Ceelhuur Online

Ceelhuur Online Warbaahin Madaxbanaan oo kuu soo bandhigeysa warar iyo warbixino sugan. Nagu soo biiri oo booqo ceelhuur.com Official page of www.ceelhuur.com
(47)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo ...
07/11/2024

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo khawaarijta u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta dhagar qabeyaashan isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Khawaarijtu ku dhibaateyso shacabka.

Labada dhagar qabe ee la qabtay ayaa kala ah dhagar-qabe Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Khawaarijta u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Khawaarijtu ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.

Jubbaland oo ka hadashay mowqifkeeda natiijada Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.
31/10/2024

Jubbaland oo ka hadashay mowqifkeeda natiijada Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran.

War murtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 20...
30/10/2024

War murtiyeedka ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la isku raacay in la qabto doorashada dowladaha hoose June 2025, halka la qabanayo Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada September 2025.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay magaalada Muqdisho.Shirkan oo uu shir gudoominayey Madaxwe...
27/10/2024

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta dib uga furmay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa qeyb-galay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Madaxweyneyaasha Dowlad-goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa lagaga arrinsanayaa amniga, horumarinta dalka iyo dhameystirka hannaanka dimuquraadiyeynta.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo dib U heshiisiinta  Dowladda Galmudug mudane: Cabdi Maxamed Jaamac(Ca...
23/10/2024

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka Iyo dib U heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane: Cabdi Maxamed Jaamac(Cabdi waayeel) ayaa Mudada Xil haynta u Kordhiyay Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud DFS ayaa loo magacaabay Ra’iisulWasaare Kuxigeenka 2aad ee XFS.Cabd...
21/10/2024

Cabdisalaan Cabdi Cali oo ahaa Wasiirka Howlaha Guud DFS ayaa loo magacaabay Ra’iisulWasaare Kuxigeenka 2aad ee XFS.

Cabdisalaan oo kasoojeeda Koofur Galbeed ayaa muddooyinka la saadaalinayey in loo magacaabo jagadaan, Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa noqotay Xukuumaddii u horeysay oo yeelatay Ra’iisul Wasaare kuxigeen labaad, kaddib Dowladdii KMG.

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Saddex dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaa falal ka soo hor...
20/10/2024

Ciidanka NISA ayaa gacanta ku dhigtay Saddex dhagar-qabe oo ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku howlanaa falal ka soo horjeeda amniga Caasimada.

War saxaafadeed: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.
16/10/2024

War saxaafadeed: Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Mohamed Mahmud Allaale
16/10/2024

Mohamed Mahmud Allaale

Former Citizen TV news reporter and Switch TV editor Mohamed Mahmud has landed a new role at the Ministry of

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda...
09/10/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea, halkaas oo ay uga billaabantay booqasho shaqo oo rasmi ah.

Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Asmara International Airport waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Eritrea, Mudane Isaias Afwerki iyo xubno ka tirsan dowladda Eritrea.

Booqashada Madaxweynaha ayaa ku saleysan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga dhaqaale, amni iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xerada Bali Doogle maanta tababar sar...
09/10/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xerada Bali Doogle maanta tababar sare u soo xiray 150 Saraakiil-xigeen iyo 200 Leyli-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay muhiimadda tabbarrada gudaha dalka, iyadoo saraakiishan la baray xirfadda hoggaamineed, qorsheynta hawlgalka, iyo aqoonta dagaalka, si loo dhammaystiro dib u xoreynta dalka iyo sugidda amniga.

Ra’iisul Wasaaraha XFS  Mudane Hamza Abdi Barre oo goor dhow la hadli doona Warbaahinta, waxaana la filayaa in uu ka had...
07/10/2024

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Hamza Abdi Barre oo goor dhow la hadli doona Warbaahinta, waxaana la filayaa in uu ka hadlo Arimaha Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka.

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025.Muqdisho, Isniin Oktoobar 07 2024:- Golaha Wasiirrada Xuku...
07/10/2024

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2025.

Muqdisho, Isniin Oktoobar 07 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyay ku tala galka miisaaniyadda dawladda ee sanadka 2025, taas oo dhan $1,342,476,311.

Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo golaha horkeentay Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigtay kororka jira iyo ilaha kala duwan ee dakhliyadu ka soo xaroonayaan.

Kororka miisaaniyaddan marka loo barbar dhigo tan sanadka 2024 oo ahayd $1,079,315,783, ayaa waxaa siyaaday $263,160,528, oo u dhiganta koror dhan 24.4%.

Kordhinta dakhliga gudaha ee dowladda waxay saldhig u tahay qorshaha lagu xoojinayo amniga, adeegyada bulshada iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirrada, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo ay golaha u soo gudbisay Wasaaradda Amniga Gudaha.

Saxiixa heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa...
07/10/2024

Saxiixa heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa goobjoog ka ahaa munaasibad si weyn loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaaladda Muqdisho isla markaana lagu saxiixay heshiiska dhismaha Dekadda Hobyo.

Munaasabadda waxaa goobjoog ahaa wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan DFS, mudanayal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug, ganacsato, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Madaxweynaha ayaa madasha ka sheegay dhismaha Dekadda Hobyo uu yahay riyo muddo dheer ay ku taamayeen reer Galmudug, isagoo sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

Shirkadda Hobyo Imvestment iyo Shirkad Turkiga laga leeyahay METAG Holding ayaa qalinka ku duugay mashruuca dhismaha Dekedda Hobyo. Waxaana dhawaan bilaabanaya howsha dhismaha dekedda oo noqonay mid caalami ah.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii uu guuldareystay da...
07/10/2024

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa goordhow dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kaddib markii uu guuldareystay dadaaladii la doonayay in lagu qanciyo si uu uga laabto qodobadii uu hordhigay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran.

Axmed Madoobe ayaa ka biyo diiday qorshada Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo doonayey in dalku aado doorasho qof iyo cod ah.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goor dhow ka furmay Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.Kulank...
02/10/2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goor dhow ka furmay Qasriga Madaxtooyada Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.

Kulanka furitaanka oo uu shir gudoominayo Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeybgalaya RW Xamse, RW ku xigeenkiisa, Madaxda Galmudug, Jubbaland, Koofurgalbeed, Hirshabeelle iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

Madaxweynah Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada da...
02/10/2024

Madaxweynah Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Masuuliyiin katirsan golayaasha kala duwan ee Dowladda Federaalka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa ka qeybgali doona shirka madasha wadatashiga oo dhawaan ka furmi doona Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha  Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaala...
02/10/2024

Madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho oo dhawaan la filayo inuu ka qabsoomo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.

Address

Adado

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ceelhuur Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ceelhuur Online:

Videos

Share


Other News & Media Websites in Adado

Show All