Codka Shacabka Jubbaland

Codka Shacabka Jubbaland It is the voice of voiceless people in Jubbaland.

17/01/2023

Maxaa Dowlada goboleedka Jubbaland ka hortaagan inaay iska xoreeyaan cadawga umadda Soomaaliyeed ee UGUS?
Iyaada oo dalka oo dhan laga bilaabay dabargoynta cadawga.

Jawaabaha kusoo qora comments ka hala tuso sida dadka reer Jubbaland diyaar ugu yihiin inaay cadawga iska xoreeyaan.

24/12/2022

Halala xisaabtamo dadka xaaraanta ku naaxay.
Waan in arinkaas R. Xamse lagu taageero.

06/05/2022
06/05/2022

ISBEDDEL DOONKA SOCDA ee uu Hoggaaminayo Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo wuxuu dalka u horseeday adkaynta hay’adaha Dawladda, xoojinta amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, taabbogelinta siyaasadaha arrimaha dibadda iyo gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada iyo adeegyada dadweynaha. 4-ta sano ee soo socota ISBEDDEL DOONKA SOCDA wuxuu dalka gaarsiinayaa horumar ballaaran oo dalka oo dhan ka hirgala.

12/04/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aaddan sannad guurada 62-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed u diray qeybaha ciidammada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

12/04/2022
12/04/2022
08/04/2022
07/04/2022
02/04/2022

WAR-SAXAAFADEED:

Beledweyne: 02, Apriil, 2022: Dowladda Hirshabeelle waxa ay u gudbisay Gudiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federaal ee ( FEIT) Xildhibaanada lagu soo doortay labada deegaan doorasho ee Hirshabeelle oo tiradooda guud ay ahayd 28 Mudane oo Golaha Shacabka iyo 8 Mudane oo Aqalka Sare ah.

Gudoomiyaha FEIT wuxuu shaaciyay tirada xildhibaanada cusub ee lasoo doortay, waxaana laga reebay kursiga tirsigiisu yahay HOP086 oo Kamid ahaa kuraastii Golaha shacabka uu soo gudbiyay gudiga doorashada SEIT ee Hirshabeelle.

Kursiga HOP086 wuxuu soo maray dhamaan habraacyadii loogu talagalay doorashooyinka , mana jirin wax dacwo ah oo nooga timid beesha leh kursiga ama murashaxiintii ku tartantay.

Sidaas darteed, maadaama Guddoomiyaha Gudiga uu ku kacay talaabooyin aan waafaqsanayn heshiisyadii iyo habraacyadii doorashada, waxay Guddiga SEIT ee Hirshabeelle si toos ah ugu gudbinayaan liiska rasmiga Xoghayeyaasha Labada Aqalka ee Barlamaanka Federaalka.

Ugu dambeyntii, waxaan uga digeynaa gudiga FEIT in aan la siyaasadeyn habsami usocodka doorashooyinka dalka, lana dhowro heshiisyadii Golaha wadatashiga qaran, si looga fogaadaa wax kasto oo dib u dhac u keeni kara Doorashooyinka guud ee dalka.

DHAMMAAD

26/03/2022
Wadada beenta waay gaabantahay wakaas ninki petrolka soomaaliya saxiixayna la fashilay.
19/02/2022

Wadada beenta waay gaabantahay wakaas ninki petrolka soomaaliya saxiixayna la fashilay.

WARSAXAAFADEED: Burin Heshiiska Xirmooyinka Shiidaalka ee uu galay Wasiirka Batroolka

Muqdisho, 19ka Febraayo 2022: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka waxay caddeynaysaa in heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta uusan wax wadatashi ah kala yeelanin Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Iyadoo la tixraacayo wareegtadii uu Madaxweynuhu soo saaray 7dii August 2021 taasoo lagu joojiyay inaan la gali karin wax heshiisyo ah xilligan lagu jiro doorashooyinka, waxaan halkan ka caddeynaynaa inuusan dhaqan gal ahayn heshiiska uu haatan soo saxiisay Wasiirka Batroolka.

Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xasaasiga ah in hantida dadweynaha looga faa’iideysto si aan u adeegaynin danta guud, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;

Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

E-mail: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

19/02/2022
19/01/2022
Waxa aan  kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Sw...
16/01/2022

Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan.

Waxa aan ka wadahadalnay arrimo ku saabsan horumarinta dhaqaala dalka, isbedellada Maaliyadeed ee socda iyo dhaqaalaha ku baxaya Doorashooyinka dalka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa uu muhiim u yahay Barnaamijka deyn_Cafinta iyo dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda Soomaaliya".
Wasiir bayle
jubaland

Qarax ismiidamin oo lala eegtay kolanya uu watay gudomiya kuxiigeenka ahna kudomiyaha amniga gobolka banadir Ali yare Al...
12/01/2022

Qarax ismiidamin oo lala eegtay kolanya uu watay gudomiya kuxiigeenka ahna kudomiyaha amniga gobolka banadir Ali yare Ali

10/01/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN XAALADDA GUUD EE DALKA IYO DOORASHOOYINKA

Muqdisho, Jannaayo 10, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Cabdirashiid Maxamed Xaashi,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/
Twitter:

10/01/2022

Shacabka Soomaaliyeed ee sharafta leh meel walba oo aad joogtaan

Assalaamu Calaykum Waraxmatullaahi Wabarakaatuh,

Midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed waxa ay fure u yihiin jiritaankeenna iyo awooddeena Qarannimo. Taasi waxaa doorka ugu weyn ku leh dhallinyaradeenna oo ah aqlabiyadda ummadda Soomaaliyeed.

Baraaruga dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhanka horumarka iyo dowladnimada waa midka nagu dhiirri-geliyey in aan ku aaminno hoggaaminta Hay’adaha kala duwan ee dowladda, iyo in ay kaalin mug leh ku yeeshaan dowlad dhisidda, nabadeynta iyo ilaalinta danta guud.

Waxaan idin ku boorrinayaa in aad dadaalkiinna sii joogteeysaan, kana fogaataan wax kasta oo caqabad ku noqon kara hiigsiga shacabka Soomaaliyeed iyo mustaqbalka dalkeenna, marxaladdan xasaasiga ahna aan uga gudubno midnimo, wadatashi iyo wax wada-qabsi.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN XAALADDA GUUD EE DALKA IYO DOORASHOOYINKAMuqd...
10/01/2022

MADAXWEYNE FARMAAJO OO SHACABKA SOOMAALIYEED U JEEDIYEY KHUDBAD KU SAABSAN XAALADDA GUUD EE DALKA IYO DOORASHOOYINKA

Muqdisho, Jannaayo 10, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

“Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka.”

Madaxweynaha ayaa ka war-bixiyey hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka.

“Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirii

"Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana kala qeybsamo, dhammaanteen waxaa masuuliyad n...
10/01/2022

"Soomaaliya maanta ma joogto xilli la is riixriixo, la is colaadiyo, lana kala qeybsamo, dhammaanteen waxaa masuuliyad naga saaran tahay inaan dhawrno sharafta iyo dowladnimada dalkeenna"

MADAXWEYNE FARMAAJO.

10/01/2022

Khudbadii madaxweeyne farmajo

10/01/2022

Caawa 11:45 pm khudbada madaxweynaha ha,isku amban ee waqtigan iska sug si xaalka dalka ula socotid

Taliyaasha Ciidamadda Qalabka Sida ayaa Kulan looga hadlaayey Amniga Dalka ku yeeshay Xafiiska Taliyaha CXDS Ee  Xarunta...
10/01/2022

Taliyaasha Ciidamadda Qalabka Sida ayaa Kulan looga hadlaayey Amniga Dalka ku yeeshay Xafiiska Taliyaha CXDS Ee Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga XFS iyada oo aan shirka lagu casuumin wasiiradda amniga iyo Gaashaandhiga Xukumadda.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa La-taliyaha Amniga Rayidka, Dimuqraadiyadda, iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda ...
10/01/2022

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa La-taliyaha Amniga Rayidka, Dimuqraadiyadda, iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka u magacaabay Xamse Warfaa oo ah Soomaali.

Caawa waxaa shacabka soomaliyeed khudba ujeedin doonaa Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka somalia mudane Mohamed Abdul...
10/01/2022

Caawa waxaa shacabka soomaliyeed khudba ujeedin doonaa Madaxweeynaha Jamhuuriyada federalka somalia mudane Mohamed Abdullahi Farmajo makamid tahay dadka sugaya

10/01/2022

Guulihii aay ka gaareen ciidanka xooga falka somaliyeed dagaalada nabad diidka

Sidee u aragtaa amarka Farmaajo dul dhigay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee ah in aan Khasanada Dawladda laga saari karin l...
07/01/2022

Sidee u aragtaa amarka Farmaajo dul dhigay Guddoomiyaha Bangiga dhexe ee ah in aan Khasanada Dawladda laga saari karin lacagtii Garoonka Aadan Cadde 2018-kii lagaga qabtay Dawladda Imaaraadka..?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku fara...
07/01/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku faray Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda in aan sifo sharci darro ah looga saari karin Khasnadda Dowladda lacagta sida sharci darrada ah lagu soo geliyey dalka ee Hay'adaha Ammaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ku qabteen Garoonka Aadan Cadde 8-dii Bisha Abriil ee sanadkii 2018 kii.
Madaxtooyada jfs
Hormuudka jubaland

07/01/2022

Waxaan ka xumahay in Maxamed Xuseen Rooble uu maalin Jimce ah Garoonka Aden Abdulle u yimaado sidii uu u hor istaago in laamaha amnigu baaritaan ku sameeyaan Kartoomo amnigu ka shakiyeen oo UAE ka yimid waa arrin bulshada u caddeeneysa sida Maxamed Roble ahmiyadda u siinayo dhanka tacabka aduunyo iyo sida uu
mashquul ugu yahay kala furfuridda amniga dalka iyo dib-u-abaabulka qabyaaladda.
xigasho yare Cali
Hormuudka jubaland

Degdeg lataliyaha amniga qaranka madaxweeyne Farmajo mudane Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa la filayaa inuu kudhawaaqo mur...
02/01/2022

Degdeg lataliyaha amniga qaranka madaxweeyne Farmajo mudane Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa la filayaa inuu kudhawaaqo murashaxnimadiisa xildhibaan nimo ee kursiga tiigsiguusu yahay ee beeshiisa reer aw Mahdi.

All the politicians, who are creating chaos in Somalia has foreign passports and their children are learning in foreign ...
01/01/2022

All the politicians, who are creating chaos in Somalia has foreign passports and their children are learning in foreign countries.
So, why are they doing this disgusting actions ❓
It's also wonderful, that no one has Sense of humanity and each of them claim that he has degrees, masters and PHD so, where does that knowledge goes?
Our people has to think more about the future of this country.

01/01/2022
Gudiga wax maay dhacayaan mise wax baay baarayaan ?Hadii ninki wax lagu tuhmaayay uu wax baaraayo oo uu leeyayahay maxaa...
01/01/2022

Gudiga wax maay dhacayaan mise wax baay baarayaan ?
Hadii ninki wax lagu tuhmaayay uu wax baaraayo oo uu leeyayahay maxaa aniga la ifashiliyay ? Kadibna uu rabo in uu isku madadaaliyo gudiga uu isaga gacantiisa kusoo qortay uu rabo inaay warkiisa asaga gacantiisa kusoo qortay u aqriyaan.
Walahi ninkan dadka wuu u gabaday ileen dhul boobka iyo xoolaha dadkwaynaha ayuu rabaa in uu Sii caadeysto.

Iyada oo la fulinayo Go’aankii Golaha Wasiirrada, Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddi ka kooban Shan Wasiir kuwaas oo baaris rasmi ah ku samayn doona dhacdadii 27 December la isku dayay in la afgambiyo Xafiisyada Ra’iisulwasaaraha iyo Xukuumadda

Wasiiradaan ayaa kala ah.

1- Cabdulqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga—Guddoomiye.

2- Cabdullaahi Maxed Nuur Wasiirka Amniga Gudaha.

3- Cabdullaahi Abuukar Xaaji - Wasiirka Waxbarashada.

4- Gen Bashiir Maxamed Jaamac, Wasiirudowlaha Hawlaha Guud.

5- Cabdixakiim Xasan Ashkir, Wasiirudowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray Xubnaha Guddigaan in ay baaristooda ku soo gabagabeeyaan muddo todobaad ah.

31/12/2021

Jumca wanaagsan dhamaan umada soomaaliyeed

30/12/2021

Erayga afgambi ayaa si qaldan loo isticmaalayaa si danahooda khaaska ah ugu fushadaan bal soomaaliyeey waligiin ma maqasheen , ama ma aragteen madaxweyne wadanka uu madaxweynaha ka yahay afgambiyay?
Dadka xigmada leh ayaan u daaynayaa.
jubaland

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka Shacabka Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share