Almis Media

Almis Media Wararka Dunida iyo Dhacdooyinka Cusub ee Geeska Africa

Waxaa Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil Kusoo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa Urur Siyaasadeedka Shacabka S...
05/11/2024

Waxaa Magaalada Berbera Ee Xarunta Gobolka Saaxil Kusoo Bandhigay Cududa Taageerayaashiisa Urur Siyaasadeedka Shacabka SPP Waxaana Halkaa Kala hadlay bulashadii isugu soo baxay fagaaraha Khayriyada Magaalada Berbera Gudoomiye Ku Xigenka Ururka Shacabka.

yaa Is gaadhay Wali yaa Is gaadhay....
28/10/2024

yaa Is gaadhay Wali yaa Is gaadhay....

Isu-soo-baxa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Caynaba ee Gobolka Saraar iyo wacdarihii ay muujiyeen maanta.
28/10/2024

Isu-soo-baxa taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Caynaba ee Gobolka Saraar iyo wacdarihii ay muujiyeen maanta.

26/10/2024

Gobolada Somaliland iyo Olole Baaxad Leh Urur Siyaasadeedka Shacabka SPP oo Wacdaro ka muujiyey.

Masuuliyiinta urrur siyaasadeedka Shacabka-party oo uu ugu h**eeyo guddoomiyaha Ururkaas, Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo)...
25/10/2024

Masuuliyiinta urrur siyaasadeedka Shacabka-party oo uu ugu h**eeyo guddoomiyaha Ururkaas, Maxamed Maxamuud Xaashi (Timo) waxay ugu baaqayaan dhammaan shacabka reer Somaliland, Gaar ahaan taageerayaasha urrurkaas in ay Maalinta 26 october ah isugu soo baxaan Goobaha fagaarayaasha ah ee loo asteeyay magaalooyinka dalka.

17/10/2024
16/10/2024

Gudoomiyaha ururka shacabka Oo Ururka Kusoo Dhaweeyey Dhalinyar Caan ka ah Baraha Bulshada.

Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qare...
16/10/2024

Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qareenada Africa oo Sannadkii 14aad La Qabtay.
( The Pan African Lawyers Union's 14th Annual Conference is in full swing in Addis Ababa!)
Addisababa- Waxaa Magaalada Addisababa Caasimada Dalka Ethiopia Si Rasmiya uga Furmay Shir Balaadhan oo ay isugu Yimaadaan Qareenada Ka Socoda Guud Ahaan Dalalka Africa ee ka diwaan gashan ururka The Pan African Lawyers Union
Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Daahir Maxamed Ciyaale oo hogaaminaya Xubno Qareeno oo ka tirsan ururka qareenada Somaliland ayaa ka qayb galay shirka balaadhan oo sanad kasta lagu qabto dalalka Africa kaas oo sanadkan ka dhacay caasimada Dalka Ethiopia ee addisababa, waxaana shirkan oo sannadle ah kazoo qayb galay Qareeno kala duwan oo ka socoda dalal Africa kuwaas oo ay marti galisay sanadkan caasimada dalka Ethiopia
Arrimaha shirkan lagaga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan garsoorka iyo cadaalada sidii cadaalad buuxda loogu heli lahaa bulshada Africa islamarkaana kor loogu qaadi lahaa xirfada qareenada Africa oo ku midoobay ururkan PALU.
Qareenadan Ka Socoday Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xidhidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland solla Garyaqaan Daahir Maxame Ciyaale ayaa dhamaantood ku labisnaa Jeeniqaarka astaanta Qaranka Somaliland oo aha Calanka taas oo ka turjumaysa inay qadiyada Jiritaanka Umada Jamhuuriyada Somaliland oo ay muujiyeen in ay yihiin Umad Ka dhisan dhinac walba islamarkaana ay ka qareeno ahaan la jaanqaadayaan kuwa caalamka iyo ururkan qareenada Africa oo ay ka tirsan yihiin kana heleen Casuumadan rasmiga ah ee ka qaybgalka shirkan balaadhan.
Muhiima Shirkan ayaa lagaga hadli doonaa maalmaha soosocoda Nabada horumarka cadalaada wada noolaanshaha iyo ilaalinta sharafta iyo cirdiga bulshada aadamaha Africa.
Maaha markii ugu h**eysay ururka qareenada Somaliland oo ka qayb galo shirarka noocan oo kale ah isagoo Garyqaan Daahir Maxamed ciyaale Gudoomiyaha Xidhiidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland h**e uga qayb galay shirar kala duwan oo ka dhacay dalalka caalamka.
Waxaana Madashada Shirkan uu ka dhacayaa tahay Xarunta guud midowga africa.
Halkan Hoose Ka Akhriso Linkinga Warkan.
https://www.facebook.com/share/p/m5oZcj4qUMPyTM8i/

Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qare...
16/10/2024

Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qareenada Africa oo Sannadkii 14aad La Qabtay.
( The Pan African Lawyers Union's 14th Annual Conference is in full swing in Addis Ababa!)

Addisababa- Waxaa Magaalada Addisababa Caasimada Dalka Ethiopia Si Rasmiya uga Furmay Shir Balaadhan oo ay isugu Yimaadaan Qareenada Ka Socoda Guud Ahaan Dalalka Africa ee ka diwaan gashan ururka The Pan African Lawyers Union
Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Daahir Maxamed Ciyaale oo hogaaminaya Xubno Qareeno oo ka tirsan ururka qareenada Somaliland ayaa ka qayb galay shirka balaadhan oo sanad kasta lagu qabto dalalka Africa kaas oo sanadkan ka dhacay caasimada Dalka Ethiopia ee addisababa, waxaana shirkan oo sannadle ah kazoo qayb galay Qareeno kala duwan oo ka socoda dalal Africa kuwaas oo ay marti galisay sanadkan caasimada dalka Ethiopia
Arrimaha shirkan lagaga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan garsoorka iyo cadaalada sidii cadaalad buuxda loogu heli lahaa bulshada Africa islamarkaana kor loogu qaadi lahaa xirfada qareenada Africa oo ku midoobay ururkan PALU.
Qareenadan Ka Socoday Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xidhidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland solla Garyaqaan Daahir Maxame Ciyaale ayaa dhamaantood ku labisnaa Jeeniqaarka astaanta Qaranka Somaliland oo aha Calanka taas oo ka turjumaysa inay qadiyada Jiritaanka Umada Jamhuuriyada Somaliland oo ay muujiyeen in ay yihiin Umad Ka dhisan dhinac walba islamarkaana ay ka qareeno ahaan la jaanqaadayaan kuwa caalamka iyo ururkan qareenada Africa oo ay ka tirsan yihiin kana heleen Casuumadan rasmiga ah ee ka qaybgalka shirkan balaadhan.
Muhiima Shirkan ayaa lagaga hadli doonaa maalmaha soosocoda Nabada horumarka cadalaada wada noolaanshaha iyo ilaalinta sharafta iyo cirdiga bulshada aadamaha Africa.
Maaha markii ugu h**eysay ururka qareenada Somaliland oo ka qayb galo shirarka noocan oo kale ah isagoo Garyqaan Daahir Maxamed ciyaale Gudoomiyaha Xidhiidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland h**e uga qayb galay shirar kala duwan oo ka dhacay dalalka caalamka.
Halkan Hoose Ka Akhriso Linkinga Warkan.
https://www.facebook.com/share/p/m5oZcj4qUMPyTM8i/

.

08/10/2024

6 Sano Kadib Madaxweyne Biixi Maxaa Ka Hirgalay Balanqaadkii Waxqabad ee 2017 ilaa 2022

07/10/2024

Maxay Yihiin Qodobada Sababaya Guusha Doorashada Madaxweyne Biixi..? Falanqeyn Kooban.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Maanta Kulamo La Qaatay Madaxda Xisbiga Kulmiye Gobolka Saaxil.Berbera(GNN):-Maareeyah...
07/10/2024

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Maanta Kulamo La Qaatay Madaxda Xisbiga Kulmiye Gobolka Saaxil.

Berbera(GNN):-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi Ayaa Maanta Kulamo Kala Duwan la qaatay Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee Xisbul xaakimka Kulmiye.
Kulankan uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland la qaatay Madaxda Gobolka Saaxil ee Xisbiga Kulmiye Ayaa Daaranaa Sidii loo dardar galinlahaa hawlaha Ololaha Doorashada Madaxtinimada Somaliland oo dhawaan ka dhacaysa Dalka.
Waxaana maareeyuhu Dardaaran iyo Talo bixin guud ka siiyey sidii uu gobolka Saaxil uga qabsoomi lahaa olole qurux badan oo uu kusoo bandhigo xisbiga Kulmiye Mudada loo qorsheeyey Ololaha Xisbiyada Somaliland ee doorashada madaxtinimada.
Mudane Maareeye Siciid Xassan C,laahi Maareeyaha guud ee Dekedaha Dalka Somaliland ayaa kamida Shaqsiyaadka ku tilmaaman dardargalinta hawlaha Qaranka ee ka socoda Gobolka Saaxil haddii ay tahay kuwa uu u xilsaaran yahay ee Shaqada uu qaranka u hayo iyo haddii ay tahayba ta xisbi xaakimka kulmiye oo uu kamid yahay Masuuliyiint ka tilmaaman Gobolka Saaxil.

Gabiley-Diyaargarowga Soodhaweynta Xubno Miisaan Culus Kul leh Gobolka oo Caawa Laga Dareemayo.Magaalada gabiley caawa w...
25/09/2024

Gabiley-Diyaargarowga Soodhaweynta Xubno Miisaan Culus Kul leh Gobolka oo Caawa Laga Dareemayo.

Magaalada gabiley caawa waxaa ka socota qabanqaabada Xaflad Balaadhan oo maalinta barriya loo qabanayo Xubno culus oo uu hogaaminayo Siyaasi Shacayb Maxamed Muuse oo kamida Siyaasiyiinta ugu Tunka Weyn gobolka gabiley kuwaas oo maalinta barriya si rasmiya ugu biiraya Xisbiga Waddani.

Dhinaca kale Waxaa iyaguna la filayaa oo soodhaweyn diiran loo sameynayaa Musharaxa Xisbiga Mucaaridka ee Waddani Mr C,raxmaan Cirro iyo Masuuliyiinta xisbiga oo maalinta barriya ka qayb galaya Xafladan balaadhan ee loo qabanayo soodhaweynta Masuuliyiintan.

Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Rugcadaaga Gobolka Gabiley Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga Mucaar...
24/09/2024

Siyaasiyiin Uu Hogaaminayo Rugcadaaga Gobolka Gabiley Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse Oo Dhawaan Ku Biiraya Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.....................................................................

Gabiley(GNN):- Waxaa Maalmaha soosocoda La Filayaa inay u digo rogtaan Siyaasi iyo holdoor Miisaan Culus ku leh gobolka gabiley oo uu hogaaminayo siyaasi shacayb Maxamed Muuse Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani.

Siyaasi Shacayb Maxamed Muuse Oo Xilal Kala Duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey ee somaliland islamarkaana ku suntanaa maayiradii ugu waxqabadka badnaa gobolka gabiley soo maray ayaa hadda wararku xaqiijiyeen in siyaasiyiin iyo Aqoon yahan uu hogaaminayaa ay si rasmiya ugu biirayaan xisbiga Waddani.
Waxaana shaaciyey warkan Siyaasi Cabdi Cali oo kamid ahaa masuuliyiintii wasaarada hawlaha guud u qaabilsanaa gobolka gabiley oo iska casilay xilkaasi kana mid ah xubnaha ku biiri doona xisbiga Waddani.
Shucayb Maxamed Muuse ayaa La Xasuustaa intii danbe inuu xooga aad u saaray waxsoosaarka beeraha iyo beero falashada isagoo tacab badan galiyey beero kala duwan oo ay kasoo go'een dalagyo kala duwani.
La Soco Warka Ku Biirista Masuuliyiintan Xisbiga Waddani.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee WW&S Must...
19/09/2024

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane oo ay wehelinayeen agaasimaha guud ee WW&S Mustafe Cumar Faarax iyo Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka JSL ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey natiijada imtixaanaadkii shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

Munaasibadan oo lagu qabtay xarunta guud ee Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka JSL ayaa waxa ugu h**eyn, ka hadlay Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Daa'uud Axmed Faarax waxaanu faah'faahin ka bixiyey imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasallada 12-aad ee dugsiyada sare iyo fasallada 8-aad ee dugsiga dhexe.

Sidoo kale, agaasimaha guud ee WW&S Md.Mustafe Cumar Faarqx oo munaasibadaa ka hadlay ayaa sheegay, in guud ahaan natiijada imtixaankaasi si guul ah ku soo dhammaaday. Waxaanu agaasimaha guud uga mahadnaqay Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo hawl-wadeenadii ka qayb-qaatay habsami u socodkii hawlihii imtixaanaadka shahaadiga ahaa ee sannad dugsiyeedka 2023-2024.

Ugu danbayn, wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr.Axmed Aadan Buuxane oo munaasibadaa soo xidhay ayaa halkaa ka sheegay, in ay wasaaradda waxbarshaddu deeq waxbarasho oo bilaash ah siin doonto ardayda kaalmaha h**e ka gashay imtixaankaas.

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Dekeda Caalamiga ah Berbera Kusoo Dhaweeyey Waftiyo Kala Duwan Oo Ka Socoda Caalamka.B...
19/09/2024

Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Dekeda Caalamiga ah Berbera Kusoo Dhaweeyey Waftiyo Kala Duwan Oo Ka Socoda Caalamka.

Berbera. Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi Ayaa Maanta Si Diiran uGu Soo dhaweeyey Dekeda Caalamiga ah magaalada berbera Wafti kala duwan oo ka socoda Dalka Kenya oo ah Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka dalkaaasi, Iyo sidoo kale Saxafiyiin Caalamiya oo ka socoda warbaahinta al Carabiya.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi Ayaa Si Faahfaahsan ugaga Warbixiyey Waftiyadan Horumarka Balaadhan ee Ka Socoda Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Iyo Shaqada ay u hayso Bulshada Geeska Africa.

Waxaana Maareeye Siciid uu Kormeer kala duwan kusoo mariyey Qaybaha kala duwan ee dekeda Iyo Qaabka Casriga ah ee ay u shaqayso dekedu.

Imaatinka Waftiyadan isdabajooga ah ee Soo gaadhaya magaalada ayaa Ka Danbeeeyey Kadib Markii sanadihii uGu danbeeyey ay horumar baaxad leh u talaabsatay Dekeda Caalamiga ee Berbera Taas oo keentay inay kamid noqoto Dekedaha Caalamiga ah ee dunida kuwooda uGu heerka sareeya islamarkaana lagu xusay warbaahinta caaalamka ee ka faalooday arrimaha ganacsiga Iyo siyaasada geeska Africa.

17/09/2024

SAAXIIB NABADGELYO. W/Q:- Abwaan xasan daahir weedhsame.

Waxa aanu maanta hoygiisii rasmiga ahaa kaga nimi walaalkay Axmedkayse Maxamed Bookh “Isha Boorama”. Waxa aanu ahayn isku fac mar wada kacaamay, isku dugsi ah, isku fasallo ah. Laga soo bilaabo 1994-kii waxa aanu ahayn saaxiibo aad isugu dhaw. Baal kasta oo ka mid ah xasuusahaygii dhallaannimo, magaciisu waa ku xardhan yahay. Dhacdooyinkii caruurnimo kuwooda faraxa leh iyo kuwooda fajaca leh ba, waa ila wadaagay. Muddo 30 sanno ah oo weliba 15-kii sanno ee u dambeeyey aanu kala degaan iyo kala duruuf ku noolayn ayaanaan kala xidhiidh furan.

Axmedkayse ilaa caruurnimadayadii waxa uu ahaa nin iskii u abaabulan dadka kalena abaabula. Sidoo kale nin karmeed lagu soo ururo oo asxaab kala aragtiyo ah kulmiyana waa uu ahaa. Tukaankiisa waxa isagu iman asxaab aad u badan oo weliba kala hirar ah, kala hadafyo ah oo uu sida xabagta isugu hayn jiray.

Axmedkayse waxa uu ahaa nin aan hugunka raacin oo aan kolba xagga loo bato u baydhin. Laba dhacdo aan marag gashado. Waa ta koowaade, Markii aanu dugsiga sare galnay, ee aan isu aragnay in aanu rag noqonay, mar qudha ayaanu balwadda qaadka wada baranay. Isaga oo asxaabtiisii jilibka wada laabtay, isagu Jidkii uu haystay ee la qummanaa marna k**a uu soo leexan.

Waa ta labaade, markii aanu imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare u fadhiisanaynay, waxa aanu ahayn kooxdii ugu horraysay ee lagu bilaabay in macalimiin magaalo kale ka timi ilaaliso. Xog la’aani waa indho la’aane, waxa aanu is tusnay in annaga cadaadis iyo culays gaar ah lana saarayo, oo aan dalka kale nala qabin. Habeennimadii ayaanu ku kala wacad qaadanay in aanaan imtixaanka gelin. Balse aroornimadii ayey magaaladii oo dhami naga hor timi oo usha la noo qaaday. Intii dhegaha nuglayd markii la dareersaday, ayey intii kalena hugunka geestooda ka raacday oo nin waliba dan qaatay. Axmedkayse kelidii ayuu go’aankii lagaga baxay ku adkaystay, sidii baanu ku qaddacay inu imtixaankii galo. Sidaas ayuu weligiiba u ahaa nin naftiisu halkay marayso go’aamiya balse aan gurdanka raacin.

Axmedkayse muddooyinkii u dambeeyey waxa uu ahaa guddoomiyaha Xisbiga Wadani u qaabilsan degmada Gabiley. Hal-adaygiisa waxa ka marag ah in uu Gabiley oo xero muxaafid ah, kula dhex loollamayey xisbi dawladi dabada ka riixayso, isaga oo xisbi mucaarid ah hor kacaya. Haddana maalin qudha nugayl iyo is dhiibid k**a aad dareemayn. Sidiisii caadiga ahayd ayuu u qoslayey, u kaftamayey una maadaynayey.

Nin dood, deeq iyo dagaalba xagguu kaa xigo darbi adagi kaa xigo ayuu ahaa, caawase Allihii abuurtay ayuu marti u yahay. Alle waxan uga baryayaa inu denbigiisii dhaafo, jannaddii fardawsana ku casuumo.

17/09/2024

Waxaa La Tirtiray Raadadkii Baadhista Dambiga Dhacay..Sharciyaqaan Mukhtaar.

17/09/2024

Boqorka guud er Somaliland oo Suldaan Siciid Yuusuf Ducaale Hargeysa ka shaaciyay iyo qabiikiisa

17/09/2024

Boqor Buurmadow Oo Cadeeyey Cida uu Dhisayo Doorashada & Suldaan Xassan Oo Sheegay Arrimo Culus.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka qaybgalay Daah-furka Barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee xisbiga KULMIYEHargey...
12/09/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Ka qaybgalay Daah-furka Barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee xisbiga KULMIYE

Hargeysa:12/09/2024()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna murrashaxa jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo lagu shaacinayey Barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee xisbiga KULMIYE ee sannadaha 204 ilaa 2029-ka.

Munaasibaddan oo ay madaxweynaha oo ay munaasibadda kala qaybgaleen hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, saraakiil katirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE, haween, dhallinyaro, aqoonyahan iyo marti-sharaf kale, ayaa lagu lafo-guray barnaamij-siyaasadeedka Afraad ee KULMIYE ugu talo galay inuu ku galo doorashooyinka dhammaadka sannadkan qorshaysan.
Ugu horrayn, waxa halkaas ka hadlay guddoomiyaha guddida soo diyaarisay Barnaamij-siyaasadeeda KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiye Cabdiweli Suufi iyo Farxaan Aadan Haybe, kuwaas oo si qoto dheer u sharraxay meelaha uu Barnaamijkani sida gaarka ah diiradda u saarayo, waxana ay sheegeen inuu ka kooban yahay lix tiir oo waaweyn oo kala ah: Arrimaha dibadda, Amniga gudaha iyo dibadda, Dhaqaalaha, wax soo saarka, Xoolaha, Beeraha iyo Kalluumaysiga, Adeegyada Arrimaha Bulshada iyo ku dhaqanka Diinta Islaamka, Horumarinta Dawladnimada iyo adkaynta Dimuqraaddiyadda Maareynta Deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
Xubno kamid ah hoggaanka xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin guddoomiyaha KULMIYE, mudane Maxamed Kaahin Axmed, guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka saddexaad, ahna murrashaxa jagada madaxweyne-ku-xigeenka saddexaad, Mudane Maxamuud Xasan Sacad Saajin iyo xoghayaha guud, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey barnaamij siyaasadeedka cusub ee xisbigu ku gelayo doorashooyinka soo socda, waxana ay bulshada ugu baaqeen in wixii lagu dooran lahaa ay badka keeneen.
Wasiirrada wasaaradaha xannaanada xoolaha, Deegaanka horumarinta caafimaadka, Mudane Siciid Sulub Maxamed iyo, Mudane Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi, ayaa dhankooda jawaabo adag ka bixiyey hadallo maalmahanba ka imanayey madaxda xisbiga WADDANI, waxana ay adkeeyeen inay wataan murrashaxiin shirraban oo bulshadu kalsooni badan ku qabto.
Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa barnaamij-siyaasadeedka cusub ee xisbiga soo dhaweeyey, waxana uu u mahadnaqay xubnihii soo diyaariyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa bogaadiyey guddida gacanta ku haysay Barnaamijka maanta la shaaciyey, waxana u uku sifeeyey mid ay bulshadu ku go’aan qaadan karto.

12/09/2024

Toos- Haddii Waddani La Dooran Waayo Dalku Burburi Maayo Wax Dhacayaana Ma Jiraan"....Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga Kulmiye.

12/09/2024

Bandhiga Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga KULMIYE Ee 2024-2029

09/09/2024

Sababta Shacabka Somaliland Sida Weyn ugu Soo Dhaweeyeen Boqor Buurmadow.

09/09/2024

Maxaa Kala Qabsaday Musharax Cirro iyo Wasiir Buuni Oo Soo Faqay Arrimo Qarsoon.

Address

26 June
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Almis Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Almis Media:

Videos

Share

Nearby media companies


Other Media/News Companies in Hargeisa

Show All