Aqoon & Afgarad Podcast

Aqoon & Afgarad Podcast Health | Communication | Education | SBC | Quality Improvement

Intiinnii dhegaysatay barnaamijkii aynu ka samaynay IELTS Academic, waxa dhawr jeer lana soo weydiiyey oo aan halkan ku ...
25/04/2023

Intiinnii dhegaysatay barnaamijkii aynu ka samaynay IELTS Academic, waxa dhawr jeer lana soo weydiiyey oo aan halkan ku soo ururinnay meelaha aad ka sii heli kartaan tilmaamo dheeri ah oo dabcan idinka caawin doona in aad si fiican u sii diyaar garawdaan.

1. https://ieltsregistration.britishcouncil.org/orsnbc/
2. https://www.ielts.org/
3. https://takeielts.britishcouncil.org/take-ielts/prepare/free-ielts-practice-tests
4. https://ieltsliz.com/
5. https://www.ieltsadvantage.com/ielts-listening-practice-questions/
6. https://apps.apple.com/pt/app/ielts-practice-band-9/id1487374890?l=en
7. https://youtube.com/
8. https://www.ieltsjacky.com/
9. https://www.youtube.com/
10. IELTS Prep App – TakeIELTS.org

Good luck.

Xalqaddeenna 4aad waxa aynu kaga hadli doonnaa Sinnaanta iyo Sinnaan La'aanta Caafimaadka (Health Equity and Inequality)...
21/03/2023

Xalqaddeenna 4aad waxa aynu kaga hadli doonnaa Sinnaanta iyo Sinnaan La'aanta Caafimaadka (Health Equity and Inequality) maalinta Jimcaha, 24ka March, Insha Allaah.

10/03/2023

S01E03: Diyaarinta iyo Imtaxaanka IELTS Academic (IELTS Academic Preparation)

Xalqaddan waxa aan kaga hadli doonnaa IELTS Academic annaga oo kaga warrami doonnaa qodobbo ay kamid yihiin;

1. Warbixin guud oo ku saabsan IELTS
2. Isdiiwaangelinta iyo kharashka
3. Diyaarinta imtaxaanka
4. Noocyada imtaxaanka iyo sharraxaad ku saabsan mid walba
5. Natiijada

Waxa marti iigu ah Dr Guled Artan oo aan khibraddiisa imtaxaankan kala sheekaystay.

Halkan ka dhegayso Podcast-ka: https://www.buzzsprout.com/2110518/12409404
Amma Youtube-ka: https://youtu.be/6twETFKNj4o

Waxa aad sidoo kale ka dhegaysan kartaan meelaha kale ee adeegga Podcast lagala socdo.

Dhibaatada musuqmaasuqu ku hayo nidaamyada daryeel ee caafimaad, isku dayga lagu hagaajinayo dhan kasta oo ay tahay ba w...
04/02/2023

Dhibaatada musuqmaasuqu ku hayo nidaamyada daryeel ee caafimaad, isku dayga lagu hagaajinayo dhan kasta oo ay tahay ba waxa fure u ah;
1. Daacadnimada,
2. Isla Xisaabtanka, iyo
3. Daahfurnaanta.

31/01/2023

Mawduuca: Musuqmaasuqa Nidaamka Daryeelka Caafimaad (Corruption in Healthcare System)

Barmaanijka oo dhammaystiran waxa aad ka dhegaysan kartaa Links-ka hoose:

Halkan ka dhegayso Podcast-ka: https://www.buzzsprout.com/2110518/12152633
Amma Youtube-ka: https://youtu.be/dta8FGZmh1k

Waxa aad sidoo kale ka dhegaysan kartaan meelaha kale ee adeegga Podcast lagala socdo.

18/01/2023

"Ururro badan iyo shakhsiyaad ka soo jeeda caafimaadka rasmiga ah ayaa aad uga shakisan shaqaalaha caafimaadka dadban, runtu waxa ay tahay in ay qayb aad u weyn oo muhiim ah ka yihiin dadkani adeegbixiyeyaasha, dedaallada la rabo in shaqadooda meesha looga saaro amma indhaha laga qarsadona wax guul ahi k**a dhalato, k**ana imanayso ba!"

Barnaamijkeennan oo ku saabsan SHAQAALAHA ADEEGGA CAAFIMAADKA DADBAN (INFORMAL HEALTHCARE PROVIDERS), qodobada aynu barnaamijkeenan kaga hadli doonno waxa kamid ah;
1. Wa ayo shaqaalaha caafimaadka dadbani? Qeexitaankooda.
2. Sooyaalkooda iyo sida ay adduunka uga shaqeeyaan.
3. Ujeeddooyinka ay u shaqeeyaan dadkani.
4. Sababaha ay dadku ugu xidhan yihiin caafimaadka dadban.
5. Tayada daryeelka caafimaadka dadban.
6. Faa'idooyinka iyo khataraha lala xidhiidhiyo daryeelka dadban.
7. Sidee loo hagaajin karaa qaybtan? Maxaa se hadhsan in la fahmo?
8. Tixraacyada xogta barnaamijka.

Halkan ka dhegayso Podcast-ka: https://www.buzzsprout.com/2110518/12067311

Amma Youtube-ka halkan kala soco: https://youtu.be/9BmW8O_JCcg

Pandemic Fatigue!Iyada oo ay xaqiiq tahay in mawjadaha xanuunkii COVID19 ay weli jiraan, haddana waxa muuqata in dadkeen...
09/01/2022

Pandemic Fatigue!

Iyada oo ay xaqiiq tahay in mawjadaha xanuunkii COVID19 ay weli jiraan, haddana waxa muuqata in dadkeennii ay galeen xaaladda loo yaqaan pandemic fatigue, oo ah dadka oo ka xiiso dhaca kana daala in ay raacaan tallaabooyinkii iyo dhaqamadii lagu xak**ayn lahaa xanuunka COVID19 ee h**e loo faray, taas oo ay ugu wacan tahay sababo dhaqandahqaale oo culays badan ku keenay noloshii amma dareenkii shakhsiga ahaa ee bulshada.

Daalkan safmarka ee bulshadu waa wax dabiici ah oo la filan karo markasta oo uu dheeraado dhibaato caafimaad oo bulsho haysataa in ay kaba aamin baxaan farahana ka qaadaan wixii la is faray kadib culays dhaqaale amma mid nafsi ah oo ay dareemaan.

Qalloocan caadiga noqday ee dhibaatadiisa wata waxa dawladda la gudboon in ay fuliso dhawr waddo oo muhim ah;

1. In bulshada la fahmo, la dhex galo, dareenkooda, sida ay wax u arkaan iyo xalka ba laga waraysto oo xog nadiif ah laga soo ururiyo.

2. Bulshada in la dareensiiyo in ay qayb ka yihiin xalalka dhibaatadan lagu maaraynayo.

3. Dadku ha noolaadaan – xannibaad culays ku keenaysa nolol maalmeedkooda in loo yeedhiyo sax ma aha. Hana laga garaabo dhibaatada iyo culayska haysta soona gaadhay inta xanuunku jirey.

4. Kadib wixii la isla qaataa ha noqdaan farriimo loo mariyo dariiqa bulshada meel ku dhaqani baa aad ugu xidhantahay sida media-ha noocyadiisa kala duwan, culimada, odayada dhaqamada, ururada haweenka, kuwa dhalinyarada ikk.

5. Farriimahani ha noqdaan qaar la joogteeyo illaa intii ka macquul ah.

Waxa aad u soo badanaysa dhalinyarta wadne-istaagga u dhimanaysa amma la dhibtoonaysa guud ahaan caalamka. Waagii h**e d...
23/12/2021

Waxa aad u soo badanaysa dhalinyarta wadne-istaagga u dhimanaysa amma la dhibtoonaysa guud ahaan caalamka. Waagii h**e dadka waaweyn amma ugu yaraan 40ka kor u dhaafay ayaa dhibbanayaasha koowaad ka ahaa, immika se xaaladdu sidaa ma aha.

Tani waxa ay innooga baahantahay in aynu ku baraarugsanaanno khataraha lala xidhiidhin karo xaaladdan si aynu u ilaashanno caafimaadka wadnaheenna iyo xididdada dhiigga.

Khataraha sida tooska ah loola xidhiidhiyo in qof da’yari wadne-istaag la soo darso waxa kamid ah;

1. Macaanka: Qofka macaanka la nool waxa la gudboon in uu si wanaagsan u xaddido sonkorta dhiigga oo uu si joogto ah ula xidhiidho dhakhtar garanaya daryeelka macaanka.

2. Dhiig-karka: Waxa soo badanaya in dhalinyarta lagu arkayo dhiig-kar, kaas oo isna dawadiisa (isbeddel habnololeed iyo kiniin) u baahan joogto ah si looga baaqsado cadaadis iyo culays ku yimaadda wadnaha dhiigga habaya.

3. Miisaanka kordhaya iyo buurnimada ayaa iyaguna saamayn muuqata ku leh maaddaama jidhku wadnaha ka dalbanayo shaqo iyo dhiigtuuris ka badan intii h**e, dhanka kale na subaga dhiigga kordhinaya.

4. Balwadaha aan wanaagsanayn ee sigaarku ugu horreeyo iyo mukhaadaraadka kale ee la adeegsado oo dhalinyarta ku badan ayaa iyagu na meesha ku jira oo qayb ka ah khataraha xaaladdan wadne-istaagga horseedi kara.

Si kooban: Marka laga yimaaddo dhibaato muruqa wadnaha ah oo dadka qaar ku dhashaan, khataraha u badan ee dhalinyarta wadnuhu istaagayo lala xidhiidhinayaa waa qaar ka imanaya habnololeedkeenna aan quruxda badnayn, haddii ay tahay cuntada iyo miisaanka kordhaya, jimicsi la’aanta, iyo balwadaha aan wanaagsanayn.

Talo: Qofka dhalinyarta ah waxa la gudboon inta uu yaryahay in uu qabatimo nolol caafimaad qabta sida jimicsi joogto ah, ka warhaynta cuntada iyo miisaanka jidhka, iyo ka fogaanshaha balwadaha xun oo dhan.

Wax ka ogow qalliinka xameetida!______________________________________B. Waa maxay xuubka xameetidu?Xuubka xameetidu waa...
17/09/2021

Wax ka ogow qalliinka xameetida!
______________________________________

B. Waa maxay xuubka xameetidu?

Xuubka xameetidu waa xubin yar qaabka saytuunka leh oo ku dhegsan beerkaaga hoostiisa. Waxa uu kaydiyaa xameetida, dareere jidhka ka caawiya dheefshiidka duxda/dufanka. Marka aad quudato cunto dufan leh, kiishka xameetidu wax a ay xameetida ku sii daysaa dariiqa xameetida oo ugu dambayn gaadha midhicirka yar si uu u caawiyo dheefshiida.

T. Waa maxay saaritaanka (qalliinka) kiishka xameetidu?

Saaritaanka kiishka xameetidu waa qalliin lagu saarayo kiishka xameetida iyo waxa ku jira ba. Waxa jira laba nooc oo qalliinkan ah:

1. Qalliin Laabaroskobi ah – Inta qalliinkan la wado, Dhakhtarku waxa uu dhawr meelood oo yaryar ayuu ka furayaa ubucda halkii in wayn laga furi lahaa. Kadib waxa la gelinayaa qalab dhuuban oo dheer, mid kamid ah qalabkan ayaa wata k**arad taas oo sawiraan ka soo qaadda gudaha lagana daallacan karo shaashad. Dhakhtarku shaashaddaa ayuu sawiraanta kala soconayaa si ay ugu hagto dhaqaaqa uu samaynayo.

2. Qalliin furan – Qalliinkan waxa uu dhakhtarku samaynaya jeexitaan weyn oo ubucda ah si uu si fiican u fuliyo qalliinka.

J. Maxaa qofka looga saarayaa kiishkiisa xameetida?

Sababta ugu badani waa in laga daweeyo dhagaxaanta xameetida. Dhagaxaanta xameetidu waa qaar yaryar oo ku samaysma kiisha xameetida dhexdiisa. Dhagaxaantani waxa ay xidhi karaan dariiqyada xameetidu u qulqusho ee marto, sida oo kale waxa ay dhagaxaantu sababi karaan caabuq, xanuun iyo calaamado kale ba.
Qoraalkani waxa loogu talo galay saaritaanka kiishka xameetida marka la dawaynayo dhagaxaanta xameetida. Balse dadka waxa kale oo laga saari karaa kiishkan iyada oo laga dawaynayo kansar ku dhacay kiishka xameetida. Haddii sababta qalliinkan loo samaynayaa ay tahay kansar, inta badan waxa la saaraa wax ka badan kiishkan oo qudha.

X. Maxaa dhaca inta aan kiishka xameetida la saarin?

Qalliinka ka hor:
- Dhakhtarku waxa uu dalbanayaa shaybaadho dhiigga ah si loo hubiyo shaqada beerku in ay caadi tahay iyo in kale
- Dhakhtarku waxa uu dalban doonaa sawir uurkujirta ah oo la yidhaa altarasown kaas oo adeegsada hirar dhawaaq amma cod ah si ay u samaysmaan sawiraan uurkujirta ah oo kiishka xameetidu kamid yahay. Shaybaadhkan sawirka ah ayaa sheegaya in aad leedahay dhagaxaa iyo in dariiqa xameetidu ballaadhay amma xidhmay.
- Haddii dariiqa xameetida uu xidhay dhagax, waxa laga yaabaa in dhakhtarkaagu dalbado qalab la yidhiaa “ERCP”.

Qalabkan ayaa ka kooban tuumbo kamerad wadata oo lagu dhaadhicinayo dalqadaada. Dhakhtarka ayaa h**e ugu sii dhaadhicinaya isaga oo dhaafinaya calooshaada illaa uu ka gaadhayo midhicrka yar meesha xameetidu kaga timaaddo. Kadib dhakharka ayaa ku shubaya dareeri khad oo kale ah oo kor ugu soconaya dariiqa xameetida oo la gaadhayo ganaca, kiishka xameetida illaa beerka, kadib sawirka raajada ayaa lagu saarayaa oo uu dareerahaasi si fiican uga muuqanayaa. Habkan waxa dhakhaatiirtu ku arki karaan halka dareerahaasi tegay. Xaaladaha qaar waxa laga yaabaa in dhakhtarku tuumbada u adeegsado in uu ku soo saaro dhagaxaanta amma uu ku ballaadhiyo dariiqa xameetida si dhagaxaanta kuwooda yaryari ay u soo dhaafi karaan meesha.
- Dhakhtarkaagu waxa laga yaabaa in uu ku siiyo dawooyin xididka ah si loo yareeyo khatarta caabuqa inta qalliinku socdo iyo kadibba iman kara.

KH. Waa maxay faa’idooyinka ku jira in kiishka xameetida la soo saaro?

Haddii aad qalliinkan marto si lagaaga daweeyo dhagaxaanta xameetida, faa’idada ugu wayni waa in aad ka bogsato calaamadihii oo ay kaa tagaan.

D. Waa maxay khataraha ka iman kara qalliinkan lagu saarayo kiishka xameetidu?

Khataruhu waa ay yaryihiin, balse waxa kamid noqon kara:
- Dhaawac soo gaadha dariiqyada xameetida ee u dhow kiishka xameetida.
- Xameetida oo soo dareerta
- Dhiigbax
- Dhaawac soo gaadha midhicirrada
- Caabuq
- Dhagaxaanta oo ku dhega dariiqa xameetida (kuwaas oo u baahan doona in lagu soo saaro ERCP qalliinka ka dib)

Xaaladaha qaar, qofku waxa uu sii lahaan karaa xanuun xagga ubucda ah xataa kadib marka laga saaro kiishka xameetida.

R. Sidee ayaa ay noqonaysaa kasoo kabashadaydu?

Ka soo kabashadu waa ay yar kala duwan tahay iyada oo ay ku xidhantahay nooca qalliin ee aad laguu sameeyey, qalliin furan mise laabaraskobi.

• Haddii laabaraskobi uu ahaa qalliinkaagu, waxa aad awooddaa in isla maalinta aad qalliinka gasho aad ka baxda cisbitaalka. Balse waxa jirta suurogalnimo ah in aad sii joogto cisbitaalka hal habeen. Inkasta oo jeexitaanka jidhka sare uu aad u yaryahay, qalliinka guduhu la mid ayaa uu ahaa sida qalliinka furan. Waxa uu dhakhtarkaagu kaa dalban doonaa in aad nasato oo aad ka fogaato in aad wax culus qaaddo, jimicsato, ciyaarto oo aad dabbaalato ugu yaraan 1 toddobaad.

• Haddii qalliinkaagu ahaa mid furan, hubaal waxa aad sii joogi doontaa cisbitaalka 1 amma 2 maalmood illaa hal toddobaad waa suurogal. Inta aad joogta halkaa, isku day in aad socodka billawdo sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurogalka ah. Sidoo kale, waxa aad samaysaa jimicsiga sambabadaada oo ay kalkaalisadu ku tusi doonto sida aad u samaynayso. Marka aad guriga tagto, waxa aad qabsan kartaa inta ugu badan shaqadaadii caadiga ahayd, balse waa in aad iska ilaalisaa qaaditaanka waxyaaba culus, jimicsiga, ciyaaraha iyo dabbaasha illaa dhawr toddobaad.
Haddii aad qaadato xanuun biiyayaasha qaar qalliinka kadib, waxa laga yaabaa in aad yeelato calool-istaag. Qaado waxyaabaha saxarada jilciya si aad dhibaatadan uga hortagto.

Haddii aad isku aragto calaamadahan soo socda toddobaadyada ku xiga qalliinka, la xidhiidh dhakhtarkaaga:
• Xummad amma qadhqadhyo
• Casaan amma barar ku wareegsan meesha lagaa jeexay
• Yalaalugo amma matag
• Damqasho iyo xanuun daran oo ubucda ah
• Dibbiro
• Maqaarka iyo indhaha oo huruud/cagaar ku noqda.
• Kaadida oo aad u madoobaata.

S. Qalliinku miyaa uu saamaynayaa dheefshiidkayga cuntada?

Maya, qalliinku aad uma saamaynayo dheefshiidkaaga. Balse illaa kala badh dadka qalliinkan mara ayaa yeesha calaamado sahlan oo ay kamid yihiin saxarada oo jilicsanaata (shuban oo kale), dhuuso (naqas xagga dambe ah) amma dibbiro. Calaamadahani waa ay ka soo reeyaan oo wanaagsanaadaan.

Source: UpToDate

Si kooban,Sooyaalka waxa jiray waxyaabo dadyowgu adeegsan jireen oo salka ku haya dhaqamo bulsheed iyo qaar diineed kuwa...
12/09/2021

Si kooban,

Sooyaalka waxa jiray waxyaabo dadyowgu adeegsan jireen oo salka ku haya dhaqamo bulsheed iyo qaar diineed kuwaas oo ay isku qurxin jireen gabawgana kula dagaallami jireen. Casrigan aadamuhu horumarka ka gaadhay caafimaadka iyo tiknoolajiyada, waxa jira xirfado iyo waxsoosaar qofka ka taageeraya in uu gabow iyo coodhcoodhka wejiga ka cararo.

Gabowga wejiga intiisa hoose oo billaabma labaatan sanno marka la dhaafo, ayaa ka yimaadda isbeddelka ku dhaca lafaha daanka, duxda maqaarka wejiga hoose oo yaraata, muruqyada oo dabca, iyo is-haysadka maqaarka oo jilca amma jiitama. Isbeddaladan oo ay saameeyaan dheecaannada jidhka qaar kamid ah, hiddesidaha qofka, shaqada qofka, belwadaha sigaarku ka mid yahay iyo guud ahaan qaabnololeedka qofka ayaa ku keena in dibnuhu hoos u dhacaan oo duxda iyo giijisnaanta meesha ka baxday keento in qofku coodhcoodho.

Si loo xaliyo dhibaatada kor ku xusan, amma ba dadka qaar u helaan qurux ka timi qanaacada ay jidhkooda ku qabaan oo yaraatay, waxa dhakhaatiirtu bartilmaameedsadeen saddex meelood; adkaynta iyo xaddidaadda muruqyada wejiga, buuxinta meeshii duxdu ka luntay, iyo simidda maqaarka u sarreeya.

Ta aynu halkan ku eegayno ee ah buuxinta meesha bannaan ee la buufinayo amma la bararinayo waxa la adeegsadaa waxyaabo dabiici ah iyo qaar aan ahayn oo kala duwan. Hyaluronic acid (HA) ayaa ah nooca ugu caansan, ugu na badan (>80%) ee la adeegsado dadka u baahanna lagu mudo. Walaxdani waa mid dabiici ah oo asalka h**e ba laga helo nudayaasha jidhkeenna, kana qayb qaata qaabdhismeedka taagan ee giijisan ee nudayaasha. Waa walaxda u caansan kuwa lagu duro amma lagu mudo faruuryaha iyo maqaarka kale ba, waase ay badan yihiin.

Walaxdani waxa ay u shaqaysaa in ay meeshii dabacday amma bannaanayd ee maqaarka kamid ah amma dibnaha ba dheh, ay buuxiso oo barariso, biyo-kudheg ayaa ay leedahay, waxa ay sidoo kale carisaa koolajiin oo iyana qayb ka ah taagnaanta qaabdhismeedka nudayaasha, maqaarku na ku jiro. Inta badan qofku waxa uu u baahdaa in uu isku mudo/durqo intii muddo ah ba mar, maaddaama cimriga waxtarkoodu u dhexeeyo 6-12 bilood.

Warka wanaagsan ayaa ah in aanay lahayn dhibaato iyo cawaaqib xumo la sheegi karo maaddaama ay tahay walax dabiici ah oo jidhkana laga helo. Dhibaatada ka dhalataa waa mid aad u yar oo ay kamid yihiin; xanuun, casaan iyo barar oo inta badan la xidhiidha irbadda lagu mudayo qofka.

Marka dib aad u eegto taariikhda islaamka dhakhtarrada iyo xikmadu waxay ahaayeen laba isku sidkan oo aan lakala raabi k...
08/08/2021

Marka dib aad u eegto taariikhda islaamka dhakhtarrada iyo xikmadu waxay ahaayeen laba isku sidkan oo aan lakala raabi karin. Dhamaan faylasoofyada ugu magaca wayn taariikhda islaamka ee aqoonta falsafada, cilmiga bulshada iyo caafimaadkaba mudo qarniyo ah hogaaminayay waxay ahaaayeen dhakhaatiir. Soo qaado Inbu Siinaa/إبن سينا, Inbu rushdi/ إبن رشد Al-raazi/ فخر الدينالرازي, Al kandi/ الكندي Cabaad ibnu farnaas/ عباس إبن فرناس Al-Faarabi/ الفاربي, Ibnu jazaar Al-qayrawaani/ إبن جزار القيروان iyo tobanana kale oo taariikhda islaamka camiray, magac iyo haybadna dunida muslimka u yeelay.

Dhakhtarnimada iyo falsafadu waxay ahaayeen laba aan hadhin waa sababta carabtu ay dhakhtarka ugu yaqaaneen Xakiim (الحكيم) oo macnaheedu yahay xikmad badane. Muslimiintu waxay aaminsanaayeen in Caafimaadku yahay laan ka mid ah laamaha falsafada sidaa darteed ayaa qofka caafimaadka darsa ee ku shaqeeyaa falsafaduna xiise gaar ah ugu lahayd ilaa qaarkood ay falsafada kaga fiicnaadeenba caafimaadkii. Dhakhtarku waxa uu u baahan yahay maskax tuujin badan, fikir badan, sababayn, hubsiimo badan, deganaansho, iyo samir aad u badan. Dhakhtaradu waa dadka ugu baahida badan hab-fikirka naqdiga ku dhisan ee loo yaqaan critical thinking waxaanay la wadaagaan faylasuufka ma fiqiyahanka.

Tusaale, Ibnu rushdi oo ah ninka falsafada sida maanta loo yaqaan u qaabeeyay isla markaana saamaynta ugu wayn ku lahaa faylasuufka dunida reer galbeed ugu magaca wayn Thomas Aquinas, dunida reer galbeedkana looga yaqaan Averroes, waxa uu ahaa dhakhtar xiise gaar ah u leh neefsashada iyo xanuunada maskaxda. Waxa kale oo uu ahaa faqiih ku xeel dheer fiqiga mad'habka maalikiga oo uu kutub ka qoray kuna fatwoon jiray.

Inbu sinaa oo reer galbeedku ula baxeen Avicenna, waxa uu isna ka mid yahay haldoorka fikirka iyo falsafada islaamka ee maanta laga xasuusto casrigii dahabiga ahaa uu xadaarada Islaamka waxa uu ahaa dhakhtar madaxda iyo maal-qabeenku safaf ugu jiraan, waana qoraaga buuga "Canon of Medicine" ugu caansanaa caafimaadka ee marjica u ahaa aduunta mudo shan qarni ah. Waxa uu seeska u dhigay caafimaadka laamaha cudurada dumarka iyo caruurta oo uu faracyo gooni ah ka dhigay ilaa maanta cid ku qabsata lama hayo.

Waxa aan uga socdaa xiligii aan ardayga dugsiga dhexe iyo sare dhigta ahaa, aniga iyo jiilal dhan, waxaanu diinta iyo luqada carabiga ka dhigan jiray xalqadaha masaajidada ee hargaysa. Ilaahay mahadiis aqoonta diinta waan u aayay oo noloshayda macno ayay uyeeshay, laakiin waxa jiray fahamdaro iyo kas yaraan aad u xididaystay oo ilaa hada inaga haysata fahamka diinteena iyo baaxada iyo kala duwanaanshaha aqoonteeda. Waxa nalagu ababiyay in falsafadu aqoon xaaraan ah tahay sababta oo ah qofka ayay iimaankiisa waswaas ka gelisaa. Ragaas aan soo xusay ee Inbu rushi, Ibnu siinaa, fakhrudiin raasi iyo qaar kaleba waxa naloogu sheegay dad baadiyoobay oo shaydaanku kaladhka ka buuxsaday.

Waxa dhacday markii Jaamacada la gaadho in ardaydu la kulanto xadi aad u badan oo aragtiyaha falsafada ah oo ku tidcan maadadaha ay dhiganayaan. Tusaale, dhaqaalaha, siyaasada, arimaha bulshada, barashada cilmi-baadhista, injineernimada iyo caafimaadka dhamaantood waxa qayb laxaad leh ka ah falsafad. Ardaygii yaraantiisii la gudhiyay falsafada ee isaga iyo aqoontaas la dhexdhigay nacaybku waxa uu la kulmay afkaar garaadkiisu u babac dhigi karin, taasina waxay keentay shakigii yaraanta lagaga ilaalinayay inuu waynaantii isagoo aqoonyahan ismooday uu galo. Waa halka ay salka ku hayso alle koodnimada kusoo badanaysa da'yarteena iyo diinta in badani ka xajiimoonayso. Xalku waa in barashada falsafada, cilmi kalaamka iyo mandiqa laga bilaabo dugsiga sare iyado loo dhigayo si isku dhererin ah "comparative study" oo ardayga la fahansiinayo asalka falsafada iyo sida islaamku u maareeyay.

Qodobka labaad dhakhaatiirta gaar ahaan da'yarta waxa la gudboon in aaay aqoontooda ku koobin caafimaadka oo keli ah. qofku waa inuu noqdo dhakhtar xariif ah, amaano leh, isla markaana ugu yaraan laba farac oo kale sifiican u fahma. Waxa la rabaa dhakhtar cilmiga bulshadana sifiican u yaqaan, dhakhtar tafsiirka aad ugu wanaagsan, iyo wixii la mid ah. taasi waxay bislaynaysaa garaadkaaga, waxay dhistaa shakhsiyada dhakhtarka waxaanuu noqonayaa dhakhtar aqoon yahan ah.

W/Q: Dr-Abdikarem D Hassan

Ma dhakhaatiir ayaa weli adeegsada DEWORMING oo caruurta siiya kiniinnada GOORYAAN-DILAHA ah? Adigu se ubadkaaga ma siis...
05/08/2021

Ma dhakhaatiir ayaa weli adeegsada DEWORMING oo caruurta siiya kiniinnada GOORYAAN-DILAHA ah? Adigu se ubadkaaga ma siisaa waalidoow?
----------------------------------------------------------------------

Gooryaannada kala duwan ee ciidda ku gudba ayaa ku badan dhulalka kulaalaha ah ee dhulka Soomaalidu degtana kamid yahay. Haaya’adda caafimaadka adduunka (WHO) ayaa weli ku talisa in ubadka dugsiyada dhigta lixdii bilood ba halmar amma sannadkii laba goor la siiyo kiniinada gooryaanka meelaha uu gooryaanku joogo. Ma aha WHO oo qudha balse waxa jira ururo caalami ah sida Gates Foundation oo ku andacooda in kiniinadan gooryaan-dilayaashu ay saamayn wanaagsan oo togan ku leeyihiin caafimaadka iyo bulshaawinnimada ubadka, marka laga yimaaddo in ay dirxiga meesha ka saarayaan.

Faa’idooyinka ay ku andacoonayaan ee Dhakhaatiirta habkan raacdaana la qabaan waxa kamid ah; in haddii kiniinnadan si joogto ah caruurta loo siiyo (ugu yaraan laba jeer sannadkii) ay ka qayb qaadanayso koritaanka jidhkooda, kor u kaca dhiiggooda (hemoglobin), kobaca garaadkooda, waxbarashadooda oo wanaagsanaata, dugsiyada oo aanay ka maqnaan, jidh ahaan in ay awood iyo firfircooni helaan iyo guud ahaan in ay nolol ahaan ka badbaadaan dhimasho.

Iyada oo taasi jirto, dhulalka Soomaalida bahda caafimaadka ee ka hawl gala ee dhakhaatiirtu ugu horraysaa k**a duwana iyagu na, waxa ay gaar ahaan kuwooda caruurta daweeyaa aad u adeegsadaan habkan gooryaan-dilidda ah (Deworming) iyaga oo qora kiniinadka yihiin Albendazole iyo Mebendazole. Haddaba waxa is waydiin mudan, maxaa xaqiiqo ah ee ay u haystaan in habkan ay weli adeegsadaan? Maxaa daliil cad ah ee yaalla maanta oo bahda caafimaadka ku dirqinaya in ay habkan muddada la soo wadey ay ku sii taagnaadaan? Haddii lagu yidhaa waa qalade joojiya wax faa’ido ahna ubadka uma laha, maxaa ay la shir imanayaan ee ay ku difaacayaan habkaa ay wadeen ee gooryaan-dillidda ah (deworming)?

Inta aanan hoos ugu daadegin jawaabta weydiinta cinwaanka qormadan, aynu xusno waxa saldhiga u ah sayniska guud ahaan iyo daawaynta caafimaadka gaar ahaan. Waxa dawo dhakhaatiirtu qorto ee loo adeegsado xannuunada kala duwan dhamaantood waxa ay soo mareen tijaabooyin kala duwan oo muddo qaata. Marka ay xarun-shaybaadh ku jiraan, marka noolaha lagu tijaabinayo iyo marka ay suuqa soo galaan ee dawo ahaan loo adeegsado ba waxa marxaladahan lagu xusaa oo daba socda aqoonbaadhis mar h**e lala soo billaabo. Dhammaan dawooyinka suuqa soo galayna waa qaar sidaa lagu xaqiijiyey waxtarkooda iyo bedqabkooda ba.

Aqoonbaadhisahaa oo ah halka loogu tago xaqiiqooyinka sayniska ah mar walba qaar cusub ayaa socda, kuwaas oo beeniya amma xoojiya kuwii ka horreeyey, saamayn toos ahna ku leh sida loo adeegsado daawaynta xanuunnada iyo go’aannada ay dhakhaatiirtu qaadanayaan. Aqoonbaadhisahani daliil ahaan ayaa ay kala awood badan yihiin, noocyada kala duwan ee aqoonbaadhis ahina waa ay kala faddilan yihiin. Tusaale; case report-ku waa halka ugu hoosaysa ee la soo qaadan karo, iyada oo systemic review studies-ku yihiin kuwa ugu awood badan marka laga reebo Meta-analysis studies oo ah figta u sarraysa ee xaqiiqo la daliishan karo sayniska, waana systemic review farobadan oo la isla eegay lana qiimeeyey waxa ka soo baxay. Caalamka meelo kooban oo WHO iyo Cochrane ay kamid yihiin ayaa ba sameeya Meta-analysis.

Haddaba, aqoonbaadheyaal ka tirsan Cochrane Library ayaa September 2019 daabacay warbixin ka timi baadhitaan meta-analysis ah oo ay ku sameeyey 51 tijaabo oo toban kamid ahi ahaayeen Randomized Controlled Trials (oo ah kuwa ugu sarreeya daliil ahaan caafimaadka dhexdiisa marka laga reebo labada aynu kor ku xusnay) iyaga oo hoos u eegay warbixinaha ka soo baxay saamaynta kiniinnadani ku leeyihiin dhererka ilmaha, xooggiisa, waxbarashad iyo joogitaanka dugsiga, caafimaadka jidheed iyo dhimashada.

Ku dhawaad (1,100,000) hal-milyan iyo boqolkun oo tijaabooyinkan qayb ka ahaa ayaa lagu ogaaday;

1. Kiniinka koowaad ayaa aan sheegin in wax saamayn ah uu ku leeyahay dhererka iyo miisaanka ilmaha, marka laga reebo hal aqoonbaadhis oo 30 sanno kahor Kenya lagu sameeyey oo aan la hubin in miisaanka ay wax ku kordhinayso iyo in kale maaddaama qiimaynta aqoonbaadhistaa ay wax badan ka dhimmanyihiin.

2. Kiniinka koowaad (first dose) wax saamayn ah kuma yeelan kor u kaca dhiigga ilmaha (hemoglobin)

3. Lama hayo warbixin ku filan oo caddayn karta in ay kor u qaaddo joogitaanka iyo wanaagsanaanta ilmaha ee dugsiga iyo waxbarashada (Hal tijaabo oo daliilkeedu hooseeyo ayaa laga sameeyey keliya) iyo jidh ahaan in uu wanaagsanaanayo

4. Ma jirto wax tijaabo ah oo la helay oo ka hadlaysa in ay hoos u dhigto dhimmashada caruurta haddii kiniinnadan la siiyo.

5. Labada kiniin (multiple doses) caruurta la siiyey oo lagu ogaaday 18 tijaabo, lama arag in ay kordhiso miisaanka ilmaha marka laga reebo laba tijaabo oo Kenya iyo India laga sammeeyey 30 sanno ka hor oo sheegaya in xoogaa miisaanka ilmuhu kordho marka la siiyo labada kiniin ba. Balse wixii aqoonbaadhis la sammeeyey 2000 ka dib, lama sheegin in ay miisaanka ilmaha u kordhiyaan.

6. In si joogto ah ilmaha loogu daweeyo kiniinnadan lama sheegin in ay saamayn ku leeyihiin dhererka, dhiigga, iyo garaadka ilmaha. Sida oo kale ma wanaajiyaan joogitaanka ilmaha ee dugsiga. Ma jirto wax tijaabo ah oo sheegaysa in dhimmashada ilmuhu hoos u dhacayso haddii si joogto ah loogu daweeyo kiniinnadan.

Gebogebo/Soo-koobid
• In caruurta si joogto ah loogu daweeyo kinniinada gooryaan-dilaha (deworming) caddayn looma hayo in ay ilmaha koriso dherer ahaan , dhiig ahaan (hemoglobin) iyo garaad ahaan. Lama hayo caddaymo sheegaya in ay kor u qaaddo joogitaanka ilmaha ee dugsiga iyo in ay yarayso dhimmashada caruurta. Ma jirto xog ku filan oo sheegaysa quwad ahaan iyo jidh ahaan in ilmuhu ku wanaagsanaanayo. Waxa muhiim ah in aan keliya lagu socon aqoonbaadhiso la sameeyey rubucqarni wax ka badan oo gaboobay, iyada oo la iska indhotirayo kuwa dhawaan soo baxay ee tooshka ku shidaya in aanay ahayn wax sugan oo daliil loo hayo in barnaamijyadani ahaadaan qaar sii socda oo dhaqaale badanna ku baxo.

F.G: Ubadka gooryaanka leh waa la siin karaa, ta laga hadlayaa waa in si joogto ah loo siiyo ilmaha xataa aan wax calaamado ah lahayn.
Waakan aticle ku ee sii akhiso isaga oo faahfaahsan: https://www.ncbi.nlm.nih.gov/pmc/articles/PMC6737502/

Haddii si uun aad ugu abtirsato bahda caafimaadka, fadlan survey-gan nala buuxi, qaadan maayo wax ka badan hal amma laba...
31/07/2021

Haddii si uun aad ugu abtirsato bahda caafimaadka, fadlan survey-gan nala buuxi, qaadan maayo wax ka badan hal amma laba daqiiqo. Mention dheh asxaabtaada bahda caafimaadka, lana wadaag link-gan. Thanks in advance.

Please read this carefully. If you do not understand anything, please feel free to contact the investigator with any questions. Person in Charge: Jakir Masud, Bangladesh. Purpose of Survey: We are asking for your participation in this study to contribute to the fight against COVID-19. The data will....

Wasiirka Caafimaadka SL ayaa sheegay baa la yidhi in ay soo baxday daraasad sheegaysa in bulshada ku dhaqan Sool iyo San...
30/07/2021

Wasiirka Caafimaadka SL ayaa sheegay baa la yidhi in ay soo baxday daraasad sheegaysa in bulshada ku dhaqan Sool iyo Sanaag ay ka taran badanyihiin bulshada kale ee SL, halka bulshada Maroodi-Jeex iyo Awdal na ugu yar yihiin (Faysal Fifa boggiisa)

Anigu shakhsiyan, afar sanno ka hor aniga oo dhigta Jaamacadda course-ka caafimaadka bulshada ayaa mawduucyadan xoogaa iiga baxeen, hypothesis aan sameeyey waagaa aan asxaabta qaarna la wadaagey ayaa ahaa in (xaggan waaba la asturay oo bulsho ku dhaqan meel hebla ayaa la yidhiye) reeraha SL ku dhaqan mustaqbalka aan sheegay kuwa tiro ahaan badanaya iyo kuwa hoos u dhacaya tiro ahaan. Wax lala yaabo na ma aha oo marka la eego waxyaabaha saameeyaa taranka bulsho ee ay kamidka yihiin; heerka waxbarasho, saboolnimada, da'da lagu guursado, adeegsiga noocyada kala duwan ee kala koriyaha, helitaanka adeeg caafimaad.

Intaasba haddii aad ku eegto bulshada ku dhaqan gobolladan (amma ba dheh reeraha dega) waa wax laga qiyaas qaadan karo sida hadhow wax isku beddeli doonaan. Reeraha waxbarashada hela, da'yari aan ku guursan, sabool aan wada ahayn, waxa ay u badantahay in ay tiro ahaan mustaqbalka yaraadaan marka loo barbardhigo reeraha intan ka soo horjeedkeeda lagu arko.

Daraasaddaa uu wasiirku sheegay, inkasta oo aanan arag oo gorfaynteeda ay u baahan doonto, keliya waxa ay i xasuusiyey in ay waafaqday hypothesis aan sameeyey afar sanno ka hor. Haddii taarikh ahaan la odhan jirey annaga oo reer hebel ah ayaa badan iyo reerkaa kale xaajiyad ayaa qaadda, wax badan ayaa taa iska beddelay, isbeddelkaasina waa mid soconaya illaa xaqiiqo taa h**e ka duwan lagu baraarugo.

27/07/2021

Quffac lagama karo ruux hadduu qaaxo leeyahay!

Waa Abwaan Timocadde oo innoo sheegaya in calaamadaha qaaxada (TB) ay ugu mudantahay quffac raaga (chronic cough) oo aan si fudud lagu saarin. Alle ha u naxariisto.

Dufcaddii 12aad ee Dhakhaatiir ah ayey soo saartay JH. Waxa aannu farxadda kula qaybsannay 26 Dhakhtar madal kulmisay da...
18/07/2021

Dufcaddii 12aad ee Dhakhaatiir ah ayey soo saartay JH. Waxa aannu farxadda kula qaybsannay 26 Dhakhtar madal kulmisay dad ehel ah oo arday iyo bareyaal isku ah, waalid iyo asxaab na isku ah. Marka laga yimaaddo farxadda qalinjebinta, waxa sidoo kale madashu noo ahayd tacsi aannu ku xusayno hormuudkii kulliyaddan ee jaadka goonida ah ahaa , Rabbi naxariistii Janno haka waraabiyee, Dr Diiriye Ismaaciil Ereg oo noo ah naftii h**e wakhtigiisii iyo xooggiisii si mutaddawacnimo ah noo siiyey annaga isaga oo magaalada ka shaqaysan karayey.

Hambalyo Dhakhaatiirta cusub, ardayda ku xigta ee madashan bishayna waa mahadsan yihiin.

Urur ay ku bahoobeen Dhakhaatiirta Waqooyiga Ameerika ee Somaliand ka soo jeeda oo la baxay magaca Somalilander American...
03/07/2021

Urur ay ku bahoobeen Dhakhaatiirta Waqooyiga Ameerika ee Somaliand ka soo jeeda oo la baxay magaca Somalilander American Health Association (SAHA) ayaa saddex cisho (28kii-30kii Juun) magaalada Hargeisa ku qabtay bandhig iyo tabobar wada socda oo furitaankiisii uu joogay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiirka Caafimaadku. Madaxweynaha ururku waa macallinkayga Dr Abdirahman Madar.

Kulamadan ujeedkiisa ugu weyn ayaa ahaa in bahda Caafimaadka Somaliland, shaqaale iyo arday ba si bilaash ah lagu gaadhsiiyo Up-to-date oo ah application ardaydana ka caawinaya waxbarashadooda, Dhakhaatiirta na ka caawinaya daryeelka ay siinayaan bukaannnada iyaga oo gaadhi doona go'aamo aqoonbaadhis saldhig u tahay, daawayntu na tahay mid la xaqiijiyey oo aan muran ku jirin.

Qalab iyo dawooyin, application kan, iyo wixii kale ee ay soo wadaan ba ee kaabaya horumarinta adeegga caafimaad ee dalka way ku mahadsanyihiin kooxda SAHA.

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aqoon & Afgarad Podcast posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share

Category


Other Podcasts in Hargeisa

Show All

You may also like