Puntland Broadcasting Corporation

Puntland Broadcasting Corporation Puntland Broadcasting Corporation is a Somalia-based independent news organization. A fast-paced new

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa galabta ka furidoona Gaalkacyo Tartanka Kubadda Cagta gobolada Puntla...
01/09/2023

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash ayaa galabta ka furidoona Gaalkacyo Tartanka Kubadda Cagta gobolada Puntland.

  Updates; Gudoomiyaha Degmada Badhan waxaa loo doortay Cawed Cali Xiiray, halka Xaawo Cabdulqaadir Axmed loo doortay ku...
30/08/2023

Updates; Gudoomiyaha Degmada Badhan waxaa loo doortay Cawed Cali Xiiray, halka Xaawo Cabdulqaadir Axmed loo doortay kuxigeen, labadooduba waxaa ay ka tirsan yihiin xisbiga Kaah.

Xafladda Daah-furka Fariisinta Goleeyasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda Pu...
30/08/2023

Xafladda Daah-furka Fariisinta Goleeyasha Deegaanka Degmooyinka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda Puntland ee hal qof iyo hal cod ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday ciidamada Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xa...
30/08/2023

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo booqday ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee dagaalka lagu ciribtirayo Khawaariijta ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo si diirran ay ugu soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ujeedada safarkiisu ay tahay sidii uu u dhiirigelin lahaa geesiyaasha ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee gacanta birta ah ku ciribgoynaya inta yar ee kaga harsan kooxaha Khawaariijta Galmudug iyo Hirshabelle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kuurgeli doona isbeddellada nololeed ee ka jira deegaannadii laga sifeeyey Khawaarijta, oo ay ka mid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal, isla markaana kulamo gaar ah la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada iyo Taliska Ciidanka X.D.S ee laga hoggaamiyo dagaalka ka socda Galmudug iyo Hirshabelle ee lagu sifeynayo argagixisada.

Waa safarkii labaad ee uu Ra’iisul Wasaaruhu ku tago degmada Aadan Yabaal, taas oo muujineysa ahmiyadda ay Xukuumaddu siineyso xoreynta iyo sugidda amniga dalka.

30/08/2023

Madaxweynaha ku xigeenka Dawladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash ayaa maanta booqday Deegaanka Goojacadde oo dhawaan la lagu baabi'iyey ciidamadii maamul Goboleedka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeen ka Dawladra Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Ahmed E. Osman Karaash  iyo wefti balaadhan oo uu ...
29/08/2023

Madaxweyne ku xigeen ka Dawladra Puntland ahna ku simaha Madaxweynaha Ahmed E. Osman Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa Maanta waxay safar shaqo ku tageen Salinta Guumeys halkaas oo ay degen yihiin Ciidamada Difaaca SSC oo ay kulan kula qaateen Saraakiisha Sare ee Ciidanka.
Madaxweynaha ayaa yiri"

" Saraakiisha waxaan ku bogaadinayaa sida naf hurida leh ee ay uga difaaceen dalkooda iyo dadkooda duulaankii qaawanaa ee lagu soo qaaday, aniga oo kula dar-daarmay inaysan geysan haba yaraatee wax gabood fal ah balse ay iska difaacaan cid walba oo isku dayda khal-khalgelinta deegaankooda"

29/08/2023

Madaxweynaha Dawladda Puntland Mudane Ahmed E. Osman Karaash oo si aad u heer saraysa loogu soo dhaweeyey Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool

United Puntland of SSC-khaatumo
27/08/2023

United Puntland of SSC-khaatumo

Gudoomiye xigeemka 2aad ee Aqalkasare Senetor Abdullahi Ali Hersi Timacadde oo baaq u diray madasha Wadashiga Qaran ayaa...
26/08/2023

Gudoomiye xigeemka 2aad ee Aqalkasare Senetor Abdullahi Ali Hersi Timacadde oo baaq u diray madasha Wadashiga Qaran ayaa yiri"

Waxaan mar labaad hambalyeynayaa guushii taariikhiga ahayd ee ay soo hooyeen ciidamada SSC-Khaatumo .

Waxaan ugu baaqayaa hay'adaha Dawladda Federalka ah ee Soomaaliya, , kuwa Dawladda Puntland, beesha caalamka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed in laga qayb qaato dib u dhiska magaalada Laascaanood gaar ahaan goobihii adeegga bulshada ee la duqeeyey.

Waxaan Madasha Wadatashiga Qaran ee shirku uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dawladda Galmudug u soo jeedinayaa in SSC-khaatumo loo aqoonsado maamulka KMG ah muddo 2 sano ah sida uu qabo Dastuurka Jamhuuriyadda Feferalka Soomaaliya.

In Maamulka cusub laga taageero dib u dajinta dadkii ku barakacay dagaalladii Gobolka sool ka dhacay si ay guryohooda ugu soo noqdaan.

Waxaan maamulka SSC-khaatumo ugu baaqayaa inaysan ciidammadu dhaafin deegaanka loo qorsheeyey si loo xaqiijiyo inaan dad shacab ah dhibaato cusub ka soo gaarin.

Sidoo kale, waxaan mar labaad ku baaqayaa in la ilaaliyo badqabka iyo xurmada maxaabiista dagaalka sida ay qabto shareecada Islaamka, qawaaniinta Dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

Sen. Abdullahi Ali Hersi Timacadde
Gudoomiye xigeenka 2aad ee Baarlamaanka
Aqalka Sare ee Jamhuuriyadda Feferalka Soomaaliya

Dagaal aad u kharaar oo shalay dhex maray ciidamada difaaca SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa la soo afjara...
26/08/2023

Dagaal aad u kharaar oo shalay dhex maray ciidamada difaaca SSC-Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland ayaa la soo afjaray kadib markii guud ciidamada Difaaca SSC kala cayriyeen ciidankii Somaliland.

Inta u dhexaysa Magaalada Laascaanood iyo duleedka waqooyin ee magaalada Guumays oo ah masaafo dhan 80KM ayaa laga sifiiyey ciidanka maamulka gooni goosadka Somaliland iyadoo laga qabsaday gaadiid dagaal iyo hub aan xisaab lahayn.

Dagaalka shalay ayaa lagu qabtay inta badan saraakiishii hogaaminaysey dagaalka kuwaas oo uu ku jiro taliyihii guud ee aagaan u qaabilsanaa maamulka Hargeisa Col. Faisal Cabdi Bpotaann

Hogaanka Maamulka SSC-khaatumo ayaa ku baaqay in sifiican loola dhaqmo maxaabiista dagaalka lagu qabtay, maydadkana la aaso.

Sidoo kale Hogaamiyaha SSC-khaatumo oo warbaahinta la hadlay ayaa ciidadana xooogga SSC-khaatumo ugu baaqay inaysan dhaafin deegaanka Guumays inta laga xaqiininayo xaaladda dadka shacabka ee ku nool magaalada oog oo ah magaalo ay dagan yihiin dad shacabka ah oo kala duwan.

PBC
Laascaanood

25/08/2023

Magaalada Guumays oo 20KM u jirta OOG oo ah halka lagu amray inay ku istaagaan ciidamada difaaca SSC- Khaatumo ayaa lagu soo dhaweeyey cutubyo ka tirsan ciidmada xoraynta Gobolka Sool.

24/08/2023

Muuqaal h**e" Senetor Abdullahi Ali Hersi Timacadde

17/08/2023

Raisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Bare oo amaanay shaqada uu hayo madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Moxamud

15/08/2023

Jidka CeelDaahir- Ceerigaabo Puntland

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE PEC. Garoowe: 15 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntlan...
15/08/2023

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY XUBNAHA GUDDIGA DOORASHOOYINKA EE PEC.

Garoowe: 15 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane H.E Said Abdullahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 42 ee 15-ka Agoosto 2023 kuna saabsan Magacaabida Xubnaha Guddiga Doorashooyinka ee PEC.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 113-aad farqadiisa 1-aad xarafka (t)

Markuu arkay: Aqootooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu arkay: Baahida loo qabo dhismaha Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC)

Markuu La-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa xubnaha hoos ku xusan loo magacaabay Guddiga Doorashooyinka Puntland ee (PEC).

1.1. Cabdullaahi Siciid Ismaciil (Keytoon)
1.2. Maxamed Abshir Garaad
1.3. Maxamuud Soofe Xasan

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

-DHAMMAAD-
Puntland Broadcasting Corporation

Maanta
13/08/2023

Maanta

13/08/2023

Garoowe : 13 August 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ee Garoowe maanta ku qaabilay La-taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka, Mudane Xamse Warfaa oo booqasho ku yimi Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Puntland Mudane Cabdifataax Cabdinuur iyo xubno qeyb ka ahaa Wafdiga Lataliye Xamze Warfaa.

- DHAMMAAD -

Garoowe: 13-Aug-2023: Waxaan maanta maagalada Garoowe lagu soo dhaweeyey  La-taliyaha Arrimaha Xuququl-Insaanka iyo Dimu...
13/08/2023

Garoowe: 13-Aug-2023: Waxaan maanta maagalada Garoowe lagu soo dhaweeyey La-taliyaha Arrimaha Xuququl-Insaanka iyo Dimuqraadiyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Mudane Xamse Warfaa.

13/08/2023

Horumarinta waddooyinka Puntland

13/08/2023

Degmada Qandala ee Gobolka Bari

13/08/2023

Daawo: Dhibaatada aanada qabiilku leedahay

Daawo bilicda deegaanka Degmada qadiimiga ah ee Qandala Puntland Somalia
13/08/2023

Daawo bilicda deegaanka Degmada qadiimiga ah ee Qandala Puntland Somalia

Magaalada Laascaanood waxaa saaka duqayn ciidanka Maamulka Soomaali diidka ah ee Somaliland soo rideen ku Geeriyoodey AU...
13/08/2023

Magaalada Laascaanood waxaa saaka duqayn ciidanka Maamulka Soomaali diidka ah ee Somaliland soo rideen ku Geeriyoodey AUN Amir Jaamac Maxamed Mire(Digaale) oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Sool.

Madaxweyne Deni '  Muhiimadda ugu weyn ee aad doorashada 1Q1C ka Leenahay maaha in dib naloo doorto ee waa inaan  shacab...
13/08/2023

Madaxweyne Deni ' Muhiimadda ugu weyn ee aad doorashada 1Q1C ka Leenahay maaha in dib naloo doorto ee waa inaan shacabka awoodda dib ugu celinno..

12/08/2023

Laascaanood: Kaarayaasha dagaalka iyo hub culus oo hor leh oo ka yimi degmada Widhiwdh ee Goboka Cayn oo la geeyey Laascaanood.

12/08/2023

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni " Shacabku inay isoo doortaan ama i dooran waayaan baan rabaa.

12/08/2023

Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni “Ha la aamino codka Shacabka oo ha lagu tartamo ha la iska dhaafo kooxeysi”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Yaasiin Cismaan Kee...
11/08/2023

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Yaasiin Cismaan Keenadiid oo ah xubin ka tirsan Golaha Maamulka Gaadiidka iyo Jidadka ee Gobolka Minnesota.

10/08/2023

Golaha Wakiilada Dawladda Puntland ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyey Wax-ka-bedelka xeerka Doorashooyinka Goleyaashada Deegaanka Puntland iyo Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo dhismaha Goleyaasha deegaanka Puntland

Ciidamada xaq u dirirka ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal culus oo ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo uu hoggaaminayey Mah...
25/02/2023

Ciidamada xaq u dirirka ee SSC-Khaatumo ayaa dagaal culus oo ay soo qaadeen ciidamada Somaliland oo uu hoggaaminayey Mahad Canbaashe iska caabiyey Waqooyiga magaalada Laascaanood, ciidamada xaq u dirirka SSC-Khaatumo waxay gaadhsiiyeen malayshiyada Somaliland khasaare ba‘an.

Ciidamadu waxay la wareegeen xeradii ay ku sugnaayeen malayshiyada Somaliland, waxayna halkaas kula wareegeen gaadiid dagaal oo badan oo ay ku jiraan laba kaare iyo suug, Mahad Canbaashe iyo malayshiyo uu hoggaaminayo ayaa laga saaray dhammaan goobihii ay ku sugnaayeen waqooyiga magaalada iyo xerada guul wadayaasha, waxaana ku sugan xoogagga xaq u dirirka.

Xogta Khaatumo

17/02/2023

Mass killings of unarmed citizens by Somaliland
Military forces continue to occur in Laascaanood.

15/02/2023

Warbixin- Maxaa sababay inay guul-daro kala kulanto Soomalind dagaal Laascanood, Dhawr qodob ayay warbixintani koobaysa.

A Bidhaanshe

14/02/2023

Garaad Mukhtaar Garaad Cali oo ah afhayeenka Garaadada SSC Khaatumo oo isku day dil ka badbaadey

13/02/2023

Bulshada Deegaanka ee Degmada ee Gobolka , ayaa maanta udareeray goobaha Diiwaangelinta si ay u qaataan waraaqda diiwaangelinta ee ay ku qaadanayaan kaarka cosbixinta Doorashooyinka qof iyo codka ah ee Puntland.



13/02/2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kaga qayb galay kulan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Qaarada Yurub ay ku taageeraysay halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-shabaab.

13/02/2023

Xoogagga SSC-Khaatumo oo guula ka soo hoyiyey difaaca shacabka Laascaanood.

13/02/2023

Daawo: Dagaalka isir neceybka ku salaysan ee jamhadda SNM-Somaliland oo maalintii 8aad Laascaanood ka socda

Maamulka SSC Khaatumo oo War saxaafaddeed soo saaray.
12/02/2023

Maamulka SSC Khaatumo oo War saxaafaddeed soo saaray.

Jooji xasuuqa SSC
07/02/2023

Jooji xasuuqa SSC

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Puntland Broadcasting Corporation posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share