Kasmaal Bookshop

Kasmaal Bookshop KASMAAL BOOKSHOP waxaad ka helaysaa buugaag iyo kutub wax-akhriseed PDF ama HARD labadaba. Mahadsanid

  oo sahlaysa inay kugu dhacaan xanuunada beerka;Beerka aadamuhu waa xubin aad u cajiib badan ,maalin walba waxa uu same...
20/06/2022

oo sahlaysa inay kugu dhacaan xanuunada beerka;

Beerka aadamuhu waa xubin aad u cajiib badan ,maalin walba waxa uu sameeyaa maadada bile waxa inaga caawisaa burburinta cuntada ,iskubedelka nafaqooyinka ,saaridda sunta ,beerku waxa kale uu inaga caawiyah in daawooyinka laga qashin saaro sidoo kale uu ka dhigo daawo aan waxyeelo lahayn.

Maaha in aad qarisid calaamadaha la xidhiidha in beerku uu wax qabo sida ,huruud indhaha iyo jidhka ah,kaar iyo barar naaska hoostiisa ah qaybta midig hadaa calaamadahan aad isku aragtid in aad si degdeg ah aad ugu sheegtid dhakhtarkaaga .

5 qodob oo sababi kara in beerku uu ku bukoodo waxa ka mid ah :-

1) SUNTALAGU BUUFIYO KHUDAARTA .
Beerku waxa uu masuul ka yahay in sunta cuntada la socota laga nadiifiyo , cuntooyinka iyo khudaarta badanaa waxa lagu buufiyaa sun ka hortagta cayayaanka si ayna dhib ugu gaysan cuntadaas .

saamayn baaxad weyn ayaa ay u gaysataa suntaasi beerka waxa ay ka dhigta marka ay ku ururto mid saamayn anuu kasoo kaban kaga tagta taasna ay hoos ugu dhigayso shaqadiisii.

waxa muhiim ah marka aad khudaar isticmaalaysid in aad iskaga nadiifisid.

2) DAWOOYINKA.
Daawooyinku waxa ay iskugu jiraan laba nooc daawo la sameeyey iyo daawo dhaqameed(dhir).

daawooyinka laseemeyey ee kiimikooyinka la iskudarday ah beerka saamayn aad u weyn ayey ku leeyihiin waxa ka mid ah daawooyinka bakteryada lagula tacaalo ,daawooyinka macaanka iyo daawooyinka kansarka waxa ay kiciyaan hoormoonada beerku uu soo daayo muddo kadib waxa ay keeni karaan in beerku uu xanuusto , marwalba oo aad daawo qaadanaysid waa in aad sabab u qaadatid oo aanad iska qaadan daawooyin dhakhtarku aanu kusiin .

Aad uga taxadir daawooyinka hadii aad qabtid mid kamid ah xanuunada beerka sida noocyada jooniska.

Daawooyinka dhirta maadaama oo aynaan garanayn inta qofka ku haboon ee daaweynaysa 100% waxa ay saameynaysaa beerka fadlan kala tasho dhakhtarkaaga .

3) ALKOOLADA.
Alkoosha iyo waxyaabaha ay ku jirto alkooshu waxa la isku raacsanyahay in ay beerka aad u saamayso taasna ay keenayso in beerku uu bukoodo.

Alkoolada oo uu qofku iskadaayo cabitaankeeda ,dhakhaatiirtu waxa ay sheegaan in si fudud uu uga soo bogsan karo walow ay wakhti qaadanayso bogsashada beerka lakiin goaankaas ayaa ah goaan caawin doona.

fadlan aad uga taxadir alkoolada.

4) BUURNIDA ,MACAANKA IYO SUBAGA OO DHIIGGA KU BATA…
Waxa ay keenaan in beerku dux-badan uu yeesho taasina ay kukeento in beerku uu qaado caabuq waxa ay fududaynaysaa in beerku uu shaqadiis joojiyo .

miisaanka oo sarreeya , macaanka iyo subaga oo dhiigga ku bataa waxa ay sahlaysaa in xanuunka kansarku uu sifudud uu beerka ugu dhaco.

Daawooyinka aad miisaanka aad kulimisid waa saddex qodob :-

*Cunto dheeli tiran.
*Jimicsi .
*Hurdowanaagsan.
*waxa muhiim ah in aad jimicsatid saddexdan *qodob waxa keena jimicsi la’aan.

5) XANUUNADA BEERKA.
Xanuunada beerka oo aad hiddo-uleedihiin waxa ay keenaysaa in aad adiguna aad halis u gashid in aad qaadid .

Joonis caddaha iyo joonis-cassaha ayaa ah labo xanuun oo aad ugu badan qoysaska wada nool.

hadii lala tacaali waayo xaaladahan waxa ay keeni kartaa in beerku xanuuno kale ay ku dhici karaan .

Haddii aad la nooshahay xanuunada beerka sida joonisyada fadlan aad ula xidhiidh dhakhtarkaaga talooyinkiisana si fiican u qaado.

3-6 Bilood ku dedaal in aad cabirtid beerkaaga si aad u ogaato isbedelada ku imanaya.

Barashada Cilmiga Caafimaadka

XANUUN CUSUB OO KA DILAACAY 12 WADAN OO ADUUNKA AH.Monkeypox waxa keena fayras(virus) loo yaqaano Orthopoxvirus / variol...
06/06/2022

XANUUN CUSUB OO KA DILAACAY 12 WADAN OO ADUUNKA AH.

Monkeypox waxa keena fayras(virus) loo yaqaano Orthopoxvirus / variola virus waa virus fudud oo ku dulnool daanyeerka ,kaas oo ibnu-adamka ku keeni kara xaalado caafimaad darro oo aad u baahsan .

waxa uu qofku calaamad ku yeeshaa 1–2 usbuuc sidoo kalena xanuunka jidhkiisu uu kaga bixi karaa wakhtigaa.

illaa hadda waxa lasoo sheegayaa in la helaay 80 qof oo uu xanuunku uu ku dhacay .

CALAAMADAHA LAGU GARTO BUSBUSKA DAANYEERKA.

Madax-xanuun daran.
Qandho ka badan 38 degree.
Qanjidhada oo barara.
Muruq-xanuun.
Dhabar-xanuun.
Finan jidhka oo dhan ah sida hablo-baasta.
Finan boogo waaweyn oo dheecaan leh .
waxa ay isku mid yihiin xauunka furuqa oo aduunka laga dabar-jaray.

WHO oo ah ururka caafimaadka aduunku waxa ay soo bandhigayaan in tallaalkii furuqa dadkii qaatay ay ka badbaadi karaan oo aan saamayn badan aanu ku yeelaayn maadama difaac h**e ay sii haystaan.

SIDEE AYAA LOO KALE QAADAA BUSBUKA DAANYEERKA?

Waxa lagu kale qaadaa hawada , taabashada iyo dareeraha qofka bukaanka hadii uu kusoo gaadho.

KA HORTAG.

Ka hortag waxa u ah talaalka ,hadda waxa lasoo saarayaa tallaalo badan si loo xakameeyo xanuunka.

Dadkii qaatay tallaalkii furuqa waxbadan ayuu u tarayaa.

Fadlan xidho mask iyo gloves hadaad la tacaalaysid qof xanuunka qaba.

HADAAD LA KULANKTO QOF LEH CALAAMADAHA XANUUNKAN FADLAN LA XIDHIIDH DHAKHTARKA KUUGU DHOW .

11 CALAAMADOO OO LAGU GARTO BEERKA OO SHAQADA GABA. March 30, 2022liver cirrhosis waa marka unugyada caafimaadka qaba be...
30/03/2022

11 CALAAMADOO OO LAGU GARTO BEERKA OO SHAQADA GABA.

March 30, 2022

liver cirrhosis waa marka unugyada caafimaadka qaba beerku ay dhaawacmaan oo aanay si fiican u shaqayn karin.

unugyada beerka ee dhaawacmay/bararay ayaa xannibaya socodka dhiigga ee beerka gudihiisa.

Tani waxay dishaa unugyada caafimaadka qaba ee beerka waxayna dhaawacdaa unugyada.

Haddii beerku uu shaqada uu joojiyo waxa xal ah in beerka la bedeo , hadii beerka dhinac caabuq uu kaga dhaco waxa xal ah in intaas la jaro.

Ibnu adamka hadii beerka caabuq kaga dhaco lama dawayn karo , halka xayawaanka hadii uu dhawac kaga dhaco iskii uu u bogsado.

Xalka kaliyaata ee aan kaga hortagi karno waa qaab nololeedkeena oo aynu bedelno .

Xaaladan waxa balaadhanaya beerka ,waxa dusha ka fuulaya unugyo adag oo urursan sida finanka oo kale, xaaladan oo ku hogaaminaysa in uu beerku shaqada sifiican u qaban waayo ,waxa ka mid ah burburinta cuntada oo uu beerku soo saaro darere ka qayb qaata burburinta cuntada kuwaas oo sifiican u shaqayn waaya , xaddiga dhiigga oo qofka hoos u dhaca (dhiig la’aan) iyo in beerku uu balaadho.

Beerku hadii uu xanuunsado sidan ayaa loola tacaalaa :-

Hab nololeedka qofka ayaa waxlaga bedelaa sida cuntada iyo jimicsiga .
Daaweyn.
Qalniin.
XAALADAHA UU MARO- BEERKA XANUUNSAN.

Xaaladaha uu maro beerka xanuunsan waa 1–4 xaaladood oo midba midka kale ka xaalad adagtahay .

CALAAMADAHA LAGU GAGRTO IN UU BEERKU DHAAWACAN YAHAY.

HURUUD.
waa xaalad indhaha iyo goobaha jilicda-san aynoqonayaan huruud.

2. TABCAAN BADAN.

Tabcaan iyo awood darro saaid ah oo qofka ka muuqata.

3. CUNTO-XUMO.

Abateed la’aan ,lalabo iyo dibiro saaid ah ayaa badanaa qofka lasoo darista taas oo yaraysa baahidii badnayd ee uu qofku ugu baahanayey cunto.

4. MIISAANKA OO LUMA.

Miisaanka lumaya waxa u sabab ah cunto xumada .

5. YALAALUGO IYO MANTAG.

Mantagga iyo laalugada waxa sababaya khalkhalka ku dhacaya faldajiyeyaasha beerku uu soo daynayo ee ka qayb qaadanaya cuntada burburinteeda kadib calooshu waxa ay dareemaysaa caafimaad darro sababtaas ayey ku imanayan mantagga iyo laalugoduba.

6. KAAR UURKU JIRTA AH .

Maadaama beerku uu bararayo waxa lagu qaldaa dibiro caloosha ah ,baraarka beerku waxa uu cadaadinayaa xubnihii kale kadib cadaadiskaas waxa uu sababayaa kaar.

Kaarka waxa loo qaybiyaa saddex kaar sahlan , kaar iyo kaar aad u haya qofka .

7. DACIIF .

8. CAGAHA OO BARARA.

Bararka lugaha iyo kale goysayada jidhka waxa ku keena qofka beer xanuunka leh waxa hoos u dhacda maadada loo yaqaan albumin , oo uu beerku uusoo saaro.

maadadan waxa ay ka qaybqaadata inayka hortagto xidida liiga ee dhiiga kusiidaaya unugyada kale.

9. NEEF QABATOW.

Bararka badan iyo dibirada ayaa keenaya in naqasku ama neef qabotow qofku uu dareemo.

10. CUN-CUN MAQAARKA AH.

xoqxoqitaan saaid ah ayuu qofku maqaarka ku yeelanaya waxaa ugu wacan beerka xanuunsan.

11. XUMAD.

Badanaa dadka xanuunkan beer xanuunka uu ku dhaco waxa ay yeeshaan xumad saaid ah .

WAXYAABAHA BEERKA DHAAWACA WAXA KA MID AH :-

Qofka oo iron badan qaata.
Balwadaha iyo maandooriyaha.
Fayrasyada kale ah B & C.
Beer subaga.
Sunta .

KA HORTAG.

Ilaali beerkaaga oo ka hortag dhaawac.

Ka fogow isticmaalka alkoolada iyo maandooriyeyaasha kale.
Cuntooyinka wadooyinka ama la shiilo .
Xaddee miisaanka .
Isticmaal shaah yar .
Jimicso maalin walba.
Ka fogow sigaarka iyo tubaakada.
Isticmaal sonkor yar.
Cuntadaada dheeli tir.

AAD UGA TAXADIR DAWOOYINKA SANKA LAGA QAADO29 March 2022Dad badan ayaa isticmaala daawooyinka sanka laga qaato sida daaw...
29/03/2022

AAD UGA TAXADIR DAWOOYINKA SANKA LAGA QAADO

29 March 2022

Dad badan ayaa isticmaala daawooyinka sanka laga qaato sida daawooyinka lagu yareeyo cabudhka iyo dareeraha sanka.

Si ay u yareeyaan astaamaha durayga sida hindhisada ,cabudhka & duufka.

Dadku aad ayey u jecelyihiin isticmaalka daawooyinka cabudhka biiya waayo cabudhku waa xaalad aad u daran oo kaa khalkhalinaysa jawigaad ku jirtay .

Muddo kabadan 3 cisho hadii aad isticmaashid waxa jidhkaagu uu samaynayaa la qabsi .

Mar hadii daawada aad la qabsatid xanuunku kaama tagayo oo waa uu kugu soo noqnoqnayaa.

Ciriirga sanku uusii badanayaa ,hawo kugu filan ma qaadan kartid ,dhaawca gaadhaya sanku uu sii badanayaa sida ugu degdega badan waa in aad ula xidhiidhaa dhakhtarkaga ama mihnadle caafimaad.

Daawooyinka sanka lagu buufiyo ta u mudan waa biyaha dhanaan ee loo yaqaan normal saline waxa ay baabiisaa cabudhka , sanka iyo dulalka waxa ay siisaa qoyaan .

Daawooyinka loo yaqaan steriods-ka ee xasaasiyad hoos udhiga iyaga waxa la isticmaalaa marka ay xaalad ay timaad, ha iska qaadan dhakhtar la’aan aadbay u khatar badan yihiin.

Isticmaal saline si aad sanka u nadiifisid xiliyada ay jiraan durayga iyo cabudhku.
Ha isticmaalin daawoyink sanka lagu shubo ee ka kooban daawooyin kale duwan.
Isticmaal nalka nuugista si aad sanka ugu nadiifiso ilmahaaga , marka h**e tuuji nalka ,labada dul ee sanka mid kamid ah u gali caarada nalka ,tuujinta jooji nalku waxa uu bilaabi doonaa in uu soo nadiifiyo sanka waxa uu dibada usoosaari doona xab is jiidanaya.

U isticmaal humidifier qaboojiye qolka ilmahaaga. Tani waxay kaa caawin kartaa qoyaan hawada iyo nadiifinta marinnada sanka ee ilmaha. Nadiifi oo ka qalaji huurka maalin kasta si aad uga hortagto wasakhowga bakteeriyada iyo caaryada.
DAAWOOYINKA AAN AHAYN SALINE AAD UGA TAXADIR.

SALINEwaa biyo milix ka samaysan oo wershadaysan , wax saamayn ah maleh .

Mar kasta ku xidhnow Barashada Cilmiga Caafimaadka si aad u ogaato talooyin caafimaad oo muhiim u ah noloshaada.

LIX TALLAABO OO  KU SIINAYA HURDO WANAAGSAN 28 March 2022HURDO WANAAGSAN WAA BADQABKA CAAFIMAADKA JIDHKEENA IYO MASKAXDE...
28/03/2022

LIX TALLAABO OO KU SIINAYA HURDO WANAAGSAN

28 March 2022

HURDO WANAAGSAN WAA BADQABKA CAAFIMAADKA JIDHKEENA IYO MASKAXDEENA.

Ka fikir dhammaan arrimaha carqaladayn kara hurdada wanaagsan – laga bilaabo culayska shaqada iyo masuuliyadaha qoyska ilaa caqabadaha lama filaanka ah, sida xanuunada. La yaab ma leh in hurdo tayo leh ay mararka qaarkood qarsoomi karto.

Iyadoo laga yaabo inaadan awoodin inaad xakamayso waxyaabaha carqaladaynaya hurdadaada, waxaad qaadan kartaa caadooyin dhiirigeliya hurdo wanaagsan. Ka bilow talooyinkan fudud.

SAMAYSO JADWALKA HURDADA.

Qiyaasta lagu taliyey ee hurdo ee qof weyn oo caafimaad qaba waa ugu yaraan toddoba saacadood. Dadka intooda badan uma baahna in ka badan siddeed saacadood sariirta si ay u gaaraan hadafkan.

Seexo oo kac isla wakhti maalin kasta. Isku day inaad xaddido farqiga u dhexeeya jadwalka hurdadaada habeennada toddobaadka iyo maalmaha fasaxa ilaa wax aan ka badnayn hal saac. Joogteynta joogtada ah waxay xoojisaa wareegga hurdada-jidhkaaga.

Haddii aadan ku seexan 20 daqiiqo gudahood, ka bax qolkaaga jiifka oo samee wax nasasho leh. Akhri ama dhegayso qur’aan Ku laabo sariirta markaad daalan tahay. Ku celi hadii aad u baahatid .

UFIIRSO CUNTOOYINKA AAD IS-TICMAALAYSID.
Ha seexan adigoo gaajoonaya ama dheregsan . Gaar ahaan, iska ilaali cuntooyinka culus ama kuwa waaweyn dhowr saacadood gudahood marka la seexanayo.

Nikotiinka, caffeine iyo aalkolada waxay mudan yihiin in aad looga taxadiro, sidoo kale , Saamaynta soo jiidashada leh ee nicotine-ka iyo kafeyntu waxay qaadataa saacado inay xidhmaan waxayna dhibaato u geysan karaan hurdada.

SAMAYSO DEEGAAN DEGAANSHIYO LEH.
Samee qol ku habboon hurdada , Inta badan qolka degen waa qol qabow ,iftiin yar ,nadiif ah sidoo kale bilaa sanqadh ah.

Iftiinka qolka ifinaya waxa uu ka dhigi karaa mid aad u dhib badan inaad seexato.

Inta aanad seexan ka hor ku dedaal in aad joojisid isticmaalka shaashahada laydhku ka baxo sida mobilada iyo tiifiyada.

Kudedaal qolkaaga in ay hawo soo gasho adigoo ka hortagaya huur iyo kulayl .

Huurka iyo kulalyku waxa ay carqaladeeyaan soodaynta hormone ka melotanine oo hurdada ka ah masuul.

4)XADEE HURDADA MAALINTII.

Hurdada dheer ee maalintii waxay faragelin kartaa hurdada habeenkii.

Haddii aad doorato inaad seexato, ku koob ilaa 30 daqiiqo oo iska ilaali inaad sidaas sameyso oo goor danbe aad kacdo.

5) JIMICSO.

Dhaqdhaqaaqa jireed ee joogtada ah ayaa kor u qaadi kara hurdo fiican

Maalintii in aad yar socsocoto ama lugayso aad ayey muhiim ugu tahay hurdo caafimaad qabta in aad seexatid.

6) MAAREE WERWERKA BADAN .

Yaree werwerka badan iyo fikirka .

Isku day inaad xalliso welwelkaaga ka hor wakhtiga jiifka. Qor waxa maskaxdaada ku jira ka dibna meel dhig berrito si aad uga hawlgashid.

Nagu xidhnow.

NALKA OO IFAYA MA SEEXATAA? AKHRISO WARBIXINTAN. March 27, 2022Nalka oo ifaya waxa uu kordhiyaa xanuunada wadnaha iyo kh...
27/03/2022

NALKA OO IFAYA MA SEEXATAA?

AKHRISO WARBIXINTAN.

March 27, 2022

Nalka oo ifaya waxa uu kordhiyaa xanuunada wadnaha iyo khatarta sonkorowga/macaanka.

waxa lagu ogaaday baadhis(research ).

Iftiinku waa dareen saamayn ku leh hurdadeena ,waa saacadda toosisa unugyada hoose ee jidhka ,waxa uu maamulaa habraacyo iyo habjawaabis unugyada hoose ,iftiinkaas waxa uu toosiyaa unugyada hurdada ,unugyaduna waxa ay soo daayaan hoormoono(hormone ), oo badanaa lasoo daayo maalintii xasuusnow qofku uu hurdaa marka sidaa loo soodaayo hormone nada qofku uu toosayaaa sidaas ayey hurdadii kaga tagaysaa .

Daraasado dhowr ah ayaa daaha ka qaaday, si kastaba ha ahaatee, in haynta nalalka habeenkii ay noqon karto dhibaato. Waxa ka mid ah cilmi-baadhisyo lagu sheegay in ay la xidhiidho buurnida dumarka iyo nooca 2-aad ee xanuunka macaanka ee dadka waayeelka ah, halka cilmi-baadhis ay dhawaan cilmi-baadhayaal Nederlaan ah soo saareen ay ku sheegeen in iftiinka maalintii oo iftiimaya iyo iftiinka hooseeya ee habeenkii ay ka caawin karto dadka qaba xanuunka macaanka ka hor in ay xakameeyaan sonkorta dhiigga.

Hadda cilmi-baarayaal Maraykan ah ayaa sheegay in ay ogaadeen in dadka habeenkii u soo baxa iftiinka macmalka ah ay muujiyaanin ay muujiyaan in sonkortoodu ay sarrayso sidoo kale cadaadiska dhiigooduna uu sarreeyo marka loo barbar dhigo dadka aan ku seexan nalka .

Waxaan ogaanay in iftiinka – xitaa [qiyaas yar] – uu kordhiyo dhaqdhaqaaqa habdhiska dareenka, kaas oo aan ku dhejineyno garaaca wadnaha oo kordha iyo hoos u dhaca dareenka insulin, “ayuu yiri Dr Phyllis Zee, oo ah qoraaga daraasadda ee Jaamacadda Waqooyi-galbeed ee Feinberg School of Medicine.

CALAAMADAHA WADNE XANUUNKA.

Calaamadaha wadne xanuunka saddex-da ugu waaweyn:-

B) laab-xanuun.

T) kaar iyo neef qabatow.

J)kaar qoorta ,gacanta bidix iyo dhabarka .

CALAAMADAHA SONKORTU IN AY SARAYSO LAGU GARTO.

B) hurdo yari.

T) harraad badan .

J) awood la’aan.

x) Miisaanka oo luma.

kh) kaadi badan .

~TALO~

Iftiinka badan yaree wakhtiga hurdada.
Mobile- ka iska fogee.

Address

Hargeisa

Telephone

+252636214118

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kasmaal Bookshop posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kasmaal Bookshop:

Share



You may also like