Miyir Podcast •

Miyir Podcast • Miyir Podcast, nagu soo biir. Logo, building creative new Brand, Barchures, flyer, ID cards and other.
(1)

Habeen wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal, waxaan dhawaan idin la wadaagi doonnaa qoraalkan "Kaftan cawaaneed" oo  War...
18/04/2024

Habeen wanaagsan dhammaantiin saaxiibbayaal, waxaan dhawaan idin la wadaagi doonnaa qoraalkan "Kaftan cawaaneed" oo Warfaa M Beyle qoray, cod ahaan.

"....Dabadeed waxa ay ila noqotaa in duniduba tahay madxaf, dadkuna wadar ahaan yahay hal-abuur rabbaani ah oo uu Eebbe fannaanimadiisa ku muujiyey; ama lawxadda Siryaaliga ah "Surreal Art", ee madaxfka nolosha ugu managedsan. Markaas ayaan u banbaxaa xujofurka halxidhaalihii dadnimada ee uu Fyodor walaalkii Mikhailovic kula dardaarmayey inuusan ka daalin toyashadiisa, ee uu lahaa: "Asalkaba dadku waa xujo, aan ka maarmin furdaamin e, haddiiba aad cimrigaaga oo dhan geliso xujofurkaas, ha u qaadan in aad wakhtigaagii ku loofartay, waayo waxa aan isugu lurayo halxidhaalaha "dadnimada" waxan aan rabaa inaan noqdo qof aadame ah."

Waa qaybtii labaad oo ah qaybtii u dambeysay sheekada 'Cirro-Gilgil' Halkan ka dhegayso; https://youtu.be/pMfsyMXvf8YWar...
26/03/2024

Waa qaybtii labaad oo ah qaybtii u dambeysay sheekada 'Cirro-Gilgil' Halkan ka dhegayso; https://youtu.be/pMfsyMXvf8Y

Warfaa qoraalladiisa codeynaha ah ee idin soo gaadha saaxiibbo badan baa na weyddiiya meel laga heli karo yagoo qoraal ah. Taas na isku ma hawllo badanka oo waa hawl qoraaga u taal laakiin, warka markii aannu gaadhsiinnay qoraaga, in waxqabadyadiisa la danaynayo, wuxuu noo sheegay; in uusan qeexi karin waxa ay ku dhacday saasi oo haleel la'aan iyo in uu san baraha bulshada isticmaalin loo badin karo, raalligelinna uu ka bixinayo.

Qoraallada loo gu raadinta badanyahay waa saddexdan; Gorfeynta heesta Haatuf, Waa iska xaal adduun, Geeri Macnaleh iyo Cirro-Gilgil oo hadda ah. Haddaba, qoraalka 'Waa iska xaal adduun' waxaad ka helaysaan mareegta RAADREEB, inta kale na halkan kala deg.

Gorfeynta heesta Haatuf; https://drive.google.com/file/d/15PU2tJ2qouZ8VE_74inO2QjDIYsuMHP_/view

Cirro-Gilgil; https://drive.google.com/file/d/1IaLHt6gxreuPRl0CVuamcKijx8rU7D1G/view

Geeri Macnaleh; https://drive.google.com/file/d/14VsuFqgZSHtndh0xkLjoXv5zINCftzCT/view

Mahadsanidiin...

Cirro-gilgil— Warfaa M. BeyleSheekadan-gaaban ayaa iyana daawaha saaran, h**e waxaad u sugeyseen dhambaal qiimo lahaa, i...
15/02/2024

Cirro-gilgil
— Warfaa M. Beyle

Sheekadan-gaaban ayaa iyana daawaha saaran, h**e waxaad u sugeyseen dhambaal qiimo lahaa, isku xilli isku xiga ayay labaduba idin soo kala gaadhi.

Waxaa curinta sheekadan leh oo ay qalinkiisii tahay Warfaa. Warfaa, waa cidaha ugu mudan ee qoraalkoodu noo suntan yahay, Miyir na, waxtar badan ku leh. Haddaba, sida ugu dhakhsaha badan noo dhawra.

Dhooleey!Dhambaalkan waa qalinkii Mooge Umal. Tawswiiraha kuu muuqdaa waa googoos kamida dhambaalka. Codeyntiisu markay ...
12/02/2024

Dhooleey!

Dhambaalkan waa qalinkii Mooge Umal. Tawswiiraha kuu muuqdaa waa googoos kamida dhambaalka. Codeyntiisu markay dhammaato, sida ugu dhakhsaha badan, wuu idin soo gaadhi. Mahadsanidiin. 😍





Habeen wanaagsan,Qaybtii labaad oo ah dhammaadka codeynta qoraalka "Aabbe La'aanta iyo Eebbe La'aantu Maxay Wadaagaan?"H...
28/12/2023

Habeen wanaagsan,

Qaybtii labaad oo ah dhammaadka codeynta qoraalka "Aabbe La'aanta iyo Eebbe La'aantu Maxay Wadaagaan?"
Halkan raac si aad u dhegaysato; https://www.youtube.com/watch?v=URqRkkGc6pE

Duubista: Hamda Istar
Qoraaga: Cabdisiciid C. Ismaaciil

22/12/2023

Waan Necebahay Maalinta Sannadka Cusub, waxaa turjumay Cabdicasiis Guudcadde.
Link-gan raac si aad u dhammeysato muuqaalka; https://youtu.be/qW2knZ6CqYE

Habeen wanaagsan Laga soo bilaabo oggolaanshiyihii iyo duubistii sheekada "Magangooyo" ee uu curiyay Cabdicasiis Guudcad...
18/12/2023

Habeen wanaagsan

Laga soo bilaabo oggolaanshiyihii iyo duubistii sheekada "Magangooyo" ee uu curiyay Cabdicasiis Guudcadde, baahinteedii iyo maanta wakhtiyo ayaa u kala dhaxeeyay! Waxaa ugu mudan ee qoraagii sheekada iyo bahda Miyir ba idiin ka mahadnaqayaan waa sida aad u muujiseen ka helitaankiinna sheekada, oo runtii ah, mid aan la iska indhotiri karin! Mar walba, idinkaa mudan, sheekada Magangooyana waxay ahayd sheekadii uu "Miyir" ka dhashay! Dhiirashadaasna idinkaa lahaa, mahadsanidiin.

HABEEN WANAAGSANWaxaan idiin soo gudbinaynnaa codeynta "Aabbe La'aanta iyo Eebbe La'aantu Maxay Wadaagaan?" qaybteedii k...
15/12/2023

HABEEN WANAAGSAN

Waxaan idiin soo gudbinaynnaa codeynta "Aabbe La'aanta iyo Eebbe La'aantu Maxay Wadaagaan?" qaybteedii koobaad. Waxaa na idiin soo gudbinaysa Hamda Istar.

Miyir waa madal bulsheed, sidaas awgeed, dhallinyarada leh xirfadda duubista waan dhiirigelinaynnaa.

Link-gan raac si aad u dhegaysato: https://www.youtube.com/watch?v=AQKT7mzqF7A

21/11/2023

Hordhac, kasoo dhammeyso bartayada YouTube.

Isku day.
20/11/2023

Isku day.

📌
17/10/2023

📌

Dhawaan🛑
08/10/2023

Dhawaan🛑

Habeen wanaagsan, dhammaantiin wanaag baan idiin rajaynaynnaa. Muddo waxaa jiray kala maqnaanshiyo, waxaa sababay laba w...
06/10/2023

Habeen wanaagsan, dhammaantiin wanaag baan idiin rajaynaynnaa. Muddo waxaa jiray kala maqnaanshiyo, waxaa sababay laba wax; in host-ga aan isticmaalaynnay uu cillodoobay oo uu xal yeelan waayay iyo mashquul dhankayga ah. Si kastaba, waan ka xunnahay. Bishaaraduna waa inaan dib u bilaabi doonno oo dardargelin doonno barnaamishyadii halkan idinka soo gaadhi jiray, oo aan sidii h**e ka wanaajinnay. Waxaan idiin ogeysiinaynnaa in aannu sumadda Miyir na beddeli/casriyeyn doonno, taladiinna iyo fikradihiinana waan soo dhaweynaynnaa.

Iidda keddib, idan Eebbe. Iid wanaagsan dhammaantiin.
16/04/2023

Iidda keddib, idan Eebbe. Iid wanaagsan dhammaantiin.

Fanka Banaadiriga iyo kan Geellayda"Fannaaniinta reer Banaadirigu asal ahaan waxa ay ka soo jeedeen beelo deggan oo dhaq...
14/04/2023

Fanka Banaadiriga iyo kan Geellayda

"Fannaaniinta reer Banaadirigu asal ahaan waxa ay ka soo jeedeen beelo deggan oo dhaqankoodu qarniyo magaalaysnaa. Sidaa awgeed masraxa Banaadiri ilaa dhalashadiisii saldhigga dhaqaneed ee uu cuskanyahay waa kaas magaalada. Waa astaanta ugu wayn ee uu fanka Banaadirigu uga duwanyahay fan-soomaaliga kale ee sal iyo baar reer guuraaga ku abtirsada."

Halkan ka dhegayso: https://youtu.be/Y7e_4Dvnsqw

Habeen wanaagsan, Ramadaan wanaagsan iyo isusoo laabasho wacan.Fanka Banaadiriga iyo fanka Geelleyda.Caawa waxaynnu isla...
13/04/2023

Habeen wanaagsan, Ramadaan wanaagsan iyo isusoo laabasho wacan.

Fanka Banaadiriga iyo fanka Geelleyda.

Caawa waxaynnu isla dhegaysanaynnaa barnaamish ciwaankiisu yahay; Kakanaanta Raacatada iyo Roomaansiyadda Banaadiriga. Waxa aad ka dhegaysan kartaa barteenna YouTube: https://youtu.be/Y7e_4Dvnsqw

FG: Podcastgii cillad baa ku timi dhanka Website ka ah inta aannu cillad bixinaynno ama xal waara u helaynno waxaynnu ka wada soconaynnaa barteennaas YouTube-ka, mahadsanidiin.

Maanta, mar haddii ay tahay maalinta dunidu u taqanno "Maalinta Jacaylka/ Valentines Day" waxa idiin soo baahinnay maqaa...
14/02/2023

Maanta, mar haddii ay tahay maalinta dunidu u taqanno "Maalinta Jacaylka/ Valentines Day" waxa idiin soo baahinnay maqaalkii dhegaysiga ahaa ee Ustaad Cabdisiciid u bixiyey "Falsafadda Jacaylka" . Waa maqaal si fiican uu ugu gorfeynayo waxa jacaylku "dhabta ahi yahay" iyada oo uu noogu hogatusaaleynayo sida ugu dulucda fog. Haddaba, dhagaystayaal ka bogosho wacan.

Halkan ka dhegayso;

YouTube: https://youtu.be/orQ5ITCwW1Y
Podcast: https://anchor.fm/saki56/episodes/Hordhac-Miyir-Podcast-e1qvojl

Berri galab iyo dhegaysigan… 14 February, Valentine’s day.
13/02/2023

Berri galab iyo dhegaysigan… 14 February, Valentine’s day.

Habeen wanaagsan, barnaamishkani waa mid kamid ah barnaamishyo aan jeclaysanaynno inaad ka heshaan oo aan idiinku taloga...
03/02/2023

Habeen wanaagsan, barnaamishkani waa mid kamid ah barnaamishyo aan jeclaysanaynno inaad ka heshaan oo aan idiinku talogallay, waa barnaamish idinku soo aaddan dhawaan sida ugu dhakhsaha badan marka uu naga soo gebageboobo dhegaysigii u danbeeyay oo qaybtiisii labaad, ugu na dambeysay hadhsanayd.

Farxaddiinnu waa tayada, Miyir na waa arddaagiinna.
Jimca wanaagsan.

Address

Hargeisa

Telephone

+252634827233

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Miyir Podcast • posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Miyir Podcast •:

Videos

Share

Category


Other Podcasts in Hargeisa

Show All