Galmudug News

Galmudug News Waa page ka rasmiga ah ee maamul goboleedka Galmudug
(1)

10/05/2024
Arintii Astaan Tv iyo wariye Najiib oo xal laga gaaray
16/02/2024

Arintii Astaan Tv iyo wariye Najiib oo xal laga gaaray

Galmudug
31/01/2024

Galmudug

26/01/2024

Ciidamada Jabhadda Amxaarada ee FANA ayaa isku gadaamay xerada Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiyaha ee deegaanka Ensaro Shewa oo qiyaastii 93km u jirta magaalada Addis Ababa, ee Caasimadda Itoobiya, sida ay sheegeen xubno ka tirsan Jabhadda.

Dagaalamayaasha Jabhadda Amxaara ayaa hadda Kaabiga ku haysa magaaladda Addis Ababa ee uu ku shaqeeyo R/wasaare Abiy Axmed.

Gobalka Maamulka Axmaarada ayaa waxaa ka socda kacdoonkii ugu xooganaa, waxaana maanta laga maqlay rasaas dabaal deg u muuqatay markii uu is casilay R/wasaare ku xigeenkii Itoobiya ahaana wasiirkii Arrimaha Dibadda.

02/01/2024

Dhulkeena k**a tanaasulayno

02/01/2024

Hadii aan caawa ahaan lahaa Xasan Sheekh.
----

1-Berri anigaa guddoomin lahaa shirka Golaha Wasiirada.

2-Waxaan luuqad adag ku diidi lahaa heshiiskii Abiye iyo Biixi.

3-Waxaan sheegi lahaa in aan qadiyadda Soomaali Galbeed dib u furayo oo aan la aaddayo maxk**addo Caalami ah, maadaama dhulkaas iyo dadkaas yihiin Soomaali xoog lagu heysto, walina aan laga heshiinin.

4-Waxaan safiirkeyga kala soo bixi lahaa Addis Ababa, halka safiirka Itoobiya aan dalka uga saari lahaa 48 saac.

5-Waxaan berri galab aaddi lahaa Masar, anigoo kala hadlaya xaalka Nile iyo suurta-galnimada ah iney i siiyan ciidan badala kuwa Itoobiya ee jooga Somalia.

6-Waxaan wasaaradda arrimaha dibada amri lahaa gudbinta gal-dacwaddeed deg deg ah oo ka dhan ah Itoobiya kaas oo loo dirayo IGAD, Midowga Afrika iyo QM.

7-Waxaan AS weydiisan lahaa wadahadal Qaran-badbaadin iyo xabad joojin ah, si itaalka loo mideeyo hadii mustaqbalka lagama maarmi waayo gacan ka hadal.

8-Waxaan Ismaaciil Cumar Geelle kala hadli lahaa inuu xiro xadka uu la wadaago Soomaaliya.

9- Waxaan labada Aqal ku amri lahaa iney soo saaraan diidmo ku saabsan heshiiskaas oo mustaqbalka wax goyn karta si la mid ah diidmadii Baarlamaankii 8aad ee heshiiskii badda ee lala galay Kenya taas oo caawisay Somalia markii ay socotay dacwadii badda.

Soomaaliya hadii aaney 48da saac ee soo socota u dhaqmin una hadlin sida Qaran lab ah, Itoobiya waa dabaal degi doonta, Xasan Sheekh iyo maamulkiisuna taariikh xun ayey qaadan doonan.

Abdullahi Osman Farah

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta khawaarijta kala wareegay deegaano xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusam...
06/09/2023

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta khawaarijta kala wareegay deegaano xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamareb iyo Ceelbuur kuwaa oo dagaalo ka dhacey khawaarijta looga furtay hub, isla markaana looga saarey goobo muhiim ah oo ay ku jirto magaalada Ceel-lahelay oo aheyd goob in mudo ah ay dadka Shacabka ah ku dhibayeen.

Madaxwaynaha Galgmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo Wasiirka Gaashaandhiga Dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa goobaha la xoreeyay qaarkood sida sinadhaqo ku booqday Ciidamada ku sugan, iyagoo bogaadiyey guulaha dardarta leh ee ay soo hooyeeen mudo kooban gudohood.

31/07/2023

Guddiga sare ee maamulka Bank adduunka ayaa Ansixiyey Deeq lacageed oo gaaraysa $75 Milyan oo dollar, taas oo loogu talo galay kabka Miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.

Sawiro laga sooqaaday degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose.
10/07/2023

Sawiro laga sooqaaday degmada Xagar ee Gobolka Jubbada Hoose.

DEG DEG:- Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka Bajeela ayaa howlgal Qorshaysan oo ay ka fuli...
10/07/2023

DEG DEG:- Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo kaashanaya Ciidamada degaanka Bajeela ayaa howlgal Qorshaysan oo ay ka fuliyeen Duleedka degaanka Baraag-Ciise waxay ku dileen maleeshiyaad Argagixisada u qaadayay lacago baad ah, halka midna noloasha lagu soo qabtay iyo mooto ay wateen.

Ciidamada ayaa dilay horjeegihii maleeshiyada Baadda u aruurisa Argagixisada, mid nolosha ayaa lagu qabtay, halka lagu soo furtay Qoryihii ay wateen, mooto iyo isgaarsiinta ciidamada.

Bangiga Caalamiga ee IBS Bank ayaa laga daahfuray Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waana bankigii ugu h**eey...
13/06/2023

Bangiga Caalamiga ee IBS Bank ayaa laga daahfuray Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waana bankigii ugu h**eey ee caalami ah ee somaliland laga furo lagana heli karo adeeg bangiyeed dhamaystiran.

Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland, Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsato kala duwan ayaa ka soo qayb galay furitaanka bangiga, waxaaana masuuliyiintani ay IBS Bank ku hambalyeeyeen adeegyada cusub ee uu bulshada ku soo kordhiyay.

Adeegyada casriga ah ee IBS Bank ku soo kordhiyay dalka waxaa kamida adeegyadda VISA & Mastercard, waana kaadhadh caalami ah oo aad kala bixi kartid lacagtaada aduunka meel kastoo aad tagtid sido kale aad ku isticmaali kartid internetka waxna aad uga iibsan kartid, waana bankiga kaliya ee bixiya VISA card guud ahaan dalka.

Adeegyada kale ee IBS hirgalin doonto waxaa ka mida Adeegyada Maalgelinta, Real Estate ka iyo guud ahaan adeegyada horumarinta dalka & bulshaddaba.

Faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh : 0637774444

NISA oo abaalmarin lacageed siisay muwaadinkii soo gudbiyay xogta Qaraxyadii laga hortagay ee Beerta Nabadda Ra’iisul Wa...
13/06/2023

NISA oo abaalmarin lacageed siisay muwaadinkii soo gudbiyay xogta Qaraxyadii laga hortagay ee Beerta Nabadda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa lacag gaareysa labaatan kun oo doolar guddoonsiiyay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Galbeed Xuseen Aadan oo Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka usoo dusiyay xogta Qaraxyadii lala damacsanaa Beerta Nabadda.

Galbeed Xuseen ayaa lacagta lagu guddoonsiiyay munaasabad ka dhacday Xarunta Taliska Guud ee NISA oo lagu daah furayay Xafiiska Garmaqalka Dadweynaha oo isku xiri doona Taliyaha HSNQ iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Cabdirisaaq Khaliif ma mudan yahay Billad Sharaf? muxuuse kaga duwan yahay duuliye Axmed Dheere oo Hargeisa u diiday in ...
13/06/2023

Cabdirisaaq Khaliif ma mudan yahay Billad Sharaf? muxuuse kaga duwan yahay duuliye Axmed Dheere oo Hargeisa u diiday in uu diyaarad ku duqeeyo?

30-kii Oktoobar 2020, wuxuu madaxweyne Muuse Biixi Hargeysa Billad Sharaf, Abaalgud iyo Maamuus ku guddoonsiiyey Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) isaga oo ugu abaalgudayey go’aan geesinnimo, Islaamnimo iyo damiir sare oo uu qaatay duuliyaha bartamaha sannadkii 1988, isaga oo diiday in uu diyaarad militari ku rusheeyo shacabka Hargeisa.

Shalayna waxaa xilalkii iyo mansabyadii uu Somaliland u hayey iska casilay Guddoomiye Cabdirizaaq Khaliif isaga oo ka damqaday gumaadka, duqaymaha iyo barakaca xukunka Muuse Biixi ee Somaliland kula kacday dadkiisa magaalada Laascaanood iyo gobollada SSC.

Haddaba, waxaa isweydiin leh, muxuu yahay farqiga u dhexeeya duuliye Axmed Dheere iyo guddoomiye Cabdirizaaq Khaliif?

Muuse Biixi maka mudan yahay Khaliif in uu billad sharaf ku maamuuso isaga oo uga mahadcelinaya geesinnimada uu sameeyey ee uu u adkaysan waayey damiirkiisuna siin waayey dadkiisa la gumaadayo iyo magaaladiisa la burburinayo inuu ka raaco kuwa gumaada?

Waxa kaliya ee Muuse ugu kala duwan yihiin duuliye Axmed iyo Abdirizak Khaliif waa in duuliye Axmedna uu Muuse dadkiisa difaacayey, Khaliifna Shacab aan Muuse la qabiil ahayn.

Haddaba, Khaliif taariikhda ayaa u markhaati kici doonto, waxaana uu ku maamuusan yahay go’aankiisa geesinnimada leh.

Way I Cajabisey Qormadani Bal Adba aqriso 🐶Eyga waxa lagu yidhi:- Waxaad ilaalin doontaa guryaha basharka. Waxaad noqon ...
12/06/2023

Way I Cajabisey Qormadani Bal Adba aqriso

🐶Eyga waxa lagu yidhi:- Waxaad ilaalin doontaa guryaha basharka. Waxaad noqon doontaa saaxiibkooda ugu dhow. Waxaad cuni doontaa cuntooyinka wanaagsan ee uu ka dhergo iyo hambadiisa. Waxaana lagu sin doona cimri dhan 30 sano.

Eygii wuxuu yidhi:- 30 sano oo dhan? Maya! Keliya waxaan u baahanahay in aad noolaado 15 sano. Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦍Daanyeerka waxa lagu yidhi:- Waxaad noqon doontaa mid lagu qoslo oo lagu maadaysto. Waxaad noqon doontaa mid beerta xayawaanka dadka ku maaweeliya, waxaana lagu siiyey cimri 20 sano ah oo aad noolaato.

Daanyeerkii wuxuu yidhi:- 20 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanahay 10 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

🦓Dameerka waxa lagu yidhi :- Waad shaqayn doontaa qorrax soo bax ilaa qorrax dhac. garaadka waa lagugu yarayn doonaa. Dhabarkaaga waxaad ku qaadi doontaa culays iyo dhibaato badan, cidina abaalkaaga ma sheegi doonto. Waxaana lagu siiyey 50 sano oo aad noolaato.

Dameerkii wuxuu yidhi:- 50 sano oo dhan? Maya! Waxaan keliya u baahanay inaan noolaado 20 sano! Waana la siiyey wixii uu dalbaday.

👨‍💻Waxa lagu yidhi Ibnu aadamka:- waxaa lagaa dhigay makhluuq garaad badan. Waxaa lagaa dhigay mudanaha koonka, waxaana laguu dhiibay furayaashiisa. Waxaad ku noolaan doontaa nolol qurux badan iyo dabaqyo dhaadheer waxaadna noolaan doontaa muddo 20 sano ah.

Ibnu aadamkii wuxuu yidhi:- ma waxaan noqday Bani aadam, misana ma waxa aan noolaan doonaa keliya 20 sano? Maya! Tiradaasi aniga way igu yar tahay. Waxaan rabaa 30-kii sano ee uu dameerku diiday ,15-kii sano ee uu Eygu nacay, Iyo 10-kii sano ee Daanyeerku uusan doonayn.
Dalabkiisiina waa loo fuliyey.

Muddi kaddib ibni aadamkii wuxuu yimi koonkii oo loo diyaariyey.

20 sano oo waxa uu u noolaa sida iinsaanka caadiga ah iyo nolol faakihaysi ah ilaa uu ka guursaday. Markaas wuxuu bilaabay in uu u noolaado 30 sano oo nolosha dameerka ah. Wuxuu dusha saartay masuuliyad iyo culays. Wuu ordayey wuxuuna shaqaynayey ilaa qorraxdu ka dhacdo mana uusan dhergaynin, cidina uma aysan abaal gudin.

Kaddib. Markii ay carruurtiisii kortay wuxuu ku noolaaday nolosha Eyda. Waxba ma cuno ilaa ay iyagu dhergaan. iyaga ayuu ilaaliyaa. Guriga ayuu albaabada usoo xidhaa, wuxuuna hablihiisa ka ilaaliya inay ciyaal suuq noqdaan.

Immika carruurtii way weynaadeen oo guryo iyo reero ayay wada yeesheen. Isna wuxuu bilaabay 10-kii sano ee Daanyeernimada. Wuxuu isaga gudbaa guri ka guri. Marba waxa uu soo booqdaa guryaha carruurtiisa isaga oo maaweelinaya ilmaha uu awowga u yahay. Marba mid ayuu dhabarka ku qaadaa oo la gurguurtaa isaga oo gaadhi u matalaya. Wuu u sheekeeyaa iyana maaweeladiisa ayay jecelyihiin. Daanyeer

Ina Hooyo Macaane. Waxaad haysataa 20 sano oo Insaannimo ah keliya. Hadiise aad sii jirto waxaad mari doontaa sannado badan oo xayawaannimo ah.🤦‍♂️💔 sidee ayaynu isu waaweyneyn karnaa.

Share Sii Faafi:-

Ahmed Saadaq Cabdi

Agaasime Abdul, waxa uu Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ka dhigay mid shaqaysa oo aan laga shaqaysan!Agaasimaha Guud...
11/06/2023

Agaasime Abdul, waxa uu Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha ka dhigay mid shaqaysa oo aan laga shaqaysan!

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) waxa uu maanta xarigga ka jaray dhismaha Xarunta Laanta 4aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed faraceeda Galmudug.

Sidoo kale waxa uu maalma kahor xarigga ka jaray Xaruntii 2-aad ee Hay'adda Socdaalka oo laga hirgeliyay Magaalada Kismaanyo ee maamulka Jubaland.

“Waryaadha kala quusanaye aynu kala qoomamo la’aano, dadkaygii hadduu tashaday maxaa loo daba socdaa" Cabdirisaaq Khalii...
11/06/2023

“Waryaadha kala quusanaye aynu kala qoomamo la’aano, dadkaygii hadduu tashaday maxaa loo daba socdaa" Cabdirisaaq Khaliif

Ciidanka Kumandoosta Danab oo kaashanayaa saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar qorsheysa oo ku beegsaday kooxda Khawaari...
02/06/2023

Ciidanka Kumandoosta Danab oo kaashanayaa saaxiibadda caalamiga ah ayaa weerar qorsheysa oo ku beegsaday kooxda Khawaarijta ah ee Alshabaab deegaan 60Km dhinaca koofurgalbeed ka xiga magaalada Kismaayo, waxaa lagu dilay Saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu jabiyay cadowga khawaarijta oo halkaasi ku maleegayay dhagarta Shacabka Soomaaliyeed.

Warbixinta Toddobaadlaha eeDowladda Federaalka SoomaaliyaMuqdisho, Arbaco, 31 May, 20231- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fed...
31/05/2023

Warbixinta Toddobaadlaha ee
Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho, Arbaco, 31 May, 2023

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo faahfaahinayey heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa baarlamanka u sheegay heshiis kasta oo siyaasadeed, sharci dejin iyo wax ka beddel dastuur oo aan baarlamanka soo marin inaau sharci ahayn, dalkana ka shaqeyn karin.

2- Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay ayaa madaxda dalka waxay xuseen in dalka uu ka guurayo nidaamkii h**e ee siyaasadeed, loona guurayo nidaam ay shacabka talada leeyihiin oo doorasho qof iyo cod ah.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 3aad ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo isimada dhaqanka gobollada Sool iyo Sanaag mar kale u jeediyay in dhinacyada dagaalka ka jira Sool u dhexeyso in xal wadaxaajood ah loo raadiyo colaadda taagan, dowladduna door ka qaadeneyso nabadeynta iyo fududeynta wadaxaajoodka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo mar kale loo doortay inuu xafiiska sii joogo.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira fulinya siyaasadda dib u heshiisiinta ayaa madaxda Dowlad Goboleedka Jubbaland kala hadlay dhismaha maamulka Gedo iyo dib u heshiisiinta.

7- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgaley tukashada salaadda janaasada ee Alle ha u naxariistee Marxuum G/le Sare Cismaan Maxamed Jeelle oo ka mid ahaa Xubinihii Golaha Sare ee Kacaanka ee dowladdii milateriga Soomaaliya.
8- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan sagootin ah la qaatay safiirka Maraykanka Lary Andre oo muddo uu dalka ka hawlgalayey ay dhammaatey.

9- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo warbixin looga dhageystay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya

10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Dhaqaalaha Soomaaliya oo lagu soo bandhigay fursadaha ganacsi iyo maalgashi ee la xiriira wax-soosaarka dalka ee dhinacyada Beeraha, Kalluumeysiga, Warshadaha iyo Tamarta.

11- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aaden Maxamed Nuur oo dhagax dhigay dhismaha dekedda magaalada Dekadda Baraawe oo ah caasimadda Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

12- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Bankiga Horumarinta Afrika ee Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina, waxayna ka wadahadleen barnaamijyada horumarinta dhaqaalaha iyo dayn cafinta Soomaaliya.

13- Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa ku bogaadiyay shacabka iyo maamulka Puntland doorashadii golaha degaanka , iyago dhanka kalena ku baaqey in deegaannada aanay weli ka dhicin doorashada ay si nabad ah uga dhacdo.

14- Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo si rasmi ah u soo xiray Bandhigga Buugaagta ee Muqdisho.

15- Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa si diiran u soo dhaweeyay ansixinta lacago gaaraya 20.5 milyan oo Euro oo Midowga Yurub ay ugu talagaleen taageeridda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

16- Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Moscow kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ruushka Sergey Lavrov.

17- Dowladda Federaalka Soomaaliya oo cambaareysay weerarkii fuleynimada ahaa ee Khawaarijta ku soo qaadeen Saldhigga Ciidanka Midowga Afrika (ATMIS) ee Buulo Mareer. Waxaa sidoo kale Dowladda Soomaaliya ay bogaadisay weerarkii rogaal celinta ahaa ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga ay ku burburiyeen Khawaarijtii weerarka soo qaaddey iyo hubkii ay siteenba.

18- Dowladaha Qatar, Mareykanka iyo Britain oo ku dhawaaqay in 10.5 milyan oo doollar ku taageerayaan Soomaaliya

19- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa fashiliyay isku day weerar oo ay Khawaarijtu ku soo qaadeen magaalada Masagawaay ee Gobalka Galguduud, waxaana Khawaarijta laga dilay 30 xubnood iyo qaar kale oo badan oo laga dhaawacay.

20- Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Itoobiya uga qeybgalay shirka taliyeyaasha ciidanka booliska ee Bariga Afrika (Eapcco).

21- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ka soo qabtey horjoogeyaal ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ay ka mid yihiin Mukhtaar Maxamad Maxamuud, magaca afgarashadiisu tahay Aw Maxamuud, Caseyr Maxamad Maxamuud (Ayatullah).

22- Taliyaha Ciidanka Booliska oo kulan lagu dardar galinayo amniga caasimada la yeeshay saraakiisha howlgalka Ciiltire.

23- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeer ku tagay qaar ka mid ah degmooyinkii laga xorreeyay Khawaarijta.

24- Wasiiru dowlaha Caafimaadka XFS oo daah-furtay barnaaamijka dardar gelinta dadaallada ciribtirka cudurka dabaysha.

25- Ciidamada Amniga oo maalmahaan howlgallo nabad sugid ah ka wada magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo haystey dharka ciidanka, hub kale iyo waxyaabaha qarxa.

26- Shirkii Madasha Maayarada Soomaaliya oo magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.

27- Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kurtun Waarey ee Gobalka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu dilay in ka badan 30 maliishiyaad oo ka tirsan Khawaarijta.

28- Howlgal qorsheysan oo ciidamada ammaanku ka fuliyeen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayay ku soo qabteen qaraxyo, gaadiid iyo dadkii waday.

=========DHAMMAAD=========

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Ee Caasimadda Dowlad Goboleed...
30/05/2023

Gudoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen Masuuliyiin uu kamid yahay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen).

Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa Kulamo la qaadanaya Maamulka, saraakiisha, ciidanka iyo Bulshada Reer Baraawe.

26/05/2023

Howlgal qorshaysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamiga ah oo isugu jiray Cirka iyo Dhulka ayaa laga sameeyay ilaa iyo Afar deegaan oo hoos taga degmada Kuntuwaaray ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka waxaa lagu laayay in ka badan 30 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab waxaana lagu bur-buriyay Gaadiid waday Saanad Ciidan oo kala duwan iyo qoryo culus oo ah kuwa dagaalka ee duqaymaha loo isticmaalo.

Wuxuu daba socday Howlgalkaan weerar nafla caarinimo ah oo ay saaka Khawaarijta ku qaadeen xero ciidanka ATMIS ku leeyihiin magaalada Buulamareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Uruurinta xogta howlgalkaan oo wali socota awgeed, waxaan dib ka soo gudbin doonaa faah-faahinka howlgalka oo dhamaytiran.

Wasiirka Gaashandhiga DFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur  ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Midowga Yurub. Wasiirka a...
26/05/2023

Wasiirka Gaashandhiga DFS mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda Midowga Yurub.

Wasiirka ayaa fadhiga uga warbixiyay Howlgalada lagu sifeynayo Khawaarijta iyo guulaha Ciidanka xoogga dalka ay ka gaareen.

Wasiir Jaamac ayaa uga mahad celiyey Midowga Yurub kaalmada joogtada ah ee uu la garab taagan yahay Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Amniga oo wali ku jira howlgal ay ka wadaan xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxa...
25/05/2023

Ciidanka Amniga oo wali ku jira howlgal ay ka wadaan xaafada Tarabuunka ee degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ku dhigeen nuucyo ka mid ah dharka ciidanka, Hub kale oo ay ku jiraan Qaraxyo iyo Rasaas badan.

Hubkaan iyo agabka kale waxaa lagu qariyay Guri ku yaala Xaafada Tarabuunka oo ciidamadu ay ka soosaareen, waxaana ilaa iyo hadda ciidamadu ay gacanta ku haayaan laba eedeysane oo loo haysto arrinkaan.

Sida ay saraakiisha Ciidamada ammaanka u sheegeen Warbaahinta Qaranka waxaa jira shaqsiyaad lagu daba joogo kuwaas oo baxsad ah.

Elon Musk
25/05/2023

Elon Musk

DEGDEG: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo ay ku jiraan Qaraxyo, g...
25/05/2023

DEGDEG: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa gacanta ku dhigay hub badan oo ay ku jiraan Qaraxyo, gaarigii lagu waday iyo Guri kale oo hub badan ku kaydsanaa.

Ciidanka Sirdoonka ayaa sidoo kale Gacanta ku dhigay laba nin oo mid ka mid ah uu waday Gaariga Qaraxyada iyo Hubka ay saarnaayeen halka midka kale lagu qabtay Guriga laga helay Hubka badan.

Duqa magaalada Castiglion Fiorentino ee dalka Taliyaaniga Mario Agnelli oo magaalada Fiorentino ku casuumay Agaasimaha A...
21/05/2023

Duqa magaalada Castiglion Fiorentino ee dalka Taliyaaniga Mario Agnelli oo magaalada Fiorentino ku casuumay Agaasimaha Astaansports Maxamed Cabdi Muudeey.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan ...
07/05/2023

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah la qaatay Agaasimaha Bariga iyo Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Debadda FINLAND, MR Jukka Pajrarinen, iyo Safaaradda FINLAND ee Soomaaliya kuwaas oo aan ka wadahadaleyn dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo Soomaaliland.

Ergayga ayaa uga mahadceliyay Agaasimaha iyo Safaaradda doorka dowladda FINLAND ay ka qaadatay Dowladd dhiska Soomaaliya, Waxaana uu warbixin ka siiyay sida ay uga go'an tahay ka guul gaarista wadahadallada Somaliland, iyo in Dowladda DFS ay diyaar u tahay wax kasta oo looga gun-gaarayo Arrimaha Somaliland.

Dhankiisa Mr Jukka Pajrarinen ayaa u muujiyay Ergeyga sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya kaga caawaiyaan dedaalada lagu xoojinayo midnimada Umadda Soomaaliyee, sidoo kalana ay gacan ka geysan doonaan ka mirra-dhallinta Wadahadallada Somaliland.

Address

Mogadisho
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Galmudug News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other News & Media Websites in Mogadisho

Show All