Yamayska Tv

Yamayska Tv Hoyga Wararka sugan

Alshabaabki ugu Da' yaraa oo lasoo qabtay sheegayna dadkii uu Gaalkacyo ku dilay iyo kuwii uu ku qarxiyay.https://youtu....
05/07/2021

Alshabaabki ugu Da' yaraa oo lasoo qabtay sheegayna dadkii uu Gaalkacyo ku dilay iyo kuwii uu ku qarxiyay.

https://youtu.be/A_DVqpWTEWw

W/Q: Ahmed KadiyeArrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho.Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u w...
30/05/2021

W/Q: Ahmed Kadiye

Arrinta Sharma ayaa waxaan rabaa inaan waxyar ka dhaho.

Waxaana hadalkayga u kala qeybinayaa mid aan u wado isla Fanaan Sharma Boy, mid ku socda dhamaan Wariyaasha Soomaaliyeed iyo dadka Macruufka ka ah baraha bulshada, sidoo kale hadal ku socda wixii dhalinyaro ah ee guud ahaan Hawiye ku abtirsada iyo gaar ahaan kuwa Habargidir ku abtirsada.
Iyo sidoo kale hadal Dowladda Soomaaliya ku socda, hana ka reebin hadal ku socda Daahir Calasoow.

Marka koowaad waxa Sharma Boy ku dhacay waa arrin aad looga xumaado. Sharma Boy waa Xiddig da' yar oo shacbiyad badan leh, waxaa lagu sameeyay weerar bahdilaad ah oo Xirfaddiisa iyo xataa maskaxdiisa saameyn kara. Waxaa la saaray rakaato, waxaana lala damacsan yahay gumeysi fikir.

Koow Sharma Boy waxaan dhihi lahaa:
Walaaloow waxa kugu dhacay si weyn ayaan uga xumahay, tan kale Rag Ciil cadaab ayuu ka doortay. YouTube-ka lagaa dhacay dhan ka samar, xataa haddii laguu soo celiyo, tusi qofka cinwaanka kaa xaday inuusan arrinkaas kugu gumeysan karin, dadka kuugu jirayna waxaan aaminsanahay bil gudaheeda ayay ayagoo intii h**e ka badan kuu Subscribe gareyn doonaan.

Wariyaasha & dadka baraha bulshada caanka ka ah waxaan dhihi lahaa: Sxbyaaloow kaca oo hadla, dulmi intaas la eg sabab aad uga aamustaan ma jirto, sabab aad war ahaan oo keliya uga hadashaana ma jirto, garab istaagga wiilka yar ee la dulminayo, rakaato in lagu heystana la rabo, waa haddii aad karti iyo damiir leedihiin.

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Hawiye amaba Habargidir ku abtirsada waxaan dhihi lahaa:
Sxbyaaloow ninbaa magaceena lagu dulmiyay, weliba nin da' yar oo Ciyaal Xamar ah. Arrinkaas inaad ka dhiidhisaan oo kasoo horjeesataan ayaa la rabaa, waxaa intaas dheer Sharma Boy dhibaatada la gaarsiiyay illaa iyo hadda ayaa lagu wadaa, weliba asigoo shil galay, waxaa waajib ah marka inta Hawiye, gaar ahaan Habargidir ku abtirsata inay arrinkaasi Xaal ka bixiyaan, oo Sharma diyada u taallo xataa wax kala bixiyaan, waa haddii weli sharaf la leeyahay.

Duqa Degmada Gaalkacyo Injineer Maxamuud  Cabdinuur Aadan Gudoomiyaha shirkada wadaniga ah ee Kebarco Faysal Baaburaqiis...
19/03/2021

Duqa Degmada Gaalkacyo Injineer Maxamuud Cabdinuur Aadan Gudoomiyaha shirkada wadaniga ah ee Kebarco Faysal Baaburaqiis ayaa waxay si wada jir ah u daah fureen Mashruuc lagu dayactirayo isbitaalka guud ee gobalka mudug .

Gudoomiyaha shirkada Wadaniga ah ee Kebarco Faysal Baaburaqiis oo ugu h**eeyn la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in Mahsruucaan lagu Dayactirayo isbitaalka guud ay iska kaashanayaan Hay"ada WAMY iyo shirkada Kebarco.

Gudoomiye Faysal ayaa sharaxaad waxa uu ka bixiyay shaqooyin badan oo shirkada Kebarco iyo Hay"ada WAWY oo is kaashanaya ay ka soo qabteen isbitaalka guud ee gobalka sida Gaadiid iyo Qalab qaliin oo lagu wareejiyay Maamulka isbitaalka 425 qof oo lagu sameeyay qaliino kala duwan iyo Daaweyn Bilaash iyo dib u dayactir lagu sameenayo isbitaalka guud ee Gobalka mudug.

Duqa Degmada Gaalkacyo Eng Maxamuud Cabdi Nuur Aadan oo ka hadlay daah furka Mashruuca dib u dayactirka isbitaalka guud ee gobalka mudug ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Mashruucaan oo markisii horaba uu lahaa gudbintiisa xili uu ka mid ahaa Masuuliyiinta shirkada Wadniga ah ee Kebarco.

Duqa Degmada ayaa waxa uu sheegay in shirkada Kebarco aysan ku koobneen oo kaliya dhisida Wadooyinka Balsa ay gacan ka geestaan u gurmashada dadka Tabaalaysan ee Danyarta ah Waxa uuna ku amaanay shaqooyinka ay ka qabatay isbitaalka guud ee Gobalka .

Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo fuliyey howl-gal qorsheysan + UjeedkaCiidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta...
17/03/2021

Ciidanka ilaalada madaxtooyada oo fuliyey howl-gal qorsheysan + Ujeedka

Ciidamada ilaalada ee ka howl-gala gudaha xarunta ee loo yaqaano Koofiyada Casta ayaa xalay saq-dhexe howl-gal qorsheysan ka fuliyey xaafadaha ku dhow ee magaalada .

Wararka ayaa sheegaya in si gaar ah howl-galka loogu qaaday degmooyinka Warta Nabadda iyo , gaar ahaan guryaha ku dhow dhismaha madaxtooyada.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadu ay gudaha u galeen xaafadaha degmooyinkaasi, islamarkaana ay soo qab-qabteen dad u badan dhalinyaro.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhalinyaradaasi la’isugu keenay hal goob, kadib lagu sameeyey baaritaan, iyada oo qaarkood lasii daayey, kuwa kalena la xiray.

Illaa iyo hadda ma cadda waxa uu bartilmaameedka howl-galkan, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ujeedka howl-galka uu ahaa mid lagu xaqiijiyey ammaanka.

Maalmihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliiska ayaa kordhiyey howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho oo ay ka dhacayeen falal liddi ku ah amniga, waxaana ugu dambeeyey weerarkii xerada Xalane.

Tallaalki   oo la gaarsiiyay Magaalada   ee Caasimadda  .Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo siday tallaalka ayaa ...
16/03/2021

Tallaalki oo la gaarsiiyay Magaalada ee Caasimadda .

Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay oo siday tallaalka ayaa maanta ka degtay Garoonka General Mohamed Abshir International Airport.

James Swan iyo Yamamoto oo durba cadaadis ku billaabay Qoor Qoor iyo kulamo Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku bil...
16/03/2021

James Swan iyo Yamamoto oo durba cadaadis ku billaabay Qoor Qoor iyo kulamo Beesha caalamka ayaa cadaadis xooggan ku billowday madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, saacado kadib markii uu Muqdisho soo gaaray maanta.

Wakiilka xoghayaha guud ee QM ee Soomaaliya James Swan iyo safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa labaduba si kala duwan kulmay Qoor Qoor waxyar un kadib markii uu yimid caasimadda.

Qoraal ay madaxtooyada Galmudg kasoo saartay kulanka James Swan ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ee QM James Swan ayaa ka wada hadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”

Madaxtooyada ayaa sidoo kale kulanka Yamamoto ka tiri “Madaxweynaha Galmudug iyo Danjiraha Mareykanka Yamamoto ayaa ka wada hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farso ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Swan iyo Yamamoto ay labaduba ku cadaadiyeen Qoor Qoor inuu aqbalo shirka ay beesha caalamka garwadeenka ka tahay ee ka dhacaya Xalane, oo shaki uu soo galay ka qeyb-galkiisa.

War-Saxaafadeedkii kasoo baxay Shirka ka socda Hotel Decaale ugana socday Raiisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiin...
25/02/2021

War-Saxaafadeedkii kasoo baxay Shirka ka socda Hotel Decaale ugana socday Raiisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta Mucaaradka .

Halkaan hoose ka akhriso War-murtiyeedka oo dhameystiran 👇👇

Inta qof ee bulshada muhiimka uheyd ee ugeeriyootay Cudurka Carona Virus magaalada Muqdisho ilaahey ilaahey ha,unaxariis...
24/02/2021

Inta qof ee bulshada muhiimka uheyd ee ugeeriyootay Cudurka Carona Virus magaalada Muqdisho ilaahey ilaahey ha,unaxariisto inta laxanuunsan ilaahey hakacaafiyo.

22/02/2021

Madaxtooyada JFS OO UGU BAAQDAY PUNTLAND IYO JUBALAND IN AY KUSOO BIIRAAN SHIRKA WADATASHIGA

Muqdisho, Febaraayo 22, 2021: Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas.

DHAMMAAD

19/02/2021

DEG DEG: SIYAASI ABDULLAHI SHEIKH HASSAN OO SIR BADAN KASHIFAY.

19/02/2021

Sarkaal shaaciyay waxa Xamar ka socda iyo Cidda wada isagoona fariin adag udiray.

Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay MuqdishoMalleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahay...
19/02/2021

Dowlada Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaal ka dhacay Muqdisho
Malleeshiyaad hubaysan ayaa caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am)soo weeraray baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku leeyihiin qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Sarkaal u hadlay malleeshiyadaas ayaa caawa fiidkii h**e warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho. Ciidamada Qalabka Sida markaa kaddib waxay galeen heegan buuxa.

Maleeshiyadaasi la soo abaabulay mardhoweyd ayay weerarkii la filayey ee ay sii sheegteen ku soo qaadeen barihii ay ku sugnaayeen Ciidamada Qalabka Sida. Ciidamada Dowladdu way iska difaaceen weerarkaas la soo qorsheeyey, waanay ka guuleysteen maleeshiyadii weerarka soo qaadday.

Faahfaahinta weerarka la inagu soo qaaday gadaal ayaanu idinkala soo wadaagi doonnaa.

Wasiirka Amniga Gudaha
Xasan Xundubey Jumcaale.

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in Guddiyo farsamo ka socda Dowladda Federa...
12/02/2021

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helay dhinacyo kala duwan ayaa sheegaya in Guddiyo farsamo ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir maalinta berri ay tagi doonaan magaalada Baydhabo, si ay uga shiraan qodobada la isku haayo ee saldhigga u ah heshiiskii doorashada ee September 17.

Min labo xubnood oo ka kala socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa shirka Baydhabo ka qeyb galaya, waxaana shirka fududeynaya Beesha Caalamka oo si dhow ula soconaya arrimaha laga doodayo, Guddiyada ayaa marka ay isku waafaqaan, iskuna soo fahmaan qodobada waxay horkeeni doonaan Madaxda Dowlad Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, si ay k**a dambeysta u saxiixaan oo Munaasabad saxiix un kaliya isugu imaan doonaan, inkastoo dib laga soo sheegi doono goobta la isugu imaanayo.

Xigasho: Golfyare

Allaha unaxaristee waxaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Ugaas Mohamed Wali, sida wararku sheegayaan Ugaaska ayaa u Ge...
08/02/2021

Allaha unaxaristee waxaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho Ugaas Mohamed Wali, sida wararku sheegayaan Ugaaska ayaa u Geeriyooday Cudurka Coronavirus.

BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEYSAY SHIRKA WADAHADALKA DHUUSAMAREEB. Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dho...
03/02/2021

BEESHA CAALAMKA OO SOO DHOWEYSAY SHIRKA WADAHADALKA DHUUSAMAREEB.

Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweynayaan wada hadalada socda ee u dhexeeya madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ee Dhuusamareeb ka socda, waxa ayna ku boorrinayaan kaqeybgalayaasha in ay sii wadaan wada xaajoodka: hadda waxaa la joogaa xilligii la gaari lahaa is-afgarad si loo hirgeliyo heshiiskii 17-kii Sebtember ee doorashooyinka.

03/02/2021

Daawo Qodobada kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb.

James Swan oo Gaaray Somaliland & kulan uu la qaatay madaxda maamulkaas. Isagoo hadlayey ka dib kulan uu maanta Hargeysa...
03/02/2021

James Swan oo Gaaray Somaliland & kulan uu la qaatay madaxda maamulkaas.

Isagoo hadlayey ka dib kulan uu maanta Hargeysa kula qaatay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxa uu hoosta ka xarriiqay sida Qaramada Midoobay ay u taageerto dadka Somaliland, waxa uuna soo dhoweeyay doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee soo socda: dhammaan saaxiibbadu “waxa ay quud-darreynayaan doorashooyinkan. ”

SHIRKII DHUUSAMAREEB OO FURMAY. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aya...
03/02/2021

SHIRKII DHUUSAMAREEB OO FURMAY.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta guddoomiyay Furitaanka shirka wadatashiga heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ee ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-ka Seebteembar ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka soomaaliyeed, waxa uuna dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray dib u dhiska dowladnimadeenna.

MADAXWEYNE FARMAAJO AYAA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYAMuqdusho, 30 Jannaayo, 2021: M...
30/01/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO AYAA MADAXTOOYADA KU QAABILAY WAKIILLADA BEESHA CAALAMKA EE SOOMAALIYA

Muqdusho, 30 Jannaayo, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WASIIRKA DIFAACA INGIRIISKA KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKAMuqdusho, Jannaayo 27, 2021: Madaxwey...
27/01/2021

MADAXWEYNE FARMAAJO OO WASIIRKA DIFAACA INGIRIISKA KU QAABILAY MADAXTOOYADA QARANKA

Muqdusho, Jannaayo 27, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace oo uu wehelinayay Safiirka Ingriiska ee Soomaaliya Mudane Ben Fender.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka qorsheyaasha hirgalay ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo kulanka ka qeyb galay ayaa ka warbixiyey wadahadallada miro-dhalka ah ee dhexmaray labada dhinac, iyadoo la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay. Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Dhankiisa, Wasiirka Difaaca Boqortooyada Ingiriiska Mudane Ben Wallace ayaa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

27/01/2021

Address

Xaafadda Israac
Gaalkacyo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Yamayska Tv posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share