28/11/2021
ISBEDELKA KA SOCDA GEESKA AFRIKA?
Isbedlada ugu waaweyn ee nidaamada dhaqan dhaqaale ee aduunka ayaa lagu yaqaanaa inay ka dhashaan khilaafyada hubaysan iyo masiibooyinka Colaadeed ee ka dhaca deegaano h**e ugu naalaa nabad iyo xasilooni. Had iyo goorna, colaad kasta oo wax halakaysa waxa ujeedadeedu tahay inay keento isbedel qasab iyo is muquuninta ku dhisan , kaasoo deegaano ka qaada sad ay h**e ugu suntanaa oo ay si joogto ah u calfan jireen , halka ay deegaano kale oo h**e u qatanaana ay u keento halaabad noocyo kala duwan sida awoodo kala duwan, xuquuqo, iyo mid dhaqaale IWM.
Khilaafyada hubaysan ee noocan ah ayaa guushooda lagu miisaami karaa kolba inta ay masiibadu kuu keento ee ay kuu xalaalayso dheef iyo sad dheeraad ah ama inta ay masiibadaa colaadeed ay kaa lumiso dheef iyo sad aad h**e u heli jirtay ee ay u gacan galishay cid kale, marka loo eego haydaarada iyo dhibta ku lamaan colaada ee loo marayay sidii midba midka kale uu uga riixan lahaa darka oo ah qiimaha ay jilayaasha khilaafka hubaysan iyo ehelkoodu ku bixiyeen ka midho dhalinta ujeedadaa .
Hadaba, shaki k**a jiro in colaadaha ee haatan ka soconaya Geeska Afirka ay yahiin nidaam si qasab ah wax uga bedelidoona saami qaybsigii samaynta iyo sugnaantii dhaqaalaha Geeska Afrika oo qaabayn cusub ku samaynaya awoodda iyo jiritaanka dawladaha ku yalaa gobolka.
Aragti Aqooneed oo ku saabsan kartida nidaamada dawladeed ayaa dhigaysa in kaliya uu badbaadi karo nidaamka dawladeed ee saameyn ku yeesha deegaankiisa ku hareeraysan oo inta badan ah mid si joogto ah uu u qaabeeyo isbedelka joogta ah ee uu keeno waayahu.
Sidaas awgeed, dalkasta oo gobolkan geeska afrika ka mid ahi ma noqon karo mid faraha kala laabta masiibadan colaadeed ee hadda ka taagan geeska afrika oo qaabayn cusub ku samaynaysa guud ahaan geeska afrika.
Hase ahaatee, waxa laga ma maarmaan ah in wuxuun lagula daalo sidii saamaynta uu keenayo is bedelkan qasabka ahi loogu qaabeyn lahaa si waafaqsan danta qaranka. Sidaas darteed ka hor taalaabo kasta oo lagu tashan karo in laqaado, waa in jawaabo ku dhisan xaalado badan oo suuragal ah loo helo saddexdan su,aalood ee istraatiijiga ah:
1. Waa Maxay khasaaraha iyo fursadaha faa,iido ee uu Somaliand keeni karto masiibadan colaadeed ee hadda ka taagan Geeska afirka?
2. Sidee bay Somaliland ku noqon kartaa dalka faa,iidada ugu badan kala hadha masiibadan colaadeed ee hadda ka taagan Geeska afirka iyadoo u babac dhigaysa khasaaraha ugu yar marka loo eego awoodeena iyo saamiga faa,iido ee laga kasban karo isbedel kasta oo ay gobolka ku keenayso masiibadan colaadeed ee ka taagan Geeska afirka?
3. Sidee baa loo yarayn karaa natiijooyin kasta oo filan waa ah oo leh saamayn taban ee suuragal ah inay Somaliland ku keento masiibadan colaadeed ee hadda ka taagan Geeska afirka?