Xog Cusub

Xog Cusub Fadlan Walal Hadad Ku Cusub Tahay Page Ka Like Saar walal

Madaxweyne Fashilmay ! farmaajo
15/08/2021

Madaxweyne Fashilmay ! farmaajo

16/08/2020

Daawo Gudaha Hotel Elite Iyo Al shabaab Ka Dagaalamaya 👇👇

Deg deg Qarax Ka dhacay Magalada Muqdisho Gaar ahaan Hotel illite
16/08/2020

Deg deg Qarax Ka dhacay Magalada Muqdisho Gaar ahaan Hotel illite

Sida ragga iyo dumarka ay ugu kala badan yihiin kiisaska Corina virus ee Soomaaliya oo shaaca laga qaaday Muqdisho (Xog ...
17/04/2020

Sida ragga iyo dumarka ay ugu kala badan yihiin kiisaska Corina virus ee Soomaaliya oo shaaca laga qaaday

Muqdisho (Xog Cusub) Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa faah-faahin dheeri ah ka bixisay xogta cudurka COVID-19 ee Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xog ay soo bandhigtay ku muujisay in ragga Soomaaliyeed ee cudurka uu ku dhacay ay aad uga badan yihiin dumarka, ayada oo 70% kiisaska dalka laga helay ay yihiin rag, halka dumarka ay ka yihiin 30%.

80-ka kiis ee Coronavirus ee dalka laga xaqiijiyey ayaa 70 ka mid ah ay yihiin rag, halka 10-ka kale ay yihiin dumar. Guud ahaan 222 qof ayaa cudurkan laga baaray dalka, sida lagu sheegay warbixinta wasaaradda caafimaadka, waxaana la sugayaa natiijada 61 qof oo maanta la dhaacin doono.

64% dadka cudurka laga helay ee Soomaaliya, oo ah 51 qof, ayaa da’doodu waxa ay ka hooseysaa 40 jirka, ayada oo 60% ama 48 qof ay yihiin dad da’doodu u dhaxeyso 20-40, halka 4% ama 3 qof ay yihiin dad ka yar 20 jirka.

36% kiisaska ama 29 qof ayaa ah dad da’doodu ka koreyso 40 jirka, ayada oo 20% ama 16 qof ay yihiin dad u dhaxeeya 40-60 jir, halka 16% ama 13 qof ay yihiin dad ka weyn 60 jirka.

Inta badan kiisaska dalka ama 91%, oo u dhiganta 73 qof, ayaa laga diiwaan geliyey magaalada Muqdisho.

Wasiir Fowsiya ayaa sheegtay in ay socdaan dadaallo lagu xakameynayo cudurkaas, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in ay mira dhali doonaan dadaallada iyo qorshaha lagu doonayo in lagu joojiyo faafintaanka cudurka.

Dad la socday diyaaraddii Ethiopian Airlines ee ka dagtay Hargeysa oo laga helay CoronavirusHargeysa (Xog Cusub ) ― Afar...
30/03/2020

Dad la socday diyaaraddii Ethiopian Airlines ee ka dagtay Hargeysa oo laga helay Coronavirus

Hargeysa (Xog Cusub ) ― Afar qof oo kamid ah dadkii dhowaan ay diyaarada Ethiopian Airlines ay ka dajisay Madaarka Hargeysa ee caasimada Somaliland ayaa laga helay cudurka dunida ku faafay ee Covid-19 ama Coronavirus.

Afartaasi qof oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa iyagu ka soo dagay madaarka Hargeysa, kadibna uga sii gudbay xuduuda dhulka ee dowladda Jabuuti la wadaagto Somaliland, gaar ahaa Lowyacado, sida ay xaqiijisay dowladda Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa h**e u shaacisay inay xayiraad ku soo rogtay duulimaadyadii caalamiga ahaa, midaasi oo kaliftay in dadkaasi ay kasoo dagaan madaarka Hargeysa, kadibna ay Jabuuti ka galaan xuduuda dhuleeda.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay Afartaasi qof in laga helay Coronavirus kadib markii baaritaan lagu sameeyay xili ay isku dayayeen inay xuduuda Lowyacado uga soo gudbaan dalka Jabuuti.

Arrintan ay shaacisay dowladda Jabuuti ayaa sii labo jibaareysa cabsida baahsan ee laga qabay dadka la socda diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadyadeeda caadiga ah ku timaada Madaarka Hargeysa, midaasi oo suurta-gal ka dhigeysa in Somaliland ay noqoto xudunta Fayruskaasi ee deegaanada Soomaalida.

Xubno Shabaab ahaa oo lagu dilay Janaale+MagacyadaMuqdisho (Xog Cusub ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo ...
17/03/2020

Xubno Shabaab ahaa oo lagu dilay Janaale+Magacyada

Muqdisho (Xog Cusub ) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo xoogan iyo dhaq dhaqaaqyo ay weli ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya ka wadaan qeybo badan gobolka Shabeelaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

ARRIN halis ku ah dalka oo aysan ka warqabin DF iyo maamul goboleedyadaMuqdisho (Xog Cusub ) – Dunidu waxay si mideysan ...
15/03/2020

ARRIN halis ku ah dalka oo aysan ka warqabin DF iyo maamul goboleedyada

Muqdisho (Xog Cusub ) – Dunidu waxay si mideysan ula tacaaleysa xanuunka Coronavirus, kaas oo galaaftay nolasha kumanaan qof halka uu soo ritay kumanaan kale.

Wadamo badan ayuu gaaray waxaana xanuunkaas uu saameeyay muwaadiniinta dalal waa weyn oo leh awood dhaqaale iyo mid kalaba, hase yeeshee hadda waxa uu soo gaaray dalalka dariska la ah Soomaaliya oo ah dal soo kabanaya.

Dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa ka warqabin halis kusoo wajahan dalka, taas oo looga baaqsan karo oo kaliya midnimo iyo wadatashi.

Arrinta aysan ku baraarugsaneen dowladda iyo maamul goboleedyada waa in aan waxba laga qaban karin Coronavirus, islamarkaana aan laga hortagi karin cudurkaan haddii aan loo helin siyaasad mid ah iyo wadashaqeyn dhaxmarya dowladda federaalka iyo maamulada.

“Iyadoo aan la helin siyaasad mid ah oo looga hortago arintaan dalka waxa uu ku jiraa xaalad halis ah” ayuu yiri Dr Liibaan Mohamed oo aqoon yahaan bartay culuumta siyaasadda.

“Inta siyaasad iyo khilaafka meel la iska dhigo waxaa ku talinayaa in guddi qaran la sameeyo kana qeyb qaataan dhamaan maamulada iyo wasaaradaha caafimaadka hadii ay dhici weyso waxaa muuqata halis weyn oo dhib badan sababi karta,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Dr Liibaan.

Khilaaf culus ayaa u dhaxeeya dowladda Soomaaliya maamulada qaar, mana jirto wax wadashqeyn ah oo dhaxmarta dhinacyada iyadoo ay jirto xaalad walaac oo ay qabaan adduunka oo dhan.

12/03/2020

Wararkii_Ugu_Danbeeyay_Dagaal_Awdheegle_Ka Dhacay &_Khasaarahiisa_iyo_Shabaab

11/03/2020

Axmed_Madoobe_oo_markale_Abaabul_ciidan_ka_bilaabay_Jubbada_Hoose

Sababta keentay in Africom ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah AL-SHABAABMuqdisho (Xog Cusub ) – Taliyaha ciidanka Mare...
11/03/2020

Sababta keentay in Africom ay kordhiyaan weerarada ka dhanka ah AL-SHABAAB

Muqdisho (Xog Cusub ) – Taliyaha ciidanka Mareykanka ee AFRICOM, Stephen Townsend ayaa faah faahin ka bixiyey sababaha ay u kordhiyeen howlgallada iyo duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab oo weli ku xoogan Soomaaliya

Sidoo kale wuxuu tusaale u soo qaatay weerarkii xooganaa oo ay dagaalyahannadooda dhowaan ay ku qaadeen xerada Manda Bay ee dalka Kenya.

“Al-Shabaab waa khatar, waa garab kamid ah Al-Qaacida, waxa aynu aragnay iyaga oo fulinaya howlgalo dibadda ah, sida weerarkii ay ku qaadeen saldhig Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Xerada Manda Bay ee Kenya, waxaa halis u ah in ay bartilmaameedsan karaan muwaadiniinta Mareykanka xitaa gudaha dalkeena, si dhaqsi ah ayay u awoodi karaan” ayuu yiru taliyaha ciidamada AFRICOM.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in duqeymaha Mareykanka uu ka fuliyo Soomaaliya oo la xoojiyey maalmihii ugu dambeeyey ay hoos u dhigayaan awooda Al-Shabaab.

“Sababta loo kordhiyay duqeynta Mareykanka waa in hoos loo dhigo awoodda Al-Shabaab, waana garabka ugu dhaq-dhaqaaqa badan ee Al-Qaacida, muddo 8-bilood kahor ayaan Afrika tagay, waxaana badneed khatarta Al-Shabaab, waxaana weeraradooda ay ka tallaabeen xuduudda” ayuu markale yiri tephen Townsend.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn dowladda federaalka uga taageero dagaalka Al-Shabaab, isagoo duqeymo ka fuliyo koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

10/03/2020

DEG_DEG_Wararkii_Ugu_Danbeeyay_Qaramada_Midoobay_Oo_Wada_in_Somaliland_lagu_Daro_somaliya_Doorshada

Xildhibaan Jirde oo shaaca ka qaaday damaca Itoobiya ee Baddaha SomalilandHargeysa (Xog Cusub ) ―  Xildhibaan Cabdiqaadi...
10/03/2020

Xildhibaan Jirde oo shaaca ka qaaday damaca Itoobiya ee Baddaha Somaliland

Hargeysa (Xog Cusub ) ― Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo ka tirsan xildhibaanada Golaha wakiilada Somaliland, ayaa si cad u soo bandhigay Damaca dowladda Itoobiya ee ku aadan Baddaha Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in damaca Itoobiya ee xeebaha Somaliland uu yahay mid soo jireen ah oo ay iska daba dhaxleen dowladihii ku kala dambeeyay xilka dalka Itoobiya.

Jirde ayaa sidoo kale ka dhawaajiyey inaysan weli dhiman himiladii Shanta Soomaaliyeed ee uu wadcigu xidhay, isla markaana uu filayo inay isku imaan doonaan iyaga oo xor ah.

Xildhibaanka ayaa ka digay in lagu sirmo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, iyada oo loo maleynayo in uu jecel yahay Soomaalida oo uu wax wanaagsana u wado, waa sida uu hadalka u dhigaye

Xog ku saabsan ‘Dab kacay halis ah’ oo aan la garaneyn waxa sababay oo ka taagan BooramaBoorama (Xog Cusub ) ― Magaalada...
10/03/2020

Xog ku saabsan ‘Dab kacay halis ah’ oo aan la garaneyn waxa sababay oo ka taagan Boorama

Boorama (Xog Cusub ) ― Magaalada Boorama ee gobolka Awdal, ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay arrin halisteeda leh, midaasi oo ah gubasho is xig-xigtay oo aan la garaneyn wax sababay.

Xog Cusub ayaa baaritaano ku sameysay tirada guryaha mudadii u dambeysay ku shuf beelay gudaha magaalada Boorama, kuwaasi oo ku dhawaa 48-guri iyo weliba 3-gaadhi.

Gubashada is xig-xigta oo mid yaab leh ah ayaa loo aaneyn kareyn dhanka Korontada maadama intii aan ku guddo jirnay baarista arrintaasi aan ogaanay in Meelaha qaar ee gubtay aysan laheyn wax koronto ah

Address

Mogadishu

Opening Hours

09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xog Cusub posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category