HANAD MEDIA

HANAD MEDIA waxaad halkaan kala soconaysaa wax kasta oo ku xiiso galiya

Alle Ha Unaxariisto Gudoomiyihi Ugu Horeeyay ee Gobolka Raas-Casayr (Ex Gardafuu) Xaaji Cali Mire Xuseen  ayaa Gacan Ka ...
27/01/2025

Alle Ha Unaxariisto Gudoomiyihi Ugu Horeeyay ee Gobolka Raas-Casayr (Ex Gardafuu) Xaaji Cali Mire Xuseen ayaa Gacan Ka Xaqdaran Ku Dishay Galhagoog oo Hoos Tagta Degmada Hobyo.

Wuxuu Ahaa Siayaasi iyo Ganacsade Si Wayn Looga yaqaan Deegaanada Puntland.

Maxamed Guuleed

Maanta waxey ku beegan tahay 26 January waa maalintii xukunka laga tuuray dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyn...
26/01/2025

Maanta waxey ku beegan tahay 26 January waa maalintii xukunka laga tuuray dowladii kacaanka ee uu hogaaminayay Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre 1991.

34 sano ayaa kasoo wareegatay.

  Ciidamada Amniga Dowladda Puntland ayaa fashiliyay qaraxyo ay argagixisada Daacish doonaysay in ay ku dhibaateyso shac...
25/01/2025

Ciidamada Amniga Dowladda Puntland ayaa fashiliyay qaraxyo ay argagixisada Daacish doonaysay in ay ku dhibaateyso shacabka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Ciidamada Amniga oo dabagal ku wadday dhagar-qabe Ajnebi ah oo xalay ciidamadu ku toogteen Boosaaso, xilli uu aasayay qarax Miino ayaa gudaha u galay hoygii uu ka deganaa Boosaaso, iyagoo qabtay tiro qaraxyo ah oo mid kamid ah ay qarxiyeen ciidamada Amnigu.

Puntland tv

Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa ku toogtay magaalada Boosaaso nin katirsan argagixisada Daacish, kaas oo miino k...
25/01/2025

Ciidamada amniga Dowladda Puntland ayaa ku toogtay magaalada Boosaaso nin katirsan argagixisada Daacish, kaas oo miino ku aasayay wadada weyn gaar ahaan aaga Nakhiil, ayna xogtiisa soo gudbiyeen shacabka ka shakiyey oo ku sugnaa aaga.

Ninka oo ahaa ahaa Ajnebi ayaa markii uu arkaa ciidamada Amniga oo si degdeg ah goobta u soo gaaray qarxiyey miinadii uu aasayay, isagoo isku dayay in uu goobta ka baxsado, balse ciidamada ayaa toogtay.

Shacabka Puntland ee nabadda iyo horumarka jecel ayaa garab istaag u muujiyay ciidamada Difaaca Dowladda Puntland, iyagoo gacan ka geysanaya howlgalka ciribtirka argagixisada ee ka socda buuraleyda Cal-miskaad iyo adkeynta amniga guud ee deegaanka.

24/01/2025

Abwaan Qabatalw. Ayaa gabay ka tiriyay dagaalka Puntland kula jirto daacish

05/01/2025

Ciidamada dowlada ee dhowaan ceel_buur lagu laayay oo aas qaran loo sameeyay

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa dadka waa weyn uga digta cunista Buskud-dhiiqa, iyada oo sheegtey in uu horseedo dh...
03/01/2025

Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa dadka waa weyn uga digta cunista Buskud-dhiiqa, iyada oo sheegtey in uu horseedo dhiikar iyo macaan.

"Waxa loogu talo-galay carruurta yaryar ee nafo-darrada wajahaya, balse hadda waxa soo batay dadka waa weyn ee cunaya." - Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtey.

Geesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku dhaawacmay weerarkii ay casharka ugu dhigeen Daacish ee deegaanka Dharjaall...
03/01/2025

Geesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku dhaawacmay weerarkii ay casharka ugu dhigeen Daacish ee deegaanka Dharjaalle, ayaa maanta caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa .

Guddiga Taakuleynta iyo Daryeelka Caafimaadka we hawlgalka ciribtirka argagixisada, oo fullinaya Amarkii Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa si wanaagsan u maareeyay oo ambabixiyey dhaawacyada u baahday dhakhtar dibadda ah, oo maanta laga dhoofiyey boosaaso, waxaa sagootiyey ciidanka Guddiga taakuleynta ciidanka, Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Agaasimaha Hay’adda PMPF iyo Saraakiil Madaxtooyo.

Waa Mahadsantihiin Madaxdeena iyo Dowladeenna inshallah hawlgalka ciribtirka argagixisada oo si wanaagsan u socda, dhowaan waa soo afjari doonnaa argagixisada buuraheenna ku dhuumalaysanaysa .

Saadaali kulanka weyn ee galabta.Mudug vs sanaag.Ku guulayso $30Shuruudaha guulaystaha.Follow dheh bogaLike saar postiga...
19/12/2024

Saadaali kulanka weyn ee galabta.
Mudug vs sanaag.
Ku guulayso $30

Shuruudaha guulaystaha.
Follow dheh boga
Like saar postiga.
Shere dheh postiga.
Sadaashu waxay ku eg tahay marka la baasto ciyaarta.

Sadaali kulanka ugu weyn asbuucan kubada cagta ee u dhaxeeya kooxaha Manchester city iyo LiverpoolOo ku guulayso $50Shur...
01/12/2024

Sadaali kulanka ugu weyn asbuucan kubada cagta ee u dhaxeeya kooxaha Manchester city iyo Liverpool

Oo ku guulayso $50

Shuruudaha guulaystaha
Like saar postiga
Follow dheh boga

Saadaashu waxay ku egtahay markay bilaabanto ciyaartu

30/09/2024

Aan u deeceeno walaalkeen farxaan qaroole

Oo maanta oo kale qarax lagu dilat

30/09/2024

Chelsea

Sadaali kulanka ugu weyn asbuucanKubada cagta EnglandManchester city vs ChelseaKu guulayso $50 Shuruudaha.✔️Follow dheh ...
18/08/2024

Sadaali kulanka ugu weyn asbuucan
Kubada cagta England
Manchester city vs Chelsea
Ku guulayso $50
Shuruudaha.
✔️Follow dheh boga
✔️Shere ku dheh labo group

Shaxda rasmiga ah ee kulanka lagu furayo horyaalka EnglandManchester united vs ful ham
16/08/2024

Shaxda rasmiga ah ee kulanka lagu furayo horyaalka England
Manchester united vs ful ham

16/08/2024

Falaqaynta kulan furitaanka

Manchester united vs ful ham

Saynab Geelle Siciid oo dhigata Dugsiga sare ee Imaamu Nawawi Boosaaso ayaa kaalinta 1aad ka gashay Imtixaanka Shahaadig...
15/08/2024

Saynab Geelle Siciid oo dhigata Dugsiga sare ee Imaamu Nawawi Boosaaso ayaa kaalinta 1aad ka gashay Imtixaanka Shahaadiga ah Puntland ee fasalka 12-aad, waxa ay celcelis ahaan keentay %98.29

Hamabalyo

Fanaanada Asma Saban oo kamid ahayd fanaaniinta xidigaha geeska ee magaalada Hargeysa ayaa geeriyootay.
09/08/2024

Fanaanada Asma Saban oo kamid ahayd fanaaniinta xidigaha geeska ee magaalada Hargeysa ayaa geeriyootay.

Address

Ridwaan
Bosaso

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when HANAD MEDIA posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share