga saaray Guddiyadii h**e ee Lagu muran sanaa oo kor u dhaafaya 40 qof Waxa ka maqan 3 bilood oo mishaara bilaha April, May iyo June.

4- Guddiyada heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo Puntland waxaa ka maqan mushaaraadka 7 bilood oo ay shaqaynayeen.

Ugu danbayn Waxa sii adkaanaysa in hanaanka Doorashada dalku sii socoto iyada oo aan dhaqaale loo hayn ergooyinkii wax dooranayay, ilaa Hadana DFS aysan xataa qasnada Doorashada ku shubin dhaqaalihii dhankooda kusoo aaday oo ay balan qaadeen.
Waxa intaas dheer Guddiga Doorashooyinka oo Gabi ahaanba qarka u saaran in ay sii shaqeeyaan mishaara la'aana owgeed.

Xigasho:Cabdinaasir Saxansoxo

Nuxurka warsaxaafadeed ka soo baxay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay ee arrimaha xuquuqul Insaanka Aamina J, Maxa...
12/09/2021

Nuxurka warsaxaafadeed ka soo baxay Kuxigeenka Xoghayaha guud ee Q/midoobay ee arrimaha xuquuqul Insaanka Aamina J, Maxammed waxaa uu ahaa, sidii haweenka looga qaybgalin lahaa arrimaha siyaasadda, gaar ahaana la dhamaystiraa qoondada haweenka 30% kiiba.

Inkasta oo ay soo qaaday kulamadii ay la yeelatay madaxwayne Farmaajo iyo RW Rooble hadana kuma dheeraanin oo waxaa ay dhiiri galinaysay sidii haweenku qayb uga noqon lahaayeen hogaaminta dalka.

Kiiska Ikraan Tahliil oo la filayay in ay ahmiyad wayn siiso ayaanay aad uga hadlin, iyada oo ku soo koobtay " Saraynta sharciga iyo helitaanka cadaaladdu muhiim ayay u tahay ka hortaga rabshado dhaca, waana xuquuq aasaasi ah oo ay dumarka oo dhan leeyihiin".

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo l...
12/09/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay kulan ay yeesheen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo looga hadlay dardargelinta arrimaha doorashooyinka dalka iyo bilaabista doorashada Golaha Shacabka ee BFS

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo amar dul dhigay hay'adaha maaliyadda, isagoo amar ku bixiyay in a...
12/09/2021

Ra'iisalwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xusseen Rooble oo amar dul dhigay hay'adaha maaliyadda, isagoo amar ku bixiyay in aan wax lacag ah nooca ay doonto ha ahaatee aan laga bixin karin khasnadda dawladda ee ogolaanshiyo laga helo xaafiiska RW Soomaaliya.

Deg DegMadaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Madaxtooyada waxa uu kulan kula qaadan doonaa Kuxige...
12/09/2021

Deg Deg

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow Madaxtooyada waxa uu kulan kula qaadan doonaa Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J. Mohammed iyo wafdi heer sare ah oo ka tirsan Xarunta Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka wada hadlaya arrimaha horumarinta bulshada (SDG), awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka iyo dhammeystirka doorashooyinka dalka.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay Marwo Amina J Mohammed.

Shirku waa socdaa wali, waxaa guud ahaan la isla fahmay in amniga guud ee dalka uu ka masuul yahay Madaxwanaha JFS, Ra’i...
11/09/2021

Shirku waa socdaa wali, waxaa guud ahaan la isla fahmay in amniga guud ee dalka uu ka masuul yahay Madaxwanaha JFS, Ra’iisul Wasaaraha JFS uu masuul ka yahay arimaha doorashooyinka oo ah barnaamijka xukuumaddiisa ugu wayn.

Hadda waxaa loo gudbay sidii loo xallin lahaa khilaafaadkii iyo madmadowgii soo kala dhexgalay labada dhinac, kuwaas oo u badan arimo ku xidhiidha sharciga iyo dastuurka. Waxaa loo saaray giddi farsamo oo ka kooban Madaxwayanayaasha qoorqoor iyo laftagareen, wasiiro iyo xildhibaanno. Waxaa lag wada hadlayaa sidii loo xallin lahaa kala aragti duwanaanta taaagan.

Arrintan farsamadu waa qodobka ugu xaasaasi san shirkan u socda hogaamiyayaasha dalka, haddii la isku fahmi waayo waxaa suura gal ah in shirka lagu kala tago.

Sidoo kale ili wareedyo lagu kalsoonan karo ayaa sheegaya in haatan Madaxda ay ka shirayan kiiska Ikraan Tahliil iyo cida ay tahay in loo daayo, hasa ahaatee waxaa isfaham laga gaaray qodobadii kale ee la isku haye.

Goor dhaw filo warmurtiyeed laga soo saarayo heshiiskii ay gaareen Madaxwayne Farmaajo iyo RW Rooble.
11/09/2021

Goor dhaw filo warmurtiyeed laga soo saarayo heshiiskii ay gaareen Madaxwayne Farmaajo iyo RW Rooble.

Waxaa hadda shir uga bilaawday hoyga madaxwaynaha ee villa Soomaaliya madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/laahi...
11/09/2021

Waxaa hadda shir uga bilaawday hoyga madaxwaynaha ee villa Soomaaliya madaxwaynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra'iisalwasaare Rooble, iyadoo ay shirkaas garwadeen ka yihiin madaxwayne Goboleedyada K/galbeed iyo Galmudug.

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Lafilayaa in ay kulan ku yeshaan  Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra'iisulw...
11/09/2021

Waxaa Maanta Xarunta Madaxtooyada Lafilayaa in ay kulan ku yeshaan Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo ra'iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble Oo Maalmihii Dambe ka dhex jiray Khilaaf salka Ku haya Xaga Awoodaha Xilka qaadista Hay'addaha Amniga dalka.

Waxaana kulankooda ay uga arrinsan doonaan Laamaha Amniga si gaar ah Hay'adda Booliiska iyo Nisa, waxaana Arrintan ay ka dambeysay Ka gadaal markii Ay waan waan ka dhex bilaabeen Madaxweynayaasha Koonfurgalbeed iyo Galmudug.

Haddii la xaliyo Khilaafka ayaa waxaa la sheegayaa in ay fududaan doonto In ay sii socota Doorashooyinka dalka, Madaxweynaha ayaa la tilmaamayaa in uu ku adkeysanayo Tilaabadii uu qaaday halka Ra"iisulwasaaruhu uu diidan yahay Taasi.

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah -Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad- oo maalmo ka hor lagu afduubtay Nairobi, Kenya ayaa w...
10/09/2021

Aqoonyahan Soomaaliyeed oo caan ah -Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad- oo maalmo ka hor lagu afduubtay Nairobi, Kenya ayaa weli la baadigoobayaa.

Wuxuu aad u taageerijray siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoyskiisa ayaa sheegay in ay aad ugu walaacsan yihiin, Mudane Cabdiwahaab oo ah aqoonyahan cilmi durugsan u leh arrimaha gobolka Geeska Afrika oo uu si weyn u falanqeyn jiray.

Xil wareejintii u danbaysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa goob joog ka ahaa Guddi Baarlamanka ka socdo oo ay Hogaam...
09/09/2021

Xil wareejintii u danbaysay ee Wasiirka Arrimaha Dibadda waxaa goob joog ka ahaa Guddi Baarlamanka ka socdo oo ay Hogaaminayeen Mursal iyo Muudeey.

Rooble waxaa lagu eedaynaya sharci burburin iyo Ilaalin la'aan Dastuurka Qaranka khalaas Rooble waa ku daayay nabadeey.

War Saxaafadeed Kaso Baxay Xafiiska Guddomiyah Golaha Shacabka BJFS
09/09/2021

War Saxaafadeed Kaso Baxay Xafiiska Guddomiyah Golaha Shacabka BJFS

Shirka waxaa guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Madaxa Amniga Doorashooyinka dalka Jeneral Cabd...
09/09/2021

Shirka waxaa guddoominayay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ahna Madaxa Amniga Doorashooyinka dalka Jeneral Cabdi Xasan Maxamed Xajaar, sidoo kale waxaa shirka fadhiyay ku simaha Taliyaha Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Gaashaanle sare Yaasiin Fareey, Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud ee Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole iyo saraakiisha qeybaheeda kala duwan.

09/09/2021

Address

Maka Almukarrama
Mogadishu

Telephone

+252619995888

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xog-Warran TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Xog-Warran TV:

Share

Category

Nearby media companies