Abdalla A. Yusuf

Abdalla A. Yusuf Just trust yourself

Sawiro: Soo dhoweynta Madaxwaynaha JFS Md. Hassan Sheikh Mohamud Ee  Magaalada Maxaas.
19/11/2022

Sawiro: Soo dhoweynta Madaxwaynaha JFS Md. Hassan Sheikh Mohamud Ee Magaalada Maxaas.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub...
13/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha cusub ee dowladda Jarmalka usoo magacaawday Soomaaliya, Sebastian Groth, oo dhawaan uu madaxwyenha dalka, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ka guddoomay warqadaha aqoonsiga safiirnimo.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood ka dhexeeya, la-dagaalanka argagixisada.Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda Jarmalka taageerada dhinacyada badan ee ay la garab taagantahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Safiir Sebastian Groth ayaa isna ka mahad celiyay soo dhaweynta dalka loogu sameeyay, waxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sii xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay er...
05/10/2022

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilshan Dawladda Finland ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wabixin ka dhageystay ergeyga kuna bogaadiyay dadaalka uu ka wado Geeska iyo dowrka Dowladda Finland ee garab istaagga dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga la wadaagay muhiimadda ay leedahay inay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo taakulada dadka tabaalaysan.

Ergeyga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay kulanka isagoo xusay in Dawladda Finland ay dhinaceeda dadaal ku bixin doonto qodobada la isla soo qaaday.

05/10/2022

للهمَّﷺ🕌🕋صَلِّﷺ🕌🕋وسَـــلِّمْﷺ🕌🕋وَبَارِكﷺْ🕌علىﷺنَبِيِّنَـــاﷺمُحمَّدﷺ🕌اللهمَّﷺ🕌🕋صَلِّﷺ🕌🕋وَسَـــلِّمْﷺوَبَارِكﷺْ🕌🕋علىﷺنَبِيِّنَـــاﷺمُحمَّدﷺ🕌🕋-اللهمَّﷺصَلِّﷺوَسَـــلِّمْﷺ🕌🕋وَبَارِكﷺْعلىﷺنَبِيِّنَـــا🕌🕋ﷺمُحمَّدﷺ-🕌🕋اللهمَّﷺصَلِّﷺ🕌🕋وَسَـــلِّمْﷺوَبَارِكﷺْ🕌🕋علىﷺنَبِيِّنَـــا🕌🕋ﷺمُحمَّدﷺ-🕌🕋اللهمَّ صَلِّﷺ🕌🕋وَسَـــلِّمْﷺ🕌🕋وَبَارِكﷺْ🕌🕋علىﷺنَبِيِّنَـــا🕋🕌ﷺمُحمَّدﷺ-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga...
03/10/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir looga hadlayay amniga oo si gaar ah loogu lafaguray xaaladda magaalada Beledweyne oo maanta argagixisadu ka gaysteen qaraxyo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Kullanka ayaa looga hadlay qaabkii gurmad deg-deg ah loola gaari lahaa shacabkii ku dhaawacmay qaraxyada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in qaraxyada kooxda nabad-diidka ah ay ka geysteen Beledweyne ay tusaale u yihiin inay u babac dhigi waayeen awoodda ciidamada kula dagaallamaya furimaha, ay beegsanayaan shacabka birimageydada ah ee ku dhaqan magaalooyinka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay guud ahaan hawlgallada dib u xoreynta dalka ka socda iyo xaaladda guud ee gulufka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee Shabaab.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA SOOMAALIYEED WAXA AY LEEYIHIIN MAANTA HAL CADOW OO AY TAHAY IN AY CUDUD IYO CAQLIBA U MID...
01/10/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “DADKA SOOMAALIYEED WAXA AY LEEYIHIIN MAANTA HAL CADOW OO AY TAHAY IN AY CUDUD IYO CAQLIBA U MIDEEYAAN”

Muqdisho, Oktoobar 01, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii shalay ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxamuud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyeygani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta badan.

“Dadka Soomaaliyeed maanta waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mideeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno ficilladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaalka ka dhanka argagixisadaas”.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada hantidooda sida baadda ah u siiya argixisada Alshabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dhagarta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.
Ogaansho News Media 🇸🇴

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal  Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ...
01/10/2022

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi oo ay wehliyaan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed Odayaasha dhaqanka iyo saraakiil ciidaan ayaa booqday furimaha dagaalka oo ay ku suganyihin ciidamada Xoogga iyo kuwa dib-u-xoreynta deegaanka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirra gelin u sameeyay ciidanka Xoogga iyo dib-u-xoreynta deegaannada ee howlgalka ka dhanka ah kooxda Argagixisada.

Taliyaha qeybta 27 ee CXD Genaraal Tawane Maxamed Maxamed oo la hadlay Ciidanka Huwanta ah ayaa ku guubaabiyay in ay howlaglka sii laba jibaaraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haaya howlgalka ka dhanka ah kooxda Cadawga ah ee Hiiraan ka socda.

Taliyaha Cidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku amaanay ciidanka dib-u-xoreynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka ay wadaan

Taliyaha ayaa xusay in dagaalka xoreynta ah ee reer Hiiraan laga wado uu tusaale u yahay soomaaliya oo dhan, wuxuuna ballan-qaaday in dowladda dhexe dadka ree hiiraan ku garab istaagan tahay taageero ciidaan dhaqaale iyo cafimaad si ay deegaankooda uga saraan Argagixisada.

DEG DEG  Taliyihii ciidanka booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax ka dhacay Deegaan hoostago dagmada Balcad...
30/09/2022

DEG DEG Taliyihii ciidanka booliska Gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo qarax ka dhacay Deegaan hoostago dagmada Balcad ku geeriyooday.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan Xildhibaan Abduqadir maxamuud Awbakar Dhagaweyne...
30/09/2022

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan oo aay wehliyaan Xildhibaan Abduqadir maxamuud Awbakar Dhagaweyne sarakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka hiiraan oo ku guda jiro gulufka Howlgalada ka Dhanka ah Khawaarijta Argagixisada Al-shabaab iyo Dadaalada gurmadka loogu fidinayo shacabka iyo ciidamada ayaa soo gaaray Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa u kuur galayo xaalada dhaawacyada La soo gaarsiiyey Degmada Maxaas ee ku Wax yeeloobay Howlagaladii shalay lagu Jibiyey Argagixisada Al-shabaab iyo xaalada Degmadda Maxaas oo dhawaan dib u heshay isgaarsiintii Horey aay uga damiyeen Argagixisada.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeeyte Cismaan ayaa wado dadaaladii ugu dambeeyey ee lagu xaqiijinayo Nabad-galyada Deeganada Gobalka Hiiraan shacabkane loogu fidinayo Adeegyada muhiimka ah ee baahida u qabaan.

Maamulka Gobolka Hiiraan waxuu shaaca ka qaaday in dhawaan lasso Afjari doono Maleeshiyada Argagixisada Al-shabaab ee ku sugan tuulooyinka yaryar iyo xaduudaha Shabelaha dhaxe iyo Hiiraan u dhaxeeyso kuwaas oo aay ka soo maleegayaan falalka fulaynimadda leh oo aay ku jabeen Mar walbo.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq garg...
29/09/2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta deeq gargaar ah gaarsiiyay qoysas danyar ah oo isugu jiray dadka Baahiyaha gaarka qaba iyo kuwa Da’ah oo kunool degmada Kaxda, kuwaas oo ay ka muuqatay daruufa dhinaca nolasha la xariira.

Booqashadan uu Duqa Magaalada Muqdisho ku tagay xirooyinka Barakacayaasha ee ku yaala degmada Kaxda, ayaa waxaa ku wehlinaye Guddoomiyaha Hey’adda gargaarka iyo maareenta musiibooyinka Qaranka iyo qaar kamid ah mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA ITOOBIYAAddis-ababa, Sebteembar 28, 2022; Madaxweynaha J...
28/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SI DIIRRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY DALKA ITOOBIYA

Addis-ababa, Sebteembar 28, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah oo qaadanaysan Labo maalmood ay ugu bilaabatay dalka Itoobiya ayaa soo dhaweynta ugu sarreysay ee dalkaani ay u sameeyaan Madaxda waxaa lagu mamaausay isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Addis Ababa Bole International Airport, Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed, xubno ka tirsan Golaha Wasiirradiisa, Saraakiil iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweynaha, halka loo riday 11 madfac oo ka tarjumaya maqaamka sare ee lagu qaabilay wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ajiibidda casuumaadda uu u fidiyey iyo booqashadan muhiimka ah, halka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka Itoobiya soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku maray dhammaan dalalka dariska la ah dalkeenna iyo guud ahaan Gobolka, si uu xoojiyo xiriirka iyo doorka diblumaasiyadda dalkeenna, loona xaqiijiyo Soomaali heshiis la ah dariskeeda, saaxiibna la ah cid kasta oo ay danwadaag yihiin.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhalli...
27/09/2022

Xafiiska Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta ayaa ka shaqeeyay in dalka dib loogu soo celiyo 9 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xayirnaa Liibiya muddo sanooyin ah, kuwaas oo gacanta ugu jiray kooxaha dadka tahriibiya.

Dhallinyaradan oo xiriir la sameeyay Safarradda Soomaaliya ee Liibiya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo ay ku soo dhaweysay Ergayga Gaarka ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Carruurta u qaabilsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf iyo masuuliyiin kale.

Dowladda Soomaaliya waxaa ay dadaal dheer ugu jirtaa sidii muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xanniban xabsiyada dalalka adduunka ay dib ugu soo celin lahayd dhulkooda hooyo islamarkaana ay dib ula midoobi lahaayeen qoysaskooda iyo ehelada ay kala irdhoobeeen.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuu...
25/09/2022

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala iyo Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye ayaa gaaray furinta h**e e goobaha dagaalka dalka looga xoreynayo argagaxisada Al Shabaab.

Wasiir Cadaalla iyo Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye ayaa dhiirigalin ugu tagay ciidanka Xoogga dalka iyo Shacabka deegaanka oo saakay kooxaha argagaxisada ah kala wareegay ilaa shan deegaan oo hoos yimaada degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon ku...
24/09/2022

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta deegaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon kula wareegay deegaanka Labi-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Argagixisada Alshabaab ay deegaankaas isaga baxeen saacado kahor.

Howlgalka oo ah mid aad u baaxad weyn oo ay hoggaaminayeen Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan xildhibaanada federaalka iyo Galmudug kumatala deegaanada howlgalkani ka socdo.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Saraakiisha Ciidanka Xoogga  Dalka ayaa maanta kor meeray Buundada Bariire oo isticmaalkeeda dadka deegaanku dhibaato ba...
24/09/2022

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta kor meeray Buundada Bariire oo isticmaalkeeda dadka deegaanku dhibaato badan ay ku qabeen laakiin hada dhismaheedu meel fiican maraayo.

Taliyaha Ururka 18 aad guutada 6aad qeybta 60 aad G/dhaxe Liibaan Yuusuf Garre iyo sarakiil kale oo ka duulaya sidii Bulshada deegaanka u heli lahayeen marin ay isaga kala gudbaan ayaa soo kormeeray dhismaha buundada bariire.

Bundadan ayaa Hal bowle u aheed isticmaalka bulshada deegaanka laakiin kooxaha Argigixisada ayaa bur buriyay waxaan hada ku socota dib u habeeyn gabo gabo maraaya oo ay gacan ka geeysanayaan Ciidanka xoogg dalka.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Xili uu socdo dagaal Dalka oo dhan looga xoreeynaayo kooxaha Nabadiidka ah ayaa waxaa abaabulkaasi ka  qeeyb qaadanaaya ...
24/09/2022

Xili uu socdo dagaal Dalka oo dhan looga xoreeynaayo kooxaha Nabadiidka ah ayaa waxaa abaabulkaasi ka qeeyb qaadanaaya mudanayaasha Barlamaanka Soomaaliya.

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug oo huggaaminaayo Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo ka tirsan Barlamanaka Fadaraalka ah ayaa maanta tegay deegaanno hoos taga Dhuusamareeb oo dhawaan laga xoreeyay kooxda Argagixisada Al shabaab.

Xildhibaanka iyo masuliyiinta la socda ee gaaray deegaanka Sinadhaqo ayaa sheegay in ay halkan u jogaan ka qeeyb qaadashada xoreeynta deegaannada Kooxda laga sifeeynaayo.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Dhalinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay in ay gurmad raashiin ah gaarsiiyaan ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada ...
24/09/2022

Dhalinyarada gobolka Mudug ayaa bilaabay in ay gurmad raashiin ah gaarsiiyaan ciidamada deegaanka ee ku sugan magaalada Qeydaro ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo ku jira halkan isku dhafka ah ee dalka looga xoreynayo argagixisada.

Dhalinyaradan ayaa dhexda u xirtay in ay dhiiri-geliyaan ciidamada iyo dadka deegaanka ee u istaagay in ay iska dulqaadaan nabad-diidka oo har iyo habeen u taagan gumeysiga shacabka Soomaaliyeed ee abaarta iyo colaada isugu darsantay.

Maamulka iyo dhaqanka deegaanka Qeydaro ayaa qeexay inay ka go’an tahay dagaalka lagu ciribtirayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Xildhibaano ayaa Maanta Booqday...
10/09/2022

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Xildhibaano ayaa Maanta Booqday Degaanka Xasan Raqay oo ka Mid ahaa Degaanada Laga Xureeyey Al-shabaab.

Shacabka ku dhaqan degaanka Xasan Raqau ayaa soo dhaweeyay Masuuliyiinta iyo saraakiisha Ciidanka

Dadka kudhaqan deegaanka xasan raqay ayaa soo dhaweeyay masuuliyiinta iyo saraakiisha waxana ay sheegeen inay kuafarax sanaayeen imaatinkooda ayna garab taagannyihiin ciidmada qalabka side ee somaliya iyi kuwa deegaan ee argagexesada alshabaab dagaalka kula jira.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo sh...
10/09/2022

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, si uu uga qeyb galo shirka golaha wadatashiga qaranka oo berri ka furmaya Muqdisho, masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Caade.

Ogaansho News Media 🇸🇴

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐎𝐎𝐃𝐈𝐈 𝟏-𝐀𝐀𝐃.Muqdisho Saptember 06,2022, Guddoomiyaha Guddiga...
06/09/2022

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐈𝐆𝐀 𝐇𝐎𝐑𝐌𝐀𝐑𝐈𝐍𝐓𝐀 𝐀𝐃𝐄𝐄𝐆𝐆𝐀 𝐁𝐔𝐋𝐒𝐇𝐀𝐃𝐀 𝐎𝐎 𝐌𝐀𝐀𝐍𝐓𝐀 𝐘𝐄𝐄𝐒𝐇𝐀𝐘 𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐎𝐎𝐃𝐈𝐈 𝟏-𝐀𝐀𝐃.

Muqdisho Saptember 06,2022, Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka BJFS 𝐗𝐢𝐥.𝐍𝐚𝐝𝐫𝐚 𝐒𝐚𝐥𝐞𝐡 𝐀𝐛𝐝𝐢 ayaa maanta Shir_guddoomisay kulan Guddiga uu Maanta ku yeeshay Xarunta guddiyadda iyo Guddoonka ee Villa Hargeisa.

Guddiga ayaa ka wada-hadlay Ajadayaasha hortabinta u leh iyo sidii loogu yeerilahaa wasiirada ay wada shaqaynta kala dhaxayso Guddiga.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan soo dh...
06/09/2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulan soo dhaweyn iyo xogwareysi ku saabsan xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar kula qaatay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee DFS iyo Wasiirada wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada Dalka.

Madaxda uu Maanta Kulanka la qaatay Guddoomiye Cumar Filish ayaa Muqdisho uga qeyb galay Shirka 4-aad ee Wadatashiga Wasaarada Caafimaadka iyo Wasaaradaha Dowlad goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya shirkaas oo ay marti galisay Maamulka Gobolka Banaadir.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa furay kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka S...
24/08/2022

Ra'iisul Wasaare Ku-Xigeenka XFS Mudane Salah Jama ayaa furay kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galay maalintii labaad, laguna gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda iyo hay'adaha kala duwan ee dowladda.

News Media

17/08/2022

Pain is beautiful when it begins you back to Allah.

28/07/2022

Indhoolku waxa uu doonaya inuu wax arko
Dhagoolku waxa uu doonayaa inuu wax maqlo
Cuuryaanku waxa uu doonaya inuu tilaabo qaado
Midka aan hadli karin waxa uu doonaya inuu hadlo

Adna Waad aragtaa , Waad maqashaa , Waad socotaa , waadna hadashaa
Mana dhaheysid

Ogaansho News Media 🇸🇴

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TANSAANIYAOgaansho News Media 🇸🇴
21/07/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAFAR SHAQO UGU AMBABAXAY DALKA TANSAANIYA

Ogaansho News Media 🇸🇴

Waxaan sugnaa waa xukuumadda cusub i.a allaha kadhigo mid dadka, diinta iyo dalka anfaca.
29/06/2022

Waxaan sugnaa waa xukuumadda cusub i.a allaha kadhigo mid dadka, diinta iyo dalka anfaca.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mu...
28/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre iyo Ra’iisul Wasaaraha xilka wareejinaya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kormeeray xarunta cusub ee xukuumadda iyo Ra’iisul Wasaaraha oo oo heer gabo-gabo ah maraya.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iis...
14/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kormeeray dhismaha xarunta Xukumadda iyo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo heer gabogebo ah maraya.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagg...
09/06/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan oo soo gaaray Muqdisho si uu uga qeyb galo caleemosaarka Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ka wakiil ah Madaxweynaha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayed Aala Nabyaan.

wafdiga hor dhac u ah madaxweyne xassan sh. maxamuud oo manta gaarey magalada dhuusamareeb. Ogaansho News Media🇸🇴
01/06/2022

wafdiga hor dhac u ah madaxweyne xassan sh. maxamuud oo manta gaarey magalada dhuusamareeb.

Ogaansho News Media🇸🇴

madaxweynaha jamhuuriyadda federalka somaliya mudane xasan sh.  maxamuud ayaa manta booqasho ugu tagey dad ay saameyeen ...
01/06/2022

madaxweynaha jamhuuriyadda federalka somaliya mudane xasan sh. maxamuud ayaa manta booqasho ugu tagey dad ay saameyeen abaaraha kajira dalka

dadka kafaalooda arrimaha siyaasadda waxey leeyihiin madaxweynihii h**e ee dalka mudane farmaajo waligiis ma booqanin dadka ku dhibaateysan abaaraha.

Ogaansho News Media🇸🇴

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cu...
29/05/2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad, taas oo ka dhacday xarunta hay’adda.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Agaasinka Waxbarashada Gobolka BanaadirAyaa goor Dhow shaaciyay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2...
29/05/2022

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir
Ayaa goor Dhow shaaciyay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2021-2022

Agaasinku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ardayda ka qayb-gelaya imtixaanka in ay u diyaar garoobaan dadaal iyo akhris dheeriyana sameeyaan.

Guul Wanaagsan iyo Mustaqbal Horumar leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra'iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas'uuliyiin iyo da...
29/05/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya , Ra'iisul Wasaaraha XFS, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mas'uuliyiin iyo dadweyne ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Waxa ay Alle uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.

Ogaansho News Media 🇸🇴

28/05/2022

Muhiim ma aha in laguu sacab tumo markaad timaado waxaa muhiima in lagu xasuusto markaad tagto

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowla...
26/05/2022

Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo goobjoog ka ahaa munaasabad ay dowladda Imaaraadka Carabtu ay dowladda Soomaaliya ugu wareejinaysay lacag gaaraysa 9.6 Milyan oo Dollar, ayaa uga mahadceliyey kaalintooda ku aadan gurmadka shacabka Soomaaliyeed.

Ogaansho News Media 🇸🇴

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADAMuqdisho, May 23, 2022; Madaxwey...
23/05/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUUD OO MAGACAABAY AGAASIME KU-XIGEENKA GUUD EE MADAXTOOYADA

Muqdisho, May 23, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan u magacaabay xilka Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Agaasime Ku-xigeenka Cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoona kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan Amiin waa aqoonyahan labo shahaado ka haysta heerka 2-aad ee jamaacadda, isaga oo ku takhasusay Horumarinta Dhaqaalaha, Maareynta Nabadda iyo Aammaanka Afrika. Waxa uu h**e u soo noqday Sanatar ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS iyo Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga ee Golaha Aqalka Sare, sidoo kale waxa uu soo noqday Safiir Ku-xigeenka safaaradda aynu ku leennahay dalka Kenya.

DHAMMAAD

Waxaa si toosa usocda xafladda xilwareejinta madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalia
23/05/2022

Waxaa si toosa usocda xafladda xilwareejinta madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomalia

Wasaaradda waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare waxay shaacisay xilliga rasmiga ah ee lagalayo imtixaanaadka fasalka 12...
21/05/2022

Wasaaradda waxbarshada hidaha iyo tacliinta sare waxay shaacisay xilliga rasmiga ah ee lagalayo imtixaanaadka fasalka 12aad.

Ogaansho News Media 🇸🇴

Address

Mogadishu

Telephone

+252617213371

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdalla A. Yusuf posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abdalla A. Yusuf:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadishu

Show All