Moha Ali Macqulsome

Moha Ali Macqulsome Kusoo Dhawaaw Gacmo Furan Halkaan Waxaa Ka Heleysaa Wararkii Ugu Dambeeyay Siyaasada Sportska

Ciidamo Oo Hogaaminayo Xildhibaan Col.Xaadoole Oo la Wareegay Degaanada Kala ah 1:Cadanlaxey2:maxa saciid3:ceel maraweyn...
04/11/2022

Ciidamo Oo Hogaaminayo Xildhibaan Col.Xaadoole Oo la Wareegay Degaanada Kala ah

1:Cadanlaxey
2:maxa saciid
3:ceel maraweyne
4:ceel gaab
5:reer hirigkey
6:nuur dugle hada ku Sugan Yihiin

Kooxdii Khawaarijta Ayaa Iskaaga Caray Degaanka Kadib markii Ay ka war heleen Ciidamo Huwan ah Oo Hogaaminayo Col.Xaadoole kusoo Wajahan Yihiin

Ciidamaan Ayaa ka Baxy Degaanka Masjid Cali Gaduud

Khawaarijta Waa Jabtay

Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed Dr Hassan Sh Oo Dhiig Ugu Deeqay Shacabkii Waxyeelada Kasoo Gaartay Qaraxii Soobe
30/10/2022

Madaxweynaha Umadda Soomaaliyeed Dr Hassan Sh Oo Dhiig Ugu Deeqay Shacabkii Waxyeelada Kasoo Gaartay Qaraxii Soobe

Madaxweynaha Hirshabelle Oo La Kulmay Wiilka Uu Dhalay Col.Xildhibaan Xaadoole Oo Dagaal adag Kooxda Alshabaab Kula Gala...
24/10/2022

Madaxweynaha Hirshabelle Oo La Kulmay Wiilka Uu Dhalay Col.Xildhibaan Xaadoole Oo Dagaal adag Kooxda Alshabaab Kula Galay Degaanka Masjid Cali Gaduud

Camerada Ayaa Qabatay Wiilkaaan Oo Dhashiiko Ku Ridaya Kooxda Khawaarijta

Xulka Kubada Cagta Somalia Oo La Gudoonsiiyay koobkii Bariga Bartamaha Africa Oo ay Maanta Awood Ku Qaadeen Hadoo Dhiig ...
15/10/2022

Xulka Kubada Cagta Somalia Oo La Gudoonsiiyay koobkii Bariga Bartamaha Africa Oo ay Maanta Awood Ku Qaadeen

Hadoo Dhiig Somaali Kugu Jiro love Ku Dhoob share Kareey

Waa Riyo Mudo Sugeynaa Oo Noo Rumoowday Maanta

Forza Somalia 🇸🇴🇸🇴🇸🇴💪💪👏👏

Ciidamo Tira Badan Oo Kor u Dhaafaya 200 Gaari Tikniko Oo ka Gudbay Degmada Warshiikh UNA Jiheystay Dhanka Aadan Yabaal ...
03/10/2022

Ciidamo Tira Badan Oo Kor u Dhaafaya 200 Gaari Tikniko Oo ka Gudbay Degmada Warshiikh UNA Jiheystay Dhanka Aadan Yabaal Oo Ay Kooxda Alshabaab Ku Sugan Yihiin

Mudulood Waa iska Keenay Ciidamo Tira Badan Ayay Ku Daabulayaan Aaka Aadan Yaabal

War Deg Deg :Dowlada Somalia Oo dishay Horjooge weyn Oo Loo Diyaariyay in Uu Noqdo madaxa Ugu Sareeya AS Waa Guul weyn O...
02/10/2022

War Deg Deg :Dowlada Somalia Oo dishay Horjooge weyn Oo Loo Diyaariyay in Uu Noqdo madaxa Ugu Sareeya AS

Waa Guul weyn Oo U Soo Hooyatay Shacabka Soomaaliyeed

Mr.Giridhi Oo Markii Ugu H**eysay Kasoo Muuqday Wareysi Ayaa Sheegay Magaciisa Rasmiga In Uu Yahy Raage Cabdullahi Iidow...
30/09/2022

Mr.Giridhi Oo Markii Ugu H**eysay Kasoo Muuqday Wareysi

Ayaa Sheegay Magaciisa Rasmiga In Uu Yahy Raage Cabdullahi Iidow Farow,Laguna Naaneyso Jaamac Siciid Giridhi.

Sidoo Kale Jaamac Giridhi ayaa Sheegay Inay Taliye Shub Jabhad Soo Wada Ahaayeen.

Afgambi Millateri Oo Weyn ayaa ka dhacay dalka Burkina Faso ee galbeedka Africa,Gen. Ibrahim Traore Oo kasoo Muuqday Tel...
30/09/2022

Afgambi Millateri Oo Weyn ayaa ka dhacay dalka Burkina Faso ee galbeedka Africa,

Gen. Ibrahim Traore Oo kasoo Muuqday Telefishinka Dowlada Dalkaasi Ayaa Ku dhawaaday In Uu La Wareegay Talada Dalkaasi.

Allah Unaxariisto Taliye Farxaan Qaroole Run ahaantii Waa Gaari Xanuun Badan Lkn Waxuu shahiiday Isagoo Dalkiisa Iyo Dii...
30/09/2022

Allah Unaxariisto Taliye Farxaan Qaroole
Run ahaantii Waa Gaari Xanuun Badan Lkn Waxuu shahiiday Isagoo Dalkiisa Iyo Diintiisa Difaacayo

Mar walba Qalbiyadeena Waa Ku nagaaa Doontaa Geesi da’yar Oo Fir Fircoon Oo Dalkaan Taariikhdiisa Baal Dahab Ugu Qoran Ayuu Ahaa Doontaa

WAR-MURTIYEEDKA WADA JIRKA AH EE BOOQAASHADA RASMIGA AH EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE JAMHUURIY...
30/09/2022

WAR-MURTIYEEDKA WADA JIRKA AH EE BOOQAASHADA RASMIGA AH EE MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA EE JAMHUURIYADDA FEDERAALKA DIMUQRAADIGA AH EE ITOOBIYA

30 September 2022, ADDIS ABABA, ETHIOPIA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo laba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye waxaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan labada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaashado dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo xagjirnimada, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

labada hoggaamiye ayaa isla qaatay:

1. In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midnimada labada dal.

2. Waxay ku celiyeen go'aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisadda iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

3. Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgalada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu dambeeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shabaab.

4. Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

5. Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen in ay yeeshaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

6. Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda nabadda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

7. Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khatarna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caalamiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

8. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo deeqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay siiso shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay'adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

9. Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiinta, amniga iyo siyaasadda.

10. Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

DHAMMAAD

Madaxweynaha Somaaliya Mudane Hassan Sh Maxamud Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhigiisa Ethiopia Addis-ababa, Sebteemba...
28/09/2022

Madaxweynaha Somaaliya Mudane Hassan Sh Maxamud Oo Kulan Mira Dhal Ah La Qaatay Dhigiisa Ethiopia

Addis-ababa, Sebteembar 28, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa wadahadallo laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Itoobiya Mudane Abiy Axmed iyo Golehiisa Xukuumadda.

Labada Hoggaamiye ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo mudnaan la siinayo horumarka iyo xasilloonida Gobolka Geeska Afrika, lana sii amba-qaadayo iskaashiga miro-dhalka ah ee dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Labada shacab ee dariska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay duruufaha xiriira ee ay wadajirka u wajahayaan labada dal, gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka, isagoo soo bandhigay aragtida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Soomaali heshiis la ah dariskeeda, dhiirri gelinaysana iskaashiga iyo wax-wada qabsiga, si looga gudbo saboolnimada iyo xasillooni darrada.

Dhankiisa, Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa xaqiijiyay in Itoobiya ay diyaar u tahay xoojinta wada shaqeynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah diiradda u saaray kobaca dhaqaalaha iyo xasilloonida, isagoo adkeeyey muhiimadda dalkiisa ay u leedahay Soomaaliya deggan oo leh dowlad xooggan.

Sidoo kale, Wafdiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Madaxweynaha ku weheliyo boqashadan ayaa la yeeshay dhiggooda dalka Itoobiya kulan wadareed lagu lafa-gurayey aayaha xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaan adkeynta amniga iyo danaha ka dhexeeya.

DHAMMAAD

Madaxweyne Hassan Sh Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo dhaweeyay Ethiopia Ethiopia Iyadaa Nooga Baahi badan Inay Nala Heshiis...
28/09/2022

Madaxweyne Hassan Sh Oo Si Heer Sare ah Loogu Soo dhaweeyay Ethiopia

Ethiopia Iyadaa Nooga Baahi badan Inay Nala Heshiiso

Qabkii Iyo Qaranimadii Oo Rasmi ah

26/09/2022

Ka Fogoow Meelaha Joogaan Kooxaha Argagixisada Firxadka ah

Beesha Galmaax Yoonis Oo Kamid ah beelaha Mudulood Oo Diiday  Inay ka Qeyb Gasho Kulan Lagu Soo Dhaweyn Lahaa Gudoomiyah...
25/09/2022

Beesha Galmaax Yoonis Oo Kamid ah beelaha Mudulood Oo Diiday Inay ka Qeyb Gasho Kulan Lagu Soo Dhaweyn Lahaa Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Oo Beri Dhici Lahaa

Arintaan Aya Salka Ku Heyso Beesha Oo Wax Matalaad Ah ku laheen Dowlada Waqtigaan Jirto Balamo H**e Looga Qaaday Aysan Ka Fulin Dhanka Madaxweyne Hassan Sh

Kulankaan Oo Ay Soo Qaban Qaabiyeen Siyaasin Iyo Odayaal dhaqan Oo Ugu H**eeyo Ugaas Maxamuud Cali Ugaas

Beeshaaan Iyo Xildhibaankooda Korneel Xaadoole Oo Si Wada Jir Ah U Diidan Ka Qeyb Galka Kulankaan

Arintaan Ayaa Dhabar Jab Ku Noqo Doonto Maamulka Cusub Gobolka

Deegaanada Kooxda Alshabaab Laga Qabsaday Maanta Oo Axad Ah Geliya Walee Alshabaab Waa jabeen Guuleysta Geesiyaasha Ciid...
25/09/2022

Deegaanada Kooxda Alshabaab Laga Qabsaday Maanta Oo Axad Ah Geliya

Walee Alshabaab Waa jabeen

Guuleysta Geesiyaasha Ciidamada Qaranka iyo Kuwa Deegaanka Macawiisleey

Xog lagahelay Al Shabaab oo muujiyey inay Soo afjarmi doonaan Sida aynoo Xaqiijiyeen Masuuliyiin sirdoon ah oo kamida Da...
25/09/2022

Xog lagahelay Al Shabaab oo muujiyey inay Soo afjarmi doonaan

Sida aynoo Xaqiijiyeen Masuuliyiin sirdoon ah oo kamida Dadka Dhagaysta Codadka ay iskula hadlaan ayaa sheegay inay soo wajahday Xaalad aad u adag Waxyaabaha lagadhagaystay Codadkooda waxaa kamid ahaa inay dheeheen haddii Ciidanaka Dowlada naga Xiraan Raashin Jilib inoogu yimaada bil masii noolaan karno

Sidookake waxaa Codadkooda ladhagaystay inay Qabiilaadku kadiideen inay wadahadal lagalaan

Waxaa ugu badan ay dhahayeen ayaa ah Yaa Alle Hanaga badbaadiyo kuwaas oo ay kawadaan Ciidanaka Dowlada

Ciidanka Dowlada Faderaalka Iyo Kuwa Degaanka Oo Ay Wehliso Diyaarada Dagaalka Beyrak tar Oo La Wareegay Deegaanka Moqok...
25/09/2022

Ciidanka Dowlada Faderaalka Iyo Kuwa Degaanka Oo Ay Wehliso Diyaarada Dagaalka Beyrak tar Oo La Wareegay Deegaanka Moqokori

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka Oo Maanta Cashir u Dhigay Kooxda Alshabaab Hadaa ku Faraxsan Tahy Jabka Alshabaab Love Saar...
23/09/2022

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka Oo Maanta Cashir u Dhigay Kooxda Alshabaab

Hadaa ku Faraxsan Tahy Jabka Alshabaab Love Saar❤️

Dowlada Faderaalka Somaaliya Oo War kasoo Saartay Dagaalkii ka Dhacay Degaanka Sinadhaqa Ee lagu Laayay Kooxda Khawaarij...
23/09/2022

Dowlada Faderaalka Somaaliya Oo War kasoo Saartay Dagaalkii ka Dhacay Degaanka Sinadhaqa Ee lagu Laayay Kooxda Khawaarijta Alshabaab

Ciidamada Geesiyaasha Qaranka Oo Kaashanaya Shacabkooda Oo Cashir lama ilaawaan ah u dhigay Kooxda Argagixisada

Maxay Kula Tahy Dagaalka Lagu Ciribtirayo Kooxda Alshabaab

Madaxweyne Hassan Sh Oo Khudbad Ku Saaabsan Xaalada Dalka Iyo Qorshaha Dalka Looga Ciribtirayo Kooxaha Argagixisada Ka J...
22/09/2022

Madaxweyne Hassan Sh Oo Khudbad Ku Saaabsan Xaalada Dalka Iyo Qorshaha Dalka Looga Ciribtirayo Kooxaha Argagixisada Ka Jeedi Doono Golaha Loo Dhan yahy Ee Qaramada Midoobay

Beel Weynta Mudulood Oo Kusoo BIIRTAY Halganka lagu Ciribtiraayo Kooxda Argagixisada Alshabaab Si Adagna U sheegay Waqti...
22/09/2022

Beel Weynta Mudulood Oo Kusoo BIIRTAY Halganka lagu Ciribtiraayo Kooxda Argagixisada Alshabaab Si Adagna U sheegay Waqti Gaaban lagu Xureyn Doono Degaanada Mudulood

21/09/2022

War Deg Deg Ah

Alfanaan Socdaal Oo Lagu Xiray Xabsi Ku Yaala Dalka Mozambique Xilli Uu dalxiis Ku Maraayay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA MEERTADA 77-AAD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBEYNew York, Sebteembar 20, ...
20/09/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QEYB-GALAY FURITAANKA MEERTADA 77-AAD EE GOLAHA QARAMADA MIDOOBEY

New York, Sebteembar 20, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay furitaanka Meertada 77-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey oo lagaga arrinsanayo yareynta saboolnimada iyo xasillooni darrada, horumarinta waxbarashada, shaqo abuurka dhallinyarada, xal u helidda musiibooyinka dabiciiga ah iyo xuquuqda dadka la hayb sooco.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa soo bandhigi doona aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xasiiloonida iyo nabadda, dagaalka ka dhanka argagixisada, wax ka qabashada abaaraha iyo gurmadka degdegga ah iyo dhammaan caqabadaha ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa ka wada Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey Olole ku aaddan aragtida iyo qorshaha dowladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira la dagallanka saboolnimada iyo argagixisada, kuwaas oo shacabka Soomaaliyeed ay kala soo kulmeen dhibaato xooggan, haatanna la joogo xilligii laga gacan siin lahaa dowladda Soomaaliyeed in ay dhibaatadaas ka samata bixiso dadkeeda iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Madaxweynaha ayaa kulan doceedyo la yeelan doona Madaxda dalalka ka qeyb galaya Meertadan, hoggaanka hay’adaha iyo ururrada caalamiga ah ee ka soo qeyb galaya Meertada 77-aad ee Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobey, si uu u adkeeyo danaha iyo doorka dalkeennu uu ku leeyahay fagaareyaasha caalamiga ah.

Madaxweynaha waxaa ku wehelinayey shirkan, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Huruuse, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Marwo Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari), Madaxa Ergada Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cusmaan iyo Agaasimaha Madaxtooyada Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud.

DHAMMAAD

20/09/2022

13 Sano Kadib Ciidanka Dowlada Iyo Dadka Degaanka Oo Is Garabsanaya Oo Dagaal Xoogan Kula Wareegay Booco

Dagaalka ah Midkii Somaaliya Looga Sifeyn Lahaa Kooxda Argagixisada Alshabaab

Address

Mogadishu
Banadir

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Moha Ali Macqulsome posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Moha Ali Macqulsome:

Videos

Share


Other Banadir media companies

Show All