Sahal Financial News

Sahal Financial News Warar ka Ganacsiga.

Spotify ayaa ku soo biirtay shirkadaha waa weyn ee shaqo joojinta sameenaya. Ku dhawaad 6% ayaa shaqada laga fariisin si...
23/01/2023

Spotify ayaa ku soo biirtay shirkadaha waa weyn ee shaqo joojinta sameenaya.

Ku dhawaad 6% ayaa shaqada laga fariisin sida uu qorshuhu yahay, si loo dhimo kharashaadka baxaya.
Spotify oo ah shirkadaha technology kuwooda ugu weyn ayaa warkaan shaacisay maanta.

Shirkada weyn ee Microsoft ayaa qorsheenaysa inay shaqo ka joojin ku sameeso 10,000 oo shaqaalaheeda ka mida. Shaqo jooj...
18/01/2023

Shirkada weyn ee Microsoft ayaa qorsheenaysa inay shaqo ka joojin ku sameeso 10,000 oo shaqaalaheeda ka mida. Shaqo joojintaan oo boqolkii ba 5% ah ayaa imaanaysa kadib dhaqaale xumi laga baqayo sanadkaan.

Shaqo joojintaan ayaa imaanaysa si loo yareeyo kharashaadka baxaya ee shirkada si looga hortago musalifid shirkada ku timaada mustaqbalka.

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kor u kac 3% ah sameeyay sanadkii tagay, kadib halgan dheer oo xanuunkii Covid   loo adkeestay ...
17/01/2023

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa kor u kac 3% ah sameeyay sanadkii tagay, kadib halgan dheer oo xanuunkii Covid loo adkeestay sidii looga gudbi lahaa.

Dhaqaalyahannadu waxay saadaalin in laga soo kaban doono bilaha soo socda, khasaarihii xanuunka Covid iyo sicir barar ka is biirsadey.
Saadaasha ayaa ah in sanadkaan 5% kor u kac ah sameen doono dhaqaalaha Shiinaha.

Amazon ayaa shaqada ka fariisinaysa 18,000 oo qof oo shaqaalaheeda ah. Waa markii ugu h**eesay oo shirkad kuwa tiknalooj...
05/01/2023

Amazon ayaa shaqada ka fariisinaysa 18,000 oo qof oo shaqaalaheeda ah.

Waa markii ugu h**eesay oo shirkad kuwa tiknaloojiyada ah ay shaqo ka fariisin kumanaan ah ay sameeso.

Dhaqaale xumida iyo sicir barar ka ayaa meel xun gaaray sanadkii la soo dhaafey, waxaana la saadaalinayaa inuu sii socon doono sanadkaan.

10 ka Jaamacadood ee aduunka ugu waxbarashada dhinaca ganacsiga ugu fiican. Badankood waxay ku yaalaan Yurub iyo Mareyka...
31/12/2022

10 ka Jaamacadood ee aduunka ugu waxbarashada dhinaca ganacsiga ugu fiican.

Badankood waxay ku yaalaan Yurub iyo Mareykan.

Bitcoin ayaa qiimaheedii hoos u dhacay laga soo bilaabo sanadkan bilowgiisii.Bitcoin oo aheed lacag dijitaal ah ayaa san...
22/12/2022

Bitcoin ayaa qiimaheedii hoos u dhacay laga soo bilaabo sanadkan bilowgiisii.

Bitcoin oo aheed lacag dijitaal ah ayaa sanadkii h**e qiimaheedu kor u kac sameeyay, qiimo dhan 69,000 oo dollar ka Mareykan ka ah ayay gaartay lacagtaan dijitaalka ah.

Lacagtaan ayaa aheed lacag aan wax tar weyn laheen loo na badinayay lacagta mustaqbalka ee casrigaa.

Xigasho: financial times.

Sanadkaan dhamaanaya ayaa noqdey sanad uu dib u soo noqdey isku socodkii safarada diyaaradaha. Dalxiiska aduunka ayaa la...
20/12/2022

Sanadkaan dhamaanaya ayaa noqdey sanad uu dib u soo noqdey isku socodkii safarada diyaaradaha.

Dalxiiska aduunka ayaa la saadaalin sanadka soo socda inuu si fiican u bilaami doono kadib 2 sano oo Covid-19 lagaga baaqsadey.

Meelaha dalxiiska aadka loo booqan doono waxa kow ah Paris sidoo kale waxaa kaalinta 2 gashey Dubai.

Dalxiiska ayaa kor u qaadaya dhaqaalaha si kastaba oo ay u jirto baqdin dhaqaale xumi ee aduunka oo dhan ka jirta.

Baanka  caalamigaa ee maalgeshiga xaruntiisuna tahay Mareykanka ayaa 4,000 oo shaqaale shaqada ka fariisinaya si loo yar...
16/12/2022

Baanka caalamigaa ee maalgeshiga xaruntiisuna tahay Mareykanka ayaa 4,000 oo shaqaale shaqada ka fariisinaya si loo yareeyo kharashaadka baxaya.

Ilo xog ogaal ah ayaa carabaabey in aysan ku ekaan doonin shaqaale shaqada laga ruqseeyo oo kaliya si loo dhimo kharashaadka baxaya.

Sicir bararka aduunka oo dhan saameeyay ayaa umuuqda mid ay adagtahay in laga soo kabto sanadka soo socda.

Xigasho: Bloomberg.

Ganacsadaha maalqabeen ka ah ee u dhashey Imaaraadka ayaa u wareegay suuqa macaashka cuntada fudud (fast food).Maalqabee...
13/12/2022

Ganacsadaha maalqabeen ka ah ee u dhashey Imaaraadka ayaa u wareegay suuqa macaashka cuntada fudud (fast food).

Maalqabeen kaan ayaa ah ninka dhisay daarta ugu dheer magaalada Dubai, wuxuna ku jiri jiray dhinaca guryaha iyo dhismaha lakin maalgelintaan suuqa cuntada fudud ayaa ka dhigaysa raga ugu taajirsan gacanka carbeed.

Suuqa makhaayadaha iyo cuntada ayaa qiimahoodu gaarey 6.24 bilyan oo dollar. Suuqaan ayaa soo xareeyay aduun dhan 2 bilyan oo dollar sanadkii tagey, wuxu na sameeyay kor u kac dhan 9.9%.

Sawirka: Bloomberg.

Waa sidee mustaqbalka Ganacsiga xawaaladaha Soomaalida?!!Waxaan wax yar ka qorayaa mustaqbalka dhow iyo kan fog ba sida ...
10/12/2022

Waa sidee mustaqbalka Ganacsiga xawaaladaha Soomaalida?!!

Waxaan wax yar ka qorayaa mustaqbalka dhow iyo kan fog ba sida uu u ekaanayo Ganacsiga xawaaladaha Soomaalida:

Sida lawada ogyahay Ganacsiga Xawaaladaha ayaa soo bilaamey markey Soomaali badan u shaqo tageen gacanka carbeed horaantii 1970s meeyadii kadib markey u baahdeen inay lacago gaarsiiyaan dadkoodii ay uga yimaadeen wadankii oo markaas shaqoyinku yaraayeen isla markaas na 10 sano ka horna helay xoriyad. Wadanku wuxuu ku jiray barasho maamulka iyo dowladnimada ah, mana jirin hay'ado dowliya oo adag. Waxaa adkeed in qofku lacag meesha uu rabo u diri karo intuu baanga tago, maadama dowladii markaas jirtay ay ku xirneed Soofiyeedka oo markaas ayaguna ku jiray dagaalkii qabow baa ahaana wadan hantiwadaag ah oo dhaqaalo badan aan laheen.

Mudo kadib markii saas lagu bartay xawaaladaha lacagaha gaarsiiya wadankii ayuu balaartay Ganacsiga xawaaladaha, waxaana sahlanaatay in meel walba loo diri karo lacag wadan kasta oo ay Soomaali qaxooti nimo u tagtey.

Ganacsigii yaraa ee sida sahlan uga bilaamey Wadamada khaliij ka wuxuu ba noqdey sida Xawaaladaha waaweyn, tusaale ahaan: Western union iyo Money Gram, oo ah Shirkado ganacsi oo la tacaamula Baangiyo waa weyn aduunka oo dhana gaarsiisan.

Kadib markii la yimi oo loo soo qaxay wadamada Galbeed ka waxa timi baahi ah in la gaarsiiyo lacago dadkii qaraabada iyo asxaabta ahaa ee joogey wadankiii, taas oo sii wadey ganacsigii in laga hirgaliyo galbeedka oo ay ka jirto nidaam hantigoosad ah oo hufan.

Nidaamka hufnaanta iyo musuqmaasuq yarida leh ee galbeedka ka jira ayay markii h**e caqabad ka la kulmeen Soomaalidii ganacsiga xawaaladaha in laga hirgaliyo lakin siday noqotaba waa ka hirgalay, waxana u sahlanaantay jiilkii h**e ee qaxootinimada ku yimi ee xiriirka la lahaa dadkii wadankii joogey ay si fudud u gaarsiiyaan lacago taakulo ah wadankii.

Marka la eego sida ay u shaqeeyaan xawaaladuhu maanta ma sii jiri doonaan sababahaan soo socda awgood:
1: Waxaa is badalay sida loo wada xiriiro aduunka oo dhan maanta tiknolojiyada ayaana sahashey in ay fududaato wax walba in si fudud la isku gaarsiiyo.
2: Jiilkii ku dhashey galbeed ka oo aan wax xiriir ah la laheen dadkii qaraabada ahaa ee joogey wadankii.
3: Wadankii oo yeeshey isgaarsiin sare oo qofku meel kasta uu joogo uu wax is dhaafsi sameen karo.
4: Musuq la dirirka iyo nidaamka maaliyadeed ee galbeedka ee hufan oo adkeenaya lacagaha aan bunuugta marin kuna khasbi doona in ay xiri doonaan xisaabaadka baangiyada Xawaaladuhu lacagaha dhigtaan si looga hortago sicir barar iyo lacag dhaqida.

Marka la eego sababahaas iyo kuwo kale oo badan ba waxa dhici doonta in xawaaladuhu suuqoodu soo xirmo kadibna sidaas ay ba ku soo gabagaboodo ganacsigii mudada lagu soo moogey.

Maxa la gudboon ganacsatada in loo jeediyo maalgashiga hadii xawaaladaha oo aahaa ganacsi balaaran ay xirmaan?

Kadib Xanuunka saf marka ah ee Covid-19 ee aduunka oo dhan saameeyay iyo dagaalka Ukraine waxa soo badanaya maalqabeenad...
06/12/2022

Kadib Xanuunka saf marka ah ee Covid-19 ee aduunka oo dhan saameeyay iyo dagaalka Ukraine waxa soo badanaya maalqabeenada sii taajiraya.

Dadka aadka u faaiiday waxa ka mida maalqabeenka Ruush ka ah ee ka tirsanaan jiray Baanga Deutsche ee laga leeyahay wadanka Jarmalka.

43 jir kaan ayaa dhisay shirkad lagu qiimeeyay aduun dhan 6 bilyan oo dollar ka Maraykan ka ah, 7 sano gudahood.

Shirkadiisa ayaa lagu qiyaasay maalintii inay qabtaan aduun dhan 300$ bilyan.

Sawirka: Bloomberg news.

Bilyaneerka reer Hindiya ayaa noqonaya ninka ugu saamiyada badan Tvga ugu weyn Hindiya. Warkaan ayaa soo shaac baxay sha...
06/12/2022

Bilyaneerka reer Hindiya ayaa noqonaya ninka ugu saamiyada badan Tvga ugu weyn Hindiya.
Warkaan ayaa soo shaac baxay shalay kadib markii loo soo bandhigay inuu iibsado 5.3 million oo saami.

Sida laga soo xigtay xisaabin ay sameeyeen Bloomberg news, 29.2 boqolkiiba ayay Adani group iibsadeen bishii ogosto. Waxa loo soo jeediyay inuu iibsado 26 boqolkiiba bishaan. Magacyada dadka maalqabeenada ah ee saamiyada iska iibiyay ayaan laga raneen ilaa iyo hada.

Asaasihii NDTV, Prannoy Roy oo ahaa jiilkii ugu h**eeyay oo reer Hindiya ah kana soo muuqda warbaahinta ayaa asagu leh saami dhan 32 boqolkiiba.

Sawirka: Bloomberg news.

Bangiga caalamiga ah ee maalgashiga ee laga leeyahay Swiss ka ayaa saamigiisu kor u kac sameeyey kadib markii uu soo bax...
05/12/2022

Bangiga caalamiga ah ee maalgashiga ee laga leeyahay Swiss ka ayaa saamigiisu kor u kac sameeyey kadib markii uu soo baxay war bixinta ah inuu maalgelin dhan $500 million uu ku iibsanayo saamiyo dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman.

Bangigaan ayaa lumiyay 62% qiimaha saamiyada sanadkaan bilowgiisii.

Wall Street Journal ayaa daabacay war bixinta ah inuu xiiseenayo iibsashada saami dhaxal sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman. Lakin ilaa iyo hada ma cada inay tahay lacag gaar ah iyo inay ka imaanayso lacagtaan sanduuqa maalgelinta boqortooyada.

Sawirka: AFP.

Sidee ayay suurtagal u noqon in ay shaqeeyaan Bangiyo ganacsi oo faaiido raadis ah ayadoo aysan jirin Bangi dhexe oo dul...
04/12/2022

Sidee ayay suurtagal u noqon in ay shaqeeyaan Bangiyo ganacsi oo faaiido raadis ah ayadoo aysan jirin Bangi dhexe oo dulsaar ka iyo caymis ka guud ahaan ganacsiga siyaaasad kaleh?!!

Waxaan wax yar oo kooban ka oran ”Dulsaar” waxa uu yahay iyo sida Bangiyadu u shaqeeyaan:

1: Waa maxay dulsaar?
2: Khatar intee la’eg ayuu u bareeraya qofka amaahinaya qof kale lacag cad?
3: Muxu u jiraa dulsaar oo lacagtu bilaash u ahaan weyday?

Dulsaar waa qiimaha lacagta amaahda ah ee qof ka amaahdo hay’ad maaliyadeed baahi markaas uu u qabo lacag cad oo uu helo. Ama qiimo celinta kaydka qof uu ku kaydsado lacag Bangi. Maadama aysan jirin wax bilaash ah aduunka wax walbana qiimo ku kacaan ayay Bangiyadu khatartaas mustaqbalka imaan karta u bareereen inay amaahiyaan ama qaadaan masuuliyada kayd ay dad dhigteen!

Khatarta mustaqbal ka imaan karta ayaa ah in qofka wax amaahanaya uu dhiman karo ama wax la’aan ku dhici karto, amaba dhuuman karo. Sababtaas daraadeed ayay u jiraan waxa loo yaqaan ”Dulsaar”.
Waxa kale oo jira waxa loo yaqaan khatarta ”Sicir bararka” waxa dhici karta in lacag la amaahiyo qof wakhti ay sicir barar jiro oo ay lacagtu cad ay qiimaheedu hoos u dhaco. Sababahaas daraadood ayadoo laga duulayo ayay saas u shaqeeyaan Maaliyada casrigaa ee maanta wadamo badan ku dhaqmaan.

Wadamada hormaray ee dhaqaalahoodu bulaalay waxa jaangooyada dulsaarkooda Bangiga dhexe ee wadanka ayadoo la eegayo qiimaha lacagtu ay markaas leedahay.

Bangiyada dhexe ee wadan walba ayaa go’aamiya ”Dulsaarku” inta uu noqonayo sanad walba si lacagtu qiimo u yeelato sicir bararna u imaan.

Markaan eegno Bangiyada Soomaaliya laga furay qaabka ay u shaqeeyaan iyo xaalada adag ee la marayo, wakhtigaan maahan wakhtigii maalgelintaas la sameen lahaa sababtoo ah ma jiraan siyaasad maaliyadeed iyo Lacag wadanku leeyahay oo qiimo leh.

Midowga boqortooyada Ingiriiska ayaa noqonaya wadanka kaliya ee dhaqaalihiisu hooseeyo marka la barbar dhigo wadamada ka...
04/12/2022

Midowga boqortooyada Ingiriiska ayaa noqonaya wadanka kaliya ee dhaqaalihiisu hooseeyo marka la barbar dhigo wadamada kale ee la isku dhaho ”koox da 7aad” ee hogaamiya dhaqaalaha wadamada warshadaha leh.

Dhaqaalaha Wadanka Ingiriiska ayaan korin intii lagu jirey xanuunka saf marka ah ee Covid19 halka wadama la midka ah ay kor u kac sameeyeen mudadaas!

Xigasho: Financial times.

Deegaanada Puntland oo laga hirgaliyay markii ugu h**eesay ATM machine laga la bixi karo lacag cad. Madaxweynaha Dowlada...
04/12/2022

Deegaanada Puntland oo laga hirgaliyay markii ugu h**eesay ATM machine laga la bixi karo lacag cad.

Madaxweynaha Dowlada Puntland oo furay ganacsigaan lama hadiyay!

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Sahal Financial News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Sahal Financial News:

Share



You may also like