Ebrahim Adam

Ebrahim Adam Adoo dhaxal reebi karo, ha noqon dhinte aan latbin. https://t.me/ibrahimgedi.

إِنَّا ِلِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ.إن العين تدمع وإن القلب ليحزن ولا نقول إلا ما يرضي ربنا. توفي مولانا ومربي...
20/07/2024

إِنَّا ِلِلَّٰهِ وَإِنَّا إِلَيْهِ رَاجِعُونَ.
إن العين تدمع وإن القلب ليحزن ولا نقول إلا ما يرضي ربنا.
توفي مولانا ومربينا الشيخ عثمان بن شيخ عمر (شيخ عثمان حدغ)، لفقدَت الأمة الإسلامية جبلا من جبال العلم ونجما من النجوم التي كان يهتدي بها.

رحمه الله تعالى رحمة واسعة واسكنه فسيح جناته مع النبيين والصديقين والشهداء والصالحين وحسن أولئك رفيقا.

Innaa lillaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Waxaa Geeriyooday Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan xidig)
Geerida Waa Xaq ee Rabbi ha u-naxariisto Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan Xidig).

wuxuu Ahaa Shiikh Cusmaan Shiikh Cumar Shiikh Daa'uud (Shiikh Cusmaan xidig) ahlu diin cibaado badan Oo daaci ah Rabbi ha kaa-abaal Mariyo.

Qoyskii Iyo Axaabtii uu Ka geeriyoday sabar Iyo imaan Rabbi haka Siiyo. Anagane gadaashiis Rabbi ha inaga dhowro Fidno.

---Aamin Aamin Aamin.---

Ma u baahan tahay xikmado gaagaaban oo aad u adeegsan karto, fagaara kahadalka? Hadaba hadii jawaabtaada ha tahay raac  ...
23/05/2024

Ma u baahan tahay xikmado gaagaaban oo aad u adeegsan karto, fagaara kahadalka? Hadaba hadii jawaabtaada ha tahay raac -kaan .

Qaybta 1aad: Walaalaha waa saddex jaraanjaro: 1. Walaal sida qadada ookale ah oo aan laga maarmin, 2. Walaal sida daawada ookale ah oo mar mar ayaa loo baahdaa, 3. Iyo Mid cudur ah oo aadan u baahneen waligaa.

12/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Ramadaan mubaarak

Ugu horrayn qof waliba oo nagamid ah waa in uu isku dayaa bishan Ramadan in uu sameeyo dadaal kabadan dadaalkii uu sameeyay ramadaankii h**e dhanka cibaadadda.

*Iskuday inaad raacda talooyinkaan*

1. Iskuday in aad iska yarayso amaba aad joojiso waxyaabaha maaweelada ah ee qofka ka mashquulin karo,
• in uu akhriyo qur'aanka kariimka,
• in uu salaadaha sunuuyinka ah dukadu,
• in aad badiyo saliga nabiga( صلى الله عليه وسلم ),
• iyo waxkasta oo aad Alle ugu dhawaanee.

Wax yaabahaa haday ahaan lahaayeen wax aad ku cayaarto, ama aad daawato, amaba wax aad dhagaysataba.

2. Waa in aad isku daydaa in aad wax ka xifdiso qaybo kamid ah Qur’aanka Kariimka ah intii aad awoodo islamarkaana waa in aad u samaysataa jadwal waqtiyaysan oo aad raacdo.

3.Hadii aad tahay ruux Qur’aanka xifdisan waa in aad isku daydaa in aad wax ka barato Tafsiirka Qur’aanka Kariimka intii aad awoodo.

4. Wax ka baro ducooyinkii Nabig ( صلى الله عليه وسلم) uu ku ducaysan jiray iyo adkaartii uu aqrisan jiray.

5.Noqo qof umada u adeega caawiya qaasatan reerkaaga, dadka tabaaleeysan.

6.Ha badsan raashinka xiliga afurka waayo waxay sabab u noqon kartaa salaada taraawiixda in aad ka caajisto, sidoo kale haka seexan suxuurta waayo barako ayaa ku jirta suxuurta.

Alle ha inaga aqbalo acmaasha ramadaanka. Lawadaag asxaabtaada.

Share dheh page-ka Ebrahim Adam sidookale like saar qormada.
Ku soo biira barteena telegram.👇
https://t.me/ibrahimgedi

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi. Ramadan mubaarak. Afurka kadib waxaan idinla wadaagi doonaa qormooyin ku soobsan ram...
12/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Ramadan mubaarak.

Afurka kadib waxaan idinla wadaagi doonaa qormooyin ku soobsan ramadaanka ee aan isla soconno. Kusoo biir barteena telegram.👇 https://t.me/ibrahimgedi.

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.Aniga oo mashquulkeyga badan yahay haddane sidaa oo ay tahay waxa aan idinla wadaagi ...
07/03/2024

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Aniga oo mashquulkeyga badan yahay haddane sidaa oo ay tahay waxa aan idinla wadaagi doonaa axkaamta soonka. Tusaale: Waajibaadka soonka, waxyaabaha kaa jabiya soonka, waxyaabaha loo sunneeya qofka sooman, iyo waxkasta ( Mas'alo kasta) oo aad ugu baahan tahay soonka. Isla socod wanaagsan.

Adigane ugu dadaal waxyaabaha aan soo dhigo si ay dadka ugu faa'ideeystaan.

إِنَّـا لِـلَّـهِ وَ إِنَّـا إِلَـیْـهِ رَاجِـعُـونَ.کـلُّ مَـنْ عَـلـیـهـا فَـان وَ یـبـقَـی وَجْـهُ رَبَّـک ذوالـجـلال...
20/11/2023

إِنَّـا لِـلَّـهِ وَ إِنَّـا إِلَـیْـهِ رَاجِـعُـونَ.
کـلُّ مَـنْ عَـلـیـهـا فَـان وَ یـبـقَـی وَجْـهُ رَبَّـک ذوالـجـلالِ والاکـرامِ.
Waxaan muragada laqaybsanaa saaxiib-keey
aadka iigu qaaliga ah ee ah Abdifitah Muuse Maxamuud, oo hooyadii maanta geeriyootay.

Runtii waa geeri aad u xanuun badan, ee sabar iyo iimaan Alle ha ka-siiya; Ehel, Qaraaba iyo Asxaabba. Abdifitaaxoow saaxiib, Hooyo Alle ha unaxariisto naxariistiisii Janno.

اللهم أظلها تحت عرشك يوم لا ظل الا ظلك ولا باقي الا وجهك.
اللهم بيض وجهها يوم تبيض الوجوه وتسود وجوه.
اللهم وثبت قدمها يوم تزل فيه الأقدام.
اللهم اسقها من حوض نبيك محمد صلى الله عليه وسلم شربة هنيئة مريئة لا يظمأ بعدها أبدا.
اللهم ابني لها بيتا في الجنة واجعل ملتقانا بهم هناك.
اللهم ارحمها واغفر لها وانظر اليها بعين لطفك وكرمك يا أرحم الراحمين .

21/10/2023

Soomaaliya Caalim M***i ah Malaga heli karaa? Si dalka u yeesha M***i warkiisa lamaqlo.

Anigaa marka meela badan ka fiiriyay, meela kula duwan ee Soomaaliya kamid ahne tagay, xitaa social media-ha fiiriyay culimada wax ku soo gudbiyo, umaleey-maayo in laga helaa.

Sababtoo ah; M***i waxuu leeyahay shuruudo, shuruudahaas waxaa kamid ah in qofka culimada ah ee mas'alo laweeydiiyo, waa inuu yaaqaanaa culuumtaan 10-ka ah.
1. Inuu cilmiga si-qotan dheer ugu hadli karo
من العربية جميعا إلى الكتاب وعلومه والحديث وعلومه والأحكام والتصوف، حتى المادى.
2. Inuu yaqaano,
علم المناظرة والبحث.
3. Inuu yaqaano,
علم الأذاب.
4. Inuu yaqaano,
علم النفس وأيضا علم الصلح.
5. Inuu yaqaano,
علم الأسلوب والسياسة.
Sababtoo ah dad siyaasiyiin ayaa kuu imaadaa waxeyna wax kuu weydiiniyaan qaab siyaasadeeysan, waa inaad fahmi kartaa.

6. Inuu yaqaano,
علم التواريخ.
7. Inuu yaqaano,
علم السير.
8. Inuu yaqaano,
علم الحساب.
9. Inuu sifiican u yaqaano,
علم التواريث.
10. Inuu yaqaano,
علم الطبِّ.
Marka ilama ahan in Soomaaliya laga helaa, qof sidaas ah.

19/10/2023

𝗢𝗴𝗲𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀 𝗢𝗴𝗲𝗲𝘆𝘀𝗶𝗶𝘀.

Inshaa Allah, maalinta Khamiista iyo maalinta Jimcaha waxaan idiin soo gudbin doonaa qormooyin ku saabsan Fahamka islaamka.

Halka maalmaha-kalane, idiin soo gudbin doona, qormooyin ku saabsan Astaamaha qoraalka ee afka Soomaaliga iyo Wacyigilinta bulshada.

,
Page-kaaan👉 Ebrahim Adam.
🕔2:00PM,( siddeed saac oo duhurnimo).

17/10/2023

ياحكَّام العرب، الي متي هذا الصمت؟ عن قدية فلسطين 🇵🇸.





15/10/2023

Waxaan sameeyn doonaa qormooyin maalin-la' ah, oo waliba soo jiidasho leh. Sida: Astaamaha qoraalka, Wacyigilinta bulshada soomaaliyeeed, Fahamka islaamka, iyo Qadiyadda Falastiin.

F.g. Qormooyinkaan waxeey noqon doonaan kuwa xaqiiqda ku-saleeysan, ee aanan noqon doonin kuwa si fudud loo dhahay.

Nagu soo biir oo page-ka, .

08/10/2023

𝐗𝐞𝐞𝐫𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐗𝐚𝐫𝐚𝐟-𝐤𝐮-𝐃𝐡𝐞𝐠.

Qeybta 1ªªD ee xeerarka.

1. Xaraf 𝐖𝐄𝐘𝐍 ku bilow magacyada Illaahay (SW), mar kasta.

𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞:

• 𝐈llaahoow noo gar-gaar! Aamiin!
• 𝐉abbaarow dunidan 𝐀diga ayaa iska leh. Cid aan 𝐀diga ahayna k**a taliso.
• Marxuumka waxaanu 𝐄ebe uga baryaynaa in uu u naxariisto.
• Nimcadaada nagu manayso 𝐑axmaanoow.
• Waar 𝐈llaahay ka yaaba!
• Yaa 𝐑axmaan! Yaa 𝐂asiis! Yaa 𝐌aalik!
𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧: Marka aad qorayso magac-u-yaal, ama erey tilmaamaya, Illaahay (SW), laakiinse aan ka mid ahayn magacyada Illaahay (SW), ku bilow Xaraf Weyn

𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞:

𝐑abiyoow noo naxariiso, 𝐀diga ayaan ku magan-galaye. (U fiirso: ereyga “Adiga” waxaan ku bilaabay xaraf weyn; sababtoo ah, waxaan ka hadlayaa waa Illaahay [SW]. Marka aad ka hadlayso Illaahay, magac-yadiisa, iyo erey kasta oo tilmaamaya Illaahay, waxaad ku bilowdaa xaraf WEYN. Waa ixtiraam iyo weyneyn lagu muujinayo awooda Illaahay [SW]). Laakiin, marka aad qorayso macag-u-yaal aan ahayn Illaahay, waxaad ka dhigaysaa xaraf-yar).
• 𝐈llaahay (SW) umadiisa 𝐈saga ayaa u kala cadaalad qaadaya. 𝐄ebow, aniguna waxaan ku kalsoonay 𝐀diga cadaaladaada. (𝗨 𝗳𝗶𝗶𝗿𝘀𝗼: ereyga “Isaga” [oo ah magac-u-yaal tilmaamaya Illaahay], oo weliba ku jira badhtan-ka qoraalka, waxaan ku bilaabay xaraf-weyn; sababtoo ah, waa magac-u-yaal tilmaamaya Illaahay).

2. Xaraf 𝐖𝐄𝐘𝐍 bilow weedhaha dhamays-tirran. (Weedhaha dhamayska-tirrani waxaa weeye: weedho ka kooban ereyo dhowr ah oo micne buuxana samaysanaya “sentence”).

𝐓𝐮𝐬𝐚𝐚𝐥𝐞:

• 𝐌aanta waxaan tegay suuqa.
• 𝐖axaan ahay arday dhigta jaamacada.
• 𝐈minka guriga ayaan joogaa.
• 𝐁errito waxaan u safrayaa Magaalada Burco. 𝐊a dib waxaan tegayaa Magaalada Laas-caanood.
• 𝐇ay’addaha samo-falku wadankeena aad ayay ugu badan-yihiin. 𝐌a faa’iido ayay inoo leeyihiin? 𝐌ise khasaare ayay inoo leeyihiin?
• 𝐖axaa la yidhi, “𝐃oqon hana-gar-gaarsan, hana-u-gar￾gaarin.”

• 𝐃ugsiyada wadanka wax-barashadoodu miyey hoosaysaa? 𝐌ise way saraysaa? 𝐌ise waa dhex-dhexaad? 𝐒haqadu waa sharaf. 𝐖aa in aad shaqaysataa.

𝐃𝐢𝐠𝐧𝐢𝐢𝐧: Hadii qoraalka aad ku bilaabayso “lambar” (sida 3, 4, 5, 18, iwm), waxaad u qortaa xarfo-ahaan, ha u qorin lambar-ahaan).
𝐒𝐀𝐗 : Shan gaadhi ayaanu kiraysanay.
𝐊𝐡𝐚𝐥𝐚𝐝: 5 gaadhi ayaanu kiraysanay.
𝐒𝐀𝐗: Laba-iyo-siddeetan qof ayaa kasoo qayb-galay shirkii maanta.
𝐊𝐡𝐚𝐥𝐚𝐝: 82 qof ayaa kasoo qayb-galay shirkii maanta.
3. Xaraf 𝐖𝐄𝐘𝐍 ku bilow magac-yadda.
Tusaale:

• 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚 𝐝𝐚𝐝𝐤𝐚.

° Ardaygan cusub magiciisa waxaa la yidhaa 𝐂ali, 𝐗asan, 𝐃eeqoow, anigana magacayga waxaa la yidhaa 𝐄brahim 𝐀dam 𝐆edi.
° Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mud. 𝐗asan 𝐒heikh 𝐌axamuud( 𝐃alxoreeye.) ° Nabigeenii suubanaa ee 𝐌axammed (CS).

Lasoco qeybta xigta ee tusaalooyinka.

06/10/2023

CASHIRKII 1ªªD EE ASTAAMAHA QORAALKA EE AFKA SOOMAALIGA AH. WAXAA UGU HOREEYO ASTAANTA 1ªªD EE AH: "𝑿𝑨𝑹𝑨𝑭-𝑲𝑼-𝑫𝑯𝑬𝑮."
(𝑿𝑨𝑹𝑭𝑨𝑯𝑨- 𝑳A-𝑾𝑨𝑾𝑬𝒀𝑵𝑬𝑬𝒀𝑨.) SIDA: 𝑩, 𝑻, 𝑱, 𝑿.

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

XARAFKA LA WEYNEEYO WAXAA luqada Ingiriisida lagu yidhaahdaa: “capital letter.” Hadaba si loo helo erey u dhigma “capital letter” oo af-Soomaali ah, waxaa lagama-maar-maan noqotay in la sameeyo erey-bixin cusub. Ereyga u dhigma “capital letter” ee af-Soomaaliga ahi waxaa weeye “xafar-ku-dheg.” Erey bixintanna waxaa la wakhtigii dowladii h**e ee Soomaaliya. Xaraf-ku-dheg micnihiisu waxaa weeye: xaraf ka weyn xarfaha kale ee ka h**eeya, ka danbeeya, ama uu ku-dhex-jiro; xarafkaas oo ka dhex-muuqda xafaraha kale, una muuqda inuu khadka qoraalku “ku-dheggey.” Waxaa suurto-gal ah in la helo erey kale oo kagasii haboon ereyga “xaraf-ku-dheg.” Waxaana layiraahdaa “xarfaha-la-waaweyneeyo.” Labadaas erey ee “xaraf-ku-dheg” iyo “xarfaha la weyneeyo” isku si ayaynu ugu isticmaalaynaa qoraalkeena. Waxaan uga jeedaa, marka aad aragto ereyga “xaraf-ku-dheg” waxaan uga jeedaa “xarfaha-la-weyneeyo.” Sidoo kalena, marka aad aragto “xarfaha-la-waweyneeyo,” waxaan uga jeedaa “xaraf-ku-dheg.”
Marka wax la qoraayo, waxaa jira xarfo-la-waa-weyneeyo iyo xarfo-la-yar-yareeyo. Xarafka la weyneynaayo la’isk**a weyneeyo; laakiin, waxaa jira sababo iyo ujeedooyin loo weyneeyo. Marka xarfaha la weyneeyo, waxay tilmaamaan, ama ay asteeyaan, micne-yaal kala-duwan oo aad u muhiim ah. Sababaha ama ujeedooyinka xarfaha loo waaweyneeyo waxaynu ku sharixi doonaa tusaalooyinka soo socda.

Hadii xarfo la-weyneeyo aad ka dhigto xarfo yar-yar, ama xarfo ay tahay in la yar-yareeyo aad ka dhigto xarfo waa-weyn, waxaa si khaldan loo fahmayaa ujeeddada qoraalkaaga. Micnaha qoraalkaagu wuu is-bedelyaa, oo micnihii aad u jeeday wuu bedel-mayaa. Tan kale, waxaa qoraalkaaga laga arkayaa in aad tahay qof aan aqoon u lahayn xeerka astaamaha qoraalka. Marrarka qaarkood ayaa waxaan arkaa qoraalo uu ciwaankoodu isoo jiito; waxaanan jeclaystaa in aan akhriyo qoraaladaas. Laakiin, marka aan arko in qoraagu si khaldan u isticmaalay xeerka astaamaha qoraalka, markiiba waan joojiyaa in aan sii akhriyo qoraalkaas. Sababta aan u joojiyaana waxaa weeye: mar hadii aanu qoraagu garanaynin-ba isticmaalka xeerka astaamaha qoraalka, aqoon kale oo aan kasii faa’iidayaa in aanay jirin. Taas micnaheedu waxaa weeye: isticmaalka xeerka astaama qoraalka waxaa laga dheehdaa aqoonta uu leeyahay qoraagu.

Lasoco qeybta 1ªªD tusaalooyinkeeda.

F.g: Qoraalada inta badan, qorayaal soomaaliyeeed buugtooda ayaan ka soo xigtay.

05/10/2023

RAALI-GALIN IYO OGEEYSIIS.

Sababa dhacay aawgeed, waan idinka raali galinaa inoow baaqday cashirkeenii balantu eheed inaan baahino caawa 9:00PM. Inshaa Allah, barri 8:00am inoo balan ah.
Jumco kariim ah, asxaabteyda qaaliga ah.

05/10/2023

9:00PM, FILO CASHIRKII 1ªªD EE ASTAAMAHA QORAALKA EE AFKA SOOMAALIGA AH. INSHAA ALLAH.

Inaad wax ka faaiidi doon taan waa rajeynaa, ee la siiwadaag asxaabtaada, si ay iyagane ugu faa'ideeystaan.

HORUDHACA MOWDUUCEENA EE  AH " ASTAAMAHA QORAALKA EE AFKA SOOMAALIGA AH."SABABAHA IGU KALIFAY MUDUUCAAN INAAN KA HADLO, ...
25/09/2023

HORUDHACA MOWDUUCEENA EE AH " ASTAAMAHA QORAALKA EE AFKA SOOMAALIGA AH."

SABABAHA IGU KALIFAY MUDUUCAAN INAAN KA HADLO, QISADAAN AYAA KA MID AH.

Bismillaahi al-raxmaani al-raxiimi.

Waxaa jirta qiso dhab ah oo dhacday, oo ku tusaysa dhibaatada, iyo khasaaraha, ka-dhasha marka si-khaldan loo isticmaalo xeerrarka astaamaha qoraalka. Qisaddan aan halkan ku
sharixi-doono, wuxuu qoraagu si khaldan u-isticmaalay astaanta
hakad ( , ). Qoraaga warqada qoraayey wuxuu meel khaldan geliyey
astaanta hakad, waxaanay sababtay in lagu toogto (oo la-dillo) nin
aanay ahayn in la-dilo.
Qisadan waxaa luqada Ingiriisiga lagu magacaabaa: “The Comma that Killed the Man,” oo micnaheedu yahay, “Hakad-kii Ninka Dilley.” Qisaduna sidan ayaydhacday:
"Waxaa jiray laba ciidan oo dagaalamaayey. Ciidamadii mid
ka mid ah ayaa waxay qabteen nin kasoo jeeda ciidankii ay ladagaalamayeen.
Sarkaalkii qabtay ninka maxbuus-ka ah ayaa la xidhiidhay sarkaalkii kasii sareeyey oo jooga meel u jirtaa qiyaastii 500 Kiiloomitir. Wuxuu waydiiyey siday u waxay ka yeeli lahaayeen ninka maxbuuska ah ee ay hayaan. Sarkaalkii ka-sareeyey ayaa usoo jawaabay. Wuxuu usoo qoray warqad ay ku qorantay: “Kill him not, wait for me.” Micnaheeduna yahay: “Ha dillin, ee ila sug.” Sarkaalkii warqada loosoo diray wuu fahmay, ninkiina muu dillin, ee wuu xidhay uun, waxaanu lasugaayey ammar danbe oo kasoo baxa sarkaalka sare.

Muddo ka dib ayaa sarkaalkii ninka maxbuuska ah hayey lagu amray in uu ninka maxbuuska ah u gudbiyo xero ciidan oo meel kale ku-taal. Wuxuu sarkaalkii go’aansaday in uu ninka
maxbuuska ah u gudbiyo xeradii ciidanka ee kale. Warqadii h**e ee loosoo qoray—ee ay ku qornayd “kill him not, wait for me”—
way ka luntay sarkaalka. Laakiin, sarkaalku wuu xasuusnaa ammarkii la siiyey. Sidaa awgeed, wuxuu sarkaalkii go’aansaday inuu isagu warqada gacantiisa ku qoro si uu amarkii h**e ee la psiiyey ugu sheego sarkaalka cusub ee uu maxbuuska u
gudbinayo. Wuxuu qoray amarkan: “Kill him, not wait for me.” Taas oo macnaheedu noqonayo: “Dil ninka, hayla sugin.”
Hadii aynu is bar-bar-dhigno labadii amar (ama fariimood)
ee labada warqadood ku kala qornaa, sidan ayay noqonayaan:
Sarkaalkii koowaad: “Kill him not, wait for me.”
“Ha dilin, ila sug.”
Sarkaalkii Labaad: “Kill him, not wait for me.”
“Dill ninka, hayla sugin."
Ma aragtaa kala-duwanaanshaha u dhexeeya labada
qoraal? Sarkaalka kowaad meesha uu hakad-ka geliyey, iyo
sarkaalka labaad meesha uu hakad-ka geliyey ayaa sababtay in
micnihii fariintu is-bedesho, sidaana ninkii lagu dillo. Sarkaalka
koowaad wuxuu hakad-ka galiyey meesha ka danbaysa
kelmeda “not,” sarkaalka labaadna wuxuu hakad-ka galiyey
meesha ka danbaysa “him,”. "
Dhibta waxaa keenay, sarkaalka labaad oo aan aqoon u lahayn xeerka astaamaha qoraalka; waxaanu aqoon u lahayn
meesha ku haboon ee uu hakad-ku galo.
Sheekdani waxay ina tusaysaa khatarta iyo is-fahan-waaga ay keento marka uu qoraagu si khaldan u isticmaalo xeerka astaamaha qoraalka. Dhibaataduna kuma koobna in hakad-ka oo kaliya si khaldan loo isticmaalo; laakiin, marka astaamaha qoraalka dhamaantood si khaldan loo isticmaalo, dhibaatadu way dhacdaa.
Xeerka astaamaha qoraalka oo qofku si khaldan u isticmaalo (ama aanu isticmaalin) waxay keentaa:
1. in ay ka dhalato khatar, ama khasaare, aad u wayni,
2. in shaqo uu qofku dalbaday uu ku-guul-daraysto; sababtoo ah, qoraalkiisa ama qoraalkeeda oo khaldan owgii (sida aynu ku aragnay labada tusaale ee kor ku xusan),
3. in aan la-fahmin qoraalka micnihiisa,
4. inuu qofku fikradiisa, ama dooddiisa, u gudbin-kariwaayo bulshada inteeda kale,
5. in sumcada qofku hoos u-dhacdo oo loo arko qof aan aqoon-lahayn,
6. inuu qofku dareemo niyad-jab iyo kalsooni-darro,
7. inuu qofku ka-qajilo (ku dhici-waayo) in uu wax-qoro,
8. inuu qofku ku noolaado canaan iyo is-ciil-kaanbi.( joogta ah.)

F.G. Gaarsii ( u share-geeray ) walaalkaa ama walaashaa, si ay ugu cibra qaataan oo ay u bartaaan astaamaha qoraalka ee afka soomaaliga ah. 👉 Ebrahim Adam

Address

Hiiraan
Beledweyne

Opening Hours

Monday 07:00 - 21:40
Wednesday 07:00 - 22:30
Thursday 07:00 - 22:30

Telephone

+252617159900

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ebrahim Adam posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ebrahim Adam:

Videos

Share