01/10/2024
Haddii aad awood u leedahay ogaanshaha arrimahaan soo socda inta aysan dhicin ka hor:
1- Inaad sii sheegtid gaari ku ag maray inuu shil gali rabo ama qof meel saaran inuu soo dhici doono, kadibne ay sax noqotay.
2- Inaad dareentid qofka kula joogo waxa uu ku fakarayo ama uu damacsan yahay weliba isagoo wax ka duwan afkiisa ka sheegayo, gadaalne laga ogaaday inuu dareenkaaga sax ahaa.
3- Inaad dareentid in lagu soo booqan rabo ama uu kuu imaan doono qof muddo kuugu dambaysay, kadibne isdiyaarin aad gashay, qofkiine kuu yimid.
4- Qof kaa fog weliba qaraabo ama qoys ah oo aad dareentay inuu xanuunsan yahay ama dhib haysto, kadibne markaad wacday uu sax noqday dareenkaagii.
5- Qof dadka kale la fiican ama ay ka helaan, laakiin adigu aad dareensan tahay inay wax ka qaldan yihin ama wax u qarsan yihiin, laakiin gadaal laga ogaaday oo sidaad sheegtay noqday.
6- Inaad dareentid qofka taleefanka aad kula hadlaysid xaaladiisa ama suuraysan kartid meesha uu joogo ama sheegi kartid howsha uu gacanta ku hayo isagoo aan kuu sheegin.
7- Qof aadan weligaa la kulmin, sawirkiisane aadan arkin laakiin warkiisa kugu batay ama aad khadka kala hadli jirtay, kadibne markaad la kulantay yeeshay isla sawirkii / muuqaalkii ay maskaxdaadu kuu samaysay markii h**e.
Arrimahaan iyo kuwa kaloo badanba waxay tilmaamayaan in dareenkaaga 6-aad uu aad u shaqeynayo, maskaxdaaduna leedahay awood inay adeegsato dareen ka baxsan kuwa caadiga ah ay dadka kale adeegsadaan, Ogow ma tihid sixiroole, qumayo ama awliyo karaamaat la siiyay.
Xaaladaan waxaa afka qalaad lagu dhahaa "Intuition", afka carabigane waxaa lagu dhahaa "حدس".
Akhristow ma isku aragtay xaaladaan, maxaadse u fasiratay, fikrad noocee ah ayaadne ka haysatay?
W/Q: Dr. Abdullahi A. Mahdi