07/12/2022
Run ahaantii bulshada dds waa bulsho dhiiranaan Leh dhaq dhaqaaq badan lkn dhaqaalaha.la aan ayaa dhantaashay dhabtii
Bulsho tabar daran; had iyo jeerna ku foogan waxaan danteeda ahayn. Bulsho hadba waxa soo mara aan ku waayo qaadan; bulsho ilowsho badan, bulsho colaadeed, mid qabiili iyo weliba bulsho kuwooda wax bartay ay reernimadu ka adagtahay!
Adduunkan casriga ah Soomaalidii ka tagtay dhulkooda ee qaxootiga ahaa ayaa wadamada caalamka oo aysan isku diin, sinji iyo dhaqan toona ahayn xilal waaweyn ka haya, laguma caayo, laguma takooro, dhibna kuma mutaan. Waxaan uga socdaa hebel waa reer kale oo ima maamuli karo, waxaa ka fiican hebel hab-maamulkiisu ma haboona waajibaadkii loo igmadayna kamasoo bixin oo ma rabno. Horaa loo yidhi: "Nin ku yidhi sinnaan mayno, adna diid sarrayntiisa". Reer hebel imaamuli mahayaan haddaad maanta dhahdo adu bari yaad maamuli? Xilku waa meerto oo maalinba waa meel. Maanta adaa wax maamuli; barina adaa lagu maamuli ee cabashadeenu haku salaysnaato shaqada iyo waajibaadka saaran shaqsiga masuulka ah taas aynu ku eedayno, ku canbaarayno, ku cayno laakiin shaqsiyadiisa iyo reerkiisa in la gaadho waa dambi iyo ceeb ay jaahilnimo hagayso.
Waa in aynnu barano, ku dhiiranno, kala bayaaminta xaqa iyo baadilka. Ma jiro qabiil qabiil ka xoog badan, ka nasabad iyo reernimo wanaagsan ee dadka walaalaha ah ee wada dhashay yaan lakala dilin oon la isku horkeenin. Intaas markaan ka tago maamulka bulshada xilka uhaya waxaa haboon in ay ka fogaadaan: Qabyaalad, eex iyo nin-jeclaysi oo ay bulshada u caddaalad falaan, taasi baddelkeeda wanaag badan ayay bulshadu u haynayaan. Haddii aadse fursadda dawladdu ku siisay aad mooddo in reerkiina laguugu dhiibay adduun iyo aakhiraba ceeb bay cidhibtaadu noqon.👋
Gacmo geel-jire hoos baa loo maydhaa!
FG: Qoraalkani wuxuu ka tarjumayaa aragtidayda shakhsi ahaaneed. Waxaanan uga golleeyhay talobixin guud iyo mid gaar ahaaneed.
Qalinkii wariye Idaajaa