12/07/2022
Xiddiga reer Senegal ee TikTok, Khaby Lame ayaa hadda ah qofka ugu followers-ka badan TikToker adduunka oo dhan.
Waxaa bartiisa ku xiran dadka ugu badan TikTok, isagoo aan wax kelmad ah dhihin, wuxuu dhaafay gabadha markii h**e ku jirtay kaalinta koowaad oo la yiraahdo Charli D'Amelio.
Lame wuxuu hadda haystaa 142.8 milyan oo qof oo ku xiran bartiisa TikTok, marka la barbar dhigo D'Amelio oo hayasta 142.3 milyan. Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020, D'Amelio waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee TikTok isticmaala ee hela 100 milyan oo qof oo ku xiran.
Sida fudud ee uu ku billaabay TikTok bishii March ee sanadkii 2020 waxay ahayd maalmihii ugu horreeyay ee cudurka Coronovirus, Khabane Lame, waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Turin.
Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay.
Xilligaas ayaa sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee uu isticmaalay Tiktok, sida uu ku warramay wargeyska Newyork Times. Lame wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban.
Lame, oo 22 sano jir ah oo ku dhashay Senegal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qoyskiisu ay u guureen Talyaaniga isaga oo sanad jir ah, waxaana loo diray dugsi Qur'aan ku yaallay meel u dhow magaalada Dakar, Senegal si uu xaafidul-Quraan u noqdo, waxayna taasi u sahashay inuu Quraanka xifdiyo markii uu ahaa 14 jir.
Source :-BBC News Somali