Liibaan Lugcad

Liibaan Lugcad Weriye degan Muqdisho, kana howlgala Somali National Televishion.

07/11/2024

TOOS: DOORKA DHALLINYARADA EE DOORASHADA TOOSKA AH (QOF IYO COD).

Madaxa Sheybaarka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee degmada Guriceel, Dr. Ibrahim Dahir Osman, ayaa maanta qaliin ku samee...
07/11/2024

Madaxa Sheybaarka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee degmada Guriceel, Dr. Ibrahim Dahir Osman, ayaa maanta qaliin ku sameeyay neef la dala-dhacay bac. Qaliinka, oo socday saacado, kadib waxaa lagu guuleystay in neefka laga saaro dhowr kiilo oo bac ah.

07/11/2024

Hordhaca Wareysiga Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Cali Xoosh.

07/11/2024

Xogta Ciidamada Soomaaliya ee tababarka ugu maqan dalka Eritrea iyo waxa ka jira in saldhig militeri Masar laga siinayo Soomaaliya | Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaan ka wareysanay.

06/11/2024

Taliyihii h**e ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Jenaraal Dayax Cabdi Cabdulle “Askari kasta oo ka tirsan Ciidanka Xoogga masuuliyad ayaa ka saran inuu ilaaliyo madax-banaanida dalka oo uu cadowga ka difaaco, amnigana kala wareego ciidamada shisheeye ee na caawiya.”

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareyka...
06/11/2024

Madaxweyne Xasan Sheekh: "Waxaan kuugu hambalyeynayaa Mudane Donald Trump guushaada taariikhiga ah ee doorashada Mareykanka. Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan ee labadeenna wadan, si loo horumariyo nabadda, amniga, iyo horumarka".

06/11/2024

Toos: Kulanka Golaha Shacabka BJFS.

06/11/2024

Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay heshiiska iskaashi ee Masar iyo Eritrea ay la gashay? Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaan weydiinay.

Maxaa ka jira in la soo celinayo Soomaalida ku nool Jarmalka?Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jarmalka Cha...
06/11/2024

Maxaa ka jira in la soo celinayo Soomaalida ku nool Jarmalka?

Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Jarmalka Chancellor ayaa looga hadlay arrimaha qaxootiga iyo magangalyo-doonka, Jarmalka ayaa ku faanayin dad badan oo Soomaaliyeed ay magan-geliyo siiyeen, kuwaas oo ku jira bulshada ugu hormarsan Yurub, bals ewuxuu cadeeyey inay jiraan dad dembiyo galay oo lumiyey sharciyadoodii, kuwaas oo khasab ay tahay in dib loogu celiyo dalkoodii ay ka soo haajireen ee Soomaaliya.

kuwa nololeed ee ka jira meela dunida ka mid ah. Waxa uu sheegay in ay Soomaali kummaanaan gaaraysa ay qeyb ka yihiin dadka magangalyada ka helay Jarmalka, kuwaas oo hadda kaalin wanaagsan ku leh horumarka iyo wada-noolashaha guud ee bulsho-weynta dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jarmalka uga mahadceliyey kaalintooda magangeliyo siinta dadka Soomaaliyeed ayaa dhiggiisa Jarmalka la wadaagay sida ay dawladda Soomaaliya u danaynayso in dadka Soomaaliyeed ee qaxootiga ah ay helaan xuquuqda caalamiga ah ee ay ku leeyihiin shuruucda magangalyo-doonka, isaga oo caddeeyay in aysan jirin baahi loo qabo dib-u-celin qasab ah, balse qofkii si sharci ah u lumiya xuquuqdii magangaliyo ee iskiis u doonaya in uu dib u soo gurya-noqdo ay mar kasta u furan tahay in uu dalkiisa iyo dadkiisa ku soo laabto.

05/11/2024

Diyaaradaha Qaranka oo soo cibaadeystay.

05/11/2024

Dowladda Soomaaliya oo shuruudo ku xirtay in ciidamada Itoobiya ay ka mid noqdaan howlgalka cusub ee Midowga Afrika, Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa noo sharaxa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Ax...
04/11/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Ca...
04/11/2024

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka ayaa noqonaysa tii ugu badneyd ee Dowladda Soomaaliya ay yeelato, tan iyo sana...
04/11/2024

Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka ayaa noqonaysa tii ugu badneyd ee Dowladda Soomaaliya ay yeelato, tan iyo sanadkii 1991-kii.

Waxaan idinla wadaageynaa jaantus kooban oo muujinaya kororka miisaaniyadda dowladda ee 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowla...
04/11/2024

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328, waxaa ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

04/11/2024

Muqdisho ma joogaa safiirkii Itoobiya? Waxaa nooga jawaabaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta ...
03/11/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne isbeddal ku sameeyay Taliyaasha Ciidanka Dhulka ee CXDS iyo Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee CXDS.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa S/Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar u magacaabay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee CXDS, halka G/Dhexe Xasan Saalax Cabdi uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Gaarka ah ee CXDS.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taliyaashii h**e ee Ciidanka Dhulka iyo Ciidanka Gaarka ah ee CXDS uga mahadceliyay, kuna bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee ay soo qabteen ciidanka, Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Taliyaasha cusub gudashada waajibaadka loo idmaday iyo dardargalinta dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Address

Mogadishu
252

Telephone

+252615042905

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Liibaan Lugcad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Liibaan Lugcad:

Videos

Share

Nearby media companies