Gumbax media

Gumbax media lasocoshada wararka

23/07/2024

Natiijadda Hordhaca degmada Dangorayo.

Kaah: 9 Xildhibaan
Sincad: 6 Xildhibaan
Horseed: 5 Xildhibaan
Mideeye: 3 Xildhibaan
Runcad: 2 Xildhibaan
Shaqaalaha: 1 Xildhibaan
Ifiye: 1 Xildhibaan.

22/06/2024

Waxaa degmada Gumbax gaaray Xildhibaan Maxamed Gabayre iyo wafdi uu hogaaminaayo

Safar xildhibaanka ayaa ah u kuurgalida baahiyaha degmada iyo deegaanada hoosyimada degmada

Xildhibaanka ayaa ku dalxiisaya xeebta demada Gumbax

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse Cabdi Barre ayaa iga codsaday inaan u tanaasu...
20/06/2024

Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan”Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Xamse Cabdi Barre ayaa iga codsaday inaan u tanaasulo Jabuuti,, Iyado oo shaaca ka qaaday inaysan ka taanaasuli doonin Kursigaas isla markaana ay Soomaaliya galayso.

Xildhibaan Fowsiya oo Shir jaraa’id ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa daaha ka rogtay in goor sii horaysay Madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay inay Kursigaa u dayso Kenya iyadoo arrimo badan oo kursiga ku saabsan daaha ka rogtay waxay sheegtay inaysan marna ka tanaasuli doonin Kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika.

19/06/2024

Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in maalmaha soo socda uu magaacabayo masuuliyiin cusub kuwo kalena shaqada ka cayrin doono.

Agaasimayaasha guud ee Wasaaraddaha muhimka ah ayaa la filayaa in qaarkood isku bedel lagu samayn doono Halka qaar ay macquul tahay in shaqada laga cayriyo.

Sidoo kale Waxa uu Madaxweyne Deni magacaabi doona Guddoomiyaal gobol iyo Saraakiil Ciidan Sida ay xaqiijinayaan illo-Wareedyo lagu kalsoonyahay.

Magacaabista iyo Xil kaqaadista laga sugaayo Madaxweyne Deni ayaa la filayaa kadib inuu safar dalka dibadiisa u ambabaxo todobaadka soo socda.

Gobalka Gardafuu ee Degmada Gumbax.waxaa maalintii 3aad si habsami leh u socda Imtixaankii Dowlada Puntland oo dhamaan k...
12/06/2023

Gobalka Gardafuu ee Degmada Gumbax.

waxaa maalintii 3aad si habsami leh u socda Imtixaankii Dowlada Puntland oo dhamaan ka socda Degaanada Puntland.

Taliye Cabdirabi iyo taliye kuxigeen Akhwaanbaaba ayaa gaaray degmada Qandala ee  gobalka Bari
11/06/2023

Taliye Cabdirabi iyo taliye kuxigeen Akhwaanbaaba ayaa gaaray degmada Qandala ee gobalka Bari

11/06/2023
DEGDEG: Cabdirisaq Khaliif Axmed: “Waxaa aan iska casiley Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinnimadii Golah...
11/06/2023

DEGDEG: Cabdirisaq Khaliif Axmed: “Waxaa aan iska casiley Xilkii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, xubinnimadii Golahaasi iyo xisbigi Waddani ee aan ka tirsanaa.”

Degmada Gumbax ee gobalka Gardafuu waa degmo hodan ku ah waxsoorka badda
11/06/2023

Degmada Gumbax ee gobalka Gardafuu waa degmo hodan ku ah waxsoorka badda

 : Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigey wejiga saddexaad ee dhismaha Garoonka Caalamiga ah ...
23/01/2023

: Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhagax-dhigey wejiga saddexaad ee dhismaha Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Wejigan ayaa ka kooban; dhismaha Terminal cusub, Qaybta xammuulka, qaybta hagista diyaaradaha, qaybta Debdemis iyo hotel casri ah.

Dhigax-dhigga waxa Madaxweynaha ku wehelinayey mas'uul yiin ka tirsan labada gole ee dowladda, Maamulka gobolka & degmada iyo shirkadda Biac.

Ogeysiis, Ogeysiis, Ogeysiis.Ujeeddo: shaacinta Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12aad  ee dugsiyada Sar...
06/08/2022

Ogeysiis, Ogeysiis, Ogeysiis.

Ujeeddo: shaacinta Natiijada imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee dugsiyada Sare ee dawladda Puntland 2021-2022.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiintaba in berri oo Sabti ah, taariikduna tahay 6 bisha Agosto 2022, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada Sare ee fasalka 12aad ee Puntland.

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana nambarkan 299 ee shirkadda Golis.

Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.

Xigasho:Wasaaradda Waxbarashada Puntland

Maxamed Guuleed

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LA-TALIYE MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.Garoowe: 26 July 2022: Madaxweynaha Dowlad...
26/07/2022

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY LA-TALIYE MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND.

Garoowe: 26 July 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 26-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 40, kuna saabsan magacaabid La-taliye Madaxweyne Kuxigaanka Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimdiisa shaqo.

Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdirisaaq Mire Xasan (Gawiido) loo magacaabay la-taliyaha Madaxweyne Ku-xigaanka ee Arrimaha Siyaasadda.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

DHAMMAAD.

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Ogeysiis, Ogeysiis, Ogeysiis.Ujeeddo: shaacinta imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dawlad...
19/07/2022

Ogeysiis, Ogeysiis, Ogeysiis.

Ujeeddo: shaacinta imtixaanaadka shahaadiga ah ee fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee dawladda Puntland 2021-2022.

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland waxay la socodsiineysaa Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada dhexe ee Puntland iyo waaliddiintaba in maanta oo Talaado ah, taariikduna tahay 19ka bisha Luulyo 2022, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka dugsiyada dhexe ee fasalka 8aad ee Puntland saacaddu marka ay tahay 12:00 PM ee duhurnimo.

Dhammaan waxaa lala socodsiinayaa in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda, iyagoo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana nambarkan 299 ee shirkadda Golis.

Fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe ee Puntland ayaa ah ardaydii ugu badnayd oo imtixaan u fariisata sannadkan 2021-2022, tiro ahaanna ka badan sannadkii h**e.

Waxaan guul iyo nasiib wacan u rajaynaynaa ardayda reer Puntland dhammaantood, meel walba oo ay joogaan.

DEG-DEG Maadadii 2-aad ee imxitaanka ay qaadayso DFS oo qashkeedii la helay.Sidee u aragtaaa?
20/06/2022

DEG-DEG Maadadii 2-aad ee imxitaanka ay qaadayso DFS oo qashkeedii la helay.
Sidee u aragtaaa?

Address

Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gumbax media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Gumbax media:

Videos

Share


Other Media/News Companies in Bosaso

Show All