Durraan Haartaaa

Durraan Haartaaa Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Durraan Haartaaa, Media/News Company, Garowe.
(4)

Kusoo dhawaw Durraan Haartaa page
Waa Warbaahin madax banan kana shaqaysa arimha Bulshadda
waxaad ka heli kartaa

xayeysiimaha
wararka
ciyaaraha
iyo dhaqankiyo sugaanta

Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeellez KGS iyo Jubbaland ayaa qoraal ay u direen Beesha Caalamka ku dalbaday in aan...
09/01/2023

Dowlad-goboleedyada Galmudug, Hirshabeellez KGS iyo Jubbaland ayaa qoraal ay u direen Beesha Caalamka ku dalbaday in aan 'Mashaariicda Horumarineed' loo soo marin Dowladda Soomaaliya, idla markaasna loola macaamilo si madax-bannaan, sida ku cad qoraal-wadajir ah oo ay u direen Hey'adda Cuntada iyo Beeraha QM.

Tani waxa ay imanaysaa xilli fiidnimadii ay Puntland sheegtey in ay u dhaqmayso 'si madax-bannaan'.

26/11/2022
26/11/2022
04/05/2022

DEG DEG AH:Axmed Karaash oo Wasiiro magacaabay.
---
XEER KUSIME MADAXWEYNE Lr 98, May 5, 2022
Magacaabid Xubno Golaha Xukuumada Dowladda Puntland

Madaxweyne Ku-xigeenka ahna Kusimaha Madaxweynaha Dawladda Puntland


MARKUU ARKAY: - Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 81-aad.

MARKUU ARKAY: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadoodo shaqo.

MARKUU TIXGLIYEEY: Shaqada Baaxada weyn leh ee Shacabka Puntland Ka sugayaan Xukuumada.

WUXUU XEERIYEY:

MAGACAABID

1. Waxaa Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Dowladda Puntland

2. Waxaa Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland


3. Waxaa C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu saxiixo kusimaha Madaxweynuhu wuuna saxiixay.



Axmed Cilmi Cismaan (A. Karaash)
K/S Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-Xigeenka Dawladda Puntland

Warbaahinta Mudug News Ku Xirnow
04/05/2022

Warbaahinta Mudug News
Ku Xirnow

29/04/2022

MUQDISHO Socdaal Waxaan ka badbaaday shir qool

27/04/2022

Musharrax Aadan Saransoor ayaa tanaasuley.

Waxa isu hadhay:
Xasan Cabdinuur
Aadan Madoobe
Cabdalle Black

Saransoor wuxuu yidhi;"Waxaan idinka codsanayaa in aan dalka badbaadino, isbeddel ayaa loo baahan yahay".

27/04/2022

DEGDEG:Saransoor oo tanaasuley wuxuu yidhi:"Danta waxay ku jirtaa Aadan Madoobe".

Deg-Deg: Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka ayaa sheegay in aysan codayn doonin 17 xildhibaan oo ku sugan h...
27/04/2022

Deg-Deg: Gudoomiyaha kumeel gaarka ah ee golaha shacabka ayaa sheegay in aysan codayn doonin 17 xildhibaan oo ku sugan hoolka ay ka dhacayso doorashada gudoonka golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

WARARKII UGU DAMBEEYAYCodeyntii ayaa ka billaabatay teendhada Afisiyooni. Guddoomiyihii h**e baarlamaanka, Maxamed Mursa...
27/04/2022

WARARKII UGU DAMBEEYAY

Codeyntii ayaa ka billaabatay teendhada Afisiyooni.

Guddoomiyihii h**e baarlamaanka, Maxamed Mursal ayaa si lama filaan ah isaga haray tartanka baarlamaanka. Mursal wuxuu aad ugu dhowaa Mohamed Abdullahi Farmaajo.

Ku simaha hey'adda NISA, Yaasiin Farey ayaa isna loo dhaariyay xildhibaannimo.

Wasaarada deegaanka iyo Isbedelka cimilada dawlada puntland ayaa magaalada Qardho ka Daahfurtay Siyaasada daaqa ee Puntl...
27/04/2022

Wasaarada deegaanka iyo Isbedelka cimilada dawlada puntland ayaa magaalada Qardho ka Daahfurtay Siyaasada daaqa ee Puntland.

Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Liibaan Maxamed Faarax (Xaartaa) ayaa sheegay in Siyaasada Daaqa ay qaybwayn ka qaadan doonto sidii loo Maarayn Dhuldaaaqsimeedka Puntland, wuxuu sidoo kale agaasimaha Qorshayntu sheegey in Siyaasadda Daaqu ay dhiirigelindoonto in Laga Hortago Xaalufka Dhul Daaq Simeedka, Xirmaysiga Sharci Darada ah iyo Jarista Dhirta.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka cimilada DPL Mudane, Mukhtaar Cabdisalaam Suleymaan oo si rasmi ah u daahfueay Siyaasadda Daaqa ayaa Xusay Muhiimada ay Daaqsinta iyo Deegaanka u Leedahay ilaalinta Deegaanka iyo iskuxirka Daneeyayaasha deegaanka.

Doorashada baarlamaanka ayaa goor dhawr la filayaa inay billaabato - iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay ku sii qulqulay...
27/04/2022

Doorashada baarlamaanka ayaa goor dhawr la filayaa inay billaabato - iyadoo mudanayaasha baarlamaanka ay ku sii qulqulayaan teendhada.

Wasiirka Amniga DFS: "Waxa aan shaqo joojin ku sameeyey Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen.Xijaar".
27/04/2022

Wasiirka Amniga DFS: "Waxa aan shaqo joojin ku sameeyey Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed, Gen.Xijaar".

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Xijaar”Ma damaanad qaadi karno Amniga Doorashada beri dhacaysa, waa in dib l...
26/04/2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Xijaar”Ma damaanad qaadi karno Amniga Doorashada beri dhacaysa, waa in dib loo dhigaa”.

Senator Cali Shacbaan Ibraahin ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare, kadib dooras...
26/04/2022

Senator Cali Shacbaan Ibraahin ayaa ku guulaystay Xilka Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare, kadib doorasho lagu celiyay.

Senator Cabdi Xaashi ayaa markii labaad oo xidhiidh ah loo doortay Guddoomiayaha Aqalka Odayaasha Baarlamanka Jamhuuriya...
26/04/2022

Senator Cabdi Xaashi ayaa markii labaad oo xidhiidh ah loo doortay Guddoomiayaha Aqalka Odayaasha Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waa xilka ugu sarreeya ee Somaliland ku leedahay JFS🇸🇴

MADAXWAYNE KU XIGEENKA PUNTLAND Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin ...
25/04/2022

MADAXWAYNE KU XIGEENKA PUNTLAND

Waxaan shacabweynaha Puntland ku bogaadinayaa fahamkooda qotada-dheer ee ay u leeyihiin Dastuurka Puntland. Hadaba, anigoo dhawraya kuna dhaqmaya Dastuurka Dawladda Puntland iyo Qawaaniinta Dalka, waxaan shacabka sharafta badan ee reer Puntland la wadagayaa:

1. In qoraalka ka soo baxay Madaxweynaha Dawladda Puntland uusan waafaqsanayn Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland maadaama uusan Madaxweynuhu hadda ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Dawladda Puntland sida ku cad Qodobka 7-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dowladda Puntland oo dhigan sidan “ Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, Karkaar, Mudug, Heylaan, Sanaag” iyo Gobolka Gardafuu oo lagu ansixiyey lifaaq gaar ah” taas oo lagu soo koobay Dadka Puntland, Dhulka Puntland iyo Sohdimihiisa.

2. Dastuurka Dawladda Puntland wuxuu Dal ku qeexayaa gudaha dhulka iyo sohdimaha Puntland sida ku cad Qodobadiisa kala ah, qodobka 9-aad, farqadiisa 2-aad, qodobka 103-aad, farqadiisa 4-aad, qodobka 105-aad, farqiisa 2-aad xarafka (b). Hadaba, mas’uul kasta oo Puntland ka haya xil dawladeed kuna dhaartay dhaarta dastuuriga ah ee ku cad qodobka 132-aad oo aan ku sugnayn dhulka iyo sohdimaha Dawladda Puntland, sida uu qabo Dastuurku qodobkiisa 7-aad ma dabakhi karo awoodaha iyo mas’uuliyadaha uu Dastuurku farayo maadaama uusan ku sugnayn Dhulka iyo Sohdimaha Puntland.

3. Si la mid ah qodobada kor ku xusan, qodobka 132-aad wuxuu si cad u qeexayaa Dhaarta rasmiga ah ee Masuuliyiinta Dawladda sida Madaxweynaha iyo Madaxweynaha Kuxigeenka lagu dhaariyo, dhaartaas oo ah midda aan la’aanteed masuul xil qaban, gudanna karin, kana dhigan in masuul kasta oo lagu dhaariyo uu ilaaliyo, tixgaliyo isla markaasna ku dhaqmo oo dhawro dhartaas oo u dhigan sidan. “Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, in aan ku dhaqmo Diinta Islaamka, Dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego”.

4. Hadaba, qeexitaanada qodobada dastuuriga ah iyo ku-dhaqanka waajibaadka iyo awoodaha Dastuuriga ah ma aha kuwo sidii la doono loo fasiran karo. Sidaas awgeed, Magacaabistii Ma’suuliyiinta iyo Hawl-wadeenada Shaqaalaha Rayidka ah waxaan u maray nidaam sax ah oo waafaqsan Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland si gaar ah Qodobka 81-aad farqadiisa 1-aad iyo Qodobka 37-aad, farqadiisa 1-aad. Hadaba diidmada uu samayeey Madaxweynaha ka maqan dhulka iyo sohdimaha Puntland ma leh awood sharci waxayna baalmarsantahay Dastuurka iyo Qawaaniinta Dawladda Puntland. Sidaas darteed Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha magacaaban waxay leeyihiin xaquuq sharci oo dastuuri ah.

5. Ugu danbayntii; Waxaan farayaa dhammaan Hay’adaha Dawladda ay khusayso in ay u hoggaansamaan fulinta iyo dhaqangalinta digreetada sharciga waafaqsan, isla markaana ay gutaan waajibaadka ka saaran.

Wabillahi Tawfiiq.

25/04/2022

Doorashadda Dalka

Waxaan booqasho ugu tagay galabta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye Koomaad, oo dhawacooda lagu dabiibayo Isbitaalk...
23/04/2022

Waxaan booqasho ugu tagay galabta Nabadoon Yaasiin Cabdisamad iyo Taliye Koomaad, oo dhawacooda lagu dabiibayo Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, anaga oo sifiican usoo xog waraysanay sida caafimaadkoodu yahay.

Nabadoonka iyo taliyaha caafimaadkoodu aad buu u wanaagsanaa, wayna miyir qabeen oo nala shekaysteen, nala kaftameen, salaana wayna soo fareen.

Caafimaad sareeca ayaan Allaha wayn u waydiinayna, labadoodaba, si wanaagsan ayaa loola tacalayey xaaladooda caafimaad, markastana waan ka war hayn doona waana la socon doona xaalkooda insha Allah.

WQ" Xildhibaan Cismaan Cali Xoosh

Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa dib ugu guuleystay   oo uu ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad kaddib markii uu tanaasulay Aa...
22/04/2022

Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa dib ugu guuleystay oo uu ku fadhiyay Baarlamaanka 10aad kaddib markii uu tanaasulay Aadan Ibraahim Isaaq sida uu sheegay SEIT Jubbaland.

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa ku guulaystay k...
22/04/2022

Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Abukar Xaaji (Cabdullaahi Carab) ayaa ku guulaystay kursigi ugu horreeyay ee maanta doorashadiisa lagu qabtay degmada Ceelwaaq kaas oo tirsigiisu yahay Hop #119.3

Duqii h**e ee degmada Gaalkacyo Nabaddoon, Yaasiin Cabdisamed iyo taliye ku xigeenka qaybta gobolka Mudug ayaa loo qaada...
22/04/2022

Duqii h**e ee degmada Gaalkacyo Nabaddoon, Yaasiin Cabdisamed iyo taliye ku xigeenka qaybta gobolka Mudug ayaa loo qaaday magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiibo, iyadoo labo diyaaradood laga kala saaray Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada.

Nabaddoon Yaasiin ayaa laga dhoofiyay garoonka OSHACA ee Galmudug, halka Taliye ku xigeenka laga dhiifiyay garoonka Cabdullaahi Yuusuf ee Puntland.

Nabadoonka iyo taliyaha ayaa ku dhaawacmay iska horimaad ka dhacay beerta nabaddoonka.

21/04/2022

Goob jooge “Caawa Hubka Naloo adeegsaday waxaa kamid ahaa qoryaha daran dooriga u dhaca iyo dhashiikayaal”.

Weerarkii Caawa ka dhacay Beerta Ugbaad ee Magaalada Galkacyo

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ahmed Karaash, "Waxaan aad uga xumahay dhacdada liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasilooni...
21/04/2022

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ahmed Karaash, "Waxaan aad uga xumahay dhacdada liddiga ku ah nabadgelyada iyo xasiloonida Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ee sababtayna dhaawaca iyo dhimashada muwaadiniin reer Puntland.

Waxaan u magacabayaa Guddi ka hawlgasha baarista iyo u kuurgalidda shaqaaqadaas.

Baaris ka dib, cid kasta oo falkaas ku lugyeelata waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan.

21/04/2022

Abdulgani Dhaashane oo ka tiraan baarlamaanka puntlnad
Ayaa ka falciliyey Werarka gaalkcayo

Tacsi iyo Dardaaran:

Anigoo ah Xildhibaan Abdulgani Dhashane waxaan ka tacsiyeynayaa shilkii caawa ka dhacay Magaalada Galkacyo.

Sarkaalkii ku dhintay Allaha u naxariisto. Dhaawacyada soo gaaray Nabadoonka, Taliye - Xigeenka iyo Saraakiisha kale Allaha uga booga dhayo.

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo joogay goobta shilku ka dhacay waa kheyr in Allah waxba ka soo gaarsiin.

Galkacyo Nabadeeda iyo Wadajirkeedu waa muhiim. Nabadaas ha la ilaaliyo.

Caqligii fooraray ee shalay Boosaaso dhibkii ka dhacay sababay Galkacyo loogama baahna. Waxaan rajeynayaa in dhibkaasi halkaas ku hakado.

Galkacyo noqon mayso, Ayax tag eelna reeb!

21/04/2022

Maxaad ka taqaan Geedka Bardaha Xirsi farah

Waxaa soo Jeedinaya
Libaan Haartaa

Address

Garowe
252

Telephone

+252906773846

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Durraan Haartaaa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Durraan Haartaaa:

Videos

Share



You may also like