28/04/2020
SIRTA NIYAD WANAAGA
=================
FAA'IIDOOYINKA FARXADA : 5 sababood oo aad u bilaabaysid inaad ahmiyad siiso inad Faraxsanaato
________________________________________________
----------------------------------------------
Way fiicantahay inaynu ka hadalno farxada marka loo eego nolosha miyaanay ahayn?
Markaa faa’iidada farxadu waa iska cadaan: waa farxada lafteeda--- waa inaad deganaan, qanaaco nololeed ama niyad wanaag dareento lagu biirshay dareen lagu kabay in nolosha loo arko wanaag si macna buuxda ay inoogu samayso.
Maxaa kale ee aynu u baahanahay? Inaynu kasbano farxad waa ujeedkeena ugu weyn, ama cid ka farxi ama adiga halagaa farxiyo. Tusaale, markaad cibado rabbi inagu waajibiyey gudato farxad baynu dareenaa sidookale allah SWT isna wuu inagu farxaa. Ujeedkuna waa in raali ahaansho Rabbi la helo markaasaa inaguna aynu farxad dareenaa.
Ilaa iyo hada, marka loo eego daraasadaha, farxadu waxa ay kor uqaadaa dhinacyo badan oo nolosha ah, taas oo aynu kaga hadli doono maqaalkan.
Faa’iidooyinka farxada
Aragtida guud oo faa’iidada labaad(secondry benefits) ee farxada lala xidhiidhiyo:
Dadka farxada badan waxay sameeyaan lacag badan iyo waxsoosaarka shaqadooda oo badata.
Farxadu caafimaadkay u fiicantahay; dadka faraxsani amar allah mooyee xanuunadu aad bay ugu yaryihiin, sidoo kale way cimri dheeraadaan.
Farxadu waxay u fiicantahay xidhiidhadeena. Dadka farxasani intabadan h**ey u guursadaan waxanay gutaan waajibaadkii ka saarnaa xidhiidhka h**e ee haasaawaha oo guurbay u bedelaan. Sidoo kale waxay dadka faraxsani yeeshaan asxaab aad u badan. Taasina waxay keentaa in dhibaatooyinkiisa aanay isku kaliyeysan ee uu dhibkasta cid ka yeesho.
Dadka faraxsani waxbay joogteeyaan(sida xidhiidhada, shaqada iwm)
Dadka faraxsani sifiican bay u maamulaan culayska iyo arimaha kadiska ugu soo booda ee dhibaatooyinka ah.
Dadka faraxsani waa dad hal-abuur leh oo ku awood fiican u leh sawirashada mustaqbal buuran.
Robert Emmons waa professor PH.D psychology-ga ka dhiga Jaamacada California ayaa kasoo qaatay buugiisii Thanks!: intan kooban ee bal ila akhri….
Robert Emmons, a leading researcher in the field of gratitude, sums up the benefits nicely in his book Thanks!:
“Happiness makes good things happen. It actually promotes positive outcomes. The benefits of happiness include higher income and superior work outcomes (for example, greater productivity, higher quality of work, greater occupational attainment), larger social rewards (such as more satisfying and longer marriages, more friends, stronger social support, and richer social interactions), more activity, energy, and flow, and better physical health (for example, a bolstered immune system, lowered stress levels, and less pain), and even longer life…
1. Farxadu waxay kor u qaadaa waxsoosaarka
Daraasad ayaa lagu daahfuray dad bilawgii shaqadooda la eegay heerka farxadooda oo kala duwanaa. Kadibna waa la daba guray shaqa gudashadooda mudo dhan 18bilood. Xataa kadib waxyaaba badan oo caqabado ah haday la kulmeen, dadkaasi faraxada badnaa waxay noqdeen dadka qiimayntii lasiiyey dhibcaha sare.
Daraasad kale oo lamida ayaa lagu qiyasayay arday jaamacadeed oo fresh ah heerkooda farxadeed. 19 sano kadib, waxa la ogaaday in xataa ay intii faraxsanayd ay noqdeen intii ugu mushaharka saraysay wakhtiyadii dambe, tiiyoon loo eegin bilawgoodii awoodooda dhaqaale siduu ahaa.
Shaqaalaha faraxsan, guud ahaan aadbay u waxsoosaar badan yihiin, shaqo gudashadooduna aad bay u hufantahay sida hogaamiyeyaasha, waxay dhaliyaan iib badan, waxaanay gaadhaan mushahar badan, iyo gudasho sare oo xilkasnimo ku dheehantahay.
2. Farxadu waxay kobcisaa caafimaadkeena jidheed
Farxadu waxay u fiican tahay caafimaadka. Daraasado ayaa dhigaya inay farxadu hoos u dhigto heerka wadna xanuunka iyo dhiig karta. Waxay la dagaalantaa farxadu isku buuqa, korna uqaadaa habdhiska difaaceena, waxanay kaa ilaalisaa dhibaatooyin xaaladaha juucjuuca iyo xanuunada qaarkood.
3. Farxadu waa ka dawo warwarka iyo isku buuqa iyo xataa culayska maskaxeed ee shaqada badani keento
Farxadu waxay kaa dhigtaa qof dulqaadle oo u adkaysta waxbadan.
Tusaale, adigoo xaalad ku jira buuq ah oo arimahaagu iskuyara cakiran yihiin ayaa qof kuu yimid oo kuu sheegay arin kale oo aad iskaba ilawsanayd oo kuu hirgalay. Wakhti xaadirkaa lama qiyaasi karo shucuurtaada, sababtoo ah xaalad kastoo aad ku suganayd way isbedeshay oo jawi qurxoon ayay naftu gashay. Waxa sidoo kale hadaba jirta, la qabsiga iyo naf ku carbinta inaanad culayska iyo arimaha adag u nuglaan ee aad waajahdo oo la jaanqaado intii aad ka carari lahayd ama ay ku sahayan lahayd arintaa adagi.
“Happiness depends upon ourselves.”-Aristotle
4. Farxadu waxay kuu noqotaa fal dedajiye inaad hawlahaaga si hufan ugu gudato heerka ugu sareeya
Daraasad ayaa lagu sameeyey arday yaryar oo laba kooxood loo kala saaray. Kadib kooxda koowaad waxa loo diray inay qabcado(blocks) isku xidh xidhaan oo waa la amray. Kooxdii kalena waxa lagu yidhi waxaad jeceshihiin qabta oo sameeya. Ka dib waxa markiiba shaqadii loo diray hor dhameeyey kooxdii rabitaankooda ku hawl gashay, halka kooxdii kale inbadan ka dambeeyey. Macnaha ujeedka tusaaluhu waa in wixii aad ku faraxsantahay aadad qabashadiisa dhibsanayn. Waxa halkaa looga faa’iidaysan karaa, wixii dani kuugu jirto inaad nafta ku sasabto haddii xataa anay aanay ka helin oo ay ugu yaraan ileen waa dantaadiiye qushi ku dhamayso; halkaasi waa aragtidayda shaqsiga ah oo waxa ina suga mararka qaar shaqooyin aynaan jeclaysan hadna cidina uma maqna ceelna uma qodna ah. Sidaa daraadeed laga tagi maayee waa in la sasabaa kolayba.
5. Farxadaa abuurtaa guusha( inka badan inta guushu inoo abuurto farxad)
Imisaa guulaystay hadana guushoodii aanay farxad u dhalin. Farxad daaye murugo guushoodii u keentay. Hayaabin, tusaale fiican waxa ah ninka dunida Nuclear Atomic Bombka sameyey waxa uu sameeyey wax faa’iidooyin badan leh oo ay ka mid tahay nucear energy oo xoogaa uranium ah ay inoo shidi karto tamarta magaalo weyn kaga baxda shidaal iyo wasakhow hawo. Balse Albert Einstien aad buu uga xumaaday markii uu maraykanku ku gumaaday Japaneska. Markaa lama odhan karo guushu farxada iyadaa u sababa balse waa la odhan karaa farxadaa guul sababta.
Shawn Achor, a leading happiness researcher, describes the relationship between happiness and success perfectly in his book The Happiness Advantage:
“It turns out that our brains are literally hardwired to perform at their best not when they are negative or even neutral, but when they are positive. Yet in today’s world, we ironically sacrifice happiness for success only to lower our brain’s success rates…
When we are happy — when our mindset and mood are positive — we are smarter, more motivated, and thus more successful. Happiness is the center, and success revolves around it.”
Waad ku mahadsantahay wakhtigaaga qaaliga ah ee aad u hurtay akhritan qormadan.
Abdirahman Waraabe Cade
Journalist and social activist