Kismayo Post

Kismayo Post Wararka iyo waxyabaha ka dhaco dunida kala soco Kismayo Post.

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa Qoraal Kasoo Baxay Ku Cadeysay Sababta ay u Amartay in Ciidamada NISA Ay ka Baxaan Garo...
02/01/2022

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa Qoraal Kasoo Baxay Ku Cadeysay Sababta ay u Amartay in Ciidamada NISA Ay ka Baxaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade, wasaarada Ayaa ku sababeysay tilaabadaas iney ahayd mid lagu xaqiijinayo Badbaadada Dadka Garoonka Kasoo Dagayo.

Wasaarada Amniga ayaa sidoo kale ku eedeysay qaar kamid ah dharcada Garoonka in ay qorsheeyeen Xirista Siyaasiyiin iyadoon wada sharci ah loo Marin.

Qoraalkaan ayaa Sidoo kale lagu yiri waxa uu quseeya kaliya Dharcadka Gudaha garoonka ka hawlgala balse uusan ku quseyn kuna socon Ciidamada NISA ee baraha Koontarool Ku sugan sida Barta Koontrool Ee KM 4.

31/12/2021

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Muqdisho kula kulmay madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam iyagoo ka wada hadlay qabanqaabada shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dardargelinta doorashooyinka dalka oo ka furmaya Muqdisho.

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen R...
31/12/2021

Waxa socda diyaar-garowga furitaanka shirka Gollaha Wadatashiga Qaran ee uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Muqdisho ka furmo maalmaha dhow ee innagu soo aaddan.

Shirka ayaa waxa lagaga hadli doono dardargalinta doorashooyinka iyo dhameystirkooda.

Waxa magaalada Muqdisho ku sugan Madaxweynyaasha Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle,Galmudug ,Puntland iyo Jubbaland. Madaxweynaha Koofur Galbeed ayaa la filayaa in isaguna uu soo gaaro Muqdisho.

30/12/2021

SOME AFRICAN COUNTRIES AND THEIR SLOGANS 🌍

1. South Africa – Rainbow Nation 🇿🇦

2. Rwanda – Land of a Thousand Hills🇷🇼

3. Madagascar – The Red Island 🇲🇬

4. Lesotho – The Kingdom In the Sky 🇱🇸

5. Egypt – The Gift of the Nile 🇪🇬

6. Burkina Faso – Land of the Upright Men🇧🇫

7. Ghana- The gateway to Africa / Stars of africa 🇬🇭

8. Nigeria- The Giant of Africa 🇳🇬

9. Namibia- Land of the Brave 🇳🇦

10. Uganda- The Pearl of Africa 🇺🇬

11. Malawi- The Warm heart of Africa 🇲🇼

12. Zambia- The real Africa 🇿🇲

13. Kenya - the pride of Africa 🇰🇪

14. Tanzania - Brain of Africa (Bongo) 🇹🇿

15. Gambia- the smiling coast of Africa 🇬🇲

16. Ethiopia- the land of origin 🇪🇹

17. Burkina faso - the land of upright men

18. Morroco -the land of colours 🇲🇦

19. Mauritius- the continental island 🇲🇺

20. Comoros- the perfum island 🇰🇲

21. Sierra leone - salon🇸🇱

22. Chad- the dead heart of Africa 🇹🇩

23. Mali- the eyes of africa

24. Djibouti - the pearl of the gulf of tadjiboura 🇩🇯

25. Cabo verde - llha do

26. Sao tome and Principe- the chocolate island

27. Cameroun- the hinge of Africa 🇨🇲

28. Seychelles - the land of perpetual summer 🇸🇨

30. Gabon - Le bled 🇬🇦

31. Somali - the horn of Africa 🇸🇴

32. Botswana - Peaceful nation 🇧🇼.

Let us know the slogans of the other African countries we may have missed in the comments section! Let's learn together!!

Waxa kaliya oo ay ahayd hubanti keenay in ay joogsato colaada 1953-kii -- laakiin marnaba ma dhicin heshiis lagu soo afj...
30/12/2021

Waxa kaliya oo ay ahayd hubanti keenay in ay joogsato colaada 1953-kii -- laakiin marnaba ma dhicin heshiis lagu soo afjarayo khilaafka u dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed iyo xulafadeeda, gaar ahaan Maraykanka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo lagu cambaareeyay isku daygii Afgamb...
30/12/2021

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wasiirrada oo lagu cambaareeyay isku daygii Afgambi ee Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha iyo Xarunta Golaha Wasiirradda, laguna taageeray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsan doorashooyinka, iyadoo lagu ansixiyay xisaabxirka miisaaniyaddii 2020.

Golaha ayaa sidoo kale ka mahad celiyay taageerada Shacabka Soomaaliyeed iyo Beesha caalamka ee Xukuumadda iyo hoggaaminta Ra’iisul Wasaaraha ee arrimaha doorashooyinka.

Kismayo Post

  Dagaalka kasocda caawa Baladweyn ayaa Hada umuuqda mid Jogsaday inkastoo Xabad Goos Goos Ah wali Dhaxeeysa.Hadad balad...
30/12/2021


Dagaalka kasocda caawa Baladweyn ayaa Hada umuuqda mid Jogsaday inkastoo Xabad Goos Goos Ah wali Dhaxeeysa.

Hadad baladweyn jogtid Comantiga nogu waran

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Ma...
30/12/2021

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka, Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo dad weyne kala duwan.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgalaya shirka madasha wadatashiga arimaha doorashooyinka ee uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen rooble

30/12/2021

Fahfaahin: Dagaalka ka socdo caawa magaalada Beledweyn ayaa u dhaxeeya maamulka gobolka Hiiraan iyo sarkaal magaciisa la noogu sheegay Nuur Dheere.

Dagaalka oo sii xoogeystay ayaa ka socdo xaafadda Kooshin, waxeyna labada dhinac isku adeegsanayaan hub culus.

Khasaaraha illaa hadda la ogyahay waa dhaawaca 7 qof iyo dhimashada 1 qof, waxaana aagga uu dagaalka ka socdo ka billaawday barakac.

Abdiaziz hilliye
Kismayo Post

Hay'ada Sirdoonka Qaranka NISA ayaa uga Digtay Ciidamadeeda in aysan Ku Milmin Siyaasada.
30/12/2021

Hay'ada Sirdoonka Qaranka NISA ayaa uga Digtay Ciidamadeeda in aysan Ku Milmin Siyaasada.

30/12/2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda.

Kismayo Post
.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda.h...
29/12/2021

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda.

https://youtu.be/7Txwfslw38Y

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka uga digay inay ku milmaan arrimaha Siyaasadda.

27/12/2021
Dubai oo hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya muddo 48 saacadoodDowladda isu tagga imaaraatka carabta ay...
20/12/2021

Dubai oo hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya muddo 48 saacadood

Dowladda isu tagga imaaraatka carabta ayaa hakisay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya iyo kuwa taraansitka ah.
Maamulka duulimaadyada Dubai ee DCAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in duulimaadyada ka imaanaya Kenya ay hakad ku jiri doonaan muddo 48 saacaadood laga bilaabo maanta.
Waxaa bayaanka qayb ka ah in macaamiisha ku safro duullimaadyada Emirates aysan soo safri karin wakhtiga uu hakadka jiro.
Waxaa uu intaa ku daray in tallaabadaan aysan saameyn ku yeelan doonin duulimaadyada ka imaanaya magaalada Dubai ee soo caga dhiganaya gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Maamulka duulimaadyada Dubai ayaa u soo jeediyay dadka ay saamayneysa tallabadaan, aan looga baahneen inay si degdeg ah u wacaan shirkadaha diyaaradaha ay tigidyada ka goosteen.
Waxaa lagula taliayay inay xajistaan tigidhada islamarkaana duulimaadkooda loo fasixi doono marka hakad la qaado.
Sidoo kale waxaa ilaa iyo hadda aan faahfaahin laga bixin sababto uu maamulka duulimaadyada Dubai ee DCAA uu hakad u geliyay dhammaan duulimaadyadii ka imaan jiray Kenya iyo kuwa taraansitka ah.

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo hambalyo ku aaddan 78 sano guurada aas-aaska Boliiska la wadaagay Bulshada.Ki...
20/12/2021

Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo hambalyo ku aaddan 78 sano guurada aas-aaska Boliiska la wadaagay Bulshada.

Kismayo Post

Khasaaro ka dhashay roobabkii ka da’ay xeryaha qaxootiga ee Dadaab----------------------------------------------Waxaa xe...
20/12/2021

Khasaaro ka dhashay roobabkii ka da’ay xeryaha qaxootiga ee Dadaab
----------------------------------------------

Waxaa xeryaha qaxootiga ee Dadaab ee ismaamulka Garissa maalmahan ka da’ay roobab xooggan oo aad loogu diirsaday inkastoo raxmadda Alle baahi badan loo qabay, kuleel badan iyo abaar darana la soo maray ayaa hadda waxaa jira khasaaro ka dhashay roobabkii xeryahaasi ka da’ay.
Ceel biyood ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa waxaa ku dhintay wiil yar ka dib markii sida la sheegay uu ku dhacay goob biyo ay fadhiyeen oo war ah.
Wiilkan ayaa wartaasi u tagay si uu ugu soo dabaasho taas oo keentay inuu ku nafwaayay.
Raadin dheer ka dib waxaa suurtagashay in la helo meydkiisa.
Warta ku taalla xerada qaxootiga ee Xagardheer ayaa sanadkasta xilli robaadka waxaa ku dhinta ugu yaraan hal qof.
Waxaa ayna ku taalla meel aan sidaas uga fogeyn suuqa xerada qaxootiga ee Xeradaasi.
Dhanka kale xerada qaxootiga ee IFO waxaa ay koranto ku dhishay gabar yar oo ka mid ahayd qaxootiga xeradaasi ka dib markii ay koranto biyo ku dhex jirtay ay qabsatay.
Korantada qaxootiga laga isticmaalo oo ah matooro yar yar ayaa xilli robaadka waxaa la arkayaa inay disho dadka iyo duunyadaba.

Kismayo Post

Gabadh Soomaaliyed oo lagu magacaabo Cadar Yuusuf ayaa noqotay Miss University Afrika ee 2021. Waxaa ay ku guuleysatay 5...
20/12/2021

Gabadh Soomaaliyed oo lagu magacaabo Cadar Yuusuf ayaa noqotay Miss University Afrika ee 2021.
Waxaa ay ku guuleysatay 50 kun oo doolar oo u dhiganta 5 milyan oo shilinka Kenya.
Waxay noqotay gabadha ugu quruxda badan dhammaan gabdhaha ee Afrika oo dhan.
Waa markii ugu horreysay taariikhda Miss University Afrika ay noqoto gabadh xijaaban haddana Soomali ah.
54 dal oo Afrikaan ah ayay kaalinta 1-aad u gashay, Cadar Yuusuf.
Miss University Africa

Kismayo Post

Saameynta amni darrada oo laga dareemayo MarsabitWararka naga soo gaaraya magaalada Marsabit ee dalka kenya ayaa sheegay...
20/12/2021

Saameynta amni darrada oo laga dareemayo Marsabit

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marsabit ee dalka kenya ayaa sheegaya inay xiran yihiin goobaha ganacsiga iyadoo isku socod badan uunan jirin.
Waxaa halkaasi lagu arkaya ciidamo badan oo ah kuwa ammaanka oo la howlgeliyay ka dib markii ay dowlad deegaankaasi ku kordheen falalka dhaca xoolaha.
Maalin ka hor ayay ahayd markii labo weerar oo ay gaysatay koox burcad ah lagu dilay ilaa 13 qof.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saddex qof oo kale ay dhaawacyo soo gaareen.
Taliyaha ciidamada booliska ee Marsabit Robinson Mboloi ayaa dhacdooyinkan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in weerarka koowaad abaare 5-tii aroornimo ee maalinkii Sabtida lagu bartilmaameedsaday qoys deggan aagga Jaldesa.
Burcadda ayaa halkaasi kala baxsaday 1,000 neef oo lo’ ah iyo 300 oo ari ah.
Mboloi ayaa intaasi ku daray in ciidamada booliska ay falcelin degdeg ah sameeyeen oo ayna ku raad joogaan burcadda oo dhaca ka dib goobta iskaga cararay.
Taliyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in dhammaan xoolihii la dhacay dib loo soo helay.
Weerarka labaad ayay koox burcad ah ku qaadday qoys deggan xaafadda Kubi Qallo halkaasi oo laga dhacay 800 oo lo’a ah iyo 1,500 oo ari ah.
Mr. Robinson Mboloi ayaa xusay in laamaha ammaanka ay billaabeen howlgal ballaaran oo lagu raadinaya shakhsiyaadka ku lugta leh dhaca xoolaha iyo falalka kale ee amni darro.

Kismayo Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA RUWAANDAIstanbuul, Diseembar 18, 2021: Madaxweynaha Jamhuu...
18/12/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHIGGIISA DALKA RUWAANDA

Istanbuul, Diseembar 18, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan-doceed la qaatay Dhiggiisa dalka Ruwaanda Mudane Paul Kagame oo ay ka wada qayb galeen Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyada amniga, ganacsiga, maalgashiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda, iyada oo ay Madaxweyneyaashu isku raaceen Xoojinta Iskaashiga iyo horumarinta wax wadaqabsi ka tarjumaya danaha iyo yoolasha labada Qaran ee Soomaaliya iyo Ruwaanda.

Kismayo Post

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKAIstanbuul, Diseembar 18, 2021; Madax...
18/12/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KHUDBAD KA JEEDIYEY SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA

Istanbuul, Diseembar 18, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeediyay Shirweynaha Saddexaad ee Iskaashiga Turkiga iyo Afrika ayaa soo bandhigay fursadaha iskaashi iyo maalgashi ee ka jira guud ahaan Qaaradda Afrika, gaar ahaanna Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu leeyahay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga ka dhexeeya Turkiga iyo dalalka Afrika, isaga oo tilmaamay in Shirweynahani uu faa'iido istiraatijiyadeed u leeyahay wax wada-qabsiga iyo xiriirka Labada dhinac.

"Soomaaliya waxay ku kalsoon tahay in 5-ta qodob ee istiraatiijiyadeed ee iskaashiga ah ee hoosta lagaga xarriiqay Shirweynahan, ay dhammaanteen inoo horseedi doonaan jewi nabad, caddaalad, xasillooni iyo barwaaqo ah, sidoo kale ay keenayaan fursado aynu u simannahay dhammaanteen."

Madaxweynaha oo ka warbixiyey xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga, mashaariicdii iskaashi iyo maalgashi ee labo geesoodka ah, mugga ganacsi iyo isdhexgalka bulsho ee Labada Dowladood, ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan Wax wada-qabsi, is-ixtiraam, isfaham iyo faa'iido labo dhinacle ah.

"Dowladda Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah oo dhan walba ah. Waxa aannu ka markhaati kacaynaa waxtarka uu noo leeyahay iskaashiga dhabta ah ee aannu la leenahay Turkiga, kaas oo tusaale ay ku dayan karaan u ah walaalahayaga Afrikaanka ah."

Madaxweynaha oo ka warramay horumarrada ballaaran ee dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dhinacyada amniga, maalgashiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska hay'adaha dowladda iyo adeegyada bulshada, ayaa ugu baaqay Madaxda kasoo qeyb gashay Shirkan iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah inay ka faa'iidaystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga mahadceliyey dhiggiisa dalka Turkiga Mudane Reccep Dayyip Erdogan, Xukuumadda iyo guud ahaan shacabka dalkaas garab istaagga iyo taageerada ay mar walba u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isaga oo hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay soo dhaweynayso qodobbada wax-ku oolka ah ee kasoo baxay Shirkan.

Kismayo Post

WAR-MURTIYEED.Kismaayo, 17, Diseembar, 2021.Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laf...
17/12/2021

WAR-MURTIYEED.

Kismaayo, 17, Diseembar, 2021.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-
gareen) ayaa booqasho rasmi ah oo qaadatey muddo laba maalmood ku yimid Magaalada
Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowladda Jubaland.

Shirar iyo wadatashiyo ay yeesheen
Madaxweynaha Dowladda KG yo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed
Maxamed Islaan ayaa lagaga hadlay iskaashiga labada Dowladood iyo xaalada guud ee Dalka.

Shirarkaan ayaa waxaa si qoto-dheer loogu falanqeeyey Abaaraha, Aminiga, Horumarinta
Dhaqaalaha, Ganacsiga, Isdhexgalka Bulshada, Xoojinta Hannaanka Federaal-ka iyo dardar-
galinta Doorashooyinka.

Hadaba falanqeyn yo wadtashiyo dheer kaddib, waxay Madaxda labada Dowladdood isla
qaateen qodabadan hoos ku xusan.

1.) Abaaraha:

waxay Madaxdu walaac ka muujiyeen Abaaraha baahsan ee saameeyey guud
ahaan Dalka, gaar ahaan Shacabka labada Dowladdood iyagoo ku baaqey in gurmad
degdeg ah o bani'aadanimo lala soo gaaro Shacabka ay Abaartu saameeysey. iyadoo ay
ka mahadceliyeen dadaalada had socda.

2.) Amiga:

In la iska kaashado guud ahaan amniga iyo xasiloonida, la dagaalanka
argagixisada yo isweydaarsiga ogaha amniga.

3. Horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga yo Isdhexgalka Bulshada:

Iyadoo la tixgelinayo xiriirka dhagan iyo kan dhaqaale ee ka dhexeeya labada Shacab
wax ay Madaxdu isla qaateen in la dhiirigaliyo lana xoojiyo ganacsiga labada
Dowladood, sidoo kalena la iska kaashado horumarinta wax soo saarka sida Beeraha,
Xoolaha yo Kaluumeysiga.

4. Xoojinta Hannaanka Federaal-ka

Madaxdu wax ay isla qaateen in ay kawada shaqeeyaan horumarinta iyo taabagelinta
hannanka federaal-ka iyagoo kala kaashan doono Dowladdaha kale ee Xubinta ka ah
Dowladda Federaalka & DFS.

5. Doorashooyinka:

Madaxdu waxay isla garwaaqsadeen in gabsoomidda, dardargelinta iyo dhameystirka doorasho daahfuran ay xal u tahay horumarka iyo
badbaadada dalka.

DHAMMAAAD.

SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA OO MAALINTII KOOWAAD OO HEER WASIIRRO AH KA FURMAY MAGAALADA ISTANBUULIstanbuu...
17/12/2021

SHIRWEYNAHA ISKAASHIGA TURKIGA IYO AFRIKA OO MAALINTII KOOWAAD OO HEER WASIIRRO AH KA FURMAY MAGAALADA ISTANBUUL

Istanbuul, Diseembar 17, 2021; Meertada Saddexaad ee Shirweynaha Madasha Iskaashiga Turkiga iyo dalalka Afrika ayaa maanta ka furmay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga, isaga oo shirku maanta ku furmay jewi heer wasiirro ah ee Turkiga iyo dalalka Afrika.

Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirrada Wasaaradaha, Arrinaha Dibadda Mudane Cabdisaciid Muuse Cali, Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid iyo Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Cabdullaahi Abokor Xaaji, iyada oo lagu lafo-guray iskaashiga iyo xiriirka Turkiga iyo Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, waxbarashada, caafimaadka, warshadaha, ganacsiga, wax soosaarka beeraha, horumarinta arrimaha Bulshada iyo amniga.

Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madasha la wadaagay mawqifka Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka xiriirka iyo iskaashiga Turkiga iyo Afrika, iyaga oo soo bandhigay fursadaha maalgashiga, beeraha, ganacsiga, waxbarashada iyo warshadaha ee ka jira dalkeenna, iyo qorshaha lagu horumarin karo xiriirka miro-dhalka ah ee ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay udub dhexaad u tahay buundada isku xirta xiriirka waxtarka leh ee ka dhexeeya Turkiga iyo Wadammadda Afrika, waxaana fursadeheeda soojiidashada maalgashadeyaasha kor u qaadaya bardhaca juquraafiyadeed ee ay ku taallo, soo kabashada dhaqaale iyo amni ee dalkeenna, iyo khayraadka dihin ee ceegaaga badaha iyo berriga Soomaaliya.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tukiga gaarayMadaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliso Marwada Koowa...
17/12/2021

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tukiga gaaray

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo ay wehliso Marwada Koowaad ee dalkaasi Saynab Cabdi Macalin iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa halkaas soo dhoweyn heer sare ah ugu sameeyey Mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Turkiga iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya wadankaasi Danjire Jaamac Caydiid.
Mr. Farmaajo ayaa Magaalada Istanbuul kaga qayb galaya meertada saddeexaad ee Shirweynaha Iskaashiga Turkiga iyo Afrika, isagoo inta uu halkaas ku sugan yahay kulamo la qaadan doona madax Kala duwan ee ka qayb galaysa Shirweynaha.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ayaa halkaas ku soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee mustaqbalka iskaashiga Labada dhinac, fursadaha maalgashi, ganacsi, diblomaasiyada, xoojinta amniga iyo Xiriirka miro-dhalka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhexeeya.

Kismayo Post

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Garoowe ku casuumay arday reer Jubbaland ah oo dha...
17/12/2021

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay madaxtooyada Garoowe ku casuumay arday reer Jubbaland ah oo dhawaan ka qalinjebiyey jaamacadda Puntland State oo ay deeq waxbarasho uga barteen cilmiga Qaynuunka.

Address


Telephone

+25261374460

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kismayo Post posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kismayo Post:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share