Walalaha midoobay web TV

Walalaha midoobay web TV waa page u furan u hiilinta shacabka deeganka

waxan u taganahay danaha iyo maseerka shacabka deegan

WAA JIMCEE AAN KU SALINO XABIINKEENII    MUXAMED AHAASCW   SCW   SCW   SCW
19/06/2020

WAA JIMCEE AAN KU
SALINO XABIINKEENII
MUXAMED AHAA
SCW SCW SCW SCW

15/06/2020

ISBADALKA AFRIKA DAGAALKII QABOOBAA EE DUNIDA KADIB
31-da August, waa maalintii dowladda Poland๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ฑ
AY AQOONSARAY URURKII UGU H**EEYAY EE
MADAXBANAAN EE LOO YAQAANAY SOLIDARITY............................................................

โœ”Ururkan Solidarity waxaa ololihiisa aad loo rumaysan yahay in uu ka dambeeyay burburkii horaantiisagaashameeyadii ee Midowga Sovieti iyo dhamaadkii dagaalka qabow, taasoo saamayn ku yeelatay dunida inteeda kale.
โœ”Markii ugu darnayd dagaalkii qaboobaa ee sideetameeyadii, kooxaha u ololeeya demoqraadiyadda reer galbeedka ee loo yaqaanay Freedom House, (guriga Xoriyadda), ayaa diiwaangalisay oo kaliya afar dal oo African ah in ay xor yihiin.

โœ”Dhamaadkii dagaalkii qaboobaa ee dunida ee sagaashameeyadii, ayaa ah sababta ugu wayn ee loo aanaynayo inay xoogaystan kooxaha u ololeeya demoqraadiyadda ee ka jira africa, kuwaasi oo muddo sanado badan ah ka shaqaynayay sidii loo heli lahaa dowlado demoqraadi ah, waxaana daciifay oo sii taagdarnaaday kali talisnimadii oo ilaa mudadaasi ku tiirsanayd Maraykanka ama (Midowga Sovieti) oo u kala tartamayay dowladaha qaarada africa.

BILOWGII DEMOQRAADIYADDA AFRICA
Markii ugu horaysay, ayaa shir aad u wayn oo kacdoon ku dhisan awoodda dadwaynaha uu markii ugu horaysay ka bilowday dalka galbeedka afrika ku yaalla ee (Benin)๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ฏ, halkaasi oo xukunka laga tuuray dowladiii marxistaha sanadkii 1991-dii, oo lagu badalay dowlad rayid ah oo la doortay.
Chris Fomunyoh, oo ka mid ahaa dadka korjoogtada ahaa, oo ka socday Machadka Demoqraadiyadda Qaranka ee Maraykanka (US)๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ kadibna indhihiisa ku daawaday kacdoono kale oo kaa xigay oo ka tusaale qaatay khibradii laga helay dalka (Benin)๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ฏ.
โœ”Wixii aan ka aragnay Africa muddo gaaban kadib dhacdadii dalka (Benin)๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ฏ waxay ahayd in dalal kale oo Africa ah sida :-
โ—‹ MALI
โ™ก NIGER
โ—‹ CONGO-BRAZZAVILLE
โ™ก CONGO KINSHASA
ay raaceen raadkii dalka (Benin)๐Ÿ‡ง๐Ÿ‡ฏ siday u dhanaayeen, kuna soo gabagaboobay in africa laga aqbalo xisbiyo badan oo dowlado ku dhisan.

DALKA CUBA WUXUU CAAWIYAY NELSON MANDELA
Nelson Mandela, waxaa laga hayaa in uu yiri, in ay ahayd caawinaadda uu ka helay military shuuciga ahaa ee dalka kuuba (cuba)๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡บ mid ka mid ah xoogaga xornimada uu ku helay ee soo af jaray xukunkii military-ga ahaa ee Cadaanka Koonfur Afrika(South Africa)๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ฆ.
Dawlada kuuba (cuba)๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡บ, waxay xilligaasi ku eedeynayeen dowladii cadaanka ee Koonfur Afrika in ay taageero ka haysatay Maraykanka (USA)๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ.

15/06/2020

JABUUTI WAXAA KA SOCDAY SHIRKA WADAHADALLADA DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA IYO JAMHUURIYADDA ISKEED MADAXBANAANIDA UGU DHAWAAQDAY EE SOOMAALILAND IYADOO AY KU KULMEEN WUFUUDDA LABADA DHINAC SI GUUD IYO SI GOINI GOONI AH, MAXAY TAHAY WAXYAABAHA SHIRKAN UU UGA DUWAN YAHAY KUWII H**E

โœ”Shirkan waxaa ka qeybgalaya wufuud culus oo ka kala socota labada dhinac, waxaana u kala dab qaadayaa madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ,iyadoo Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed lagu casuumay.

โœ”Dhinaca hadal heynta, waxay u muuqataa in dadka soomaalida ah ay si gaar ah u daneynayaan marka aad eegto sida loogu hadal hayo baraha bulshada iyo warbaahinta iyadu dadkuna ay u dhag taagayaan waxa kasoo bixi kara.

โœ”Profesoor Xuseen Warsame oo wax ka dhiga Jaamacadda Calgary ee dalka Canada ayaa sheegay in shirkan laga filan karo rajo weyn marka la eego sida ay wadahadalladu ku bilaabmeen.
"Guddi culus ayaa meesha yimid madaxdii ugu sarreysay Soomaliya iyo madaxweynihii somaliland".

โœ”Waxay arrintani kaga duwan tahay kuwii h**e Mareykankii baa joogaa oo laftiisa dabada ka riixaya, Ra'iisul wasaarihii Itoobiya oo awal aanan lagu tirin jirin in madaxda Itoobiya ay taageerto isku imaansho iyo wax noocaas ah, waxaan u jeedaa โ—‹ Midowgii Afrika,
โ—‹ Midowgii Yurub,
โ—‹ Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa,
runtii rajo weyn ayay arrintaas keeneysaa marka la eego jawigu ay wax ku bilaabmayaan oo waxay u egtahay in meel loo socdo
โœ”Waxaa uu sidoo kale Profesoor Xuseen Warsame
sheegay in caqabadda ugu weyn ay tahay in Somaliland ay dooneyso in la ictiraafo halka Soomaaliyana aysan ogoleyn wax kala go' ah.

โœ”Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon oo ah wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo qayb ka ah wafdiga Somaliland ka socda oo shirka ka qeybgalay ayaa sheegay in qaabka loo ambaqaaday wada hadaladan ay ka duwan yihiin shirarkii h**e ee dhexmaray Soomaaliya iyo Somaliland.
Shirkan wuxuu kaga duwan yahay, wuxuu leeyahay marqaatiyeyaal, dad miisaan leh oo odeyaal ah oo madaxweyneyaal ah isla deegaanka ay ku yaallin labada dal ayay ka socdaan, kii h**e labada wafddi ee labada dal ka socda unbaa meel la geyn jiray oo la oran jiray idinku wadahadla laakin waa la dhex joogaa waana goob joog baa loo yahay waxa lagu wada hadlayo"

WAXYAABAHA XIISAHA GAARKA AH U YEELAYA
Profesoor Xuseen Warsame waxaa uu sidoo kale ka dhawaajiyay in waxyabaaha xiisaha u yeelaya shirkan in ay kamid yihiin in la isku furo dhaqaalaha gobolka iyo isbaddalka siyaasadda geeska afrika.

โœ”Maxaa dhici karaa xitaa haddii haatan aanan laga heshiin arrinta ugu weyn ay labada dhinac isku hayaan?
"Oo xataa haaddaan hadda lagu heshiin ma kala go'naa iyo ma isku jirnaa colaadda la yareynayo waxay keeni doontaa in horumarkii dhaqaalahu uu xowli galo labada dhinacba" ayuu yiri
Profesoor Xuseen Warsame.

โœ”Dabayaaqadii 2014-kii ayey aheyd markii isla madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu casuumaad ugu fidiyay magaalada Jabuuti madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynihii h**e ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

โœ”Gunaanadkii shirkaasi waxa ay madaxda labada dhinac ku heshiiseen lix qodob oo ay aheyd in dhinacyadu ay fuliyaan, si xal looga gaaro xiriirka u dhaxayn kara labada dhinac.
W/Q :- FXA

DAGAALKII QABOOBAA EE DUNIDADagaalkii labaad ee dunida ka dib Dagaalka qaboobi wuxuu ahaa, xiisado dagaal, dhaqaale iyo ...
14/06/2020

DAGAALKII QABOOBAA EE DUNIDA
Dagaalkii labaad ee dunida ka dib
Dagaalka qaboobi wuxuu ahaa, xiisado dagaal, dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dunida gilgilay muddo dheer, una dhaxeeyay xoogagii galbeedka iyo soofiyeefka oo kala aaminsanaaa mabaadii'da
โœ” Dimuqraadiyadda iyo
โœ” Shuuciyadda
Dawladaha maraykanka iyo ruushka ayay ahaayeen kuwa mar waliba uu ka dhaxeeyay xifaaltanka dhinaca :-
Awooda ciidanka (Quwa-Caskariya),
Dhaqaalaha, Hubka Niyuukliyeerka ka ee wax gumaada iyo tartamada kale ee ay kamidka yihiin sahamada hawadda sare, ee lagu tartamayay dayax-gacmeedyo samada loo diray iyo saldhigyo hawada laga samaystay; intii lagu guda jiray dagaalkii qaboobaa ee dunida waxaa ka dhashay dhacdooyin badan oo ay dunida soo martay iyo is xulufaysi aan xoogaga waawayni gacmaha isula tagin,
Aan soo qaato qaar kamida dhacdooyinkaasi iyagoo kookooban
1. XULUFAFII WARSAW PACT
Waxaa kamid ahaa samaysankii xulufadii (Warsaw Pact) oo ahaa heshiis ay wada galeen
8- dawladood oo shuuci ahaa kuna yaalay bariga iyo bartamaha yurub (europe) tariikhdu markay ahayd sanadkii 1955, xiligii dagaalkii qaboobaa waxaana loo yaqaanay hishiiskii warsow ee ururka saaxiibtinimada, iskaashiga iyo iscaawinta,
8- dawladood waxay ku heshiiyeen oo ay isla meel dhigeen inay wadaagaan danahooda
amni, mida dhaqaale, iyo tan siyaasadeedba,
Balse waxay ahaayeen dawlado taageersan awalna ku dhisnaa nidaamka shuuciyada saldhigooduna wuxuu ahaa magaalada warsaw (Warsaw) ee dalka boolan (Poland)๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ฑ.
2. Waxaa sidoo kale xiligaasi samaysmay xulufadii kale ee (Nurth Atlantic Treaty Organization) ee loosoo gaabiyo (NATO) oo la sixiixay tariikhdu markay ahayd apreil 1949 kii taasoo ku caan baxday heshiiskii waqooyiga bada atlaantiigga (Atlantic) oo ay isku xulufaysteen milatariga dawladdo u badnaa galbeedka qaarada yurub (europe) oo aad u la dhacsanaa nidaamka dimuqradiyddeed ee uu hor kacayay maraykanku.
3. SAMAYSINKII DAWLAFIHII DHAXDHAXAADKA AHAA ee (None Alignment Treaty) oo lagu yagleelay caasimada dalka Yugoslavia ee (Belgrade) sanadkii-1961 waxaana ku midoobay markii h**e dhawr dawladood oo ay kamid ahaayeen
โšซMasar (Egypt)๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ฌ
โšซYogoslaafiya (Yugoslavia)๐Ÿ‡ท๐Ÿ‡ธ
โšซHindiya iyo (India)๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ณ
โšซGana (Ghana)๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ญ
Ka dib dawlado badan ayaa dib ugu biiray, dawladahaasi iyagu cidna xulufo lamay noqon waxayna diidanaayeen in ay kala raacaan labadii awoodood ee dunida markaas ku hardamayay, waxaa ururkaa siwayn loogu xusuustaa hogaamiyeyaashii kala ahaa
โœ” Marshal Josip Broz Tito
โœ” Jamaal Cabdi Naser
โœ” Jawharlal Nehru
โœ” Kwama Nakruumihii dalka gana Ghana๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ญ
4. DARBIGII BAARLIIN
Waxaa kamid ahaa isna darbigii baarlin (Barlin) ee midawgii soofiyeeti uu ku xidhay galbeedka dalka jarmalka (Germany)๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช isaga oo ka cararayay in siyaasada galbeedku usoo gudonto dhanka shuuciyadda ku fido.
5. DAGAALKII BARIGA DHEXE (Arab Israel Six Day War) oo uu kamid ahaa dagaalkii lixda beri ee u dhaxeeyay carabta iyo yahuuda (Israel)๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฑ oo Maraykanka iyo xulufaddii (NATO) ay ka cabsi qabeen in ay shuuciyaddu ku faafto guud ahaan dalalka bariga dhexe, dagaalkaas waxaa ay guushu ku raacday yahuuda (Israel)๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฑ oo dhul hor leh ka qabsatay dawladahii carbeed ee la dirirayay sida:-
โœ” Gacanka siinay
โœ” Buuralayda (Galon Heights)
โœ” Marinka Qaza iyo Daanta galbeed
6. SIYAASADII LA MAGAC BAXDAY (Iron Curtain )
Af carabigana lagu yidhaahdo
( Sitaarul xadiidiya ุณุชุงุฑู„ ุญุฏูŠุฏูŠ )
Mahna heedo waa daahii birta ahaa oo loola jeeday xudduudii lagu kala qaybiyay inta badan dawladahii yurubta bari iyo Yurubta Galbeed ee u kala qaybsanaa NATO iyo WARSAW PACT
Taasi waxay sabab u noqotay inay kala jaranto gabi ahaanba cilaqaadkii ka dhaxeeyay dawladahii reer yurub, waxana dhacdadaas lagu xasuustaa
Raysal wasaarahii ingiriiska (UK)๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ฌ ee (Winston Churchill)
7. CUBA MISSILE CRISIS
Wuxuu ahaa dagaal afka ah oo soconayay 13 bari ee u dhaxeeyay kuuba (Cuba) iyo midawgii soofiyeeti oo dhinac ah iyo dhinaca kale oo ahaa maraykanka iyo xulufadiisii waxaa kaloo xiisadahaas afka u badnaa loo yaqaanay xiisadihii jaziiradaha karabiyaanka (Caribbean Crisis) waxa loo aaneeyaa inuu ahaa xili dagaalkii qaboobaa ee ugu dhawaa in uu isu badalay samaysashada qumbulad dooriyada dunidu maanta ka qaylinayso ee nugliyeer wiibon ka (Nuclear Weapon) waxaana arintaas soodiyaariyay in uu gantaalihiisa soo dhigo gacanka kuuba (Cuba)๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡บ ku dhiiraday midawgii soofiyeeti gaar ahaana hogaamiyihii xiligaaas (Nikita khrushchev), ka dib gardarooyinka siyaasadeed oo uu maraykanku damacsanaa in uu meesha kaga tuuro maamulkii kuuba (Cuba)๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡บ ee soofiyeetka taageersanaaa hawlgalkaasna waxaa loogu magac daray (Pay of Pigs Operation)
8. QORSHAHII XAALADA DAGDAGA
(The Marshal Plan),
Qorshahaas Marshal Plan waxa uu ahaa mashruuc caawin ah oo uu maraykanku filiyay kadib khasaarihii dagaalkii labaad ee aduunka ka soo gaadhay guud ahaan yurub, kaasoo uu ku bixinayay kaalmo dhaqaale si dib loogu dhiso dhaqaalahii iyo goboladii dagaalku burburiyay ee qaarada yurub waxaa kale uu doonayay in laga hortago ku faafitaanka shuuciyada ee badhtamaha yurub, siyaasiyiintii qorshahaasi hormuudka ka ahaa waxaa lagu xasuustaa oo kamid ahaa xoghayahii arimaha dibada maraykanka ee wakhtigaasi George Marshal.
9. DAGAALKII FIIDNAM (vietnam)๐Ÿ‡ป๐Ÿ‡ณ
wuxuu kamid ahaa dagaalka qaboow, waxana uu ahaa khilaaf milateri oo ka dhacay
Vietnam, Laos, Iyo Combodia, November 1955 kii waxaa kaloo loo yaqaanaa "Indochina War"
Dagaalkii Indochina War maadama oo daba socday dagaalkii (Frist Indchina War) una dhaxeeyay waqooyiga fiidnam (Vietnam)๐Ÿ‡ป๐Ÿ‡ณ oo uu taageerayay shiinaha iyo xulufooyinkii shuuciyada iyo koonfurtii fiidnam oo uu taageerayay maraykanka (USA) taasoo looga adkaaday xulufadii galbeedka kadib qabsashadii caasimada koonfurta fiidnam (vietnam)๐Ÿ‡ป๐Ÿ‡ณ ee siyaaguun Apreil 30, 1975-kii (Fall of Saigon) oo ay qabsadeen jabhadii NLF looyaqaanay oo si wayn ugu dagaalantay xeelad dagaalkii dooxashada ama (Guerilla War) ee kudhufo oo ka dhaqaaq ahaa intaas markay dhacday maraykanka iyo xulufadiisii waxay bilaabeen dagaalka dhanka hawada ah oo ay ku burburiyeen xoogagii dhulka (Ground Forces) iyo saldhigyadii ciidamada cirka iyaga oo ka dagaalamayay in shuuciyiinto ka fara maroojiyaan gacan ku haynta koonfurta dalka fiidnam (vietnam)๐Ÿ‡ป๐Ÿ‡ณ
10. DAGAALKII KUURIYA (Korea)
isaguna sidoo kale wuxuu u dhaxeeyay waqooyiga kuuriya (North korea)๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ต oo ay mar qudha wada taargeereen shiinaha iyo midawgii soofiyeeti, iyo dhanka kale oo ahaa kuunfurta kooriya (South korea)๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ท oo ay taageereen maraykanka iyo xulufadiisii naato (NATO) waxayna ka dhalatay hishiis siyaasadeed oo lagu qaybsaday gacanka kooriya kadib guula laga kala gaadhay dagaalkii baasifik (Pacific) dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida kolkii h**e gacanka kuuriya (korea) waxaa xukumi jirtay boqortooyadii jabaan (japan)๐Ÿ‡ฏ๐Ÿ‡ต, laga soo bilaabo 1910-kii ilaa lagasoo gaadhay dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunida haddaba markii laga qaaday gacankan kooriya boqortooyadii jabaan (japan)๐Ÿ‡ฏ๐Ÿ‡ต september 1945-kii ayaa saraakiil maraykan ahi waxay gacankan u kala qaybsheen laba qaybood oo ay ugu magacdareen (38 Pareallel) oo ah loolka 38-daad ee dunida ku meegaaran marka juquraafi loo eego loolkaas qaybta waqooyi (North korea)๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ต ka xigto waxaa saami u helay oo lasiiyay xoogagii soofiyeedka isla xariiqda 38 daad wixii qaybta koofureedka (South korea)๐Ÿ‡ฐ๐Ÿ‡ท ka xigtana waxaa la siiyay oo maamulayay maraykanka, ilaa iyo hadana qaabkaas ayay u kala yaaliin walina laguma kala adkaan siyaasadooda.
11. QABSASHADII SOOFIYEEDKA EE AFGANISTAN
(Afghanistan)๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ซ
(THE SOVIET INVENTION OF AFGHANISTAN)
Midawgii soofiyeedka waxay kumannaan ciidan ah u direen dalka afganistan (Afghanistan)๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ซ halkaasoo isla markiiba ay la wareegeen awooddii ciidan iyo gacan kuhayntii siyaasadeed ee magaalada kaabuul (Kabul) iyo meela farabadan oo ka tirsan dalka afganistan,dhacdadaas oo ku bilaabatay si lama filaan ah oo xukuumada ruushku (Russia)๐Ÿ‡ท๐Ÿ‡บ 10-naan sano ku taamaysay in ay la wareego gacan ku haynta afganistan oo ay aad uga cabsi qabtay in shuuciyadda lagaga adkaado bariga dhexe iyo koonfurta galbeed ee qaarada aasiya gaar ahaan afganistan (AFGHAN PROXY WAR) oo waayadaasi siyaasada ree galbeedka ee maraykanku hor kacayay ay kusoo fiday dalalka:-
โœ” masar (Egypt)๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ฌ
โœ” israil (Israel)๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ฑ
โœ” sucuudiga (Saudi Arabia)๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ
โœ” baakistaan (Pakistan)๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ฐ
Iyo wadamo kale; sababto ah waxaa muuqatay kacdoono isa soo tarayay oo gudaha afganistan kaga socday xukuumadii hantiwadaaga ahayd ee People's Democratic Part of Afghanistan (PDPA) ee uu madax waynaha ka ahaa Dr. Najibullah
Si markaas loo dhiiri-geliyo xukunkaas hantiwadaaga ku dhisan, waana markii ugu horaysay ee ay soofiyeedku ay qabsadaan meel ka baxsan dalalkii ay ka talinayeen soofiyeedku ee (EASTERN BLOC), loo yaqaanay taasoo ay kala kulmeen eedaymo fara badan oo uga imaanayay dalalka reer galbeedka iyo kuwa caalamka kaleba,
Ugu danbayntii falaagaddii la magac baxday mujaahidiin ee uu hogaaminayay
Gulbuddin Hekmatyar, oo taageero ka helayay dawladaha
โœ” maraykanka (United State of america)๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ
โœ” Iiran (Iran)๐Ÿ‡ฎ๐Ÿ‡ท
โœ” Sucuudiga (Saudi Arabia)๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฆ
โœ” Masar iyo (Egypt)๐Ÿ‡ช๐Ÿ‡ฌ
โœ” shiinaha (China)๐Ÿ‡จ๐Ÿ‡ณ
Ayaa soofiyeedkii ku qasbay inay isaga huleelaan magaalda kaabuul bishii Februery 1989-kii kadib markii tobanan kun oo ciidana ay ah halkaasi kaga dhinteen tobanan kalana ay kaga dhaawacmeen
12. WADA HADALADII QORSHIHII XADIDAADA HUBKA (Stratege Arms Limitation talks)
Waxay ahaayeen wada hadalo ay kawada qayb qaadanayeen dawladaha waawayni gaar ahaan maraykanka iyo ruushku, waxayna ku saabsanaayeen xaddidida isticmaalka hubka halista ah, wada xaajoodkan oo laba wareeg ahaa ayaa waxaa lagu kala magac daray
SALT -I iyo SALT -II oo loogasoo gaabiyay
Strategic Arms Limitation Talk oo ah (SALT)
Qaybtii h**e ee wada hadaladu waxay ka dhacday magaalada helsinka (Helinki) ee dalka filand (Finland)๐Ÿ‡ซ๐Ÿ‡ฎ bishii september 1969-kii waxaana lagu gaaray heshiis hordhac ah wareegii labaad ee wada hadalada (SALT -II) waxaa lagu qabtay magaalaa fiyena (Veinna) ee dalka ostariya (Austria)๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡น june 18, 1979-kii waxaa lagu gaaray heshiis rasmi ah lakiin nasiib daro golahii senate-ka ee maraykanka (USA)๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ ayaa si weyn uga horyimid heshiiskaas waxaana ay meesha ka sareen suurtagalnimada in ay meel mariyaan heshiiskaas iyaga oo u aanaynayay ama jawaab ugu dhigayay qabsashadii soofiyeedka ee Dalka Afganistan (Afghanistan)๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ซ,
Sidoo kale waxaa markay arintaasi maqleen iyaguna diideen inay sixiixan golihii sharci dejinta soofiyeedka, ugu danbayntiina hisheeskaasi wuxuu burburay december 31, 1985-kii

Waxaan filayaa inaad wax badan ka ogaatay dagaalkii qaboobaa ee dunida soo maray qaybahiisii kala duwanaa iyo meelahii dawladahii caalamka ee xiligaasi awoodaha dunida ahi isku hayeen ay kala qabsadeen
W/Q wllkiin FXA

DAGAALKII QABOOBAA EE DUNIDADagaalka qaboobi wuxuu ahaa, xiisado dagaal, dhaqaale iyo mid siyaasadeed oo dunida gilgilay...

WQ:- FXA

WELLCOME SIR
13/05/2020

WELLCOME SIR

UPDATE: COVID19 IYO XOGTA MAANTA EE UGU MUHIIMSAN!DHIMASHADA MAANTA IYO WADAMADA UGU BADAN.MEXICO                       ...
13/05/2020

UPDATE: COVID19 IYO XOGTA MAANTA EE UGU MUHIIMSAN!

DHIMASHADA MAANTA IYO WADAMADA UGU BADAN.

MEXICO 353
SPAIN 184
SWEDEN 147
RUUSHKA 96
BELGIUM 82
BRAZIL 57
NETHERLANDS 52
JARMALKA 35
MAREYKANKA 30

DHIMASHADA GUUD IYO WADAMADA UGU BADAN.

MAREYKANKA 83,455
INGIRIISKA 32,692
TALYAANIGA 30,911
SPAIN 27,104
FARANSIISKA 26,991
BRAZIL 12,461

KIISASKA GUUD IYO WADAMADA UGU BADAN.

MAREYKANKA 1,408,823
SPAIN 271,095
RUUSHKA 242,271
INGIRIISKA 226,463
TALYAANIGA 221,216
FARANSIISKA 178,225
BRAZIL 178,214
JARMALKA 173,424
TURKIGA 141,475

AFRICA: DHIMASHADA MAANTA

SENEGAL 2

AFRICA: KIISASKA MAANTA IYO WADAMADA UGU BADAN:

SENEGAL 110
MOROCO 48
MALAWI 6
ZAMBIA 5
ETHIOPIA 2
GAMBIA 1
LIBERIA 1
LESOTHO 1

FG: Waxaan Muhiima in wacyigalinta bulsheed aan marnaba la hilmaamin waxan ugu baaqaynaa xukumadan maqaar saarka ay isku daydo bulshada noocyadeeda kala duwan in ay u fidiso wacyi galin

Wabilaahi tawfiiq
โœ walalaha midoobay wep Tv

Degmooyinka iyo Xarumaha La siiyay Ambulance yada cusub fadlan markasta dawlada uun ma dhaliili karo doorka aad leedihii...
30/04/2020

Degmooyinka iyo Xarumaha La siiyay Ambulance yada cusub fadlan markasta dawlada uun ma dhaliili karo doorka aad leedihiin waa inaad ka soo baxdaan

1. Waa in dayactirka Ambulanceyada la joogteeyo isla markaana Dirawaliinta aad loo ilaaliyo waliba kuwa jaadka iyo balwadu hogaamiso fadlan ka ilaashada

2. Ambulanceyada yaan la arkin iyadoo sifo aan loogu talagalin loo isticmaalayo sida
A. In jaad lagu qaado
B. In masuulka xafiisku sida gaadiidka u isticmaalo
C. In maciishada lagu raro sida marar badan dhacday
D. Gabi ahaanba waa inaan hadafkeeda laga leexin

3. Ambulanceyada caalamku marka ay shaqo ku jirta mooye Waxa ay dhax taagan yihiin 24 saac Xarunteeda caafimaad maadama ay tahay gaadhi bukaan

Hadii Aad ilaaliso hantida lagu siiyay waxay anfici doonta adiga iyo jiilka soo koraya

Balse hadii aad laba cisho kaga dhigto kadibna aad af labadii dhawaaqdo waa ceeb ilaasho waxaad haysato.

Fadlan Dawlada uun yaan lagu dhaliilin ee nin walba Doorkiisa ha qaato.

Walalaha midoobay web TV
Ramadaan kariim

Address

Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Walalaha midoobay web TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Walalaha midoobay web TV:

Share

You may also like