IDMAN Radio

IDMAN Radio Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from IDMAN Radio, News & Media Website, .

IDMAN is a Somali News Company Located in Somalia And is covering for the Events of Somali People Focusing on special issues about Security And Politics .we are Voice of voice less people who they don't have any channel to hear the world their voices .

23/03/2022

Maxaa ka jira in roobka la saamayn karo ?

Shiikh shariif sh muxiyadiin Celi ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho . shiikha ayaa kasoo jeeda qoys fidinta diinta ...
22/03/2022

Shiikh shariif sh muxiyadiin Celi ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho . shiikha ayaa kasoo jeeda qoys fidinta diinta caan ku ah .

20/03/2022

Deni oo u sharaxan Madaxtinimada Federaalka

21/06/2020

IDMAN RADIO waa warbaahin online oo laga aas-aasay Magaalada Garowe ee Caasimada Dowlada Puntland .

20/06/2020

Daawo Xildhibaan Daauud Maxamed Cumar oo DFS ku eedeeyay in ay ku taageerayso SL sidii ay aduunyada aqoonsi uga heli lahayd .

Turkiga oo Loo doortay MW Golaha loo dhan yahay Volkan Bozkir oo ah Duplamaasi u dhashay wadanka Turkiga ayaa loo doorta...
19/06/2020

Turkiga oo Loo doortay MW Golaha loo dhan yahay

Volkan Bozkir oo ah Duplamaasi u dhashay wadanka Turkiga ayaa loo doortay Madaxweynaha Kalfadhiga 75aad ee Golaha QM .

muddo xileedka MW ayaa ah hal sano , wuxuuna inta badan shir gudoomiyaa shirarka QM ee looga hadlayo waxyaabaha kala duwan .

Volkan Bozkir ayaa H**ey u ahaa Wasiirka arimaha midawga yurub ee turkiga , sidoo kale wuxuu ahaa safiirka Turkiga ee Midawga yurub iyo sidoo kale qunsulka dalkiisa u jooga NEWYORK waxaa uuna xubin fir-fircoon ka yahay Xisbiga AKP ee MW Erdogan .

Amy Klobuchar oo Diiday MW Xigeen Senator Amy Klobuchar oo h**ey u ahayd Murashaxa madaxweyne xigeenka Dalka Maraykanka ...
19/06/2020

Amy Klobuchar oo Diiday MW Xigeen

Senator Amy Klobuchar oo h**ey u ahayd Murashaxa madaxweyne xigeenka Dalka Maraykanka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa sheegtay in Booskaasi looga haboon yahay .

" Dalkeenu wuxuu marayaa Xaalad Adag waxaana u sheegay Mr Joe Biden wicitaankaygii u danbeeyay in uu milicsado dhanka Haweenka kasoo jeeda bulshada madawga ah " sidaas ayaa lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska Washingtonpost .

Klobuchar ayaa haatan ah Senator ka tirsan aqalka sare ee barlamaanka maraykanka waxaana laga soo doortaa Gobalka Minesota oo ah halka ay ka bilawdeen dibadbaxyadii rabshadaha watay ee ka dhashay dilkii George Floyd .

Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed mohamed Islaan "Madoobe" ayaa Xarunta Madaxtooyada ee kismaayo Ku qaabilay Safiirka D...
19/06/2020

Madaxweynaha Jubaland Mudane Ahmed mohamed Islaan "Madoobe" ayaa Xarunta Madaxtooyada ee kismaayo Ku qaabilay Safiirka Dalka Qadar ee Somalia Xasan Xamza iyo wafdi uu hogaaminayo .

Tagitaanka Safiirka qadar ee kismaayo ayaa kusoo aadaya kadib markii dhawaantan DFS ay aqoonsatay MW Jubaland dib u doorashadiisi walaw ay sheegtay in uu KMG yahay .

Kenya oo ku Guulaystay Kursiga Golaha Amaanka QM Codayntii labaad ee Golaha Guud ee qaramada midoobay oo ay codeeyeen 19...
19/06/2020

Kenya oo ku Guulaystay Kursiga Golaha Amaanka QM

Codayntii labaad ee Golaha Guud ee qaramada midoobay oo ay codeeyeen 191 wadan ayaa dalka kenya helay 129 cod iyada oo Dalka jabuutina ay heshay 62 cod .

Midawga africa ayaa H**ey u go'aamiyay in Kenya ay kursi kamid ah 10 kursi ee aan joogtada ahayn ee golaha amaanka ee QM ay ku matasho africa ayaa hadana dalka jabuuti uu ka biyo diiday Go'aankaasi .

Kenya waxay fursad u heli doontaa in ay saamayn ku yeelato Go'aan qaadashooyinka muhiimk ah ee dunida oo ay kamid tahay

-marka Ciidamo nabad ilaalin ah meel loo dirayo .
-doorashada Garsoorayaasha Maxkamada caalamiga ah ee cadaalada dunida .
-Go'aamada la xiriira Cunaqabataynada iyo soo rogistooda .

AUN maxamed abaashe xaaji xasan oo ahaa Suxufi iyo qoraa Arimaha somalia wax badan ka qoray ayaa ku geeriyoday Dalka Ing...
18/06/2020

AUN maxamed abaashe xaaji xasan oo ahaa Suxufi iyo qoraa Arimaha somalia wax badan ka qoray ayaa ku geeriyoday Dalka Ingiriiska .

Maxamed Baashe ayaa buugaagtiisa ay u badan yihiin dhanka afka iyo suugaanta ,wuxuuna mudooyinkii danbe waday barnaamij uu ugu magac daray Mar kale Midnimo oo uu ku dhiiragalinayay in SL Iyo Somalia dib u midoobaan mar kale .

Hardanka KENYA IYO JABUUTI .Jabuuti iyo Kenya ayaa mar kale Codayn loo qaadi doonaa Midka Kursiga africa ku matali doona...
18/06/2020

Hardanka KENYA IYO JABUUTI .

Jabuuti iyo Kenya ayaa mar kale Codayn loo qaadi doonaa Midka Kursiga africa ku matali doona Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay .

Codayntii Shalay ayaa Kenya heshay 113 cod halka Jabuuti ay heshay 78 cod , taasi oo keentay in codaynta mar labaad lagu laabto maadaama loo baahan yahay in Wadanku uu helo 2/3 (laba meel oo kamid ah marka inta codaysay 3 loo qaybiyo ) , waxaana shalay codeeyay 192 wadan iyada oo hal wadan uusan codaynta ka qayb gelin oo ah dalka Venezuela .

Midawga africa ayaa h**ey ugu suntay kenya in ay Africa ku matasho Golaha amaanka ee QM Balse Jabuuti ayaa Go'aankaasi ka biyo diiday iyada oo si iskeed ah abaabul u bilawday , dad badan ayaana u arka jabuuti dal saamayn balaaran ku leh siyaasadda Geeska africa isla markaana saaxiibo caalami ah Leh .

Ximeydti  oo Addisababa Gaaray dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in uu dalkeeda maalintii arbacada booqasho kadis ah ku tag...
18/06/2020

Ximeydti oo Addisababa Gaaray

dowlada Ethiopia ayaa sheegtay in uu dalkeeda maalintii arbacada booqasho kadis ah ku tagay Gen Mohamed Xamdaan Ximeydti oo ah ku xigeenka kooxaad ee gudoomiyaha golaha madaxbanaanida dalka Sudan .

Ximeydti ayaa tan iyo intii sanad kahor u xilkaas qabtay aan booqasho ku tagin dalka ethiopia waxaana la filayaa in ay kawada hadlaan arimaha Biya xireenka Iyo xuduudka la xiriira .

Maxamed xamdaan Daglo "Ximeydti " ayaa lagu tiriyaa mid kamid ah tiirarka ugu muhiimsan ee Ciidamada Wadaagta kula ah Rayidka xukunka dalka Sudan .

Guddiga Farsamo ee wadahadalka SL iyo Somalia oo Warmurtiyeed hordhac ah kasoo saaray Kulamadii Jabuuti .kulamada Guddig...
18/06/2020

Guddiga Farsamo ee wadahadalka SL iyo Somalia oo Warmurtiyeed hordhac ah kasoo saaray Kulamadii Jabuuti .

kulamada Guddiga Farsamo ayaa la filayaa in ay caasimada Jabuuti kasii socdaan 15 bari kadib .

Marxuum Danjire ciise Dheere oo  Geeriyooday .AUN Waxaa magaalada muqdisho ee caasimada somalia lagu aasay Danjire ciise...
17/06/2020

Marxuum Danjire ciise Dheere oo Geeriyooday .

AUN Waxaa magaalada muqdisho ee caasimada somalia lagu aasay Danjire ciise cali maxamed "Ciise dheere" oo ahaa Duplamaasi Sare oo ka tirsan wasaarada arimaha dibadda , waxaana ka qayb galay aas-kiisa Masuuliyiinta DFS oo uu kamid yahay Wasiirka arimaha dibadda Danjire axmed ciise cawad .

Danjire ciise dheere ayaa Safiir kasoo noqday ururka jaamacadda carabta iyo dalal ay kamid yihiin Tuunis iyo ciraaq .

AUN danjiraha ayaa sida la sheegay Ahaa mid aqoon durugsan u leh Siyaasadda arimaha dibadda somalia ee ku aadan wadamada carabta wuxuuna mudooyinkii danbe ahaa lataliye sare oo xagga arimaha carabta ah .

Mali oo Ciidamo badan laga laayay Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Mali oo Ahaa kolonyo ilaa 10 gaari gaaraya ayaa weerar Ga...
17/06/2020

Mali oo Ciidamo badan laga laayay

Ciidamo ka tirsan kuwa dalka Mali oo Ahaa kolonyo ilaa 10 gaari gaaraya ayaa weerar Gaadmo ah oo dhexda loogu galay waxaa laga dilay 44 Askari .

dowlad dalkaas ayaa sheegtay in ciidamada kolonyada ahaa ay ahaayeen 64 askari iyada oo la baadigoobayo Qaybtood oo ilaa hadda aan nolol iyo Geeri midna lagu hayn.

Kooxda Boko haram oo ka soo horjeeda dowladda dalkaas ayaa sanadihii danbe isku fidisay sidoo kale dalalka Dariska la ah Mali sida Burkina Faso iyo Nijer .

Dunida iyo Mustaqbalka Internetka Maxaad ka ogtahay ?23 May 2019 Shirkadda SPACE X ayaa ee uu leeyahay Ganacsadaha lagu ...
17/06/2020

Dunida iyo Mustaqbalka Internetka Maxaad ka ogtahay ?

23 May 2019 Shirkadda SPACE X ayaa ee uu leeyahay Ganacsadaha lagu magacaabo ELon Mask ayaa ku guulaystay in ay Hawada sare u diraan Gantaalka Shirkada oo lagu magacaabo FALCON9 , Gantaalkaas oo waday Xirmo Dayax Gacmeedyo Yar-yar ah oo gaaraya 60 Xabo , arintaas oo ahayd Tilaabadii u h**eysay Mashruuc ay ugu magac Dareen Star Link oo Dunida oo dhan Internet laga soo siinayo Xagga Sare .

Mashruucaan waxaa uu ka kooban yahay in ay hawada sare u diraan ilaa 12 kun oo dayax Gacmeed oo dunida oo dhan Internet siin doona .

Barnaamijkaan ayaa waxaa la doonayaa in Dunida oo dhan lagu siiyo Internet Xawaare sare leh oo aad u jaban marka loo eego Midka Haatan dunida laga isticmaalo Gaar ahaan wadamada soo Koraya .

waxaad u baahan doontaa oo kaliya agab aan ka badnayn $250 kadibna toos ayuu uga soo qabsanayaa Internetka STAR LINK sida Tv ga oo kale Maadaama oo 12 kun ee dayax gacmeed Lagu sii daayay meel aad ugu dhaw Dhulka oo ay shirkadu sidaas sheegtay .

Masar oo Dalkeeda wariye ka tarxiilaysa!Wariyaha Reer sudan ee Caadil Nuur oo ciidamada amaanka Masaaridu ay gurgiisa Qa...
16/06/2020

Masar oo Dalkeeda wariye ka tarxiilaysa!

Wariyaha Reer sudan ee Caadil Nuur oo ciidamada amaanka Masaaridu ay gurgiisa Qaahira ka xireen 09 bishaan ayaa Hadal hayn badan ka dhaliyay Gudaha dalka Sudan .

Dowlada masaarida ayaa ku dhawaaqday in ay suxufigaan ka celin doonto dalkeeda isla markaana la saari doono diyaarada u horaysa ee dalkiisa ku wajahan .

Sidoo Kale Safaarada Dalka suudaan uu ku leeyahay qaahira ayaa war murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si dhaw ula socon doonto xaalka wariyahan .

Eedaysane 50 Eedood Lagu Oogay ! Cali Maxamed cali "Kosheb " oo kamid ahaa Horjoogayaasha Qabaailka Gobalka Daarfuru ee ...
16/06/2020

Eedaysane 50 Eedood Lagu Oogay !

Cali Maxamed cali "Kosheb " oo kamid ahaa Horjoogayaasha Qabaailka Gobalka Daarfuru ee dalka Sudan Kana mid ahaa 4 qof oo Maxkamadda Caalamiga ah ee danbiyadda dagaalku ay doonaysay ayaa dhawaantaan si iskiis ah isugu dhiibay maxkamada .

Kosheb ayaa maxkamadu Fadhi ay shalay yeelatay waxay usoo jeediyay 22 eedood oo Biniaadantinimada ka dhan ah iyo 28 eedood oo la xiriira danbiyo Dagaal .

Kosheb ayaa ah qofka kaliya ee xorta ah 4 tii qof ee Maxkamada caalamiga ah ee danbiyada dagaalka kadib qalalaasihii ka dhacay gobalka Daarfuur dalkaasi SUDAN kuwaasi oo kala ahaa MW H**e Albashiir ,wasiirkiisi difaaca ENg Cabdiraxiim ,Axmed Haaruun oo ahaa Wasiirkii arimaha gudaha iyo Kosheb oo la aaminsan yahay in uu sarkaal sare ka ahaa ciidankii loo magac bixiyay Difaaca Shacbiga .

Juxa Sheekadiisa maxaa ka run Ah !Sh Nasrudiin Khooja ayaa La oran magaciisa runta Ah wuxuuna caan ku ahaa Madadaalada i...
15/06/2020

Juxa Sheekadiisa maxaa ka run Ah !

Sh Nasrudiin Khooja ayaa La oran magaciisa runta Ah wuxuuna caan ku ahaa Madadaalada iyo sheekooyin xiiso leh iyada oo somalia kamid tahay Wadamada Sheekooyinkiisa lagu dhigo waxbarashada aas-aasiga ah .

Magaalada AQSHAHIIR ee dalka turkiga ayaa sanad walba laga xusaa Bandhig lagu soo noolaynaayo xusuusta Juxa oo Magaaladaas ku dhashay kuna noolaa waayahiisa .

1208 Milaadiyada ayuu ku dhashay Magaaladaas SUYUURI XASAAR isaga oo ku geeriyooday AQSHAHIR isaga oo 76 sano jir ahaa ilaa haatanna waa laga dhigaa magaaladaas siyaaradiisa .
halkaan ka daawo warbixin carabi ah oo aljazeera ka diyaarisay
https://www.youtube.com/watch?v=kXBLU5yogrs

Anisa oo Shaqo Cusub bilaabaysa Sida lagu qoray wargeyska sahan ee arimaha soomaalida ka hadla Anisa Haji Mumin ayaa ka ...
15/06/2020

Anisa oo Shaqo Cusub bilaabaysa

Sida lagu qoray wargeyska sahan ee arimaha soomaalida ka hadla Anisa Haji Mumin ayaa ka shaqayn doonta xafiiska cusub ee kala shaqayn doona dadka qaxootiga ah magaalada minnesota sidii ay ganacsigooda u bilaaban lahaayeen .

Xafiiskaan ayaa shaqadiisu noqon doontaa sidii uu dadka Qaxootiga ah uga caawin lahaa caqabadaha ka qabsada Gaadiidka ,guryaha waxbarashada iyo caafimadka , isaga oo sidoo kale qiimayn doona Caqabadaha Ka dhashay COVID19 sida ay dadkaas u saameeyeen .

Anisa ayaa muddo 20 sano ku dhaw oo ay Minyabolis daganyd Waxaa ay ka shaqaynaysay arimaha bulshadda iyada oo sanadkii 2014 dib ugu soo laabatay somalia oo ay ka noqotay Wasiirka Haweenka Maamulka Goboleedka puntland .

Kalfadhiga Barlamaanka PL oo Furmay waxaa xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe maanta si rasmi ah uga furmay kalfadhig...
15/06/2020

Kalfadhiga Barlamaanka PL oo Furmay

waxaa xarunta barlamaanka Puntland ee Garowe maanta si rasmi ah uga furmay kalfadhiga 46 aad ee Barlamaanka DPL iyadoo uu furay MW DPL Mudane Said abdulahi Deni .

Gudoomiyaha Barlamaanka DPL mudane abwaan abdirashid yusuf jibriil , Gudoomiye xigeenka koowaad iyo kan labaad iyo inta badan xubnaha barlamaanka ayaana fadhiga maanta Goobjoog ka ahaa .

furitaanka Maanta ayaa ka duwanaa kuwii h**e iyada oo sababo la xiriira digtoonaanta COVID19 aanu ahayn sidii h**e oo awal ahayd madal si wayn loo soo camiri jiray .

Wadahadaladii Jabuuti oo warmurtiyeed laga soo saarayWasaarada arimaha dibadda ee dalka jabuuti ayaa warsaxaafadeed koob...
15/06/2020

Wadahadaladii Jabuuti oo warmurtiyeed laga soo saaray

Wasaarada arimaha dibadda ee dalka jabuuti ayaa warsaxaafadeed kooban kasoo saartay Maalintii koowaad ee wadahadalada DFS iyo somaliland .

wadahadalada ayaa la filayaa in ay sii socdaan iyada oo Guddi farsamo ay labada dhinac qabanayaan ay waxyaabaha qaar soo Dhiiraan- dhirin doonaan .

DF oo aqoonsatay Axmed Madoobe Warsaxaafadeed Maanta kasoo baxay Madaxtooyadda DFS ayaa lagu sheegay in Dowlada federaal...
14/06/2020

DF oo aqoonsatay Axmed Madoobe

Warsaxaafadeed Maanta kasoo baxay Madaxtooyadda DFS ayaa lagu sheegay in Dowlada federaalku ay aqoonsatay doorashadi MW jubaland Ahmed Mohamed islaan oo ay ku sheegtay in aysan waafaqsanayn habraacyadii saxda ahaa .

DFS ayaa sheegtay in axmed madoobe ay u aqoonsatay madaxweyne KMG ah muddo laba sano ah , iyadoo lagu xusuusto sidaas oo kale MW xasan shiikh oo 2 sano oo KMG ah h**ey ugu dhawaaqay markii jubaland la dhisayay .

lama oga in Maamulka Jubaland uu aqbalaayo in uu galo marxalad KMG ah oo hor leh iyo in kale iyada oo dad badani ka dhursugayaan .

Isku day Afgenbi oo fashilmay RW Dalka Lubnaan Xasaan diyaab ayaa ku dhawaaqay in uu guul daraystay isku day la doonayay...
14/06/2020

Isku day Afgenbi oo fashilmay

RW Dalka Lubnaan Xasaan diyaab ayaa ku dhawaaqay in uu guul daraystay isku day la doonayay in lagu afgenbiyo xukuumadiisa wuxuuna sheegay in ay ka danbeeyeen kooxo muuqda iyo kuwa qarsoon .

Dalka Lubnaan ayaa maalmihii u danbeeyay waxaa ka socday dibadbaxyo dadku ay ka cabanayaan Maciishada oo qaali noqotay iyo qiimaha lacagta dalkaasi oo hoos u dhac wayn laga dareemayay .

Diyaab wuxuu u balan qaaday dadkiisa in dowladu ay tilaabooyin deg deg ah qaadi doonto isaga oo eeda dhaqaale xumada dusha uga tuuray Xukuumadihii ka h**eeyay oo uu ku sheegay kuwa aan dalka u naxayn oo Daymo badan madaxa u galiyay .

waxaa bari lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jabuuti uu kulan ku dhex maro MW Somalia Mohamed abdulahi fa...
13/06/2020

waxaa bari lagu wadaa in magaalada Jabuuti ee xarunta dalka jabuuti uu kulan ku dhex maro MW Somalia Mohamed abdulahi farmaajo iyo MW SL Muuse biixi cabdi sida uu Bartiisa twitterka ku sheegay MW Jabuuti oo isagu kulanka shir gudoominaya .

sidoo kale MW Jabuuti ismacil cumar geelle ayaa sheegay in uu kulanka ku casuumay oo goob joog uu ka noqon doono Abiy Ahmed RW Dalka Ethiopia .

Puntland ayaa ku baaqaysa in wada hadalada laga qayb galiyo maadaama oo muran Dhul uu kala dhexeeyo SL balse Uma muuqato mid cid dhag jalaq u siinayso .

Address


Telephone

+252905019769

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when IDMAN Radio posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to IDMAN Radio:

Videos

Shortcuts

  • Address
  • Telephone
  • Alerts
  • Contact The Business
  • Videos
  • Claim ownership or report listing
  • Want your business to be the top-listed Media Company?

Share

Maxaan Nahay ?

Bahda IDMAN waxay noqon doontaa mid halkaan idinkula wadaagta Wararka ,faalooyinka iyo Wargelinaha kale ee u muhiimka ah bulshada soomaaliyeed si Bulshadu ula jaanqaado umadaha kale ee dunida ku nool .

aas-aaska IDMAN Wuxuu ku yimid rabitaan dhab oo ku dhisan Hubnaanta in warbaahintu ay si wanaagsan uga qayb qaadan karto samata bixinta bulshada soomaaliyeed ee ay aafeeyeen Ogaal iyo Aqoon la’aanta .