23/05/2024
Mareykanka ayaa qorsheynaya inuu Kenya u aqoonsado inay tahay waddankii ugu horreeyay ee muhiim ah oo aan NATO ka tirsanayn ee ka hooseeya saxaraha Afrika iyadoo madaxweynaha Kenya Willam Ruto uu booqasho ku tagayo Washington, DC, si loo xoojiyo xiriirka labada waddan.
Aqalka Cad ayaa sheegay in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu Congress-ka ku wargelin doono in Kenya uu gaarsiin doono heerka oo ah mid muhiim ah .
Hadda, Maraykanku wuxuu leeyahay 18 waddan oo loo aqoonsaday inay yihiin xulafo aan NATO ahayn, oo ay ku jiraan dalalka Israel,Brazil iyo Filibiin.
Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad subaxnimadii Khamiista, Ruto ayaa sheegay in safarkiisa caasimadda Mareykanka uu yahay "calaamad saaxiibtinimoiyo iskaashi ka dhexeeya laba waddan oo wadaaga qiyamka guud", oo ay ku jiraan xorriyadda iyo dimuqraadiyadda.
Booqashada Ruto ee Mareykanka, oo bilaabatay horraantii toddobaadkan, ayaa hoggaamiyaha Kenya waxa uu wadahadal kula yeelan doonaa saacadaha soo socada Biden Aqalka Cad ee Mareykanka looga armiyo.
In Kenya loo aqoonsado xulufo aan NATO ahayn oo muhiim ah " waxay ka tarjumi doontaa kor u kaca Kenya ee gobolka oo muddo dheer ay kala shaqaynaysay Mareykanka hawlgallada ka hortagga argagixisanimada ee qaaradda Afrika iyo Dalalka Soomaaliya ka Midka tahaya.
Booqashada Ruto waxay sidoo kale ka dhigan tahay 60 sano oo xiriir diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Mareykanka iyo Kenya".
Casuumada hogaamiyaha Kenya uu ka helay Madaxweynaha Mareykanka ayaa ah Casuumdii Lixaad oo uu sameeyo maamulka Biden, waana booqashadii ugu horeysay ee madaxweyne Afrikaan ah tan iyo 2008dii.