Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey

Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey Magacaygu waa Dr. Cabdicasiis Axmed Gurey! Waxaan ahay dhaktar qalniin oo haysta shahaadooyinka MBBS (Shiinaha) iyo MRCS (Ingiriiska).

Ujeedadaydu waa inaan bixiyo daryeel caafimaad oo heer sare ah. Caafimaadkaagu waa mudnaantayda!

Qalliinkasta oo Guuleysta Waxaa ka Dambeeya koox Heegan ah. Sharaf bay ii tahay inaan Hoggaamiyo.
30/09/2024

Qalliinkasta oo Guuleysta Waxaa ka Dambeeya koox Heegan ah. Sharaf bay ii tahay inaan Hoggaamiyo.

🔺️Daryeelka Bukaanka ee Kusalaysan Mudnaanata Bukaanka! waxa uu ka dhigan yahay Daryeel Caafimaad oo Ixtiraamaya kana Ja...
09/09/2024

🔺️Daryeelka Bukaanka ee Kusalaysan Mudnaanata Bukaanka!
waxa uu ka dhigan yahay Daryeel Caafimaad oo Ixtiraamaya kana Jawaabaya Rabitaanka, Baahiyaha, iyo Qiyamka Gaarka ah ee Bukaanka. Tanoo la Macne ah in Bukaanku yahay kan ugu Muhiimsan ee Qorshaha Daryeelkiisa, isla markaana Caafimaadkiisa loo Tixgeliyo Marka la samaynayo Go'aamada Caafimaad iyo Qorshayaasha Daaweynta.

Daryeelka Bukaanku Waa Sharaf iyo Mas'uuliyad⚠️Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey   , MBBS(China), MRCS(Glasgow) with full GMC reg...
28/07/2024

Daryeelka Bukaanku Waa Sharaf iyo Mas'uuliyad⚠️

Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey , MBBS(China), MRCS(Glasgow) with full GMC registration and a license to practice in UK.

Muqdisho: Tababar Sida Loo Maareeyo Khasaaryaasha Baaxada Leh, Kuna Matalayey Cisbitlaka Guud Ee Bosaso, Puntland. Mass ...
03/06/2024

Muqdisho: Tababar Sida Loo Maareeyo Khasaaryaasha Baaxada Leh, Kuna Matalayey Cisbitlaka Guud Ee Bosaso, Puntland.
Mass Casualty Training Course by WHO, Mogadishu! Designated by Bosaso G.H, Puntland

Representing my state! BEC course Certfifed TOT By FMOH/WHO/AFEM/ IFEM!
28/05/2024

Representing my state!
BEC course Certfifed TOT By FMOH/WHO/AFEM/ IFEM!

15.05.2024 Successful operation: a case of Grade 3/4 Liver and Renal Lacerations from penetrating stab wound at Bosaso G...
16/05/2024

15.05.2024 Successful operation: a case of Grade 3/4 Liver and Renal Lacerations from penetrating stab wound at Bosaso General Hospital!

Qalniin Beerka iyo Killi ah oo ay sababatay Toorey oo lagu guulaystay- Cisbitaalka Guud Ee Bosaso.

Waa mahadsanyihiin Shaqaalaha iyo Madaxda Cisbitaalka Iyo Cidwalba oo Gacan ka gaysatay!

Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey, MBBS(China), MRCS(UK), FULL GMC REGISTRATION WITH A LICENSE TO PRACTICE IN UK.

A case of gunshot wound causing Grade 4 Liver Injury with Bilateral hemopnemothorax associated with Breast and Arm Injur...
29/04/2024

A case of gunshot wound causing Grade 4 Liver Injury with Bilateral hemopnemothorax associated with Breast and Arm Injury.

Kiiskani waa Bukaan Ay Xabadi ay ka dhaawacday Beerka, Sanbabada , Naaska Iyo Gacanta!

Waxaa Gaaray Dhaawac Heerka 4aad ee Beerka( Ku dhawaad 70% ayaa dilaacay Qaybta Midig) Taasoo Sababtay in Beerka Qayb Laga Jaro, Loona Sameeyay Dhiig Joojin Iyadoo Lagu Shubay 10 Bacood Oo Dhiig ah( Ku dhawaad Halmar Laga Badalay Dhiigiisa).Waxay Kaloo Jartay Muruqa Saablayda Iyo Uur-Kujirta U Dhaxeeya Waana Latolay.

Labada Sanbab Waxaa Gaaray Dhaawac Gubasho ah, Mid ka Mid ahna Waxaa Gashay Hawo, Kan kalana Hawo iyo Dhiig, Qalniin Ayaan Usamaynay Si Sanbabdu Shaqadoodu Caadi Ugu Noqdaan.

Waxaa Kaloo Dhaawac Kagaaray Mid Kamid ah Naasaha, Kaasoo Dhaymo Qaata iyo Gacan Neerfaha ay Wax Kayeelaysay.

Allaa Mahad Leh, Bukaanku Hadda Xaaladiisu Waa Fiicanyahay! Shaqada Beerka iyo Kilyuhuna Waa Caadi.

Waa ku mahdsanyihiin Shaqaalaha Cisbitalka Guud ee Bosaso iyo Cidwalba oo ka gaysatay Gacan.

Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey ,
MBBS, MRCS( UK), GMC REGISTERED.

30/03/2024

Hel Talo iyo Daweyn Caafimaad oo Lajaanqaadaysa Dunida Hormartay!

📍Goobta: Aaga Masjidka Jaamac Al-Qadiim, Duleedka Wargayska KAAHA BARI, Bosaso, Puntland, Somalia
📞Wac: +252907218634/+252906797327

Allow Caafi Inta Kansarka Lanool! Cisbitalka Guud Ee Bosaso: Waxaan Kaga Saaray Biyo Galay Labada Sanbab Xuubabkooda Mid...
21/03/2024

Allow Caafi Inta Kansarka Lanool!

Cisbitalka Guud Ee Bosaso: Waxaan Kaga Saaray Biyo Galay Labada Sanbab Xuubabkooda Mid ka mid-ah Bukaanadayda La il-Daran Kansarka Faafa!

Kani waa mid kamid ah Hababka looga saaro Biyaha/Malaxda Yar ee Soo Noqnoqota taasoo gasha Xuubabka Sanbabada. Waxaana Habkaan loo adeegsada Hagitaanka Gunbaar ama Kumbuyuutar.

Waxyaalaha keena in uu soo noqnoqdo in Dareere uu galo Xuubabka sanbabada waxaa ka mid ah:

1. Caabuqa Infakshanka( Oofwareenta/Qaaxada)
2. Kansarka Sanababada Iyo Xuubabkiisa
3. Kansarada Faaafa ee gaara Sanbabada
4. Cudurada kudhaca Habdhiska Qanjirada
5. Cuduradda Kudhaca Unagyada isku Xira Jirka

Dhibaatooyinka ka dhalan kara Fulinta Habkaan ee Laga Hortagi karo waxaa kamid ah:

1. Hawo Gasha Xuubabka Sanbabada Dhexdooda
2. DHIIGBAX
3. Infakshan Kudhaca Halka laga Saaray Dareeraha
2. Beerka ama Beer-yarada oo Dhaawac soo gaaro

Fiiro Gaaro-ah: Waxaan Qaabilay oo aan Ogaanay in kabadan 150 Kiis oo Kansar ah, Sida Kuwa ku dhaca CUNAHA, QANJIRADA QOORTA, MASKAXDA, NAASAHA, SANBABADA, LAFTA DHUUXA, BEERKA, XIIDMAHA WAAWEYN, TAYROODKA, MINKA, XINIINIYAHA IYO QAAR KALOO BADAN!

Bukaanadaasi Waxey Kujireen Xaaldo Kala Duwan, oo Badankood Ahaayeen Kuwo Fiday ama Aan Waxba Laga Qaban Karin, La Tacaalid Mooyee!

10/03/2024
Finally, I am a GMC REGISTERED Doctor! Allaa Mahad Leh! Safar Dheer Kadib, Waxaan Galay Diiwaanka Dhakhaatiirta Boqortoo...
28/01/2024

Finally, I am a GMC REGISTERED Doctor!

Allaa Mahad Leh! Safar Dheer Kadib, Waxaan Galay Diiwaanka Dhakhaatiirta Boqortooyada Ingiriiska, Helyna Leysan-ka Shaqo ee Dhakhtarnimo ee Wadamadaas!

Dr. Abdiaziz Ahmed Mohamed,
MBBS(China), MRCS(Glasgow),
Currently @ Bosaso General Hospital and Gurey Clinic.

BAWAASIIRTU waa marka Xididada kujira ama ku hareereesan Dabada ama malawadka qaybtiisa hoose ay BARARAAN. Tani waxay im...
11/12/2023

BAWAASIIRTU waa marka Xididada kujira ama ku hareereesan Dabada ama malawadka qaybtiisa hoose ay BARARAAN. Tani waxay iminkartaa marka cadaadis xoog leh uu fuulo Xididadan. Wuxuu uqaybsamaa 2 nooc:
1. Mid gudaha Dabuurta ah
2. Mid Banaanka Dabuurta ah

CALAAMADAHALAGU GARTO:

*Cuncun/xanuun dabada ah
*Dhiig Cas ama saxarada ku lammaan
*Barar ama Buro Dabada agagaarkeeda ah
* Calool istaag

SABABAHA KEENA:

* Calool istaaga/ Shubanka waqtiga dheer
*Docoshada ama fadhiga dheer ee Suuliga
*Hooyada Uur ka leh
* Cayilka Badan
* Shaqooyinka fadhiga badan leh.
* Qaadista culayska badan
* Yaraysiga cunnada dufta leh

BAARITAANKIISA:

* Calaamadaha uu bukaanku kacabanayo
* Dabada agagaarkeeda oo la eego, dabadeedna galoofis la xirto, Jeel ama dareere farta lagu shubo, kadibna farta dabada lagaliyo si loo dareemo bawaasiirta gudaha.
*Kaamiro Dabada lagaliyo.

WAXYALAHA KA DHALAN KARA HADAAN LADAWEYN:

*Dhiig yari
*Xinjiro dhaliya Xanuun farabadan
*Caabuq/Infakshan
*Dilaac dabada ah
*Malax ama Kasoobax kusamaysma agagaarka dabada

DAWEYNTIISA :

*Lakulan Dhakhtar
* Cun cunnoyinka dufta leh
* Biyo diiran oo aad ku fariisato maalintii dhowrjeer
* Boomaatooyin iyo Kareemo dabada Iyo agagaarkeeda lagu shubayo.
* Xanuun baabi’in
*Xalka udanbeeya oo Qalniin ah

FIIRO GAAR AH:
Hadii aad isku aragto Calamadaha aan Kor kusoo xusnay, Fadlan lakulan Dhakhtar si loohubiyo.

Waxaa kaloo keeni kara Calamadahaas- Kansarka Kudhaca Dabada ama Malwadka.

01/12/2023

⭕️Talo soo jeedin:

Ha isku taaban BUKAANKA SOOMAALIYEED- adigoon Aqoon iyo Xirfad kugu filan haysan.

Waa in uu jiraa Halbeeg qeexaya “ Waa Kuma Dhakhtarka Wanaagsan?! ”si bulshadeenu uhesho Dhakhaatiir Tayo leh.

We have successfully performed three operations for small bowel obstructions at Bosaso General Hospital in recent days: ...
21/11/2023

We have successfully performed three operations for small bowel obstructions at Bosaso General Hospital in recent days:

1. A case of adhesive small bowel obstruction following pancreatic and splenectomy and urological operations more than a decade.
2. A case of adhesive small bowel obstruction without previous history of operations.
3. A case of of adhesive small bowel obstruction following R. ovarian cystectomyfor more than two decades.

📛
Waxaan ku guulaysanay 3qalniin oo Xiidmaha Yaryari Xirmay:

Kiiska 1aad:

Waa bukaan Xiidmaha yaryar uu dhowr meelood kaxirmay taasoo ka imanysa dhowr qalniin oo kaadi mareenka ah iyo beeyarada iyo ganaca qaybtiisa danbe looga saaray inkanadan toban sano kahor. ❗️Xiidmaha yar ayaa lajaray 15cm oo bakhti noqotay waan la isku tolay.

Kiiska 2aad:

Waa bukaan xiidmaha yaryar uu xirmay isagoon wax qalniin h**e lahayn. ❗️Waxaa lajaray cadkii xirayay.

Kiiska 3aad

Waa bukaan xiidmaha yaryar xirmeen taasoo ay sababtay qalniin lagu saaray buro biyood ugxaan sameeyaha midig ah >20sano kahor.
❗️Waxaa lajaray 20cm oo bakhti noqotay waana la isku tolay.

Allaa mahad leh bukaanadii iminka waa ficanyihiin.

⁉️Casharka

💢Sababaha keena

Qalniin h**e (waa tan ugu badan)
Eerno
Burooyinka/kansarka

Iyo kuwo kaloo badan.

💢Calamadaha

calaamadaha ay macquul ka tahay in uu jiro in xiidmuhu xiranyahy.

Xanuun uur-kujirta ah
Calool majiir
Matag
Qandho
Uur-kujirta oo soo bararta
Neef/ saxaro oo kugu xiranta( calool intaag)

Bales lasoco in xanuuno badani ay dabeecadaas oo kale leeyihiin.

💢Baaritaanka

Waxaana lagu hubin karaa bukaanka oo dhakhtar arka, kumbuyuutar lasaaro, shaybaar laga qaado iyo CT scan lagudaro dawo xidida lagaa siiyo si uu sababaha keenaya u tilmaamo.

💢Daweynata

Waxaa lagu dawynkaraa in 70% lala tacaalo/la daweeyo iyo in la qalo. Hadii dawada iyo la tacaalidu aysan guulaysan, wadada kaliya we furan waxay noqonaysaa qalniin.

💢Kahor tagga

Cun cunnoyinka dufta leh sida Digirta, Soorta, Haruurka, Timirta iyo qudaarta.
Kasaar waxkasta oo laf ah cunadaada.
Sifiican ukari cunnadaada waliba sifican u calali kahor inta aadan laqin.

W/Q Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey

19/11/2023

Allaha ayaa mahad leh nagu guuleeyay Kiiska Bukaan dhalinyaro ah kasoo gaaray Toorey Dhanka Bidix ee Saableyda iyo Uur-kujirta.

Dhawacu wuxuu sababay:

1. In Uurkujirta uu Dhiigo galo ( Hemoperitoneum)
✔️ Waxaa la furay Caloosha waxaana kasoo saarnay 1.5 litir oo Dhiig ah.

2. Beeryaradana ay xididadeedu go’aan ( splenic vessel injury)
✔️ Beeryaradana waa ka saarnay

3. Muruqa kala qaybiya Uurkujirta iyo Saablayda oo dilaacay (Diaphragm rupture)
✔️ dib ayaan ugu dhisnay muruqii dhaawacmay.

4. Xuubka sanbabada ku dahaaran oo Dhiig iyo Hawo gashay( Hemopneumothorax)
✔️Tuubo Ayaan galinay xuubabka sanbabaka dhexdiisa waxaana kasoo baxay kudhawaad 1 Litir.

Qofka BEERYARADA laga saaro waxuu aad ugu nugulyahay INFAKSHANKA ama Caabuqa ka iman kara qaybo kamid ah Jeermiska Bakteeriyada, sidaa daraadeed wuxuu ubaahanyahay in LAGA TALAALO Barkteeriyadaas ama uu qaato Qallajiyaal kahortag ahaan.

Dr. Abdiaziz Ahmed Mohamed , MBBS(China), MRCS(UK).
Bosaso General Hospital.

Ogaysiis! 📳Page Kan waa lajabsaday! Kani waa Page Rasmiga ah Ee Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey. Muddo 60casho gudaheed ah ayuu...
16/11/2023

Ogaysiis!
📳Page Kan waa lajabsaday! Kani waa Page Rasmiga ah Ee Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey. Muddo 60casho gudaheed ah ayuu Magaciisa Rasmiga ah lasoo laaban doonaa, inshallah!

A case of Necrotising Fasciitis caused by perforated appendicitis.Waa Bukaan 43jir, kaasoo ka cabanayay Barar iyo Xanuun...
15/07/2023

A case of Necrotising Fasciitis caused by perforated appendicitis.

Waa Bukaan 43jir, kaasoo ka cabanayay Barar iyo Xanuun dhanka hoose ee midig ee Uur-kujirta muddo saddex todobaad ah. Tobon casho kadib oo Irbado Qalajiyaal ah lagula tacaalayey, bukaanka ayaa yimid Cisbitalka isagoo ka cabanaya Xanuunka oo sii siyaadaya, Bararka oo kusii fidiya Misigta midig, Gumaarka korkiisa iyo Xiniinta midig. CT scan ka la saaray wuxuu cadeeyay in uu jiro Qabsin Dilaacay, Malax iyo Hawo kujirta gudaha uur-kujirta taasoo kasoo talaabsatay xuubabkii ku daboolnaa una soo gudubtay baruurta maqaarka hoostiisa ah. Waxaana ku qeexnay Xanuunkiisa “Necrotising Fasciitis caused by perforated appendicitis” oo ah Qabsin Dilaacay oo Sababay Dhimasahada Xuubabka ku daboolan qabybo badan oo jirkeena ka tirsan.

💥Qalniin dag-dag Ah ayaan u samaynay waxaana ka jarnay qaybihii dhintay ee maqaarka illaa xiniinta midig laga saaray, Qabsinkiina waan ka saarnay. Sikastay ahaataba, Bukaankii waa dhintay Todobbo casho gudahood sababo laxariira Caabuq aad uxun, Nafaqo-darro iyo Xubnaha muhiimka ah ee jirka oo qaybtood shaqadii gabeen.

Waxaynu ka baranaynaa kiiskan , Muhiimada ay leedahay in Xilli-h**e Qabsinka Caabuqay la’ogaado iyo In Qalniin dagdag ah lagu daweeyo xaaladaha noocaan oo kale ah.

Tani waa mid aad uyar oo ka dhalan karta Qabsinka Dilaaca oo aan xilli h**e la garowsan.

Hadii aad isku aragto dhaqnasho uurkujirta ah siiba dhanka midig qaybtiisa hoose, fadlan booqo dhakhtarka kuugu dhow si loo hubiyo.

W/Q Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey

Varicocele/ Gale.Waa cudur kudhaca Xididada dhiiga ka qaada Xiniinta kaasoo sababi Kara in ay Xiniintu yaraato, Xanuun k...
03/05/2023

Varicocele/ Gale.

Waa cudur kudhaca Xididada dhiiga ka qaada Xiniinta kaasoo sababi Kara in ay Xiniintu yaraato, Xanuun keento ama Taranka Ragga saamayso.

Majirto Wax Dawo ah oo dawaysa ama ka hortagta Galaha, laakiin xanuun baabi’inta ayaa laga yaabaa inay xanuunka yarayso, markii loo baahdo Qalniinka ayaa ah midka ugu muhiimsan dawaynta Galaha. Waxaa jirta hab kale oo aan Qalniin ahayn oo la isticmaalo Raajo hagitaankeeda.

Fadlan hadaad isku aragto xiniinta oo ku xanuunta, xargo badan oo isku murgan xiniinta dusheeda ama xiniinta oo ka yar midda kale fadlan booqo dhakhtarkaaga!

W/Q Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey

Address

Bosaso Seaport Road
Bosaso

Opening Hours

Monday 09:00 - 12:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dr. Abdiaziz Ahmed Gurey:

Videos

Share

Nearby media companies