16/04/2023
KOOXDII SHAARUB OO MEELNA QABAN'LA‼️😋
"Reer Addis-ababa ha ogaadaan, in Fanaaniintii kooxda TPLF sida Mulugeta Maluda iyo Salomon Bairai oo ka dhex muuqday saxaraha Tigray iyo jiidda kasta oo dagaal, maanta bandhig faneedka guusha ay ku qabsanayaan bartamaha magaalada Addis Ababa, iyagoo ka qaadaya 100 ilaa 50 kun oo birr, isla markaana la ilaalinayo"‼️Andergachew
Dabaaldegii maalintii ay Eritrea ka go’day dalka Itoobiya, ayaa la sheegay in Andergachew Tsige uu yidhi 'waxaad ka go'day Imbaradooriyada Itoobiya oo iddinku xad gudubtay" isaga oo sifiican ula wadaagay farxadoodii maalintaas!!! Bal qiyaas naag u dabaaldegaysa maalintii ay kala tageen ninkeeda iyadoo ku dabaaldegaysa guriga reerka ninka!!!
Inta aan ogahay Tigray waa deegaan ka mid ah Itoobiya, inkastoo dagaaladii iyo mashaqadii abuurmay uu sababay nabarro iyo xadgudubyo aan la ilaawi karin iyo burbur lagu qiyaasay afartan sano oo dib u dhac ah.
Hadana Heshiiskii Nabada ee Pretoria ka dib, jawi nabad ah ayaa u soo baxay, oo ugu yaraan hadda, Tigrawai oo h**ey laga qaaday sinjiyada Itoobiya, loona arkayey khatar oo mudo laba sanno ah lagu hayay xadhig, dhibaateyn, handadaad, ayaa ugu yaraan hadda ka raystay arrimahaas. Waxay xaq u leeyihiin inay dalka ku baashaalaan, oo ay dadkooda la baashaalaan, oo waxay doonaan sameeyaan, sida qoomiyadaha kale ee dalka, Wakhtiyo adag ka dib qofna k**a joojin doono inay la baashaalaan qoyskooda.
Sidaaas daraadeed waxaa magaalada Addis Ababa yimid koox fanaaniin ah oo ka socda Tigry, kuwaas oo mudadii dagaalku socday ee labada sano ahayd kamid ahaa fanaaniintii fanka u qaabilsanayd ciidamada Tigreega, si ay bandhig fanneed ugu soo bandhigaan shacabkooda ku dhaqan Addis ababa, kaas oo ku saabsan natiijadii naf-hurista halgankoodii hal-adayggoodii, iyo midnimadoodii.
Hasa ahaatee, Andargachew Tsge oo kamid ahaa dadkii sida aan caadiga ahayn u hor boodayay dagaalka isla markaana inta uu jiida h**e ee dagaalka tago ciidamada ku gobaabin jiray inay ay u dhaqmaan si kabaxsan biliaadanimada inay u dhaqmaan, oo hadda u adkaysan waayay nabada ka dhalatay waqooyiga, ayaa jiif iyo joogba qaban la', wuxuse haatan la kulmayaa dhaleecayn xoogan oo dhanka dawlada iyo shacabba ah.
Hadaba kadib go’aankii dawlada dhexe ee lagu baabi’iyay ciidamada gaarka ah ee deegaanada, dareenka Axmaarada ayaa ahaa mid cadho iyo cago-jiid ah, taas oo keentay cabsi laga qabo in dagaal hubaysan oo daba dheeraada uu ka qarxo.
Inta badan magaalooyinka gobolka Axmaarada ayaa waxaa ka dhacay banaan baxyo, waxaana ay u muuqatay in mudo ah in guud ahaan deeganku uu holac ku holcayo.
Waxa dabkan ku sii shiday warbaahinta qurbaha joogta, xisbiyada mucaaradka ah ee xagjirka ah iyo koox hoos timaada Shaarub oo uu Andergachew hogamiyo, ayaa si degdeg ah uga faa’iidaysanayay fursad ay ku sii hurin lahaayeen xaalad markii h**eba kacsanayd. Nasiib wanaag, marka laga reebo khasaare soo gaaray dhowr qof, ma jiraan wax ku dhow waxa ay rajaynayeen kuwa qas-wadayaasha ah.
Run ahaantii waxaa haatan muuqata in xaaladu ay tahay mid gacanta lagu hayo, oo ay caadi kusoo laabatay.
Si kastaba ha noqotee, waa wax laga xishoodo in laga masayro shacab isku faanay oo kumanaan nafood u huray dadkooda, waan ka xumahay siyaasadda qolyaha buuralayda ah. 😃
Allaylehe waa sidaan kuwaday ee ahayd in oohintu ku danbeyn doonto ree cabaade!!!😋