Bacadweyne News

Bacadweyne News Bacadweyne News si toos ah ugala soco wararka dal iyo Dibadba.

19/01/2024

Khudbadii uu maantay jeediyay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud shirkaas oo kadhacaayay Magaalada Kampala ee wadanka Uganada.

Sidoo kale Raisal wasaaraha Ethiopia oo ka cudur-daartay shirkii madaxda IGAD ee shalay ka dhacay dalka Uganda ayaa isla dalkaasi maanta kaga qaybgalay shirkaan kale

Bacadweyne News

23/12/2023

انا لله وانا اليه راجعون
Allah Ha Unaxriisto Walalkay Cali Cumar Cabdullahi Oo Maanta Ku baxay Gacanta Khawaarijta Dagaal Lagula Galay Duleedka Degmada Xarerdheere Ee Gobolka Mudug.

Majiro Qof Noolaanaya Mase jirto wax ka sharaf Badan inaad dhimato adoo dalkaaga, Dadkaaga iyo Diintaada Difaacaya.

Erayadaan oo uu tiriyay Maalmo Ka hor waxa ay kuu muujinaysaa sida uu ugu diyaarsanaaa inuu dalkaan uhuro naftiisa.

Rabi Naxariistiisa Ha ugu Deeqo Anagana Samir Ha inaga Siiyo.

Hambalyo dhamaan Umada Soomaaliyeed oo maantay laga cafiyay deentii lagu lahaa Dowlada Somaliya cadadeeduna aheyd $4.5 B...
13/12/2023

Hambalyo dhamaan Umada Soomaaliyeed oo maantay laga cafiyay deentii lagu lahaa Dowlada Somaliya cadadeeduna aheyd $4.5 Billion.

Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud waxuu soo hoyiyay guul weyn.

Mahadsanid mudane Madaxweyne.

BACAADWEYNE: 13, DECEMBER, 2023Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fderaalka iyo dib u Heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa Magaa...
13/12/2023

BACAADWEYNE: 13, DECEMBER, 2023

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Fderaalka iyo dib u Heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa Magaalada Bacaadweyne ku qabtay Kulanka Madaniga ah ee Wada-hadalka Bulshada ku nool Magaalada Bacaadweyne Ee Gobolka Mudug.

Kulaankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug Mudane Omar Guure, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Iyo Gudoomiyaha Magaalada Bacaadweyne.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlayaa soo gudbinta Baahiyaha kajira Magaalada Bacaadweyne taas oo ka imaaneysa Bulshada qey-baheeda kala duwan.

Taliyaha qeybta 21-aad  ee Xoogga Dalka G/Sare Cabdi Salaad Cali  ayaa    uga qayb galey munaasabad uu xilka kula wareeg...
06/12/2023

Taliyaha qeybta 21-aad ee Xoogga Dalka G/Sare Cabdi Salaad Cali ayaa uga qayb galey munaasabad uu xilka kula wareegayey taliyaha cusub ee guutada 13-aad qaybta 21-aa Cabdi manaan Cali Xuseen

Xil-wareejinta oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil kale duwan ayaa waxaa xilka guutada Wareejiyey Taliyihii H**e ee guutada Daahir Mohamed Cali (Indha Sh*te)

Taliyaha cusub ee guutada 13-aad Qeybta 21aad xooga dalka Cabdi manaan Cali Xuseen ayaa balan qadaay inuu sii laba jibaari doono howlaha shaqo ee guutada xili lagu guda jiro diyaar garoowga wajiga 2aad ee dagaalka dowladu kula jirro Kooxaha Argagixiso.

Taliyaha qeybta 21-aad ee ciidanka xooga dalka G/sare Cabdi Salaad Cali ayaa Taliyaha cusub ee guutada kula dar daarmay inuu sugeyso shaqo badan isla markaana loo baahanyahay in dadaalkiisa uu labo jibaaro

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha dowlad goboleedka Galmudug, Xasan C/laahi Cascasey ayaa wararku sheegayaan isaga iy...
12/10/2023

Wasiir ku xigeenka wasaarada beeraha dowlad goboleedka Galmudug, Xasan C/laahi Cascasey ayaa wararku sheegayaan isaga iyo Xildhibaano kale oo isku hayb yihiin ay cadaadis ba’an ku hayaan madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor in uu ka laabto go’aankii uu kaga dhawaaqay degmada Bacadweyne maalintii dhaweyd ee uu booqday, taas oo ahayd qorshaha lagu dhisayo/sharciyeynayo degmadda Bacadweyne.

Ayadoo arintaas laga duulayo, reer Saleebaan waxaan xasuusinaynaa oo ay hilmaameen in maantay oo ay iyagu talada galmudug hayaan loo ansixiyey degmooyinka Baxdo iyo Godinlabe hadana ay doonayaa in ay hor istaagaan degmadda Bacadweyne ayagoo doonaya mid sadexaad in lasiiyo. Intaas Waxaa sii dheer waxay h**ey u haysteen Cadaado.
Hobyo iyo Xarardheere oo ay doonayaan duqa labadaan degmo. Galmudug maantay waxay maraysaa ( Saleebaan mooyaane haday cidiba noolaato).

Reer Galmudugoow saan ma xaqbaa, galmudug miyaysan naga dhaxayn mise qabiilba qabiilkuu xarig jiid kala dhaxeeyo waa uga faa’iideysanayaa, hadii ay sheekadu sidaas tahay reer Qubeys Macalin Surre war baa u yaal waana in ay talo isugu laabtaan go’aana gaaraan.

In kastoo reer Qubeys ay yihiin dad wixii lasoo maray maantay xalay-dhalay ka’ah hadana reer Saleebaan waxaan ka dareemaynaa in colaad ku jirto wali, Ayadoo ay jirto isbahaysi loogu magacdaray S4 oo dhawaanahan dhaqan galay. Waxaan qabnaa in caqligu shaqeeyo walaaltinimo iyo dariswanaag lagu wada noolaado waxna la’isku quuro.

Lifaaqa hoose waxaan soo qaatay degmooyinkii uu magacaabay Madaxweyne Axmed Ducaale Geele ( Xaaf ) oo intii kale la mariyey habraacii ansixinta degmooyinka Galmudug Marka laga reebo degmada Bacadweyne.






11/10/2023

Degmada Bacadweyne oo Kasoo Gabsaneysa Qasaarihi ay ugeysteen ururka Alshabab

11/10/2023

Saaxiibada qiimaha iyo qaayaha leh ee ku xiran page ka Bacadweyne News, Waxaan samaynay isbadal dhanka howl-wadeenada ah. Dhawaan waxaan hawada idiin soo marin doomaa wararkii ugu danbeeyay dalka iyo dibada, Ciyaaraha iyo madadaalo.

11/10/2023

Soodhaweyntii Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kariye Qoor Qoor iyo Degmada Bacadweyne

07/10/2023

Midkamid Ah Dhalinyaradi Kudhashey Degmada Bacadweyne
Oo Fariin Udirey As Go aana ku Qaatey in uusan Furinta kasoobixi Doonin ilaa uu Galka Xoreeyo

20/09/2023

Beesha Qubeys meel walba ayeey wax ka xoreenayaan

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO MAGACAABAY  TALIYE KU XIGEENKA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO TALIYAHA CIIDANKA LUGTA Muqdisho,...
18/09/2023

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO MAGACAABAY TALIYE KU XIGEENKA CIIDANKA XOOGGA DALKA IYO TALIYAHA CIIDANKA LUGTA

Muqdisho, Sebteember 19; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Sareeye Guuto Madeey Nuureey Sheekh Taliye Ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa darajada Gaashaanle Sare u dalacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, waxa uuna u magacaabay Taliyaha Ciidanka Lugta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo magaacaabistan ku saleeyey sharciga dhismaha Ciidanka Xoogga dalka ee Lr. 15 ayaa u rajeeyay Taliyayaasha cusub in uu Alle u fududeeyo gudashada howlaha muhiimka ah ee horyaalla.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo Khawaarijta.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay maanta oo Isniin ah, 18-ka Sebteembar 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shacabka Degmada Bacadweyne oo si weyn usoo dhaweeyay Siyaasiinta iyo Xildhibaannada Degmada Bacadweyne kumatala Dowlada...
18/09/2023

Shacabka Degmada Bacadweyne oo si weyn usoo dhaweeyay Siyaasiinta iyo Xildhibaannada Degmada Bacadweyne kumatala Dowlada dhaxe iyo mida Galmudug kadib markii si wadajir ah uga qeyb qaateen xoreenta deeganada ay kasoo jeedaan.

Sidoo kale shacabka reer Bacadweyne ayaa si weyn ugu riyaaqay kaalinta ay kaqaateen walaalahood reer Xeraale qaasatan Siyaasiinta, Xildhibaannada, shacabka iyo ciidanka xooga dalka ee kasoo jeeda xeraale.

Sidoo kale waxaan mahadcelinta ka marneen walaalaha reer Bacadweyne dariska la'ah ee Wisil oo si weyn uga qeyb qaatay dib usoo celinta Magaalada Bacadweyne hadey ahaan lahaayeen Siyaasiyiin, shacabka deegaanka iyo ciidankoodaba.

Shacabka reer Bacadweyne ayaa rajeenaya in wadajirkaas iyo mid kawanaagsan loo xoreen doono deeganada wali kujira gacanta Khawaarijta.

Bacadweyne News

18/09/2023

Gudomiyaha Degmada Bacadweyne ayaa yiri "horayna Al shabaab waan iskaga dhicinay hadana waan iska dhicineynaa" sidoo kale waxuu kamahad celiyay garab istaaga ee garab istaageen Ciidamada xooga dalka iyo shacabka deegaanada dariska iyo kuwa xeraale.

Bacadweyne News

18/09/2023

Xildhibaan Xuseen Sh Ahmed Arab "Khawaarijtu 10 Sano kahor ayan Galgaduud cashar ugu dhignay maantana Mudug ayan ugu dhigaynaa"

18/09/2023

Senator Duniyo: Bacaadwayne waa xor dowladda waxan leenahay waa in ay heshaa Wax walba oo ay Dagmadan ubaahan tahay

18/09/2023

Xildhibaan Dhabancad oo soo koobay dhacdooyinkii iyo garab la'aantii Dowladda dhexe, Maamulka Galmudug iyo Qabaailada dariska la'ah reer Bacadweyne kuwaasoo xiligaas Dadka deegaanka dagaal ba'an lagaleen kooxda Khawaarijta Alshabab sanadii 2018-2021.

Bacadweyne News

18/09/2023

Xildhibaan Abdulqadir Saciid Dadka shacabka ah ee re bacadwayne waxan leyahay soo Laabta oo jihaadka ka qayb qaata.

17/09/2023

Guulaha maanta .

Bacaadweyne✅
Qaycad ✅
Xaarxaar ✅
Shabeellow ✅

Surre iyo Sacad + Ciidanka Xoogga dalka 🔥🔥

Reer Bacadweyne ukala roonaa madaxweynihii h**e iyo madaxweynaha haatan jooga ee Birmade Hassan Sheikh Mohamud .Xukuumad...
17/09/2023

Reer Bacadweyne ukala roonaa madaxweynihii h**e iyo madaxweynaha haatan jooga ee Birmade Hassan Sheikh Mohamud .

Xukuumaddaan juhdiga iyo dadaalka ay Bacadweyne iyo nawaaxigeeda galiyeen 10% kamid ah haduu Farmaajo galin lahaa dhulka beesha Qubeys xor ayuu ahaan lahaa balse nasiib daro taasi ma dhicin.

Anigoo ku hadlaya Magaca reer Bacadweyne waxaan Madaxweyne Birmade Hassan sheikh leenahay Mahadsanid inta dhiman ee aan wali la xoreena diyaar ayaan unahay inaan wax kaxoreeno.

14/09/2023

𝐌𝐈𝐈𝐑𝐉𝐈𝐈𝐂𝐋𝐄𝐘:
Xafladda qalin jabinta dufcaddii 7aad ee fasalka 8aad iyo furintaanka dugsiga sare Sidoo kalana lagu abaal marinayay ardadii kaalmaha h**e ka galay Imtixaanka Dugsiga ayaa shalay lagu qabtay Xarunta Dugsiga Ee Degmada Miirjiicley.

Xafladaaan ayaa waxaa inagala soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare Ee Galmudug Mudane Mohamed Xashi Dh**e, Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada Galmuduh Mudane Cusmaan Macalin Xasan, wasiirka wasaarada Beeraha Galmudug Mudane Ahmed Nuur Xaaji Osman, Wasiirka Wasaarada Gargaarka Galmudug Cabdirixman Mohamed Diiriye Makaawi iyo Masuuliyiin kale oo aad ufara badan oo ay ka mid yihiin Xildhibaano Gole deegaaan iyo Gudoomiyaha Degmada Miirjiicley.

Bacadweyne News

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO GAARAY FURIMAHA DAGAALKA EE GOBOLKA MUDUG. Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo...
13/09/2023

MADAXWEYNAHA GALMUDUG OO GAARAY FURIMAHA DAGAALKA EE GOBOLKA MUDUG.

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo uu qayb ka yahay taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa gaaray gaaray deeganada Dhag-haye iyo laas-gacaneey ee Gobolka Mudug.

Wafdiga ayaa waxaa deeganadaan kusoo dhaweeyay siyaasiinta deeganadaan kasoo jeeda iyo Ciidamada Dowlada iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya waxaana la rajeenayaa in dhawaan kooxda Khawaarijta ah laga saari doona Degmada Bacadweyne iyo deeganada hoostaga.

Bacadweyne News

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo wehliyo Taliyaha Haayadda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale ay...
13/09/2023

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo wehliyo Taliyaha Haayadda NISA Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale ayaa soo gaaray Magaalada Degaanka Laaska Gacamey ee Qiyaastii Ujira Degmada Bacadweyne
9KM
Wafdiga ayaa kormeeray Xeryaha Ciidamada Deegaanada Laas-gacameey iyo Dhaghaye halkaas oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Xoogga Dalka, iyo Ciidamada Besha Sure

13/09/2023

Soo dhawayntii Madaxweynaha Galmudug Ahmed Abdi Kaarie Iyo Agaasimaha Hay,adda Sirdoonka Qaranka Mahad Salad
Duleedka Deeganka Laaska Gacamey

11/09/2023

Gudomiyaha Degmada Bacaadwayne Ahmed Daahir khawaarijta waxaan leyahay maanta Maahan maalintii la idinka laaban jiray
Guri aaan leyahay anoo nool joogi maaysan.

Anigana Geed Hoostiis Harsan Maayo
Adinkana Gurigeygi HarsN Meysaan

10/09/2023

Waxa farxad No ah Inaan Manta Jogno Magalada Laasgacameey Shacabkeduna Dugalsanayo Necawda Dowlad nimada Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasan.

Wafdi Masuuliyiin ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Axmad Xasan Q...
10/09/2023

Wafdi Masuuliyiin ah oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee XFS Axmad Xasan Qeybna ay ka ahaayeen xildhibano iyo Wasiiro iskugu jira heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed, Lataliyaha Madaxweynaha, Gudoomiye Kuxigeenka Barlamaanka Galmudug iyo Siyaasi libaan Axmad Xasan Gudoomiyaha Ahmed Daahir Ayaa Manta Garay Degaanka Lasgacameey ayagoo socdaal kusii maray Deganka dhaghaye

Masuuliyiintaan ayaa Dadka Shacabkaa ee degaanadaasi waxay kala Hadleen la shaqaynta Ciidmaada iyo xooraanka Cadowga Argagixisada ah.

Kulan looga hadlayayay ciribtirka Khawaarijta oo ay ku kulmeen beelaha daga qaybo ka mid ah Galmudug ayaa lagu qabtay de...
07/09/2023

Kulan looga hadlayayay ciribtirka Khawaarijta oo ay ku kulmeen beelaha daga qaybo ka mid ah Galmudug ayaa lagu qabtay deegaanka Bajeela ee Koofurta gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay beelaha , iyo kuwaas oo muddo dheer lasoo dagaalamayay Khawaarijta waxaa looga hadlayay midaynta Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirro iyo xildhibaano ka kala tirsan Dawladda fedraalka ah iyo Galmudug, waxaa sidoo kale ku sugnaa saraakiil ka socota Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo lataliye sare ee Madaxwaynaha Qaranka Zakariye Hassan Gaashan.

Qabaailka kulmay ayaa isla gartay in si Wadajir ah ay dhulkooda uga sifeeyaan Khawaarijta.

Magaaladii Gaalkacyo Alle roob ku shubay xalay
07/09/2023

Magaaladii Gaalkacyo Alle roob ku shubay xalay

Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka howlgal Qorshaysan ka fuliyay dhulka miyigaa...
06/09/2023

Ciidamada Xoogga Dalka, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa saaka howlgal Qorshaysan ka fuliyay dhulka miyigaa ee u dhaxeeya Deegaanada hareeri-dheere ,Camaara Qeycad iyo shabeeloow ee koonfurta Gobolka mudug

Dhulka miyigaa ayaa ahaa meelaha khawaarijtu ku dhuumaalaysanyeen ayana ku dhibaatayn jireen Shacabka Soomaaliyeed ee nool Deegaanadaas

Taliya Ururka 273-aad ee Guutada 27-aad Abuu Dujaana Kaptan Maxamed Bashiir Cali Shiine iyo Gaashaanle Cabdiraxmaan Nuur Sahal sheekeeye ayaa wadajir u sheegay inuu socodo Howlgalada khawaarijta ka dhankaa ee Galmudug iyo guud ahaan Dalka looga saarayo

Howlgalkaan wadajirka u wadaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Deegaanka ayaa qeyb ka ah Qorshayaasha Dagaal ee Galmudug looga saarayo khawaarijta

Address

Moi Avenue
Nairobi
254

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Bacadweyne News posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Videos

Share


Other Media/News Companies in Nairobi

Show All