09/10/2022
Dhacdo naadir ah.
Muwaadin u dhashay dalka Urdun oo lagu magacaabo Yaxye Maxamed ayaa sameeyey arrin lagu tilmaamay cafis halkii ugu sarraysay. Aabbahan oo wiilkiisii Qays Yaxye Maxamed uu maalintii Jimcihii ku geeriyooday Berkada nooca dabaasha ah, ayaa diiday in uu aaso inankiisa tan iyo inta xabsiga laga sii daynayo ninkii iska lahaa Berkaddii uu wiilku ku dhintay.
Aabbahan ayaa ku adkaystay wiilkiisu in uu u geeriyooday Qaddar Rabbi, taa darteedna aanu waxba u haysan ninka xidhan. Iyada oo ugu dambayntiina Booliska iyo laamihii Ammaanka ee magaalada ay sii daayeen ninkii Mulkiilaha Berkadda ahaa.
Marxuumka dhintay ayaa maalintii shalay lagu aasay deegaankii ay dhacdadu ka dhacday oo ku yaalla Waqooyiga dalka Urdun. Waxaana xusid mudan in dadkii aaska ka qayb galay uu ka mid ahaa ninkii cafiska loo fidiyey ee iska lahaa Berkadda uu wiilku sababteeda u dhintay.
Dadka deegaanka ayaa Aabbaha cafiska sameeyey ku hambalyeeyay go'aaanka uu qaatay. Iyaga oo Allena uga baryay cawil san in uu ka siiyo inankiisii Qays.
Urdun ayaa ka mida meelaha uu ku xooggan yahay dhaqan dhigaya in wixii dhimasho ah ay ka wada xaalaan odayaasha beeluhu.