Media Association of Puntland

Media Association of Puntland Official Facebook feed of Media Association of Puntland (MAP), Which is intended to promote press freedom & defend the rights of journalists in Puntland.

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) Maxamed Daahir Caynsane ayaa magaalada Santiago ee dalka Chile uga qayb-g...
04/05/2024

Guddoomiyaha Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) Maxamed Daahir Caynsane ayaa magaalada Santiago ee dalka Chile uga qayb-galaya xuska maalinta caalamiga ah ee xoriyadda Saxaafada oo ay wadajir sanadkan u martigelinayaan UNESCO iyo Chile.

Xuska 31aad ee ayaa sanadkan la jaanqaadaya hadal haynta xoogan ee dunida ka socota oo ku aadan arrimaha deegaanka iyo isbedelka cimilada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM ayaa maanta 03...
03/05/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM ayaa maanta 03 May, 2024 ku qabtay magaalada Garowe xuska maalinta caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafada.

Munaasabadda ayaa ka koobaneyd madal aragti-wadaag ku saabsan heerka xoriyadda hadalka we Puntland , Tabinta warbaahinta ee arimaha Deegaanka iyo kaalinta saxafiyiinta ee u qareemida xoriyatul qowlka, waxana furtay Xoghayaha Guud ee MAP Naima M***a Elmi iyadoo ay ka soo qaybgaleeen Saxafiyiin, bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

22/04/2024

22/04/2024

22/04/2024

Waxaan u hambalyeeynayaa Guddoonka ay doorteen Ururka Warbaahinta Puntland ee (MAP), Guddoomiye Maxamed Daahir Caynsane, Guddoomiye Ku-xigeen Maxamed Deeq Cabdalla Cabdiqaadir iyo Xoghaye Naciimo Muuse Dalaf, Waxaan u rajeynayaa in Allaah u fududeeyo masuuliyadda loo doortay.

Warbaahinta Puntland waxay laf-dhabar u tahay Dowladnimada iyo horumarka bulsho ee socda, sidaasi darteed waxaan boggaadinaya wiilasha iyo gabdhaha weriyeyaasha ah ee habeen iyo maalin u shaqeynaya dalkooda iyo dadkooda, waxay kaalin muuqata ka qaateen Dowlad dhiskeenna, Amniga, Dimuqraadiyadda , Arrimaha Bulshada iyo horumarka Puntland iyo guud ahaan kan Soomaaliyeed intaba.

HAMBALYO,
GUULAYSTA,

21/04/2024


15/03/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 15 Maarso, 2024 iclaamiyay xiliga uu qabsoomayo shirwaynaha 5aad ee ururka oo ah (20-21 Abriil, 2024) kaasi oo lagu dooran doono hogaanka MAP saddexda sanno ee soo socota hadii Alle idmo.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 09 Maarso, 2024 ku qabtay Garowe kulan hal maalin ah oo ku saabsan dibu-mi...
09/03/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 09 Maarso, 2024 ku qabtay Garowe kulan hal maalin ah oo ku saabsan dibu-milicsi doorka haweenka iyo kaalinta warbaahinta ee ku aadan u qareemidooda.

Xoghayaha Guud ee MAP Naima Dallaf ayaa furtay, waxana inta uu socday ka qayb-galaayaashu ka yeesheen aragti wadaag ku saabsaan doorka ay ka qaadan karaan horumarinta arrimaha haweenka iyo siinta fursado isku dheelitiran baahinta.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 03 March, 2024 ku qabtay Bosaso kulanka warbaahinta iyo laamaha garsoorka ...
03/03/2024

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 03 March, 2024 ku qabtay Bosaso kulanka warbaahinta iyo laamaha garsoorka oo socon doona laba maalmood.

Kulanka oo ay ka qayb qaadanayan 25 xubin oo ka kala socda warbaahinta, Maamulka Garsoorka, Xeer ilaalinta, Racfaanka, Qareeno madax banaan iyo xubno ka socda bulshada rayidka ayaa looga hadli doonaa shaqada warbaahinta, bayaaminta sareynta sharciga, ku dhaqanka xeerarka, sare u qaadida fahamka bulshada ee dhanka sharciga iyo xoojinta wada-shaqaynta.

Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee degmada Bosaaso Yasiin Axmed Cabdi, Faadumo Yaasiin Jaamac oo MAP xubin uga ah PUNSAA iyo Xoghayaha MAP Naciimo Muuse Cilmi ayaa ka soo qaybgalay furitaanka kulankan, waxana ay bogaadiyeen muhiimada ay leedahay in MAP joogteyso kulamada noocan ahi iyo dhaqangelinta soojeedinada ka soo baxa.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa caawa ku qabtay magaalada Garowe madal aragti-wadaag oo ku saabsan maareynta khat...
31/12/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa caawa ku qabtay magaalada Garowe madal aragti-wadaag oo ku saabsan maareynta khataraha musiibooyinka ayna ka soo qaybgaleen Wasiirka Degaanka Iyo isbedelka cimilada Axmed Yuusuf Labayk, ku xigeenka Duqa degmada Garoowe Maxamed Xamari , Gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane, Agaasimayasha Dowladda Hoose qaar ka mida, Ururada dhalinyarada iyo haweenka ee degmada Garowe.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa iftiiminta doorka warbaahinta ee sare u qaadida wacyiga bulsho, isku xirka iyo mideynta dadaalada warbaahinta, dadweynaha iyo maamulka, waxana sidoo kale lagu soo bandhigay qorshe hawleedka waaxda DRM ee dowladda hoose.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 26 Diseembar, 2023 uga furay Garowe 25 saxafi tababar lagu xoojinayo kaali...
26/12/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 26 Diseembar, 2023 uga furay Garowe 25 saxafi tababar lagu xoojinayo kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasada.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Puntland Maxamed Ciise Cismaan ayaa furay oo uu wehelinayo Gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane, waxana inta uu socdo ka qayb-galayaasha lagu baraarujin doonaa muhiimada ay leedahay u qareemida iyo xoojinta kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasada iyadoo sidoo kale la bari doono isku dheeli tirka baahinta wararka.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Garowe ku soo gabogabeeyay kulan ku saabsan wacyigelinta bulshada ee Maareynta kh...
17/12/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Garowe ku soo gabogabeeyay kulan ku saabsan wacyigelinta bulshada ee Maareynta khataraha musiibooyinka (DRM) iyo doorka warbaahintu ay ka qaadan karto sare u qaadida wacyiga bulsho.

Gudoomiyaha MAP, agaasimaha waaxaha Qorsheynta & arrimaha bulshada, saraakiisha waaxda DRM, ururada maxaliga ee ku hawlan isbedelka cimilada iyo qaar ka mida hawlwadeenada warbaahinta Puntland ayaa ka qaybgalay.

Ururka warbaahinta Puntland ee (MAP) waxa uu soo dhawaynayaa hormarada laga gaaray arimaha Siyaasada iyo Doorashooyinka ...
12/12/2023

Ururka warbaahinta Puntland ee (MAP) waxa uu soo dhawaynayaa hormarada laga gaaray arimaha Siyaasada iyo Doorashooyinka Puntland taas oo ay ugu danbaysay magacaabista Gudiga Ansixinta Xildhibaanada iyo Xalinta Khilaafaadka (Vetting Committee), MAP waxay ku baaqaysaa si loo xaqiijiyo Kalsoonida lagu qabo Gudigaas in la dhaariyo xubnihiisa oo ay degdeg shaqadooda u gutaan.

Ururka MAP wuxuu farayaa Bahda Warbaahinta Puntland in ay ilaaliyaan Anshaxa iyo Dhexdhexaadnimada xiliga Doorashooyinka, waxana ay ku baaqaysaa in Warbaahintu ay qabato doodo dhexdhexaad ah oo lagu lafa gurayo Xildhibaanada loo baahanyahay in lasoo xulo iyo madalo murashaxiinta madaxtinimadu baraamijtooda siyaasadeed ku soo bandhigaan .

MAP waxay Warbaahinta iyo Bulshada Puntland ugu baaqaysaa ilaalinta iyo dhowrista Xasiloonida iyo Midnimada reer Puntland.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 10 Diseembar, 2023 ku qabtay Garowe kulanka warbaahinta iyo laamaha garsoo...
10/12/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 10 Diseembar, 2023 ku qabtay Garowe kulanka warbaahinta iyo laamaha garsoorka oo socon doona laba maalmood.

Kulanka oo ay ka qayb qaadanayan 25 xubin oo ka kala socda warbaahinta Puntland, Guddiga sare ee Maamulka Garsoorka, Xeer ilaalinta, Racfaanka, Maxkamada sare, Qareeno madax banaan iyo xubno ka socda bulshada rayidka ayaa looga hadli doonaa shaqada warbaahinta, bayaaminta sareynta sharciga, ku dhaqanka xeerarka, sare u qaadida fahamka bulshada ee dhanka sharciga iyo xoojinta wada-shaqaynta.

Agaasimaha Guud ee wasaarada warfaafinta Puntland Mohamed Isse Osman, Gudoomiyaha Maxkamada darajada 1aad ee degmada Garowe Cabdikariim Maxamed Nuur, Xeer ilaaliyaha gobolka Nugaal Cabdifataax Cismaan Aaden iyo gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane ayaa ka soo qaybgalay furitaanka kulankan, waxana ay bogaadiyeen muhiimada ay leedahay in MAP joogteyso kulamada noocan ahi iyo dhaqangelinta soojeedinada ka soo baxa.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 02 Diseembar, 2023 uga furay Bossaso 25 saxafi tababar lagu xoojinayo kaal...
02/12/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 02 Diseembar, 2023 uga furay Bossaso 25 saxafi tababar lagu xoojinayo kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasada.

Xoghayaha Ururka MAP Naciimo Musse ayaa furitaanka ka sheegtay in inta uu socdo la ka qayb-galayaasha lagu baraarujin doono muhiimada leedahay u qareemida iyo xoojinta kaalinta haweenka ee ka qaybgalka siyaasada sidoo kalena la bari doono isku dheeli tirnaanta baahinta wararkooda la xiriirta.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 29 Nofeembar, 2023 magaalada Garowe ka furay kulan soconaya laba maalmood ...
29/11/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 29 Nofeembar, 2023 magaalada Garowe ka furay kulan soconaya laba maalmood oo ku saabsan Isbedelka Cimilada.

Kulankan oo ay ka qayb galayaan 20 iskugu saxafiyiin iyo xubno ka tirsan ururada ka shaqeeya arrimaha deegaanka ayaa daba socda tababar horaantii bishan la siiyay kaasi oo xirfadooda sare loogu qaadayo.

Gudoomiyaha MAP Maxamed Caynsane ayaa sheegay in ujeedku yahay ku dul-shaqeynta soojeedinadii tababarka, oo uu ka tilmaamay ka-warbixinta iyo baraarujinta bulsho ee ku aadan isbedelka cimilada iyo isku xirka daneeyaasha ku hawlan.

Caynsane ayaa u hambalyeeyay Cabdiraxman Xasan Xayir oo todobaadkan kaalinta 2aad ka galay tartan BBC Media Action u qabatay saxafiyiinta Somalia qaybta muuqaalka kaasi oo warbxino laga diyaarinayay Isbedelka Cimilada.

Hambalyo Abdirahman Hayir
27/11/2023

Hambalyo Abdirahman Hayir

Hambalyo hambalyo Cabdiraxmaan Xayir oo kaalinta 2aad galay oo ku guulaystay tartanka sheeko samaynta Isbedelka cimilada qaybta muuqaal samaynta (TV).

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Garowe ka furay tababarka Dhisidda Awoodda iyo Tayada Hawlwadeennada Warbaahinta ...
26/11/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Garowe ka furay tababarka Dhisidda Awoodda iyo Tayada Hawlwadeennada Warbaahinta Puntland oo ay ka qayb qaadanayaan 25 qof.

Gudoomiyaha Ururka MAP Maxamed Caynsane ayaa furitaankii ka sheegay in ujeedka tababarkan yahay kobcinta aqoonta maamul ee ka qayb galayaasha iyadoo xooga la saari doono dhinacyada anshaxa, sharciga iyo dejinta hiigsiga maamul ee xarumaha warbaahinta.

Inta uu socdo waxa Maamulayasha xarumaha warbaahinta iyo tifatirayaashu is waydaarsan doonaan khibradahooda shaqo sidoo kalena waxa qayb ka ah kaalinta warbaahinta Puntland kaga aadan kala-aragti duwanaanta doorashada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya UNDP in Somalia ayaa maanta 05 Novembar, 2023 tababar soconaya 4 maalmoo...
05/11/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya UNDP in Somalia ayaa maanta 05 Novembar, 2023 tababar soconaya 4 maalmood u furay 15 saxafi.

Xoghayaha Guud ee MAP Naima Dallaf oo ka hadashay furitaanka ayaa sheegtay in warbaahinta laga dhisayo dhanka u qareemida dadka baahiyaha gaarka ah leh, islamarkaasina inta uu socdo saxafiyiintu sheeko wareedyo ka sameyn doonaan sidoo kalena ay jiri doonto dood ku saabsan kaalinta warbaahinta ee ka qayb qaadashada iyo baraarujinta bulshada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 01 Nofeembar Garowe ku qabtay kulanka wada-hadalka warbaahinta iyo Boolisk...
01/11/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa maanta 01 Nofeembar Garowe ku qabtay kulanka wada-hadalka warbaahinta iyo Booliska kaasi oo lagu la-fagurayo badqabka saxafiyiinta, dhowrista madax banaanida warbaahinta iyo la-dagaalanka wararka been-abuurka ah.

Kulankan oo laba maalmood soconaya waxaa ka soo qayb-galay furitaankiisa Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Sareeyo guuto Muumin Cabdi shire, Agaasimaha wasaarada Warfaafinta Puntland Eng. Maxamed Ciise Cismaan, Gudoomiyaha MAP Maxamed Daahir Caynsane, Masuuliyiinta iyo madaxda warbaahinta, Qareeno iyo xubno bulshada rayidka ka tirsan.

Gudoomiye Caynsane ayaa kula dardaarmay saxafiyiinta inay masuuliyad iska saaraan baahintooda iyagoo dhowraya xeerka anshaxa saxaafada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 28 October, 2023 magaalada Garowe ku y...
28/10/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) iyo Guddiga Doorashooyinka Puntland ayaa maanta 28 October, 2023 magaalada Garowe ku yeeshay kulan iskugu jiray is-barasho, xogwareysi iyo xoojinta wada-shaqeyntooda.

Gudoomiye ku xigeenka PEC Axmed Maxamuud Cumar, Xubno ka mida guddiga, hawladeenada guddiga, Gudoonka MAP, maamulka iyo hawlwadeenada warbaahinta ayaa ka soo qaybgalay kulankan, waxana dib loogu jaleecayay casharadii laga bartay iyo khirbadii laga kororsaday doorashadii h**e, caqabadaha ka jira wacyigelinta, sare u qaadida doorka warbaahinta iyo sidii MAP iyo PEC ay u xoojin lahaayeen xiriirkooda shaqo.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya Save the Children in Somalia ayaa maanta 22 Octoobar, 2023 magaalad...
22/10/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya Save the Children in Somalia ayaa maanta 22 Octoobar, 2023 magaalada Galkacayo u furay tababbar saddex maalmood soconaya 33 isugu maamulayaasha, hawlwadeenada warbaahinta iyo hablaha haldoorka gobolka Mudug.

Isuduwaha Gobolka Mudug ee wasarada Warfaafinta Puntland Burhaan Mohamed Abdi iyo Xoghayaha Guud ee Ururka MAP Naima Musa Elmi ayaa ka qaybgalay furitaanka tababbarkan ku saabsan xoojinta fahamka iyo doorka ka qayb-qaadasho ee haweenka.

Ka qaybgalyaasha ayaa khibradahooda isku waydaarsan doona iyadoo qayb ka tahay sare u qaadida kaalinta warbaahinta ee codsiinta haweenka iyo wacyigelinta ku aadan arimaha bulshada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya Save the Children in Somalia ayaa maanta 14 Octoobar, 2023 magaalad...
14/10/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo gacan ka helaya Save the Children in Somalia ayaa maanta 14 Octoobar, 2023 magaalada Garowe ka furay tababbar ku saabsan u qareemida shuruucda, wacyigelinta bulshada ee Jinsiga iyo dabar-goynta tacadiyadda.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Puntland Mohamed Isse Osman iyo Gudoomiyaha Ururka MAP Mohamed Daahir Caynsane ayaa ka qaybgalay furitaanka tababarkan 22 saxafi u socon doona afar maalmood.

Inta uu socdo waxa xooga la saari doonaa barida shuruucda jira, iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee sare u qaadida wacyiga bulsho ee ku aadan arrimaha bulshada.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Qardho ku qabtay kulan ku saabsan wacyigelinta bulshada ee Maareynta khataraha mu...
11/10/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa Qardho ku qabtay kulan ku saabsan wacyigelinta bulshada ee Maareynta khataraha musiibooyinka (DRM) iyo doorka warbaahintu ay ka qaadan karto sare u qaadida wacyiga bulsho.

Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada, saraakiisha waaxda DRM, Gudoonka MAP, Gudoomiye xigeenka Dallada PYAN iyo qaar ka mida hawlwadeenada warbaahinta Qardho ayaa ka qaybgalay.

Ururka Warbaahinta MAP ayaa maanta 09 October, 2023 Qardho ugu qabtay saxafiyiinta ka hawl-gala kulan hal maalin ah kuna...
09/10/2023

Ururka Warbaahinta MAP ayaa maanta 09 October, 2023 Qardho ugu qabtay saxafiyiinta ka hawl-gala kulan hal maalin ah kuna saabsan abuurista wacyi bulsho iyo maamul oo ku aadan maareynta khataraha musiibooyinka(DRM).

Kulanka ayaa qayb ka ah barnaamijka Danwadaag oo la kobcinayo aqoonta iyo xirfadda warbaahinta ee ku aadan ka warbixinta iyo tebinta sheekooyinka la xiriira Maareynta khataraha musiibooyinka.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa xalay ku qabtay degmada Qardho madal aragti-wadaag oo ku saabsan maareynta khatar...
09/10/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) ayaa xalay ku qabtay degmada Qardho madal aragti-wadaag oo ku saabsan maareynta khataraha musiibooyinka ayna ka soo qaybgaleen Duqa degmada Qardho Cabduqaadir Siciid Qaal, qaar ka mida xubnaha golaha deegaanka, gudoonka MAP, PYAN, Ururada dhalinyarada iyo haweenka ee degmada iyo gobolka.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa iftiiminta doorka warbaahinta ee sare u qaadida wacyiga bulsho, isku xirka iyo mideynta dadaalada warbaahinta, dadweynaha iyo maamulka, waxana sidoo kale lagu soo bandhigay qorshe hawleedka waaxda DRM ee dowladda hoose.

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa maanta 15  September, 2023 magaalad...
16/09/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa maanta 15 September, 2023 magaalada Boosaso u furay Aqoon-kororsi 27 ka mida hawlwadeenada warbaahinta kaasi oo socon doona Afar maalmood.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Puntland Mudane Mohamed Isse Osman iyo Gudoomiyaha Ururka MAP Mohamed Caynsane ayaa ka qaybgalay furitaanka qaybta 3aad ee tababarkan ku saabsan sare u qaadida aqoonta iyo la-jaanqaadida hababka casriga ee warbaahintu ku hawlgasho.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

11/09/2023

Waxa la jooga xiligii Puntland laga hirgelin lahaa xaqa helida xogta (Access to information Act).

Wasaaradda Warfaafinta Puntland
Puntland State House

Shaqo wacan SIDRA PRIMENaima Dallaf
06/09/2023

Shaqo wacan SIDRA PRIME

Naima Dallaf

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa maanta 26 August, 2023 Galkacyo u f...
26/08/2023

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) oo kaashanaya Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa maanta 26 August, 2023 Galkacyo u furay Aqoon-kororsi 27 ka mida hawlwadeenada warbaahinta kaasi oo socon doona Afar maalmood.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Puntland Mudane Mohamed Isse Osman iyo Gudoomiyaha Ururka MAP Mohamed Caynsane ayaa ka qaybgalay furitaanka qaybta 2aad ee tababarkan ku saabsan sare u qaadida aqoonta iyo la-jaanqaadida hababka casriga ee warbaahintu ku hawlgasho.

United Nations Assistance Mission in Somalia - UNSOM

Address

1da August
Garowe
00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Media Association of Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share