Dhugaal Media

Dhugaal Media Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Dhugaal Media, Media/News Company, Garowe.

Dhugaal Media/Channel Waa war baahain Madax Banaan aadna kala socon doontaan Warar ,Barnaamijyo iyo Warbixino Xaqiiqada dalkeena taabanaya waxaana intaasi kuu sii dheer Soo bandhigista Bilicda iyo qurux da dalkeena.

17/11/2023

REWTRETR

12/09/2023

5436436436

Nairobi: Wasiirada Qorshaynta, Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaq...
03/09/2023

Nairobi: Wasiirada Qorshaynta, Maaliyadda iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtoyada ee Dowladda Puntland oo maal mahaan hawlo shaqo u joogay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa halkaas kulamo gaar gaar ah kula yeeshay Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka iyo hay'ado ka hawl gala Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Puntland.

Waftiga oo ka kooban Wasiirka Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Mudane Mohamed Said Faroole, wasiiru Dowlaha Madaxtoyada Mudane Cabdifitaax Cabdinuur iyo Wasiirka Maaliyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa shirar la qaatay: Safiirada Sweden, Denmark, kuxigeenka Safiirka Jarmalka, masuuliyiin ka socda barnaamijyada horumarinta, xasilinta iyo arrimaha bini'aadanimada ee Denmark, Norway, Jarmalka iyo FCDO UK sidoo kale masuuliyiin ka socota mashruuca RCRF ee Bangiga Adduunka iyo hay'adda GIZ.

Shirarka ayaa diiradda lagu saaray
1. Arrimaha bini'adantinimo iyo xasilinta Gobolka Sool
2. Mashaariicda horumarinta, gaar ahaan JPLG, mashaariicda adeegyada aasaasiga ah (caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo adeegga cadaaladda iyo amniga), doorashada hal cod iyo hal qof ee Puntland, casriyeynta hannaanka Maaliyadda iyo kastamyada Puntland, Mashruuca horumarinta Booliska ee JPP iyo guud ahaan horumainta dhaqaalaha.
3. Arrimaha Federaalka iyo barnaamijka Deyn cafiska Soomaaliya.

Shirarka ayaa ku soo dhammaaday guul.

Gaalkacyo :Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Galabta ...
01/09/2023

Gaalkacyo :Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Galabta si rasmi ah u furay tartanka Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland oo sanadka lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa ku boggaadiyey shacabweynaha Gobolka Mudug garab istaaga ay u muujiyaan mar walbo Dowladnimada iyo horumarka, isagoo xusay Sidii weyneyd ee ay ugu istaageen dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka qof iyo cod ee Puntland ka dhacay.

Wuxuu u rajeeyay in koobku uu si wanaagsan ku dhammaado ayna Puntland ku jirto todobaadyo Guul iyo taariikh huwan sida guushii laga gaaray Gobolka Sool.

Tartanka Kubadda Cagta ee Gobolada Puntland ayaa lagu furay Galabta Gobolada Mudug iyo Raascaseyr, Iyadoo Guushu ay raacday Gobolka Mudug oo (3-1) kaga badiyey Gobolka Raascaseyr .

Puntland ayaa muhiimad gaar ah siisay Arrimaha dhallinyarada sida , Dhismaha Garoomada cagaaran iyo qabashada taramada Ciyaaraha , waxaa intaasi dheer in puntland hirgelisay Doorashooyinka hal qof iyo hal cod, oo dadka ugu badan ee kusoo baxay iyo Kuwa codeeyayba ay ahaayeen dhallinyarada oo helay fursad siyaasadeed oo furan.

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hog...
01/09/2023

Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyey magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxaa afaafka h**e ee magaalada kusoo dhoweeyey Maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, Taliyaha Booliiska Puntland, Taliyaha Qaybta Mudug, Saraakiil, Shacabka qaybihiisa kala duwan iyo masuuliyiin kale. Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey masuuliyiinta iyo shacabka soo dhoweeyey.

31/08/2023

Daawo:Gaalkacyo waxaa ka billowday dib u dayactirka laamiga bartamaha magaalada intaa isku xirta Isbitaalka guud iyo Cagaarwayne.

Shirkada Dhismaha wadaniga ah ee Kebarco ayaa fulinaysa Dhismaha wadadaani.

Daawo Sawirada:Shirkada Wadaniga ah ee Kebarco ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ka bilowday Dhismaha wa...
31/08/2023

Daawo Sawirada:Shirkada Wadaniga ah ee Kebarco ayaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug ka bilowday Dhismaha wado Laami ah ee isku xiraysa Isbitaalka Guud ee Gaalkacyo iyo Cagaarwayne oo dib u dhis lagu saamaynayo.

Shirkada kebarco ayaa sanooyinkii danbe deegaanada Puntland ka dhistay Wadooyin laami ah oo rayadoodu sarayso Bulshadana kala qayb qaadatay dhismahooda.

31/08/2023

Daawo:Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle

"Dowladda Puntland waxa ay joojisay
Nidaamka Furdooyinka Somalia ee loo yaqaan (SOMSAT) waxaana loo guuray mid u gaar ah Dowladda Puntland loona yaqaan (PUNTCAS).

Dhugaal Media News Desk.

Daawo Sawirada:Waxaa Magaalda Gaalkacayo Lagu Soo Dhoweeeyey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xiriirka ...
31/08/2023

Daawo Sawirada:Waxaa Magaalda Gaalkacayo Lagu Soo Dhoweeeyey Wafti uu hogaaminayo Gudoomiye kuxigeenka 2aad ee Xiriirka kubadda Cagta Soomaaliya Cabdirashiid Cabdulle Mohamed

Guddoomiyaha Xiirirka Kubadda Cagta Puntland oo ay weheliyaan Madaxda Xirirka Kubbada Cagta Puntland iyo Masuuliyin Ka Tirsan Bahda Ciyaaraha Gobalka Mudug ayaa Soo Dhoweyey Gudoomiyaha oo u yimi ka qaybgalka Furitaanka Tartanka Kubadda Cagta ee Gobalada Puntland.

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO- Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jamac Jowle oo hawlo sha...
31/08/2023

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO- Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jamac Jowle oo hawlo shaqo Boosaaso u jooga ayaa maanta koormeer shaqo ku tagey Xarumaha dakhliga Wasaaradda Maaliyadda ee gobolka Bari.

Xarumaha Agaasimahu booqday waxaa ka mid ahaa Cashuuraha berigga, Miisaaniyadda xisaabadka, hantidhowrka gudaha, iyo Laanta Bangiga ee gobolka Bari.

Agaasime Axmed Jamaca Jowle waxaa xarunta ku soo dhaweyey Maamulaha Cashuuraha beriga Gobolka Bari Yuusuf Guray waxana uu booqday xafisyada kala duwan ee xarunta oo ay ka soctay shaqo maalmedkeda Wasaaradda.

Dhic kale Agaasimaha ayaa booqday Xarunta La'anta Bangiga gobolka Bari ee Bosaso waxana u halkaasi kula kulamay Maamulaha Bangiga laanta Bossaso iyo Xisaabiyaha gobalka waxana ay ka wada hadleen shaqooyinka socda.

Kormeerkan shaqo ee Agaasimaha waxaa ku weheliyey Agaasimaha cashuuraha beriga Puntland, sharciyaqaanka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas'uuliyiin kale, booqashadana waxa ay qayb ka tahay dar-dar gelinta dakhliga Dawladda Puntland.

Dhugaal Media News Desk.

Fariin ka timid  Musharax Madaxwayne ee Puntland Mudane Aadam Shiikh-Doon Cali.Aqoon yahan Dr Aadan Shiikh Doon Cali oo ...
31/08/2023

Fariin ka timid Musharax Madaxwayne ee Puntland Mudane Aadam Shiikh-Doon Cali.

Aqoon yahan Dr Aadan Shiikh Doon Cali oo U Sharaxan Madaxwaynaha Puntland ee Doorashada inagu Saa aadan ayaa Shaaciyay Aragtida iyo Hiigsigiisa Puntland ta uu Hogaankeeda Doonayo wuxuuna Qoray Sidan:

"Puntland-ta Maanta mid :

ka Dhaqaale Kobocsan
Ka Waxbarasho tayeysan
ka Caafimaad wanaagsan
ka Amni badan.

".

Daawo Quruxda:Deegaano ka mid ah Gobalka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobaleedka Jubba land.
31/08/2023

Daawo Quruxda:Deegaano ka mid ah Gobalka Jubbada Hoose ee Dowlad Gobaleedka Jubba land.

Daawo Sawirada:Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane C/qaadir Aw cali Firdhiye oo ay weheliyaan Isimada Dhaqanka Gar...
30/08/2023

Daawo Sawirada:Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane C/qaadir Aw cali Firdhiye oo ay weheliyaan Isimada Dhaqanka Garaad Mukhtaar Garaad Cali iyo Garaad Cabdisalaam Xassan Maxamed iyo Masuuliyiinta kale ee Maamulka ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland Avv. Said A. Mumin Siciid iyo Saraakiil ka tirsan Xafiiska Xuquuqul Aadanaha Puntland.

Hogaamiyaha ayaaa warbixin ka siiyey mas’uuliyiinta Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadana Puntland xaaladda guud ee Xuquuqda Aadanaha maamulka SSC-Khaatumo iyo maxaabiistii laga qabtay ciidanka maamulka Somaliland.

Sidoo kale, kulanka waxaa diiradda lagu saaray u qareemidda dadka nugul ka ah ee colaaduhu saameyeen iyo dhismaha Xafiiska Xuuququl Aadanaha SSS-Khaatumo si looga hortaggo falal ka iyo xadgudubyada ka dhan ka ah Xuquuqda Aadanaha.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha XDXAP ayaa uga mahadceliyey maamulka SSC-Khaatumo sida bani’aadantinimada leh ee ay ula dhaqmeen maxaabiista, wuxuuna sidoo kale ku booriyay dhawrista xuquuqda maxaabiista xiran iyo kuwa dhaawaca ah.

Madaxwaynihii H**e ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo:"Dagaalka Ciidamadda Qalabka sida iyagoo kaashanaya ...
30/08/2023

Madaxwaynihii H**e ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo:"Dagaalka Ciidamadda Qalabka sida iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay kula jiraan kooxaha argagixisada dhiig-miiratada ah ee Alshabaab, waa waajib qaran oo ay tahay in aynu ka wada qeyb-qaadanno dhamaanteen maadama uu taabanayo qarannimadeenna iyo jiritaankeenna ummadeed.

Howl-galadda dalkeenna looga xoreynayo argagixisada inoo diiddan nolasha, amniga iyo horumarka waa qorshe qaran oo soo socday dhowr iyo tobonkii sano ee u danbaysay, waxaana waajib ah in la garab istaago ciidanka xoogga, si aan u xaqiijinno dalkeenna oo xor ka ah argagixisada.

Waxaan ugu baaqayaa muwaadin kasta oo Soomaaliyeed in uu garab istaago halganka xoreynta dalka kana qeybqaato dhiiri-galinta iyo kor u qaadista moraalka geesiyaasha qaranka, maadaama isku duubnida ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay fure u tahay guulaha dagaalka lagula jiro argagixisada.

Alle ha u naxariisto halyeeyada naftooda u h**ey in dalkeenna ay ka xoreeyaan argagixisada, halyeeyada kale ee dhaawacyadu ka soo gaareenna waxaan Allaah uga baryayaa caafimaad iyo kabasho degdeg ah."

DAAWO SAWIRADA:BOOSAASO-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle oo uu wehel...
30/08/2023

DAAWO SAWIRADA:BOOSAASO-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle oo uu weheliyo agaasime Guud Ku Xigeenka Dakhliga Mudane Cabdulqaadir Axmed Xaashi ayaa kormeer shaqo ku tagey Kastamka Wasaaradda Maaliyaddu ku ledahay dekadda Boosaaso.

Kormeerka Agaasimayaasha waxaa ku weheliyey Maamulaha furadda Bossaso, Kusimaha Agaasimaha Furdooyinka, Garyaqaanka Wasaaradda Maaliyadda iyo mas'uuliyiin kale.

Agaasimaha ayaa booqday xafiisyada Wasaaradda ee ay ka socdaan Cashuurista badeecadaha ay wadaan Doonyaha iyo Maraakiibta ku xiran Dekeda waxana uu shaqaalaha kula dar-daarmay dar-dar gelinta dakhliga, agaasimaha ayaa sidoo kale la kulmay taliyaha iyo saraakiisha ciidanka dekeda Bossaso ugana mahad celiyey shaqada ay bulshada uhayaan ee amniga.

Axmed Jaamac Jawle Agaasimaha Guud iyo mas'uuliyiinta kale ee Wasaaradda
ayaa booqday halka ay ka socoto shaqooyinka balaarinta dekadda Bosasso.

DAAWO SAWIRADA:XAFLADDA DAAH-FURKA FARIISINTA GOLAYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA PUNTLAND EE LA SOO DOORTAY.Badhan:Guddoom...
30/08/2023

DAAWO SAWIRADA:XAFLADDA DAAH-FURKA FARIISINTA GOLAYAASHA DEEGAANKA DEGMOOYINKA PUNTLAND EE LA SOO DOORTAY.

Badhan:Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag ka daahfurey fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland ee lagu soo doortay nidaamka dimoqraadiyadda Puntland

Madasha daahfurka Fariisinta Goleyaasha Deegaanka Puntland waxaa Goob-joog ahaa Guddomiyaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Cawl, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa, xubno ka mid ah Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Golaha xukuumadda, Maamulka Gobolka,

Waa tillaabo h**ey loogu qaaday dhammeystirka hannaanka doorashadii hal cod iyo hal qof ee qabsoontay 25kii May 2023 kana dhacday 30 Degmo oo ka mid ah Degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland Mudane Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa u hambalyeeyey dhammaan xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Badhan ee la doortay, wuxuuna si gaar ah ugu hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub Cawad Cali Xiirey iyo Guddoomiye Kuxigeenka Xaawo Cabdulqaadir Axmed waxay u rajeynaysaa in Alle u fududeeyo shaqooyinka dowliga ah ee horyaala.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Puntland waxay u mahadcelinayaa cidkasta oo ka qayb qaadatay qabsoomidda doorashooyinka hal cod iyo hal Qof, sida ururada Siyaasada, Guddigii kumeel gaarka ahaa ee doorashooyinka Puntland (TPEC), daneeyayaasha arrimaha doorashooyinka, bahda Warbaahinta, ciidamada amniga, ururada bulshada iyo guud ahaan shacabka reer Puntland.

Daawo Sawirada:Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray W...
30/08/2023

Daawo Sawirada:Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xariga ka jaray Wajiga 1-aad Dhismaha Wadooyinka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

29/08/2023

Daawo:Dhaantadii Gooja Cade.

Puntland Security Force  Oo war ka soo saartay isa soo dhiibida Horjoogihii Argagaxisada ee Gobalka Mudug.
29/08/2023

Puntland Security Force Oo war ka soo saartay isa soo dhiibida Horjoogihii Argagaxisada ee Gobalka Mudug.

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO:Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa hawlo ...
29/08/2023

DAAWO SAWIRADA BOOSAASO:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland Mudane Axmed Jaamac Jawle ayaa hawlo shaqo maanta u gaaray magaalada Boosaaso waxaana ay halkaasi ay ku kulmeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil oo horay Boosaaso ugu sugnaa.

Agaasimaha guud safarkan waxaa ku weheliyey Saraakiil kale oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda waxaana uu halkaasi kula kulmay Maamulka kastamka kantaroolka Boosaaso oo uga warbixiyay shaqooyinka dalkhiga.

Wasiirka iyo agaasimaha ayaa bogaadiyey shaqooyinka ay hayaan shaqaalaha Wasaaraddu waxana ay ku dhiiri geliyeen in ay muujiyaan dadaal intaas ka sii badan oo dakhliga kor loogu qaadaayo.

Abwaan Cabdilaahi Maxamed Jibriil "Haddii baastoolad nalagu soorido waxaa balan nagu ah inaan qabsano Caynaba, Oog iyo B...
28/08/2023

Abwaan Cabdilaahi Maxamed Jibriil "Haddii baastoolad nalagu soorido waxaa balan nagu ah inaan qabsano Caynaba, Oog iyo Burco,"

Dhugaal Media News Desk.

Daawo Sawirada:Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa laga furay meharad cusub oo layiraahdo Beerta Xoriyada waxay...
27/08/2023

Daawo Sawirada:Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaa laga furay meharad cusub oo layiraahdo Beerta Xoriyada waxay ku taal duleedka waqooyi ee magaalada waxaan ka helaysaan adeegyo kala duwan.

Waana Xarun aad ka helayso jawi qurxoon oo durbadiiba Nafta qancinaya ayna weheliyaan adeegyo cunto iyo Cabitaan oo dhammaystiran.

27/08/2023

DAAWO: QAABKA FUDUUD EE LOO ISTICMAALO APP-KA MYCASH SUBSCRIBER OO AH ADEEG KUU FUDUDAYNAYA INAAD LACAGTAADA UGU ADEEGATO SIYAABO KALA DUWAN.




Dhugaal Media News Desk.

26/08/2023

Daawo:Shir jaraaid oo maanta Garoowe ku qabtay Xildhibaan Maxamed Axmed Xaraf oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland uuna kaga hadlay guulaha Ballaaran ee ay Gaareen Ciidamada halganka xoreynta SSC Hambalyo iyo Bogaadin wada jirana u diray Guud ahaanba Ciidamada iyo Hogaanka SSC.

Xildhibaan Xaraf ayaa Sidoo kale Baaq Cod dheer ah u diray Beesha Caalamka uguna Baaqay in Bulshada Gobalka Sool ee dhibta Xoogani Soogaartay lala soo Gaaro Gurmad Dhinacyo Badan leh.

Ugu dambeynyii Xildhibaan Maxamed Axmed Xaraf oo hadalkiisa Hadalkiisa sii wata ayaa Shacabka Gobolada Waqooyi ugu Baaqay inay iska dulqaadan Hogaanka Maamul ee Rajiimka Muuse Biixi Madaxwaynaha Maamulka Somaliland.

Hasan Shire Abgaal Wasiir kii H**e ee Maaliyada Puntland"Puntland waxaa aay wajahaysaa xaalad hubanti la’aan ah oo isa s...
24/08/2023

Hasan Shire Abgaal Wasiir kii H**e ee Maaliyada Puntland"Puntland waxaa aay wajahaysaa xaalad hubanti la’aan ah oo isa saaran".

Waxaa nasiib darro aad u weyn ah in Ganacsigii waddanka uu qarka u saaran yahay in uu wada xirmo, iyada oo shirkadaha qaar ee ku yaala xarunta ganacsiga Dowladda Puntland ee Boosaaso ay u xiranyhiin hanjaabaadyo uga imaanaya Ururada Argagixisada ah.

Waxaa meesh ka baxay Dowladdii canshuurta qaadaysay iyo Laamhii Amniga ee loo xil saaray Ilaalita nafta iyo maalka Shacabka Puntland, taas oo ay sabateeda leedahay Xukuumadda wakhtigu ka sii dhammaanayo oo gabtay in ay bixiso mushaaraadka Ciidanka.

Puntland waxaa aay wajahaysaa xaalad hubanti la’aan ah oo isa saaran, Amnigii oo maraya meel khatar ah oo noloshii dadka iyo ganacsigii oo qiil qiil galay iyo Ciidankii iyo Shaqaalhii oo aan in muddo ah wax xuquuq ah aan qaadan.

Ugu dambayn waxaan ugu baaqayaa Shacabka Reer Puntland, Isimada Dhaqanka iyo Siyaasiinta Reer Puntland in muddada 4 bil ah ee Xukuumaddan u hartay aan dalka lagu fiirsan karin oo uu dalku nooga baahany yahay samata bixin deg-deg ah, iyada oo aan u jeedno daruufaha aadka u adag ee Amni, dhaqaalo xumo iyo hubanti la’aan ee uu wajahayo Dalku.

Daawo Sawirada:Xalfada Caleemasaarka Nabadoonka beesha Jaamac Muuse Bah-leelkase ee Beel waynta Ahmed Khayr Ciise Maxamu...
24/08/2023

Daawo Sawirada:Xalfada Caleemasaarka Nabadoonka beesha Jaamac Muuse Bah-leelkase ee Beel waynta Ahmed Khayr Ciise Maxamud.

Daawo Sawirada Qardho:- Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax oo qardho ka dhagax dhi...
22/08/2023

Daawo Sawirada Qardho:- Agaasimaha Guud ee wasaarada Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cali Faarax oo qardho ka dhagax dhigay Xarunta Xalka Waara ee qardho.

Daawo Sawirada Qardho:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland Mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa dhagax-dhigay xarunta xalka waara ee Degmada Qardho (Durable Solution Site in Qardho).

Dhagax-dhigga xarunta xalka waara ee Degmada qardho ayaa waxaa qayb ka ahaa Guddomiyaha Degmada Qardho Mudane Cabdiqaadir Siciid Cabdiraxmaan (Qaal) iyo ku xigeenkiisa, Madaxa ugu sareeya Soomaaliya Mr Magatte Guisse iyo wafti uu hoggaaminayo, Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Karkaar, iyo Xildhibaanno Golaha deegaanka Degmada Qardho iyo marti sharaf kale.

Xarunta ayaa wax weyn k tari doonta nolasha barakacayaasha, qaxootiga iyo magangelyodoonka ku nool magaalada Qardho, waxaana ka caawinaysa Degmada Qardho Hay'adda UNHCR, waxaa ka go'an Wasaaradda Arrimaha Gudaha DPL in dhammaan dadka nugul ee ku nool deegaanada Puntland ay u guuraan barnaamijka xalka waara ayna gaaraan isku filnaansho dhankasta ah.

Ogaysiis:Jaamacadda Boosaaso-Garoowe waxay ogaysiinaysaa ardayda danaynaysa ku biiridda Jaamacadaha sannad jaamacadeedka...
22/08/2023

Ogaysiis:Jaamacadda Boosaaso-Garoowe waxay ogaysiinaysaa ardayda danaynaysa ku biiridda Jaamacadaha sannad jaamacadeedka 2023-2024 in aqbalaadda ardaydu furantahay laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 22-08-2024. Kulliyadaha iyo waaxaha Jaamacaddu bixiso ka dheeho Jaantuska hoose.

Wixii faahfaahin ah kala xiriir lanbarka jaantuska hoos Kaga xusan.

22/08/2023

DAAWO: SUUQGEYNTA ADEEGGA CASRIGA AH EE MYCASH OO SI HANSAMI LRH UGA SOCDA MAGAALADA GAROWE MAALINTII 2aad.

GANACSATADA MEHERADAHA,SUUQYADA ADEEGA IYO SHIRKADAHA GANACSI AYAA SOO DHAQEEYAY ISTICMAALKA IYO HIRGALKA ADEEGA MY CASH EE SHIRKADA AMTEL.



Dhugaal Media News Desk.

22/08/2023

Daawo:Ganacsade Jaamac Salaad (dhagadheere) waa ku mahadsan yahay sida uu xaliyey dhalinyaradii tabashada qabtay ee shalay xirtay wadada Libaaxa .

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhugaal Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share