QIIME QARAN

QIIME QARAN Anagoo ka duulayna horumarka iyo hiigsiga dheer ee bulshada waxaanu hindisnay abaal maarinta masuulka muuqda ee qiime qaran iyo muujinta masuulka fashilmay

Mansha Allah Mayar Abdikarim Ahmed Mooge
03/03/2024

Mansha Allah Mayar Abdikarim Ahmed Mooge

NAGU TAGEER MUUJINTA MUDANTA IYO MUWADINIINTA QARANKA SOMALILAND DAACAD IYO LILAAHI!!Barnaamijka Qiimaynta Qaranka Somal...
03/03/2024

NAGU TAGEER MUUJINTA MUDANTA IYO MUWADINIINTA QARANKA SOMALILAND DAACAD IYO LILAAHI!!

Barnaamijka Qiimaynta Qaranka Somaliland Iyo Jimciyada Abaalmarinta Heer Qaran Ee Somaliland National Awards Prize Waxaa Ay Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland Ka Codsanayaan In Hoos Loo Eego Kala Muhiimsanaanta Miisaaniyada Qaranka Somaliland Ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda JSL Soo Bandhigtay Taasi Oo Wasaarada Maaliyadu Bandhigyadii Iyo BarnaamiIyii Aanu ula Tagnay Intay Bililiqaysatay Hadana Banaanka Noo Tuurtay.

Waxaa Aanu Is Leenahay Barnaamijka Somaliland National Assessment Program Waxaanu Is Leenahay Wuxuu Abuuray Tartanka Horumarka Ee Qaybaha Bulshada Danta Guud Iyo In Bulshadu Waddaniyadu Kusoi Dhiirato.

Muhiimada Hal Abuurka Barnaamijku Maaha Aduun Doon, Danaysi, Dan Gaar Ahaaneed , IWM Balse Qisidigu Wa In Dadka Somaliland Ku Tartamaan Waxqabadka, Taageerada Dawladnimada , Isla Xisaabtanka, Daryeelka Danta Guud , Daacadnimada IWM.

Waxaanu Bixinaa Abaalmarinada 3 Qaybood U Qaybsan Kuwaasi Oo Ka Kooban :-

Halbeeg Qaran (Wax Ka Yar 10 ) JSL Dhan

Waa Muwaadin Wax Ka Badan 20 Sano Umada U Adeegay Amba Tusmeeyay Taariikh Dhaxal Tolmoon Ah.

Haldoor Qaran (Wax Ka Yar 10) JSL Dhan

Waa Muwadiniinta Muuqata Qaybaha Bulshada Kana Taageera Dalka Iyo Dadka Qaybaha Kala Duwan Ee Horumarka

Hal Dheer Qaran (Open) Somaliland Oo Dhan

Muwadiniinta Sanadka Ugu Waddaniyada Iyo Waxqabadka Badnaa

Waxaanu Soo Saarnaa Buug Sanadle Ah Oo Aanu Magac Darnay Daljire Kaasi Oo Aanu Kusoo bandhigno Diiwaanka Guulaystayasha Qaranka Somaliland.

FIIRO GAAR AH.

Cidna Xisdiyi Mayno Waxaanu Taageeraynaa In Degmooyinka Iyo Gobolada Dalka Loo Cadaalad Sameeyo La Horumariyo Loona Eego In Waxsoo Saarka Iyo Horumarka Laga Taageero.

Waxaa Aanu Tahli Kari Waynay In Aanu Qabano Bandhigyadii Sanadlaha Kuwaasi Oo Hadeer Aanu Warbaahinta Baraha Bulshada Ka Baahino Uun Anaga Isticmaalayna Jeebabkayaga Iyo Juhdiga Qarankayagau Naga Mudan Yahay.

Somaliland Lawyers Association - SOLLA Xildhiban Maxamed Abiib Xildhibaan Ahmedkhaliif Jama Salah Xildhibaan Abdinasir Yussuf Osman Qodax Xasan Dhuxul Laabsaalax Xoghayaha Guud Ee Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Saab TV Muse Bihi Abdi Mohamed Ilig Mohamed Ali Bile

29/02/2024
War-murtiyeed-25-02-2024Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu taha...
29/02/2024

War-murtiyeed-25-02-2024

Fadhigii 125aad ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo ka maanta oo ay taariikhdu tahay 29/02/2024 ka qabsoomay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Qaranka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa lagu lafo-guray qodobbo la xidhiidha Amniga Mandaqadda.

Tan iyo markii ay labada dawladood ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda Federal-ka Ethiopia, ay kala saxeexdeen 01.01.2024-ka heshiiskii is-afgarad, waxa ay dawladda Muqdisho qaadday dagaal qaawan oo ka dhan ah shacbiga reer Somaliland, kaddib markii ay kasoo quusteen beesha caalamka waxa ay miciinsadeen inay iskaashi la sameeyaan kooxaha xag-jirka ah, sida Radio-ga ay maamusho dawladda Muqdisho uu ka sheegay Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo madax kale oo katirsan Soomaaliya.

Tallaabooyinka kale ee cadowtinimada ah ee ay qaadday dawladda Muqdisho waxa ka mida inay celiyeen diyaarad nooca gargaarka caafimaadka ah oo dalka ka qaadaysay muwaadin xaalad caafimaad loogu qaadayey dalka dibeddiisa, taasoo marka loo eego sharciga caalamiga ah noqonaysa danbi ka dhan ah Binu-aadantinimada. Waxa kale oo ka mid ah in la beegsanayo muwaadiniinta reer Somaliland ee ku sugan deegaamada ay maamusho dawladda Muqdisho, dadkaas oo ay ka mid yihiin kuwo la dilay, kuwo la xidh-xidhay lana jidh dilay iyo kuwo la haddiday.

Golaha Wasiirradu isagoo ka yeeshay arrimahaasi dood iyo falanqayn dheer waxa uu go’aamiyey

1. Jamhuuriyadda Somaliland muddadii ay qarannimadeeda la soo noqotay waxay ku naaloonaysay nabadgelyo, iyadoo xidhiidh fiican la lahayad dawladaha deriska ah, waxaanay ka qayb-qaadatay in gobolka geeska Afrika uu nabadgelyo ku naaloodo, sidaa aawadeed dawladaha jaarka ah waxay u soo jeedinaysaa inay Somaliland kala qayb-qaataan nabadgelyada iyo xasillooni kuwada noolaashanaha Geeska.

2. Golaha wasiirradu waxa usoo jeedinayaa Dawladda Soomaaliya inay ka waantowdo colaadaha ay abaabulayso ee Somaliland ka dhanka ah ee k u wajahan muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dhulka ay maamusho, kuwaas oo ay ku waxyeelnayso magac dawladeed, in dadka Somaliland lagu waxyeelleeyaana h**e ayey usoo martay oo xasuuq iyo dhibaato loogu geystay, sidaa awgeed, waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in dawladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta.

3. Maaddaama oo ay beesha caalamku ay quudiso ama masruufto Dawladda Muqdisho amni ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxa aanu ugu baaqaynaa inay indho dheeraada u yeeshaan muwaadiniinta reer Somaliland ee lagu beegsanayo muqdisho,

4. Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen.

5. Jamhuuriyadda Somaliland maddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho dawladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Xukuumadda Somaliland waxay cambaaraynaysaa amarrada ay Dawladda Muqdisho ku khal-khal gelinayso Gaadiidka Cirka ee ay ugu danbeeyeen diyaaradihii Qatar Airways iyo Ethiopian Airline ee isku dhici gaadhay sida ay xaqiijiyeen Pilot-kii diyaarada Qatar Airways iyo maamulka labada shirkadoodba, taas oo ku timi amar qaldan iyo xilkasnimo-darro laga soo bixiyey magaalada Muqdisho ay sababtay, taas oo ay Somaliland cambaaraynayso.

7. Golaha Wasiirradu waxa uu ugu baaqayaa beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xidhiidho Jamhuuriyadda Somaliland.

8. Golaha Wasiirradu wuxuu shacbiga Somaliland ku bogaadinayaa siday u ilaashadaan qarannimadooda iyo wada-jirkooda isla markaana uga feejigan yihiin waxkasta oo dibin daabyo ku ah qaranka Somaliland, waxa kale oo goluhu shacbiga ku bogaadinayaa tan iyo intii ka danbaysay Heshiiskii Is-afgaradka ahaa ee ay kala saxeexdeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaalka Ethiopia in ay xaqiiqawday himiladoodii ahayd inay ka mid noqdaan beesha caalamka.

9. Golaha wasiirradu wuxu si adag ugu digayaa cid kasta oo faafinaysa, isla markaana dhiirrigelinaysa dhagaraha iyo dabinnada cadawgu u maleegayo Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee leh Af, addin iyo qoraalba.

Ugu danbayntiina, Golaha Wasiirradu waxa ay dood iyo falanqayn dheer ka yeesheen wax ka beddelka iyo kaabista xeerka Rahanka Hantida Maguurtada ah ee Bangiyadda Xeer Lr. Xx/2023 oo ay soo wada diyaariyeen Garyaqaanka guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dalka h**ena loogu qaybiyey, kaas oo ay golaha wasiirradu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen;
# # # # # # # # #

Sidee Ayaan Ku Xuli Karnaa Mudanta Umada Macnaha Iyo Ujeedooyinka Aan U Asaasnay Barnaamijka Qiimaynta Qaranka Somalilan...
29/01/2024

Sidee Ayaan Ku Xuli Karnaa Mudanta Umada Macnaha Iyo Ujeedooyinka Aan U Asaasnay Barnaamijka Qiimaynta Qaranka Somaliland May Ahayn In La Iska Maamuuso Cid Aan Gayin Xurmada Bulshada Balse Waxaa Ujeedkayagu Ahaa In Lagu Tartamo Horumarka , Adeega Bulshada, Tacabka Qaranka Iyo Dhaxal U Reebista Jiilalka Dambe Ee Mustaqbalka.

Hadaba Muwadiniinta Somaliland Waxaanu Marti Uga Nahay Muujinta Masuuliyiinta , Muwadiiniinta , Ganacsatada Iyo Mudanta Qaybaha Bulshada Ee Umada U Gargaaraysa Si Aanu U Maamusno.

Kuma Maamusi Karno Acyaanta Bulshada Abtirsiin, Garasho , Aduun Iyo Danaysi Balse Waxaynu Ku Maamusi Karnaa ARAGTI toolmoon , Tusaale Haboon Iyo Dhaxal Muuqda Oo Ay Ino Hambeyeen.

Somaliland National Assessment Program
Somaliland National Awards Prize

Waxaa Jimciyada Abaalmarinta Heer Qaran Ee Somaliland National Awards Prize Iyo Barnaamijkeeda Qiimaynta Qaranka Somalil...
28/12/2023

Waxaa Jimciyada Abaalmarinta Heer Qaran Ee Somaliland National Awards Prize Iyo Barnaamijkeeda Qiimaynta Qaranka Somaliland Ee Somaliland National Assessment Program QIIME QARAN Hal Abuurayaan Sanadka Cusub Ee 2024 Hindisaha Barnaamijka Xurmada Taalooyinka Halyeyada Qaranka Somaliland Muuji Muunada Mudantaada Meeti Iyo Nolol Anaga Oo Kaashanaya Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeisa Iyo Dhamaan Dawladaha Hoose Ee Caasimaddaha Gobalada Somaliland, Dawlada Dhexe, Ganacsatada , Iyo Cid Kasta Oo Gacan Ka Gaysan Kartaba.

Waxaa Aanu Qorshahani Hal Abuurkiisu Ku Qotomaa Qaabaynta Iyo Qeexida Wada Lahaanshaha Qaranka, Wada Halganka Qaranka , Iyo In Somaliland Tahay Isku Halyeeyo , Isku Haldoor Iyo Isku Halbeeg La Tilmaansado Oo Ka Aradan Xigtaysi, Nin Jeclaysi Iyo Midab Taakoor.

Qisdiga Iyo Ujeedka Jaantusyadani Maaha In Aanu Abuuranayno Mashaariic, Maaha In Aanu Ku Rabno Magac, Maaha In Aanu Ku Rabno Manfac Waxaana Ka Marag Ah In Qorshahayaasha Hirgalay Ee Barnaamijka Qiimee Qaran Ay Ugu Wayn Tahay Abaalmarinta Aan Jarin Aduunyadu Iyo Lacagtu Ee SLNAwardsPrize, Taasi Oo Kaliya Ku Baxda Xurmada Iyo Aragtida Xaqiiqada Ah Ee Tibaaxda Bulshada.

Waxaanu U Hindisnay Qorshahani Muujinta Mudanta Bulshada Meeti Iyo Nolol.

1. In Aanu Meesha Ka Saarno In Somaliland Tahay Meel Amba Madal U Gaar Is Muujinta Cid Gaar Ah, Qabiil Gaar Ah, Iyo Koox Gaar Ah.

2. In Aanu Samayno Jaantus Muraayad U Noqda In Dhamaan Bulsho Waynta Somaliland Ee U Kala dhashay Dacal Ilaa Dacal Inay Iska Dhex Arkaan Caasimada Hargeisa Si Hargeisa Aanay U Noqon Magaalo Reereed, Kooxeed, Qabiil , Balse U Noqota Magaalo Qaran.

☆WAxaanu Qabnaa Aragti Ah In Fiiro Dheer Iyo Falsafad Mugwayn Laga Yeesho Magac Bixinta Waaxaha Hoos Ku Xusan Ee Qaranka Iyo Caasimada :-

● Goobaha Caamka Ah Ee Qaranka
● Degmooyinka Caasimada Hargeisa
● Xaafadaha Caasimada Hargeisa
● Wadooyinka Iyo Dariiqyada Caasimada JSL
● Fagaarayaasha Iyo Faras Magaalaha Iyo Taalooyinka IWM .

3. In Aanu Samayno Marag Furka In Dadkani Yahay Dad Gaya Waxay Baadi Gobayaan , Yoolkooduna Yahay Mid Aan Takoor Lahayn Balse Tixraaac Leh .

4. In Aanu Jiilalka Dambe U Samayno Jaantus Ay Ku Hirtaan Iyo Mudan (Role models) Ah Oo Ay Bartilmaameedsadaan Si Guusha La Haybinayo H**e Loogu Gaadho, Taasi Oo Aanu H**e U Samaynay Maamuska Abaalmarinta Qaranka Ugu Sareeya Ee (Halbeeg Qaran ) Oo Ila Imika Tiro Kooban Oo Badhkeed Geeriyoodeen Maamuuskayagii Ka Dib Aanu Hibaynay.

MAAMUSKA JAANTUSKA 1 AAD EE CAASIMADA SOMALILAND.

1. Taalada Suldaan Maxamuud Suldaan Cali Shire Halgamaa Gobanimo Doon Ah, Guurti Iyo Waxgarad Qaran , Muwadin Xornimada Xabsi Shisheeye U Galay, Hogaanka Dhaqanka Sanaag Bari Jaantuskeedii .

2. General Iyo Suldaan Cilmi Rooble Fure (Cilmi Kabaal) Taliyihii Asaaska Dawladnimada, Mideeyihii Bulshada , Qarameeyihii Xarumaha , Dayactirihii Danta Guud, Taageerihii Dawladnimada , Suldaankii Aan Is Boqrin Ee Bulshada Qolujeed Badgeedhka U Boqratay , Dhaxal Reebihii Booliska JSL , Waa Jaantuskii Awdal Iyo Salal.

3. Proffesor Cali Khaliif Galaydh Ku Atsaysan Wax Wada Lahaansho, Dal Wadaag , Somaliland Doon La Daayacay, Dardaarme Taariikh Iyo Diiwan Mudan Hambeeyay, Halbeeg Umadeed Oo Cadow Hujuumay Qarankana U Hoyday, Halyey Hilbihiisa Kuwii Haligay Hadana Mulkiyeen Oo Lagala Maagay Magaaladii Xuduntiisu Taalay Jaantuskii Lascanood Iyo Togdheer.

4. Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Halgamaagii Dhaqanka, Horjoogihii Nabada , Horseedihii Hubka Dhigista , Hambeeyihii Dhaxalka Maanta Maweelada La Moodayo Jaantuska Maroodijeex Iyo Togdheer

FIIRO GAAR AH .

Muhiim Maaha Inaad Muujiso Muunadaada, Halgamaagaaga, Halbeegaaga, Mudanaha , Masuulka Deegaankaga Adiga Oo Mabsuud Ah Balse Waxaa Muhiim Ah In Aad Muujiso Mudanta Kale Bulshada Aad Wax Wadaagtaan Si Ay Iyaguna Muujiyaan Mudantaada .

Yaynaan Noqonin Umad Isu Camirta Oo Khiyaali Iyo Qiiro Qalinka Lagaga Been Sheegay Isku Qiimaysa Balse Aynu Noqono Umad Is Qiimaysa, Is Maamuusta Isna Xurmaysa Isuna Hurta Libta Iyo Liibaanta.

Xadiiskii Suubanihii Umada Nabi Muxamad SCW ayaa Ahaa Midkiina Imaankiisu Ma Sugmin Ilaa Midka Kale Ee Walaalkiis Ah Uu La Jeclaado Wanaaga , Horumarka Wacnaanta Waxsiinta IWM.

Kaliya Kuma Koobnaan Doonaan 4 Shiqisyadood Mudanta Aynu Muujinaynaa Balse Waxay Noqon Donaan Horseedka Mudanta Hadaba Waxaanu Muwaadiniinta Somaliland Ka Codsanaynaa Inay Nagala Qayb Qataan Hirgalinta Hawshani Iyada Oo Aan Laga Eegaynin Danaysi Gaar Ahaaneed Balse Loo Hiilinayo Qaranimada , Wadajirka , Dawladnimada, Wax Qada Lahaansha IWM..

Allow Dalka Iyo Dadka Somaliland U Door Cid U Danaysa Ee Aan Ka Danaysan, Midee Oo Garansii Dantooda Horumar, Dawladnimada, Isla Xisaabtan, Isu Hurista Libinta Iyo Liibaanta Oo Garansii Inay Gadhwadeen U Noqdaan Geeska Iyo Qaarada Afrikaba.

Fadlan Baahi Oo Nagu Taageer , Nagala Soo Xidhiidh Cinwaanada :- [email protected], [email protected], [email protected]

MM Somali TV Horn Cable TV Saab TV Eryal TV Horyaal24 Tv SAHAN TV Khaalid Foodhaadhi Sulayman Yusuf Koore Xildhiban Maxamed Abiib Somaliland Lawyers Association - SOLLA Xildhibaan Ahmedkhaliif Jama Salah Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane

Mansha Allah Ka Qayb Noqo Kuwa Nadiifiyay Magaaladooda Iyo Waddankooda Muwaadin.
28/12/2023

Mansha Allah Ka Qayb Noqo Kuwa Nadiifiyay Magaaladooda Iyo Waddankooda Muwaadin.

Inaa Lilahi Wa Ina Ilayhi Rajucuun Waxaan Aad Iyo Aad Uga Tiiraanyoonaynaa Geerida Haleeshay 14.11.2023 Laba Ka Mid Ah L...
14/11/2023

Inaa Lilahi Wa Ina Ilayhi Rajucuun Waxaan Aad Iyo Aad Uga Tiiraanyoonaynaa Geerida Haleeshay 14.11.2023 Laba Ka Mid Ah Labeentii Qaranka Somaliland Waa Halbeeg Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Jimciyada Somaliland National Awards Prize U Aqoonsatay Sanadkii 2021 Halbeeg Qaran Iyo Taliye Sareeye Gaas Jidhif Oo Todobaadkii H**e Agaasimeha Jimciyada Somaliland National Assessment Program Salaadii Jimce Ku Wada Tukadeen Hargeisa, Kadibna Iskuna Xog Waraysteen Isaga Oo Lugihiisa Ku Soconaya.

Waxaanu Alle Uga Baryaynaa Inuu Naxariistii Jano Ka waraabiyò Labadaasi Marxuum ee Maanta Ka Baxay Qaranka , Waana Geeri Muujinaysa Anfariir , Iyo Cimri Qaadasho Dadka Iyo Madaxda Lagu Baraarujinayo.

YAA MICIIN U AH QARANKII SOMALILAND ?SHARCIGA SOMALILAND MA XUKUUMADA JIHEYSA ?DOOR WALBA XILIGA DOORASHADA MAXAA KEENA ...
14/08/2023

YAA MICIIN U AH QARANKII SOMALILAND ?
SHARCIGA SOMALILAND MA XUKUUMADA JIHEYSA ?
DOOR WALBA XILIGA DOORASHADA MAXAA KEENA MURANKA?
YAA WAX DOORTA , YAASE LA DOORTA ?
MUWAADINKA KHALDAMA WAA LA CIQAABA BALSE MASUULKA KHALDAMA YAA LA XISAABTAMA ?

Waxaanu Soo jeedinaynaa maanta arinta colaadaha ka huraya dalka somaliland gudihiisa iyo dacalkiisa Bariba in xal waara iyo xaqiiqo baahsan lagusoo dabaalo .

waxaa muhiim ah in doorashooyinkii dalka la suuregaliyo hadiiba xal kale la waayay lana kala roonaan waayay maanta halis iyo xaaladana kasoo kordheen in madaxweynaha somaliland Qaato talaabo La Mid Ah Tii Uu Qaatay Maalintii Kulmiye ee guurtidu Xukuntay ee uu lahaa mudh haday ka qadhaadhahay waan liqay .

mudane madaxweyne adiga ayay marti kuu tahay dawladnimada , nabadgalyada, xasiloonida , iyo Mustaqbalka Dhalinta Mudooyinka badan soo samrayay.

Waxaa Maanta Ay Taagan Tahat dawladnimo Inoo Hirgasha Iyo Haykal SIi Socda iyo Inaynu Halkaasi ku Joojino Oo Dalku Galo Qalaalase Siyaasadeed oo abuuri karo Colaado sokeeye Alle inaguma Keenee.

Golaha wakiilada somalialnd waxaa u yaala in maanta dabadeed ay xal sharci u sameeyaan doorashooyinka iyo nidaamkeena Sharci Ee Hadba Ruuxa Talinayaa Ka Dhiganayo Dhufays.

Sarkaal Ciidan Gaashanle Baashe Cabdilahi Cismaan (Aw Dheere)Waxaa Sarkaalkani Oo Ah Taliyaha Saldhiga New Hargeisa Degm...
12/10/2022

Sarkaal Ciidan

Gaashanle Baashe Cabdilahi Cismaan (Aw Dheere)

Waxaa Sarkaalkani Oo Ah Taliyaha Saldhiga New Hargeisa Degmada Gacan Libaax Loo Diiwangaliyay Taliyihii Saldhig Ee Ugu Mudnaa Kaasi Oo Mushaharkiisa Askarinimo Ugu Deeqay Dhismaha Wadada Xaafada Daami Oo Ka Mid Xaafadaha Degmada Uu Taliyaha Ka Ahaa.

Waana Mudnaan Wayn In Taliyeyaasha Saldhigyadu Qayb Ka Noqdaan Abaabulka , iska Wax U Qabsada Iyo Horumarada Degmooyinka Iyo Xaafadaha Ay Ka Taliyaan , Waana Talaabo Muwaadinimo Oo Dhalinyarada Iyo Jiilasha U Muujinaysa Juhdiga Iyo Tacabka Qaranka Loo Hurayo.

Somaliland National Awards Prize

Diiwanka 2022
12/10/2022

Diiwanka 2022

Siciid Faarax oo ah askari ka tirsan ciidanka booliska somaliland gaarahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee (RRU) ayaa mushaharkiisa ugu deeqay dadka ay abaaruhu saameeyeen .

Maxuu mudanyahay Askarigani waliba isagoo mushahar yar ku shaqeeya?

Adigu maxaad ku darsanaysaa Abaaraha?.

Xildhibaan Ibrahim Cali Xildhibaankani Ayaa Lagu Maamusay Kaalintiisa Shiqsiyadeed Iyo Isxilqaanka Kaalinta Dhaqaale Ee ...
12/10/2022

Xildhibaan Ibrahim Cali

Xildhibaankani Ayaa Lagu Maamusay Kaalintiisa Shiqsiyadeed Iyo Isxilqaanka Kaalinta Dhaqaale Ee Uu Ka Qaatay Shirkii Nabadaynta Ee Yagoori.

Kaasi Oo U Ku Deeqay Musharharkiisa Wakiilnimo Mudo 3 Bilood Ah.

F.G.

Waxaa Diiwanka Barnaamijka Lagusoo Xulaa 1 Wakiil Qaran Balse Taasi Laguma Dulmiyi Karo Wakiilada Iyo Masuuliyiinta Waxa Fiican Umada U Sameeyay , Taasina Waxay Keentay In Intii Is Xilqaanka Wax U Hurty ama U Hadashayba In Lasoo Bandhigo.

Kaalinta 1 AadXildhiban Maxamed Abiib Wakiil Maxamed Abiib Dooda Dirirta Iyo Xuquuqda Muwadiniinta Ciidamada Iyo Qaybaha...
12/10/2022

Kaalinta 1 Aad

Xildhiban Maxamed Abiib

Wakiil Maxamed Abiib Dooda Dirirta Iyo Xuquuqda Muwadiniinta Ciidamada Iyo Qaybaha Bulshada Somaliland Ayaa Bidhaantay Tan Iyo Markii La Doortay Intii Aan Damacyada Siyaasada Iyo Muraadada Shiqsiga Ahi Imanin.

Waxaa Sanadkii Tagay Xildhibaanku Tusmeeyay Toos Badan Oo Bulshada Somaliland Tabaysay Isaga Oo Si Toos Ah U Tiigsanayay Una Tilmaamayay Tabaalada Bulshada Guud Ee Somaliland, Taasi Oo Dad Badani La Dhaceen Markii Ay Arkeen Xildhibaanadii Ay Doorteen Oo Aan ka Hadlaynin Danahoodii Balse Xildhibaan Abiib Naqdiyay.

Aragtiyihiisa Doodeed Iyo Muujinta Hiilka Iyo Taageerada U La Dhinac Galay Ciidamada Qalabka Sida.

Asbaabaha Guud Ee Aanu Lagu Maamusay Xildhibaankuna Wuxuu Ka koobnaa Kormeerka Guud Ee Gobolada Dalka Iyo Isla XisaabtankabAy U Mareen, iyo Qeexista Danaha Guud Ee Dadka Ka Dhex Guuxaya.

Dadka Qaar Ayaa Ku dhaliiila xildhibaanka Istusnimo Iyo Hawlo Kale Balse Waxaanu Is Leenahay Hadii Aan Laga Badbadin In Aanay Jirin Wax Ka Mudani Wakiilku In Uu Istuso Bulshadii Soo Dooratay Isagoo Tusmaynaya Rabitaankooda , Rajadooda Iyo Baylahdooda.

Wixii Talo , Tusmo iyo Toosin Ahna Bashar Buu U Yahay Waanuna U Tabinaynaa Dhankayaga

F.G.

Dadka Reer Somaliland Ayaa Qadiyadooda Iyo Qiimayntoodaba Aad Mooda In Maalinba Qofka Doonistooda Ama Adeerkood U Hiiliya Inay Ku Tilmaamaan Mid Tolmoon ama Qaran Matali Kara Marka Kalena La Dhaliilo.

Dhanka Wakiilada In Laga Tusmaysto Dimuquraadiyada Iyo Aragtiyaha Ku Dhisan Siyaasada Xisbinimada, Ururnimada Iyo Qaranimada Iyaga Oo Ka Fikiraya Hanaanka Sharci Iyo Cadaaladeed Ee Sharciyada Ay Dalka Ku Hagayaan Waa Muhiim.

Sidoo Kale In Wakiiladu U Hiiliyaan Wax Kasta Oo Qaranka Iyo Horumarkiisa Qayb Ka Ahi Waa Muhiim , Oo Xataa Kuwa Mucaaradka Ahi Ku Dhinac Istaagi Karaan Xukuumada Isla Sidaasi Oo Kalena Mooshin Iyo Hawl Gal Kasta Oo Kuwa Mucaaradku Ku Sax San Yihiina Waa In Loo Hiiliyo Oo La Hareer Galo Si Horumarka Bulshada Iyo Dalka Muhiimada Loo Siiyo.

Waxaa Tabaalada Bulshada Ee Golaha Cusub Laga Tirsanayo Ka Mid ah In Durba Masayrkii Guud Dawladnimadii Iyo Dheeli Tirkii Intaba Ku Doorsadeen Dano Shiqsiyaad Kooban Oo Ay U Durbaan Tumayaan Iyo Dulinimo Ay Iyagu Isku Dirqinayaan Taasina Waa mid Diiwanka U Gali Doonta.

Kaalinta Kowaad Ee Masuul Deegaan Duqa Caasimada Somaliland Ee Hargeisa Abdikarim Ahmed MoogeMasuulkani Ayaa Noqonaya Ma...
12/10/2022

Kaalinta Kowaad Ee Masuul Deegaan

Duqa Caasimada Somaliland Ee Hargeisa

Abdikarim Ahmed Mooge

Masuulkani Ayaa Noqonaya Masuulkii Ugu H**eeyay Ee Lacag La,aan Ugu adeegaya Umadiisa Cabdikariim Oo Ah Haldoorkii Bulshada Ee Kal H**e Aanu Baahinay Ayaa Dhamaan Lacagtiisii Mushaharka 3Bilood Ah Ugu Deeqay Dhismaha Wado Uu Dhisayso Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa

Walow Ay Sanadkaasi H**e 2021 Ku Jireen Golaha Cusubi Hubsiimada Iyo Daraasaynta Qabyada Baahsan Ee Caasimada Balse Waxaa Sanadkaani 2022 Ay La soo Kaceen Golaha Deegaanka Iyo Hawlwadeenada dawlada Hoose Ee Caasimadu Hawlgal Ay Adagtahay Sida Lagu Haybsan Doono.

Masuulkii Ugu Waddaniyada Iyo Tudhaalaha Fiicnaa Goleyaashii Dergaanka Ee La Doortay Ayaanu Noqday Mayor Mooge.

Somaliland National Awards Prize

Kaalinta 1 Aad Duqa Magaalada Laascanood Mudane Cabdiraxiim Cali Ismaciil Duqa Magaalada Lascanood Iyo Golihiisa Ayaa ho...
12/10/2022

Kaalinta 1 Aad

Duqa Magaalada Laascanood

Mudane Cabdiraxiim Cali Ismaciil

Duqa Magaalada Lascanood Iyo Golihiisa Ayaa horseed Ka Noqday Isla Helista Iyo Hirgalinta Qorshe Magaaleedka Wasaarada Hawlaha Guud Hirgalisay Iyo Sidoo Kale Banaynta Qorshaha Mustaqbal Ee Magaalada Laascanood .

Taasi Oo Ka Marag Kacaysa In Magaalada Lascanood Hadeer Tahay Magaalada Ugu Toolmoon Dhinaca Tilmaansiga Iyo Marinada Muhiimka Ah Ee Dadka Iyo Gaadiidka.

Waxaana Duqa Degmadaasi Horseed Ka Noqday Samaynta Marinada Magaalada Isaga Oo Aan Dhaqaale Meel Kale Kasoo Galin Isaga Iyo Degmadaba.

F.G.

Muhiimada Kowaad Ee Maamulka Degmada Iyo Dawlada Dhexe Iyo Shacabka Gobolka Soolba Looga Baahan Yahay Waa U Jeesiga Amaanka Iyo Feejignaanta Cadowga Dibada Iyo Kan Gudahaba.

Waxaana Muhiim Ah In Shacabku Ogaado Hadii Dakhliga Iyo Waxsoo Saarka Degmadu Kordho In Dhaqaalaha Dib Ugu Noqonaya Degmadu Kordhin Doono Waxqabadka Iyo Horumarka Dhawaan Iyo Mustaqbalka.

Abdi Rahiim Cali Ismail

Kaalinta 1aad Agaasimeha Guud Ee Madaxtooyada JSLMohamed Ali Bile Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Ayaa Ku Guulaystay Suu...
12/10/2022

Kaalinta 1aad

Agaasimeha Guud Ee Madaxtooyada JSL

Mohamed Ali Bile

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Ayaa Ku Guulaystay Suuregalinta , Dhagaxdhiga Iyo Dhamays Tirka Xarumo Dawladeed Fagaareyaal Iyo Madaxtooyoyin Gobolada Dalka Somaliland Laga hirgaliyo.

Agaasimeha Ayaa Kaalin Muuqda Ka Cayaaray In Ay Waxqabsoomaan Haba Qaloocdaan Ama Ha Qaldanaadaane , Balse Waxaan Qiraynaa Inay Jiraan Guulo Hirgalay Oo Xafiiskiisa U Qabsoomay.

F.G.

Waxaa Aanu Usoo Jeedinaynaa In dhismaha Guriga Somaliland Lagaga dhawaaqay Oo Aanu Marar Badan Baahinay Yahay Mid Taariikhda Gali Doona Oo H**e Loo Dayacay, balse Anagu Ka Jimciyad Ahaan waxaa Astaan Barnamijka Qiimee Qaran Ka Mid Ah Gurigaasi Qabyada Ah Waxaanuna Soo Jeedinaynaa In Aan La Dhalan Rogin Dhismaha Aqalkaasi.

Sidoo kale Waxaa Jirta Nashqad Aanu Ugu Tala Galnay Oo tusmaynaysa In Xayndaabkiisa Laga Dhigo Nashqad U Eeg Khariirada Jamhuuriyada Somaliland.

Sidoo Kale Qalcada Taariikhiga Ah Ee Taleex Iyo Saylac Ayaa Iyana Ay Tahay In Loo Jihaysto Dhismahooda Iyaga Oo Aan Lala Dhaafaynin Dhoobada Iyo Qaab Dhismeedyada Qadiimiga Ah Si Ay U Noqdaan Goobo Taariikhiya Oo Loo Dalxiiso.

Somaliland National Awards Prize

Wakiilka 1Aad Wakiilka Somaliland Ee Dalka Maraykanka Ambassador Bashiir GouthWaxaa Wakiilkani Loo Cumaamaday Wakiilkii ...
12/10/2022

Wakiilka 1Aad

Wakiilka Somaliland Ee Dalka Maraykanka

Ambassador Bashiir Gouth

Waxaa Wakiilkani Loo Cumaamaday Wakiilkii Ugu Mudnaa Ee Sanadkii 2021 Wakiilada Aduunka .

Safiirku Waxaa Uu Kaalin mugleh Ka Qaatay Gogol Xaadhka Safarka Madaxweyne Biixi Ee Dalka Maraykanka Iyo Xidhiidhka Balaadhan Ee Dalka Maraykanku Maanta Inala Leeyahay.

Kaalinta 3 Aad Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyogalinta Iyo Wasaarada Waxbarashada Ayaa Kaalinta 3 Aad Loo Wada X...
12/10/2022

Kaalinta 3 Aad

Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyogalinta Iyo Wasaarada Waxbarashada Ayaa Kaalinta 3 Aad Loo Wada Xulay.

Waxaa Wasaaradahani Ku Mutaysteen Dayactirada Iyo Adedgyada Dawliga Ah Sidoo Kale Daryeelka Muwadiniinta doonaya Kulankooda Ama wasaaradaha Booqda.

Midaynta Huga Ardayda Somaliland Oo La Hal Abuuray In Lagu Saleeyo Calanka Jamhuuriyada Somaliland 31 Sano Ka Dib.

Dib U Habaynta Barnamijka La Hadal Dadkaaga Ee Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka Iyo Wacyigalinta Somaliland Samaysay.

Kaalintii Wax Ku Oolka Ahayd Ee Cadaalada Sadexda Xisbi Qaran XIligii Olalaha Doorashooyinka Isku Sidkan Lagu Jiray.

Difaaca Qadiyada Madaxbanaanida Jamhuuriyada Somaliland Iyo Dhiirigalinta Dhalinyarada Kala Duwan Ee Dalka.

F.G.

Wasiir Sulayman Yusuf Koore Ayaa Ah Masuulka Kaliya Ee 3 Sanadood Oo Kala Duwan Mutaystay Maamuska Iyo Xurmada Bulshada Somaliland Kuna Guulaystay Waxaanu Sidaasi Ku Noqonayaa Halbeeg Masuul.

Somaliland National Awards Prize

Kaalinta Labaad Wasaarada Horumarinta Biyaha Mr cali Xassan Maxamed (Mareexaan)Wasaarada Horumarinta Biyaha Ayaa Ah Wasa...
12/10/2022

Kaalinta Labaad

Wasaarada Horumarinta Biyaha

Mr cali Xassan Maxamed (Mareexaan)

Wasaarada Horumarinta Biyaha Ayaa Ah Wasaarada Ugu Waxqabadka Roonle Tan Iyo Intii Madaxweyne Biixi Talada La Wareegay Taasi Oo Waayadii H**e Aan Waxqabadkeedu Gaadhsiisnayn Heerka Ay Marayso Intii Dambe.

Wasiir Cali Iyo Masuuliyiintii Ka H**eeyayba Waxaa Ay Ku Adeegayaan Qorsheyaasha Xukuumada Somaliland.

Waxaana La Qoday Dhaamam Badan , Ceelal Riig Biyoodyo Iyo Kuwo Badan oo la Dayac Tiray.

Dadka Qaarkii Ayaa Dhaliilo Ka Dhiga Galbeed Ama Bari Ayaa La Dhisaa Ama Wax Lagaso Saarayaa Balse Taasi Waa Dood Jaban.

Muhiimadu Waa In Bulshadu Hesho Daryeel Iyo Horumar Taasi Oo Lagu Kala Horaysiinayo Hadba Baahiyaha Ku Gadaaman Say U Kala Badan Yihiin.

Kaalinta 1Aad Ee Dalka Wasaarada Horumarinta Maaliyada Dr Sacad Cali Shire Waa Masuulka Ugu Anshaxa Iyo Akhlaaqda Badan ...
12/10/2022

Kaalinta 1Aad Ee Dalka

Wasaarada Horumarinta Maaliyada

Dr Sacad Cali Shire

Waa Masuulka Ugu Anshaxa Iyo Akhlaaqda Badan Muqaalka Bulshada Dibada Ugu Baxa Waana Masuul shaqadiisa Ku Eeg.

Walow Aanu Jirin Qiimo Korodh baahsan Oo dhaqaale Oo Uu Muujiyay Balse waxaa Uu Hormuud Ka Ahaa Diyaarinta Dhaqaalaha Doorashadii Isku Sidkanayd Badhkeeni Iyo Diyaarinta Kharashka Doorashooyinka Madaxtinimada Ee Dalka .

Waxaa Kale Oo Jira Mashaariic Door Ah Oo Bandhiga Lagu Qeexi Doono Oo Wasaarada Maaliyada Ee Uu hormuudka U Yahay Hirgalisay.

DIIWANKA HALBEEGA QARANKA SOMALILAND1. Halbeeg Edna Aadan Ismaciil  Arimaha Bulshada Halbeeg Qaran 20182. Halbeeg Maxame...
01/09/2022

DIIWANKA HALBEEGA QARANKA SOMALILAND

1. Halbeeg Edna Aadan Ismaciil Arimaha Bulshada Halbeeg Qaran 2018

2. Halbeeg Maxamed X.C.Waji Saxaafada Halbeeg Qaran 2018

3. Halbeeg Abdilahi Muse Imaan Tacliinta & Aqoonta Halbeeg Qaran 2018

5. Halbeeg Xassan Waraba Cade Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Halbeeg Qaran 2018

6. Halbeeg Faysal Cali Xuseen Qadiyada JSL Halbeeg Qaran 2018

7. Halbeeg Saleban Cabdi Guled Waxbarashada Halbeeg Qaran 2019

8. Halbeeg Saleban Cabdi Guled Caafimaadka Halbeeg Qaran 2019

9. Halbeeg Faarax Xusen Axmed Dhismaha & Abaabulka Halbeeg Qaran 2019

10. Halbeeg Maxamud Adan Dheri Dhalinyarada Iyo Cayaaraha Halbeeg Qaran 2019

11. Halbeeg C/qaadir Xaashi Cilmi Horumarka & Dhismaha Halbeeg Qaran 2019.

12. Halbeeg Cabdiraxman Aw Cali Faarax Halganka & Anshaxa Halbeeg Qaran 2020

13. Halbeeg Xassan Ciise Jaamac Halganka Asaaska Halbeeg Qaran 2020

14. Halbeeg Sh.C/Lahi Cali Jawhar Dhismaha & Nabada Halbeeg Qaran 2020

15. Halbeeg Maxamed Xuseen X Mayor Burco Halbeeg Qaran 2020

16. Halbeeg Maxamed Siciid Gees Qalinka Iyo Anshaxa Halbeeg Qaran 2020

17. Halbeeg Cabdisalaam Yasiin Qadiyada JSL Halbeeg Qaran 2020

18. Halbeeg Sharafeed Duuliye Axmed Badbaado Qaran Halbeeg Qaran 2020

19.

Halbeega 2021 Waa 6 Qof Waxaana La Idiin Soo Bandhigi Doonoo Ayaamaha Inagusoo Fooda Leh.

Hadaba Qorshee Muwaadin In Aad Qeexdo Halbeega 2022 Horaanta Sanadka Dambe Insha Allah.

Asbaabta Xulashada Haleebgu Waa Ma Daale Mudo Ka Badan 20 Labaatan Sano U Taagan Adeeg Bulsho Iyo Horumarinta Bulshada Dhankuu Doono Ha Jooge , Oo Aan ku Hagranin Hayn Iyo Xil Midna.

Muwaadin Waad Tusmayn Kartaa Inaad Tiraabto Cid U Qalanta Halbeega Qarankeena Ee Ha Hagranin.

Muwaadin Kasta Oo Noo Soo Gudbiya Muwaadin Ama Masuul Dedaal Qarsoon Galiyay Dalka Oo Leh Cadaymo Iyo Dhaxal Muuqda Waxaanu Siin Doona Wax Uu Ku Farxo.

Nagalaoso Xidhiidh:-

063-3663866 / 65-4012691
[email protected]
[email protected]
[email protected]

Slnaprize/Twitter.com

Tartanku Waa Tubta Horumarka Ee Tacab Gali Dhulkaaga Oo Gal Diiwanka Buuga Daljire.

HA QARIN HANA QAWADIN QOFKAAGA QIIMAHA LEH QIR TACABKIISA , QAABE SHARAFTIISA OO QEEX LIBINTIISA.Halbeeg Saleeban Axmed ...
01/09/2022

HA QARIN HANA QAWADIN QOFKAAGA QIIMAHA LEH QIR TACABKIISA , QAABE SHARAFTIISA OO QEEX LIBINTIISA.

Halbeeg Saleeban Axmed Guleed Waxaa Barnaamijka Somaliland National Assessment Program Iyo Jimciyada Somaliland National Awards Prize U Aqoonsadeen Inuu Yahay Dadka Mudan Ee Gaadhay Darajada Ugu Saraysa Abaalmarinta Heer Qaran .

Waxaana Ku Mataanaysnaa Sida Sawirka Hoose Ka Muuqata 4 Muwaadin Oo Kala Ahaa:-

1. Halbeeg Pro Saleeban Axmed Guuleed
2. Halbeeg Dr Saleeban Cabdi Guuleed
3. Eng. Faarax Xuseen Axmed
4. Oday Maxamuud Aadan Dheri
5. Eng. Cabdiqadir Xaashi Cilmi Oo Maanta Inaga Hooseeya Runtiina Ahaa Labeentii Qarankani Horumarkiisa Heerka U Hooseyay Kala Soo Bilaabay Ilaa Maalintuu Dhintayna Heeganka U Ahaa.

Alle Ha Sharfo Cid Kastoo Dalkan Iyo Dadkan Tacab Muuqda Iyo Mid Qarsoonba Horumarkiisa Galisay.

Waxaanu Ugu Baaqaynaa Saxaafada Somaliland Inay Isticmaalan Oo Xurmeeyaan Liiska Mudanta Bulshadeena Ee Marag Ma Doonta , Sidoo Kalena Qayb Ka Noqdaan Soo Gudbinta Dadka Qarsoon Iyo Cid Kasta Oo Mudan Inaynu Muujino, Maamusno Ama Milgaheeda Qeexno .

Waa Mid Ka Mid Ah Wasaaradaha Rajada Bulshada Soo Noolayn Kara Hadii La Dedaalo Daacadnimo Iyo Isku Duubnina Lagu Daro.
01/09/2022

Waa Mid Ka Mid Ah Wasaaradaha Rajada Bulshada Soo Noolayn Kara Hadii La Dedaalo Daacadnimo Iyo Isku Duubnina Lagu Daro.

Buug Ka Hadlaya Hanaanka Cadaalada Dambiyada Oo Uu Qoray Askari Da,ayar Oo Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Ayaa Lagusoo Band...
01/09/2022

Buug Ka Hadlaya Hanaanka Cadaalada Dambiyada Oo Uu Qoray Askari Da,ayar Oo Ka Tirsan Ciidanka Asluubta Ayaa Lagusoo Bandhigay Hargeisa.

Waa Muhiim In La Barto Shuruucda Iyo Ciqaabaha Iyo Cadaalada Dambiyada Balse Waxaa Iyana Muhiim Ah Cida Laga Martiyayo Hiilka Cadaalada Iyo Magdhowga Kuwa Lagu Waayo Dambiyada Ee Muwadiinta Ah.

Waanu Bogaadinaynaa Sarkaalkaasi Yar Ee Is Xilqaamay Dedaalay Sidoo Kalena Hirseeday Inuu Dhaxal Uga Tago Bulshadiisa.

Xigasho Khaalid Foodhaadhi

31/08/2022
31/08/2022
30/08/2022
Barnaamijka Madaxa Banaan Ee Qiimaynta Qaranka Somaliland Somaliland National Assessment Program Iyo Jimciyada Somalilan...
30/08/2022

Barnaamijka Madaxa Banaan Ee Qiimaynta Qaranka Somaliland Somaliland National Assessment Program Iyo Jimciyada Somaliland National Awards Prize Waxa Ay halkan ku soo bandhigayaan aragtidooda ku wajahan xaaladda adag ee siyaasadda Somaliland iyo muranka siyaasadeed.

Anagoo ka duulayna xaqiiqadaas, waxaanu soo jeedinaynaa 3 qodob oo xal loogu heli karo khilaafka siyaasadeed.

1. In qorshaha ay soo jeediyeen ganacsatada Somaliland la aqbalo, isla markaana maxkamadda sare ee Somaliland fasirto sharciga, go’aankeedana la waafajiyo xalka ay soo jeediyeen ganacsatada Somaliland.

2. In la furo dastuurka Somaliland oo aad moodo inuu khaladaad badan h**e u galay, xeerkii murugada lahaa ee dadku ka xumaadeen.

In la helo hufnaan sharci oo u cadaalad falaya qaranka Somaliland.

in la helo madax-banaani garsoor oo aanay dowladdu jabin karin.

In la helo shuruuc dammaanad qaadaya awooda dadka & xuquuqdooda oo muujin kara isbedel laguna cabbiro aragtidooda.

Si loo helo isla xisaabtan iyo masuuliyad bulsho oo dhexmarta shacabka Somaliland iyo dawladdooda mustaqbalka.

Taas oo ah in qof kasta oo la doortay uu gudanayay xilka iyo masuuliyadda dadkii doortay.

si loo fuliyo heshiiskii Khaatumo

In la helo guddi doorasho oo mar walba lagu aamini karo inay si cadaalad ah dalka uga qabsoonto doorashooyin kala duwan, waxay soo dhawaynaysaa aqbalaadda xisbiyada mucaaridka ah.

Haddaba, tusaale ahaan, hoos ka dooro xubnaha guddiga.

Tusaale:

Madaxweynaha Somaliland 1 Xubin
Xisbiga Kulmiye 1 xubnood
Xisbiga Waddani 1 Xubin
Xisbiga Ucid 1 Xubin
Golaha Culimada 1 Xubin
Ururada Bulshada 1 Xubin
Guurtida 1 Xubin
Golaha Wakiilada 1 Xubin
Golaha garsoorka 1 xubin

Intaa ka dib, sagaalka xubnood ayaa ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Somaliland, iyadoo wax laga bedeli doono xeerarkooda.

Waa in ciqaab adag la mariyaa guddiga doorashada oo lala xisaabtamo haddii ay cid gaar ah u adeegaan, ama ujeeddadu tahay inay xilka iska casilaan.

Sidoo kale, waxa muhiim ah in saddexda xisbi qaran ee Somaliland laga dhigo laba xisbi oo keliya, waayo waxay noqotay dareen bulsho oo ganacsi samayn kara.

Waxa kale oo muhiim ah in aanay Somaliland waxba ka dhicin muddo dheer, oo aanay xukuumaddu doorasho qaban karin oo ay is casisho oo lagula xisaabtamo.

3. In marka dastuurka la furo oo guddi loo saaro, ururrada iyo axsaabtu is aaminaan oo la isku miisaamo.

Markaa 3 Doorasho Oo isku Sidkan Hala Qabto Kuwaasi Oo Kala Ah Sidatan:-

♡. Ururada
♡. Madaxtooyada
♡. Golaha Guurtida

Golaha Guurtidu Xaq Uma Laha Inay Noqdaan Sidii Boqoro Dooran Iyo Danaystayaal Aanu Ku Quudino Cashuurta Umada Kuna Dhawrno Cimrigayaga Inta Ka Dhinan Iyaga Oo Isisii Kala Dhaxlaya Hadeerna Badi Maraya Jiilkii 2Aad.

Taasi Waxay Tusmaynaysaa Xukuumada, Xisbiga Talada Haya Iyo Axsaabta Mucaaradka Iyo Ururaduba Inay Danta Guud Iyo Dimuquraadiyada Dalka Ka Hor Marinayaan Danahooda Gaarka ah Oo Ah Muhashada Kursiga Madaxweynaha Iyo Hogaaminta Dalka.

Dalka oo dhan waxaa ku soo badanaya rabshadaha iyo doorashooyinka, waxaana gebi ahaanba burburay nidaamkii dimuqraadiga ahaa ee dalka.

Dawladaha aduunka ee ina taageera iyo ganacsatada Somaliland waa in ay si hufan u caawiyaan wixii aanay dawladu qaban karin.

Maaha in xisbiyada siyaasadda lagu qanciyo, balse waxa muhiim ah in Dimuqraadiyiinta lagu qanciyo horumarka iyo horumarka qaranka Somaliland.

FIIRO GAAR AH.

Waxaa Barnamijka Qiimee Qaran Aaminsan Yahay Hadii Jamhuuriyada Somaliland Nidaamka Dimuquraadiyada Dhamays Tirato Si Bilaa Muran Ah , Shacabkeedana Midayso Oo Ay muujiso Sinaansho Muwaadinimo, DeegaanIyo Muwaadinimo In Aanay Jiri Doonin Sabab Looga Haysto Aqoonsiga Caalamiga Ah.

Balse Hadeer Ay La Qawadayo Murankeena Siyaasadeed Iyo Dimuquraadiyadeena Qabyaaladu Iyo Qof Jeclaysigu Ku Ladhan Tahay.

Shacabka Somaliland Ha Fahmaan In Aanau Kala Jeclaysanin Dhinacyada Siyaasada Tabaalada Hadeer Ka Mucaaradka Ah U Taali Waa Mid BaritobU Oolaysa Ka Muxaafidka.

Muhiimadeenu Maaha Taageerada Muran Soo Noqnoqda Balse Waxaa Muhiim In Sharciyada Dalkeena La Waafajiyo Nidaam Cadaaladeed Oo Inoo Damaanad Qaada In aan Qof Dambe Arimo Doorasho Inagaga Dhimanin.

Hadaba Cidii ay Khusayso Iyo Sharci Yaqaanada Dalka Somaliland Hanala Daymoodeen Tusmadaasi Garyaqaan Jamaal Hussein Mandeela Human Rights Centre Somaliland Mubarik Abdi Somaliland Lawyers Association - SOLLA Somaliland Women Lawyers Association

Alla Mahad Leh.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when QIIME QARAN posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to QIIME QARAN:

Videos

Share

Category