ٍSomalia Network

ٍSomalia Network Isha ku hay goobta Soomaaliya

Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la shee...
03/02/2025

Wararka ka imaanaya Mandheera ayaa sheegaya in Shan ka mid ah Ugaasyada deegaanka la la’yahay ka dib markii sida la sheegay ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay ka afduubteen degmada Ceelwaaq ee gobolka Mandheera ee waqooyi bari Kenya wararka ayaa sheegaya in Caaqiladaasi ay xoog ku kaxeysteen Koox ka tirsan Al shabaab waxaana laga watay inta u dhaxeysa Wargaduud iyo Ceelwaaq abbaare 7:40 Subaxnimo ee maaanta oo Isniina ah 3-da February taliyaha Booliska Koonfurta Mandheera Julius Njeru ayaa xaqiijiyay dhacdadaan, Wararka ayaa sheegaya in Shanta Caaqil ay la socdeen Gaari Mazda ah oo uu leeyahay G/sare Maxamed nuur Xaashi, markii afduubka uu dhacaayayv afduubayaasha ayaa ugaasyada la rumeysan yahay inay ula dhaqaaqeen dhanka xuduudka Soomaaliya gobolkaan oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacayay dhaq dhaqaaqyo ay Al shabaab dhowr jeer ka sameeyeen, iyadoo Al-Shabaab ay caan ku tahay deegaannadaas sidoo kale, Madaxweyne William Ruto ayaa lagu wadaa in maanta uu billaabo socdaal todobaadle ah oo uu ku marayo gobolka Waqooyi Bari ee Kenya

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalank...
03/02/2025

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee loo carbiyay la dagaalanka kooxaha Argagixisada ay u daateen guri ku yaala xaafadda New Kismaayo, kaasi oo ay ku jireen Seddex kamid ah dagaalamayaal Al shabaab ah gaar ahaan kuwa qaabilsan madax jabiska sida ay ku warantay warbaahinta Jubaland wararka ayaa intaa waxa ay ku darayaan in ciidamadaan ay hayeen xogta dagaalamayaashani, laba kamid ah ayay sheegeen saraakiisha inay howlgalka ku dileen mid kalana ay gacanta kusoo dhigeen saraakiisha Jubaland ayaa laga soo xigtay inay ragaani qorsheenayeen in ay magaalada Kismaayo oo ah xarunta KMG ah ee Jubbaland ka fuliyaan dilal qorsheysan, iyo khaarijinta xubno muhiim ah magaalada Kismaayo sidoo kale xalay waxaa ka dhacay howlgal ay ciidamada Booliska ay ka sameeyeen xaafadaha ay ka koobantahay magaaladaasi

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu d...
02/02/2025

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Jubaland warbaahinta Jubaland iyo mas'uuliyiin ka agdhow Madaxweyne Axmed Islaam ayaa baahiyay muqaal kooban oo dib ugu laabashadiisa magaalada Kismaayo isagoo muddo todobaadya ah ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya Axmed Madoobe h**ey waxa ay Dowladda Federaalka ay ugu soo rogtay xayiraad dhanka safarada ah uusan dibadda uga bixi karin magaalada maadama ay Dowladda qaadacday doorashadii uu markale uu kasoo baxay Axmed Madoobe madaxweynaha Jubaland ayaa h**ey u diiday qorshaha Dowladda federaalka ee nidaamka Doorashada Qof iyo Codka ee Dowladda federaalka ay dooneyso inay ka hirgaliso guud ahaan Soomaaliya isagoona iskaga baxay shirkii ugu dambeeyay ee Madasha

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay howgal si wadajir ah isaga k...
02/02/2025

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn u bogaadiyay howgal si wadajir ah isaga kaashadeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladda Mareykanka oo lagu beegsaday horjoogayaal sare iyo xubno ka tirsan kooxda Daacish (ISIS), kaaso ka dhacay buuraleyda gobolka Bari ee dowlad Goboleedka Puntland warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka ayaa lagu sheegay in Soomaaliya iyo Mareykanka ay si wadajir ah isaga kaashanayaan ciribtirka kooxda Daacish ee halista ku ah guud ahaan gobolka hawlgalkan lagu beegsaday hoggaanka sare ee ISIS waxa uu muujinayaa iskaashiga adag ee Mareykanka iyo Soomaaliya ee la dagaalanka argagixisada, taasoo gacan ka geysanaysa ciribtirka halis kasta oo wax u dhimaysa xasilloonida dalkeenna iyo guud ahaan gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxafadeedka waxaa sidoo kale warsaxafadeedka lagu sheegay in howlgalkaan lagu beegsaday shaqsiyaadka muhiimka ah ee Daacish inuu muujinayo sida Soomaaliya iyo Mareykanka ay uga go’an tahay sugidda amniga, xasilinta gobolka iyo ka hortagga fiditaanka kooxaha xagjirka ah, si loo badbaadiyo nolosha dadka aan waxba galabsan.

Maamulka Puntland ayaa saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo ay Puntland kula dagaalamayso...
01/02/2025

Maamulka Puntland ayaa saxaafadda ka mamnuucay inay xiriir la sameeyaan kooxda Daacish, oo ay Puntland kula dagaalamayso buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari wasiirka Warfaafinta maamulka Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa sheegay in go’aankani uu qeyb ka yahay amar guud oo lagu soo rogay guud ahaan saxaafadda Puntland sida uu wasiirku sheegay, warbaahinta looma oggola inay tagaan deegaanada uu ka socdo howlgalka ka dhanka ah Daacish iyagoo aan fasax ka haysan maamulka sidoo kale, warbaahinta waxaa laga mamnuucay baahinta xog aan laga soo xigan maamulka Puntland. Wasiirka ayaa intaa ku daray in saxafiyiinta aysan tegi karin furimaha dagaalka iyagoo aan oggolaansho rasmi ah heysan wasaaradda Warfaafinta Puntland waxay sheegtay inay masuuliyad ka saaran tahay bedqabka wariyaha iyo xaaladaha ammaanka ee taagan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan askar...
30/01/2025

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan askari ka tirsana ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dilka askariga ayaa ka dhacay Xaafada Kooshin, gaar ahaan laanta Nuur xawaad xili uu kusii jeeday hoygiisa, sida ay HOL u sheegeen ilo ku sugan xaafada Nuur xawaad Askariga la dilay oo ahaa wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga dhex yaqiinay Baledweyne ayaa lagu magacaabi jiray Maxamed Xasan baroow, waxaana goobta isaga baxsaday dableydii fulisay dilkiisa oo horayna u sii qaatay qorigii uu watay askariga Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysay dilka askariga oo loo badinayo iney ka dambeeyaan kooxda Al-shabaab, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka Baledweyne oo ku aadan dilka askariga Ugu dambeyntii dilka askarigaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Baledweyne mudooyinkii lasoo dhaafay aysan ka dhicin dilalka noocaan oo kale ah ee lagu beegsado askarta iyo dadka kale ee waxtarka u leh bulshada.

Dowladda Finland ayaa sheegtay in ay soo celinayso taageeradii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya oo hakad gashay, haddi...
29/01/2025

Dowladda Finland ayaa sheegtay in ay soo celinayso taageeradii ay siin jirtay dowladda Soomaaliya oo hakad gashay, haddii ay dowladda Soomaaliya kala shaqayso qorshe la doonayo in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysan dib loogu soo celiyo dalkooda sida ay baahisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Finland, Wasiirka Arrimaha Gudaha dalkaas, Mari Rantanen, oo safar ku tagtay Soomaaliya 21-ka bishan, ayaa qorshahan kala hadashay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdillaahi Sh. Ismaaciil Finland waxay rabtaa inay horumariso iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya, waana mahadinaynaa xidhiidhka iskaashi ee soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya. Finland waxay danaynaysaa in la sameeyo qorshe wax ku ool ah oo dadka dib loogu soo celinayo, iskaashigana kaas lagu dhiso," ayay tidhi Wasiir Rantanen waxay sheegtay in Soomaaliya iyo Finland ay h**e iskaga kaashan jireen la dagaallanka argagixisada iyo maaraynta dhibaatooyinka, laakiin Finland ay dhawaan joojisay taageerada, soo celinteedana ay shardi u tahay in Soomaaliya ay kala shaqayso barnaamijka lagu soo celinayo dadka sharciga aan haysan ee ku dhaqan Finland

Dowladda Soomaaliya oo maanka ku haysa in mar kale suurtagal ay noqon karto in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu c...
29/01/2025

Dowladda Soomaaliya oo maanka ku haysa in mar kale suurtagal ay noqon karto in Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ciidamadiisa kala bixi karo Soomaaliya ayaa kireysatay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC oo xiriir la leh madaxweyneTrump si looga hortago in Trump uu mar kale ciidamada Maraykanka ka soo saaro Soomaaliya safiirka Soomaaliya ee Washington Dahir Xasan Carab ayaa heshiis hal sano ah oo dhan $600,000 la saxiixday shirkadda BGR Group, oo ah shirkad ay aasaaseen saraakiil iyo qareenno Jamhuuriyin ah, heshiiskaan oo dhacay Dhamaadkii bishii November ee sannadkii h**e madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhammaadka muddadii h**e ee xilka Aqalka Cad uu hayay wuxuu ciidamada Mareykanka kala baxay Soomaaliya, laakiin waxaa ciidamadaasi dib ugu celiyay Soomaaliya madaxweynihii ku xigay ee Joe Biden dowladda Soomaaliya ayaa haatan raadinaysa in iyadoo isticmaalaysa shirkaddan ay kireysatay ee BGR uu Maraykanku sii wado taageerada milatari ee Soomaaliya uu siiyo, iyadoo aaminsan in taageeradaasi ay laf dhabar u tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee ka howlgalla Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal iyo duqeymo xoogan oo Xalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Beera yabaal...
28/01/2025

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal iyo duqeymo xoogan oo Xalay ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Beera yabaal iyo Jicibow oo hoostaga degmada Buula burte ee gobolka Hiiraan dagaalka iyo duqeynta Xalay dhacday ayaa aheyd mid daba socotay dagaalo qarar oo Shalay dhowr jeer la isku noqday oo dhexmaray ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo kooxda Al-shabaab duqeynta ayaa la sheegay iney gaareysay ilaa 8 salbo oo jugteeda si weyn looga maqlaayay deegaanada hoostaga magaalooyinka Buula burte iyo Halgan duqeynta ayaa waxaa sidoo kale Xalay barbar socday dagaal aad u culus, kadib kooxda Al-shabaab ay weerar rogaal celis ah kusoo qaaday deegaanadii Shalay dagaalka looga saaray ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dhanka dowladda Fedaraalka oo ku aadan khasaraaha ka dhashay dagaalada iyo duqeymaha, mana jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya khasaaraha ka dhashay dagaalka iyo duqeynta is barbar socday ee Xalay ka dhacay deegaanada Beera yabaal iyo Jiciboow, maadaama isgaarsiinta hawada ka maqan tahay

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u joojinayso dhammaan...
28/01/2025

Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID) ayaa ku dhawaaqday inay si ku-meel-gaar ah u joojinayso dhammaan barnaamijyadeeda taageerada dhaqaale ee caalamiga ah marka laga reebo Israaiil iyo Masar go’aankan ayaa yimid xilli Mareykanka uu Soomaaliya u ballan-qaaday malaayiin doollar oo lagu taageerayo dadaallada horumarinta iyo adkeysiga bulshada Soomaaliyeed bishii Oktoobar 2024, Mareykanka iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis $68.5 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhallinyarad heshiiskan waxaa ka mid ahaa ballan-qaad lagu ballaarinayo barnaamijyada waxbarashada, iyadoo la qorsheynayay in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay ka faa’iideystaan, laguna dayactiro in ka badan 200 oo fasal sidoo kale, bishii Disembar 2024, USAID waxay ku dhawaaqday $29 milyan oo dheeri ah oo loogu talagalay wax ka qabashada cunto yaraanta iyo nafaqo-xumada ka jirta Soomaaliya. Maalgelintan ayaa xoogga saaraysa sugnaanta cuntada iyo xoojinta u adkeysiga bulshooyinka maxalliga ah ee la daalaa-dhacaya saameynta isbedelka cimilada

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriy...
27/01/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo ku saabsan qorshaha ka qeyb galka Ciidamada Masar ee howlgalka AUSSOM Jamhuuriyadda Carabta ee Masar ayaa caddeysay ka go’anaashaheeda taageerada Dowladda Soomaaliya ee la dagaallanka argagixisada dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ogtahay doorka Masar ay ka qaadan karto ciribtirka Khawaarijta, waxayna ka rajaynaysaa inay gacan ka geystaan ​​si lamid ah dalalka kale ee saaxiibka la ah Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay dowladda sarkaal ka tirsan Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta Qaahira ku saxiixay heshiiska bilaabidda qorshaha ugu dambeeya howlgalka

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Xaaji Xasan ayaa jawaabay adag ka bixiya...
27/01/2025

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Soomaaliya Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cali Xaaji Xasan ayaa jawaabay adag ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray uqeybsanaha Xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh ee ciidanka difaaca deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda wasiir Cali Xaaji ayaa ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray Cali Jeyte oo ahaa in cid kasta oo loogu tago deegaanada ay joogaan Shabaab iney ka mid yihiin argagixisada, inuu ahaa hadal aanan masuuliyad ku dheehneen Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo, balsr Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo ay dagaalamaan” ayuu yiri Wasiir Caafimaadka Soomaaliya Cali Xaaji wasiir Caafimaadka ayaa ugu baaqay masuuliyiinta iney iska ilaaliyaan hadalada xanafta leh oo fursadaha siinaya kooxda Al-shabaab, isagoona xusay in qaladkii Cali Jeyte uu saxay Taliyaha NISA Cabdulaalhi Maxamed Cali Sambaloolshe

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ay ajaanibta sharci-darrada ahi ku hayaan a...
26/01/2025

Maamulka Puntland ayaa qaaday tallaabooyin adag oo lagu xakameynayo khatarta ay ajaanibta sharci-darrada ahi ku hayaan amniga Puntland, kaddib markii la ogaaday in ajaanib badan ku biireen kooxda Daacish wasaaradda arrimaha gudaha Puntland oo amarkan soo saartay, ayaa mamnuucday in dadka sharci la'aanta ah ay sii joogaan Puntland, kuwa imaanayana la joojiyo go’aankaan ayaa sidoo kale saameynaya dadka ku shaqaysta dawarsiga, waxaana si buuxda looga mamnuucay inay istaagaan goobaha bulshada sida masaajidda, waddooyinka, iyo xarumaha ganacsiga sidoo kale, Puntland ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta inay joojiyaan furista taleefoonnada dadka aan lahayn aqoonsi rasmi ah iyo dammaanad sugan. Waxaa kaloo la faray inay xiraan akoonnada iyo lambarrada aan sharciga waafaqsanayn ee hadda shaqeeya go’aankan cusub ayaa sidoo kale si adag uga soo horjeestay ganacsiyada yaryar ee ajaanibta, kuwaas oo aan haysan oggolaanshaha maamulka, waxaana la sheegay in si buuxda loo mamnuucay in ay sii shaqeeyaan iyada oo aan la hubin sharciyadooda

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoons...
25/01/2025

Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in Madaxweynaha Maraykanka, Donald J. Trump uu yahay nin ku dhiiran kara in uu aqoonsi siiyo wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Cali Ayaale, ayaa sheegay in Trump ay ka rajaynayaa in uu Somaliland aqoonsado, taasina ay suuragal ka dhigi karto in isbadal fiicani uu gobolka ka dhaco Donald Trump oo run sheeg ah, ku dhac leh ayaa Maraykankii qabsaday, waxaan leenahay ku dhiiro, aan danaha is dhaafsano, aqoonsiga Somaliland ku dhawaaq dunidana isbal ayaa ka dhacaya markaa" ayuu yidhi Wasiirku bilihii u danbeeyay waxa warbaahinta qabsaday in Maraynkanku uu Somaliland u aqoonsan doono dal gaar ah marka uu Trump xukunka yimaado, rajadaas oo ay qabaan shacabka Somliland iyo siyaasiyiin Somaliland taageera oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee hada talada la wareegay inkasta oo aan laga warhayn talaabooyinka uu Trump qaadi doono, hadana waxa jira dadaalo ka socda Golaha Wakiilada Maraykanka oo guddiyo iyo xildhibaano ay ku doonayaan in Washington ay xidhiidh toos ah kula yeelato Hargaysa Ololahan cusub ayaa waxa dabada ka riixaya warwarka uu Maraykanku ka qabo saamaynta sii kordhaysa ee uu Shiinuhu gobolka ku yeelanayo. Shiinaha ayaa hada saaxiib dhow la ah dowlada Soomaaliya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii h**e ee saakay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolk...
25/01/2025

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo aroorninadii h**e ee saakay ka dhacay magaalada Masagawaa ee gobolka Galgaduud, kaasoo u dhexeeyay ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka iyo Al-shabaab dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-shabaab weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ay ku qaaday gudaha magaaladaas, waxaana xigay dagaal toos ah oo halkaasi ku dhexmaray labada dhinac wali si rasmi ah looma oga inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka oo lasoo warinayo inuu ahaa mid aad u xoogana, waxaana wararka hordhaca ah ee soo baxaya ay sheegayaan iney jiraan dhimasho iyo dhaawac ka dhashay dagaalkaas iyo qaraxa ka h**eeyay dowladda Fedaraalka ayaa qoraal kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada is kaashanaya ay fashilyeen weerar gaadmo ahaa oo kooxda Al-shabaab ku qaaday Masagawaa

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay ...
23/01/2025

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Abdel Fattah El-Sisi labada Madaxweyne ayaa ka wadahadli doona dardargelinta dadaallada wadajirka ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga iyo nabadda ee gobolka labada Madaxweyne ayaa sidoo kale ku nuux-nuux saday baahida loo qabo horumarinta xiriirka dhaqaalaha iyo sare u qaadida heerka ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo labada dowladood ay mudnaanta siinayaan kor u qaadista fursadaha iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarinta

Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda D...
22/01/2025

Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee Puntland waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kooxda Daacish, mid kamid ah dagaaladii ugu coslaa ayaa maanta dhacay, waxayna ciidamada Puntland kooxda ka xoreeyeen dhul badan deegaan lagu magacaabo Tasjiic oo ku yaalla buuraha Calmiskaad ayuu dagaalkaasi ka dhacay, sida afhayeenka howlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland Maxamuud Maxamed Axmed uu ku sheegay wareysi uu siiyey BBC Afhayeenka ayaa sheegay in Daacish badan ay ku dileen dagaalka dhul badana ay ka xoreeyeen, sidoo kale wuxuu qiray in ciidamada Puntland uu khasaare ka soo gaaray dagaalka Lix kamid ah ciidamada Puntland dhintay waxaa la kacday Miino ay Daacish la beegsatay gaari ay la socdeen

Mogadishu, Somalia
21/01/2025

Mogadishu, Somalia

Address

Mogadisho

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when ٍSomalia Network posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share