Caseyrland State House

Caseyrland State House Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Caseyrland State House, Media/News Company, Garowe.
(3)

WAR-SAXAAFADEED.Dawladda Caseyrland waxa ay ka xun tahay dhibaatada Maamulka Somaliland ka wado Gobolka Sool.Dawladdu wa...
27/01/2023

WAR-SAXAAFADEED.

Dawladda Caseyrland waxa ay ka xun tahay dhibaatada Maamulka Somaliland ka wado Gobolka Sool.

Dawladdu waxa ay si adag u cambaareynaysa falalkaas guracan ee joogtada noqday oo maalinkasta lagu xasuuqayo haldoorka iyo waxgaradka bulsho-weynta reer sool.

Dawladda Caseyrland waxa ay u aqoonsan tahay Goboladda Sool, Sanaag iyo Degmada Buuhoodle in yihiin Khaatumo, bulshadda deegaankasna aanan marnaba lagu khasbi karin maamul aysan taladiisa iyo dhismihiisa waxba ku lahayn.

Dawladda iyo shacabka reer Caseyrland waxa ay taageero dhan walba ah la garab taagan yihiin walaalahood reer Khaatumo.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA DAWLADDA CASEYRLAND.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA AHNA AFHAYEENKA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, Agoosto, 9 ...
09/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA AHNA AFHAYEENKA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto, 9 , 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 99 Ku magacaabay Cabdimaalik Bulshaale Cartan in uu noqdo Agaasimaha Warfaafinta ahna Afhayeenka Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa faray agaasimaha cusub in uu dardargeliyo shaqadiisa, Lana yimaado qorsheyaal cad-cad oo kor loogu qaadayo Shaqooyinka socda.

DHAMMAAD.

ALLAA MAHADLEH.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO DIB-HESHISIINTA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluul...
09/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA FEDERAALKA IYO DIB-HESHISIINTA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto,9, 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Cabdinaasir Yaassiin Haybe in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-Uheshisiinta ee Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa wasiir cusub u rajeeyey in alle u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo, isagoo kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo ad-adeyg shaqo.

Madaxweynaha ayaa faray in Wasaaradda Maaliyaddu fasaxdo Qoondo lacageed oo dhan $3.6 Milyan Dollar si loo dardargeliyo hawlaha baaxadda leh ee horyaala Wasaaradda.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA GUDAHA EE DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, Agoosto,9, 2022: Madaxwenah...
09/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA GUDAHA EE DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto,9, 2022: Madaxwenaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Cawil saalim Maxamed in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa wasiir cusub u rajeeyey in alle u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo, isagoo kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo ad-adeyg shaqo.

Madaxweynaha ayaa Amray in Wasaaradda Maaliyaddu fasaxdo Qoondo lacageed oo dhan $2.3 Milyan Dollar si loo dardargeliyo dhismaha Ciidamadda iyo tayeyntoodaba.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland ee soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH EE DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, Agoo...
08/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA QORSHEYNTA IYO XIRIIRKA CAALAMIGA AH EE DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto, 8, 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 37 ee 8 Agoosto ku Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dawladda Caseyrland.

Magacaabid.

1. Waxaa Maxamed Cabdullahi Jaamac (Sitte) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dawladda Caseyrland.

2. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu buriyey magacaabis kasta oo ka h**eysay middan.

Xeerkan wuxu dhaqan geleya markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMAAD.
ALLAA MAHADLEH.

Caawa waxaa lasii deyn doonnaa Liiska wasiiradda aanan weli la magacaabin.1. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamig...
08/08/2022

Caawa waxaa lasii deyn doonnaa Liiska wasiiradda aanan weli la magacaabin.

1. Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga ah Dawladda Caseyrland.

2. Wasaaradda Amniga Gudaha.

3. Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta.

4. Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Dimuqraadiyeynta.

5. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-Uheshisiinta.

6. Wasaaradda Warfaafinta.

7. Wasaaradda Deeggaanka iyo Isbadelka Cimiladda Dawladda Caseyrland.

8. Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dawladda Caseyrland.

9. Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

10. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

10-kaan wasaaradood waxa lagu qaybin doonnaa nidaamka wax-Qaybsiga dadka reer Caseyrland.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CADDAALADDA, DIINTA IYO AWQAAFTA EE DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, Agoosto,...
08/08/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CADDAALADDA, DIINTA IYO AWQAAFTA EE DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto, 8, 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 35 Ku magacaabay Cabdiraxman Maxamud Aaden (Bukhaari) in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Caddaalada, Diinta iyo Awqaafta ee Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Faray Wasiirka cusub in uu la yimaado Qorshe cad oo wax looga qabanayo Arrimaha Garsoorka iyo Caddaalada guud ahaan.

Madaxweynuhu wuxu faraya Wasiirka Maaliyadda in uu degdeg u fasaxo Qoondo lacageed oo dhan 5.7 Milyan oo wax looga qabanayo Arrimaha Caddaalada iyo Tayeynta Garsoorka.

DHAMMAAD

ALLAA MAHADLEH.

08/08/2022

BOOSAS SHAQO OO BANAAN.

Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland waxa ay qaadanaysaa Agaasimayaal, Madax-Qaybeedyo katirsan waaxyaha Madaxtooyadda.

Qofkii daneynaya halkan fariin noogu reeb.

Si daah-furan ayaa loo qaadanaya.

MADAXWEYNE SACAD CALI OO MAGACAABAY WASIIR KUXIGEENKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, Agoosto, 8, 202...
08/08/2022

MADAXWEYNE SACAD CALI OO MAGACAABAY WASIIR KUXIGEENKA WASAARADDA MAALIYADDA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto, 8, 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Marwo Sacdiya Cali Muumin in ay noqoto Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Marwo Sacdiya kula dardaarmay in ay la timaado hufnaan iyo shaqo wanaag dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa markale adkeeyey muhiimadda Wasaaradda Maaliyaddu u leedahay dalka iyo guud ahaan reer Dadyowga reer Caseyrland.

DHAMMAAD

ALLAA MAHADLEH.

MADAXWEYNE SACAD CALI OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADDA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula,...
08/08/2022

MADAXWEYNE SACAD CALI OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA IYO DARYEELKA BULSHADDA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto 8 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne Lr.33 Ku magacaabay Drs Kawther Yusuf Siciid in ay noqoto Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshadda ee Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka u rajeeyey in ay dardargeliso shaqooyinka baaxadda leh ee laga sugayo.

Sidoo kale waxaa la faray Wasaaradda Maaliyadda in ay fasaxdo Qoondada lacageed ee Wasaaradda ugu jirta Miisaaniyadda Dawladda.

DHAMMAAD.

ALLAA MAHADLEH.

PAGE-KAN WAA BEEN ABUUR.Waxkasta oo Page-kan lagu qoro, Masuul k**a aha Dawladda Caseyrland.
08/08/2022

PAGE-KAN WAA BEEN ABUUR.

Waxkasta oo Page-kan lagu qoro, Masuul k**a aha Dawladda Caseyrland.

07/08/2022

MADAXWEYNE SACAD CALI OO MAGACAABAY AGAASIMAHA NABAD SUGIDA IYO SIRDOONKA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, Agoosto 7 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne Lr.32 Ku magacaabay Gen. Cabdikariim Cali Maxamed in uu noqdo Agaasimaha Hay’adda Nabad-Sugida iyo Sirdoonka Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Agaasimaha cusub u rajeeyey in uu dardargeliyo shaqooyinka baaxadda leh ee Hay’adda laga sugayo.

Sidoo kale waxaa la faray Wasaaradda Maaliyadda in ay fasaxdo Qoondada lacageed ee Hay’adda ugu jirta Miisaaniyadda Dawladda.

DHAMMAAD.

ALLAA MAHADLEH.

MADAXWEYNE SACAD OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA MAALIYADDA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula: 6 ...
06/08/2022

MADAXWEYNE SACAD OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA MAALIYADDA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula: 6 Agoosto 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 6 Agoosto ku Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dawladda Caseyrland.

Magacaabid.

1. Waxaa Yaxye Cumar Siciid loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

2. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu buriyey magacaabis kasta oo ka h**eysay middan.

Xeerkan wuxu dhaqan geleya markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMAAD.
ALLAA MAHADLEH.

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA CASEYRLAND AYAA TABABAR USOO XIDHAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA GAARKA AH.Caluula, 5 Agoost...
05/08/2022

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA CASEYRLAND AYAA TABABAR USOO XIDHAY CUTUBYO KA TIRSAN CIIDANKA XOOGGA GAARKA AH.

Caluula, 5 Agoosto 2022: Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Caseyrland ayaa tababar usoo xidhay Cutubyo katirsan Ciidanka Xoogga Gaarka ah ee Caseyrland, kuwaas oo qaatay tababar adag oo muddo soconayey.

Ciidamadda ayaa soo bandhigay awooddooda iyo xirfadaha ay barteen, Munaasabadda waxaa goob joog ahaa masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale oo ka socotay Dawladda Caseyrland.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Dawladda Caseyrland.

05/08/2022

Kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa hadda uga Socda Villa Somalia Madaxweyne Sacad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheikh Maxamud.

Shirka ayaa ah mid lagu lafagurayo Xaaladda guud ee dalka gaar ahaan Arrimaha Caseyrland.

DHAMMAAD.

MADAXWEYNE SACAD OO U AMBABAXAY CAASIMADDA SOOMAALIYA EE MUQDISHO.Jimce, Caluula, 5 April 2022: Madaxweynaha Dawladda Ca...
05/08/2022

MADAXWEYNE SACAD OO U AMBABAXAY CAASIMADDA SOOMAALIYA EE MUQDISHO.

Jimce, Caluula, 5 April 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland Mudane Sacad Cali Siciid iyo Wafdi balaadhan uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Safarka madaxweynaha waxaa ku weheliya Masuuliyiin sar Sare oo katirsan dawladda caseyrland oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaanno.

Madaxweyne Sacad ayaa kulamo la yeelan doonna Madaxda Qaranka isagoo kala hadli doonna arrimo badan oo khuseeya danaha Caseyrland.

DHAMMAAD.

Xafiiska Warfaafinta Iyo Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Caseyrland.

KACAAN CUSUB OO KA CURTAY DHULKA DAWLDDA CASEYRLAND.Ciidamadda Qalabka sida ayaa gabi ahaanba la wareegay awoodda dalka....
28/07/2022

KACAAN CUSUB OO KA CURTAY DHULKA DAWLDDA CASEYRLAND.

Ciidamadda Qalabka sida ayaa gabi ahaanba la wareegay awoodda dalka. Waxaana Xabsiga la dhigay Xubno uu kamid yahay Madaxweynihii taladda laga tuuray iyo Masuuliyiin Sar Sare.

Ciidamadda ayaa soo gaba-gabeeyey hawlgalkoodi badbaadinta Caseyrland.

Masuuliyiin Hawlgalka Hogaaminaysa waxaa kamid ah.

1. Gen. Sacad Cali Siciid
Madaxa Ugu sareeya.

2. Gen. Cabdiladiif Maxamed Cali
Kuxigeenka Hawlgalka

3. Gen. Cabdiraxman Cabdisalaan Timo
Taliyaha Ciidanka Xoogga Gaarka.

4. Cabdirasaaq Nasiib
Madaxa Saadka & Lacagta.

5. Maxamed Yusuf Faarax
Madaxa Caafimaadka

Xubnahaan waa Shanta Gollaha Sare ee ugu sareeya Dawladda Caseyrland.

KACAAN BARAKEYSAN AYAA CURTAY.

ISKU-DAY AFGAMBI AYAA SOCDA CAAWA.Kooxo nabadda iyo daganaanshaha Caseyrland kasoo horjeeda ayaa isku dayaya Afgambi ay ...
27/07/2022

ISKU-DAY AFGAMBI AYAA SOCDA CAAWA.

Kooxo nabadda iyo daganaanshaha Caseyrland kasoo horjeeda ayaa isku dayaya Afgambi ay kusameeyaan Nidaamka dawladnimo ee Caseyrland.

Dhammaan Ciidamadda ayaa la faray in Heeggan Sare galaan, Talaabo adagna ka qaadaan cidkasta oo arrintan qayb ka ah.

26/07/2022

Calanka Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA DEEGAANKA, BEERAHA IYO ISBADELKA CIMILADDA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula: 2...
24/07/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA DEEGAANKA, BEERAHA IYO ISBADELKA CIMILADDA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula: 24 July 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 22 ee 24 July ku Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deeggaanka, Beeraha iyo Isbadelka Cimilada Dawladda Caseyrland.

Magacaabid.

1. Waxaa Cabdikariim Maxamed Cali loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deeggaanka, Beeraha iyo Isbadelka Cimilada ee Dawladda Caseyrland.

Xeerkan wuxu dhaqan geleya markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMAAD.
ALLAA MAHADLEH.

MADAXWEYNAHA OO SAFAR BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY PUNTLAND.Caluula, 24 July 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland i...
24/07/2022

MADAXWEYNAHA OO SAFAR BOOQASHO RASMI AH UGU AMBABAXAY PUNTLAND.

Caluula, 24 July 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland iyo Wafdi balaadhan uu hogaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay Magaaladda Garowe ee Caasimadda Puntland.

Madaxweynaha waxaa Safarka ku wehliya qaar kamid ah Golaha wasiiradda iyo Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa inta uu joogo Puntland kulamo la qaadan doonno Dhigiisa Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni iyo Qaybaha kala duwan ee Xukuumadda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa La kulmi doonno Jaalliyadda Caseyrland ee Ku nool magaaladda Garowe.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

DAWLADDA CASEYRLAND WAXA AY GARAB TAAGAN TAHAY SHACABKA IYO DAWLADDA KHAATUMO.Dawladda Caseyrland waxa ay ka digeysa tal...
23/07/2022

DAWLADDA CASEYRLAND WAXA AY GARAB TAAGAN TAHAY SHACABKA IYO DAWLADDA KHAATUMO.

Dawladda Caseyrland waxa ay ka digeysa talaabo kasta oo lagu kala dhantaalayo Midnimada iyo Wadajirka shacabka sharafta badan ee Reer Khaatumo.

Dawladda Caseyrland waxa ay markasta garab taagan tahay walaahood Reer Khaatumo, waxana ka digeysa faragelin kasta oo lagu sameynayo dhulka iyo Soohdimaha Dawladda Khaatumo.

DHAMMAAD.

MADAXWEYNAHA OO SHAQO KA JOOJIN KU SAMEEYEY WASIIRKA WASAARADDA SHAQADA IYO SHAQAALAHA, DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA DAWL...
23/07/2022

MADAXWEYNAHA OO SHAQO KA JOOJIN KU SAMEEYEY WASIIRKA WASAARADDA SHAQADA IYO SHAQAALAHA, DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, 23 July 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Shaqadii uga joojiyey Mudane Siciid Cabdiraxmaan Jibriil Wasiirkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha, Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, Kadib markii lagu helay Xil gudasho la’aan shaqo.

Wasiirka ayaa si buuxda ugu fashilmay shaqadii iyo masuuliyaddii uu hayey, isagoo doorbiday in uu noqdo Kaligii socod, Goonni goosad ah.

Madaxweynaha ayaa amray Maxk**adda Sare iyo Xeer ilaalinta in ay baaris Rasmi ah ku sameyso, Muddo 48 saac ahna kusoo gabagabeyso.

Xeerkan wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA DAWLADDA CASEYRLAND EE SOOMAALIYEED.

FARIINTA MADAXWEYNAHA DAWLADDA CASEYRLAND EE SOOMAALIYEED.Caluula, 22 July 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa s...
22/07/2022

FARIINTA MADAXWEYNAHA DAWLADDA CASEYRLAND EE SOOMAALIYEED.

Caluula, 22 July 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa shacabka sharafta badan ee reer Caseyrland u diray fariintiisa ku aadan Xaaladda Abaaraha baahsan ee kajira deeggaan oo sameeyey Dad iyo Duunyo-ba.

Madaxweynaha ayaa ganacsata ka codsaday in ay garab istaagan walaalahooda abaartu saameysay, xiligan adagna loo baahan yahay garab istaagooda.

Madaxweynaha ayaa markale laamaha dawladda faray in dhammaantood si buuxda ugu gurmadaan shacabka tabaaleysan ee reer Caseyrland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku deeqay 3 Bilood oo mushaharkiisa Shakhsiga ah.

DHAMMAAD

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Caseyrland.

12/07/2022

Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Caseyrland oo Dalxiis u tagay Baarta Nasashada ee Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland .

MADAXWEYNAHA MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA ABAARAHA CASEYRLAND.Caluula, 12 July 2022: Madaxweynaha Dawladda C...
12/07/2022

MADAXWEYNAHA MAGACAABAY ERGAYGA GAARKA AH EE ARRIMAHA ABAARAHA CASEYRLAND.

Caluula, 12 July 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Ku magacaabay Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Abaaraha Mudane Khadar Axmed Xujaale.

Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda in laga wada shaqeeyo taakuleynta dadka Abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa amray in Qasnada Dhexe ee dawladda laga bixiyo 5Milyan oo Dollar si wax looga qabto arrimaha abaaraha ee hadda taagan.

DHAMAAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DAWLADDA CASEYRLAND EE SOOMAALIYEED.

Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in lagu xad-gudbo Marwada koowaad ee Dawladda Khaa...
01/07/2022

Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa shacabka Soomaaliyeed uga digay in lagu xad-gudbo Marwada koowaad ee Dawladda Khaatumo.

Madaxweynaha shacabka reer Khaatumo ka raalligeliyey hadalada xanafta leh iyo xad-gudubka tooska ah ee loo geystay Marwo Naciima Abwaan Qorane oo ah astaan gaar ah oo dadka reer Khaatumo ilaashadaan.

DHAMAAD.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA DASTUURKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA CASEYRLAND.Caluula, 4 May 2022, Madaxwenah...
04/06/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA DASTUURKA IYO DIMUQRAADIYEYNTA CASEYRLAND.

Caluula, 4 May 2022, Madaxwenaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne ku magacaabay Cabdullahi Maxamud Faarax in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Dimuqraadiyeynta Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa wasiir cusub u rajeeyey in alle u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo, isagoo kula dardaarmay in uu la yimaado hufnaan iyo ad-adeyg shaqo.

Madaxweynaha ayaa Amray in Wasaaraddu fasaxdo Qoondo lacageed oo dhan 5.5 Milyan Dollar oo lagu dhameystirayo hawlaha dastuurka qabyadda ah ee Caseyrland.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA DEGMADA CALUULA.Caluula, 2 June 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer ...
02/06/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDOOMIYAHA DEGMADA CALUULA.

Caluula, 2 June 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 140 Ku magacaabay Cabdishakuur Maxamed Yusuf in uu noqdo Gudoomiyaha Degmada Caluula ee Caasimadda Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha cusub u rajeeyey in alle u fududeeyo shaqadiisa, sidoo kale-na uu la yimaado dedaal dheeri ah oo wax looga qabanayo baahiyaha aas-aasiga ah ee magaalada kajira.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA GAROONKA DIYAARADDAHA MAGAALADDA CAASIMADDA AH CALUULA.Caluula, 2 June 2022: Madax...
02/06/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY MAAREEYAHA GAROONKA DIYAARADDAHA MAGAALADDA CAASIMADDA AH CALUULA.

Caluula, 2 June 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 130 Ku magacaabay Mudane Cabdirasaaq Maxamud Bandurdurshe in uu noqdo Maareeyaha Garoonka Diyaaraddaha Caasimada Caluula.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyey maareeyaha cusub in uu ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo ee horyaala.

Waxaa la faray Maareeyihii h**e in uu degdeg xilka ku wareejiyo, una baneeyo xafiiska si dadka loogu adeego.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir
Xafiiska Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, 31 May 2022: Madaxw...
31/05/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WARFAAFINTA, DHAQANKA IYO DALXIISKA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, 31 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 136 ku magacaabay Sacad Cali Siciid in uu noqdo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Dawladda Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa wasiirka kula dardaarmay in uu muujiyo dhiiranaan iyo hufnaan shaqo, Kuna shaqeeyo siyaasadda Madaxweynaha ee ah Talo wadaag iyo wadatashi.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA HAWEENKA IYO ARRIMAHA QOYSKA DAWLADDA CASEYRLAND.Caluula, 31 May 2022: Ma...
31/05/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA HAWEENKA IYO ARRIMAHA QOYSKA DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, 31 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 134 Ku magacaabay Marwo Najax Maxamed in ay noqoto Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee Dawldda Caseyrland.

Madaxweyne ayaa wasiiradda cusub ku adkeeyey in ay la timaado qorshe cad oo wax looga qabanayo Gudniinka Fircooniga ah si loo helo Haween Caafimaad qaba.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa faray Wasaaradda Maaliyadda in wasiiradda cusub ee Haweenka loo fasaxo lacag dhan 1.5 Milyan taas oo wax looga qabanayo baahiyaha aas-aasiga ah iyo Horumarinta arrimaha qoyska.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland ee Soomaaliyeed.

MADAXWEYNAHA OO AMARO CULUS KASOO SAARAY DIID-MADDA WASIIRKII CAAFIMAADKA EE LA MAGACAABAY.Caluula, 30 May 2022: Madaxwe...
30/05/2022

MADAXWEYNAHA OO AMARO CULUS KASOO SAARAY DIID-MADDA WASIIRKII CAAFIMAADKA EE LA MAGACAABAY.

Caluula, 30 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne ku soo saaray Go’aamadan.

1. Waxaa Xilkii Laga qaaday Wasiirkii Caafimaad Cabdikariim Siciid Cabdiraxman.

2. Waxaa la faray Hay’addaha Amniga in ay baaris rasmi ku sameeyaan Ficilada guracan ee kuu dhaqaaqay wasiirkii la magacaabay.

3. Waxaa Maxk**adda Sare la faray in ay si degdeg ah u furto dhageysiga kiiskan, waana in uu ahaado mid albaabadu u xidhan yihiin.

4. Maareeyaasha Garoomadda diyaaradaha iyo Dekedaha ayaa la faray in uu san dalka ka bixi karin Cabdikariim Siciid Cabdiraxman.

F.G: Madaxweynuhu isagoo Tixgelinaya soo jeedinta Bulshada, Dhowrayana Xuquuqda mawaadinka ayuu amray in xabsi guri la geliyo Wasiirkii h**e ee Caafimaadka, lagana soo saaro Xabsiga dhexe, si loo dhowro Bed qabkiisa.

DHAMMAAD.

30/05/2022

WAR WEYN BAA SOO SOCDA. LA SOCO.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA DAWLADDA CASEYRLAND.Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xee...
30/05/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA CAAFIMAADKA DAWLADDA CASEYRLAND.

Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 123 ku magacaabay Cabdikariim Saciid Cabdiraxman in u noqdo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Caseyrland.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka kula dardaarmay in uu labo jibaaro Shaqada, Lana yimaado aragti cusub oo lagu horumarinayo Caafimaadka aas-aasiga ah.

Sidoo kale Madaxweyne ayaa faray Wasaaradda Maaliyadda in Wasiirka cusub ee Caafimaadka loo fasaxo Qoondo lacageed oo dhan 21 Milyan taas oo laga bixinayo Baanka Dhexe ee Dawladda Caseyrland.

DHAMMAAD.

Wixii Faahfaahin ah kala xiriir.
Xafiiska Agaasinkq Warfaafinta Madaxtooyadda Dawladda Caseyrland.

30/05/2022

MADAXWEYNAHA OO SAXIIXAY MIISAANIYADDA SANADKA 2022 EE DAWLADDA CASEYRLAND.

Caluula, 30 May 2022, Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa caawa saxiixay Miisaaniyadda sanadka 2022 oo dhan 455.8 Milyan ( Afar boqol Konton iyo shan milyan iyo Sideed boqol oo Kun ).

Madaxaeynaha ayaa qiray in dawladdu Horumar balaadhan ka sameysay dhanka dhaqaalaha, ayadoo dib u habeyn lagu sameeyey hanaanka dakhli aruurinta iyo ilaalinta hantida Ummadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xaqiijiyey in sanadkan uu ku suntan yahay Horumar dhan walba ah, waxaa hoos loo dhigi doonnaa shaqo la’aanta baahsan ee haysata dhallinyaradeenna, waxaana dawladdu sameyn doontaa maamul daadejin dhameystiran.

DHAMMAAD.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA GUDDAHA EE DAWLADDA CASEYRLAND.Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ay...
28/05/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA GUDDAHA EE DAWLADDA CASEYRLAND.

Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 110 Ku magacaabay Maxamed Yusuf Farax in uu noqdo Wasiirka Wasaaradda Amniga Guddaha ee Dawladda Caseyrland.

Madaxweyne ayaa Wasiirka cusub u rajeeyey in uu alle u fududeeyo shaqada baaxadda leh ee hortaala, Sidoo kale waxa la xasuusiyey in uu san marin jidkii h**e uu qaaday Wasiirkii isaga ka h**eeyey oo qoondo ahaan isku xisaab yihiin, kaas oo lagu helay Falal ka baxsan Nidaamka dawladnimo.

DHAMMAAD.

MADAXWEYNAHA OO XILKII KA QAADAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA & DDR.Caluula. 28 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland...
28/05/2022

MADAXWEYNAHA OO XILKII KA QAADAY WASIIRKA WASAARADDA AMNIGA & DDR.

Caluula. 28 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland isagoo adeegsanaya awoodihiisa dastuuriga ah, Tixgelinaya baaqyada shacabka ee la xiriira dardargelinta hawlaha sugida amniga, ayuu Xeer Madaxweyne Xilkii kaga qaaday Wasiirkii Wasaaradda Amniga iyo DDR-TA, Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Muumin.

Madaxweynuhu isagoo ka ka warhaya shaqada leexsan ee baalmarsan nidaamka dawladnimo ee wasiirku ku dhaqaaqay in uu Gaadiidleyda u sameysto warqado been abuur ah oo ku fasaxayo Bacda madoow ee (BAARSALKA) taas uu ku qaado lacago xadka bax ah, Maxk**adda Sare ayaa la faray in ay mariso ciqaabta uu mudan yahay, sidoo kale Ciidanka booliiska ayaa la faray in ay qaadaan talaabooyin dheeri ah.

DHAMAAD.

MADAXWEYNAHA OO SHAQO KA JOOJIN KU SAMEEYEY WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDDAHA, FEDERAALKA IYO DIB-UHESHISIINTA.Caluul...
28/05/2022

MADAXWEYNAHA OO SHAQO KA JOOJIN KU SAMEEYEY WASIIRKA WASAARADDA ARRIMAHA GUDDAHA, FEDERAALKA IYO DIB-UHESHISIINTA.

Caluula, 28 May 2022: Madaxweynaha Dawladda Caseyrland ayaa Xeer Madaxweyne Shaqadii uga joojiyey Mudane Cabdullahi Yusuf Musse Wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-Uheshisiinta, Kadib markii lagu helay Musuq maasuq iyo wax isdaba Marin xoolaha Ummadda.

Madaxweynaha ayaa amray Maxk**adda Sare in ay baaris Rasmi ah ku sameysay, mudo asbuuc ahna kusoo gabagabeyso.

Xeerkan wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADDA DAWLADDA CASEYRLAND.

Address

Garowe

Telephone

+252907661387

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caseyrland State House posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Caseyrland State House:

Videos

Share



You may also like