Dhiiri geliye Media

Dhiiri geliye Media Public

Talliye sareeye gafaaydhe guulaystaGoob walpo aad joogtanba Galada gudoooma geesiyada liyuugowGobanimada guusha, raga gu...
16/04/2024

Talliye sareeye gafaaydhe guulaysta
Goob walpo aad joogtanba
Galada gudoooma geesiyada liyuugow
Gobanimada guusha, raga gurtee gaadhow. Guulaysta waligiin geesiyada liyuugow.

Liyuubolis samawade" guulaysta
16/04/2024

Liyuubolis samawade" guulaysta

REALY
14/04/2024

REALY

Ciidamada difaaca qaranka ee itoobiya
02/03/2024

Ciidamada difaaca qaranka ee itoobiya

Shamuure, Oo ahaa Marqaatigi Gabadhi Luul Ee la gubay U marag Furay aya noqday midki todobadkan ugu hadal haynta badna g...
02/03/2024

Shamuure, Oo ahaa Marqaatigi Gabadhi Luul Ee la gubay U marag Furay aya noqday midki todobadkan ugu hadal haynta badna gayiga somaliyed Barta oo u furtay 4beri gudahod waxaso akhyaara kuraacday. Macruuf oo afar sano isticmaala shamuure oo afar beri ufuran yaha ku dhaafay hiil soomali nimo iga dheh.

Waxaa lagu wareejiyay boos ama dhul 800 oo kaare ah🙏Qiso cajiiba🙏Abaal Ningala waala arkay Lkn Nin~Gudaa wuu yar yahay A...
01/03/2024

Waxaa lagu wareejiyay boos ama dhul 800 oo kaare ah🙏

Qiso cajiiba🙏

Abaal Ningala waala arkay Lkn Nin~Gudaa wuu yar yahay

Aybakor Shariif wuxuu Ahaan jiray Taliyihii Oogu naxariista badnaa Ee Soomara jeel~Ogaadeen intii uuna Xilka lawareegin dadku aad buu U rafaadsanaa Nafta Bini~aadamkuna Aadbay U dhib yarayd Dhimashadeedu lkn malintii uu lawareegay Dadku way nafiseen Dhimashadiina way yaraatay

Waxaan Usoo qaatay Qisadan Waxaa dhacday in Malin maalmaha kamid ah Lasoo xidhay Wiil Kaas oo lagusoo eedeeyay arimo siyaasadeed xiligaas Waxaa xukumay Sharif Aybakor Kadib waxaa dhacay in wiilkii lagusoo xukumay mudo labo sano ah wiilku wuxuu qabay macaan iyo Xanuuno kale😭isla malintiina waxaa meesha yimid qolyihii soo xukumay iyagoo raba in wiilkan la jidhdilo xiligaas waxaa meesha kajiri jirtay in qofka lasoo xidho Barkad qabaw oo meesha Kutaallay madaxa Loo galiyo waa haduu isasixi Wayo kadib sharifkii ayaa yidhi Mar hadaad soo xukunteen aniga ayay ii taallaa Inaan amnigiisa sugee iskataga Wax La idiin dhiibayo majirtee Intaas oo dhan wiilku sheekada wuula socda wuxuuna isleeyahay Mar un malaga yaabaa Aad Ninkan Aabaalkiisa gudide inaad baxdo waxaas oo dhan Kusameyay ee Naftaada badbadiyay😭waliba intaas oo dhan sharifku wiilkan magaran hayo mana Yaqaano lkn Naxariis iyo nimankani sida ay U cadhaysan yihiin Unbuu qaadan wayay kadib markuu wiilkiii xidhnaa 10 maalmood ayuu sii~daayay isagoo Kaliya Eegayay inuu xanuunsan hayay hada waa ninkii labada sano lagu xukumay👏

Malin dhawayd ayaa wiilkii oo aan wajigiisa garan haynin oo dad waydiin jiray Ninkii jeelka xukumay ayuu Nin Sxb Kii ahi kuyidhi intuu wacay War Hebelow sharifkii waagii Naftaada badbaadiyay ayaa ila~jooga isaguna ilaa wagaa wuu radin jiray Kadib intuu U yimid oo uu ooyay wuuna kaxeeyay wuxuna ku warejiyay dhul dhan 800 oo kaare wuxuuna kuyidhi Naftayda hadaada badnaadinin Maanta dhulkaas kuma siiyeeen🙏

Maanta aybakor waa bilaaa camal wana bilaa shaqo xukumadu aybakor Hawshiisa Hoos Ha U eegt

Caasimadi soomaliyeed
01/03/2024

Caasimadi soomaliyeed

Motivation Jihee nolashu guul Bay, kugu jiiidi weyneKu jaxaas wanaaga, jabka samo kudhaafoJiro iyo mashquuliyo, balwadah...
01/03/2024

Motivation
Jihee nolashu guul Bay, kugu jiiidi weyne
Ku jaxaas wanaaga, jabka samo kudhaafo
Jiro iyo mashquuliyo, balwadaha kajeeso
Jaliilka katuug khayr""

DHACDO CAJIIB AH:  Waxaa shalay duulimaadkii Ethiopian Airlines ee Addis Ababa - Jigjiga ee lambarkiisu ahaa ET 212 oo k...
01/03/2024

DHACDO CAJIIB AH: Waxaa shalay duulimaadkii Ethiopian Airlines ee Addis Ababa - Jigjiga ee lambarkiisu ahaa ET 212 oo ka soo kicintintay Addis Ababa 3:25 soona fadhiisatay Jigjiga 4:45 duuliye ka ahaa Duuliye Eng Hamse dahir.

Waxaa dhacdo ugub ah noqotay kolkii duuliyihii diyaarada uu ogaysiiskii duulimaadka ku sheegay luqada Af Soomaaliga. Waana kolkii u horaysay ee Duulimaad diyaarada Ethiopian Airlines ah lagu ogaysiisyo Af Soomaali oo la raaciyo Af Ingiriiska iyo Af Xabashiga oo h**e u jiray.

Duuliye Xamse waxaa kale oo uu ogaysiiskaa oo kale ka sameeyay duulimaadkii Et 213 oo ka kicitintay Jigjiga 5:15 kana degtay Addis Ababa 6:35 makhribnimo

Qoraalkan aad hoos ku arkaydaan waxaa bartiisa Facebooka doo dhigay Duuliye Eng Hamse Dahir

“Waxaan Maanta Duuliye ka ahaa Dulimaadka number kiisu yahay 212/13 waxaase Tariikh noqotay Markii ugu horaysay in aan war bxinta Diyaarada ku bixiyay luuqada Afsomali ga ah Taas oo waligeed horay loogu bixinin Ilaa iyo intii la’aas Aasay shirkada.

Waxaa Intaas Dheer in Rakaabka diyaaradu ay aad ugu faraxsanayeen, iyo shaqaalaha diyaarada ila saran oo ad ugu riyaaqay Hadii Tariikhda dib loogu noqdo xili Waxaa jirtay luuqada ingiriiska Oo kaliya lagu bixin jiray Oo duuliyayaasha diyaarada ay ahayeen ajinabi( Cadaan ah ) dadaal badan kadib Waxaa lagu soodaray luuqada Qaranka ( Axmaari ) Markii lahelay duliyayaal badan oo dalka udhashay Waxaase Tariikhda gashay Maanta 29-February 2024 in aan luuqadooda Hooyo kula hadlo.

Waxaan Mahad oo dhan iskale Allah (SWTC) oo suurta galiya badqabka aan marwalba kusocono.

Waxaan marlabaad umahadcelinayaa Dhamaan shacabka Degaanka oo marwalba Dhiiragalin Ii muumin jiray waxaanse ubalan qadayaa Hadii aad rakabkayga kamiqnoqotaan in aan warbixinta idin kusiindoono luuqada aad ku fahmaysaan oo ah afsomali.

Saliga nebiga caawa oo jimce ah ma igula salin kartaan si acmaasha miisanka xasanaadka inoogu biiro. Scw scw scw
29/02/2024

Saliga nebiga caawa oo jimce ah ma igula salin kartaan si acmaasha miisanka xasanaadka inoogu biiro. Scw scw scw

Laamaha amniga deegaanka iyo maamulka Gobolka Faafan ayaa maanta kulan xogwaraysi iyo dhiiri galin ah laqaatay dalada be...
29/02/2024

Laamaha amniga deegaanka iyo maamulka Gobolka Faafan ayaa maanta kulan xogwaraysi iyo dhiiri galin ah laqaatay dalada beeralayda senterka dhagaxle ee degmada Gursum.

Kulankan oo ay hoggaaminayeen komishineer kuxigeenka komishinka booliska DDS R/K.Cali Cabdi Jabaar,Gudoomiyaha gobolka faafan
Mudane.Khadar Axmed Nuur,hogaanka nabadgalyada gobolka faafan Rabiic
Sh.Rashiid iyo taliyaha booliska gobolka Faafan G/dhexe.Gaabane Xasan

Ujeedada kulakan ayaa ahayd mid isugu jirta dhiiri galin iyo sii adkaynta kaalinta ay beeralaydu kuleeyihiin arrimaha nabadgalyada si ay waxsoosaar kooda si nabadgalyo ah ugu qabsadaan.

Waxaana gabogabodii kulanka la isla qaatay in amniga iyo wax soo saarka beeruhu u noqdo mid h**ey u socda iyadoo siwadajira looga qayb qaadanayo nabadgalyada.

  city
29/02/2024

city

     🇸🇴🌊⚓️
29/02/2024

🇸🇴🌊⚓️

     🇸🇴🌳🌆🌲
29/02/2024

🇸🇴🌳🌆🌲

Sawirro; Warshadda hilibka ee JESH oo Hadhimo-sharafeed u samaysay qaar kamida bahda warbaahinta iyo jilayaasha deegaank...
29/02/2024

Sawirro; Warshadda hilibka ee JESH oo Hadhimo-sharafeed u samaysay qaar kamida bahda warbaahinta iyo jilayaasha deegaanka.

swiro kamid ah ciyaarti xamasada  badnayd e galabtaLilka photography
29/02/2024

swiro kamid ah ciyaarti xamasada badnayd e galabta

Lilka photography

Kulan u shir gudoominayay ku xigeenka duqa caasimada mudane khadar budul ismacil, ayaa aha mid lagaga hadlayay sidi loog...
29/02/2024

Kulan u shir gudoominayay ku xigeenka duqa caasimada mudane khadar budul ismacil, ayaa aha mid lagaga hadlayay sidi looga hortagi lahaa islamarkana dadaalo dheeri ah loo galin laha xakamaynta cudurka shuban biyoodka ee ka jira qaybo ka mid magalada jigjiga.

Shirkan oo ay kasoo qayb galeen xafiisyada bahwadaagta ah ee heer deegaan, Mamulka magalada jigjiga iyo hay'adaha calamiga ah ee ka hawlgala Bad_qabka bulshada.

Gabagabadi shirkan ayaa waxa laysla qatay in la joogteeyo kulamadan oo kaleh, si loola socdo xalada xanuunka, dadaal dheeri ahna la sameeyo, iyado la kaashanayo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada lana xoojiyo wacyigalinta iyo dhaqangalinta nidamyada lagaga hortagayo xanuunka shuban biyoodka.

Xulka Maaamulka magaalada jigjiga""
29/02/2024

Xulka Maaamulka magaalada jigjiga""

Taageerayaasha Magalada Dhagaxbuur iyo Jamacada qabridahar
29/02/2024

Taageerayaasha Magalada Dhagaxbuur iyo Jamacada qabridahar

Ma og tahay salaadu sifo sare, inaay tahayMa og tahay sun iyo faral, sado wacan inaay tahay, surin samuhu yaalo ogoow sa...
29/02/2024

Ma og tahay salaadu sifo sare, inaay tahay
Ma og tahay sun iyo faral, sado wacan inaay tahay, surin samuhu yaalo ogoow sare inaay tahay

Jarar dhagaxbur City photo 📸
28/02/2024

Jarar dhagaxbur City photo 📸

Hogaanka amniga DDS Muxuu kayidhi Kontrabanka ?" Ganacsiga shircidarrada ah oo lacaadaysto waxa uu halis kuyahay:- 1. Am...
28/02/2024

Hogaanka amniga DDS Muxuu kayidhi Kontrabanka ?

" Ganacsiga shircidarrada ah oo lacaadaysto waxa uu halis kuyahay:-

1. Amniga.

Waxaa lagu dhuumiyaa hubka iyo agabyada amni daradda lagu gaysto, waxa uu abuuraa ganacsiga sharcidarrada ah bulsho/ jiil aan u carbisnayn u hogaansanka shuruucda.

2. Horumarka.

Waxaa luma dakhligii dawladda ee lagu dhisi lahaa kaabayaasha horumarka.

3. Badqabka bulshada (caafimaadka).

Waxaa lasoo iib geeyaa cunto iyo dawooyin aan tayadooda laxaqiijin kuwaas oo bulshada ku keena caafimad darro, degdeg ah iyo mid lafactirsata oo saamayn ku yeelata kuwa dhalanaya.

Sidaas darteed waxaan uga digaynaa shaqsiyaadka caadaystay soo xaraynta wax walba oo ay u malaynayaan in ay faa,iido ku helayaan ee diiddan in ay ku ganacsadaan waddo sharci ah, in hay,adaha amniga ee dalka iyo kuwa deegaankaba ay si wada jir ah uga shaqayn doonaan ladagaalanka ganacsiga sharcidarrada ah iyo cidda kashaqaysataba.

Bulshada deegaankana waxaa lala socodsiinayaa inay garab ku siiyaan, garab istaagaanna hay,adaha amniga si aan u ilaashanno una kobcinno horumarkeenna iyo amnigeenna...."

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa shirka isku xidhka booliska iyo bulshada ayaa layeeshay qaar ...
28/02/2024

Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Magaalada Jigjiga ayaa shirka isku xidhka booliska iyo bulshada ayaa layeeshay qaar kamida dhalinyarada magaalada.

Taliyaha Booliska Magaalada Jigjiga G/dhexe.Maxamed Axmednuur iyo Madaxa isku xidhka booliska iyo bulshada G/sare.C/laahi Maxamed ayaa dhalinyarada usoo jeediyay muhiimada shirka.

Waxayna saraakiisha iyo dhalinyaradu kawada hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen nabadgalyada korna loogu qaadi lahaa wadashaqaynta kadhaxaysa booliska iyo dhalinyarada.

Dhalinyarada shirka ka soo qayb gashay ayaana balan qaaday inay si buuxda booliska ugala shaqaynayaan nabadgalyada,

Dugsiyada Hooyga Waxbarashada ee Afdam, Gunagado,Sheed-dheer, Qallaafo iyo Filtu ayaa loo ansixiyay kudhawaad 150 milyan...
28/02/2024

Dugsiyada Hooyga Waxbarashada ee Afdam, Gunagado,Sheed-dheer, Qallaafo iyo Filtu ayaa loo ansixiyay kudhawaad 150 milyan oo lagu dhamaystirayo shaqooyinka dheeriga ah ee dugsiyada si ay uhawl-galaan.

Madaxwaynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa shir-guddoomiyay Kal-fadhi ay yeesheen Golaha Fulinta DDS oo lagu ansixiyay ajandayaal kala duwan:

1. Dugsiyada hooyga waxbarashada; Golaha Fulinta ayaa ansixiyay miisaaniyad kudhaw 150 milyan oo lagu hawl-galinayo qaar kamid ah adeegyada kuliyadaha hooyga waxbarashada ee Afdam, Gunagado,Sheed-dheer, Qallaafo iyo Filtu oo ay isbaddalkii kaddib Xukuumadda DDS ay hirgalisay. Adeegyadan ayaa kala ah; biyo-gelinta gudaha dugsiyada, isku xidhiidhinta qaybaha kala duwan ee dhismayaasha, kaydka biyaha goobaha qashinka qoyan lagu maareeyo, waddooyinka isusocodka dugsiyada, laydhasha, helida ilo-biyoodyo, goobaha maydhiga dharka wiilasha iyo gabdhaha, 16 goobood oo loogu talo'galay qabaysiga wiilasha iyo gabdhaha iyo adeegyo kale.

2. Koontarabaanka; Waxaa laga wada hadlay la dagaalanka ganacsiga sharci darrada ah oo lid ku ah ganacsiga sharciga ah islamarkaasina wiiqaya hannaanka dawladnimo. Waxaa la isla gartay in lakala saaro kontarabandhistayaasha caadaystay ganacsiga sharci darrrada ah ee abuuraya hugunada iyo sawaxanada lagu kicinayo dareenka bulshada si ay ugu qariyaan ganacsigooda sharci darrada ah iyo tabashooyinka saxda ah ee bulshada danyarta ah, waxaana si guud la iskula qaatay in ahmiyad lasiiyo la dagaalanka koontarabaanka.

Lapa hogaamiye oo danta umadu saaxip ka dhigtay, daacadnimo hawlkarnimo iyo dadaal kadib iyo iskaashigodi, heer gobal. K...
28/02/2024

Lapa hogaamiye oo danta umadu saaxip ka dhigtay, daacadnimo hawlkarnimo iyo dadaal kadib iyo iskaashigodi, heer gobal. Kaso bilaabmay, udalacayna heer deegan 2wasiir oo hormuud ah weye.

Legend horn of Africa 🌍
28/02/2024

Legend horn of Africa 🌍

Xulka Qabribayax ayaa Caawa u dabaaldegay Guusha ay kasoo hooyeen Xulka Dh/Buur.Ma Isleedahay Koobka Sanadkan Waxa laga ...
28/02/2024

Xulka Qabribayax ayaa Caawa u dabaaldegay Guusha ay kasoo hooyeen Xulka Dh/Buur.

Ma Isleedahay Koobka Sanadkan Waxa laga dejindoonaa Ceelka Sigad ee Magaalada Q/Bayax ?

Xaflada Soo dhawaynta  masuuliyiinta cusub ee gobolka faafan iyo sagootinta masuuliyiintii h**e ee gobolka faafan.Xaflad...
28/02/2024

Xaflada Soo dhawaynta masuuliyiinta cusub ee gobolka faafan iyo sagootinta masuuliyiintii h**e ee gobolka faafan.

Xafladan oo ayka soo qayb galeen hogaaminta Degmoyinka gobolka faafan xildhibaano iyo marti Sharad kale ayaa caawa Ka qabsoomtay MCM hotel ee magalada jigjiga waxaana lagu soo dhaweeyey masuuliyiinta cusub ee gobolka faafan oo ugu h**eeyo gudoomiyaha gobolka faafan mudane khadar axmednuur iyo madaxa arimaha xisbiga gobolka faafan mudane maxamed Yusuf xuseen.

Sido kale waxaa lagu sagootiyey munaasibadan masuuliyiintii h**e ee gobolka faafan oo ugu h**eeyo gudoomiye h**e ahna wasiirka xafiiska ganacsiga iyo gaadiidka DDS mudane cabdi xakiin sheekh xasan, madaxa xafiiska xisbiga barwaaqo ee gobolka faafan ahna wasiirka xafiiska Arimaha bulshada DDS mudane maxamed aadan daahir iyo madaxii h**e ee arimaha xisbiga barwaaqo ahna mareeye Ku xigeenka wakalada xulka abuurka beeraha DDS marwo kawsar cabdulaahi keenadiid.

Xafladan oo ahayd mid si heer sar ah loo soo agaasimay dardaaran mahadnaq iyo duco ah kadib hogaaminta ayaa uga mahad celiyey masuuliyiintii h**e ee gobolka faafan muddadii ay jogeen gobolka waxqabadkii iyo horumarka Ka qabsoomtay gobolka masuuliyada culus ee hada loo igmaday Alle uga baryey inuu ku asturo, Sido kale soo dhaweeyey hogaaminta cusub ee gobolka faafan ugu duceeyey inuu Alle Ku asturo xilka loo igmaday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ...
28/02/2024

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.
Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha 6aad ee arrimaha deegaanka iyo isbedelka Cimilada oo Maalinta Berrito ah ka furmaya Nairobi.

Si Xarago Leh Ku Bixi Biilasha AdigooIsticmaalaya Mobile Bank“Habka lacag diristu waa mid aad u fudud marka aad isticmaa...
28/02/2024

Si Xarago Leh Ku Bixi Biilasha Adigoo
Isticmaalaya Mobile Bank

“Habka lacag diristu waa mid aad u fudud marka aad isticmaalayso shabelle bank app”

“lacagtaada ku maamulo mobile bank”

Ku dooro Shabelle bank

Address

Jigjiga
Jigjiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Dhiiri geliye Media posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Dhiiri geliye Media:

Videos

Share