Timirre Anchor

Timirre Anchor Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Timirre Anchor, Garowe Meeraysane Road, Garowe.
(3)

Alle ha u naxariisto marxuum Gen. Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) wasiirkii arrimaha gudaha ee Jubaland oo ku geeriyoo...
30/07/2022

Alle ha u naxariisto marxuum Gen. Maxamed Warsame Faarax (Darwiish) wasiirkii arrimaha gudaha ee Jubaland oo ku geeriyooday dalka Germany, wuxuu ahaa masuul waxbadan usoo shaqeeyay dalka iyo dadka xiliyo kala duwan.

Waxaan tacsi gaar ah u diraya eheladii iyo qoyskiisii, marxuumka Alle waxaan uga baryayaa in uu u danbi dhaafo oo janadii geeyo, Aamiin.

Hambalyo ayaan u dirayaa shacabka iyo geesiyada dowladd deegaanka Soomaalida oo u ugu h**eeyo Madaxweyne Mustafe.Argagax...
24/07/2022

Hambalyo ayaan u dirayaa shacabka iyo geesiyada dowladd deegaanka Soomaalida oo u ugu h**eeyo Madaxweyne Mustafe.

Argagaxisadana mid baan leeyahey maankiina ku haya in dhulka DDS uusan aheyn deegaanadi aad dumarkooda iyo Maalkoodaba baneysan jirteen.

HAMBLAYO DADKEYGOW GUULEYSTA.

29/06/2022

Masha allh.

Tabin Sugaan oo lagu lamaanshey Turkeyn ayaa ka muuqata gabadhan Abwaanada ah.

Aad ayaan ula dhacey.

Gudiga dib u habeynta ciidamada dowladda Puntland oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Gudiga ahna Wasiirka Maaliyada Hasan Abg...
09/05/2022

Gudiga dib u habeynta ciidamada dowladda Puntland oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Gudiga ahna Wasiirka Maaliyada Hasan Abgaal iyo Gen Yaasiin Cumar dheere Taliyaha Guud ee ciidamada Difaaca Puntland ayaan galabta kuso dhaweynay magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

09/05/2022

La isma saarnaan karo.

08/05/2022

waa Barnaamijka AF MEER qaybta 11 aad oo uu marti ku yahey Amiirki Amniyaadka Alshabaab ee Gobolka Mudug Maxamed Jeeri.INTAADAN DAAWAN MUUQAALKA SUBSCIRBE DH...

06/05/2022

Waxaan Maanta booqasho ku tagey Dugsiga Tobabarka ciidamada Gen Careys ee Duleedka magaalada Galkacyo.halkaas oo aan kula hadley Cutubyo ka tirsan ciidamada Difaaca Puntland oo heer gabogabo ah u marayo Tobabarkoodi.

Waxaan u mahadcelinayaa Taliyaha Dugsiga,ku xigeenkiisa iyo dhammaan macalimiinta dugsiga oo si hagar la'aan ah igu soo dhaweeyey dugsiga.

Waa Kuma Ninka Maraykanku Soomaaliya ka dhex-baadi-Goobayo!  Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dhan $5 milyan oo dolla...
22/03/2022

Waa Kuma Ninka Maraykanku Soomaaliya ka dhex-baadi-Goobayo!

Mareykanka ayaa ku dhawaaqday lacag dhan $5 milyan oo dollar ah inay siinayso ciddii keenta xog ku saabsan halka uu ku sugan yahay Jehad Serwan Mostafa oo loo yaqaan Axmed Gurey oo la rumeysan yahay in uu xubin sare ka yahay kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.

Waaxda Arrimaha Dibedda ee Barnaamijka Caddaaladda Maraykanka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Mostafa uu yahay Muwaadin h**ey u degenaa gobolka California, waxa uu hogaanka Al-Qaacida u qaabsanaa weerarada ka dhaca Bariga Afrika oo ay ku jiraan Kenya iyo Soomaaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Mostafa oo 41-jir ah oo ku jira Liiska Argagaxisada loogu doonista badan yahay ee FBI-da, uu ka qalin-jabiyay kulliyad ku taalla magaalada San Diego ee gobolka California, ka hor inta uusan u wareegin Soomaaliya sannadkii 2005-tii.

Waxaa la rumeysan yahay inuu ka qeyb qaatay weeraro ka dhan ah ciidamada Itoobiya ka hor inta uusan ku biirin Al-Shabaab ku dhawaad ​​2008dii.

“Al-Shabaab, Mostafa waxa uu ka soo shaqeeyay shaqooyin badan oo xasaasi ah, oo ay ka mid tahay in uu tababare ciidan ka soo noqday xerooyinka tababarada ee kooxda, waxa uu hor kacayay dagaalyahannada ajaanibka ah, waxa uu ka hawl-galaa garabka warbaahineed ee kooxda, isaga oo u shaqaynayay dhex-dhexaadinta al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah. iyo hoggaaminta kooxda weerarrada argagixisanimada,” ayay tiri waaxda Abaalmarinta Caddaaladda ee Arrimaha Dibadda Mareykanka.

October 9, 2009, Mostafa waxaa lagu soo oogay dacwad maxk**ad ku taal Koonfurta Degmada California ee dalka Mareykanka, iyadoo lagu eedeeyay inuu maleegayay inuu taageero agab ah siiyo al-Shabaab, sida ay sheegtay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka

W/Turjumay Jama A Feyte



https://allafrica.com/stories/202203210030.html

https://www.fbi.gov/wanted/wanted_terrorists/jehad-serwan-mostafa

https://www.citizen.digital/news/us-issues-ksh570m-for-information-on-key-al-shabaab-mastermind-n294923

XUKUNKA ARGAGAXISADI DISHAY AUN WARIYE JAMAAL FAARAX AADAN.https://youtu.be/LMiUO_5dofs
13/02/2022

XUKUNKA ARGAGAXISADI DISHAY AUN WARIYE JAMAAL FAARAX AADAN.

https://youtu.be/LMiUO_5dofs

ALSHABAABKI DILEY AUN WARIYE JAMAAL FAARAX AADAN OO DIL LAGU XUKUMEY.

13/02/2022

No one can escape justice and I do not want to reward anyone but God.

Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn PL ayaa maanta u soo gabagabeysay...
13/02/2022

Maxkmadda darajada koowaad ee ciidamada iyo danbiyada culus ee gobolada Mudug iyo Cayn PL ayaa maanta u soo gabagabeysay dhageysiga Kiiska Afar nin oo Alshabaab ah laguna soo eedeeyey in ay ka danbeeyeen dilka Wariye AUN Jamaal Faarax Aadan kaas oo kalh**e lagu dilay magaalada Galkacyo.

Goor dhow ayaan Youtube ka AFMEER soo galin doona Barnaamij dhameystiran oo ku saabsab Xukunka siduu u dhacey oo ay weheliyaan qiraalada xukunka labada gacantooda ku dilay Wariye Jamaal Faarax Aadan.

01/02/2022

Q/2 aad xukunno Dil iyo Xabsi oo lagu xukumey Shabakaddi ugu da'da yareyd Alshabaab ee dilalka Galkacyo ka bilaabay 2017

01/02/2022

Galkacyo Xukunno dil iyo Xabsi iskugu jira.

Team AF MEER saaka waxay salaan sharfeed ugu tageen hoyga uu Galkacyo ka dagan yahey madaxweynihi h**e ee Puntland Pro C...
01/02/2022

Team AF MEER saaka waxay salaan sharfeed ugu tageen hoyga uu Galkacyo ka dagan yahey madaxweynihi h**e ee Puntland Pro Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

27/01/2022

Madaxweynihi h**e ee Hirshabeelle Waare(Shabaabka suuqa Bakaaraha u xiran yahey oo laga raadinayo Baladweyne anigu ma fahmin)

27/01/2022

Bahalka la yiraahdo HARAMCAD luuqadda Carabiga ma u taqaan FAHAD?
BAL NOO SHEEG!!!

27/01/2022

Yaa Xaqiijiyey in suuqa Bakaaraha u xiran yahey Argaxisada Daacish. Maxaa ka aamisan tahey Arintaas?

Nabaddi Galkacyo ka dhalatey wataa Hormarki soo celisay:(Shiil Medical Center)Mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo Isbitaa...
27/01/2022

Nabaddi Galkacyo ka dhalatey wataa Hormarki soo celisay:(Shiil Medical Center)

Mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo Isbitaal Casri ah ayaa saaka laga dhagax dhigay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaasoo dhismihiisa ay iska kaashanayaan qurba joog ay hormuud u tahay Xamdi Cali Barre.

Masuuliyiin, Isimo, Siyaasiyiin iyo Ganacsato ayaa ka qeyb galay dhagax dhiga ``Shiil Medical Center`` oo dhawaan la bilaabayo dhismihiisa.

Mashruucaan muhiimka ah ayaa la rajeynayaa inuu dabooli doono baahiyo dalka ka jira oo loo aado dalka dibaddiisa.

Nabaddi Galkacyo ka dhalatey ee xididada loogu siibey Argagaxisadi reer Galkacyo Indhaha ka tuurey kadib waxaa dib u bilowday in Qurba joogta iyo Hantiilayaasha gobolka mudug ay dib ugu soo laabtaan magaalada ayna maalgashi ku sameeyeen dhinac walba oo hormar u ah bulshada deegaanka.

27/01/2022

200,000 US Dollar 🥱🥱🥱Sargaal aan xil heyn hadi lagu siiyey in uu Creat gareeyo Xasarad deegaankiisa,rag xil haya,Awood ciidanna leh imisa la siin kara?

Gobonimo
25/01/2022

Gobonimo

28/10/2021
Madaxweyne Erdogan ayaa maanta xaqiijiyay In Turkigu sameeyey tijaabadii ugu horaysey  ee Nidaamka difaaca Gantaalaha S-...
23/10/2020

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta xaqiijiyay In Turkigu sameeyey tijaabadii ugu horaysey ee Nidaamka difaaca Gantaalaha S-400 oo ay Ruushka kasoo iibsadeen .

Madaxweyne ordogaan oo arintaas kahadlaya Wuxuu yiri .

"Waxay u muuqataa in mudanayaasha Mareykanku ay si gaar ah uga walwalsan yihiin in kani yahay hub uu leeyahay Ruushku ,

Waan go'aansanay, Waan kusii socon doonaa Jidkayaga markasta Sidii Caadada noo ahayd .

Waan sii wadi doonaa tijaabinta qalabka militariga kuwa dhexe iyo kuwa culus .

Giriiggu wuxuu leeyahay nidaamka S-300, laakiin Washington ma weydiiso Griiga sababta ay u adeegsato nidaamkan difaac , maraykanka k**a soo horjeesan Giriiga .

Waxaan ogahay haysashada turkiga nidaamka S-400 Qaar badan ay ka xunyihiin oo ay ka naxeen laakiin anaga waxaa naga go'an mowqifkeena "

DEG DEG: Qofkii ugu horreeyey ayaa Puntland laga heley cudurka  , sida ay hadda xaqiijisey Wasaaradda Caafimaadka.Majiro...
19/04/2020

DEG DEG:
Qofkii ugu horreeyey ayaa Puntland laga heley cudurka , sida ay hadda xaqiijisey Wasaaradda Caafimaadka.

Majiro qofkaas wax Taariikh safar ah oo uu leeyahay 6dii bilood ee lasoo dhaafay, wuxuu kusugnaa gudaha Puntland,sidaas waxaa yiri Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Sidoo kale 5 qof oo hor leh oo looga shakiyey corona ayaa la karantiiley, Sheybaarka ayaan wali diyaar aheyn gudaha Puntland.

04/04/2020

Qaarkamid Howl'wadeenada Puntland TV ayaa Bulshada la wadaagay Wacyigalin ku aadan Xanuunka COVID 19.

Maxamed Xaliye.
Ummalkhayr Cabdiwali
Axmed Gorod
Maxamed Rasaas

Jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa soo bandhigtay jeermis-dile lagu fara-dhaqankaro, kaasi oo ay Sameeyeen Ardayda Iyo Khubu...
04/04/2020

Jaamacadda PSU ee Garoowe ayaa soo bandhigtay jeermis-dile lagu fara-dhaqankaro, kaasi oo ay Sameeyeen Ardayda Iyo Khuburada Jaamacadda PSU,waxaana ay sheegeen in ay ugu talagaleen ka hortaga .

Madaxweynaha Puntland Oo isku bedelay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.Madaxweynaha D...
04/04/2020

Madaxweynaha Puntland Oo isku bedelay Taliyeyaasha Qaybaha Booliska ee Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid a Abdullaahi Deni ayaa soo saara, Xeer Madaxweyne Lr. 25 April 4, 2020, kuna saabsan isku bedel Taliyeyaasha Qaybaha Booliska Gobolada Nugaal, Karkaar iyo Mudug.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Qayabaha Booliska ee Gobolada Puntland.

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo-aragnimadooda Ciidanimo.


Wuxuu xeeriyey:


1. Waxaa G/sare Muumin Cabdi Shire loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Mudug.

2. Waxaa G/sare Cabdiqaadir Jamac Dirir loo bedelay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

31/03/2020

Daawo Warbixin ka hadlaysa Xaalada Dhabta ee Isbitaalka Guud ee Garowe

Fadlan Like iyo Fallow dhe Wakaalada Hubaal

Badqabka Bulshada ee ku aadan Caronavirus oo Garowe Shaaha loo iibsanayo Hab casri ah
30/03/2020

Badqabka Bulshada ee ku aadan Caronavirus oo Garowe Shaaha loo iibsanayo Hab casri ah

Xogaha maanta ee coronavirus:Adduunka oo dhan, waxaa cudurku saamayey dad tiradoodu ka badan tahay 718,000 oo qof, 149,0...
30/03/2020

Xogaha maanta ee coronavirus:

Adduunka oo dhan, waxaa cudurku saamayey dad tiradoodu ka badan tahay 718,000 oo qof, 149,000 qof ayaa ka boogsoodey halka 33,000 qof ay cudurka ugu dhinteen Adduunka oo dhan.

Shirkii IGAD ayaa maanta u qabsoomay hab Online ah, cabsida coronavirus awgeed. Xak**aynta faafidda cudurka ee gobolka a...
30/03/2020

Shirkii IGAD ayaa maanta u qabsoomay hab Online ah, cabsida coronavirus awgeed. Xak**aynta faafidda cudurka ee gobolka ayaa looga hadlay.

30/03/2020

Garowe Aas Qaran oo loo sameeyey AUN Marxuum Cabdisalaan Gujir oo u geeryoodey Qarax Ismiidaamin ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii...
30/03/2020

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka qeybgalay, Aas Qaran oo loo sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Nugaal AHUN Marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir).

Ka qeybgalka Aaska Qaran waxaa Madaxweynaha ku weheliyey Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawil, Guddoomiye Ku-Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Xildhibaano ka tirsan Labada Aqal ee Soomaaliya oo uu ka midyahay Madaxweynihii h**e ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Faroole, Madaxweynihii h**e ee Puntland Abdiweli Maxamed Cali Gaas, Xubnaha Goleyaasha Dowladda Puntland, Maamulka Degmada, Saraakiisha Laamaha Amniga, Hogaanka Dhaqanka iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Aaska kula kulmay Xubno ka mid ah Qoyskii AHUN Guddoomiye Cabdisalaan Gujir, Kuwaasi oo uu si gaar ah ugu tacsiyeeyay.

Guddoomiyii gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qaraxii fiidk...
29/03/2020

Guddoomiyii gobolka Nugaal marxuum Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir) ayaa u geeriyoodey dhaawac kasoo gaarey qaraxii fiidkii caawa lagula eegtay Magaalada Garoowe.

Alle ha u naxariisto, hoygiisana jannada ka dhigo.

Waa 101 jir u dhashay dalka Isbeyn, waxa uu ka soo badbaaday safmarkii hargabkii isbeyn ee dillaacay intii u dhaxaysay 1...
29/03/2020

Waa 101 jir u dhashay dalka Isbeyn, waxa uu ka soo badbaaday safmarkii hargabkii isbeyn ee dillaacay intii u dhaxaysay 1918-1920, kaas oo dilay 150 Milyan oo qof xilligii uu dhashay odaygan nasiibka badan.

Sidoo kale waxa uu ka qeyb galay dagaalkii labaad ee adduunka wuuna ka badbaaday. Maantana waxa uu ka bogsaday cudurka Koroona oo ku haleelay magaalada Rimini ee dalka Taliyaaniga.

Waxaa Garowe ku geeryoodey wax yar ka hor Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Cali kaas oo u karatiinla cudurka Corona Virus...
28/03/2020

Waxaa Garowe ku geeryoodey wax yar ka hor Nin magaciisa lagu soo gaabiyey Cali kaas oo u karatiinla cudurka Corona Virus.

Mid kamid ah Dhakhaatiirta Isbitaalka Garowe oo aan khadka Taleefoonka kula xiriirey ayaa ixaqiijiyey geerida ninkan.

Waxa uu sheegay in 80% ay aaminsan yihiin ninkan uu udhintey Xanuunka Covid 19,waxaana u raacshay hadalkiisa in dhamaan Calamaadaha Covid 19 uu lahaa ninkan sida Qufac Joogta,Qandho saa'id ah iyo waliba Oofwareen ama Neef Yarre.

Saraakiisha Caafimaadka ayaa Hubaal u sheegay in ay qaadeen dheecanada Maydka ayna si rasmi ah u xaqiijin doonaan in ninkaan uu udhintey Corona iyo inkale.

Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa Adeegyo Caafimaad oo deeq ah ku wareejiyey Maamulka Gobolka Mudug,Deeqdan oo ah mi...
28/03/2020

Ciidamada Amniga Puntland ee PSF ayaa Adeegyo Caafimaad oo deeq ah ku wareejiyey Maamulka Gobolka Mudug,Deeqdan oo ah mid loogu talagalay Shaqaalaha ku howlan ka hortaga Cudurka Covid 19.

Sargaal u hadlay PSF ayaa sheegay in ay gudanayaan Waajibaadkooda qaran islamarkaana ay isku wadayaan Daryeelka dadka iyo sugida Amniga dadka.

Gargaarkii caafimaad ee maal-qabeen Jack Ma ugu deeqay Soomaaliya oo maanta intey qayb ahaan u heleen loo kala diray Pun...
27/03/2020

Gargaarkii caafimaad ee maal-qabeen Jack Ma ugu deeqay Soomaaliya oo maanta intey qayb ahaan u heleen loo kala diray Puntland iyo Somaliland.

Wasaaradda caafimaadka DFS ayaa sheegtay iney dalka u qaybisay qalabkan oo loo adeegsanayo ka hortagga coronavirus.

Raysal-wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la xaqiijiyey in laga helay cudurka coronavirus. BBC
27/03/2020

Raysal-wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa la xaqiijiyey in laga helay cudurka coronavirus.

BBC

Address

Garowe Meeraysane Road
Garowe

Telephone

+252907755161

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Timirre Anchor posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share