Ibrahim jante page

Ibrahim jante page Qoraaga bulshada hel warar lahubo dhacdooyin iyo shekooyin xul ah oo sn halkan kuso bandhigno fikirkaga xor ayaa u yahay.

15/04/2024

UPDATE: Golaha dagaalka Israa’iil ayaa ku shirsan Tel Aviv, iyagoo ka doodaya jawaab ay ka bixinayaan weerarkii habeen h**e ee Iran. Telefishinka CNN ayaa soo bandhigay in wasiirka dagaalka, Benny Gantz uu ku cadaadinayo Netanyahu oo ka gaabsanaya inuu go’aan gaaro, si dhaqso ah in loo bixiyo jawaabta weerarka Iran, isagoo ujeeddada ku sheegay si ‘aysan u dhicin in dal kale uu ku fakaro weerar uu ku qaado Israa’iil.’

15/04/2024

UPDATE: Wargeyska Wall Street Journal; “ Labo maalmood ka hor inta uusan dhicin weerarka, mas’uuliyiinta Iran ayaa dhiggooda Sacuudiga iyo dalalka kale ee Khaliijka uga warbixiyey qaabka iyo waqtiga qorshahooda ku aaddan duqeynta ballaaran ee Israa’iil, si dalalkaasi ay u ula socdaan xaaladda hawadooda, sida ay saraakiishu sheegeen. Macluumaadka waxaa loo gudbiyay Mareykanka, taasoo siineysa Washington iyo Israa’iil digniin horudhac ah oo muhiim ah.”

01/03/2024
26/02/2024

DEG DEG: Ra’iisul wasaaraha Falastiin ee maamulka Cabbaas iyo golihiisa wasiirrada ayaa is casilay, sida ay goor dhow la wadaageen Cabbaas.

Ra’iisul waaaaraha Falastiin,Mohammed Shtayyeh ayaa go’aankan sheegay inay u qaateen , markii ay u adkaysan waayeen waxa lagu samaynayso dadka Qasa iyo baahida loo qabo in la helo maamul samata-bixiya oo Falastiiniyiinta mideeya.

Fiiro gaar ah;

Go’aankan waxaa laga yaaba inuu sare u qaada cadaadiska dhismaha dawlad Falastiin oo madax bannaan, waxayna soo gaabinaysa cimriga hoggaamiyaha “fashilka ah” ee Maxamuud Cabbaas.

19/02/2024

"Xiriirka Itoobiya hoos ayaan u dhignay, go'aanka u danbeeyana wuxuu noqon safiirka oo aan erinno." Sidaas waxaa yiri Wasiir ku-xigeeka Arrimaha-dibedda Somaliya Isaak Mohamud Fanah

Madaxweynaha Turkiga oo uu garab taagan yahay dhigiisa Masar ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu Cabbdulfataax al Sisi...
15/02/2024

Madaxweynaha Turkiga oo uu garab taagan yahay dhigiisa Masar ayaa sheegay inuu fursad u helay inuu Cabbdulfataax al Sisi kala hadlo arinta xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Erdogan ma bixin faahfaahin intaa ka badan, balse wuxuu xusay inuu kala sheekeystay arimo ay ka mid yihiin; Soomaaliya, Sudan iyo Liibiya.

Abiy Axmedka Itoobiya ayaa kal h**e sheegay in Soomaaliya ay gadaal ka taagan yihiin 3 wadan kuwaa oo uu sheegay inaysan waxba u tareen.

Masar iyo Turkiga ma ka mid yihiin dalalkaas?

14/02/2024

War Dag Dag : Maamulka Gobolka Banaadir oo mamnuucay istecmaalka Af-xerashada (Face Mask) iyo Koofiyadaha.

Sidee u aragtaa Warkaan cusub ?

13/02/2024

Wasiir-Dowlaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan ayaa Maanta Kulan wax ku ool ah la qaatay Guddiga Arrimaha Bulashada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku saabsanaa ka doodista iyo isla turxaan bixinta sharciga shaqada iyo diyaarinta warbixinta ka hor akhrinta labaad ee Golaha Shacabka BJFS, waxayna labada dhinac ku balameen in ay sii wadayaan dooda ku saabsan sharcigan.

Labada dhinac ayaa dood dheer iyo falanqeyn ka yeeshay sharciga shaqada, iyadoo uu Guddiga mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada waydiiyay su’aalo la xariira sharciga oo uu jawaabo waafi ka bixisey wasaaradda.

Sharciga shaqada (Somalia Labour Code) ayaa horay uga soo gudbay akhrintii koobaad ee Golaha Shacabka.

Waxaad muujisay odaynimo, xaldoonnimo iyo masuuliyad dheeri ah marka la tixraaco nuxurka warkii wadajirka ahaa oo ay had...
13/02/2024

Waxaad muujisay odaynimo, xaldoonnimo iyo masuuliyad dheeri ah marka la tixraaco nuxurka warkii wadajirka ahaa oo ay hadda soo saareen madaxweynayaashii dalka soo maray kuna sheegeen inaad adigu dhankaaga xaldoonnimo muujisay.

Marka dib loo milicsado tanasulkaagii dagaalkii boosaaso ee Dec 2021 iyo tanasulkii doorashadii qof iyo cod ee December 2023, oo lagu daro sidaad maanta ugu qoordhiibatay madaxweynayaashii dalka u soo shaqeeyay ee Madaxweyne Shariif iyo Farmaajo waxaad ku sifoowday oday soomaaliyeed iyo hoggaamiye ishuba oo isku diyaarinaya hoggaaminta dalka.

Aniga aragti ahaan maanan arag Madaxweyne sida Deni oo kale go,aanno masiiri ah ka tanasulay.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa caawa bilaabaya la-tashiyada uu ku dhisayo xukuumaddiisa cusub, isaga oo gobol g...
13/02/2024

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa caawa bilaabaya la-tashiyada uu ku dhisayo xukuumaddiisa cusub, isaga oo gobol gobol ula kulmaya xildhibaannada Golaha Wakillada; kulanka u horreeya wuxuu la leeyahay mudanayaasha Sanaag iyo Highland oo kolkan la filayo in loo siyaadiyo wasiirrada.

Tiro aan badnayn ayaa la filayaa in uu Deni ka soo celiyo xukuumaddii h**e, iyada oo badi xilalka loo hadal-hayo siyaasiyiintii kala shaqeeyey doorashadii madaxtinimo, in kastoo is-riix-riix badan ka taagan yahay wasaaradaha koowaad [A-da].

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa in uu u socdaalo magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono hog...
13/02/2024

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa la filayaa in uu u socdaalo magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu kulamo kula yeelan doono hoggaamyaha Jubbaland, Axmed Madoobe oo mar kale isu diyaarinaya doorasho madaxtooyo, xilli Villa Somalia ku foogan tahay dhammaystirka dastuurka dalka.

Fc wadajir oo dhawaan ku guleysatay tartan ka socday  mglda baladweyne  gaar ahaan xfda howl wadag garoonka suqa sare ay...
12/02/2024

Fc wadajir oo dhawaan ku guleysatay tartan ka socday mglda baladweyne gaar ahaan xfda howl wadag garoonka suqa sare aya manta so bandhigay cupkii ey ku guleysteen.

Walalkin ibrahim abdinoor oo idinleh Wlh Qalbigaan idinka Jeclahay
12/02/2024

Walalkin ibrahim abdinoor oo idinleh Wlh Qalbigaan idinka Jeclahay

Yaa final ugudbi doono?
23/01/2024

Yaa final ugudbi doono?

Koox hubaysan ayaa Aano qabiil ah u dilay Aabe iyo labo wiil ah uu dhalay waxayna dhaawaceyn hooyadii dhashay wiilisha d...
23/01/2024

Koox hubaysan ayaa Aano qabiil ah u dilay Aabe iyo labo wiil ah uu dhalay waxayna dhaawaceyn hooyadii dhashay wiilisha dhacdadaan ayaa ka dhacday Deegaanka xumure oo u dhow xaraale qoyskaan la laayay ayaa ka soo jeedaa Deegaan ahaan cadaado kooxda falka geysatay ayaa la tuhunsanyahay inay ka soo jeedaan cabudwaaq waxii ka soo kordha kala soco.

13/01/2024

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug, Cali Ciid ayaa lagu soo dhoweynayaa Garoowe, isaga oo hordhac u ah wufuud u imanaysa caleema-saarka Madaxweynaha Puntland ee dib loo doortay.

Madaxweyne Xasan Shiikh, madaxda dowlad-goboleedyada oo uu ku jiro Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye oo isagu markii koowaad la kulmaya Deni ayaa lagu martiqaaday caleemasaarka oo dhacaya 23-ka bishan Janaayo.

Madaxda Puntland, DFS iyo Jubbaland ayaa ka sokow caleema-saarka yeelanaya kulamo gaar ah oo la filayo in dib loogu soo celiyo xidhiidhkii Xamar, Garoowe iyo Kismaanyo oo aan wanaagsanayn waayadii danbe.

28/12/2023

Team kaazow cabsi cabsi waa kkkkk hayey dooliga

28/12/2023

Sadax maalmood
Baa dhiman, baahinta magacyada xildhibaanada cusub ee Puntland.

31-12-2023

Galabta Kulan xoogan oo loogu dabaaldagayo Xayiraadii Cunaqabateynta Hubka ee Somaliya laga qaaday ayaa ka dhici doona g...
27/12/2023

Galabta Kulan xoogan oo loogu dabaaldagayo Xayiraadii Cunaqabateynta Hubka ee Somaliya laga qaaday ayaa ka dhici doona garoonka Stadium Muqdisho.

Horseed Vs Heegan. Yuusan ku seegin kulankaas oo kasoo qeyb gal.

Qiimaha lagu galayo ciyaarta si aad u daawato waa mid aad u jaban. $0.50 ilaa $2 ayaad ku dawan kartaa

In ka badan 17 kun oo shil ayaa sannadkan 2023 ka dhacay guud ahaan degaannada Puntland, sida uu shaaciyay Taliska Ciida...
26/12/2023

In ka badan 17 kun oo shil ayaa sannadkan 2023 ka dhacay guud ahaan degaannada Puntland, sida uu shaaciyay Taliska Ciidanka Ilaalada Waddooyinka dowladda Puntland.

Dhammaan shilalkaasi waxa ku dhintay 54 qof, waxaana dhaawacyo culus ku noqday 275 ruux, halka ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen 610 qof, sida uu sheegay Taliyaha Taraafikada Puntland G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan (Afrikaan).

Taliyaha ayaa sheegay in guud ahaan shilalkaas ay ku burbureen gaadiid dhan 894 gaari, halka ay ku ja-jabeen 507 mooto, islamarkaana guryaha shilalka ku waxyeelloobay yihiin 51 guri.

G/sare Cabdifitaax Siciid Saleebaan ayaa sidoo kale tilmaamay in shilalka sannadkan ka dhacay Puntland ay aad uga khasaare yar yihiin shilalkii sannadkii h**e, kadib markii sida uu sheegay 80% dowladda dib u dhis iyo hagaajin ku samaysay jidadkii burbursanaa.

 : Guddoomiyihii TPEC ee hirgeliyay doorashooyinkii qof iyo cod ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in uu xubin ka n...
23/12/2023

: Guddoomiyihii TPEC ee hirgeliyay doorashooyinkii qof iyo cod ee degmooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in uu xubin ka noqdo Baarlamanka cusub ee Puntland.

Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa ku guulaystay in uu badbaadiyo barnaamijkii doorashooyinka qof iyo cod ee degmooyinka Puntland oo qarka u saarnaa fashil ka hor inta uusan xilkaasi qaban.

Mudane Cabdirisaaq ayaa lagu tilmaamay in uu maamulay doorashadii ugu caqabadda badnayd haddana natiijo ahaan ugu cabashada yarayd ee ka dhacday degmooyinka Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in uu hadda u sharraxan yahay guddoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland inkastoo uusan isagu weli shaacin in uu u tartamayo Xillaasi.

22/12/2023

Marinka Baabul Mandab oo 12% ganacsiga adduunka maro ayey Xuutiyuuntu doonayaan in ay xiraan, halka Maraykan iyo xulufadiisa isku soo gaashaan-buuraysanayaan in ay ka hortagaan. Masar iyo Itoobiya ayaa ku kala booday heshiis ay ka gaari lahaayeen sida loo maaraynayo Biyaha Wejiga Niilka iyo Biya Xireenka Al-nahda (Renaissance Dam), iyadoo ay Masar sheegtay in ay isdifaacayso.

Itoobiya ayaa qudheeda ku goodiyeysa in ay lama huraan tahay in ay bad hesho, waxkasta oo ay ugu kacdaba.

Labo dagaal oo midkood Bariga Dhexe ka socdo kan kalana Yurub ka aloosan yahayna way taagan yihiin.

Loolaankii awoodaha dunida si xawli ah ayuu ku socda, Maraykan iyo Yurub oo isku dhinac ah, Shiinaha iyo Ruushka oo dhanka kale ah, iyadoo dawladaha miisaanka dhexe lehna isku diyaarinayaan in ay ku gorgortamaan dheelitirka ama dhinac istaagga labada midkood.

Waa laba kala fog xaalka maanta Soomaali ku sugan tahay iyo xiisadda gobolka iyo dunida ka taagan. Dadkeenii qabiil iyo deegaan ayey qoorta iskula jiraan, siyaasiyiintiina dano yaryar ayey wada eryanayaan, dhallinyaradii waxay iska dhaadhiciyeen in ayan wax teri karin, halka aqoonyahankii, culimadii iyo ganacsatadii ay xaydaabkooda ka soo tilaabi la’yihiin.

Dunida waxay ku socotaa tabartaada ku tasho, haddii aynaan isdaba qaban, waa nala qaybsan ama nala qalan mar kale.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa qada Sharaf ugu Sameyey Xarunta Madaxtooyada...
22/12/2023

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed ayaa qada Sharaf ugu Sameyey Xarunta Madaxtooyada Xidigaha Xulka kubada cagta ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Dhalinyarada iyo Madaxda Xiiriirka kubada Cagta Koonfur Galbeed ka dhagaystay shaqooyinkii baaxad lahaa ee Bilihii lasoo Dhaafay ay wadeen iyo diyaar garowga xulka kubada cagta ee ciyaaraha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee Maalmaha soo socda bilaabanayo

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa guul u rajeeyay Xulka Ciyaartooyda Koonfur Galbeed isagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Koonfur Galbeed isla markana ay rajo weyn ka qabaan in guul weyn ay soo hoyin doonan Tartan Ciyaareedka Magaalada Muqdisho ka furmaya.

 : Islaam Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Sabtida berri ah ku wajahan caasimadda Puntpand ee Garoowe xilli ay socoto xulist...
22/12/2023

: Islaam Bashiir Islaan Cabdulle ayaa Sabtida berri ah ku wajahan caasimadda Puntpand ee Garoowe xilli ay socoto xulista xildhibaannada Baarlamanka cusub ee Puntland.

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo furtay buugga tacsida marxuu...
22/12/2023

Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS Mudan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo furtay buugga tacsida marxuumad Khadiija Maxamed Diiriye waxana ay tacsida socon doontaa muddo toddobaad haddii uu Alle idmo.


LAASCAANOOD: Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa la filayaa in uu soo saaro go'aanka waxa laga yeelayo 17-ka xildhib...
22/12/2023

LAASCAANOOD: Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo ayaa la filayaa in uu soo saaro go'aanka waxa laga yeelayo 17-ka xildhibaan ee deegaannadaasi ku metelayey Puntland, iyada oo uu weli socdo shir saaka u furmay maamulka iyo Ismmada Dhaqanka.

Mas'uuliyiinta maamulka qaar ayaa qaba in Xildhibaannada hadda waqtigoodu dhammaaday ay siijoogaan labada sanno ee kumeelgaadhka lagu jiro, hayeeshee isimmada qaar ayaa ka biyo diidsan, iyada uu Garaadka Guud ee SSC, Garaad Jaamac Garaad Cali la sheegey in aanu maanta tegin shirka.

10/12/2023

Sanadka 2024 maxa ku qorsheesan

01/12/2023

Waa Gabdheyda micraaj
Jumca hilwa idin leh ❤️

28/11/2023

Baba jey tan ku dhacday ila daawo kkkkkkk

26/11/2023

Waxaa deegaanada galmudug gaar ahaan guriceel lagaaga hirgaliyay G Sports oo ah xarun lagu dhameystiray qalabka ciyaaraha oo dhan sida maaliyaha, kubadaha, firimbiyada baasjeeriyada buufinta dharka iyo waxyaabo kale oo deegaanku baahi u qabay.

Wxa eey ku taala isgoyska tuulo gaban ee degmada Guriceel
Kala xiriir: what’sapp +252610703118 ama +252612343415

Address

Garowe
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ibrahim jante page posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ibrahim jante page:

Videos

Share



You may also like