Mustaf Ali Addow

Mustaf Ali Addow Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Mustaf Ali Addow, Kooshin, Beledweyne.

Deg Deg:- Maxk**ada Sare ee Dalka ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku edeysan inuu gub...
18/09/2024

Deg Deg:- Maxk**ada Sare ee Dalka ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Sayid Cali Macallin Daa’uud oo ku edeysan inuu gubay Xaaskiisa

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarado Saakay u socday Baydhabo lagu celiyay Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee lama s...
17/09/2024

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in diyaarado Saakay u socday Baydhabo lagu celiyay Garoonka Aadan Cadde, hayeeshee lama sheegin sababta arrintaas ka dambaysa.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay qaadi rabeen Dad Shacab ah kuwaas oo Garoonka Aadan Cadde ku xarooday Xilli h**e hayeeshee amar ay bixiyeen laamaha Ammaanka ayaa lagu joojiyo Diyaaradahaas in ay Baydhabo tagaan.

Dad kala duwan ayaa arrintaan u aaneenaya khilaafka Koofur galbeed iyo Villa Soomaaliya oo gaaray heerka ugu sareeyay, sababtaasne ay keentay joojinta diyaaradahaan.

Lama sheegin in diyaaradahaan ay raaci rabeen masuuliyiin koofur galbeed ka tirsan balse ilo kala duwan ayaa sheegay in Dad Shacab ah ay ubadanyihii Rakaabka raaci lahaa Diyaaradaha loo diiday in ay Baydhabo tagaan.

Ma jiro war ka soo baxay laamaha Ammaanka iyo Maamulka Garoonka Aadan Cadde ee looga hadlay dhacdadaan.

Hayeeshee Maamulka Koofur Galbeed oo arrintaan ka hadlayne ay sheegeen in aan loo dulqaadan karin in Shacab Baydhabo u socday lagu ihaanaysto Garoonka Aadan Cadde ayna soo wadaan War weyn sida ay hadalka u dhigeen.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre  oo gaaray Baydhabo.Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sa...
11/09/2024

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Baydhabo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar shaqo ku tagay magaalada Baydhabo, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qayb ka ah dadaallada xoojinta wada shaqaynta dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed. Iyada oo laga wada hadli doono dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah AS arrimaha siyaasadda, amniga, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Fahad Yaasiin oo shaaciyay in uu dhammaaday xulafaysigii kala dhaxeeyay Madaxweynihi h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
01/09/2024

Fahad Yaasiin oo shaaciyay in uu dhammaaday xulafaysigii kala dhaxeeyay Madaxweynihi h**e Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Wasiirka Arimaha Dibada ee Jabuuti oo wareysi siiyay BBC NEWS ayaa sheegay in uu dalkiisu siinayo Itoobiya, deked ay 100...
31/08/2024

Wasiirka Arimaha Dibada ee Jabuuti oo wareysi siiyay BBC NEWS ayaa sheegay in uu dalkiisu siinayo Itoobiya, deked ay 100% maamulkeeda leedahay Itoobiya, xadka labada dal wadagaana u jirta wax kayar 100KM, taas oo uu sheegay in ay Jabuuti balan qaadayso.

Maxamed Cali Yuusuf, ayaa sheegay in ay tan u sameynayaan si loo soo afjaro khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna sheegay in MW Geelle ka shaqeynayo xal k**a dambeys ah oo ay gaaran Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo Xassan Sh iyo Abiy Axmed kula kulmi doona dalka Shiinaha si xiisada loo damiyo.

Dhawaaqa Jabuuti ee Yabooha dekeda ay siinayaan Itoobiya ayaa soo baxaya, xili xiisada diblumaasiyada ee Soomaaliya & Itoobiya sare u kacay, oo uu saameeyey daganaanshaha Geeska Afrika.

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka ee kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur galbeed oo Caawa Muqdisho ku kulmay a...
30/08/2024

Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamanka ee kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur galbeed oo Caawa Muqdisho ku kulmay ayaa Banaan bixii Maanta ka dhacay Xudur ku tilmaamay mid looga soo horjeedo Qaranimada Soomaaliya.

Waxa ay sheegeen in Madaxweynaha KGS Cabdi Casiis Laftagareen uu ku kacay Qiyaano qaran oo mudan in lagula xisaabtamo.

Banaannax lagu taageerayo Dowladda itoobiya oo maanta lagu qabtay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,Masuuliyiin ka tirsan ...
30/08/2024

Banaannax lagu taageerayo Dowladda itoobiya oo maanta lagu qabtay Degmada Xudur ee Gobolka Bakool,

Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed iyo qaar kamid ah Bulshada ayaa qeyb ka ahaa Banaanbaxa

Qaar kamid ah Dadkii Banaanbaxa Dhigayey ayaa Dowladda Soomaaliyq ugu Baaqay jneey dhageeysato Rabitaanta Shacabka Degmada Xudur oo ku aadan in loo Daayo Ciidamada Itoobiya oo aysan Dooneeynin Ciidamada Masar.

Puntland:- Gargaarka walaalaha Falastiin ayaa bilaabayaa, iyada oo dhaqaale loo uruurinayo Qasa, kaasi oo ay garwadeen k...
29/08/2024

Puntland:- Gargaarka walaalaha Falastiin ayaa bilaabayaa, iyada oo dhaqaale loo uruurinayo Qasa, kaasi oo ay garwadeen ka tahay culimada.

Dawladda Soomaaliya ayaa Canshuur 5% (VAT) ka qaadaysa Bukaanada adeegyada caafimaad u raadsanaysa Isbitaalada Muqdisho,...
27/08/2024

Dawladda Soomaaliya ayaa Canshuur 5% (VAT) ka qaadaysa Bukaanada adeegyada caafimaad u raadsanaysa Isbitaalada Muqdisho, tan oo kasoo horjeeda dhammaan xeerarka caalamiga ah.

Sidaas oo kale xirfadayaal caafimaad ayaa loo xiray sabab la xariirta in ay Bukaanka ka qaadi waayeen lacagta VAT-ka, degmooyinka Muqdisho qaarkood, taas oo kasoo horjeeda amarkii Golaha XFS.

Ciidamada Ammaanka Puntland  ayaa arbacadii qabtay 5 diyaaradood oo ah kuwa is wada qaadi karana waxyaabaha qarxa, oo lo...
26/08/2024

Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa arbacadii qabtay 5 diyaaradood oo ah kuwa is wada qaadi karana waxyaabaha qarxa, oo loo waday Koonfurta Soomaaliya,

Ciidamada amniga ayaa ku guuleystay in diyaaradahan iswada oo halis badan geysan lahaa, gacanta lagu dhigo, iyadoo 4 kamid ah xadi culus oo qaraxa ay qaadi karaan, halka midna ay muuqaalo meel sare ka duubi karto,

Baabuurtii waday qalabkan oo alaab electric ahaan u qaaday ayaa gacanta lagu hayaa.

The Goat Life:- Filimkaan ayaa adduunka qabsaday, iyadoo dad badan ay la dhaceen daawashadiisa.Sacuudiga ayaa filimkaan ...
25/08/2024

The Goat Life:- Filimkaan ayaa adduunka qabsaday, iyadoo dad badan ay la dhaceen daawashadiisa.

Sacuudiga ayaa filimkaan laga mamnuucay in laga daawado iyo xittaa wadamada Khaliijka.

Madaxweyne Hassan Shiikh "Marmarka qaar waxa dhacda in aan shaqada soo galo subaxdii oo duhurka, casarka, maqrib iyo cis...
25/08/2024

Madaxweyne Hassan Shiikh "Marmarka qaar waxa dhacda in aan shaqada soo galo subaxdii oo duhurka, casarka, maqrib iyo cishe inta aan xafiiska ku tukado aan ku gaaro ilaa salaadda subax ee maalinka labaad.."

"Qiraal iyo qof arkay malahan dilka Sayid-cali lagu eedeeyey inuu geystay  marqaatiyaashina maysan cadeyn,Dab guriga ka ...
24/08/2024

"Qiraal iyo qof arkay malahan dilka Sayid-cali lagu eedeeyey inuu geystay marqaatiyaashina maysan cadeyn,Dab guriga ka kacay ayaa Luul gaaray Qisaas dil ahna k**a imaan karo"

Abuukaate Xalane

Sayid Cali Macalin Daa'uud oo maanta la horgeyndoono Maxk**adda Sare ee dalka.
24/08/2024

Sayid Cali Macalin Daa'uud oo maanta la horgeyndoono Maxk**adda Sare ee dalka.

Xildhibaan Gobsan ayaa hadalkaan ka sheegtay kulankii shalay ay yeesheen mudanayaasha Golaha Shacabka, balse waxaa ka fa...
22/08/2024

Xildhibaan Gobsan ayaa hadalkaan ka sheegtay kulankii shalay ay yeesheen mudanayaasha Golaha Shacabka, balse waxaa ka falceliyey mid ka mid ah dhallinyarada ay ku matasho Baarlamaanka.

Cabsi Xoogan oo la Xiriirta Fataahada Wabiga Shabelle ayaa Maanta ka taagan Magaalada ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib M...
22/08/2024

Cabsi Xoogan oo la Xiriirta Fataahada Wabiga Shabelle ayaa Maanta ka taagan Magaalada ee Xarunta Gobolka Hiiraan kadib Markii uu soo Goostay Kiliga Reer Muudaale oo ku yaallo Duleedka Magaalada,

Dadaalo kala Duwan ayaa Soconaya Taas oo la Xiriirta sidii loo xeri lahaa Biyaha si aysan ugu sii fatihin Xaafadaha Baladweyne.

Wabiga Shabeelle ayaa Sanadihii lasoo dhaafay waxaa uu fataahad uu ka Sameeynayey Beledweyne inkasto ay jireen Dadaalo kala Duwan oo la sameeyey sidii loo xiri lahaa Fatahaadda Balse waa lagu Guul Dareeystay

Duqii h**e ee Degmada Baladwayne Cabdulahi Salaad Kuukay ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka jirta Magaalada Baladwayne...
20/08/2024

Duqii h**e ee Degmada Baladwayne Cabdulahi Salaad Kuukay ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka jirta Magaalada Baladwayne isaga oo sheegay in uu aad ugu xunyahay waxyaabaha ka jira magaalada waqtigaan,

Cabdulahi Salaad waxa uu sheegay in dhibaatooyinka hada ka jira Baladwyne curashodooda ay qeyb ku leeyihiin shacabka Magaalada isaga oo sababeeyay arinkaas,

Waxa uu Sheegay duqii h**e ee Baladwayne in Shcabka ay jaranjaro u noqdaan siyaasiyiin dano gaar ah leh kuwaaas oo aan waxba ka galin dhibka kusoo laabanaya Shacabka,

Sidoo kale Waxa uu sheegay in Dadka reer Baladwayne ay lakala safteen maamulada isdiidan ee ka jira magaalada halkaasne ay ku luntay amnigii iyo kala dambeyntii ay xaqa u lahaayeen in ay dadka helaan,

''Magaalada Baladwayne muddo sanad ah ayey ku jirtaa qalalaasaha qaybta ugu Wayna Waxaa is ka leh shacabka magaalada oo dhibaatada qayb ka ah''

Waxa kale oo uu sheegay in siyaasiyiintii maanta meesha ay joogto baladwayne dhigay midkoodna uusan ku noolayn magalada dhibkane uu shacabka kusoo Laabtay,

''Siyaasiyiintii dhibkaan galiyay magaalada qaarkood Xamar ayeey ka aaden qaarna wadankaba ma joogaan Hal qof oo siyaasiyiintaas Kamid ah oo dhibaato gaartay majiro, dilka, dhaca iyo boobka waxa uu u gaaryahay waa shacabka reer Baladwayne'' Ayuu ku yiri Hadalkiisa Cabdullahi Salaad,

Cabdullahi Salaad oo Kusugan magaalada London oo waraysi siiyay waraabinta Hiiraanweyn ayaa sheegay in baladwayne ay ubaahantahay in hal maamul looga dambeeyo kaasi oo lagula Xisaabtamo Duruufaha soo wajaho shacabka,

2-bishii March ee sanadkaan maamulka Hirshabelle ay u magacaabay duqa degmada Baladwayne Cabdullahi Salaad muddo 3-bilood ah oo uu hayay xilkaas ka dib 2-bishii June ee sanadkaan ayuu xilka ka qaaday wasiirka arrimha gudaha maamulka Hirshabelle markaas ay isku qabteen Lacago maamulka uu kusoo rogay ardayda fasalka 8-aad ee dugsiga dhaxe.

Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray xaalado adag oo dhinac walba leh, W...
19/08/2024

Magaalada Baladwayne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa bilihii lasoo dhaafay ka jiray xaalado adag oo dhinac walba leh, Waxaa magaaalada ka jiray falal amni darro waxaana bulshada magaaalada ay dareemayeen culesyo kala duwan oo gudaha iyo banaankaba leh.

Waxaa caadi ka noqday Dilka, Dhaca, Kufsiga iyo Isbaarooyin lasoo tubay wadada xariirisa Baladwayne iyo goboladda dhaxe ee dalka.

Majiro maamul kusoo baxay waxyaabaha foosha xun ee kajira magaalada gudaheeda iyadoo shacabka ay gaareen heer ay lasoo baxaan hubkooda si ay isaga celiyaan buracada dhaceysa xoolahooda iyo naftooda.

Dhalinyarada xaafada Xaawo-taako ee Baladweyne oo Hubkooda lasoo baxay ayaa sheegay in dadka aysan garanaynin meel laga soodiray ay ka difaacanayaan caruurtooda iyo maalkooda.

Mid ka mid ah dhalinyarada xaafadda oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in koox burcad oo dooneysay in ay dhacaan ay ku rideen shan xabadood si taleeefankiisa looga dhaco kadib markii uu isku dayay in uu ka difaacdo maalkiisa.

”Anigaan kula hadlaayo Ayaa Shan Xabadood leeygula riday Taleefankaaga keen Darteed isku adkayn aan isku adkaynaayo ayaa shan xabadood leygula riday kadib Waxaan go.aansaday inaan iska dhiibo Taleefankayga maaadama inaan dhinto aysan kala jeclayn Burcadda ”
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in aysan garanaynin Burcaddaan halka ay ka yimaadeen isagoo sheegay in ay is yaqaanan dhalinyarada kunool xaafada Xaawo-taako.

”Dadkaan maalkeena iyo Nafteena Qatarta ku ah manaqaano meel ay ka yimaadeen dhalinyarada xaafadane way is garanayaan inta badan” ayuu sii raaciayay hadalkiisa”
Dhalinyadaan ayaana sheegay in ay sii wadi doonan sugidda amniga xaafadda inta ay ka helayaan Hay,ado lawareega amniga guud ee maagaalada Baladwayne.

Todobaad kahor ayeey ahayd markii gudoomiye Kuxigeenkii maaliyada Degmada Baldwayne lagu dilay afaafka h**e ee guriga uu ka deganaa Magaaladda.

Walaaca shacabka Magaaladda Baladweyne ay ka qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle shan bilood ka dib ayaa ah mid a...
19/08/2024

Walaaca shacabka Magaaladda Baladweyne ay ka qabaan fatahaad uu sameeyo wabiga Shabelle shan bilood ka dib ayaa ah mid aad u sareyso seddexdii maal mood ee lasoo dhaafay,

Walaaca ay qabaan Shacabka Magaaladda waxaa kula lamaaneysan dadka beeraleydda ah oo xiligaan dalag aanan gaarin xiligiis goysmadda ay beeraha u saaran yihiin,

Deegaanka Bur’ukur ee DDS ayaa laga soo sheegayaa in laga arkay hoos u dhaca biyaha wabiga uu wado taas oo hoos u dhigi karta cabsidda shacabka magaaladda iyo tacbatadda,

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa Warbaabinta u sheegay in haddii todobaad gudihiisa uu kusoo gaaro laga wabiga laga badbaadi doono barakac iyo khasaaro ay la kulmaan beeraleydda waxaase uu carabka u adkeeyay in cabsi xoogan ay ka qabaan fatahaadda wabiga.

18/08/2024

Nuxurka Go'aanka Dowlada ee Cabashadii Bajaajleyda.

Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5 halka markii h**e cel celis ahaan 200 ay gaari jirtay.

Hadii uu leysinka kaa dhaco 32 Dolar ayaa lagu cusbooneysiina hadii uu lumana 20 Dolar.

Mudada dhicista Leysinka oo markii h**e aheyd sadex sano waxaa laga dhigay 5 Sano.

Lacagti Waraaqda Caafimadka waxaa laga dhigay 15 tan iskool wiidadana waxaa laga dhigay 40 Dolar.

Sideed u aragtaa?

15/07/2024

Shirka wadatashiga Beel Weeynta Xasan Maxamed oo Ka Furmay Magaalada Baladweyne.

Shirweeynaha wadatashiga Beelweynta Xasan Maxamed ayaa Maanta si Rasmi ah ugu Daah furmay Magaalada Baladweyne ee Xarunt...
15/07/2024

Shirweeynaha wadatashiga Beelweynta Xasan Maxamed ayaa Maanta si Rasmi ah ugu Daah furmay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan,

Shirkan Ayaa Maalmaha soo socdo ka socon Doono Magaalada Baladweyne waxaana lagu turxaan Bixin Doonaa mad madoowga ka dhax jira Beesha,

Odayaasha dhaqanka, Waxgarad dhalin yarada Culima udiinka oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay ineey Aad ugu faraxsan yihiin Shirkaan inu Furmo, maadama sanadihii lasoo Dhaafay aysan shirin Beesha.

02/07/2024

Documentary

Shirkii Wadatashiga Beesha liibaan Dhuub oo kamid ah Beelweynta Xuseen Maxamed

02/06/2024

Duqii Magaalada Baladweyne ee Xilka laga qaaday oo faah faahiyey Sababta Hirshabelle ay Xilka ugu qaaday,

Cabdullaahi Salaad oo Sadax Bilood kohor loo magacaabay inuu Noqdo maayarka Magaalada Baladweyne ayaa Maanta Xilka laga qaaday Kadib Maalmihii ugu Dambeeyey uu Maamulka ku dhaliilayey Wax qabad la'aan iyo Dhibaatooyin ka Jira Magaalada Baladweyne,

Cabdullaahi Salaad ayaa Maanta Bartiisa Facebooka waxaa ku edeeyey Wasaarada waxbarashada Maamulka Hirshabelle in Arday dhigata Fasalka 8-aad ee Dugsiga dhexe in lacago Xad dhaaf ah laga qaado,

Cabdullaahi ayaa sheegay 25$ laga qaado Halki arday taasi uu sheegay in Hadane aysan helin Adeeg wax barasho oo dhameeystiran lacagtaasine ay tahay Xaaraan,

Sidoo kale Cabdullaahi Salaad ayaa Dhinaca kale Hay'adaha ku eedeyey in dhalinyaradii Gobolka aysan wax Fursad u sinin Shaqooyinka taasi uu sheegay in Muhiim ay tahay in lala Xisaabtamo,

Dadka ka hadla Arimaha siyaasada ee Gobolka Hiiraan ayaana qaba Atagtida ah in Cabdullaahi sababta Xilka looga qaaday ay tahay Dhaliilaha uu Maalmihii ugu Dambeeyey u jeedinayey Maamulka Hirshabelle.

Journalist

Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullahi Maxamed Cali Sambalooshe oo ka qeeyb Galay ...
31/05/2024

Taliyaha Hay'adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed Cabdullahi Maxamed Cali Sambalooshe oo ka qeeyb Galay Shir ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Dhibaatooyin kala Duwan ay wajahayaan Dadka ku nool Gobolka Hiiraan,

Sambaloolshe ayaa soo hadal qaaday Amni Xumada ka Jirta Magaalada Baladweyne isagoona sheegay ineeysan Jirin maamul si toos ah ugu Arimo Magaalo Madaxda Gobolka Hiiraan ee Baladweyne,

Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Beesha uu kasoo jeedo ayuu ugu baaqay Midnimo iyo Wadajir,

Hadalka Sambalooshe ayaa kusoo aadaya Xilli Baladweyne ay ka jiraan Maamulo is diidan kuwaasi oo kala ah Hirshabelle iyo Hiiraan State.

Beesha Nuur Samatar oo Kamid ah Beelaha Xawaadle ayaa Maanta Salaan wexeey ugu tageen Ugaas Yuusuf ugaas Xasan Ugaas Kha...
19/05/2024

Beesha Nuur Samatar oo Kamid ah Beelaha Xawaadle ayaa Maanta Salaan wexeey ugu tageen Ugaas Yuusuf ugaas Xasan Ugaas Khaliif,

Beeshan ayaa waxa ay sheektay ineey Markasto u Hogaansan tahay talooyinka iyo dhaqanka Soo Jireenka ah ee ay Lee yihiin Beelaha Xawaadle,

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas khaliif ayaana uduceeyey Beesha Nuur Samatar waxaana uu kaga mahad Celiyey sida ay usoo Booqdeen.

18/05/2024

Barakac ka Billowday Magaalada Baladweyne.

17/05/2024

Beesha Xasan Maxamed oo kamid ah Beelaha Xawaadle Ayaa Salaan ugu tagay Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

DEG:DEG:-Maxk**adda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud ku xukuntay dil toogasho ah.
15/05/2024

DEG:DEG:-Maxk**adda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa'uud ku xukuntay dil toogasho ah.

13/05/2024

Daawo Muuqaal Qurux Badan Duubka Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

Address

Kooshin
Beledweyne
252

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mustaf Ali Addow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share